-
Content Count
213,996 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)-Taliyaha ciidammada booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed, ayaa sheegay in ay gal dacwadeed ka fureen laanta dambi baadhista ee Muqdisho si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo dilka loo geystay marxuumad Almas Elman Ali. Cabdi Xasan ayaa sheegay in khubarro iyo saraakiil aqoon durugsan u leh baadhitaannada noocan ah loo diri doono. Almaas ayaa shalay gelinkii dambe lagu dhex dilay xarunta Xalane oo ah goob amaankeeda aad loo ilaaliyo kuna badanyihiin reer galbeedka sidoo kalana ah taliska ugu weyn ee AMISOM. Almaas markii la dilayay waxaa ay ka soo baxday shir ay Midowga Yurub ku qabteen xerada Xalane, waxaana ay dooneysay in ay dib ugu laabato magaalada Nairobi oo ay degantahay. Dilkeeda ayaa hadal heyn badan ka dhex abuuray bulshada waxaana su’aasha ugu weyn ee la is weydiinayo tahay cidda Almaas Elman ku dhex-toogatay xerada Xalane ee aan ilaa hadda lahayn. Booliska Soomaaliya ayaa sii daayay sawirqaade Siciid Fadhaye iyo waardiyii gaadhiga ay la socotay oo muddo lagu xidhay saldhigga Booliska ee garoonka Muqdisho. Source
-
Muqdisho (SMN) – Warar ka laga helayo Deegaanka Muuri oo u dhaw Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Saaka Dadku ay ku Waa Bariisteen Arin Fajac iyo Argagax ku abuurtay kadib markii Halkaasi lagu arkay Labo Nin oo qudha loo dheereeyay ama Qoorta laga Jaray Meydadkooda. Xaalad Cabsi ah ayaa durba dadka soo foodsaartay. Warar Illo ku sugan halkaasi ay soo Wariyeen ayaa sheegaya in Labadaasi Ruux mid Gaari lagala Dagay Midna meesha la keenay Halkaasina isku mar lagu bireeyay. Ilaa iyo Hada lama oga Cida Sidaas samaysay oo Ragaan nolasha u qoonsatay Waxaa kale oo aan la ogayn Cid alaale iyo cid ay yihiin Marxuumiiinta Maydadkooda la helay. Deegaanka Muuro oo Afgooye u dhaw inta badan Alshabaab ayaa weeraro kusoo qaada iyo isla degmada Afgooye. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaal saaka ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho. Iska hor-imaadka ayaa yimid markii dabley la rumeysan yahay in ay Al-Shabaab ka tirsan yihiin weerareen fariisin ciidan. Fariisinka oo ku yaala degaanka Siinka Dheer ayaa waxaaa lagu baaraa gaadiidka soo galaya magaala madaxda dalka. Dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in laysku adeegsaday hub cusub, isla markaana ay jirto dhimasho iyo dhaawac. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha ammaanka Soomaaliya iyo dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab. Shalay ayey ahayd markii duleedka Muqdisho ay isku xabadeeyeen ciidamadda dowladda dhexdooda taas oo dhalisay waxyeelo. View the full article
-
Canada (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau, ayaa wuxuu Axmed Xuseen, u magacaabay wasiirka Horumarinta Bulshadda. Xuseen ayaa wuxuu horey u hayey jagadda Wasiirka Arrimaha Socdaalka, xilkaas oo la sheegay in uu aad uga soo dhalaalay. Jaaliayadda Soomaaliyeed ee waddankaas ayaa ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo dhiibay Axmed oo Xildhibaan ah. Mr Axmed Xuseen ayaa dalka Canada ku galay qaxooti ahaan, waxaana la sheegayaa in uu qaxootiga Afrika albaabada u furay inta uu xilka haye. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-21112019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay Madaxtooyadda kula kulmay qaar kamid ah culimadda Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaalada dalka iyo doorka culimada kaga aadan dagaalka ka dhanka xoogaga Al-Shabaab. Farmaajo ayaa ku booriyey culimadda in ay qaataan kaalin wanaagsan marka ay timaado amniga, nabadda iyo dib u dhigiska. Culimadda ayaa waxay balanqaadeen in ay kaalin fiican cayaari doonan, waxayna tilmaameen in ay dowladda ku garab taaganyihiin dedaaladda ay wado. Shirkaan gaar ah ayaa kusoo aadayaa xili mudada xileedka dowladan uu kaga harsan yahay sanad iyo bilooyin ayna ku mashquulsan tahay fulinta balamadeeda. View the full article
-
Kaamjaroon (Caasimadda Online)- Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu dagaal ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka JUBBADA hoose. Deeganada ay ciidamada la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Kaamjaroon iyo Buulaxaaji oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, sida ay goob joogayaal Sheegeen. Ciidanka Jubbaland waxa ay sheegeen in ay fariisimo ay ka sameysteen degaanada ay ka baxeen Ururka Al-Shabaab, islamarkaana hadda ay ka waddaan howlgallo. Ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay howlgallo ka wadeen degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose. Saraakiil katirsan taliska qeybta 43-aad iyo ururka 5-aad ee Kumaandooska Danab oo howlgalka ka qeyb-qaadanayay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadu ay weli deegaannadaas ku sugan yihiin,iyaga oo aan la kulmin iska cabin xoogan. Waxaa ay sidoo kale sheegeen in howlgalka uu noqon doono mid sii socda ilaa iyo inta deegaannada kale ee Jubbooyinka kaga sugan yihiin laga saaro Ururka Al-Shabaab. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan degaanada ay sheegeen Ciidanka dowladda in ay iskaga baxeen Al-Shabaab kadib dagaal lagu soo qaaday.
-
The economic and political influence of the United Arab Emirates (UAE) has been noticeably growing in the post-Tigray People’s Liberation Front (TPLF) Ethiopia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashada ee Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah. Guddoomiyaha oo wareysi siisay BBC-da ayaa sheegtay in waxa kaliya ee hadda ka hortaagan in guda galaan hanaanka ay ku dhaceyso doorasho qof iyo cod ah ay tahay in barlamaanka uu meel mariyo sharciga doorashada. Waxay sheegtay in haddii sidaas ay dhacdo ay guddiga diyaar u yihiin in bisha Maarso ee sanadka cusub bilaabaan diiwaangelinta cod bixiyeyaasha doorashada qofka iyo codka ah. “Dastuurka kumeel gaarka ahaa waa jiraa, sharciga gudidga doorashada uu ku shaqeynayay waa jiraa, waxaa naga maqan sharciga doorashooyinka oo barlamaanka horyaalla, oo noo madalsan in aan helno bisha Diseemabr, tallaabada xigta waxaa waaye in aan sameyno diiwaangelinta”, ayay tiri Xaliimo Yarey. Somaliland waa gooni. Waxaa jira goobo ay maamusho Al-Shabaab oo dad badan ay ku sugan yihiin, hase yeeshee Xaliimo Yarey ayaa sheegtay qaabka ay doorashada uga dhici doonto dhulka ay maamulaan Al Shabaab iyo Somaliland lagu qeexi doono sharciga doorashada oo haatan horyaalla baarlamaanka. Siyaasiyiinta xisbiyada mucaaradka iyo madax maamul goboleedyada ayaa ku cadaadinaya dowladda inay shaaciso nooca doorashada ee dalka ka dhaceysa, islamarkaana soo bandhigto qorshaha lagu hir-gelinayo.
-
Prime Minister Justin Trudeau has unveiled a reconfigured cabinet that has been expanded with the intent of addressing pressing issues raised during last month’s federal election. With additional emphasis on middle class and regional prosperity and a new approach to representation Source: Hiiraan Online
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and Somali police have held a meeting to discuss ways and strategies to provide adequate security for the upcoming one-person-one-vote elections. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay inay shaqada dib ugu fasaxday labo hay’adood oo ka shaqeeya Warbaahinta, kuwaas oo horay Wasaaraddu uga joojisay howlihii shaqo ee ay ka wadeen dalka. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa sharaxay qaabkii ay ku timid in hay’adahaan shaqada loo ogolaado mar kale, maadaama kal hore laga joojiyay. “Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-11-2019-ka waxaa Wasaaraddu ay dib u fasaxday oo ay dib ugu ogolaatay inay wadanka ka shaqeeyaan labo hay’adood oo lagu kala magacaabo Media INK iyo Perspective media oo shaqada la xiiriirta saxaafadda iyo communication-ka ay Wasaaraddu ka joojisay 12-kii bishan kadib markii ay ku guul dareysteen inay raacaan habraacii ay Wasaaraddu u dajisay dhamaan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha wacyigelinta, saxaafadda iyo communication-ka si loo hubiyo in dhamaantood ay waafaqsanyihiin siyaasadda ay Golaha Wasiirada ansixiyeen ee wacyigelinta Qaranka iyo siyaasadda horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed oo iyana ay Golaha Wasiiradu ansixiyeen Cadaala ayaa hoosta ka xariiqay in labada hay’adood ay buuxiyeen sharuudihii looga baahnaa, isla markaana ay keentay in markale dib loogu ogolaado inay ka howlgalaan gudaha dalka. “Hadaba labada hay’adood markii si buuxda ugu hogaansameen dhamaan sharuudihi laga rabayna ay buuxiyeen, Wasaaradda waxa ay dib ugu ogolaatay inay shaqadooda qabsadaan, kana shaqeeyaan horumarinta saxaafadda iyo wacyigelinta, waxaan runtii anigoo ku hadlaya magaca Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo guud ahaan Wasaaradda waxaan rabaa inaan u mahadcelino dalalka iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha wacyigelinta iyo saxaafadda shaqada wanaagsan ee ay wadanka ka hayaan, iyo dadaalka ay ku garab taaganyihiin Wasaaradda shaqadeeda,”
-
Warbixin ka koobnayd in ka badan 160 bog, oo ay diyaariyeen khubaro Qaramada Midoobeey u qaabilsan arrimaha cunna-qabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa looga hadlay diiwaan gelinta ciidamada Soomaaliya. Waxaa arrintaa lagu tilmamay tallaabo muujineysa in Ciidamada Xoogga Soomaaliya ay AMISOM kala wareegi karaan howlaha nabadgelyada dalka marka la gaaro 2021-ka. Qaybta nabadgelyada Sida lagu qoray warbixin loo gudbiyay Golaha Amniga oo ay diyaariyeen Khubarada qaabilsan cunna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea, waxaa lagu eegay hir gelinta qorshaha ku meel gaadhka Soomaaliya ee la qaatay April 2018, kaas oo ku talagalku yahay in masuuliyadda nabadgelyada lagala wareego AMISOM oo lagu wareejiyo ciidamada nabadgelyada Soomaaliya marka la gaaro 2021, arintaas oo ku beegmi doonta bixitaanka AMISOM. Waxa intaa dheer in qiimeynta howlgalka gobolka ee AMISOM ee la sameeyay muddadii u dhexeysay March 2018 illaa January 2019, in laguna ogaaday in ay jireen 20,000 oo askarta dawlad goboleedyada ah oo aan hoos tagin taliska dawlada federaalka ah iyo dhismeyaasheeda. Warbixintii AMISOM waxa kale oo ay sheegtay in inkasta oo xoogag gobolku ay qaateen tabobarro hadana aanu mushaharka si joogto ah loo siinin oo aanay haysan qalab iyo gaadiidka asaasiga ah. In ciidamada maamul goboleedyada ay qeyb ka noqdaan Hannaanka Qaran ee Nabad Gelyada, wuxuu muhiim u noqon doonaa suuro gelinta bixitaanka AMISOM ee la qorsheeyey. Khubaradu waxay haatan qiimaynayaan in ay suurto gal noqon karto bixitaanka AMISOM ee la filayo 2021. Sida ku taal qoraalada ay gudida u soo bandhigtay dawlada Federaalka ahi waxay dhamays tirtay wejigii koobaad ee diiwaan gelinta ciidanka dabayaaqadii March 2019, taas oo ah tallaabo togan oo xagga nabadgelyada loo qaaday. La taliyaha madaxweyne Farmajo ee dhanka Amnig, Cabdisiciid Muue Cali oo la hadlay BBC Somalu aya yiri: “Sidaad ogtahay ciidamada waxaa loo diiwaangeliyay si casri ah, akoonkooda waa la yaqaanaa, qoriga ay sitaan waa la calaamadeeyay waana la diiwaan geliyay”. Khubaradu waxay derseen diiwaan gelinta saddex qaybood oo ka mid ah ciidanka qaybta 60-aad (Baydhabo), Qaybta 12-ka April (Mudisho), iyo Xerada Janaraal Gordon (Muqdisho), waxaanay is barbar dhigeen qoraallada diiwaan gelinta ee soo gaadhay SEMG oo uu ka muuqdo mushaharka kuwii la diiwaan geliyey illaa February 2019. Lafa gurka arimahaasi wuxu muujiyey in wax ka yar kala badh askarta saddexdaa qaybood (315 ka mid ah 672) la diiwaan geliyey intii hawshaasi socotay. Qaybta 60 (Baydhabo) Bishii March ee sannadkii 2018-kii, taliye ku xigeenka qaybta 60-aad ee ciidanka Soomaaliya ee Baydhabo ayaa siiyey SEMG diiwaan uu ku yaal sida hubka loogu qabiyo iyo lambarka askar tiradoodu tahay 277 askari. Tiradaas 277 askari ee qaybta 60-aad waxa loo qaybiyey hub 53 keliya oo noqonaysa shan meeloodow meel. Askarta ciidanka ayaa ku jiray diiwaanka bishii February 2019. Waxa markaa ay u muuqataa in shan meeloodow afar ka mid ah askarta qaybta 60-aad, waxa la ogaaday in aanay ku jirin diiwaanka oo aanay ka tirsanayn ciidanka. In ay tahay goosasho, dhimasho, dhaawac ama wax kalee ilaa laatan lama helin wax suurto gal ah oo muujinaya sababta xukuumada federaalka Soomaaliya taagero u siin wayday gudida. Qaybta 12-ka April (Muqdisho) 7 August 2018, waxa SEMG la siiyey muunayo laga qaaday qoraallada mushaharka la siiyay Ciidamada Xoogga Dalka, oo ku taariikhaysnaa 2017, oo ay ku jiraan magacyada iyo lambarka 384 askari oo ka tirsan qaybo kala duwan ee ciidanka qaybta 12-a April ee fadhigeedu yahay Muqdisho oo ay ka mid yihiin Birjeex iyo Danab iyo guutada 2-aad iyo 4-aad . Illaa 60 ka mid ah khubaradu waxay garteen in 262 askari oo qiyaastii saddex meeloodow laba wadarta guud ah oo magacyadooda iyo kaararkooda aqoonsigu ku jireen qoraalada lacag bixinta ee ku taariikhaysa February 2019. Lafa gurku waxa uu sidoo kale iftiimiyey farqi weyn oo u dhexeeya askarta la diiwaan geliyey iyo kuwa qoran: Wadarta guud ee saraakiisa (saajin ilaa birigeediyer) oo ay ku jiraan kuwa ku qoran qoraallada 2017 waa 171. 156 ka mid ahi waxay ku jiraan qoraallada mushaarka lagu bixiyey oo markaa ay ka noqonayaan 91 boqolkiiba. 213 ka mid ah askarta qaybta 12-ka April oo darajadoodu gaar tahay ayaa lagu qoray diiwaankii 2017. 106 ka mid ah waxay ku jireen diiwaanka 2019 oo ka dhigan wax ka yar boqolkiiba 50. Xerada Janaraal Gordon (Muqdisho) Warqad ku taariikhaysan 17 May 2018, ayaa la taliyaha ciidamada Soomaaliya ku muujiyey 17 askri oo aan la diiwaan gelin oo kuwo tabobar ku jira loo qoray ay ku jireen xerada Janaraal Gordon. Gudidu maysan helin wax barbar dhigan askarta diiwaan gashan ee ku jira diiwaanka mushaharka lagu bixiyo ee ku taariikhaysan February 2019. Deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ee Guutada Danab ay qabsadeen Sida ay sheegtay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxay dejisay “siyaasado looga guuleysanayo Al-Shabaab dalka oo dhanna ay kula wareegeyso”. La taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweyne Farmaajo wuxuu yiri: “Siyaasaddu waxa ay tahay, dowladaha na taageera waxay badankooda nagu taageersan yihiin la dagaallanka Al-Shabaab iyo in ay raban in dowlad Soomaaliyeed ay soo noqoto. Tiina waxay tahay in dowladda ay waajibaadkeeda ay gudaneyso.” Laga bilaabo May ilaa August sannadkan 2019, AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka, waxay weerar ku qabsadeen tuulooyin istaraataji ah oo ku yaal Shabeellaha Hoose oo ay haysteen Al-Shabaab. Hawl galada nabadgeyo waxaa si buuxda loogu qabsaday tuulooyinka Bariirre, Sabiid, Caanoole iyo Awdheegle oo dhamaantood 50km u jira Muqdisho. Hawlgalladaas waxay matalayeen horumar muuqda oo lagu xajiijinayo nabadgelyada Muqdisho maadaama meelaha la qabsaday ay ahaayeen meelo laga soo galo oo uu soo maro gaadiidka Al-Shabaab u adeegsato daadgureynta dagaalyahannadeeda iyo walxaha qarxa ee Muqdisho lagu wado. Hase yeeshee 14-kii August ee sannadkan, Al-Shabaab waxay qaadeen weerarro abaabulan oo ay la beegsadeen Awdheegle, iyagoo adeegsanaya saddex gaadhi oo walxaha qarxa lagu rakibay, madaafiic iyo askar. Weerarkaa waxa dib u celiyey AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya laakiin saldhigaasi halis ayuu ku jiraa sababta oo ah Al-Shabaab ayaa jooga magaalada u dhaw ee Mubaarak halkaas oo hore loogu aqoonsaday in ay tahay goob lagu soo rakibo walxaha qarxa iyo gaadiidka lagu soo rakibo ee gala Muqdisho. “Ciidamada waxay la dagaallamayaa cadow, shacabka iyo dowladda halis ku ah”, ayuu yiri Cabdisiciid oo madaxweynaha la taliye u ah. Wuxuu hadalka ku daray: “Ujeedada ciidan loo hubeynaayo ma ahan in cid kale lagu dhibaateeyo ee waxaa weeyaan in dalka iyo qarannimada iyo sharafta dadka Soomaalida ah lagu difaco. Ciidanku hadeynaan hubeysnayn oo qalabeysnayn, markaa waxaa la noqonayaa laba ciidan oo isku hub wata. Marka ma ahan nidhaamka caalamiga ah ee dowladnimada”. Guusha mustaqbalka fog ee hawlgallada nabadgelyada Shabeelaha Hoose wuxu ku xidhnaan doonaa kartida dawlada federaalka ay ku samayn karto ciidamo halkaa jilibka ku aasta, iyo in maamul iyo adeega bulshada oo dadka halkaa degan loo fidiyo. Ciidamada Ahlu Sunna ee lagu daray Ciidamada dowladda federaalka Todobaadkii ugu dambeeyey bishii June ee sannadkan 2019, dawladda federaalku waxay shaacisay in koox wayn oo ka tirsan Ahlu Sunna Wal Jamaaca – oo ah Suufiyada taageerada ka helayay Itoobiya oo la aasaasay 1991 isla markaana ah quwad adag oo ka hortagi karta Al-Shabaab – lagu darayo Ciidamada Amniga ee Federaalka. In Ahlu Sunna Wal Jamaaca lagu daro ciidamada federaalku waxay matalaysaa talaabo muhiim ah oo xoogga Soomaaliya kagala wareegi karaan AMISOM masuuliyadda amniga dalka. Guushaas waxay ku xirantahay sida dawlada federaalku u aqbasho dalabka kooxdaas ku doonayso in awoodda mamulka wax laga siiyo iyo dhaqaalaha, iyada oo aan waxba loo dhimin kartida Ahlu Sunna Wal Jamaaca kaga hortagi karto Al-Shabaab ama aan la faquuqin kooxaha kale ee siyaasadeed ee Galmudug. Qorshaha ku meel gaadhka ee ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya 16-kii February 2019-kii, taliyeyaasha milatari ee AMISOM waxay isla meel dhigeen arrimaha hawl gallada sida loo fulinayo iyada oo la raacayo xeerka hawl gallada ee 2018-2021, kaas oo la ansixiyey 26 November 2018-kii, isla markaana uu aqbalay Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, 9 February 2019-kii. Sida uu dhigayo xeerka hawlgallada, AMISOM waxay wadi doontaa bixitaankeeda iyo ku wareejinta masuuliyada ciidamada Soomaaliya mudadaa la cayimay: Akademi milatarioo Muqdisho ku taala ayaa lagu wareejiyey Ciidamada dawlada federaalka ah 28 February 2019. Illaa 500 oo ah ciidamada Burundi oo halkaasi fadhiisin u ahayd ayaa meel kale loo raray. 200 oo ka mid ah waxa la geeyey Maslax oo 20km dhanka bari ka xigta Muqdisho iyo 300 oo Jowhar la geeyey iyo saldhigyada hawlgallada jiida hore ee qaybta 5-aad. Bishii February 2019, qiyaastii 1,000 ciidamada Burundi ah oo fadhigoodu ahaa Hirshabeelle ayaa bilaabay bixitaankoodii qorshaysnaa taas oo waafaqsan shuruudaha ku yaalla faqrada 5-aad ee qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2431 (2018), bixitaankaa waxa la dhamaystiray 5 April 2019. Isha: BBC Somali
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan ayaa ku baraarugsaneen halis weyn oo ka jirta magaalada Muqdisho, taas oo kala heysata ciidamada amaanka iyo wadayaasha gaadiidka gobalka Banaadir. Halistaan ayaa ah mid ka jirta baraha Kontaroolka ee ciidamada ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, waxaana dayacaad lagu eedeeyay masuuliyiinta amniga madaxda ka ah iyo madaxda qaranka. Halista jirta oo ay ogaatay Caasimada Online ayaa ah in ciidamada gaadiidka baara ee ku sugan baraha kontaroolka aysan badanaa laheyn goobo ay ka galaan qoraxda iyo roobka kadibna ay hoos ka raadiyaan meel aysan arki karin gaadiidka markii uu dhaafana ay rasaas ka daba ridaan. “Waxaan soo dhaafay ciidan laamiga dhinac midig ka taagnaa, anigoo laamiga ka leh dhanka bidix, goobtana uma oolin calaamad lagu garto in ay tahay rug ciidan waxaana layga soo daba riday dhowr rasaas ah sida gaari soo fakaday, markii aan u laabtay oo aan u sheegay in aysan joogin waxuu ii tilmaamay in uu hoos ka raadiyay jiingad seedka kale ee laamiga gees ka ah (dhinaca Qorrax kaa soo bax) waxaana u sheegay in aysan sax aheyn laakiin igama yeelin maalin walbana waa dhacdaa sidaan” ayuu yiri masuul ka tirsan shaqaalaha dowladda Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Sidoo kale markii uu roob da’ayo ayaa ciidamada waxay ka tagaan dhanka ay aheyd in ay istaagaan si ay u baaraan gaadiidka magaalada soo galaya, iyagoo tago dhinaca kale ee laamiga mararka qaarna aad uga fogaada waxayna arintaasi sababtaa in gaadiidka orad ku dhaafaan oo rasaas laga daba rido. Xiliyada ugu daran waa duhuradii iyo barqadii xiliga qorrax soo baxeyso oo ay wejiga aad uga qabato ciidamada jidadka taagan. Sidoo kale xiliyada roobka ayaa sidaan oo kale waxay ka dhacdaa Muqdisho waxaana markaas iska hor yimaada ciidan dhafarsan iyo wadayaal gaadiidka aan si fiican u aqoonin waana xiliyada ugu daran oo ay kiisaskaan ka dhacaan Muqdisho. Odayaasha iyo wadayaasha gaadiidka Muqdisho ayaa dowladda ka dalbaday in ay ciidamada u dhisto goobo ay ka galaan qorrax iyo roobka si ay u shaqadooda u wataan shacabkana aysan halis ugu imaanin dhibaatada jirta.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa gal-dacwadeed ka furtay dilkii Muqdisho loogu geystay Almaas Elman. Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed oo goor-dambe oo caawa hadlay ayaa sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan laanta CID ay furtay gal-dacwadeed ay ka qeybgali doonaan saraakiil badan oo khibrad u leh baarista noocaan oo kale ah. Gen. Cabdi Xasan ayaa intaas ku daray in wixii ka soo baxa kiiskaas ay la wadaagi doonaan ummadda Soomaaliyeed dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Dhanka kale Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa tacsi u diray ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Almaas Elman. Allaha u naxariistee Almaas Elman ayaa maanta galinkii dambe gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho xabad ku dhacday ugu geeriyootay. Almaas oo la sheegay in ay la shaqeyneysay xafiiska xiriirka iyo isgaarsiinta ee Midowga Yurub waxaa xabadu ku dhacday xilli ay saarneyd gaarigeeda oo marayay wadada isku xirta Xalane iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho. Marxuumad: Almaas Elman Ma jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay ciidamada AMISOM oo gacanta ku haya amniga xerada Xalane ee lagu toogtay Almaas Elman. Almaas xiliga xabadu ku dhacday waxaa gaariga la saarnaa Said Fadhaye oo ah Wariye madax bannaan, wuxuuna daqiiqado kadib bartiisa Fecebook-ga ku soo qoray in uu ka badbaaday weerar lagu soo qaaday isaga iyo Almaas oo uu sheegay in ay dhabtiisa ku geeriyootay. Said Fadhaye iyo darawalkii gaariga waday ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha Muqdisho, saacado ka dibna waa la siidaayey. Almaas Elman ayey walaalo ahaayeen Ilwad Elman oo ah gabar u ololeysa nabadda, sanadkana ku jirtay dadkii loo sharaxay abaalmarinta Nabadda ee Noble Peace Price. Qoyska Almaas ayaa ka shaqeynta arrimaha xuquuqda aadanaha iyo nabadda ka dhaxlay Aabahooda Elman Cali Axmed oo sanadkii 1996-dii lagu dilay magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Gal-dacwadeed laga furay dilkii Almaas Elman appeared first on Puntland Post.
-
Polls opened at 6am (03:00 GMT) on Wednesday and will close at 6pm (15:00 GMT). Preliminary results are expected on Thursday. The Sidama drive for statehood, which goes back decades, triggered days of deadly clashes in July between activists and security forces after the activists threatened to unilaterally declare a new regional state. The unrest prompted the government to place Ethiopia’s Southern Nations, Nationalities, and Peoples’ Region (SNNPR) under the control of soldiers and federal police. If the referendum passes as expected, the Sidama will control local taxes, education, security and laws in a new self-governing region. Several other groups in the south of the country have already launched plans for self-determination similar to that of the Sidama, who make up about four percent of Ethiopia’s more than 100 million people. Some analysts fear the vote could embolden groups with similar demands and unleash further ethnic violence. “The Sidama referendum will be a big test for Ethiopia’s multinational federalism, on how it can accommodate various self-determination rights and, crucially, what comes after the referendum,” Abebe Aynete, a senior researcher at Ethiopian Foreign Relations Strategic Studies, a local think-tank, told Al Jazeera. Federal system On Wednesday morning, the mood in the regional capital, Hawassa, appeared calm as people formed long queues at polling stations at dawn. Overall, some 2.3 million people have registered to vote. Away from the polling stations, the streets of Hawassa were much quieter than usual, with Wednesday declared a holiday for the vote. Heavily armed police and soldiers patrolled the streets. “The voting process is inclusive, smooth, transparent and exciting,” Fantahun Hatiso told AFP news agency after casting his ballot. “I voted for a decision that I believe will work towards development, peace and personal wellbeing.” The referendum on autonomy springs from a federal system designed to provide widespread ethnic self-rule in a hugely diverse country, Africa’s second-most populous. At present, Ethiopia is partitioned into nine semi-autonomous regional states – with the Sidama voting for a potential tenth. The constitution requires the government to organise a referendum for any ethnic group that wants to form a new entity. The dormant Sidama campaign gained fresh momentum after Prime Minister Abiy Ahmed, winner of this year’s Nobel Peace Prize, took office in 2018 and began introducing a series of political reforms. “I consider witnessing this day as if I was borne again,” Yerusalem Kabiso, who lost her 24-year-old brother in the July clashes, told Reuters news agency. “We lived our whole life under oppression, as a child I remember chopped heads of Sidama people displayed at the market, I will never forget the head of my brother in law.” Aljazeera Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay dilkii Almaas Elman Cali Axmed oo ka tirsaneyd qoyska caanka ah ee reer Elman, taasi oo Arbacadi ku dhex geeriyootay gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ay xabad kula dhacday. Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in dowladda ay si adag u cambaaraynayso “ficilka lagu dilay” Almaas Elman. Almaas ayaa sida la sheegay waxaa ku dhacay xabad, aan illaa iyo hadda la garaneyn halka ay ka timid. “Marxuumad Almaas Elman waxay ahayd gabar da’yar ah oo ka shaqeysa Xuquuqda Aadanaha, islamarkaana aheyd diblumaasi Soomaaliyeed oo kasoo shaqeysay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya.” Dowladda ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan adag oo lagu soo qabanayo, islamarkaana cadaaladda lagu hor gaynayo “cidii ka danbaysay dilka gabadhaas qiimaha badan laheyd.” Almaas ayaa markii xabadda laga soo saaray, waxay noqotay xabad ka mid ah rasaasta ciidamada Amisom, sida ay dad ku sugan Xalane u sheegeen Caasimada Online. Ma cadda haddii xabadda laga dhex riday xarunta Xalane, iyo inay banaanka ka timid. Si kastaba markii ay xabadda ku dhacday waxay saarneyd gaari dhex socday xarunta Xalane, waxaana xabadda ay kaga timid dhinac dambe. Hoos ka aqriso qoraalka dowladda
-
The Sidama have agitated for years to leave the diverse Southern Nations, Nationalities, and Peoples’ Region (AFP Photo/Michael TEWELDE) The Sidama — who number more than three million — have agitated for years to leave the diverse Southern Nations, Nationalities, and Peoples’ Region. Its unofficial flag is green, blue and red. (AFP Photo/Michael TEWELDE) 1 / 2 The Sidama have agitated for years to leave the diverse Southern Nations, Nationalities, and Peoples’ Region The Sidama have agitated for years to leave the diverse Southern Nations, Nationalities, and Peoples’ Region (AFP Photo/Michael TEWELDE) More Addis Ababa (AFP) – Members of Ethiopia’s Sidama ethnic group are expected to vote Wednesday to form a breakaway regional state — a milestone that risks further destabilising the country ahead of next year’s national elections. The Sidama push for statehood already triggered days of unrest in July that left dozens dead and prompted the government to place Ethiopia’s southern region under the control of soldiers and federal police. In Hawassa, the regional capital, some fear a return of those tensions, but resident Cherinet Deguye said the violence will have been worth it if the referendum passes and the Sidama get a state of their own — an outcome analysts believe is likely. “The process leading to the referendum has come with a bitter price with many of our people killed and injured,” Cherinet told AFP last week shortly after registering to vote. “But there is a great deal of excitement and the atmosphere is currently peaceful.” The referendum touches on the issue of autonomy — the bedrock of a federal system designed to provide widespread ethnic self-rule in a hugely diverse country of more than 100 million people. At present, Ethiopia is partitioned into nine semi-autonomous regional states. The constitution requires the government to organise a referendum for any ethnic group that wants to form a new entity. Even if the referendum proceeds smoothly and the result is accepted, it could embolden other groups that have the same goal and inflame broader ethnic tensions. At least 10 other groups have submitted statehood bids in the south. William Davison, senior analyst with International Crisis Group, a conflict analysis and prevention organisation, said the Sidama referendum “does not fit well” with key aspects of the agenda Prime Minister Abiy Ahmed has pursued since taking power last year. These include merging the current ruling coalition of ethno-regional parties into a single political party. – The last flare-up – The Sidama — who number more than three million — have agitated for years to leave the diverse Southern Nations, Nationalities, and Peoples’ Region. The dream gained fresh momentum after Abiy, winner of this year’s Nobel Peace Prize, took office. But Abiy dithered on responding to the Sidama referendum request, and Sidama nationalists vowed to move ahead with a self-declaration of statehood on July 18. The Sidama Liberation Movement, a leading voice for statehood, backed away from self-declaration at the last minute, but that was not enough to stave off protests that devolved into ethnic clashes. Security forces opened fire on protesters in Hawassa and elsewhere, and Sidama youth attacked non-Sidama residents of the region. Local security officials say at least 53 people were killed. Hundreds more were arrested, dozens of whom remain behind bars, according to Sidama activists. How security forces’ respond during and after this week’s vote is a “cause of worry”, said Fisseha Tekle, a researcher with Amnesty International. “If there is violence or unrest are they going to respond in their usual way, with excessive force, or are they going to use proportional force or proportional measures to control the unrest? It’s going to be an issue,” he said. -‘We’re living in fear’- Abiy has spent recent months trying to put a damper on other statehood bids, pleading for patience in meetings with leaders of ethnic groups trying to follow the Sidama example. Meanwhile, the implementation of the Sidama referendum is expected to raise a host of thorny issues. One major sticking point is the status of Hawassa, which the Sidama are eyeing as the capital of their would-be state. The city is ethnically diverse — only about half the population is Sidama — and up to now has served as the administrative centre for the entire southern region. In the short term, tensions over Hawassa may be defused by a recent agreement that will allow the regional government to stay in the city for two five-year election terms. Desalegn Mesa, spokesman for the Sidama Liberation Movement, said members of other ethnic groups in Hawassa “shouldn’t feel threatened” about their security. “Many ethnic minorities have found wealth, made their living and even formed marriage bonds with ethnic Sidamas for decades and this will continue in the future,” he said. But not everyone is convinced. “We’re living in fear. We’re afraid things will not change for the better after the referendum is held,” said Tesfaye, a non-Sidama resident of Hawassa who did not want his full name used for safety reasons. “I’m afraid that if Sidama becomes a regional state what will come next is institutionalised discrimination against ethnic non-Sidamas.” AFP Qaran News
-
PRESS RELEASE Coca-Cola CEO, James Quincey in Africa, Defines Region as Company’s Future Growth Driver Visiting Nigeria and South Africa, Quincey met with business and political leaders as the company scales up investments and looks forward to continued growth on the continent LAGOS, Nigeria, November 20, 2019/ — The Global CEO and Chairman of The Coca-Cola Company (https://www.Coca-ColaCompany.com/), James Quincey culminated a tour of Africa last week. Accompanied by his extended leadership team, the visit was a testament of Coca-Cola’s commitment to Africa and its interest in the vast opportunity that the continent presents in driving the beverage company’s overarching growth strategy over the next decade. Visiting Nigeria and South Africa, Quincey met with business and political leaders as the company scales up investments and looks forward to continued growth on the continent. Key among his engagements was discussions with Africa’s foremost entrepreneur and industrialist Dr Aliko Dangote who stands out as an example of indigenous African investors who are driving growth across the continent. Other engagements included meetings with top executives from Discovery Group, MTN, Unilever and the Johannesburg Stock Exchange, and thought leaders such as Tony Elumelu (Chairman of Heirs Holding), Doyin Salami (Chairman of Nigeria’s Economic Advisory Council) and Fred Swaniker from the Africa Leadership Academy. These engagements provided Quincey and his team with critical insights about Africa’s opportunities. “Having operated in Africa for over 90 years as a local business in every country, we believe Africa is a region that will increasingly influence the growth trajectory of our global businesses in just a few years,” he said. “Together with our bottling partners, we continue to reinforce our stake on the continent by accelerating investments that strengthen and scale our capabilities and expand into new businesses to drive our Total Beverage Company aspiration.” Quincey highlighted a number of positive and encouraging developments across Africa which he described as important foundations for strong economic growth and, if sustained, will fast track the continent’s role as a global growth engine. These include the growing scale of domestic investments by African investors across sectors and the potential of the Africa Continental Free Trade Agreement (AfCFTA). Added to these were Africa’s positive consumer demographics, the infrastructure expansion in many countries, and the growing emphasis on building African talent. “It is clear that Africa is indeed a region that will increasingly influence the growth trajectory of global businesses and we have taken some bold measures to strengthen the Coca-Cola System in Africa for long term growth, enhancing our capacity to continue to win in the continent’s increasingly competitive landscape.” He outlined the company’s growth plans in Africa, including continuously investing to boost capacity ahead of demand, consolidating the bottling system to build scale and investing in new businesses to accelerate growth and expand its beverage offering. He also cited Coca-Cola’s role in spurring Africa’s economy through the eco-system the company has built and continues to foster investments across multiple sectors on the continent. Underpinning this, he emphasized that the Company is committed to building a talent engine in Africa, creating shared opportunities to enhance the prosperity of communities across the continent. “We have an enduring belief that our business is only as sustainable as the communities in which we operate, that means for our business to grow sustainably, our communities must grow also.” This is the strong motivation for the significant investments the company continues to make across Africa to help build more resilient communities, enabling the economic empowerment of women and youth downstream and upstream of Coca-Cola’s supply chain; providing access to clean water, sanitation and hygiene facilities through its Replenish Africa Initiative (RAIN); supporting governments to strengthen health systems through Project Last Mile and the Safe Birth Initiative; and addressing environmental concerns particularly around plastic packaging with its World Without Waste vision. Said Quincey: “Over the past 90 years together with our bottling partners, we have built pervasive and very strong local businesses, creating shared opportunity in every country on the continent. This has been one of our greatest strengths and we will continue playing a significant role in Africa’s sustainable and inclusive growth”. Distributed by APO Group on behalf of Coca-Cola. Qaran News
-
Popular Contributors
