Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Meeshu waa London, sannadkuna 2009, madashuna waa Machadka Chathim-House afaafkiisa hore, waana goor duhur ah oo laga soo baxay dood kulul oo ku saabsan Geeska Africa iyo Dimoqoraadiyada. ‘Aadan, ma ogtahay sababta Somaliland loo aqoonsan la’yahy’ ila iyo manta, ayada oo buuxisay shuruudii aqoonsiga oo dhan’. Sidaas waxa igu yidhi khabiir magac dheer leh oo Ingiriis ah, oo aanan magaciisa shaacinayn. Waxaan ku idhi ‘bal adigu ii sheeg sababta idinku Ingiriis ahaan aad noo agoonsan la’dihiin?. Waxu iigu jawaabay, ‘Maaha annaga oo keliya ee waa Adduunka oo dhan, aqoonsi si aad ku heshaan way adgtahay, wayna fududahay. ‘Marka Somaliland caddayso in ay ka hadhay sheegashadii dhuleed ee dalaka deriska ah (Kenya, Ethiopia iyo Djibouti) iyo mabd’a loo yaqaan ‘Somali-weyn’, ama marka dalaka dimoqoraadiyada taageeraa ku qanacaan in dimoqoraadiyada Somalialnd tahay mid aan xagal-daac looga cabsanayn, marakaas waanu ku khasbanahay aqoonsiga Somaliland’. Haddaba, maxaa ka jira doodan odhanaysa in aqoonsiga Somaliland u xayiranyahay labada arrimood ee kor ku xussan ee kala ah, in ugu horrayn Somaliland qoraal ku caddayso in ay ka hadhay sheegashadii dhuleed ee Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ama si guud ba ka mabda’ii Somali-weyn, iyo tan labaad oo ah in aan weli kalsooni buuxda lagu qabin dimoqoraadiyada Somaliland, calaamadaha xagal-daaca ee soo if-baxaya dartood, kuwaas oo muujinaya dibugurasho sannadba sannadka ka dambeeya isa soo taraya. Bal haddaba labadan amuurood aan midba markeeda isdul taagno: AMUURTA KOBAAD, oo ah mid aqoon ahaan fahamkeedu aad iyo aad ugu culus yahay, maahaa dadweynaha Somalilyeed ee caadiga ah oo keliya ee xataa syaasiyiinta naftooda, inta anigu aan arrintan kala sheekaystay oo aan haba yaraatee wax dareenba u lahayn. Culayska arrinkani waxuu ku jiraa su’aasha ah siyaasadda ku salaysan mabda’a Somali-weyn muxuu Somalida, guud ahaanba, dhib iyo dheef u keenay, waana arrin u baahan fiiro gaara oo ku salaysan baahida maanta taagan iyo jihada mustaqbalka loo socdo. Arrinkani waa mid aan Somalida keligeed kussaynin ee ay dhib iyo dheefba la wadaagaan dalalka deriska iyo adduunweynahu guud ahaanba, sidaas darteedna si weyn loo danaynayo loona sugayo waxa Somalida cusubi ka yeeli doonto ka dib taliskii magaca Somal-iweyn ku galay denbiyada Xasuuqa aadamaha, burburintii iyo caddaalad darradii sababtay fashalka dawladnimo ee taliskii Siyaad Barre hoggaaminayey. Taasoo Somalia iyo Somaliland ba looga fadhiyo in ay mawqif cad ka qaataan, si ay weji cusub oo aan kii dagaalka ahayn ee nabad, dimoqoraadiyd iyo deriswanaag doona si ay adduunka ula macaamilaan karaa. Halkan waxaa xusid mudan saddex arrimood oo aan diblomaasyiin shisheeye ah ka soo xigtay: Waa tan koobaade, markii dastooraka Somalia magaalad Nairobi lagu samaynayey waxaa si hoose loogu sheegay qaar ka mid ah siyaasiyiintii Somaliyeed ee halkaas goob-jooga ka ahayd in ay calanka shanta gees leh iyo astaamihii dawladihii hore ee muujinauey Somaliweynimada ay ka tirtiraan dastoorkan cusub. Waa arrinka labaade, markii ciidamada Ethiopia tageen Muqdisho dagaalkana la galeen ururkii Maxaakimta ayaa Axmed Silaano oo markaas mucaarad ahaa waxuu ciidamada Ethiopia ku eedeeyey in ay xasuuq u geesteen oo dad Somaliyeed, arrinkaas oo loo fasirtay in mabd’ii Somaliweyn weli hoosta ka noolyahay. Waa arrinka saddexaade, diblomaasiyi shisheeye ah ayaa dibloomaasi Somaliland ah weydiiyey sua’aal ah ‘haddaad Somaliland tihiin dhulkii Somalidu sheeganaysey ee Ethiopia iyo Kenya maxaad ka qabtaan’, Jawaabtiisiina noqotay sidin, Diyaar baanu u nahay in aanu ka wadahadalo. Saddexdan arrimoodba isugeyntoodu waxay muujinayaan, ayaa ay igula kaftameen, in haddii aad Somalida tihiin aydaan aqoonsanayn xuduudihii gumesiga reer Europe Africa u dhigay oo ay hadda nabadda iyo degenaansha Africa ku dhisantahay. Mid ka mid ah dibloomasiyiinti aanu sheekaysanayney oo ka mid ah oo dawladaha deriska ah ayaa si adag iigu dhigay oo yidhi ma yeelayno in Somaliland la aqoonsado ila ay ka caddaynayso in aanay dhulkayaga qayb ka mid ah dib u sheeganayn. ARRINTA LABAAD, oo ah in adduunweynuhu aanu kalsooni buuxda ku qabin in geeddi-socodka dimoqoraadiyada Somaliland yahay mid aan xal-daac ku imaan Karin. La soco toddabaadka dame: adamjibril@hotmail.com Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Maxay Ka Dhigan Tahay In aanu Maxamuud Xaashi Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Ku Jirin?, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Kulankii la filayay inuu Axadii toddobaadkan dhex maro Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo ergada dhexdhexaadinta xukuumadda iyo mucaaradka ayaan qabsoomin, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Mudanayaasha golaha wakiilada Puntland ayaa maanta xasaanadii ka qaaday xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo ahaa guddoomihii golaasi, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Xildhibaanada ayaa mooshinkaan oo ay gudbiyeen illaa 38 Mudane waxa ay u qaadeen cod gacan taag ah, waxaana si aqlabiyad leh ku ogolaaday 39 xildhibaan, halka uu ka aamusay guddoomiyaha golaha wakiilada, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu jabiyey dastuurka u yaalla maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in mooshinkaasi ay gadaal ka riixeysay xukuumadda uu hoggaamiyo Siciid Deni, sida ay xaqiijiyeen ilo kalsoon yahay. Dhoobo Daareed oo xil ka guddoomiyenimo laga qaaday 7-dii bishii hore ee November ee sanadkaan 2019-ka ayaa haatan ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Puntland. View the full article
  5. (SLT-Garoowe)-Golaha Wakiillada ayaa waxaa maanta la hor-keenay mooshin xasaanad ka qaadis oo ay ku saxeexan yihiin 38 Mudane oo ka dhan ah Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo lagu soo eedeeyey in uu ku xadgudbay dastuurka Maamulk Gobolleedka Puntland. Fadhiga oo ay soo xaadireen 40 mudane ayaa waxaa ay cod gacan taag 39 mudane xasaanaddii kaga qaadeen xildhibaan hore Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) halka Guddoomiayaha Golaha Wakiillada Puntland uu ka aamusay. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa Mooshin xilka kaga qaaday C (Dhoobo Daareed), hayeeshee waxaa uu dhowr jeer ku celceliyay inuu weli yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland. Source
  6. (SLT- Luxembourg)-Dowlada Luxembourg ayaa ugu baaqday waddamada xubnaha ka ah midowga Yurub in si rasmi ah dal madax-bannaan ay u aqoonsadaan Falastiin. Wasiirka arrimaha dibadda Mr Jean Asselborn, ayaa sheegay in la gaadhay waqtigii Yurub ay aqoonsan laheyd Falastiin, kadib farriin uu diray madaxa cusub ee dhanka siyaasadda Yurub Mr Josep Borrell. Mr Asselborn ayaa intaa ku daray in shacabka Falastiin ay xaq u leeyihiin inay helaan madaxbanaani iyo aqoonsi dowladeed. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya kadib go’aan bishii hore xukuumadda Washington ay ku taageertay dhul balaadhsiga cusub ee Israa’iil ka wado daanta Galbeed. Luxembourg ayaa dhanka kale ka digtay deegaameynta Israa’iil inay sii xoojin karto colaadda ka taagan Bariga dhexe. Source
  7. PUNTLAND POST ayaa horey u baahisay Xog ah in la wado mooshin xubinnimada Baarlamaanka looga qaadayo, guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed). Haddaba, xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta la hor keenay mooshiin xasaanad ka qaadis oo ay ku saxiixan yihiin 38 mudane oo ka dhan ah Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo lagu soo eedeeyey in uu ku xad-gudbay Dastuurka Puntland. Baarlmaanka Puntland oo gacanta u taagaya xasaanad ka qaadistii Dhoobo Fadhiga oo ay soo xaadireen 40 mudane ayaa waxaa ay cod gacan taag 39 mudane xasaanaddii uga qaadeen Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), halka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland uu ka aamusay. Dhoobo Daareed ayaa 7-dii November ee sannadkan laga qaaday xilkii Guddoomiyaha Baarlaanka Puntland, wuxuuna haatan ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo xasaanaddii xildhibaanimo ka qaaday Dhoobo-daareed appeared first on Puntland Post.
  8. MOGADISHU (HOL) - The UN chief in Somalia James Swan has urged Somali youth to champion for their rights and those of others noting the country relied on them to chart its future destiny. Source: Hiiraan Online
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada maamulka Puntland ayaa maanta xasaanadii xildhibaanimo kala noqday, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo ahaa guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulkaasi. Kulan ay xildhibaanadu ku yeesheen magaalada Garoowe ee Caasimada gobolka Nugaal ayaa waxaa la horgeeyey mooshinka xasaanada looga xayuubiyey Dhoobo Daareed, kaas oo ay gudbiyeen 38 Mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Puntland. Illaa 40 xildhibaan ayaa kulanka goob joog ahaa, waxaana u codeeyey in xasaanada laga qaado mudanahaasi, 39 xildhibaan, halka uu ka aamusay guddoomiyaha golaha. Guddoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaqday natiijada codeynta oo gacan taag aheyd, wuxuuna shaaciyey inuu ansax yahay go’aankaasi. Mooshinkaan ayaa waxaa gadaal ka riixeysay xukuumadda Siciid Deni, sida ay Caasimada Online horay ugu xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Sababta ugu weyn ee xasaanada loo gala laabtay, Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa lagu sheegay inuu ka xadgudbay dastuurka iyo xuduudaha maamulkaasi. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuu wado dhismaha maamul cusub oo ka madax banaan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo xil ka guddoomiyenimo laga qaaday todobadii bishii hore ee November ayaa haatan ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq siyaasadeed. Dhoobo Daareed ayaa heysta taageerada shacab badan oo ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya, kuwaas oo si diiran ugu soo dhoweeyey gobolladaasi, kadib markii uu isaga tagay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal
  10. Mudanayaasha golaha wakiillada dowladd goboleedka Puntland ayaa maanta xubinnimadii xildhibaannimo kala noqday Cabdixakim Maxamed Axmed Dhoobo oo la sheegayo in eedeymo loo soo jeediyey. Fadhiga golaha oo ay soo xaadireen 41 mudane ayaa 40 ka mid ah waxaa ay u gacan taageen in xasaanaddii xildhibaannimo iyo xubinnimadii lalaga noqday. November 7, 2019 ayey aheyd markii laga qaaday xilka afhayeenka golaha wakiilada Puntland, maanta waxaa laga qaaday xubinnimadii. Ilaa hadda lama oga eedeymaha loo soo jeediyey, laakin waxaa muuqato in Puntland ay xidadaha u siibtay Dhoobo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Courts in Somalliland devote more time to land disputes than to other business cases. A tricky land disputes surfaced in Lasanod after the owner of a property found out that a neighbour annexed three metre square of land belonging to the family, who sold a plot of land more than 25 years ago. A Lasanod thoroughfare named after Hodan Naleyeh The owner of the property demanding redress stumbled on the missing land when he looked at the deeds showing the plan of the house. After engineers at Lasanod Municipality examined the case, they urged the family that annexed the land to agree to arbitration. The family has agreed to have the three metre plot of land evaluated the basis of the prices of whole plot of land on which the building stands. This case reflects how a rule of law is the key to protecting property rights in Somaliland. © 2019 Puntland Post Monthly The post Lasanod Municipality Arbitrates a Tricky Land Dispute Case appeared first on Puntland Post.
  12. Intelligence officials in Somalia say an airstrike conducted by the U.S. military in the country's south killed a senior extremist of the al-Shabab rebel group. Source: Hiiraan Online
  13. Wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiil ciidan ayaa saacadihii la soo dhaafay kormeer shaqo ku tegay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Wafdigaan ayaa ciidamada ku booriyey dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi. Taliyaha qeybta Booliska gobolka Baay oo ka mid ah xubnahaasi aya warbaahinta u sheegay inuu socdaalkoodu uu la xariiray xoojinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu sheegay inay booqan doonaan xerooyin kale oo ku yaalla gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Ciidamada huwanta ee ka howlgalla Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maalmihii dambe xoojiyey howlgallada Milatari ee ka socda deegaanada maamulkaasi. View the full article
  14. Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho ay xalay rag hubeysan ka geysteen demada Wanlaweyne ee gobolka Shabeelaha Hoose. Raggaan oo ku hubeysnaa qoryaha AK47 ayaa Macalin Dugsi Qur’aan ku dilay gudaha degmadaasi, iyagoo sidoo kale dhaawacay qof kale oo shacab ahaa. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Macalin Cismaan Cirbad, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in dilkaan uu salka ku hayo arrimo la xariira aano Qabiil, iyadoona kooxdii ka dambeysay ay goobta isaga baxsadeen. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa saaka lagu soo warramayaa in howlgallo ay ka wadaan degmada Wanlaweyn, kuwaas oo lagu baadi goobiyey raggii fuliyey dilkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo ka soo baxay maamulka degmada kan iyo gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan dhacdadaasi. Wanlweyn iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxaa marar badan ku soo laa laabtay dagaal beeleedyo u dhexeeyo laba maleeshiyo oo wada daga halkaasi, inkastoo muddooyinkii la soo dhaafay xaaladdu ay aheyd mid degan. Maalin ka hor ayey sidoo kale aheyd markii maleeshiyaad hubeysan ay magaalada ka dhaceyn Gaari, balse ciidanka oo ku baxay dhacaasi ayaa dib u soo celiyey gaarigaasi.
  15. Wakaalada Biyaha Burco Oo Dib Ugu Noqotay Marxalado Hore Oo Ay Ka Soo Gudubtay + Sababta. Wakaalada Biyaha Burco Oo Dib Ugu Noqotay Marxalado Hore Oo Ay Ka Soo Gudubtay + Sababta. Mareeyaha wakalada biyaha burco Oo Xilka mareeyenimo loo soo magacaabay Aug 30, 2018 xiligaas oo uu mareeyihii hore Jaamac Iska Casilay Xilkaasi. Intii Uu Xilkaasi Hayey Waxa Uu Ku Kacay Talaabooyinn Hoos Udhaweyn Ku Keenay Hawlmaalmeedkii Wakaalada Biyaha Burco.,Waxanu Maareeye cabdi xakiin maxamed uu bilaabay kala faqooqid iyo Kala Jeclaysiga Shaqalaha Wakaalada Biyaha Burco. Sidoo kele waxa kale oo uu meesha ka saaray Gudidii anshaxa marinta oo shaqadoodu ahayd dabagalka iyo ka warhaynta dhaqalaha Khasnada Wakaalda Biyaha Burco Ku Dhaca Waxyaabaha Lagu Maareeyo ,isagoona ujeedada u wayn Ee Ku Lahaana Ay Ahayd inay u fududaato habka uu lacagta u mamulaayo Wuxuuna agasimaha mamulka iyo maaliyada Wakaalada Biyah Burco Umagacaabay Inan Ay Ku Deegaan Ka Soo Jeedaan. Mareeye cabdixakiin maxamed waxa uu Sidoo Kale magacabay agaasimeyaal cusub kuwas oo uu ka dhigay dhalin yaro badan Oo ay isku hayb dhaw yihiin Kuwasi Oo Kala Ah Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta , Agaasimaha hoostada iyo ceelasha Madaxa shaqalaha wakalada biyaha. Mareeyaha ayaa sidoon kalena u kordhiyey mushaharka Agaasimeyaashan Badan EE Ay Isku Beesha Yiin Ee Uu Magacaabay. Si kastaba ha ahaatee Wakaalada Biyaha Burco Ayaa U muuqatato Mid Dib Ugu Noqotay Marxalado Hore Oo Ay Ka Soo Gudubtay Waxaana Sabab U Ah Maamulka Hada Gacanta Ku hayo . Source
  16. DFS ayaa sheegtay in duqeyn 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacday gobolka Jubbada Hoose lagu diley sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab. Warbaahinta dowladda ayaa lagu baahiyey in weerarkaan oo ay fuliyeen diyaarado dagaal uu ka dhacay meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe. Lama sheegin magaca iyo sidoo kale xilka uu sarkaalkan ka hayey Xarakada Al-shabaab, balse waxaa qoraalka lagu daabacay warbaahinta dowladda lagu soo koobay inuu ahaa sarkaal sare. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwo Maraykan ah ayaa inta badan gobollada Jubbooyinka ka fuliya howlgallo lagula dagaallamayo Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in xaalad deganaansho ah laga dareemayo deegaanka Towfiiq ee gobolkaasi iyo deegaanno kale oo shalay dagaallo culus ay ka dhaceen. Waxaa socda dedaallo ay wadaan waxgaradka ku dhaqan gobolka Mudug oo lagu kala dhexgalayo maleeshiyaadkii ku dagaallamay halkaasi. In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay dagaalkii shalay ka dhacay Mudug, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan. Maleeshiyaadkii ku dagaallamay Mudug ayaa weli is horfadhiya, iyadoo shacabkii ku dhaqnaa deegaannadaasi ay isaga barakaceen, si aanu dagaalkan u saameyn. Dhinacyada is haya ayaa kasoo kala jeeda dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, mana jirto weli cid si rasmi ah u kala dhexgashay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa baaq nabadeed waxaa loogu diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug. Puntland ayaa sheegtay in walaac aad u xooggan ay ka qabto colaaddan kasoo cusboonaatay gobolka Mudug, iyadoo ka tacsiyeesay dadkii ku dhintay, kuwa ku dhaawacmayna caafimaad u rajeysay. Sidoo kale maamulka Puntland ayaa u digey cid walbo oo ku lug leh hurinta colaaddan kasoo cusboonaatay Mudug, isaga oo ku baaqay in wax walbo lagu dhammeeyo miiska wadahadalka. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in magaaladaasi uu ka socdo mooshin ka dhan ah guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed, kaas oo ay wax ka wado xukuumadda Siciid Deni. Mooshinkaan ayaa la doonayaa in xubinimada golaha wakiilada looga saaro Dhoobo Daareed, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in mooshinka oo ay gadaal ka riixeyso xukuumadda ay saxiixeen tiro xildhibaano ah, kuwaas oo raba in xisaanada laga qaado mudanahaasi. Madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale wada abaabulkii ugu dambeeyey, waxaana la sheegay inay diyaarsatay koox xildhibaano ah oo ay ku qancisay mooshinkaasi. Sababta ugu weyn ee mooshinka ayaa la sheegay inay tahay mid looga hortagayo qorshe uu ku doonayo inuu ku dhiso maamul cusub oo ka madax banaan Puntland. Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo xil ka guddoomiyenimo laga qaaday todobadii bishii hore ee November ayaa tan iyo markaasi ka maqnaa kulamada baarlamaanka iyo guud ahaan magaalada Garoowe ee Caasimada dowlad goboleedka Puntland. Sidoo kale wuxuu haatan ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq siyaasadeed. Lama oga halka uu furan doono mooshinkaan cusub iyo dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Deni iyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulkaasi. Dhoobo Daareed ayaa heysta taageerada shacab badan oo ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya, kuwaas oo si diiran ugu soo dhoweeyey gobolladaasi, kadib markii uu isaga tagay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxtooyada Puntland ayaa markale si kulul uga hadashay colaad beeleedyada dib uga soo cusboonaaday bariga gobolka Mudug. War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay inay Puntland aad uga xun tahay dagaallada ka socda deegaanka Towfiiq ee gobolkaasi. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Puntland ay cidkasta uga digeyso ka qeyb qaadashada hurinta colaadaasi. Ugu dambeyn warsaxaafadeedkaan ayaa loogu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay xabadda joojiyaan wax welibana ay ku dhameeyaan wadahadal iyo deganaan. Shalay ayey aheyd markii wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabacad uu dagaalkaasi ku eedeeyey inay soo qaaday Galmudug. Dhabancad ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta Galmuudug ay hurinayaan xiisada, islamarkaana ay gaadiid dagaal u soo direen halkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Dagaal beeleedka ka socda deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ayaa waxa ay u dhexeeyaan labo maleeshiyo oo ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland. Xiisada ayaa weli ka taagan bariga gobolka Mudug, waxaana isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo dirayo maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi.
  21. War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay dagaallada dib uga soo cusboonaaday bariga gobolka Mudug. Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in Puntland ay aad uga walaacsan tahay colaadda ka taagan deegaanka Towfiiq ee gobolkaasi. Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in labada dhinac ay ugu baaqeyso inay dagaalka joojiyaan wax welibana ay ku dhameeyaan wadahadal. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  22. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ballaaran ka wada degmada Wanlweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalladan ayaa yimid, kadib markii xalay kooxo hubeysan ay dil ka geysteen gudaha degmadaasi. Saraakiisha hoggaamineysa baaritaanada ayaa sheegay inay ku raad joogaan raggii ka dambeeyey falkaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen inay faah faahin ka bixin doonaan howlgalladaasi marka ay soo gabagabeeyaan. Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. View the full article
  23. Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in weli xiisado dagaal laga dareemayo deegaano dhaca bariga gobolkaasi. Maleeshiyaad beeleed labadii maalin ee la soo dhaafay ku dagaalamay halkaasi ayaa weli isku horfadhiya agagaarka deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in markale dagaal uu ka qarxo halkaasi. Dhinaca kale waxgaradka deegaanka ayaa wada dadaallo nabadeed oo lagu dhexe dhexaadinayo labadaasi dhinac. Shalay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamo isku dhaf ah ay u direyso gobolka Mudug, si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadkaasi. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-10122019.mp3 View the full article
  25. Ilo’ xog-ogaal ah oo ku sugan Garoowe, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in xukuumadda Puntland ay dabada ka riixayso mooshin xubinnimada Baarlamanka looga saarayo, guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland xil. Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka, ayaa la xaqiijiyay in ay saxiixeen mooshinka, oo ay ku qoran yihiin eedaymo ka dhan ah xil. Cabdixakiin Dhoobo, islamarkaana Golaha looga dalbanayo in ay xasaanadda ka qaadaan mudanahaasi, oo kulamada Baarlamanka ka maqnaa tan iyo markii 7-dii November ee sannadkan xilkii looga qaaday mooshin ay soo abaabushay madaxtooyada Puntland. Wararku waxay sheegayaan, in xukuumadda diyaarsatay kooram ku filan,si ay xubinnimada Baarlamanka uga saarto xil. Cabdixakiin Maxamed Axmed, kadib markii ay mudanayaasha ku qancisay in xildhibaankaasi ku hawllanyahay dhismaha dowlad goboleed cusub oo ka madax-bannaan Puntland. Mudane Dhooba-daareed, oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia, ayaa maalmahan halkaasi ka waday dhaqdhaqaaq la xiriira, in maamul goonniya oo Puntland iyo Somaliland ka madax-bannaan loo sameeyo gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana la sheegaya in uu Addis shirar kala duwan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo jaaliyadaha SSC ee ku dhaqan dalka Ethiopia. PUNTLAND POST The post XOG: Madaxtooyada Puntland oo mar kale abaabushay mooshin ka dhana Dhooba-daareed appeared first on Puntland Post.