Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,996
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay dib u dayactir ku sameynayso Wasaaradda 10 kanaal oo ku yaala gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelah Dhexe, si loo yareeyo fatahaadda ka dhasha Webiga Shabeelle. Mudane Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dayactirka kanaaladaan looga gol leeyahay yareynta fatahaadda,. “Waxaan dhameystirnay kanaalka weyn Birimo sugundaariyo ee ku yaala Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana hadda qorsheyneynaa in Wasaaraddu ay dib u dayactir ku sameyso shan kanaal oo gobolka Shabeelaha Dhexe ah iyo shan Shabeelada Hoose in la dayactiro, waana tobanka kanaal ee ugu waa weyn” ayuu yiri Wasiirka Beeraha. Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in sababta ugu weyn ee uu fatahaadda ku sameyo Webiga Shabeelle ay tahay in webiga uu aasmay oo carro ay ka buuxsantahay. “Dhowr siyaabood ayuu Webiga Shabeelle fatahaad ku sameeyaa, tan koowaad waa webiga oo aasmay, isla markaana aan muddo helin wax dayactir ah, tan labaad oo ah in biyaha webiga meelo qaldan laga furo oo ay sameeyaan biyo baxo, taasi oo ay inta badan adeegsadaan argagixisada Al-Shabaab oo difaac ka dhiganeysa” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka. Mudane Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay waddo qorshe mideysan oo arrinta biyaha la xiriirta haddii ay tahay tan webiga iyo kuwa kale ee caadiga ah. View the full article
  2. (SLT-Dubai)-Dalalka Khaliijka ayaa in muddo ah wada qorshe ay ku qabanayaan shir weyne caalami ah, oo ay si rasmi ah ugu dhowaaqayaan inay xidhiidh diblomaasiyeed oo rasmi ah la yeelanayaan Israa’iil, waxaa sidaas weriyey warbaahinta Middle East Eye iyo Alkhaleej. Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin dhammaan dalalka doonaya inay sidan sameeyaan, haddana waxaa la ogyahay yahay inay hormuud ka yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Bahrain. Saddexdan dal ayaa hadda si hoose oo aan shaacsaneyn ula xidhiidha Yahuudda. Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa bilihii ugu dambeeyey ogolaanayey in fallanqeeyayaasha siyaasadeed ee dalkiisa ay si shaacsan u difaacaan Israa’iil. Xitaa waxay difaacayeen weerarkii ugu dambeeyey ee Israa’iil ay ku qaadday Gaza oo lagu xasuuqa 32 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 8 isku qoys ah. Hadafka ugu dambeeya ee Bin Salmaan iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo ah dhaxal-sugaha Imaaradda Abu Dhabi ayaa ah in la beddelo ra’yul caamka shacabka Carabta, ka hor ku dhowaaqista go’aanka ay xidhiidhka ula yeelanayaan Israa’iil. Tani waxay sidoo kale ku qasbi kartaa inay la heshiiyaan Qatar oo muddo laba sanno ah ay ku hayaan xanibaad. Mohamed bin Salmaan iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa garowsan awoodda warbaahineed ee Qatar iyo taleefishinkeeda Aljazeera oo qorshahooda ka bixin kara argti taban. Si kastaba, ma cadda haddii Qatar ay sidaas ogolaan doonto, xitaa haddii ay la heshiiyaan. Qatar, Turkey iyo Iran waa saddex ka mid ah dalalka Islaamka ee qadiyadda Falastiiniyiinta ay ka go’an tahay. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah darawallada gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka ayaa saaka banaanbax ballaaran ka dhigay magaalada Muqdisho. Dibadbaxa oo muddo socday ayaa waxaa looga soo horjeeday maamulka gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Darawallada qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka gobolka uu ku soo rogay lacago dheeraad ah oo aysan awoodin inay bixiyaan. Sidoo kale waxa ay sheegeen in dhibaatada xirnaashaha wadooyinka loogu sii daray inay lacago bixiyaan, taas oo ay tilmaameen inay cabasho ka yihiin, si wax looga qabto. Dibadbaxayaasha oo aad u careysnaa ayaa isugu soo baxay waddooyin muhiim ah, sida isgoysyada Afarta Darjiin, Fagax iyo Towfiiq ee magaalada Muqdisho. Weli ma jirto jawaab ay ka bixisay dowladda cabashada dadweynaha, gaar ahaan gaadiidleyda oo marar badan banaanbaxyo ka dhigay waddooyinka Muqdisho. Cabashada gaadiidleyda ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa soo jiitameysay, tan iyo markii dhagxaan waa weyn lagu xiray inta badan waddooyinka Caasimadda.
  4. Taliska Qeybta Booliiska gobolka Nugaal, ayaa saaka oo Sabtiya saldhiga dhexe ee caasimadda Garoowe ku soo bandhigay Khamri, Xashiish, toorayo iyo agab kale oo ay adeegsadaan dhalinyarada kooxaha u abaabulan ee dhaca iyo furashada ka gaysta gudaha magaalada. Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay, in hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha Garoowe ay ku soo qabteen dhalinyaro kooxo u abaabulan oo dhibaato dhac iyo furasho u gaysta dadka shacab ah, kuwaasi oo inta badan adeegsada maandooriyaal halis ah sida khamriga iyo Xashiishka. Maandoriyaashan dhalinyaro keliya laguma soo qaban, balse sida ay saraakiishu sheegeen waxa jira dad kale ka ganacsada khamriga iyo xashiishka iyo qaar isticmaala oo si dhuumasho ah gudaha magaalada ku soo geliya. Taliska ayaa digniin adag u diray dadka ka ganacsada iyo kuwa isticmaala maandooriyaasha waxaana ay ku hanjabeen in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo falalkaasi lagu qabto Hoos ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Booliiska Garoowe oo soo bandhigay maandooriyaal iyo agabka wax lagu dilo appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Washington)-Madaxweyne Donald Trump ayaa weeraray safiir ka marag kacaday baadhitaanka Trump ee Ukrain, isaga oo ku andacoonaya inay diidday in sawirkiisa la suro safaaradda Mareykanka ee Ukraine. Mr Trump ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in danjirhii hore Marie Yovanovitch ayna doonayan in sawirkiisa la suro safaaraadda Mareykanka ee magaalada Kyiv, balse madaxweynaha ma aanu sheegin faaf-faahin dheeraad ah. Ms Yovanovitch ayaa toddobaadkii hore ku marag kacday in shaqada looga eryay sheegashooyin been abuur ahaa oo ay sameeyeen dad ujeeddooyin gaar ah leh. Waxay ka mid ahayd 12ka marqaati ee ku marag furay dhageysigii dacwadda xil ka qaadista madaxweyne Trump, taasi oo ay suurogal tahay in madaxweyne Trump uu xilkiisa ku waayo musuqmaasuqa la sheegay inuu ku kacay. Muxuu Madaxweyne Trump u sheegay warbaahinta Fox? Wareysi dhanka telefoonka ah ee uu Trump siiyay Fox ayuu ku difaacay shaqa ka ceyrinta Ms Yovanovitch. ”Danjirahan, oo uu qof kasta leeyahay waxay ahayd cajiib, sawirkayga ma ayna surin safaaradda”, ayuu yidhi Mr Trump. ”Waxay safaaradda madax ka ahayd ku dhowaad muddo laba sannadood ah”. ”Waxay iga sheegtay waxyaabo xun xun, wayna i difaaci waysay, marka anigana waxaan leeyahay xuquuqda aan ku beddeli karo safiirka.” ayuu yidhi Trump. ”Qoraalada Twitter-ka ee Trump waxay ahaayeen kuwo cabsi gelin ah”, ayay tidhi Yovanovitch. Maxaa shaqada looga eryay Marie Yovanovitch? Marie Yovanovitch oo ah 33 Jir ka hawl galeysay safaaradda Mareykanka ee magaalada Kyiv ayaa bishii May shaqada laga erayay sababo weli mugdi ku jira. Waxay sheegtay in dadaaladeedii ka dhanka ahaa musuqmaasuqa ay sababeen in shaqadeedii ay ku weydo. Ms Yovanovitch ayaa sheegtay in cadawgeeda ay u muuqdeen inay xulafeysi ka heleen maamulka Trump, kuwaasi oo ay sheegtay inuu ka mid yahay qareenka gaarka ah ee maaxweyne Trump Rudy Giuliani. Source
  6. Waxaa saaka 9:30 subaxnimo lagu wadaa inu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo kulan la qaato hoggaanka xisbiyada qaran ee dalka ka jira. Sida ay Goobjoog News u sheegeen qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha axsaabta la ballamiyey, waxaa ay Villa Somalia tagayaan iyada oo aan loo sheegin wax ajende ah, oo waa fariin uu soo diray uun agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi Fuursade. Kulankan ayaa lagu waday inuu dhaco khamiistii laakin baaqday, waxaa xusid mudan in uu daba socdo midkii uu madaxweyne Farmaajo la yeeshay labadii kursiga uga horeysay ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shaarif. Farmaajo oo waqtigiisa ka harsan yahay hal sano ayaa u muuqda inuu soo dabcay, lana hadlayo dad la rabay inuu mar hore la hadlo. Wararka kulankaas kala soco halka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Ankara)-Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen Mid ka mid ahaa saraakiishii ugu muhiimsanayd Kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish. Sarkaalka la qabtay oo lagu magacaabo Yusuf Huba ayaa kooxda Daacish u qaabilsan samaynta Bambooyinka iyo Tababarka sida loo sameeyo, waxaana laga soo qabtay magaaladda waqooyiga suuriya ku taalla Asas Wasiirka oo la hadlayay wargayska maalin laha ah ee Xoriya waxaa uu sheegay in ninka la qabtay oo magaciisa xadhigaga ah uu ku sheegay Abu Jihaydiin Nasar Al Cubaydi loo haysto inuu ka dambeeyay 20 weerar oo daafaha Caalamka ka dhacay, islamarkaana uu ahaa ninka masuulka ka ahaa tababarka dhalinyarada isqarxisa. Ciidammada maraykanka ayaa howlgal ay ka sameeyeen gudaha ciraaq waxay ku dileen hoggaamiyihii kooxda daacish Baqdaadi bishii hore. Source
  8. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi, xilli ay marayeen deegaanka Ceel-Saliini ee gobolkaasi. Ugu yaraan illaa afar askari oo la socotay gaariga lala eegtay qaraxa ayaa dhaawacantay, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan ciidamada huwanta ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa weeraro gaadmo ah kala kulma dagaalyahannada Al-Shabaab ee ku xoogan gobolkaasi. View the full article
  9. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa xukuumadda federaalka ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo ay ka arrimiso Jubaland. Madaxweyne ku xigeenka oo wareysi siiyay BBC-da ayaa beeniyay in ay jiraan ciidamo iyo mas’uuliyiin ku sugan gobolka Gedo oo ka goostay dowlad goboleedka Jubaland kuna biiray dowladda Federaalka Soomaaliya Balse wuxuu sheegay in haddii ay jiraan mas’uuliyiin culays lagu saaray in ay Jubaland ka tegaan oo dowladda federaalka isu dhiibaan ay arrintaasi xor u tahay isagoo intaasi raaciyay in mas’uulkii ka tirsan Jubaland ee dowladda Federaalka isu dhiiba ay booskiisa qof kale u magacaaban doonaan. Mar wax laga weydiiyay sababta uu u tegi waayay degmooyinka gobolka Gedo ee Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow oo ka tirsan Jubaland ayuu Maxamuud Sayid Aadan sheegay in uusan doonayn in rabshado ay halkaasi ka dhacaan. Xiisadda siyaasadeed ee degmooyinkaasi galbeedka gobolka Gedo ayaa ka dhashay xarig bilo ka hor magaalada Muqdisho loogu geystay wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo ilaa iyo haatan u xiran dowladda federaalka. Wixii intaa ka dambeeyay waxaa soo baxayay warar ah in ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland oo si toos ah uga amar qaadanayay Cabdirashiid Janan ay markii dambe ku biireen kuwa dowladda dhexe. PUNTLAND POST The post Jubaland oo sheegtay in xilka laga qaadayo mas’uulkii isu dhiiba Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  10. Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in si toos ah loo bilaabay duuliyaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, kadib markii dhawaan heshiis ay Kenya wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya. Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada Axmed Macalin Xasan oo u warramay Warbaahinta ayaa hoosta ka xariiqay in duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi ay faa’iido weyn u tahay bulshada Soomaaliyeed oo kalhore dhibaato ku qabay marista Wajir ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya. “Dhawaanahan waxaad la socotaan in shacabka Soomaaliyeed ay dhib weyn ku qabeen maritaanka magaalada Wajir marka ay u sii socdaan Nairobi, halkoo aad ay dhibaato badan kala kulmi jireen iyo flight ka oo ku dheeraada, diyaaradda marka ay Muqdisho ka kacda 50 daqiiqo ayay u soconeysaa Wajir, halkaas ayaana la joogayaa Wajir, hadana 50 daqiiqo ayay u soconeysaa magaalada Nairobi, markii hore ay tooska ahayd, diyaaradda waxa ay Nairobi u socon jirtay halsaac iyo bar” ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Duulista oo hadalkiisa ku daray “Dhawaan markii Madaxweynaha Dalka uu booqasho ku tegay Nairobi waxaa mira dhalkeeda noqday in dhibkaas uu Alle ka qaado Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana dib loo bilaabay duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, kaasi oo maanta si rasmi ah uga bilowday Muqdisho, wixii maanta ka dambeeyana diyaaradaha ka kaca Muqdisho waxa ay si toos ah u tegi doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya”. Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa hoosta ka xaqiiray in diyaaradaha ka duula qaar ka mid ah Gobollada dalka aysan si toos ah u tegi doonin garoonka Jomma Kenyatta ee magaalada Nairobi, isla markaana ay mari doonaan magaalada Wajir, waxaana uu intaa ku daray in diyaaradaha ka duula Muqdisho ay si toos ah u tegi doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Tallaabadaan ayaa ah mid wax weyn u tareysa bushada Soomaaliyeed ee daneyneysa inay helaan duulimaad toos ah oo ay ku tegaan Nairobi, halka markii hore ay mari jireen magaalada Waji View the full article
  11. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda kulan la yeelan doono xisbiyada siyaasada ee heysta shahaadada KMG ah. Kulankan ayaa noqon doono kii u horreeyay ee Madaxweyne Farmaajo la qaato inta badan xisbiyada siyaasadda ee dhowaan uu diiwaan geliyay guddiga doorashooyinka Qaranka. Farriimo laga diray Madaxtooyada ayaa lagu wargeliyay xisbiyada siyaasadda inay isugu yimaadaan kulan uu Madaxweyne Farmaajo la qaadan doono, kaasoo dhici doonao maanta. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu kala hadli doono xisbiyadan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka oo dowladda Federaalka dooneyso in la qaato nidaamka doorasho ee qof iyo cod ah. Dhowaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu Madaxtooyad aku qaabilay hoggaanka madasha xisbiyada Qaran. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-23112019-sax.mp3 View the full article
  13. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegayaa in uu saaka kulan la qaadan doono urur-siyaasadeedyada ka dhisan magaalada Muqdisho ee haysta Shahaadada KMG ah ee Xisbinimo. Xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa ku war-geliyay urur-siyaasadeedyada ka dhisan Muqdisho ee guddiga doorashooyinka Soomaaliya sida KMG ah u siiyay shahaadada Xisbinimo in ay soo xaadiraan kulan uu saaka oo Sabtiya la qaadan doono madaxweynuhu, kaasi oo ka dhici doona xarunta madaxtooyada Villa Somalia. Madaxweynaha ayaa sida la sheegayo urur-siyaasadeedyadaasi kala hadli doona arrimaha doorashooyinka soo socda hannaanka ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya u doonayso in doorashooyinkaasi loo qabto. Xeel-dheerayaasha hillaadiya siyaasadda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in kulankaasi madaxweynuhu ku wargeliyay urur-siyaasadeedyada ka dhisan Xamar ujeedkiisu yahay in bulshada lagu marin-habaabiyo si looga jeediyo kulan uu todobaadkii tegay la qaatay madaxweynayaashii isaga ka horreeyay ee Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh Maxamuud. Madaxwene Farmaajo iyo madaxweynayaashii ka horreeyay ayaa la tuhunsanyahay in ay arrima hoose kaga wada-hadleen kulankii Arbacadii la soo dhaafay marka laga reebo qodobada uu warbaahinta ka sheegay Xassan Sheikh. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaadanaya urur-siyaasadeedyada ka dhisan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ee Wadajir ee uu hoggaamiyo, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qaadacay shirka Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xisbiyada dalka, kaas oo lagu wado in maanta oo sabti ah ka ka dhoco gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. War ka soo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay inaysan ka qeyb geli doonin shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Madaxtooyada, wuxuuna xisbigu ku tilmaamay mid maaweelin ah. Sidoo kale xisbiga ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu door ka qaado kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020-ka, hadddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo uu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinkaaasi. “Xisbiga Wadajir wuxuu diyaar yahay in uu ka qeyb qaato kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020, haddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo uu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinka 2020-ka, wuxuuna Xisbigu dhab u qaadanayaa wada tashiyada, Marka uu Madaxweynuhu si cad shacabka Soomaaliyeed ugu cadeeyo una balanqaado in uu san hal maalin ku darsan doonin muddo xileedkiisa”ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xisbiga mucaaradka ee Wadajir Hoggaanka xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale shuruud ku xiray ka qeyb galka shirkan, taas oo ah in dowladdu ay magdhow ka bixiso weerarkii khasaaraha dhaliyey ee 17 December 2017-kii lagu qaaday guriga C/raxmaan Cabdishakiir ee magaalada Muqdisho. “Waa in cudurdaar iyo magdhaw ka bixiso dowladdu dhibkii ay Xisbiga Wadajir u geystay haddii uu Madaxweynuhu cadeeyo mowqifkaas ayuu Xisbigu diyaar u yahay in la xaajoodo dowlada”ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa in shirka uu ka dhaco xarunta madaxtooyada, waxaana ka qeyb galaya laa 57 xisbi oo warbixin ka dhageysan doono madaxweynaha, sida ay noo xaqiijiyeen xubno sare oo ka tirsan Villa Soomaaliya. Waxyaabaha laga hadli doono ayaa waxaa ugu horreeyo doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka sanadka 2020-ka iyo nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonto markii xiligaasi la gaaro, taasi oo aragti la iska weydaarsan doono. “Waxaa na balamiyay madaxweynaha Soomaaliya maalinta sabtida ah, ajandaha wali noolama soo gudbin balse waa uun kulankii ugu horeeyay oo looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya” ayuu yiri mid ka mid ah guddoomiyaasha xisbiyada dalka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan Muqdisho ku qaabilay madasha xisbiyada oo ay kala hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.
  15. Survey indicates that new election wouldn’t break political deadlock, with Liberman still holding balance of power between rival blocs Source: Hiiraan Online
  16. Najah al-Shammari, Defense Minister of Iraq, as well as his wife, are both on Swedish welfare. The top Iraqi politician, who became a Swedish citizen in 2015, is currently under investigation for welfare fraud, a police source tells Nyheter Idag. Source: Hiiraan Online
  17. The African Union on Friday called on Britain to withdraw from the Chagos Islands and end its “continued colonial administration” there after a U.N. deadline for it to do so expired. Source: Hiiraan Online
  18. After pressure from Minnesota public-health and environmental activists, Amazon removed more than a dozen skin-lightening products with toxic levels of mercury off its website. Source: Hiiraan Online
  19. Doorashadii Puntland ee 2019-ka waxaa ku guulaystay ganacsato Shuraako ah oo isbahaysatay, ganacsatadan ayaa tartanka doorashada ku soo galay labo musharax, qorshahooduna wuxuu ahaa in labada musharax mid uun u guulaysto, labada musharax ayaaa kala ahaa Siciid Cabdullaahi deni iyo Faarax Cali Shire. Guushii ka dib, waxaa bilowday halgan ku dhisan damaaciga gacan ku haynta qandaraasyada Puntland, iyadoo khilaafkii u horreeyay uu ka bilowday qandaraaskii ciidamada PMPF ee imaraadku gacanta ku hayo, iyagoo Ganacsatadii guulaystay ay bilaabeen inay ku kala sad bursadaan islamarkaana ku kala adkaadaan nafaca laga helo gacan ku haynta qandaraaska PMPF-ka. Khilaafkaas wuxuu sababay in ganacsatadii iswadatay khilaafkoodii banaanka u soo baxo iyagoo khilaafkooda ku saleeyay hardan beeleed gaar ahaan beelaha dega Nugaal, Karkaar iyo Bari oo ay ka kala soo jeedeen, waxayna bilaabeen hub aruursi iyo kala jabinta ciidamadii Puntland. Madaxweyne Deni oo xubin ka ahaa ganacsatadii dalka qabsatay ayaa wuxuu taageeray dhinac ka mid ah ganacsatadii, wuxuuna ugu hiiliyay awoodiisa madaxweynanimo, taasi sii xoojisay khilaafkii ganacsatadii iswadatay doorashada ka hor. Khilaafku wuxuu sii labo jibaarmay markii la isku adeegsaday Baraha bulshada iyadoo Daraf ka mid ah ganacsatadii lagu tilmaamay inay yihiin Daacish (ISIS) iyo burcad-badeed, islamarkaana ay qas iyo nabadgelyo xumo ay ka wadaan gobolka Bari, Halka kooxda kale lagu tilmaamay qawlaysato aan dalka iyo dadka u naxeen oo madaxweynaha awoodiisana dadka iyo dalka ku handadaya. Wuxuu khilaafku sii socdaba labadii daraf ee doorashada ka hor midaysnaa waxay ciidamada Puntland oo ay magacyo u kala bixiyeen isugu geeyeen magaaladda Bosaso, waxayna cod dheer ku dhawaaqay in dagaal dhici doono, dagaalkaasi oo dhexmari doono mucaaradka Bosaso iyo Dowladda oo ka sifaynaysa Magaaladda. Halkaa marka ay marayso Xaaladu waxaa soo dhexgalay arrintii qaar ka mid ah isimadda Puntland waxayna ku guulaysteen inay dib u celiyeen qayb ka mid ah ciidamadii soo galay magaaladda ee taageersanaa labada daraf mid ka mid ah, iyagoo ku qanciyay in tabashadoodii ay isimadu la wareegeen. Khilaafka waxaa sabab u ahaa waxaa dhamaaday mudadii ay Puntland la gashay heshiiska Shirkada Sarecen ee ay Emaratka wakiilka ka ahayd, mudadaas oo ahayd 10 sano, waxayna kala ahayd 5 sano oo Madaxweyne C/raxmaan Faroole ah iyo 5 sano oo Madaxweyne Cabdiweli Gaas ah, waxaana heshiisku qorayay in 10-kii sano mar la cusboonaysiiyo, halkaas ayaa waxaa ka dhashay hardanka gacan ku haynta qandaraaska cusub. Waxayna qaybtii uu hoggaamiyay Ganacsade Maxamuud Shido go’aansadeen in la balaariyo xubnaha ka mid noqonaya qandaraaska cusub waxaana lagu soo daray Xasan Cabdullaahi Deni oo walaal la ah Madaxweyne Deni, Ganacsade Daahir Ayaanle yo Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal sidoo kale waxay go’aamiyeen in meesha laga saaro darafka kale (qaybta labaad) ay saaxiibada wada ahaayeen. Eedaymahii Deni lagu qanciyay waxaa mid ahaa Bashir Cabdullaahi Saalax uu saami lacageed oo aan xadigeeda la garanayn uu kor ka qaato taaso aan ka mid ahayn lacagta Imaaraadka ka timaada oo iskugu jirta Adeeg, Mushar, lacago Isimo la siiyo iyo lacagaha Qandaraasleydu wada helaan oo ay shirkada ku yihiin. Madaxweyne Dani safar-kii ugu horeeyay ee Emaratka ee Bishii March wuxuu kula kulmay magaalada Abu Dabai Saraakiil derejedoodu hoosayso oo Emarat ah waxayna u sharaxeen qaabka ay lacagaha u bixiyaan iyo Akoomada iyo shakhsiyaadka ay marsiiyaan iyo cadadka lacagta guud ahaan, Ka dib Madaxweynuhu wuxuu u sheegay Saraakiisha Emaratka inuu arintaan wax kabadali doono ayna qalad tahay sida ay wax u Maamulaan hada. Intii u dhaxaysay Bilihii April ilaa August ayaa Xildhibaan Maxamuud Mashruuca iyo Ganacsade Cismaan Shiraquud oo ka mid ah guddiga dhexe ee shirkadda PDG, islamarkaana matalayay Ganacsade Bashiir waxa ay kulamo kula yeesheen Madaxweyne Dani iyo Maxamuud shido Magaalooyinka Boosaso iyo Garoowe, dhammaan kulamadaasi natiijo la’aan ayay ku dhamaaday ka dib markii u ay cadeeyeen Madaxweyne Deni iyo Ganacasade Shido in laga qaadayo Qandaraaska PDG ayna qaataan Agabka ka yaala xarunta PMPF. 24 Bishii September, Madaxweyne Deni oo ay weheliyeen Xasan Cabdullaahi Deni oo Madaxweynaha Walaakiis ah iyo Cabdirabi Cismaan Maxamed oo Madaxweynuhu u magacaabay xiriiriyaha Ciidamada PMPF-ta ee Madaxtooyada ayaa xarunta PMPF waxay kula kulmeen Saraakiil dowladda Imaraadka ah waxaana shirkaas ka maqnaa dhamaan qandaraasleydii mashruuca gacanta ku haysay. 28 September 2019, afar Maalmood ka dib shirkii Madaxweyne Deni iyo Saraakiisha Imaradka waxaa markii u horraysay waji- ka -waji isku arkacay Asaasihii mashruuca PMPF-ta ahna guddoomiyaha Shirkadda PDG Bashiir Abdullahi Saalax Deer iyo Madaxweyni Deni wuxuuna ahaa kulankii u danbeeyay uguna horeeyay wuxuuna isna ku dhamaaday isfahan la’aan ka dib markuu Madaxweynuhu u sheegay ganacsade Bashiir in qandaraaskii PDG-da uu ku egyahay 1-da November, lagana wareejiyay Mashruuca isaga, ka dib wuxuu Bashiir Salax Meesha ka sheegay inuu isagu keenay Mashruuca isla markaana wakiil ka yahay sidoo kalena isagu uu leeyahay dhulka ay dagan yihiin PMPF. DIB U MILICSIGA TAARIIKHDA MASHRUUCAN Taariikh ahaan qandaraskan waxaa fikradiisa iyo bilowgiisaba lahaa ganacsade u dhashay gobolka Sool oo la yiraahdo Cali Geele, xiligii Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi (Alle ha u naxariistee ) ayuu isku dayay inuu dalka keeno hase yeeshee uma suurtoobin waqtigii xukuumadii Mweyne Cadde oo dhamaad loona diyaar garoobayay doorashooyin . Ka dib doorashadii Madaxweyne Faroole 2009-kii ayaa mar labaad waxaa la keenay Qandaraaskii oo uu markan hoggaaminayo Bashiir Cabdullaahi Salax oo heshiis la soo galay Ganacsade Cali Geele, waxaana heshiiska qanadaraaska garab ku siinayay Bashiir Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo Madaxweyne Faroole ka dhaadhiciyay faa’idada mashruucan ugu jirta Puntland dhaqaale ahaan iyo amni ahaan madaama xiliigaas ay Puntland dhibaato ka haysatay la dagaalanka Burcad-badeeda. Qandaraaska waxaa si buuxda qalinka loogu duugay 2009-2010, waxaana wada saxiixay Ganacsato wakiil ka ah Dawladda Puntland iyo shirkada Sarecan oo wakiil ka ah dowladda Imaraadka, islamarkaana fulinaysay qandaraaska mashruuca saxiixa ka dib qandaraaska waxaa kusoo biiray Xildhibaan Maxamuud Mashruuc, Suldaan Ciise Xasan Cumar (alle Ha u naxariisto) oo noqday Agaasime ku-xigeenkii PDG, Suldaan Bashiir Muuse Koonte (Alle ha u naxariisto) oo isna Ku-xigeenka PDG akdib egeridii Suldaan ciise, Ganacsade Cismaan Shirequud iyo Ganacsade Maxamuud Shido oo dhinac Madaxweyne Faroole ka socday, awood badana la siiyay. Waqtigii Madaxweyne Gaas 2014-2019kii waxaa si gaar u xoroobay kooxda Bashiir Salaxdeyr maadaama waqtigii Faroole kooxda Maxamuud shido ay ku cabsi galin jireen darafka ganacsade Bashiir inay kala noqon doonaan Qandaraaska isla markaana waxaa hoos loo dhigay awoodii iyo dhaqaalihii Maxamuud shido maadaama ay meesha ka baxday Awoodii faroole oo uu matalayay Maxamuud shido wuxuuna marar badan sheegay inuu aargoosan doono. Sidoo kale waxaa jiray cabashooyin bilowgii 2017- 2018 waqtigii xukuumadii Gaas waxayna Madaxda Imaraadku ay ka cowdeen shaqo xumo ay qolada Qandaraasleyda uga cabanayeen laakiiin Madaxweyne Gaas wuxuu u sheegay inay ilaaliyaan hashiiska, wuxuuna u sheegay PDG inay xaliyaan wax yaalaha laga cabanayo. Haddaba taariikhiyan inta la xasuusto ma dhamaado dagaalka macdaarlaydu (Ganacsatadu), waxaana suurtagal ah in dhowrkii biloodba mar uu soo labo kacleeyo markasta oo la helo qandaraas cusub. W/Q: Cumar Siciid Maxamed www.facebook.com/OmarAkhiyar
  20. Riyadh (Caasimada Online) – Dalalka Khaliijka ayaa in muddo ah wada qorshe ay ku qabanayaan shir weyne caalami ah, oo ay si rasmi ah ugu dhowaaqayaan inay xiriir diblomaasiyeed oo rasmi ah la yeelanayaan Israel, waxaa sidaas weriyey warbaahinta Middle East Eye iyo Alkhaleej. Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin dhammaan dalalka doonaya inay sidan sameeyaan, haddana waxaa la ogyahay yahay inay hormuud ka yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Bahrain. Saddexdan dal ayaa hadda si hoose oo aan shaacsaneyn ula xiriira Yahuudda. Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa bilihii ugu dambeeyey ogolaanayey in fallanqeeyayaasha siyaasadeed ee dalkiisa ay si shaacsan u difaacaan Israel. Xitaa waxay difaacayeen weerarkii ugu dambeeyey ee Israel ay ku qaadday Gaza oo lagu xasuuqa 32 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 8 isku qoys ah. Hadafka ugu dambeeya ee Bin Salmaan iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo ah dhaxal-sugaha Imaaradda Abu Dhabi ayaa ah in la beddelo ra’yul caamka shacabka Carabta, ka hor ku dhowaaqista go’aanka ay xiriirka ula yeelanayaan Israel. Tani waxay sidoo kale ku qasbi kartaa inay la heshiiyaan Qatar oo muddo laba sano ah ay ku hayaan xanibaad. Mohamed bin Salmaan iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa garowsan awoodda warbaahineed ee Qatar iyo taleefishinkeeda Aljazeera oo qorshahooda ka bixin kara argti taban. Si kastaba, ma cadda haddii Qatar ay sidaas ogolaan doonto, xitaa haddii ay la heshiiyaan. Qatar, Turkey iyo Iran waa saddex ka mid ah dalalka Islaamka ee qadiyadda Falastiiniyiinta ay ka go’an tahay.
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Jubbaland, Korneyl Khaalid Sheekh Cabdullaahi ayaa waxaa uu ka hadlay dhaqaale uu sheegay inay ganacsatada Jubbaland qaarkood siiyaan maleeshiyada Ururka Al Shabaab. Taliyaha ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay inay jiraan ganacsato xiriir dhow la leh Ururka Al-Shabaab, kuwaa oo sida uu sheegay dhaqaale ugu yabooha, una gudbiya xoggo. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inaanan ganacsatada looga baahnayn baqdin ay ka qabaan maleeshiyada Shabaab inay lacagahooda u siiyaan, isla-markaana aanay dheg jalaq u siinin in la dili doono, haddii aanay lacagahaasi bixin. Sidoo kale wuxuu sheegay haddii ganacsatada baqdin ay maanta Shabaab ka qabaan u siiyaan lacago, berrina lagu amri doono inay shaqooyin u qabtaan amaba u fududeeyaan Shabaab, iyadoo markaasi loogu hanjabi doono haddii aanay qaban in la dilaayo. Taliyaha ayaa ganacsatada reer Jubbaland uga digay inay furaan wado aan horey ugu furnaan jirin, oo sidii doono ay suurtagal tahay in looga fusho. Taliyaha ayaa wuxuu ganacsatada ku amray inaysan jideenin wado kale oo dadweynaha ugu cadaalad doontaan Shabaabka hubeysan ee dagaalka dalka ka wada, haddii ay Shabaabku yihiin cadow gumaadaya shacabka Soomaaliyeed, sida uu yiri. Korneyl Khaalid Sheekh Cabdullaahi ayaa hoosta ka xariiqay inay hayaan cadaymo muujinaya xiriirka ay ganacsatada qaarkood la leeyihiin Shabaab, waxaase uu ku goodiyay inay goobahooda ugu taggi doonaan, haddii aanay joojin la shaqaynta Al Shabaab. Korneylka ayaa wuxuu hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo gelinkii dambe ee Khamiistii uu ku qabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
  22. Shirkada DP World oo shaacisey inay 50% Kordhiyeen shixnadaha Koontiinarrada dekedda Berbera Shirkadda DP World ee Imaraadka Carabta ayaa sheegtay inay Boqolkiiba Konton Kordhiyeen shixnadaha Koontiinarrada dekedda Berbera, halka ay Boqolkiiba Toddobaatan isbeddel weyn lagu sameeyey adeegyada marsaddaas. warbixin uu daabacay East African Business Week ayaa Guddoomiye Ku-xigeenka Xiriirka Dibadda u qaabilsan Shirkadda DP World Mr.Federico Banos-Linder wuxuu sheegay inay shirkadoodu 442ka Milyan ee doolar ugu maalgelinayso marsadda Berbera, si ay u noqoto dekedda ugu weyn, isla markaana ugu muhiimsan ee dalalka Geeska Afrika. Mr.Federico Banos-Linder wuxuu caddeeyey in ay dhammaytireen wejigii koowaad ee casriyeynta dekedda Berbera, isla maraana ay hadheen laba qaybood oo kale. “Waxaanu dhammaystirnay wejigii koowaad ee dib u habeynta marsadda Berbera, oo ka mid ah saddexda qaybood ee casriyeynta dekedda Berbera. Waxaanu kordhinay Boqolkiiba Konton shixnada Kontiinarrada. Waxa kaloo aanu boqolkiiba Toddobaatan hirgelinay horumar weyn oo laga fuliyey dekedda Berbera,”ayuu yidhi Ku-xigeenka Xidhiidhka Dibadda u qaabilsan Shirkadda DP World Mr.Federico Banos-Linder. Waxa kaloo uu intaas ku daray in dekedda Berbera ay sannadkii dhoofi doonaan 4 Milyan oo xoolo ah,waxaanu tilmaamay in muddo sannad ka yar ay dhoofiyeen 1.5 Milyan oo xoolo ah,waxaanu masuulkaasi sidaas ka sheegay khudbad uu ka jeediyey shirweynihii lagaga hadlayey maalgashiga Somaliland ee lagu qabtay Magaalada Nairobi. Sidoo kale, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tafaasiil ka bixiyey khayraadka dihin ee Somaliland oo ay ka mid yihiin isticmaalka tamarta,noocyada macdanta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland Qaran News