-
Content Count
213,994 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa beddeshay siyaasaddeedii ku aadaneyd deegaameynta Israel ay ka waddo dhulka Daanta Gaalbeed ee ay ka haysato Falastiiniyiinta, waxaana ay sheegtay in deegaameyntaas aysan ka hor-imaneyn xeerarka caalamiga ah. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in maqaamka Daanta Galbeed uu yahay mid u yaalla in Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay ka doodaan. Deegaameynta Daanta Galbeed ayaa ah kuwa ay Israel wadday tan iyo sanaddii 1967-kii markaas oo ay ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe. Waxay muddo ahaayeen isha muranka Israel, beesha caalamka, iyo Faalastiiniyiinta. “Kadib markii aan muddo darasnay dhammaan dhinacyada muranka sharciga. Dowladda Mareykenka waxay go’aansatay in aas-aaska deegaanadda rayidka Israel ee Daanta Galbeed aysan ka hor-imaneyn xeerarka caalamiga ah,” ayuu Pompeo u sheegay weriyayaasha. “In deegaanadaas loogu yeero kuwa aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah ma shaqeyn, sarena uma aysan qaadin nabad raadintii.” Ayuu sii raaciyey. Warka kasoo baxay Pompeo ayaa beddelaya siyaasad soo jirtay muddo 40 sano ah oo Mareykanka uu ku aaminsanaa in deegaameyntaas ay yihiin sharci-darro. Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa soo dhoweeyey go’aanka dowladda Mareykanka, isaga oo sheegay in is-beddelka siyaasadeed ee Mareykanka uu saxayo “qalad taariikhi ah.” Dhinaca kale, wada-xaajoodaha sare ee Falastiin Saeb Erekat ayaa go’aanka Mareykanka ku qeexay mid halis ku ah “xasiloonida, nabadda iyo ammaanka caalamka,” islamarkaana uu sharciga caalamiga ah ku beddelayo “sharciga hawdka.” caasimada@live.com
-
Xaggeebuu Soomaaliya ka soo galaa hubka sharci darrada ah? Qaramada Midoobeey ayaa dhawaan muddo sanad ah ku kordhisay cunna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Warbixin ay gudbiyeen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobeey oo baaritaan ku sameeyay cunna-qabateynta hubka ayaa sheegay “in marar kala duwan la jebiyay cunaqabateynta”, uuna Soomaaliya “galo hub sharci darro ah”. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka ee Soomaaliya oo ay uga jawaabeyso warbixinta oo ka hadleysa arrimo kala duwan. Sidoo kale Maamulka Puntland kama aysan hadlin “hubka la sheegay in dhankaas uu Soomaaliya ka soo galo”. Hubka Dowladda Federaalka ee gacanta u galay kooxaha ka ganacsada hubka Bishii Agoots ee sanadkan, koox khubaro ah ayaa diiwan geliyay hub dhan 38 qori, kuwaas oo lagu iibinayay suuqa hubka madow ee kooxaha hubka ka ganacsada, kuwaas oo leh sumada hubka ay dowladda la soo degtay. Kooxda khubarada ee Qaramada Midoobay waxaa kale oo ay dabagaleen qaar kamid ah hub lahaa sumadda dowladda oo ay la soo degtay Sabtemabr, 2014-kii, Juun 2017-ka iyo July 2017-kii. 93 kamid ah bastooladaha ay la soo degtay dowladda federaalka ayaa waxaa ka muuqatay cadeymo muujinaya in la isku dayay in laga fujiyo sumadda dowladda, tallaabadaas oo ah middii ugu horeesay ee ay arkaan khubarada. Cadeymo ay khubarada ka heleen saddex qof oo ka ganacsada hubka waxaa ay xaqiijiyeen in hubka dowladda ay ” iibsadaan saraakiil sare iyo kuwa xilal hoose ka haya ciidanka dowladda”. Hubka militariga ee gacanta u gala Al Shabaab Kooxda khubarada Qaramada Midoobay waxay diwaangeliyeen hub ay Al Shabaab kala wareegtay dowladda, hubkaas oo ay ka mid yihiin qoryo, rasaas, baabuur iyo basuukayaal iyo baaburta gaashaaman ee Dowladda. Bastooladda nooca loo yaqaanno Luger pistol oo ay Dowladda Federaalka soo iibsatay sanadkii 2014-ka ayaa waxaa ay khubarada shegeen in Al shabaab ay u adeegsatay dilka booliska Dowladda 27-kii Jnaayo ee sanadkan. Al Shabaab ayay sidoo kale Qaramada Midoobay sheegtay in ay gacanta ku dhigtay babaur milatreri, lidka diyaaradaha iyo rasaas fara badan mudo laba asbuuc gudahood oo ay weerar ku qaadeen saldhigyada Dowladda ee El Salini, Shabeelaha hoose, Moqokori ee gobolka Hiiraan, dagaaladaas oo ay Qamara Midoobay shegtay in ay dhaceen 22 Sabtemabr ee sanadkan 2019 iyo1-da Juun ee 2018. Hubka sharci darrada ah ee ku qulqulaya Soomaaliya “Puntland“: Warbixinta waxaa lagu xusay in “Puntland ay weli tahay meesha uu Soomaaliya ka soo galo hubka sharci darrada ah”. “Hubkan sida caadiga ah waxaa lagu soo qaadaa doomo yaryar oo ka yimaada yaman.” 4-tii bishii March ee 2019, doomo hub iyo rasaas siday ayaa gaaray xeebaha Puntland ee u dhexeeya Boosaaso iyo Qandala”, ayey tiri warbixinta. Khubarada Qaramada midoobeey ee qaabilsan cunna-qabateynta hubka waxay sheegeen in ay “sii wadayaan baaritaanka ku saabsan xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeya dullaaliinta hubka ee Puntland iyo kuwa ka soo iibiya ee Yaman ku sugan”. In dalalka ay u hogaansamaan xayiraadda hubka Hubka iyo rasaasta laga keeno Itoobiya Khubarada waxaa kale oo ay shegeen in ay heleen cadeymo muujinaya in shirkadda sameysa birta, kana shaqeyso hawlaha injinernimada, sidoo kalena soo saarta hubka oo ay leedahay Dowladda Itoobiya, ay tobankii sano ee aynu soo dhaafnay ku xadgudubtay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Khubarada ayaa waxaa kale oo ay shegeen in ay la kulmeen madaxda saree e shirkadda, 4-tii bishii April ee sanadkan, ayna isla eegeen waraaqo muujinaya hub iyo rasaas ay leedahay shirkada oo la geeyay gudaha Soomaaliya, gaarh ahaan degmooyinka. Mas’uuliyiinta waxaa kale oo ay shegeen in aysan ahayn ku tala gal ah in ku xadgudbaan cunaqabateynta hubka, balse Somaliland iyo Puntland ay u arkaan “dalal madaxbanaan”. Bishii Nofembar ee sannadkii 2018-ka, Dowladda Federaalka ee Itoobiya ayaa xirtay tobanaa shaqaale oo ka tirsan shirkadaas hubka soo saarta, kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuq. Waxaa ay khubarada intaa ku dareen in bishii Febraayo ee sanadkan 2019-ka aysna wax hub ah geynin Soomaaliya, wixii intaa ka dambeeyana shirkadda la hoos geeyay wasaaradda difaaca ee dalka Itoobiya. Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Sadarka 6aad ee qaraarka golaha ammaanka ee Qraamad midoobay oo tirsigiisu yahay 2182 soona baxay sannadkii 2014-ka ayaa looga codsaday hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya in ay diiwaangeliyaan oo ay meel ku ogaadaan dhamaan qalabka ee loo keeno, taas oo qeyb ka ah hawlgalka wax iska caabinta iyo in ay fududeeyaan kormeerka kooxda la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eretria, kahor inta aanan hubkaas la geynin gudaha Soomaaliya ama aanan la burburiin. Khubaradan Qaramada midoobeey ayaa dalbaday macluumaadka la xiriira lix jeer oo Al-Shabaab ay hub ka qabsatay iyo rasaas shanti sano ee la soo dhaafay. Inkastoo ay muujiyeen in ay iskaashi kala sameyn doonaan ayaa haddanaa warbixinta waxaa lagu shegay in ay la wadaageen macluumaadka mid ka mid ah weerarrad hubka lagag furtay. Waxaa sidoo kale AMISOM laga dalbaday in ay hirgeliso wajibka arrintan ka saaran, oo ay ka mid tahay in dhamaan saldhigyadood ay geeyaan buugaag lagu diiwaangeliyo hubka Inkastoo buugaagtaas la geeyay xarun walba oo AMISOM ah, hadana kooxda waxay sheegtay in aanan lagu qorin macluumaadkii loo bahnaa. Khubaradan UN-ka waxaa kale oo ay shegeen in ay fahamsan yihiin in siyaasad qabyo qoraal ah oo ku saabsna hubka ay AMISOM ka soo furato kooxaha kale haatan uu sugayo in ay meel mariyaan Midowga Afrika. Isweydaarsiga xogta ee AMISOM dhexdeeda oo la wanaajiyo ayaa warbixinta lagu sheegay in ay sare u qaadeyso awooda ay kooxad khubarada u leedahay halka ay ka yimaadaan hubka iyo qalabka gacanta ugu jira Al Shabaab, sidoo kalena waxay kooxda ka caawineysaa soo jeedinta ay u gudbinayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku aadan sidii loo yareyn lahaa helitaanka Al-Shabaab ee hubka iyo wixii la midka ah. Saldhiga milateri ee Imaraatka uu ku leeyahay Berbera Warbixinnadii 2017 iyo 2018 ee Kooxda lasocodka xayiraadda hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, waxaa lagu sheegay: “dhismaha saldhigga militari ee Imaaraatka uu ka dhisanayo berbera in uu carqalad ku yahay cuna-qabateynta hubka”. Guddiga khubarada ah “wuxuu ogaaday in Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta uu si joogto ah u diiday in uu jawaab wax ku ool ah ka bixiyo su’aalihii Korjoogtada Qaramada Midoobey ay ku dalbadeen macluumaadka dhabta ah ee qalabka la geeyay iyo qandaraaska maamulka saldhigga”. Guddiga oo sheegay in ay booqdeen Somaliland, bishii February ee 2019, waxay tilmaameen in “la diiday dalalbkoodii ahaa in saldhigga ay tagaan”. Muuqaallo dayax-gacmeed oo la qaaday bishii September ee 2018 iyo bishii August ee 2019, waxay muujiyaan in dhismaha saldhigga militari uu si aan cadi ahayn ku socdo, sida dhameystirka waddada diyaaradaha iyo dib u habeynta qalabka difaaca. Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, weli kama aysan halin warbixintan Golaha Amniga loo gudbiyay ee ka hadleysa cunna-qabateynta hubka ee Soomaaliya. Qaran News
-
Seattle (Caasimada Online) – Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa Olole loogu gurmanayey dadka ay saameyeen fatahaaddu ee ay ku abaabulaysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka waxa ay gaarsiisay magaalada Seattle Washington ee waddanka Maraykanka. Marwada dalka oo hadal ka jeedisay kulan ballaaran oo Jaaliyaddu ay soo qaban qaabiyeen oo ku saabsan howlaha gurmadka ayaa uga warbixisay dadaalada gurmadka ah ee ka socda gudaha wadanka ee ay iska kaashanayaan hey’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. “Soomaalidu waa dad dun fiican, deeqsina ah, diinteenna suubban ayaana noo tilmaameysa in xaqa iyo samafalka loo tartamo iyo in dan-yarta loo naxariisto. Midnimo aan muujinno markii culeys nagu dhaco, waxaan rajeynayaa in aan uruurinno dhaqaale wax tari kara dadka fatahaaddu saameysay”. Marwo Seynab ayaa dul tilmaamtay doorka muhiimka ah ee ay tahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka ay ka qaataan u gurmadka walaalahood. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Seattle ayaa soo ururiyey lacag dhan $137,749 (boqol soddon iyo toddobo kun, toddobo boqol afartan iyo sagaal doolar) iyadoo horey ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus ay soo ururiyeen lacag gaareysa $137,000 (boqol soddon iyo toddobo kun oo doolar) Marwo Saynab Cabdi Macalin ayaa maalmaha soo socda gaari doonto haddii, Alle idmo, magaalooyinka kale ee Mareynka si ay olalahan u gaarsiiso Jaaliyadaha Soomaaliyeed oo door muhiim ah ku leh howlaha samata bixinta dadkeenna dhibaataysan.
-
Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa markii u horraysay si rasmiya u shaaciyay in ay la wareegeen degaanka Gacan-maroodi oo ka tirsa degmada Yubbe ee gobolka Sanaag. Qoraal Af-Carabiya oo lagu daabacay warbaahinta SHAHAADA ee taageerta ururkaasi, ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay Axaddii todobaadkan si rasmiya ula wareegeen degaanka Gacan-Maroodi oo qiyaastii 50KM u jirta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Warbixinta oo cinwaan looga dhigay “ Al-shabaab oo qabsatay degaankii ugu horreeyay ee istiraatiijiya oo ka tirsan Somaliland” ayaa lagu soo bandhigay sawirka dagaallamayaasha Al-shabaab oo gudaha u sii galaya degaankaasi. Af-hayeenka dhanka Hawlgallada u qaabilsan Al-shabaab oo lagu magacaabo, Cabdicasiis Abu-Muscab oo warbixintu soo xigatay, ayaa sheegay in Al-shabaab ay si buuxda gacanta ugu hayaan degaanka Gacan-Maroodi ee istiraatiijiga ah. Sidoo kale, wuxuu sheegay in dagaallamayaashooda halkaasi qabsaday ay khudbado u jeediyeen bulshada degaanka, isagoo xusay in ay tahay markii u horraysay ee ay qabsadaan degaan ka tirsan Somaliland. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo shaacisay in ay si rasmiya ula wareegeen degaanka Gacan-maroodi ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye-(Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ku toogtay madaxii Kastamka Maaliyadda ee maamulka degmada Afgooye . Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nuur Faarax Nuur (Nuur Xawaad) walina ma cadda ciidanka uu ka tirsanaa askariga toogtay iyo sababta uu u dilay, balse masuul horay uga tirsanaa jiray maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa Caasimada Online u sheegay in askariga dilka geystay uu ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee guddomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Najax. Dilka madaxii Kastamka maaliyadda maamulka degmada Afgooye ayaa ka dhacay Bar koontorool oo ku taalla bartamaha degmada Afgooye, gaar ahaan halka loo yaqaanno Baar-Ismaaciil. Int a la ogyahay waa dilkii labaad oo xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana isla xalay magaalada lagu dilay mid ka mid ah Ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee laga soo doortay deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed, walina ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuumkaas oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed. Caasimada@live.com
-
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda waddanka Kuweyt Khaalid Jaarallah ayaa sheegay in ay dhaceen shirar heer Wasiir ah oo u dhexeeya wadamada Khaliijka qaarkood, lagana wada hadlay sidii loo soo afmeeri lahaa go’doominta siyaasadeed ee la saaray dalka Qatar. Wadamada Sucuudiga, Masar, Imaaraat-ka iyo Baxrayn ayaa aqbalay inay ka qaybgalaan cayaaraha Qaramada Khaliijka oo 24-ta bishan ka furmaya dalka Qatar, taas oo ah calaamad muujinaysa isu soo dhawaansho xagga diblomaasiyadda ah. Shirkii golaha iskaashiga wadamada Khaliijka oo isna aan la cayimin waqtiga la qabanayo ayaa la doonayaa in dib boorka looga jafo, si loo soo celiyo xiriirkii wadamada Carabta. Bartamihii sanadkii 2017-da ayay wadamada Sucuudiga, Masar, Imaaraat-ka iyo Baxrayn waxay go’doomin dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo siyaasadda oo cir iyo dhul ah ku soo rogeen Qatar oo ay ku eedeeyeen inay ganacan siiso ururo xagjir ah. Balse Qatar oo eedayntaas beenisay ayaa qaaday tallaabooyin ay ku xoojinayso isku filnaashaheeda dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah, waxaana ay taageero ka heshay wadamo uu Turkigu ka mid yahay. PUNTLAND POST The post Kuweyt oo sheegtay in xal loo raadinayo Khilaafka Qatar iyo Xulafada Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
-
Mudanayaasha Golaha Wakiilada dowladda Puntland, ayaa lagu wadaa in ay Talaadada maanta ah ansixiyaan, odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka. Odoroska Miisaaniyadda 2020-ka oo dhan $ 346,416,158.99 malyan oo Dollar, ayaa waxaa shalay ansixiyay Golaha Wasiirada Puntland, kadib markii ay soo gudbisay wasaaaradda Maaliyadda. Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi oo faahfaahin ka bixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka, ayaa sheegay in lagu saleeyey baahiyaha as’aasiga ah iyo sida ay u kala mudan yihiin, iyadoo lagu xisaabtamayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaada la heli karo. Miisaaniyadan oo ah tii ugu badneyd ee ay soo gudbiso wasaaradda Maaliyadda Puntland, waxa ka dhex muuqda lacago loo qoondeeyay hawlaha horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garowe -Bosaaso, sidoo kale waxaa kamida dhismayaasha ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo sugidda Amniga. PUNTLAND POST The post Mudanayaasha Golaha Wakiilada Puntland oo maanta ansixinaya Miisaaniyadda dowladda appeared first on Puntland Post.
-
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka socday Madasha la baxday Xisbiyada Qaranka ee ka dhisan XAMAR ayaa la sheegay in ay xalay kulan gaar ah ku yeesheen magaalada Mudisho. Kulanka labada dhinac oo ay kala hoggaaminayeen Xog-hayaha guud ee Madasha la baxday Xisbiyada Qaranka Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sida la xaqiijiyay waxaa looga hadlay diyaarinta Ajandayaasha kulan la sheegay in uu maalinta berriya dhexmari doono madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii isaga ka horreeyay ee Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh Maxamuud. Kulankan ayaa daba-socday wada-hadal ay dhowaan magaalada Muqdisho ku yeesheen Taliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed kaasi oo ku soo beegmay maalmo yar kadib markii Sheikh Shariif uu hanjabaad kulul hawada u mariyay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay xad-gudub ku samyaysay shuruucda iyo Dastuurka dalka. Fahad Yaasiin ayaa la sheegay in uu Sheikh Shariif ka codsaday in uu la kulmo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si ay uga wada-hadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka ka aloosan iyo arrimaha doorashooyinka soo socda oo ay walaac ka muujinayaan xisbiyada Mucaaradka ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii ka horreeyay oo la sheegay in ay shir yeelan doonaan appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland: Waddani Threatens To Demonstrate, Govt. Bans It & Arrest Senior Party Officials Somaliland’s main opposition party, Waddani, has called for a demonstration in Hargeisa by it’s supporters on Monday, November, 18th, which the government has banned. The Somaliland Police Commissioner, Brig. General, Mohamed Aden Saqadhi, in a press conference, declared that the proposed demonstration by Waddani supporters is an illegal one. The Commissioner stated that, whilst public demonstrations are permitted under the Somaliland constitution, would be participants need to advise the municipality and the law enforcement agency before preceding with their protests. Any other gathering which could lead to violence is considered a public order offence. Meanwhile, the Waddani party insist that the demonstration will take place on Monday, and according to sources, two senior party officials, the Secretary-General, Khadar Hussien Abdi and the party spokesperson, Barkhad Jama Batun have been placed under arrest for calling their supporters to protest. The demonstration had been called by the Waddani chair, Abdirahman Mohamed Abdillahi, “Cirro”, to oppose the recent decision by the Somaliland House of Representative to approve the new National Elections Commission, (NEC). Somaliland’s opposition parties, Waddani and UCID, have rejected the new commission, mainly due to the nominations made by President Muse Bihi Abdi, and in particular that of a Kulmiye party member and former minister, Abdirashid Mohamud Ali, “Riyo Raac”. The opposition parties argue that new commission member, Abdirashid Mohamud Ali’s appointment is illegal and contravenes the constitution. The administration argues otherwise. Sources also confirm that the Waddani HQ in eastern Hargeisa has been cordoned off by the Police, and only those people working there have been given access to the building. Qaran News
-
Somaliland: Waddani Threatens Demonstration, Govt. Bans & Arrest Senior Officials Somaliland’s main opposition party, Waddani, has called for a demonstration in Hargeisa by it’s supporters on Monday, November, 18th, which the government has banned. The new Somaliland Police Commissioner, Brig. General, Mohamed Aden, in a press conference, declared that the proposed demonstration by Waddani supporters is an illegal one. The Commissioner stated that, whilst public demonstrations are permitted under the Somaliland constitution, would be participants need to advise the municipality and the law enforcement agency before preceding with their protests. Any other gathering which could lead to violence is considered a public order offence. Meanwhile, the Waddani party insist that the demonstration will take place on Monday, and according to sources, two senior party officials, the Secretary-General, Khadar Hussien Abdi and the party spokesperson, Barkhad Jama Batun have been placed under arrest. The demonstration had been called by the Waddani chair, Abdirahman Mohamed Abdillahi, “Cirro”, to protest the recent decision by the Somaliland House of Representative to approve the new National Elections Commission, (NEC). Somaliland’s opposition parties, Waddani and UCID, have rejected the new commission, mainly due to the nominations made by President Muse Bihi Abdi, and in particular that of a Kulmiye party member and former minister, Abdirashid Mohamud Ali, “Riyo Raac”. The opposition parties argue that new commission member, Abdirashid Mohamud Ali’s appointment is illegal and contravenes the constitution. The administration argues otherwise. Sources also confirm that the Waddani HQ in eastern Hargeisa has been cordoned off by the Police, and only those people working there have been given access to the building. Qarannews Sent from my iPad Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhaxeeya xubno ka kala socda Madasha Xisbiyada Qaran iyo dowladda Soomaaliya ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay xubno ku dhow kulanka u sheegeen Caasimada Online. Kulankan ayaa gogol xaar u ahaa kulan la filayo inay maalinta arbacada ah magaalada Muqdisho ku yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Shariif Sheekh Axmed. Sida aan xogta ku helnay, waxaa kulanka ka qeyb-galay xubno matalaya Madasha oo uu hoggaaminayey Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ah Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiyada Qaran iyo agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin. Fahad ayaa horey u billaabay wada-hadallada labada dhinac kadib markii uu dhammaadkii toddobaadkii tagay Muqdisho kula kulmay Shariif Sheekh Axmed, oo ah hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran. Kulankaas ayaa looga hadlay xiisaddii dhowaanahan ka dhex taagneyd dowladda iyo Shariifka taasi oo xoogeysatay toddobaadkii tagay markii madaxweynihii hore lagu xanibay garoonka Muqdisho isaga oo kusii jeeda magaalada Beledweyne. Waxa ugu weyn ee kulankan caawa looga hadlayaa ayaa ah dejinta ajendaha kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Shariif, arrimaha doorashooyinka, ilaalinta sharciga, iyo khiaaflka dowladda iyo dowlad goboleedyada. Labada dhinac ayaa u muuqda kuwo isku dayaya inay abuuraan jawi xasilloon oo sababi kara isu soo dhowaansho, is faham laga gaaro dhinaca doorashooyinka iyo dejinta xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay xayiraadii todobaadkii hore la saaray Madaxda Madasha. Sheekh Shariif ayaa hadda ku sugan magaalada Naiorbi, waxaana la filayaa inuu Muqdisho kusoo laabto berri, isaga oo Arbacadna la kulmaya madaxweyne Farmaajo. caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ururka Jaamacadda carabta aya soo dhaweeyay heshiiskii ay wadda gaareen madaxweyne mohamed Abdullaahi Farmaajo iyo uhuru Kenyatta kaas oo ku saabsana soo celinta xiriirka labadda dal. Qoraal lagu daabacay bogga rasmiga ee jaamacadda carabta aya lagu yiri “ Xoghaynta Ururka ayaa amaaney doorka hogaamineed ee ay ka ciyaareen Madaxweyne Mohammad Abdullah Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta sidii loo gaari lahaa heshiiskan iyo talaabooyinka labada dhinac ay ka fulinayaan labada dal ee deriska ah.” Dhanka kale, Dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee bahwadaagta la ah dalka Soomaaliya sida AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany,IGAD, Italy,OIC, Sweden, Turkey, Uganda, UNSOM iyo Maraykanka ayaa dhankooda soo dhoweeyay heshiiskii ay madaxda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ku gaareen caasimada dalka Kenya ee Nairobi. Beesha Caalamka ayaa rajo weyn ka muujisay in la hirgelin doono qodobada ay ku heshiiyeen labada madaxweyne kuwaasoo sii xoojinaya xiriirka labada dal. View the full article
-
Around 10 people were reported to have been killed and four wounded in fresh fighting erupted in Diinsoor town, located in Somalia’s southern Baay region on Monday. Local residents said the battle flared up between Southwest State troops and soldiers loyal to former district commissioner who is resisting a dismissal from the office by authorities. The combat has raged for several hours and both sides exchanged heavy and light weapons which could be heard across the former Al-Shabaab bastion. The security forces of Southwest State managed to handle the security and pushed back the DC’s loyalists who are reportedly regrouping outside for possible attack. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa caawa togasho ku dilay nin ku hubeysnaa Bistoolad. Dilka ruuxaas oo la sheegay in uu ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka looyaqaano Siligga Ameerikaanka oo u dhaw daarta Sey-biyaano. Ciidamada ayaa ka shakiyay ninkaas ku hubeysnaa bistooladda waxayna ku amreen inuu istaago, balse waxa uu isku dayay inuu ka baxsado, intaas kadib rasaas ay ku fureen ayaa waxaa ka soo gaaray dhaawac uma uusan istaagin oo waxa uu ku dhex dhuuntay gaari Bus ah/Caasi oo ay la socdeen dad rakaab ah. Ciidamada ayaa uga daba tagay gaariga uu ku dhuuntay iyagoo oo halkaas ku dilay, waxayna ka heleen bistoolad uu ku hubaysnaa. Wali lama ogaan cidda uu ka tirsanaa ruuxsaan la dilay, mana jirto cid aqoonsatay meydkiisa oo muddo yaalay halka lagu dilay oo ah kasoo horjeedka Siligga Ameerikaanka ama beerta Qaadka. Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay toogasho ku dilay qaarna nolosha ku qabtay dhalinyaro ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo xilliyadaas dilal ka geysanayay magaalada Muqdisho. Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online) – Dabley hubeysan ayaa caawa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ku dishay mid ka mid ah Ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee lagu soo doortay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Dhuun, waxuuna u geeriyooday rasaas ay la dhaceen koox dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bistoolado salaadii makhrib kadib. Dableyda dilka u geysatay marxuumka oo tiradooda lagu sheegay laba ruux ayaa goobta is kaga baxsatay, sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ahaa xilliga uu dilku dhacayay. Ciidamada ammaanka degmada Afgooye ayaa caawa xaafadaha kala duwan ee magaalada ka wada baaritaano ay ku doonayaan inay gacanta ku soo dhigaan dableydii dilkaas geysatay. Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuumkaas ka tirsanaa ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa horay dhowr jeer degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ugu dilay xubno u badnaa odayaal dhaqan oo ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada@live.com
-
Golaha ayaa cod gacan-taaga ku ansixiyay odoroska Miisaaniyada Golaha Wasiirada Puntland ayaa caawa oo Isniin ah ansixiyay oroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka. Oroska Miisaaniyadda 2020-ka oo dhan $ 346,416,158.99 malyan oo Dollar, ayaa waxaa Golaha u gudbisay wasaaaradda Maaliyadda dowladda Puntland. Kulanka Gollaha Wasiirada waxaa shir gudoomiyay madaxweyne, Saciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan iyo xubnaha Wasiirada. Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi oo faahfaahin ka bixiyay oroska Miisaaniyadda 2020-ka, ayaa sheegay lagu saleeyey baahiyaha as’aasiga ah iyo sida ay u kala mudan yihiin iyadoo lagu xisaabtamaayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaad la heli karo. Odoroska Miisaaniyada 2020-ka, waxaa ka dhex muuqda lacago la sheegay in loo qoondeeyay hawlaha horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garowe -Bosaaso, sidoo kale waxaa kamida dhismayaasha ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo kor u qaadista Amniga. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay oroska Miisaaniyadda 2020-ka appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in halkaasi caawa fiidkii lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan nabad-sugidda. Warar aanu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in la dilay Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi oo ahaa taliyihii nabad-sugida iyo sirdoonka gobolka Mudug ee maamulka Puntland. Si gaar ah dilka wuxuu uga dhacay Xaafad lagu magacaabo Suuq Barwaaqo. Taliyihii Nabad-sugidda Gobalka Mudug, Col Xaashi Aada Cilmi ayaa kooxo ku hubaysan bastoolado waxa ay Ku dileen dhanka Waqooyi ee Gaalkacyo. Taliyaha ayaa lagu dilay Gurigiisa meel aan ka fogayn ka hor salaaddi maqrib. Gobjogayaal ayaa xaqiijiyay in kooxihii dilka gaystay ay baxsadeen. Xarakadda Al-Shabaab ayaa warar ay ku faafisay baraheeda internet-ka ku sheegatay mas’uuliyadda falkaan dilka ah. View the full article
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug waxaa caawa lagu dilay Taliyihii Nabad Sugidda gobolka Mudug. Koox bistooladu ku hubeysam ayaa caawa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku weerartay Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi oo ahaa taliyihii nabad-sugida iyo sirdoonka gobolka Mudug ee maamulka Puntland. Dilka taliyaha ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafadda Suuq Barwaaqo ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Kooxdii hubaysneed ee dilka u geysatay Taliyaha ayaa goobta is kaga baxsatay, waxaana mas’uuliyadda dilkaas durba sheegtay Ururka Al-Shabaab. Taliyaha ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa meel aan sidaas uga fogayn guriga uu ka deganaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Goobjogayaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in xilliga la dilayay Marxuumka uu isku diyaarinayay inuu aado masaajid u dhawaa, maadaama la isku diyaarinayay salaadda Makhrib oo xilligaas la gelayay. Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-habeen-18112019.mp3 View the full article
-
Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in halkaasi fiidnimadii caawa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Nabad-Sugidda Puntland. Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi oo ahaa Taliyihii ah Nabad-sugida iyo Sirdoonka gobolka Mudug ee dowladda Puntland ayaa lagu dilay xaafadda Suuq Barwaaqo ee waqooyiga Gaalkacyo. Goob-joogayaal ku sugan gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa laga soo xigtay in dilka Taliyahay ay fuliyeen laba nin oo bistoolado ku hubaysan kuwaasi oo goobta isaga cararay. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa qoraal ay ku faafiyeen warbaahinta taageertay waxay ku sheegteen mas’uuliyadda dilka loo gaystay Taliyihii ah Nabad-sugida iyo Sirdoonka gobolka Mudug ee dowladda Puntland Gaashaanle Sare Xaashi Aadan. PUNTLAND POST The post Puntland: Taliyihii Nabad-sugidda iyo Sirdoonka gobolka Mudug oo la dilay appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Saaxil Oo La Xidhay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa goor-dhawayd xabsiga u taxaabtay Gudoomiyaha xisbiga WADDANI ee Gobolka Saaxil Sheekh Saleebaan Siciid Cali. Guddoomiye Saleebaan Siciid iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa maanta kulan warbaahineed ku qabtay magaalada Berbera waxaanay taageerayaasha xisbiga WADDANI ugu baaqeen inay maalinta barri ah iska soo xaadiriyaan xarunta xisbigooda. Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ay laamaha amniga iyo xukuumadda ka soo saartay xadhiga mas’uulkan, balse waxa Somalilandtoday u xaqiijiyay xadhiga mas’uul sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI. Waa mas’uulkii saddexaad ee ka tirsan xisbiga KULMIYE ee ay xukuumadda xabsiga u taxaabto 24 saacadood ee ugu dambeeyay, waxaana xalay la xidhay illaa haddana xidhan xoghayihii guud ee afhayeenkii guud ee xisbiga iyada maantaba loo dhaaciyay xabsiga Mandheera. Wixii warar ee ka soo kordha kala soco Somalilandtoday.Com Source
-
Popular Contributors
