-
Content Count
213,996 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-22112019.mp3 View the full article
-
James Swan, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo shalay galinkii dambe khudbad ka jeedinayay kulan gaar ah oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay kaga hadlayay xaaladda Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday arrinta Somaliland gaar ahaana xorriyadda iyo wada hadalka Soomaaliya. “Iyada oo la filayo in doorashada Baarlamaanku ay ka dhacdo Somaliland 2020-ka, waxa muhiim ah in xorriyaadka siyaasadeed iyo xuquuqal insaanka la ixtiraamo,” Sidaas ayuu yidhi Mr James Swan. Ergayga Unta waxa uu intaasi ku daray ahmiyadda wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland “Marka la eego xidhiidhka Somaliland, waxaanu xukumaddaha Muqdisho iyo Hargeysa labadaba ku boorinayna in ay xoogga saaraanaahida dadweynaha, kuna qaabilaan maskax furan dadaallada lagu dhiirigelinayo Wada hadallada oo dib u bilaama,” Sidaas ayuu yidhi Mr James Swan. Hadalka Danjiraha UN ayaa imanaya iyada oo ay xidhan yihiin xoghayaha guud iyo afhayeenka guud ee xisbiga Waddani iyo dadyow kale oo loo xidhay arrimo siyaasadeed. sida oo kale telefishanka Horn Cable ayaa wajahaya xayiraad xukumaddu la maaggan tahay waxaana dhawaan Somaliland iskaga cararay wariyeyaasha iyo masuuliyiinta shabakadda Hadhwanaag oo ka baxsaday xadhig loo gaysto. Source
-
Dacwad oogaha ugu sarreeya Israel ayaa ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu kusoo oogay dacwado la xiriira laaluush, khiyaameyn iyo kaslooni lumin. Dacwadahan ayaa waxa ay xuduntoodu tahay eedeymo ku saabsan in ra’iisul wasaaraha iyo xaaskiisa ay qaateen dhayman, sigaar iyo khamro qiimahooda dhan yahay 260,000 oo dollar iyo hadiyado kale oo ay ku bedesheen ayaga oo fulinaya dano siyaasadeed. Netanyahu ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu faro-gelin ku sameeyey hay’adaha sharci dejinta dalka, isaga oo matalaya laba shirkad oo warbaahineed, taasi oo uu dhaafsaday in warar wanaagsan laga baahiyo. Waa markii ugu horreysay taariikhda Israel oo ra’iisul wasaare xafiiska fadhiya lagu soo oogo dacwado la xiriira eedeymo dambiyeed. Netanyahu oo Israel hoggaaminayey 13 sano ayaa baaritaanka ka dhanka ah ku qeexay “isku day afgambi.” Source
-
Internet la’aan ka jirta Iran oo looga dan leeyahay in lagu caburiyo dibad-baxayaasha kasoo horjeeda dowladda ayaa galay maalintii lixaad, ayada oo mas’uuliyiinta ay si tartiib tartiib ah usoo celinayaan. Kooxda fadhigeedu yahay London ee Internet-ka la socota ee NetBlocks ayaa sheegtay in internet la’aanta guud ee ka jirta Iran ay hadda u muuqato inay kasoo reeneyso kadib 113 saac oo xiriir ah. Kooxdan ayaa sheegtay in illaa iyo hadda lasoo celiyey 15% internet-ka dalka. Isaga oo la hadlayey weriyayaasha, ayaa ayaa xoghahaya golaha sare ee Internet-ka Iran, Abolhassan Firouzabadi waxa uu sheegay in ay dhowaan go’aan buuxa ka qaadan doonaan in internet-ka lasoo wada celinayo iyo in kale. Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in sababta ay Internet-ka u jareen ay tahay inay ka hortagaan in mucaaradka ay online-ka kula xiriiraan islamarkaana ku kaciyaan dibad-baxayaasha. Internet la’aanta ayaa dhaawac xooggan gaarsiisay dhaqaalaha Iran oo markii horeba ay waxyeelo kasoo gaartay cuanqabateenada Mareykanka. Source
-
Taliska guud ee ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa markii u horraysay war ka soo saaray dilkii magaalada Muqdisho loogu geystay Almaas Elman Cali Axmed. Taliska ciidamada AMISOM waxay sheegeen inay bilaabeen baaritaanno ku aadan dilka Almaas oo ka dhacay xerada Xalane xilli ay ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. “Baabuurka waxay ku saarnaayeen 3 qof, labadii qof ee kale waxbo ma gaarin, Almaas Elman iyadoo dhaawac ah waxay ku geeriyootay Isbitaalka AMISOM” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay howlgalka AMISOM. Waxaa sidoo kale war saxaafadeedka lagu sheegay in AMISOM ay baarayaal u dirtay goobta lagu dilay gabadha isla markaasna ay wareysteen darawalkii baabuurka iyo dad goobjoogayaal ah. “Baaritaanno horu dhac ah ayaa muujinayaa in Almaas Elman ay ku dhacday rasaas habow ah, wax rasaas ah oo laga riday xerada dhexdeeda ma jirin xilligii uu dilka dhacayay, waxaa jiro jiray dhacdooyin dhowr ah oo ku saabsan rasaas habow ah oo horey ugu soo dhacay xerada” ayaa lagu yiri hadalka kasoo baxay AMISOM. AMISOM waxay sidoo kale sheegtay in si wadajir ah ciidammada dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo ha’yadaha kale ay si buuxda uga shaqeyn doonaan baaritaanka ku aadan dilkii loo geystay Almaas Elman. PUNTLAND POST The post Taliska AMISOM oo war ka soo saaray dilkii ALmaas Elman appeared first on Puntland Post.
-
Diyaarad nooca xamuulka ah oo sidda deeq gar-gaar Bini’aaddannimo ah ayaa Maanta soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladan Muqdisho. Deeqdan oo noocyo kala duwan isugu jirta ayaa ka timid Dalka Talyaaniga, taas oo loogu tala galay Dadka ay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka Deyrta saameeyeen, iyadoo gar-gaarkaasina lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya si loo gaarsiiyo Dadka dhibaateysan. Talyaaniga ayaa ka mid ah Waddamada Caalamka ee ka qeyb qaadanaya gurmadka loo fidinayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Talyaaniga oo Muqdisho keentay gar-gaar loogu tala galay Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen appeared first on Puntland Post.
-
Diyaarad weyn oo sidda gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka roobku saameeyeen ayaa goordhaw soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Gargaarkan waxaa uu taas uga yimid dowladda Talyaaniga waxaana uu noqonayaa gurmadkii ugu horeeyay ee dowlad Yurub ah ay toos ugu wareejiso dowladda Soomaaliyeed. Waxaa ay weli dhibaato ka jirtaa arrimaha fatahaadda gaar ahaan dadka ku dhaqan Baladweyn.ee gobalka Hiiraan iyo deegaanno dhaca gobalka dariska la ah ee Shabeellaha Dhaxe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mareykanka ayaa ka walaacsan isku dayga Shiinaha ee la xiriira inuu saameyn ku yeesho doorashada madaxweynenimo ee ka dhacaya Taiwan, sidaasi waxaa laga soo xigtay sarkaal sare oo Mareykan ah oo manta oo Jimco ah ku sugan Jasiiraddaasi . Sarkaalkaasi ayaa sheegay in Shiinaha uu sare u qaaday cadaadiska jasiiradda iskeed ugu dhawaaqday mamulkeeda oo dooneysa in bisha Janaayo ee sanadka soo socda ay qabato dorashoyin madaxtinimo. Hadalkaan ayaa yimid maalmo kadib markii Taiwan ay ku dhaleeceysay Shiinaha inay wadaan isku day ku saabsan faragalinta geedi socodka dimoqraadiyadda,gaar ahaan mudada lagu guda jiro doorashada 11-ka Janaayo ee sanadka soo socda. Jasiiradda Taiwan oo ah maamul iskiis isu xukuma,ayaa dalka Shiinuhu wuxuu u arkaa in ay tahay gobol ka mid ah dalweynaha Shiinaha,inkasta oo ay heleen taageero iyo tixgelin heer sare ah oo ay u muujiyeen dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo kuwo kale. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo walaac ka muujiyay saameynta Shiinaha ee doorashooyinka Taiwan appeared first on Puntland Post.
-
Luuq (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland kadib markii Dowladda Soomaaliya ay bilowday inay Gobolka Gado kala wareegto maamulka Axmed Madoobe. Maxamed Cabdullahi Gardhuub guddoomiyaha degmada Luuq oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in uusan hoostagin maamulka Jubbaland oo marka horeyba u soo magacaabay xilka uu hayo haatan. Guddoomiye Gardhuub ayaa shaaca ka qaaday in inta laga helayo maamul Jubbaland oo loo dhanyahay, lana aqoonsanyahay ka hor ay hoostagayaan wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumadda soomaaliya. Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Luuq ayaa kamid ahaa guddoomiyeyaashii loo ka xeeyay dalka itoobiya, mar wax laga weydiiyay diidmadiisa ku aaddan Jubbaland ay la xiriirto safarkii loogu qaaday Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in meeshii ay rabaan u safri karaan, islamarkaana aan lagu cadaadinin in ay ka soo horjeestaan maamulka Jubbaland. Khilaafkii ugu xumaa ayaa haatan waxaa uu u dhexeeyaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, waxayna arrintaas kusoo aadeysaa xilli Shalay uu Axmed Madoobe sheegay inaysan indhaha ka laaban doonin waxa ka socdo Gedo wixii hadda ka dambeeyo. Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timaaday doorashadii dhawaan dib loogu doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana jiro qorsho ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay doorasho ku qabato Gobolka Gedo.
-
Muqdisho (SMN) – Xili maanta lagu wado in garoonka kubada cagta lagu qabto muxaadro ciwaan looga dhigay Muubooyinka iyo sida looga hortagi karo ee uu dhawaan iclaamiyay Sheekh Maxamed Umul ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay dhalisay hadal-heyn bulshada dhexdeeda ah. Hadalheynta ayaa ka dambeysay markii Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo ka digay in laga qeyb galo muxaadaro la filayo in maanta lagu qabto Muqdisho. Sheekh Soomow ayaa eedeen ujeediyay dhigiisa Umul. Dhinaca kale, Imaam Cumar Macalin Abshir, oo kamid ah waxgaradka Soomaliyeed oo ku baaqay inaan la siyaasadeeynin muxaadarada uu iclaamiyay Sheikh Maxamed Umul. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Umul.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, James Swan, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Somalia, Xaliimo Ismaaciil iyo guddoomiyaha bulshada Rayidka Cusmaan Macallin iyo xubno kale ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii Qudbadahooda ka horjeediyay kulanka golaha Ammaanka. Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo-Yarey ayaa faahfaahin ka bixisay Arimaha hadashay doorashada iyo waxa u qorsheysan guddigooda, iyadoo xustay inay dadaal badan gelinayaan sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah. Dhinaciisa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia James Swan ayaa u sheegay golaha Ammaanka in hiigsiga ajendaha 2020 uu u baahnaan doono heshiis siyaasadeed iyo isfaham guud. “Muhiimadu waa in Baarlamanka Soomaaliya uu meel mariyaa sharciga doorashada iyo meel-marinta wax ka badalka sharciga xisbiyada siyaasadda ka hor dhamaadka Disembar si looga fogaado wax kasta oo khatar gelin kara wakhtiga loo qabtay doorashada” ayuu yiri James Swan. Mr James Waxaa uu sidookale soo hadal qaaday in Soomaaliya horumar ay ka gaartay deyn-cafinta, qorshaha cusub ee horumarinta Qaran, iyo dib u soo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Diyaarad nooca xamuulka ah oo sidda deeq gar-gaar Bini’aaddannimo ah ayaa Maanta soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladan Muqdisho. Deeqdan oo noocyo kala duwan isugu jirta ayaa ka timid Dalka Talyaaniga, taas oo loogu tala galay Dadka ay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka Deyrta saameeyeen, iyadoo gar-gaarkaasina lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya si loo gaarsiiyo Dadka dhibaateysan. Guddiga gurmadka Fatahaadaha ayaa garoonka Muqdisho kula wareegay deeqdaan ka timid dowladda talyaaniga, waxaana ay sheegeen in dhawaan la gaarsiin doono Magaalooyinka ay dhibaatadu ka dhacday oo Beledweyne ugu weyn tahay. Talyaaniga ayaa ka mid ah Waddamada Caalamka ee ka qeyb qaadanaya gurmadka loo fidinayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.
-
Muqdisho (SMN) – Alle ha u naxariistee, Almaas Elman, oo ah gabar ka shaqeysa arrimaha samafalka, ayaa lagu wadaa in lagu aaso Muqdisho. Marxuumadda ayaa 20-kii bishaan November ay xabad ku dishay wadada isku xirta xarunta Xalane iyo madaarka diyaaradaha caalamiga ah, Aadan Cadde. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay ka qeybgeli doonan aaska oo la sheegayo in uu heer sarre noqonayo. Laamaha ammaanka ayaa tilmaamay in ay baaritaano ku wadaan qaabka ay wax u dhaceen, lama soo warin hadii shaqsiyaad loo xir-xiray. Xukuumadda ayaa shaaca ka qaadey in ay cadaaladda marsiin doonto cid kasta oo ay ku cadaato in ay ku lug lahayd geerida marxuumad Almaas. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa War kasoo saaray dilkii gudaha Xalane oo loogu geystay Almaas Elman Axmed oo aheyd diblomaasi hore iyo ruux u dhaqdhaqaaqa nabada Soomaaliya. AMISOM Waxa ay xaqiijisay in xabad ay ku dhacday Almaas xilli ay kasoo baxday Shir ay uga qeyb gashay Xalane, islamarkaana ay dooneysay in ay aado garoonka Aadan Cadde, islamarkaana ay saarneyd kursiga dambe ee gaariga , Darawalkii iyo ruuxii kale ee la socdayna aysan waxba gaarin. “AMISOM waxay si wada jir ah ula shaqeyneysaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada amniga Soomaaliya si ay si buuxda ugu baaraan geerida naxdinta laheyd ee ku timid Marwo Almaas Elman Cali Axmed, oo ku dhacday rasaas 20-kii November ka dhacday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay AMISOM. Dilka loo geystay Almaas Elman ayaa shaki badan abuurtay, waxaana la is waydiinayaa sida ay u dhacday in lagu dilo Xarunta Xalane oo ah meel aad loo adkeeyo ammaankeeda. Marxuumada ayaa la filayaa in Maanta lagu aaso Magaalada Muqdisho, waxaana duugisteeda kasoo qeybgeli doono madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socdo Beesha Caalamka.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-22112019-sax.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Odayaasha Dhaqanka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay codsadeen in wax laga qabto amni darro kusoo korortay qaybo kamida gobolka. Cuqaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay in dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed ay talaabo qaadaan. Wax-garadka ayaa cod dheer ku dalbaday in gobolka lagu soo celiyo Gaashaanle Sarre Xasan Jaamici oo ay sheegeen in uu wax badan ka bedelay amniga gobolka. Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa isugu darsan tahay weeraro ka dhan ah ciidanka oo ay geysanayaan Al-Shabaab iyo burcad dhac u geysaneysay shacabka. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Xasan-Jaamici.mp3 View the full article
-
Awoowe soomaaliya oo u geeriyooday jidh-dil loogu geystay Minneapolis+Booliska oo wiil 23-jir ah u soo xidhay Awoowe soomaaliyeed oo 75 jir ahaa islamarkaana lagu magacaabay Shirwac Hassan Jibril ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar uu ku qaaday wiil madow ah kadib markii ay ku dhex murmeen bas ka dhex shaqeeya magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, USA. Leroy Davis-Miles oo 23 jir ah ayay boolisku u soo qabteen fal-dambiyeedkan uu ku baxay awoowe Shirwac kaas oo dhacay labo isbuuc ka hor, waxaana ay wararku sheegayaan in awoowe Shirwac uu soo fuulay bas ay saarnaayeen dhallinyaro uu ka mid ahaa Leroy kuwaas oo ku dhex qeylinayay baska, markii uu ka codsaday in ay buuqa yareeyaana la hujuumay. Awoowe Shirwax markii uu baska uga dagay halka loo yaqaan Chicago-Lake Transit Center, ayay dhallinyaradu ka daba dageen, waxaana wiilka iminka la soo xiray uu wajiga feer kaga dal-dalay awoowe shirwac kaas oo dhulka durba ku dhacay. Leroy ayaa asxaabtiisa xabadka-xabadka u saaray kadib markii uu feer dhulka la dhigay awoowe Shirwac, waxaana asxaabta qaar ay markaasi bilaabeen in ay baartaan jeebabka awoowe Shirwax ka hor inta aysan goobta ka baxsan. Awoowe Shirwax oo isbitaalka Hennepin County Medical Center loola cararay ayaa maalmo kadib ku geeriyooday halkaasi, waxaana ay boolisku sheegeen in uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dhanka madaxa iyo maskaxda. Booliska ayaa sheegay in ninka ay u hayaan fal-dambiyeedkan lasoo taagi doono maxkamad, iyagoona la kaashan doona Hennepin County Attorney’s Office. Awoowe Shirwac ayaa ifka kaga tagay 8 xarruur ah iyo 7 uu awoowe u ahaa, waxaana lagu sheegay xilliga la weeraray uu ka yimid dhanka masjidka oo uu kusoo tukaday mid ka mid ah salaadaha. Warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in ay jiraan xiisado horay ugu dhexeeyay soomaalida iyo madowga Mareykanka ah ee magaalada Minneapolis, waxaana booliska oo dhowr jeer oo hore kala dhex galay ku wargeliyay soomaalida in ay ka leexdaan madowga Ameerikaanka ah. Qaran News
-
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ka yeeshay doorashada Soomaaliya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay gelinkii dambe kulan ka yeeshay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo doorashada madaxweyne ee kusoo fool-leh dabaryaaqada sannadka dambe. Kulankan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa waxaa khudbado ka jeediyay masuuliyiin uu ka mid yahay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramaada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, Guddoomiyah Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Soomaaliya, Xaliimo Ismaciil iyo Guddoomiya Bulshada Rayidka ah Cusman Macallin. Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in hiigsiga ajendaha 2020, uu u baahnaan doono wada-oggol siyaasadeed oo qoto dheer. Waxaa uu ka hadlay sida ay muuhiimka u tahay in baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyaan sharciga doorashada iyo meel-marinta wax ka-baddalka sharciga xisbiyada siyaasadda ka hor dhammaadka bisha Diseember ee sannadkan si looga fogaado wax kasta oo khatar gelin kara wakhtiga loo qabtay doorashada ee dabaryaaqada 2020. Waxaa uu xusay in Soomaaliya horumar ay ka gaartay deyn-cafinta, Qorshaha cusub ee Horumarinta Qaran, iyo dib u soo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya. Qaran News
-
Khamiistii dhoweyd November 14, 2019 Soomaaliya iyo Kenya waxay markale isku afgarteen in dib loogu soo celiyo xiriirkii labada dal halkii uu joogay bilowgii 2019kii. Kenya waxay February 16, 2019 si ula kac ah u soo cayrisay Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, taas oo ka baxsaneed maamuuska iyo xurmada ka dhexeysa dowaladaha derisaka ah. Dhacdadaas wixii ka dambeyay, Muqdisho waxay ku dadaashay inay si taxadar leh ula dhaqanto Nairobi. Haddaba, su’aashu waxay tahay: Maxaa isbedalay, oo keenay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu baadi goobo isafgarad aan melena u socon? Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in madaxtooyadda Kenya wixii ka dambeyey ikhtilaafkii New York, ay si ba’an u raadineysay in mar uun dib u soo celiso is aaminaadii labada dal. Sidoo kale, Kenya waxaa caqabad ku noqotay siyaasadeedii cunaqabateenta Soomaaliya. War uu bartiisa Twitterka soo dhigay Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegaya in labada dal ay dib u soo celinayaan xiriirkoodii, isagoo aan soo hadal qaadin doodii aaga badda ee shidaalka hoddonka ku ah (New York Times – November 14, 2014). Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya aysan waxba iska bedelin mowqifkeedii ahaa in dooda garta badda lagu dhammeyo Maxkamadda ICJ, (VOA – November 14, 2019). October 18, 2019 Maxkamadda ICJ waxay go’aansatay inay dib u dhigto dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeya Soomaaliya iyo Kenya, ilaa iyo June 2020. Cusman Maxamed Xuseen oo wax ka qora arrimaha Geeska Afrika ayaa hore u yiri, “Kenya waxay September 3, 2019 codsatay in dhagaysiga dacwada dib loogu dhigo ka dib markii garyaqaanadeedii dib uga gurteen difaaca dacwada.” Inkastoo Kenya ay ku doodaysay inay u baahan tahay muddo ay ku raadsato garyaqaanno, kuna soo bandhigto caddeymo dheeraad ah, haddana Soomaaliya waxay u aragtaa in ay dooneyso keliya, in waqti ay ka lumiso maxkamadda. Markale, Kenya waxay ku andacootay war aan xaqiiqadiisa la hubin, oo Maxkamadda ku gacan sayrtay. Kenya waxay caado ka dhigatay inay ceebeyso garta maxkamadaha caalamiga ah. Maxkamadda ICJ waxay u xaqiijisay labada dhinac (Kenya iyo Soomaaliya) inaysan aqbali doonin dib u dhigid dambe. Weliba waxay qaraar kama dambeynta ah dul dhigtay, in labada dhinac ay ka soo qayb galaan dhageysiga dacwada oo dhacaysa June 8 ilaa 12, 2020. Kenya, iyadoo fileysay in garsoore Cabdulqaawi Axmed Yuusuf uu ka degi doono doorka guddoonka dhowr bilood ka dib, islamarkaasna ku xisaabtameysa in Soomaaliya ay geli doonto doorasho keeni karta, in la beddelo xukuumadda talada dalka gacanta ku haysa, ayay qaadatay amarkii maxkamadda. Kenya waxaysan ku xisaabtamin in garsoore Cabdulqaawi Axmed Yuusuf uu sii hayn doono guddoonka maxkamadda ilaa February 6, 2021, kana sii tirsanaan doono garsoorka ilaa iyo 2027. Walow xilligaan Kenya aysan ku lahayn Maxkamadda ICJ garsoore ku matala, haddana xulashadeeda Mudane Gilbert Guillaume oo u dhashay dalka Fransiiska waxay tilmaan u tahay siyaasadeeda difaaca. Labaatankii sano ee la soo dhaafay, shirkadaha Fransiiska waxay si lixaad leh u maalgashanayeen dalka Kenya. Maalgashigaas iyo xulashada garsoore Fransiis ah, ayaa kordhinaya tuhunka laga qabo in Fransiisku si dadban ugu lug leeyahay laqdabada Kenya ee badda Soomaaliyeed. Jilaalkii dhawaa, Madaxweyne Emmanuel Macron oo ah madaxweynihii ugu horreyay ee Fransiis ah oo soo booqda gobolka Bariga Afrika ayaa Kenya la saxiixday heshiis iskaashi amni, iyo dhaqaale gaaraaya 3 bilyan doolar. Dhinaca kale, ansixintiisii saami qeybsiga khyaraadka dalka ee bilowgiisii sannadka oo soo dedejisay in shirkadaha Exxon Mobil iyo Royal Dutch Shell ay dib ula macaamilaan Soomaaliya, balse waxaa muuqata in shirkadaha TOTAL iyo ENI Energy ay ka caga jiidayaan inay bixiyaan xuquuqda lagu leeyahay, lana macaamilaan dowladda Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, su’aasha taagan ayaa ah: Danta Fransiiska ee Kenya inteebey sii jiri doontaa xilli ay muuqato in Kenya aysan waxba ku lahayn shidaalka aan la baarin ee ceegaaga waqooyiga xuduud-badeedka Kenya iyo Soomaaliya? Ma qarsoona in Fransiiska iyo Talyaaniga, ay ku fashilmeen siyaasadoodii gobolka, gaar ahaan Rwanda iyo Soomaaliya, taas oo keentay inay dib ugu gurtaan. Marka ficiladooda laga fiiriyo xagasha “geopolitical rivalary,” waxaa muuqata in ay horey ugu dhacay dabin Ingiriiska iyo Mareykanka u dhigeen. Rubac qarni ka hore Fransiiska iyo Talyaaniga waxay ku qanceen in ay Liibiya iyo waqooyiga Afrika maalgashtaan, agaas oo ka rajo fiicnaa xilligaas Geeska Afrika, halka Mareykanka iyo Ingiriiska ay ku sabreen inay la tacaalaan dib u dejinta Soomaaliya. “Taas ayaa maanta labadaba (Fransiiska iyo Talyaaniga) ka hortaagan inay ka qayb noqdaan maalgashatada khayraadka Soomaaliya” ayuu yiri Cabdalla Jaylaani oo wax ka qora siyaasadda Geeska Afrika. Dhinaca kale, falanqeeyaasha dhaqaalaha gobolka ayaa aaminsan in isbedelka siyaasadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay qayb ka tahay ifafaalahaas soo kordhay iyo hoos u dhaca ku socda dhaqaalaha Kenya ay Soomaaliya ka heli jirtay. Inkastoo aan war rasmi ah laga soo saarin, haddana boqashadii Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre ee madaxtooyadda Fransiiska “Elysee Palace – Paris,” ayaa u muuqata diblomaasiyad wax weyn ka bedeli doono xiriirka Fransiiska iyo Soomaaliya, taas oo khatar ku ah qorshihii Nairobi ay carqaladeenta dacwadda badda. Tan iyo wixii ka dambeyay xilligii dowladdii Cabdi Qaasim Salaad, Soomaaliya wax xiriir toos ah lama yeelan Fransiiskaska. Xilligaas waxuu Cabdi Qaasim isku dayay inuu dib u soo celiyo macaamilkii shirkadda TOTAL ee shidaal baaristii Soomaaliya, taas oo ka careysiisay shirkadaha shidaalka ee Maraykanka iyo Ingiriiska. Dadka qaarkii ayaa aaminsan in dhacdadaas soo dedejisay in Cabdi Qaasim uu seego kursigii madaxtooyadda. Walow aan la ogeyn, waxa ka dhalan doono isfahamka Fransiiska, haddana Soomaaliya waxaa ka go’an inay dhowrto xiriirka deris wanaaga ee Kenya, si looga hortago xasillooni darro dhalisa isku dhac aan micno ku fadhin. W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qassim Jamhuriyadda.com
-
LONDON - In central Somalia’s Beledweyne district, families still reeling from food shortages and livestock deaths after another year of poor rains were surprised by a new disaster last month: brutal floods that completely submerged homes after the Shabelle River burst its banks. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
