Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shir looga hadlayo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Agaasimaha guud ee Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane, Axmed Cabdi Kooshin oo furay shirka ayaa sheegay in shirkaan lagu xoojin doono wadashaqeynta Wasaaradda amniga iyo dowlad goboleedyada,isagoo raja wanaagsan ka muujiyay in shirkaan ay kasoo baxaan qodobo waxtar u leh Ummadda Soomaaliyeed. Shirkaan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa waxaa ka qeyb gelaya Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha amniga maamul goboleedyada,Gobolka Banaadir,Boliiska Amisom iyo Mas’uuliyiin ka socta beesha caalamka. View the full article
  2. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa heshiis kula gashay qareenno u dhashay dalka Holland lacag dhan €393,000 si uga difaacaan dacwada ay ku furtay shirkadda Atlantic Marine and Offshore Group (AMO) ee la xiriirta in Muqdisho ay bixin weysay lacag loogu sameeyey maraakiib roonda ah oo badda ilaaliya. Warqad ay ku wada xiriireen dowladda federaalaka ah iyo shirkadda qareennada Holland oo ay aragtay Goobjoog News waxaa ku xusan in heshiiska uu dhacay November 19 ee sanadkan, lacagta ay DF bixineyso waa €393,000, oo u dhiganta €300 saacaddii, halka saacadaha guud ee heshiiska gaarayaan 1,310 oo saacadood. Shirkadda dowladda federaalka ah difaaci doontaa ee Legaltree waxaa ay heshiiska ku dartay lana ogolaaday in ilaa €300,000 ay u qaadan doonaan qaab hormaris. Dukumentiyo ay sanadkii hore si gaar ah u heshay Goobjoog News, waxaa ku qoran in dowladda federaalka ah ay heshiis la gashay shirkadda AMOSC oo fadhigeedu yahay dalka Qubrus 2013-kii, heshiiskan oo ku kacayey ilaa €132m ayey Soomaalida dalbadeen in ay helaan 6 markab oo kuwa roondada xagga badda ah, laakin markii shaqada inta badan la qabtay ayey Muqdisho heshiiska ka baxday taas oo keentay in shirkadda ay go’aansato inay dacwad furto. Heshiikan 6-da markab, waxaa dowladda federaalka ah u saxiixay wasiirkii gashaandhigga Cabdixakim Xaaji Fiqi, waxaana goobjoog ka ahaa Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), shirkadda waxaa ay dhameysay shaqada 2 markab oo midkiiba ku kacayo €33m, xiriir badan oo ay dowladda la soo sameysayna waxaa ay sheegeysaa in aan looga jawaabin, oo ballantii looga baxay. Warqadda digniinta ah ee horay loogu diray dowladda oo sidoo kale la soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa ku taariikheysan March 13, 2018, shirkadda AMOSC waxaa ay dowladda federaalka ah ka dalbatay lacag dhan €66 million oo lacagta 2 markab oo la sameeyey oo ka mid ah 6-da markab ee heshiiska iyo lagu daray lacag dul-saar ah oo muddo 7 sano ah, dulsaarka sanadkii hore waxaa uu ahaa €24.6 million. Dowladda federaalka ayaa u muuqato in hadda ay qareenno u qabsatay si maxkamadda uga difaacaan, weliba Villa Somalia waxaa ay xulatay shirkadda Legaltree iyada oo aan la marin sharciga tartanka. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Source: goobjoog.com
  3. Xildhibaanno ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya,Odayaal,Siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa kulan ay kaga hadlayeen xallinta dagaallo dhawaan ka dhacay qaybo ka tirsan gobolka mudug ku yeeshay magaalada Gaalkacyo. dagaal Beeleed khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Ina Diideey oo ku yaalla duleedka degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug,waxaana isa-soo taraya baaqyada loo jeedinayo maleeshiyaadka ku dagaallamay deegaano ka tirsan Mudug. Xildhibaan Cabdi Kariin Khaliif Dhalac oo kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Colaadda ka soo cusboonaatay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug,wuxuuna intaasi raacyay “dagaal khasaaro mooyaane in uusan wax faa’iido ah soo kordhinayn”. Maleeshiyaadka dagaalka uu ku dhex-maray Bariga Gobolka Mudug ayuu ugu baaqay inay colaada joojiyaan,isla markaana wax walba wada-hadal ay ku dhameeyaan,isaga oo sheegay inay kaalintooda ka qaadan doonaan. In kastoo xilligaan uusan wax dagaal ah ka jirim deegaankii lagu dagaalamay ee Ina Diideey ee duleedka degmada Afbarwaaqo, ayaa hadana dadka deegaanka ay baqdin muujinayaan ,waxaana dagaalkii dhacay ku geeriyooday dhowr iyo toban ruux halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Cabdulaahi Sheekh Siraaji oo ka mid ah Golaha shacabka ayaa ka digay arrin sahli karta in baarlamanka cusub ee 2020 ay soo galaan xildhibaano Shabaab ah, kuwaas oo kadib dooran kara madaxweyne Shabaab ah. Xildhibaanka oo ka hadlay kulanka Golaha shacabka ee sharciga doorashooyinka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la qaato nidaam doorasho oo qof iyo cod ah, si looga fogaado in Al-Shabaab ay saameyn ku yeelato doorashada. Xildhibaan Siraajd, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha shacabka Waxa uu sheegay in haddii ay dhacdo in mar kale ay xildhibaanada soo xulaan ergooyinka beelaha, si la mid ah sanaddii 2016, uusan shaki ku jirin inay soo gali donaan xubno Al-Shabaab ah. Maxamuud Cabdullahi Sheekh Siraaji ayaa sheeygay inaan lasiin awood ay wax kusoo xulaan ergooyinkii ay u yeereen Al-Shabaab, oo ujeedka laga lahaa uu ku sheegay soo xulista xildhibaanno Al-Shabaab ah, kuwas oo kadib soo doorta madaxweyne Al-Shabaab ah. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, hase yeeshee waxaa muuqada caqabado badan oo taas diidi kara. Waxaa ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed oo weli aan tiro koob ah rasmi ah lagu sameyn, cod-bixiyayaasha oo aan weli la diiwaan gelin, Al-Shabaab oo deegaano badan haysata, Maxkamadda dastuuriga ah ee kala saari laheyd Xisbiyada markii la isku qabsado ama muran ka yimaado natiijada doorashada oo aan jirin, iyo maqnaanshaha Somaliland. Sababta dowladda ugu dhegan tahay doorasho qof iyo cod ah ayaa mucaaradka qaar waxay u arkaan xeelad waqti kororsi ah, maadaama aysan fulin karin doorasho noocaas ah, oo ay ahayd inay ka shaqeyso saddexdii sano ee tagay balse ka seexatay.
  5. Afar qof oo isku qoys ahaa ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay ku dhinteen Hargeysa, kadib markii uu ku soo dumay dhismo qadiimi ah oo ay ku hoos noolaayeen. Faysal Aadan Cabdi, xaaskiisa oo xaamilo aheyd iyo labo caruur ah oo ay dhaleen ayaa ku dhintay dhismahaasi oo ku soo dumay xaafadda Bir-Jeex Goobta waxaa gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo kooxaha gurmadka degdega ah, iyadoona markii dambe dhismaha hoostiisa laga soo saaray meydadka 4-ta qof. Dhacdadaan ayaa murugo xanuun badan ku reebtay dadka deegaanka, taas oo ay sababeen roobab saacadihii la soo dhaafay ka da’ay halkaasi. View the full article
  6. Wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyanno ka tirsan kuwa Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dag-Allamo ee gobolkaasi. Ciidamada Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa inay isabaxeen deegaanka, islamarkiina dib u qabasadeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dagalaayahanno badan ay soo buux dhaafiyeen halkaasi, kuwaas oo bilaabay dhaq dhaqaaqo cusub. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinac asaraakiisha dowlad goboleedka Jubbaland oo ku aadan dhaq dhaqaaqaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona ciidamada daraawiishta maamulkaasi ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka Dag-allamo oo ka tirsan degmada Dhoobley. Jubbaland ayaa deegaankan la wareegtay sanadkii 2012-kii, kadib markii ay dagaal qaaday Al-Shabab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-08122019.mp3 View the full article
  8. Riyadh (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Qadar Mohammed bin Abdulrahman al-Thani ayaa xaqiijiyey inay socdaan wadahadalo u dhaxeeyo Dowladaha Sacuudiga iyo Qadar kadib xayiraadii ay laba sano ka hor Riyadh saartay Dooxa. Wasiir Mohammed oo ka hadlayay Shirkii Arrimaha Siyaasadda Dibadda ee ka dhacay magaalada Rome ayaa sheegay inay rajeenayaan in wadahadalaas ay kasoo bixi doonaan natiijooyin wanaagsan. “Waxaan ka soo dhaqaaqnay marxalad adag, una gudubnay xooggaa horumar ah, wadahadallo qaar ayaa naga dhaxeeyey, gaar ahaan Sacuudiga, Waxaan rajeyneynaa in wada hadaladan ay horseedi doonaan horumarkeena iyo meesha aan ku arki karno dhamaadka dhibaatada” ayuu yiri . Sida ay baahisay Al-Jazeera, Al-Thani ayaa sheegay in shirar dhowr ah ay yeesheen Mas’uuliyiin ka socday Sacuudiga iyo Qatar, ayna ka dhaceen meelo kala duwan, wuxuuna ka gaasbaday inuu ka hadlo waxyaabihii laga wada hadlayey. Al-Thani ayaa sheegay inaan marnaba laga wada hadli doonin 13 qodob oo ay Sacuudiga ku xujeysay inay sameyso Qadar si looga qaado xayiraadii saarneyd, waxaana kamid ahaa qodobadaas in la xiro warbaahinta faca weyn ee Al-Jazeera. Wuxuu si cad u sheegay in siyaasadda Diblomaasiyadeed ee wadankiisa uu yahay inay Qadar leedahay siyaasad ay u badax banaan tahay isla markaasna aysan cidna kala xaajooneyn arrimaheeda gudaha. Wasiirka ayaa sheegay in wadahadaladaas uu garwadeyn ka yahay Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Sabah, uuna uga mahadcelinayo doorka fiican oo uu ka qaadanayo in la xaliyo khilaafka ka dhex taagan Dowladaha Khaliijka. Bishii Juun 2017 ayey aheyd markii Dowladaha Sacuudi Carabiya, Baxreyn, Masar iyo Imaaraadka Carabta ay xiriirka u jareen Dowladda Qadar. Xayiraadda la saaray Qatar ayaa isugu jirtay xayiraad dhul, cirka iyo badda ah, iyagoo ku eedeynaya inay taageeraan argagixisada.
  9. Somali minister for Security, Mohamed Abukar Islow and minister for Air Transportation and Aviation Mohamed Abdullahi Salad Oomaar are expected to appear before Somali Lower House parliament over national security issues. According to letter by Lower House Speaker, Mohamed Abdirahman, the lawmakers will grill the ministers about the security of the capital and the operations by the security agencies in the city and its surrounding areas as well as aviation affairs. The parliament summoned the country’s minister for Aviation, Mohamed Abdullahi Salad over recent travel restrictions and complains by some of the opposition leaders. View the full article
  10. Somali National Army (SNA) has a foiled al-Shabaab attack following an ambush during the rehabilitation of Shabelle bank in Aw-dhegle town of Lower Shabelle region. According to reports, SNA soldiers who were dispatched to build flood-barriers to protect farms and houses from river floods have come under attack, prompting fierce fighting between the forces and al-Shabaab. Locals say Somali forces defeated the fighters. Al-Shabaab has not commented on the attack and the casualties on their soldiers. The move comes a time when the Somali army in cooperation with African Union Mission in Somalia (AMISOM) stepped up operations liberate villages under al-Shabaab control in Middle and Lower Shabelle regions. Al-Shabaab which once controlled most south and central Somalia has lost many of their strongholds following fighting with SNA soldiers. The group lost control of Somali capital Mogadishu in 2011 after several days of fierce fighting with the Somali army backed by AMISOM. View the full article
  11. The ministers of Public Health of Cuba, Jose Angel Portal, and Djibouti, Mohamed Warsama Dirieh, reaffirmed in Havana their commitment to maintain cooperation ties in that sector. Source: Hiiraan Online
  12. Seven police officers, a doctor and two other people have been killed in an ambush in Wajir. Source: Hiiraan Online
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo u jawaabay Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Ergayga Turkiga U Qaabilsan Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Dhaqdhaqaaqyo Somaliland Ka Maqan Tahay Ka Wada Addis Ababa Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Roobab dabaylo wata ayaa khasaare kala duwan ka gaystay xeebaha Somaliland bari ilaa galbeed. Waxa la shaaciyay haatan in hal qof uu ku dintay, 18 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen dabaylaha iyo daadadka sida oo kale tiro xoolo ah iyo in ku dhow 11 guri ayaa la sheegay inuu iyagana badhna qaaday badhna dumiyay. Wararkan oo hordhac ah ayaa la filayaa in khasaaruhu uu intan ka sii bato, waxaana maalmahan laga digaayay duufaano ku dhufan doono maamul gobaleedka Puntland isla markaasna soo gaadhi doono xeebaha Somaliland, kaas oo hada bilaabmay. Ugu horayntii Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro badhasaabka gobalk Sanaag ayaa shaaciyay khasaaraha jira isaga oo ku sugan Ceerigaabo “ Xaggii Xeebaha roobku waa uu ku xoogan yahay ilaa hadana wax khasaare ah waxa la soo sheegay lix guri oo uu ka dumiyay Maydh iyo shan guri oo uu ka dumiyay Xiis iyo xoolo aan tiradooda la soo sheegin oo uu qaaday, aad ayuu xagaas ugu xoogan yahay.” Faysal Cali Sheekh guddoomiyaha haayada aafooyinka iyo kaydka qaranka ayaa shaaciyay khasaaraha ay dabaylaha iyo roobabku sababeen, waxaanu ka digay in 48 saacadood ee soo socdana la filaayo inay roobabka iyo dabaylaa uu duufaanku sababay ay sii socon doonaan, waaxaanu isaga oo la hadlaayay Saab Tv uu yidhi “ Guryo iyo waxyaabo kale waxbay yeeleen, dad waa ay barakiciyeen xoogaa xoolo ahna waxyeelo ayay u gasyteen dhinaca Saylac iyo deegaanada hoos yimaada, dhinaca barigana guryo ayaa uu dumiyay tuulooyinka Maydh iyo Xiis Laaso-surad iyo aagaas, xoolo waxyeelo ayay u gaysteen wiil dhalinyaro ah waa uu u dhintay, 18 qofna dhaawacyo ayaa soo gaadhay, waxa uu wax u gaystay biyahii Lawyacado, Doqoshi ceelashii milixda ayuu aasay, tuulooyinka Xaashi Cado iyagana waxbuu yeelay.” Source
  16. Ganacsade Cawil Saalax Jaamac oo ku sugan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in laba ruux lagu la’yahay, daadad xooggan oo ka dhashay, Roobab mahiiggaana oo todobaadyadii la soo dhaafay si xawliya uga da’ayey degmada Laasqoray nawaaxigeeda. Ganacsadaha ayaa sidoo kale sheegay in daadadka ka dhashay roobabkaasi, ay gebi ahaanba burburiyeen, dhammaan waddooyinkii geli jiray degamada Laasqoray, oo sida uu sheegay haatan xaalad go’doon ah ku sugan, kadib markii ay dhinac kasta ka xayireen daadadkaasi. Ganacsade Cawil ayaa xusay in degmada Laasqoray ee go’doonsan, aysan wax maciishad ah soo gelin in ka badan 10 cisho, taasi oo keentay in xaalad adag soo foodsaarto bulshada halkaasi ku dhaqan, xilli weli roobku si xawliya uga da’ayo degaanka. Sidoo kale, waxa uu sheegay in daadadka roobka ka dhashay ee halkaasi ku fatahay ay marba-marka ka dambaysa sii noqonayaan mowjado xoog badan, islamarkaana meelaha qaarkood guryaha laga cararay. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Dad lagu waayay degmada Laasqoray oo xaalad go’doon ah ku sugan appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow si rasmi ah u furmay kulanka Golaha Shacabka ee baarlamaanka, kaas oo ay ka qeyb galayaan wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islo (Ducaale), wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo taliyaha ciidanka Booliska, Cabdi Xasan (Xijaar). Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 120 Mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka, iyadoona uu shir guddoominayo ku xigeenka 1-aad eeGolaha, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey. Xubnahaan ayaa su’aalo adag laga weydiin doonaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo sidoo kale xayiraadii dhowaan lagu sameeyey Madaxweynyaashii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka ayaa lagu wadaa in wasiiradu ay wax ka wey diiyaan is hortaagii lagu sameeyey xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo dooneysay inay u ambabaxdo degmada Luuq ee gobolka Gedo oo ah deegaan doorashadeeeda. Kulanka Golaha Shacabka ee loogu yeeray wasiirka amniga gudaha iyo midka gaadiidka iyo duulista hawada ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay taagnaayeen xiisado siyaasadeed oo quseeyey shaqooyinka labadaasi wasaaradood.
  18. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid oo u jawaabay Maxamuud Xaashi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in arrin murugo leh ay saaka ka dhacday gudaha magaaladaasi, kadib markii qoys dan yar ahaa uu ku soo dumay dhismo ay ka daganaayeen xaafadda Bir-jeex. Qoyska ayaa ka koobnaa illaa afar ruux oo kala ahaa labo caruur ah, Aabahood iyo hooyadii reerka, kuwaas oo dhammaan ku dhintay isla goobta. Reerkaan ayaa deganaa Aqal Soomaali ka dhex dhisnaa dhismo qadiimi ah oo ku yaalla xaafadda Bir-jeex, kaas oo ka mid ah guryihii uu dhisay Ingiriiska. Aabaha qoyska ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Feysal Aadan Caddi, halka hooyaduna ay aheyd Xaamilo, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa goobta ay dhibaatadu ka dhacday gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, sida Duqa Hargeysa, guddoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex iyo taliyaha guud ee ciidanka Dab Damiska maamulkaasi, kuwaas oo ka qeyb qaatay gurmadka la fidiyey. Meydka afarta qof oo ugu dambeyn laga soo saaray dhismaha hoostiisa ayaa waxaa la geeyey isbitaalka magaalada Hargeysa. Arrintaan ayaa murugo xanuun badan ku reebtay dadka deegaanka oo haatan si aad ah u hadal haya dhacdadaasi murugada leh.
  20. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Arrimaha Gudaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) mar dhawayd looga yeedhay xarunta ciidanka dembi-baadhista ee C.I.D, halkaasna uu tegay si waraysi loola yeesho. Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan ayaa Waxa uu u hoggaansamay yeedhmada ciidamada waxaanu tagay xarunta ciidanka dembi-baadhista ee C.I.D Arrinta loogu yeedhay ayaa la sheegay inay la xidhiidho dacwad uu ka gudbiyay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee qoys ka kooban Afar ruux oo kala ah Marxuum Faysal Aadan Cabdi Diiriye oo ah aabbaha qoyska iyo xaaskiisa Marxuuma Hinda Aw Axmed oo xaamilo ahayd iyo laba Carruura oo ku geeriyooday degmada 31 May ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu ku dumay guri qadiimi ah oo ay jaar la’a ahaayeen dhammaantoodna ku nafwaayeen. Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka hadashay Wafti ay hoggaaminayso oo safar shaqo ku jooga wadanka Beligium. Waftigan oo ay ku jiraan xildhibaanadda Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiiladda Soomaaliland ayaa sida ay sheegtay gudo galay ujeedada safarkooda, waxaanay kulamo la qaateen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka midawga yurub, Waxaanay faadumo siciid oo arrimahaas sharaxaad ka bixinaysaa ay tidhi “Waxa Si Habsami Leh Noogu Socda Hawlihi Shaqo Iyo Kulamadi Aan La Yeelanay Golaha Barlamaanka Yurub Iyo Xildhibanadiisa Waxa Ay Ku So Dhamaaden Dhamaantood Is Afgarad Waxaan Isla So Meel Dhignay Qodobo Dhawr Ah Taas Oo Aan Ku So Bandhigi Doono Muuqaal Dhamaystiran Oo Ka Waramaya Guulaha Aan So Gaadhnay Inshalah F.G Sawirada Waxa Igu Weheliya Xildhibanada Golaha Wakiilada Iyo Guurtida Somaliland Iyo Xildhibanada Barlamanka Yurub Source