Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boosaaso (Caasimada Online) – Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii xalay weerar qorsheysan uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu qaaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan kuwa daraawiishta maamulkaasi, xilli ay marayeen bartamaha magaalaadaasi. Rag hubeysan oo aan weli la garan heybtooda ayaa la sheegay in weerarka ay fuliyeen, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo Puntland ay ka soo saartay weerarkaasi ka dhacay Boosaaso oo aysan jirin cid sheegatay masuuliyaddiisa. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkaasi ciidamada amnigu haatan ka wadaan halkaasi. Boosaaso oo ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee hoostaga Puntland ayaa waxaa mararka qaar weeraro xoogan iyo dilal qorsheysan ka fulisa kooxda Al-Shabaab. Muddooyinkii dambe ayaase amnigu waxa uu ahaa mid degan, marka laga tago xiisado u dhexeeya waxgaradka deegaanka iyo xukuumadda Siciid Deni oo ka taagan halkaasi.
  2. (SLT-Paris)-Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in diyaar ay u tahay inay ka jawaab celiso hanjabaada Mareykanka ee ku aadan canshuur kordhinta shirkadaha ganacsiga Faransiiska. Madaxweyne Donald Trump ayaa 2-dii bishii hore ee december ku hanjabay in canshuur dheeri ah uu ku soo rogi doono shixnadaha Faransiiska u iib geeyo Mareykanka. Balse wasiirka maaliyadda xukuumadda Paris Bruno Le Maire ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka jawaab celinta hanjabaada Washington. Mr Le Maire ayaa intaa raaciyay in iyagana ay canshuur dheeri ah saari doonaan shirkadaha Internet-ka Mareykanka sida Google Apple, Facebook iyo Amazon. Mas’uulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale cadaalad-darro ku tilmaamay canshuurta yar oo shirkadahan wadamada Yurub. Dowlada Faransiiska ayaa dhanka kale balan qaaday in dacwad ay u gudbin doonto hey’adda ganacsiga Adduunka ee (WTO) si wax looga qabto habdhaqanka Mareykanka. Donald Trump ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waday hanjabaado ganacsi oo ka dhan ah wadamada Ismaan dhaafka siyaasadeed uu soo kala dhexgalo. Source
  3. DALKASTA OO ADUUNKA WANAAG LAGU SIFEEYO OO HORE U SOCOD IYO HORUMAR GAADHAY DADKIISA AYAA HALKAA GAADHSIIYEY ! MAXAA INAGA INA HAYSTA MIYEYNAAN DAD AHEYN? ”Su’aasha uu ku bilaabmayo qoraalku ayaa ah xujada la rabo bal in qofkasta oo akhriyaa isweydiiyo kana dareen celiyo sida uu wax u arko ee jawaab inagu filan oo aynu ku qanacno ku heli karno , waayo wax isweydiin horteed jawaab lama helo mana garan karno wax badan” Waxa aynu ognahay oo ka warqabnaa in iyada oo lagu wada nool yahay dunida guudkeeda in la kala dheereeyey oo ay dalal iyo dawladona lagu yaqaano hanaan wanaagsan iyo in ay horumar gaadheen , dalal iyo dawlado kalena hadheen oo meel hoose taagan yihiin , waxaana uu isweydiinayaa qofkii in uu feker iyo wax isweydiini ku jirtaa , tolow waa maxay waxa halkaa kala geeyey amaba lagu kala dheereeyey ? Waxa aan doonayaa in aan halkaa ku yar hakado oo isweydiinaha waxa aan uga jeedo faah-faahiyo , sida aan kor ku xusay in aad wax isweydiisaa waxa aan is leeyahay waxa ay ka mid tahay waxa ugu weyn ee uu Alle swt kaaga duway noolaha kale ee dunida guudkeeda inagula nool ee dad la inooga dhigay, halkani waa halka aanu u fahansanahay in ay ka bilaabmayso dadnimadu. Haddaba hadii aad u dhabo gasho isweydiintaa hore in aad jawaab u hesho waxaa kuu soo baxaysa waxa halkaa lagu kala gaadhay ee lagu kala dheereeyey in ay tahay dal walba dadkiisa ayuun baa halkaa gaadhsiiyey taasi oo salkeedu yahay wax isweydiintoodii oo keentay aqoon iyo dedaal ay ku ladheen , sida ay u fekerayaan , halka ay taagan yihiin iyo halka ay u socdaan oo ay calaamdsadeen , waxaana la ogaaday in dalwalba dadkiisa uuni ay horumar gaadhsiin karaan ama ka dhigi karaan dal habaaska hoganaya. Ma jirto awoodo dadku is dheer yihiin oo xaga samayska ah , laakiin waxa la is dheeraaday oo halkaa kala geeyay dadyowga aduunka guudkiisa ku nool waa wax isweydiin , dedaal ,hawlkarnimo , aqoon , tacab iyo maanka oo la tuujiyey muruqana laga shaqeysiiyey. Waxa hubaal ah oo aynu ka wada war qabnaa in nolosha aadamuhu ka soo bilaabay meel hoose oo isku wada mid ah , waxaa laga dheregsan yahay in adamuhu soo wada maray kacaa-kuf nololeed iyo ka werwerka sidii ay u noolaan lahaayeen kuna suuragalin lahaayeen qaab ay u noolaadaan oo dhaama sida markaa loo noolaa amaba noloshooda hore wax ugu sii kordhin lahaayeen si ay halkaa kor uga soo kacaan. Waxa iyaduna dhacda oo in badan aynu taariikhda ku aragnaa amaba si toos ah u aragnaa dalal iyo dawlado horumarsan oo barwaaqo iyo nolol wanaagsan haysta oo dib u burburay gaadhayna halka ugu hoosaysa kana mid noqday dalalka aduunka ugu hooseeya , tanina waxa uun sababteeda leh dadka oo haysan kari waayey waxii ay dhaxleen amaba cid jujuubaysay oo meesha ka baxday dadkana aanu garaadkoodu u bislayn umad haysan karta waxii ay kasbatay ee wanaag iyo horumar ahaa. Marka loo kuurgalo waxyaabaha iyo meelaha uu horumarka umadu ka yimaado waxaa ay noqdaan meelo dhawr kala duwan ah oo uu ka unkamo horumarka umadi gaadhaa , waxaana ka mida kuwaa arimaha gaadhsiiya kuwan hoos ku xusani ka mid yihiin; Umad ay dhibaabaha aduunku taabteen kuna kalifeen in ay fikiraan oo isku tashadaan oo ay daw iyo dariiq ay kaga baxaan jeexday , sees adag dhistay oo ka kooban tabtii la raacayey taladii lagu kala jid baxayey iyo seetadii xidhaysay cidii waxogaa wax ka xumaysa , iyaga oo helay hogaan jiho leh iyo dadwayne jaanta la helay , qaabkani waa ka ugu wanaagsan uu umadi dhigato inkasta oo horumarkiisu soo raago hadana waligii hoos uma soo noqdo in uu kor uun u sii socdo mooyaane. Kani labaad waa hogaamiye hal adag oo himilo fog oo dad ka soo dhex baxa horumarna sameeya laakiin isaga iyo wadciga ay ku sugan yihiin dadkiisu kala tagsan yiihiin isla markaana isla heli waaya jiibta oo uu noqdaasi horumarkaasi wax ku xidhan qof oo maalinta uu meesha ka baxo baaba’a inta badana aynu aragno wadamo badan oo ay sidaasi ku dhacday , sababtuna ay tahay dadkooda oon dhisnayn aqoon ahaan iyo aragti ahaanba. Waxa iyaguna jira qolo sadexaad oo ah kani ugu liita oo waa koox afduubta waxii dadku wada lahaayeen oo jujuub iyo xoog umada ku haysata oo laga yaabo inta ay meesha joogaan in ay waxogaa horumar ah oo muuqda sameeyaan , ha yeeshee qaabkani 99% dadyowga aduunku ma mahadiyaan qaababka noocan ah raadkooda waxaana inta badan laga dhaxlaa burbur iyo wax ka sii xun waxii maalintii ay meesha yimaadeen jiray. Haddaba marka aynu u soo noqono dalkeena iyo dadkeena inagu qaabkee ayeynu ku suganahay sadexdan qaab ? dal ahaan noocee aynu u qaabeysan nahay sadexdan qaybood ee kor ku xusan ? Maxaa inaga ina haysta ? Su’aalahani waa qaar aan u dhaafayo akhristayaasha qoraalkaygan bal si aynu isku qiyaasi karno bulsho aan halka aynu ku suganahay. Umad waliba xiliga ay nooshahay waxii jira hadii uu wanaagsan yahay iyadaa ku amaanan amaba ku ceebaysan hadii uu xun yahay , waayo xikmada loo nool yahay ee lagaaga duway noolaha kale ee ibnu adam lagaaga dhigay ayaa ku faraysa in aad fikirto oo wax isweydiiso isla noqoto mid ka faaiideysta maalmaha uu nool yahay si uu uga tago raad wanaagsan oo lagu xasuusto. Si hadaba aynu u raadayno nolosha dalkeenana wax uga qabano si uu u noqdo mid ka mid ah kuwa la hiigsado inaguna noqono umad la xasuusto oo taariikh iyo talo wanaagsan ka tagta waxa haboon in aynu qodobadan yeelano aniga aragtidayda ahaan; Waxa ugu horeeya ee aynu u baahanahay ee seeska inoo noqonaya aynu ku horumari karnaa waa waxa ina kala hagaya ee aynu dhiganay oo aynu ixtiraamno isla markaana ilaashano oo aan mid sare iyo mid hoose cidina ku gafi Karin cidii geftana meel looga soo wada jeesto , waxaana ugu horeeya ee lagu horumari karaa waa sharciga iyo kala dambaynta la samaysto oo sideeda loo raaco. Marka aynu haysano sharci wanaagsan iyo nidaamka aynu dhiganay oo wanaagsan waxa haboon in aynu maanka aad u tuujino muruqana ka shaqeysiino oo ku toosno sidii aynu u hiigsan lahayn horumar , halka aynu maanta joognana hore ugaga dhaqaaqi lahayn. Hogaan hami sare iyo himilo fog leh oo aynu helno iyo dad dhisan oo garaadkoodu bisil yahay oo si wax ula arka amaba uu u dhugan kara , amaba uu hogaamiyuhu noqdoba mid dad ahaan tacab galiya in hab fikirka dadka uu kor u qaado si looga midha dhaliyo hamiga iyo himilada fog ee uu leeyahay. Waxa aan aaminsanahay in aynu gaadhi karno meelkasta oo sarayn wanaag iyo horumar lagu tilmaamo oo ibnu adam gaadhay oo ay inaga uun inaga xidhan tahay , waxa kaliya ee inaga xigaana ay tahay dedaal iyo tacab aynu isku kaashano si aynu u gaadhno dadyowga qayrkeen ah ee aynu daba socono ama gaadha is leenahay , markaa ogow dalkani horta in uu adiga ku tirsanayo dadkaaguna adiga ku sugayaan oo cid kale ha ku halaynin. ( SHARCIGA IYO WAXA UMADU DHIGATAY OO SIDIISA LOO RAACO + HOGAAMIYE HIMI SARE IYO HIMILO FOG + DADKA OO INTA HOGAAMISAA HAB FIKIRKOOGA IYO GARAADKOOGU BISIL YAHAY KANA MADHAN YAHAY DANO GAAR AH = WADADA HORUMARKA ) Mohamed Abdi Jama Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com +252634429221/634241005 @dhimbiil:twitter Qaran News
  4. (SLT-Gaza)-Dhaqdhaqaaqa Garabka Islaamiga ah ee Xamaas ayaa ka digay weerarada Israa’iil ka geysatay Axadii shalay magaalada Gaza. Afhayeenka Xamaas Fawzi Barhoum ayaa sheegay in natiijada ka dhalata arintaan ay mas’uuliyadooda ay qaadi doonto Israa’iil. Mr Barhoum ayaa intaa ku daray haddii diyaaradaha Israa’iil ay sii wadaan duqeynta magaalada Gaza gaar ahaan saldhigyada Xamaas ay Israa’iil ka shaleyn Doonto. Subaxnimadii hore ee Axadii shalay ayay aheyd markii diyaaradaha Israa’iil ay gantaalo ku garaaceen deegaanka Al-Qassam oo fadhiisimo ay ku leeyihiin ururka Xamaas. Ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay duqeynta marka laga soo tago burbur hantiyadeed. Source
  5. Wafdiga Gudoomiyaha Aqalka Sare oo gelinkii dambe ee Axadii ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa xalay gaaray Magaalada Doha, waxaana Garoonka Hamad ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Shuurada ee dalkaasi. Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Doha ay uga qaybgalaan shirka 7aad ee Ururka Baarlamaanka Adduunka ee ka hortagiisa musuq maasuqa. Shirkan oo laba berri socon doono ayaa waxaa la fillaya in maanta uu ka furmo Magaalada Doha, iyadoona la soo geba-gabeen doono gelinka dambe ee maalinta Talaadada. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa wafdiga ku wehlinaya safarkiisa Magaalada Doha waxay isugu jiraan xubno ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-09122019.mp3 View the full article
  7. Girma is a child of Ethiopian and Eritrean immigrants. She grew up in Oakland California. She was born Deafblind and attended public school, Her memoir was released this month. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda ka mid ah musharaxiinta la filayo inay ugu cad-cadaadaan doorashada 2021, ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada markale dib uga soo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya. Ugu horreyn wuxuu ugu baaqay labada dhinac ee diriraya inay dagaalka joojiyaan wax welibana ay ku dhameeyaan deganaan, si looga baaqsado in markale uu dhiig daato. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday waxgaradka gobolka Mudug inay u istaagaan joojinta colaadaasi, islamarkaana ay labada dhinac isugu keenaan miiska wadahadalka. “Waxaa mar labaad baaq nabadeed u soo jeedinayaa beelaha walaalaha ah ee ku diriraya deegaanada Af-barwaaqo iyo Towfiiq, anigoo ka codsanaya inay xabadda deg deg u joojiyaan, gogol wadahadalna isugu yimaadan, colaad wiilba ku dhinte wiil kuma dhasho, burbur iyo barakac waxaan aheyna lagama dhaxlo, Waxgaradka halkaas ku suganna waxaan u soo jeedinayaa daminta colaadaas inay ku baxaan, nabadna kala dhex dhigaan dadkaas walaalaha ah ee halkaas ku diriraya.” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed. Baaqaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saaka dagaal cusub uu dib uga qarxay agagaarka deegaanka Towfiiq oo dhaca bariga gobolka Mudug, kaas oo geystay khasaare xoogan. Dagaalka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli ay isa soo tarayeen baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo labada maleeshiyo, ee ku wada dagaalamaya Bariga Gobolka Mudug. Sidoo kale waxaa uu dagaalku ku soo aadayaa, iyadoo maanta lagu waday in ay deegaanadaasi gaaraan Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada Magaalada Gaalkacyo qaarkood, si ay nabad u kala dhex dhigaan. Afbarwaaqo iyo Towfiiq ayaa waxaa la tilmaamaa in tan iyo sanadkii 2011 ay ku soo noq noqdeen dagaal beeleedyada, waxaana markasta guuldareysanayay dadaalo kasta oo labada dhinac lagu kala qaboojinayay.
  9. Local officials thrust into national issue after Trump order requiring local OK of resettlement. Source: Hiiraan Online
  10. The democratic credentials of the self-declared Somaliland are increasingly under scrutiny for failure to hold parliamentary elections for 14 years. Source: Hiiraan Online
  11. Family, friends hold fundraising event in memory of Isahak Muse Source: Hiiraan Online
  12. DUBAI: Militant groups in the Arab world face a gradual decline and most Arabs oppose the use of religion for political gain, a new survey suggests Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo shalay hortegay xildhibaanada Golaha Shacabaka, ayaa ka Jawaabay su’aallo dhowr ah oo la xiriiray arrimo kala duwan oo ku aadan dhanka amniga dalka. Xildhibaan Aamina oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa Wasiirka Amniga weydiisay halka uu ku dambeeyo Baaritaanka Weerarkii musiibada ahaa ee ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu dilay duqii hore ee Muqdisho Injineer Yariisow. Wasiir Ducaale oo ka Jawaabay Su’aashaas ayaa waxaa uu sheegay in baaritaankii ku socday qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka C/raxmaan Cumar Cismaam Eng Yariisow haatan uu marayo heer gaba-gabo ah, ayna dhowaan shaacin doonaan natiijada. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in la xiray dad badan oo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxaas, kuwaas oo su’aalo weydiin ay ku socoto. Qaraxa ayaa waxaa fulisay gabar aragga la’eed oo loo yaqiin Basiira Cabdi Maxamed, balse magaceeda runta uu ahaa Maryan Cabdi Maxamed, waxaana qaraxa ka caawiyey gabar caawiye u ahayd oo baxsatay. Ducaale ayaa sheegay in sidoo kale lagu raad joogo shaqsiyaad kale oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarka, ayna soo Bandhigi doonaan markii uu soo dhammaado baaritaanka, hayeeshee ay weli socdaan baaritaano. Qaraxii xarunta gobolka Banaadir oo dhacay 24-kii July ayaa waxaa iminka kasoo wareegay afar bil iyo bar, waxaana dad badan ay layaabeen waqtiga fog ee ay dowladda ku qaadatay inay soo bandhigto xaqiiqda wixii halkaas ka dhacay.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay kulankii shalay su’aala weydiinta ahaa ee fadhiga golaha shacabka ay ku hor tageen wasiirrada amniga iyo duulista hawada ayaa warbaahinta Qaranka ku eedeeyey inaysan sidii wax u jireen u soo tabin, maadaama iyaga oo kaliya warbaahinta looga ogolaa kulanka. Fiqi oo u waramayey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay faaf reeb lagu sameeyey su’aalihii ku wajahnaa wasiirrada iyo sidoo kale jawaabihii ay bixinayeen, isagoo xusay in xildhibaanadii muxaafidka ahaa oo kaliya su’aalahoodii la baahiyey intii kalena la iska reebay, waxuuna ku goodiyey inay taas kula xisaabtami doonaan. “Kulan adag oo taariikhi ah ayuu ahaa oo sidaa ogtihiinba loogu yeeray wasiirada amniga iyo duulista hawada oo lagu weydiinayey su’aalo tira badan oo shacabku ay qabaan oo howlahooda la xariira. “Waxaa la weydiiyey xubnahaas su’aallo badan oo shacabka Soomaaliyeed ka dhex guuxayey, gaar ahaa cuna qabateyntii Kismaayo, madaxweynayaashii safaradooda laga celiyey iyo howlaha amniga oo dhan, sida dilka guddomiyihii gobolka iyo kii gabadhii Almaas Elman ayaa la weydiinayey, waxaana ayaan darro ah in warbaahintii qaranka oo ku shaqeynaysa canshuurtii shacabka aysan maanta baahin kulankaas muhiimka ah” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi. Xildhibaanka oo sii hadlayey ayaa yiri, “Dhacadadii maanta oo dhamaan ay dadku dameynayeen in warbaahintii dowladda ay soo baahi weyso nuxurka dhacdadii ka dhacday hey’addii ugu weyneed dowladda, waxay tirmaan muuqata u tahay sida dalkan uu gacanta ugu galay kaligii talis”. Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in weriyaha uusan waajib ka saareyn inuu faaf reeb ku sameeyo hadalka xildhibaanka, maadaama hadii dhib ka yimaado uusan shaqo ku laheyn weriyuhu ee qofkii yiri uu ka jawaabayo khalad ka dhaco, isagoo sheegay in warbaahinta madaxa banaanba aysan kala reebin hadalada masuuliyiinta wax dhiba oo uga yimaadana aysan jirin. Ugu danbeyntii Fiqi ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaano kale ay dacwad ka gudbi doonaan warbaahinta dowladda, sidoo kalena ay baarlamaanka hor geynayaan maadaama ay ku shaqeeyaan canshuurta shacabka laga qaado. “Aniga iyo xildhibaano kale waxaan dareen weyn ka qabnaa arintaas waxaana gudbi doonaa dacwad ka dhan ah warbaahinta dowladda, sababta aan u dacweynayno oo golahana aan u hor geynayno waxay tahay canshuurta shacabka ayey ku shaqeysaa inay ugu adeegto ayeyna aheyd, laakiin madaxda kaliya inay u adeegaan oo wararka u fiican kaliya tabiyaan ka yeeli mayno waana la xisaabtami doonaa” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil shalay ka dhacay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho oo loo gaystay nin lagu magacaabo Maxamed Cumar Guutaale. Maxamed Cumar Guutaale ayaa ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana dilkiisa fuliyey koox hubeysan oo goobta ka baxsaday, sida ay sheegtay Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay koooda Al-Shabaab oo lagu baahiyey warbaahintooda ayaa lagu sheegay in Maxamed Cumar Guutaale “uu ahaa kabtan” ka tirsan ciidamada dowladda, islamarkaana dilka ay fuliyeen dagaal-yahanada kooxda. Dowladda Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin dilka Maxamed Cumar Guutaale. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in Maxamed Cumar Guutaale uu “galaangal weyn” ku dhax lahaa taliska ciidanka xoogga dalka, inkasta oo aysan weli caddeyn heerka uu ka joogay. Dilkan ayaa imanaya ayada oo amniga Muqdisho uu aad u wanaagsanaa bilihii dhowaa, islamarkaana la yareeyey dilalkii iyo qaraxyadii ay kooxda Al-Shabaab ka fulin jirtay caasimadda.
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bilowday hab cusub oo ay kula dagaalameyso Ayax baahsan oo ku habsaday deegaano balaadhan oo ka tirsan maamulkeeda. Somaliland ayaa rasaas iyo hubka dagaalka ee daran-dooriga u dhaca u adeegsatay Ayaxaasi oo koox koox u wada socday, isla markaana si weyn u qabsaday deegaano ka tirsan gobolka Sool oo ay dhul beereed baaxad weyn ku yaalan. Waxa saacadihii la soo dhaafay lagu arkayey baraha bulshada muuqaalo muujinaya Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland, oo hubkaasi u adeegsanaya Ayaxaasi, si looga cayriyo dhulkaasi uu ku habsaday. Ciidamadaasi ayaa sidoo kale waxa ay adeegsanayeen dhawaaqa dheer ee gawaadhida dagaalka, si loogu kala eryo Ayaxaasi baahsan ee faraha ba’an ku haya, iyagoona rasaas kala go’ laheyna hawada ugu ganayey. Habkan cusub ayaa kamid ah dadaalo ay Somaliland ku dooneyso inay kula tacaasho Ayax faro badan ku haya deegaano ka tirsan maamulkooda oo u badan dhul beereed. Somaliland ayaa hore ugu aqoonsatay Ayaxan ku habsaday qaar kamid ah deegaanadeeda ‘Musiibo qaran’ oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.
  17. The weakening of the Auditor General’s independence is a serious setback for accountability and good governance in Somalia. Developing countries often face the difficulties of institutionalising good governance in ways that are tailored to their own circumstances. Whilst standards of good governance in Somalia are slowly changing for the better, the current debate about the Audit Bill, which sets out the framework within which the role of Somalia’s Auditor General (AG) is defined, portends serious accountability and transparency problems. Somalia’s politics is largely based on the principle of being on the make and on the take. Understanding the questions of who drives transparency initiatives, who promotes its effective implementation and who will potentially be hurt by it therefore become very important. This takes on an added importance as reluctance to criticise, and keeping your mouth firmly shut, is the ticket to being in office in a “lucrative” post and staying outside looking in (and of course salivating for the chance to come aboard). In other words, transparency and accountability are bywords for “Qawda Maqashii Waxna Ha U Qaban”. As a matter of course, the AG must be independent of government and needs to have the right degree of freedom to scrutinise and challenge those entrusted with public funds without fear or favour. It is therefore hardly plausible to expect such scrutiny from someone who is appointed by the very people he is trying to police, and who may as well remove him from office at will. It is an obvious weakening of the AG’s independence to make its mandate ineffective and unfit for purpose. Flashes of “Isla Xisaabtan” The most recent “adverse” audit report issued by Somalia’s AG is both instructive and welcome as it shows flashes of “Isla Xisaabtan” peering through. The fact that an audit report details substantial and systemic flaws in the internal governance of every government department, including the offices of the Prime Minster and President, is as unsurprising as it is important. This is progress. However, the public repudiation of some of the report’s material conclusions a few days later by the Minister of Finance, forcing the AG to issue “clarifications” is a potent reminder that confidence in the quality of AG’s work is neither widely shared, nor AG’s independence appreciated. This is very unfortunate and will have a chilling effect on the AG’s objectivity and independence, cascading all the way down to the auditors on the ground. The AG’s role is to support accountability and improvement through assessments that are rigorous and free from political bias. Independence from government pressure and interference therefore underpin the unique value of the AG’s audit work. Whilst constructive challenge and debate is part of the audit process, and is something that should be managed internally within the framework of agreed legislative guidelines, a public spat shows engagement and accountability mindsets are still underdeveloped. The proposed Audit Bill A key flaw in the provisions within the Audit Bill is that it gives Somalia’s president the prerogative to appoint the AG without parliamentary involvement – in essence, the Executive appointing its own oversight authority. The Lower House of Parliament approved the bill, effectively endorsing a framework which curtails its own ability to provide credible oversight. The bill had since been in legislative limbo at the Upper House for almost a year. This is either evidence of legislative paralysis at a time when the country needs to show urgency in implementing much needed governance reforms; or the Upper House is scrutinising poorly drafted legislation which is intended impair, rather than enhance, AG’s independence. It is not difficult to see what the issue is. The separation of powers principle dictates that the legislative branch (Parliament), provides constitutional oversight over the Executive (government). Parliament, which approves the government’s budget, needs to be able to make the link between what it approves and how the government is delivering what is required to do. The AG thus supports parliament by looking across the government to identify evidence of systemic corruption and mismanagement of public funds; assesses whether public funds are used on value for money grounds; provides objective assurance over the delivery of public services and makes important recommendations for making improvements. By helping parliament with its oversight of the executive, a country’s overall transparency and accountability processes are enhanced in ways that are beneficial to society at large. This is critically important for achieving economic progress. However, we also know that a truly independent AG will naturally worry those that favour form (having an AG in name only) so that veneer of accountability and transparency is projected, rather than substance (an AG’s office that can operate effectively and hold them to account). In this context, the current debate about the Audit Bill, and its initial passage through the Lower House, is indeed unsurprising. The debate of audit bill has also been spun in a way that makes arguing against it sound almost “unconstitutional”. The assumption that Somalia’s interim constitution gives the president the power to appoint the AG, and anything that deviates from it is deemed unconstitutional, is incredulous and stretches logic. A parliament ill-equipped to understand its responsibilities to its people and an Audit Bill that is hardly consistent with the pursuit of robust accountability and good governance are both bad news for Somalia. It is time for an urgent rethink. By: Abdi Ali abdirahman.ali3@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  18. N&N stay away from this – not good for your health President Farmajo has fleeced Somalia for the past three and a half years by [...] Source
  19. A 34-year-old transport minister and lawmaker has been tapped to become Finland's youngest prime minister ever and its third female government leader. Source: Hiiraan Online
  20. Beledweyne-(Caasimada Online)-Dagaal u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa caawa ka socda inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo-burde iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa bilaawday kaddib markii dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar jid gal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo isaga kala gooshayey magaalooyinka Maxaas iyo Buulo-burde. Taliyaha guutada shanaad, qeybta 27aad ee xoogga dalka Korneyl Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) ayaa la sheegay in uu wato ciidamada loo galay wadada. Ciidamadaas ayaa la sheegay inay ka bexeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kuna sii jeeday degmada Buulo-burde ee isla gobolkaas, waxayna dagaal xoog leh kala kulmeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo u galay wadada u dhaxeysa labadaas degmo. Dagaalka ayaa bilaawday makhribnimadii hore ee caawa waxaana la sheegay in goobta lagu dagaalamayo oo ah dhul miyi ah uu wali ka socdo dagaalku, isla markaana laga maqlayo dhawaqa hubka la isku adeesanayo. Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi waxaana aad u adag in war laga helo deegaanada uu dagaalka ka socdo isgaarsiinta oo aad u liidata aawgeed, sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya. Waxii ka soo kordha kala soco Caasimada.net
  21. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar___Qubanaha-08122019.mp3 View the full article
  22. RIYADH: Restaurants and cafes in Saudi Arabia will no longer be required to have separate areas for families and bachelors, the Ministry of Municipalities and Rural Affairs said Sunday. Eateries in the Kingdom have until now had to provide two entrances: one for women and families and another for single men or male groups . The new rule is the latest step taken in Saudi Arabia to reduce gender segregation. The ministry said on Twitter it was canceling several requirements for restaurants and kitchens including: “An entrance for bachelors (single) and a separate entrance for families.” The ministry made the announcement among a series of rule changes affecting schools, hospitals, restaurants and wedding halls. The mayor of Makkah, Mohammed Abdullah Al-Quwaihis , told Arab News that the move would “ease many conditions and restrictions” for restaurant owners. “This decision will increase the flow of investment and the number and variety of restaurants,” he said.
  23. Gudoomiyaha Degmada Maydh Oo Ka Waramay Waxyeelada Ay Roobabku Gaadhsiiyeen Deegaanka Degmada Maydh Maayarka Degmada Maydh Prof. Xuseen Sheekh C/raxmaan Sheekh Siciid Maydh ayaa ka war bixiyey, Roobab dabaylo wata oo ilaa 6-dii bishan Dec 2019 ka da’aayey deegaanada Degmada Maydh, kuwaasi oo waxyeelo gaadhsiiyey degmada. Maayarka oo goor-dhawayd warbaahinta la hadlay ayaa waxa hadaladiisii kamid ahaa “Roobabki Dabylaha watay oo 6-dii ilaa 7-dii bishan si aan kala-go lahayn uga da’ay degmada Maydh iyo nawaaxigeda, wuxuu gaystay waxyeelooyin badan, sida ruux dumara oo daad ku qaaday deegaanka Xaadh oo ah deeganka hoos-yimadaa degmada maydh, sidoo kale guryo dumay iyo xoolo iyo aqal Soomaliyo uu ka qaaday xaga baadiyaha, magaalada Maydh waxa dumay 9 guri, 5 guri oo ka dumay tuulada waqderiya,sidoo kale waxa waxyeeloobay 13 Laash oo ay 7 laash oo kuwa kaluunka ahna ay gabi ahaanba burbureen, waxa iyana waxyelooyin laga soo sheegaya degaanada hoos yimaada degmada sida, Xaadh laas-dhanaan Afceel kuule.Xarshow ,Ceel-dibir,Gorgor, Cirshiida,Laasa-surad, Waqderiya oo iyagana aanu waxyeeladooda gadaal kasoo sheegi-doonaa “ Mayor Xuseen oo hadalkiisa sii watay ayaa waxa uu sidoo kale yidhi” Waxyeelada ugu wayn wuxuu gaadhsiyey ceelki biyaha degmadu ka cabi jirtay, oo waxa uu waxyeeleyay beebabkii ceelkii biyuhuna wuu dhaawac-may waana xaalad u baahan gurmad deh deg ah”, Mayor Xuseen oo sidoo kale hadalkiisa sii watay ayaa waxa uu yidhi” Roobaabkan ayaa waxa ay jiingadii kala tageen Saldhigii Dhexeee Booliska,Kastamkii, MCH-kii degmada,Gurigii Hooyooyinka, isagoo sidoo kalena dumiyeyxaruntii qalabka kaluumaysiga iyo dhirtii waa-weynayd ee degmada,Dhamaan guryaha ka dumay degmada maydh oo isugu jira Guryo shicib iyo Guryo dawladeed ayaa isku gaynta tiradoodu tahay 20 guri oo dumay roobkii bishii hore iyo 10 uu dumay 6-7-dii bishan iyadoo wadarta guryaha waxyeeloobay ay noqonayaan 30 guri” Gaba-gabadii ayaa waxa uu Maayarka Degmada Maydh Prof. Xuseen Sheekh C/raxmaan Sheekh Siciid Maydh cod dheer ku sheegay in bulshada degmada maydh u baahan tahay in si degdega loo soo gaadhsiiyo gargaar degdega . Qaran News
  24. Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Sarreeye/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa shaqadooda u fasaxay Taliya Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Mu’min Cabdi Shire (Ina-madaxweyne) iyo Ku xigeenkiisa Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale (Suleembe). Gen Muxiyadiin ayaa Arbacadii la soo dhaafay oo ku beegneyd 4-tii bishaan December, waxa uu shaqada ka joojiyay Taliya Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Mu’min Cabdi Shire, kadib khilaaf soo kala dhex-galay labada Taliye. Sarreeye/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa shaqa-joojinta u cuskaday amar-diiddo uu sheegay in uu sameeyay Col. Mu’min Cabdi Shire, balse ilo’ ka agdhow Jananka ayaa xaqiijiyay in labada Taliye uu khilaaf hoose ka dhex jiray. Sidoo kale, Taliyaha Booliiska ayaa maalin kadib shaqada ka joojiyay Taliye xigeenka Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale (Suleembe) oo uu isagana ku eedeeyay in uu amar-diiddo sameeyay. Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, ayaa la sheegay in ay markii dambe xalliyeen khilaafkii labada dhinac, islamarkaana Taliyaha Booliiska ku qanciyeen in uu shaqadooda u fasaxo, Taliyaha Qeybta iyo ku xigeenkiisa. Taliyaha Booliiska Puntland, ayaa sidaan oo kale 8-dii June ee sannadkan, waxa uu shaqada ka joojiyay Taliyihii Qeybta Booliiska gobolka Nugaal ee xilligaasi Gaashaanle Sare Cabdixamiid Maxamed Axmed Samakaab (Ina Maxamed Dirir). Balse, madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan oo xilligaasi ahaa Ku-simaha madaxweymaha, ayaa shaqada u fasaxay Cabdixamiid Dirir saddex saacadood kadib markii uu shaqada ka joojiyay Gen Muxiyadiin. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliiska Puntland oo shaqada u fasaxay Taliya Qeybta Booliiska Nugaal iyo ku xigeenkiisa appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame oo ayaa caawa si shaacsan ugu dhowaaqay inuu Allah uga towbad keenay gefkii ka dhacay, wuxuuna weydiistay cafis. “Waxaan rabaa mar kale inaan cadeeyo xadiishkiis Nabiga CSW ee doodu ay ka dhalatay inaana diidaneyn oo aan ictiraafsanahay xadiiskaas inuu yahay mid saxiix ah, waxaan kaloo ictiraafsanahay sida Nabigeena Muxamed NNKH uu fasiraadda uga bixiyey, waxaan kaloo ictiraafsanahay diinteena Qur’aanka Kariimka iyo sunnada Nabiga CSW inay tahay diinta xuquuqda ugu badan siisay haweenka, sidaas darteed wax kasta oo khalad ah oo khudbadaas ku jiray waxaan Ilaahey subxaanahu watacaalaa weydiisanayaa inuu iga cafiyo, waana uga towbad keenayaa” ayuu yiri CC Shakuur Warsame. Cabdiraxmaan oo sii hadlayey ayaa sheegay inuu jiro dhaqan guracan oo bulshadeena ka dhex jira iyo fasiraad khaldan oo uu sheegay in diinta laga sameeyay. “Waxaan markasta diidanahay oo u taagnaa doonaa iyadoo diinteenu ay xuquuqda ugu badan siisay haweenka inuu jiro dhaqan guracan oo bulshadeena ku dhex jira, fasiraad khaldan oo diinta laga sameeyey oo lagu dulminaayo xuquuqda dumarka, kaas oo aan anigu diidanahay waxaan ahay qof u taagan inuu ka hor tago oo dulmigaas ka dhiidhiyo, difaacana xuquuqda dumarka ay siisay shareecada islaamka” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabdiraxmaan. Ugu danbeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Dhamaan doodihii ka dhashay khudbadeydii waan la socday in tooda badan tan culumada , tan siyaasiyiinta iyo tan bulshadaba, dhamaan waan cafiyey dadkaas kuwa iga soo horjeeday iyo kuwa itaageerayaba, iyagana waxaan ka dalbanayaa inay i cafiyaan, arrintu halkaas ha ku dhamaato, culumadana waxaan ugu baaqayaa inaysan la kala safan siyaasiyiinta, kuwa aan hadda siyaasada isku heyno anigaaba ku dhaama diintee haddey cid la safanayaan waxay aheyd inay aniga ila saftaan.” Hoos ka daawo muuqaalka