-
Content Count
214,001 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada Booliska iyo kuwa Milatariga dowladda Kenya ka sameeyeen deegaano dhaca xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidanku ka fuliyeen deegaano ay ku sugnaayeen Soomaali reer guuraa ah, iyagoo u geystay dhibaatooyin xoogan. Qaar ka mid ah dadka deegaan ayaa u sheegay in ciidamad Kenya ay kaxeysteen illaa 11 qof oo ka mid ahaa dadkaasi, kuwaas oo aan la ogeyn halka ay la aadeen Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay inay ka wal-walsan xaaladda ay ku sugan yihiin dadkaasi Soomaaliyeed. Ciidamada Kenya oo weeraro kala kulma Al-Shabaab ayaa inta badan howlgallada ay sameeyaan si gaar ah ugu bartimaameedsada soomaalida ku sugan xadka labada dal. Muddooyinkii dambe Kenya ayaa xoojisay amniga deegaanada gobolka Waqooyi Bari, si ay uga hortagto weerarada kooxda Al-Shabaab.
-
(SLT-Washington)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, ahna murashaxa xilka madaxtinimo ee xisbiga Dimuquraadiga doorashada 2020-ka ayaa rajo ka muujiyay xil ka qaadista Madaxweyne Donald Trump. Mr Biden ayaa dhanka kale ugu baaqay in xisbiga Jamhuuriga ee haysta aqlabiyada golaha aqalka sare inay meel mariyaan xil ka xayuubinta Trump maadaama uu galay khiyaano Qaran. Kadib wareysi uu siiyay Tv-ga CNN ka ayuu Mr Biden rajo ka muujiyay in xisbiga Dimuquraadiga oo haysta golaha Congress-ka ay xilka ka qaadi doonaan. Mas’uuliyiinta ugu sarreysa dimuquraadiga oo baadhitaanka waday sideed toddobaad ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabada xigta. Si kastaba ha ahaatee xil ka qaadista Trump ayaa la filayaa in uu ku dhaqaaqo aqalka Congress-ka inta lagu guda jiro fasaxa Masiixiga ee bisha December oo ku beegan dabayaaqada sannadkaan. Source
-
(SLT-Ankara)-Dowladaha Qadar iyo Turkiga ayaa balaadhin ku sameeyay isbaaheysigoodii wada shaqeyneed ee dhanka Dhaqaalaha, Millateriga iyo farsamada Technologyada casriga ah. Isbaheysiga labada dal kuma goobna keligood, balse waxay kusoo dareen dalalka Malaysia, Pakistan iyo Indonesia, kuwaasi oo si wada jira uga shaqeyn doona sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalalka Islaamka. Isbaheysigan cusub ee ka kooban shanta dal ee islaamiga ah, ayaa waxay isku af-garteen in shirweyne Islaamiya la qabto bisha soo socota ee December ee sanadkan 2019-ka. Waxaana isbaheysigan iyo shirweynahaasiba ka horeeyay, qorshe cusub oo ay hore u qaaday Dowlada Qadar, iyadoo la kaashanaysay Turkiga iyo Malaysia, kaasi oo ujeedkiisu ahaa sidii loo dhisi lahaa 3-xarumood oo caalami ah oo dhanka dhaqaalaha ah. Saddexdaasi xarumood ee ay qaybta ka yihiin Doha, Istanbul iyo Kuala Lumpur, ayaa waxa loo hirgelinayey sidii ay u dabooli lahaayeen dhamaan lacagaha maaliyadeed ee Islaamka ee wadamada adduunka. Mahathir Mohamad, Raysul wasaaraha Malaysia ayaa isagu shaaciyay in waddankiisu marti-gelin doono shirweynahaasi islaamiga ah ee shanta dal, isla markaana ay yeelan doonaan kulankooda ugu horreeyay 19-ka bisha December. Wuxuuna ka dhawaajiyey in shirkaasi diirada lagu saari doono todobo arrimood oo muhiim ah, oo kala ah: horumarinta dhaqaalaha, difaaca iyo dhowrista madax-bannaanida, qiyamka dhaqanka, xorriyadda iyo caddaaladda, iyo weliba la socodka tiknoolajiyadda casriga ah. Shirkan ayaa qabsoomi doona isagoo uu ka maqanyahay Sacuudigu, kaasi oo uu hore u dhaleeceyay Mahathir Mohamad, isagoona sheegay xiligaasi ‘in waddankiisu uu ka niyad jabay dowladda Sacuudi Carabiya’. Dunida Islaamka ayaa inta badan waxa la sheega inay leeyihiin awood iyo ilo badan oo dhaqaale, oo dhanka kheyraadka ah, gaar ahaan dalka Turkiga oo isagu dhanka farsamada, difaaca iyo warshadaha militariga aad ugu sareeya. Source
-
Taliska qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa sheegay inay dardar galin doonaan howlgalladda lagu xaqiijinayo amniga magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Mid ka mid ah saraakiisha Booliska oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay cirib tiri doonaan kooxaha burcadda ee dhibaatada ka geysta gudaha magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu digniin u diray dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya ee ku sugan deegaanada maamulka Puntland. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Cod-jaamac.mp3 View the full article
-
Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyey xadka dheer ee ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidanku ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo dhaca xadka labada dal. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in ciidamadu ay howlgalladaasi ku qabteen illaa 11 qof oo reer guuraa ah, islamarkaana ay horay u kaxeysteen. Saraakiisha hoggaamineysay baaritaanadadaasi ayaa ujeedka howlgalladaani ku sheegay kuwa lagu xaqiijinayo amniga, loogana hortagayo weerarada Xarakada Al-Shabaab. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro culus ka fuliya deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. View the full article
-
(SLT-Israa’iil)-Saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga haya tallada Israa’iil ee Likud ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii daaqada looga saari lahaa Raysal wasaare Benjamin Netanyahu. Arintaan ayaa timid kadib markii lala xidhiidhiyay eedaymo musuq maasuq mudada uu xilka hayo. Kadib saddax sano oo baadhitaan ah, ayaa xeer ilaaliyaha Guud ee Israel Avichai Mandelblit, uu maalintii Khamiistii u Maxkamadeeyay eedo Musuq Maasuq. Mr Mandelblit ayaa intaa ku daray in Netenyahu uu jabiyay sharciga iyo aaminaada lagu qabay maadaama lagu helay saddex fadeexadood oo kala duwan. Warbixin ka koobneyd 63 bog oo baadhayaasha soo saareen ayaa muujinaya in Netenyahu uu aqbalay in laaluush uu ka qaato maalqabeeno ay saaxiibo dhow Yihiin. Source
-
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya iyo Iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah uga horyimid daraasad qaldan oo Jaamacad ku taala Waqooyiga Ireland ku sheegtay in cuduro laga helay Galeyda iyo Masagada Dalkeena. Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya aya lagu cadeeyay in dalagyada dalkeena ay yihiin kuwa dabiici ah (organic) isla markaana warbixinta la soo saaray ay tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-24112019-ok.mp3 View the full article
-
(SLT- Namibia)-Wasiirkii hore ee kaluumeysiga iyo Kheyraadka Dabiiciga Namibia Bernhard Esau, ayaa xabsiga la dhigay kadib eedaymo musuq maasuq iyo dhaqashada lacagta Madow. Arintaan ayaa timid markii warbaahinada Al Jaziira iyo RUV oo ay leedahay dowlada Iceland ay baahiyeen xog uu soo dusiyay bogga siraha faafiya ee WikiLeaks. Maxkamada Namibia ayaa dhanka kale amartay in la soo xidho wasiirkii hore ee cadaalada Sacky Shanghala, gudoomiyaha shirkada qaran ee kaluumeysiga dowlada James Hatuikulipi. Fadeexada Musuq Maasuq ee loo jeediyay golaha wasiirada Namibia ayaa dhanka kale waxaa loo soo qabtay wiilka wasiirka kaluumeysiga uu sodogga u yahay ee lagu magacaabo Tamson Hatuikulipi. Xogtaan ayaa markii ay soo shaacbaxday saacado kadib waxaa xilka iska casilay wasiirada kala ah Esau Shanghala. Ku dhowaad 30,000 oo xog ah oo isugu jira qoraalo dhanka Email-ka ah warqado la daabacay iyo qoraalada lagu keydiyo, taleefanada oo loo yaqaam Memo ayaa muujinaya doorka ay wasiiradaan ku lahaayeen in si aan sharci aheyn loo lunsado Kaluunka Namibia. Arintaan ayaa waxaa qeyb ka ah shirkad laga leeyahay wadanka Iceland oo dhaca qaarada Yurub. Source
-
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Madasha Habeenka Haweenka Puntland, Madashan oo ah mid bille ah waxay haweenka Puntland uga hadli doonaan Ajendayaal loo qorsheeyay oo ku saleysan Doorka ay Haweenku ka qaadan karaan arrimaha Bulshada. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Madasha Habeenka Haweenka Puntland, oo fursad u ah Haweenka Puntland inay isugu yimaadaan oo kaga arinsadaan arrimahooda gaarka ah iyo horumarinta doorka ay Bulshada ku leeyihiin oo ah mid muhim ah. Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash wuxuu sheegay in Haweenka Puntland ay door muhim ah kasoo qaateen dhismihii iyo illaalinta Puntland, Madashana uu ka rajeynayo inay sii dardargeliso doorka haweenku ay leeyihiin dhinacyada Siyaasada iyo arrimaha Bulshada. Kulanka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska Dowladda Puntland waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay Masuuliyiinta Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Haweenka xilalka kala duwan ka haya Dowladda, Ururada kala duwan ee Haweenka iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Daah-furay Madasha Habeenka Haweenka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Addis Ababa)-Waxaa lagu dhawaaqay natiijada afti laga qaaday Arbacadii dadka laga tirada badanyahay ee Sidama ee dega qeyb ka mid ah koonfurta dalka Ethiopia. Aftidan ayay qowmiyadda Sidamadu ku doonayeen inay ku yeeshaan dowlad-goboleed la mid ah kuwa qowmiyadaha kale ee Ethiopia ay leeyihiin. 98.51% dadkii codeeyay oo lagu qiyaasay 2.3 malyuun oo qof ayaa “haa” ku taageeray dhismaha maamul goboleed ay dadkoodu yeeshaan. Dadka ku nool Sidama ayaa muddo dheer halgan ugu jiray sidii ay ku heli lahaayeen maamul u gaar ah. Aftidan laga qaaday Sidama iyo natiijada ka soo baxdayba waxa ay tijaabo u aheyd awoodda dowladda Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ay u leedahay xakameynta dareenka wadaniyadda qowmiyadaha ku saleysan ee Ethiopia ku xoogeystay, taasoo halis dhinaca kala qeybsanaanta ah ku heysa dalka. Deegaanka Sidaama ayaa ka mid noqonaya 10-ka ismaamul uu yeelanayo dalka Itoobiya, iyada oo deegaannada horay u jiray ay ahaayeen deegaannada (Soomaalida, Oromada, Amxaarada, Tigreega, Canfarta, Shucuubta Koonfureed, Gaambeella, Benishaangul-gumuz iyo Hararida) deegaanka Tobnaadna uu noqonayo Deegaanka Sidaama oo shalay si rasmi ah loogu dhawaaqay. Source
-
Ethiopia's Sidama people have voted in favor of autonomous rule by a huge margin. The result may inspire other groups to push for autonomy in Africa's second-most populous nation. Source: Hiiraan Online
-
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ku dhowaad 10 askari ku dileen qarax culus oo ay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose kula eegteen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay malayshiyaadka Al-shabaab ayey ku sheegteen in ay halkaasi ku dileen ilaa 7 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay qarax culus la beegsadeen inkastoo Taliska ciidamada dowladda ee ku sugan demada Awdheegle aysan weli war ka soo saarin sheegashada Al-shabaab. Haddana wararka laga helayo Awdheegle ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay xalay ilaa saaka halkaasi ka wadaan hawlgallo baaritaan ah oo lagu sameynayo gudaha degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada. Sidoo kale dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in duleedka Awdheegle mararka qaarkood laga maqlayo rasaas goos-goos ah taasi oo ay ridayaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ee hawlgalka halkaasi ka wada. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay ku dhowaad 10 askari ka dishay ciidamada dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoyska Almaas Elman Cali Axmed ayaa war-murtiyeed rasmi ah kasoo saaray geerida gabadhooda, oo xabad ay ku dhex dishay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. Warmurtiteed ku saabsan Dilkii Almaas Elman kana soo baxay Qoyska Reer Elman Cali Axmed & Reer Xirsi Cabdulkhadir. “Dhab ahaantii waxaannu ku jirraa xilli aannu aad uga qalbi-jabannahay geeridii aan xanuunkeeda ciduna qiyaasi karin oo ku timid walaasheen, xaaskii iyo gabadhii aannu dhallnay ee Almaas Elman. Waxaannu dareemaynaa cidlo aan abid ciduna inoo buuxin karin. Almaas waxay lahayd ruux ifaysa, bilic-san berina ka ahayd musiibada ay la kulantay. Runtii waa ay laqmatay, in ay xaamilo ahaydna waa mid sii kordhinaysa murugadaan naga daaddegi la’. Taageerada, is barbartaagga iyo tacsiyeynta inooga timid daafaha dunida oo dhan aad ayay inoo khushuuc geliyeen. In aannu ogaanno in Almaas aad loo jeclaa aanay si togan uga qayb-qaadatay nolosha dad badan ayaa qoyskayaga qaddar laab-riixasho ah siinaysa waqtigan aadka inoogu adag. Aad baannu uga mahad-celinaynaa baroor-diiqda Almaas iyo xusuus sheegiddeeda dunida oo dhan ka dhacaysa, waxaannuna doonaynaa in aannu ku biirro xuska nolosheedii aadka u qaniga ahayd. Maahan markii ugu horreysay ee qoyskeenna ay haleesho musiibo qalalaase wadata oo tan oo kale ah. Qalalaase la mid ah midkan ay Almaas ku baxday oo isla magaaladan ka dhacay ayaannu sanado ka hor ku weynay aabbeheen Elman Cali Axmed. Taa ayaa sii laballaabaysa murugada iyo qarracanka aannu wajahayno, hase yeeshee marna musiibooyinkani shiiqin maayaan go’aankeenna ah in aannu dhisno nabad qoysaska kale ee Soomaaliyeed ka hor joogsata in ay la soo deristo murugo la mid ah midda aannu haatan dhex maquuranayno. Waxaannu weli si aan leex-leexad lahayn ugu jeebban nahay gaaridda Soomaaliya ay dadkeedu ku nool yihiin xaalad aysan ka cabsi qabin in ay musiibo tan la mid ahi ku dhacdo gacalka iyo xigaalkooda. War kasta oo haatan laga soo saaro duruufihii ay Almaas ku geeriyootay waa kuwo laga hor-dhacay, mana noqon doonaan kuwo caawiya qoyskeenna. Wararkaa waxaa ka mid noqon kara in laysla dhex meero suuraggalnimada in ay Almaas dishay “xabbad wiifto” ah. Waxaannu jeclaan lahayn in dilkii Almaas si buuxda loo baaro, waxaannuna codsanaynaa in ay dawladaha Soomaaliya iyo Canada si wadajir ah oo qoto dheer arrintan u baaraan, maadaama ay laheyd labada dhalasho ee labada dal. Intii laga gaarayo hannaankaa hufan oo dhamaystiran waxaannu dalbanaynaa in aanay qof iyo maamul toona ka faalloon arrintaan meel gaar ahna aanay ku tirin. Waxaannu ka war haynaa in la faafiyey muuqaallo iyo mu’aamarado aan sal lahayn. Muuqaalladaa iyo mu’aamaradahaasi waa kuwo qoyskeenna sii xanuunjinaya waqtigan adag. Sidaa darteed in la joojiyo iyo dib loo saxo ayaannu codsanaynaa. Kani waa warka keliya ee aannu musiibadan haatan ka soo saarayno, waxaannuna si xushmad leh u dalbanaynaa in ay dadku ixtiraamaan asturnaanta axwaasha qoyskeenna, si aannu si nabdoon ugu murugoonno. Almaas waxaa ay ka tagtay guud ahaan dalkeedda iyo dadkeedda, gaar ahaana Qoyskeeda oo ka kooban, hooyadeed Fartuun Cabdisalaan Xaaji Aadan, walaaleheed Ilwaad Elman, Iimaan Elman iyo Geesiya Elman, saygeedii Sakariya Xirsi iyo Almaas waxa ay innooga tagtay raad taariikheed aad u sareeya oo ku saabsan is beddel togan oo ka dhaca Soomaaliya, Afrika iyo Dunidaba.”
-
The family of a young Somali-Canadian peace activist shot dead in Mogadishu is calling for an investigation by the two countries and says a statement blaming a stray bullet is “premature.” Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii qaraxii is-miidaaminta ahaa lagu dilay Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, lana shaaciyey in qaraxaas ay ka dambeysay gabar agaasime aheyd, waaxaa dhashay kala shaki badan. Kala shakigaas ayaa intiisa badan soo kala dhex galay shaqaalaha rayidka ah iyo madaxda hey’adaha dowladda federaalka, waxayna arrintaas sababtay haatan in shaqaalaha dowladda lagu billaabayo baaritaano dib loogu xaqiijinayo inaysan Shabaab ka tirsaneyn. Halkan ka aqri warbixintaas. Baaritaanka ayaa waxaa qeyb ka ah in qofka shaqaalaha lagu amro inuu keeno xildhibaanka ku matala baarlamanka federaalka, si looga qoro damaanad, sida ay go’aamisay dowladda. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan golaha shacabka Soomaliya ayaa sheegay in arintaan ay tahay mid culeys siyaasaded lagu saarayo xildhibaanada. “Arintaas damaanada ah waxaan u aragnaa mid lagu xujeynayo xildhibaanada, dowladdu markii ay qoraneysay shaqaalaha anagu uma aanaa geyn iyadaa qoratay, dadka qaarna waxaaba laga yaabaa inaysan laheyn xildhibaan ku matala baarlamaanka, marka qofka aana anigu shaqada geyn ma garanayo waxaa la ii dhahaayo damiino, waxaan u arkaa culeys siyaasadeed oo baarlamaanka la saarayo” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa. Waxa uu intaas ku daray in shaqalaha qaar aysan damiina karin xildhibaanadu, isla markaana ay dowladda ka dalbanayaan inay si kale u maareyso arrinta shaqaaleheeda. “Dowladdu hanaga deyso go’aanka ah in xildhibaanku damiinto qof uusan garanayn waxa ka imaan kara, hadeysan dooneyn in meeshaas ceebu ka timaado, si kale ayey u maarey kartaa nidaamka ay u martay qorista ciidamada ayey u mari kartaa oo diiwaan galin casri ah ayey ku samey kartaa yeysan nagu dhibin anaga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dalxa.
-
Haweenay Soomaaliyada oo wiil ay dhashay ku dhiirageliysay inuu qirto denbi+Dhibaato ay wajahayso Deeqo Xuseen waa hooyo Soomaaliyeed oo deggan dalka Mareykanka, waxa ayna ka mid tahay dadka carruurtooda hadda ka hor looga shakiyay in ay qaateen afkaarta kooxaha xag-jirka ahi ee ka dagaallamayay gudaha dalka Suuriya. Balse haatan sida ay sheegtay dhibaato xooggan ayay kala kulmeysa bulshada Soomaaliyeed ee ay ku dhex nooshahay. Deeqo oo dhawaan wareysi siisay warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in talo ay ku garab istaagtay wiilkeeda oo ahayd in uu qirto dambiga loo haysto ay haatan ku muteysatay in Soomaalida kale ay ku eedeeyaan in ay la shaqeyso mukhaabaraadka Mareykanka. ”Ilaa maalintii wiilkeyga la xiray ilaa haatan ma nasto oo xitaa jidka haddii aan maraayo waa la ii dhibaateeya”, ayay tiri Deeqo. ”Haddii uu qof saaxiibo aan nahay ila socdo, intay u tagaan qofka ayay ku dhahayaan maxaa qofkan kula socodsiiyay”,? ”Mararka qaar inay i istaajiyaan ayay igu oranayaan ma FBI baa tahay? marka runtii aan sheegnay darteed baan waxaasoo dhibaato u mareynaa”. ”Laba habeen ayaan sigtay oo nafteyda halis gashay oo la rabay in dhibaato laygeysto”. ayay intaasi ku sii dartay Deeqo. Deeqo Xusseen waa hooyada dhashay Cabdirisaaq Warsame oo Sannadkii 2015-kii lagu soo oogay dacwad dambiyeed ah inuu qorsheynayey inuu taageero qalab siiyo kooxda Daacish. Deeqo ayaa wiilkeeda ku dhiragelisay inuu qirto dambiga loo haysto ka dib markii uu iyada u sheegay in uu dambiga galay oo la marin habaabiyay waxaana markii uu qirtay dambigiisa isaga iyo laba kale ay maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ku xukuntay xabsi. Balse hooyo deeqo ayaa arrintaasi waxay ku noqotay tuke cambaar leh oo ilaa haatan way daba socotaa arrintaasi. Cabdirisaaq ayaa haatan waalidiintisa la nool ka dib markii uu soo dhameystay muddo xabsiyeedkiisii oo saddex sannadood ahaa. Qaran News
-
Wasiirka gaashaandhigga Ciraaq oo dacwad ugu hanjabay warbaahinta Sweden Wasiirka gaashaandhigga dalka Ciraaq Najah al-Shammari (52-jir) ee shalay ay hadalhaysay qaar ka mid ah warbaahinta Sweden iyo kuwo dibedda ah ayaa waxaa uu iminka ugu hanjabay warbaahintaasi dacwad iyo maxkamad. Najah al-Shammari ayaa waxaa soo wajahday fadeexad kadib markii ay warbaahintu soo ogaatay in uu lacag jirro ka qaato isagoo xil sare ka hayo xukuumadda Ciraaq. Wasiirkan ayaa la sheegay in uu dalka Sweden qoxooti ahaan isaga dhiibay sannadkii 2009-kii, isagoona baasaboorka weyn ee dalkaasi qaatay sannadkii 2015. Iminka ayuu lasoo xiriiray wasiirku qareen ku sugan gudaha dalka Sweden kaas oo uu ku wargeliyay bal in uu qiimeeyo in uu dacwad ku furi karo warbaahintii fadeexadda ka baahisay, waxaa uu sidoo kale wasiirku ugu hanjabay dacwad warbaahin carbeed oo warkan sii faafisay. Qoraal ay barta Facebook soo dhigtay wasaaradda gaashaabdhigga Ciraaq ayaa lagu cambaareeyay wararka “been abuurka ah” ee wasiirka laga faafiyay, waxaana lagu sheegay in ujeedkeedu ahaa in lagu qod-qodo, sumcaddana looga dilo wasiirka. Tan iyo markii ay wararkani soo ifbexeen ayaa waxaa wasiirka gudaha dalkiisa kasoo food-saaray culeys siyaasadeed, waxaana lagu haystaa sida xil loogu magacaabay isaga oo baasaboor dal kale haysta, dabcan sharciga Ciraaq ayaa diidaya in xil dowladda looga magacaabo ruux haysta baasaboor dal kale. Warbaahin dhowr ah oo gudaha Sweden ka jira ayaa qoray in wasiirkan oo xilka loo magacaabay isla sannadkan loo haysto dambiyo ay ka mid yihiin in uu musuq-maasuq ku sameeyay lacagta la siiyo dadka xanuunsan ee ay dowladda Sweden bixiso. Waxa uu xanuunsanaa muddo sanooyin ah, oo waxaa uu lumiyaa xusuusta, sida uga diiwaangashan hay`adaha caafimaadka dalka Sweden. Sidoo kale waxa lagu haystaa wasiirkan in isaga iyo qoyskiisaba ay qaadanayeen lacagaha loogu talo galay dadka carruunta leh iyo kuwa laga caawiyo guryaha xilli ay dalka Swedan ka maqnaayeen in muddo ah, ayna u sheegin dowladda. Wararku waxa ay sheegayaan in sannadkii 2015 mar loogu xiray Sweden arrimo musuq-maasuq. Qaran News
-
Isnatbul (Caasimada Online) – Dowladaha Qadar iyo Turkiga ayaa balaadhin ku sameeyay isbaaheysigoodii wada shaqeyneed ee dhanka Dhaqaalaha, Millateriga iyo farsamada Technologyada casriga ah. Isbaheysiga labada dal kuma hakan keligood, balse waxay kusoo dareen dalalka Malaysia, Pakistan iyo Indonesia, kuwaasi oo si wada jira uga shaqeyn doona sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalalka Islaamka. Isbaheysigan cusub ee ka kooban shanta dal ee islaamiga ah, ayaa waxay isku af-garteen in shirweyne Islaamiya la qabto bisha soo socota ee December ee sanadkan 2019-ka. Waxaana isbaheysigan iyo shirweynahaasiba ka horeeyay, qorshe cusub oo ay hore u qaaday Dowlada Qadar, iyadoo la kaashanaysay Turkiga iyo Malaysia, kaasi oo ujeedkiisu ahaa sidii loo dhisi lahaa 3-xarumood oo caalami ah oo dhanka dhaqaalaha ah. Saddexdaasi xarumood ee ay qaybta ka yihiin Doha, Istanbul iyo Kuala Lumpur, ayaa waxa loo hirgelinayey sidii ay u dabooli lahaayeen dhamaan lacagaha maaliyadeed ee Islaamka ee wadamada adduunka. Mahathir Mohamad, Raysul wasaaraha Malaysia ayaa isagu shaaciyay in waddankiisu marti-gelin doono shirweynahaasi islaamiga ah ee shanta dal, isla markaana ay yeelan doonaan kulankooda ugu horreeyay 19-ka bisha December. Wuxuuna ka dhawaajiyey in shirkaasi diirada lagu saari doono todobo arrimood oo muhiim ah, oo kala ah: horumarinta dhaqaalaha, difaaca iyo dhowrista madax-bannaanida, qiyamka dhaqanka, xorriyadda iyo caddaaladda, iyo weliba la socodka tiknoolajiyadda casriga ah. Shirkan ayaa qabsoomi doona isagoo uu ka maqanyahay Sacuudigu, kaasi oo uu hore u dhaleeceyay Mahathir Mohamad, isagoona sheegay xiligaasi ‘in waddankiisu uu ka niyad jabay dowladda Sacuudi Carabiya’. Dunida Islaamka ayaa inta badan waxa la sheega inay leeyihiin awood iyo ilo badan oo dhaqaale, oo dhanka kheyraadka ah, gaar ahaan dalka Turkiga oo isagu dhanka farsamada, difaaca iyo warshadaha militariga aad ugu sareeya.
-
Turkey, Qatar iyo Malaysia oo dhisaya isbahaysi Islami ah oo aan Sacuudigu ku jirin Dowladaha Qadar iyo Turkiga ayaa balaadhin ku sameeyay isbaaheysigoodii wada shaqeyneed ee dhanka Dhaqaalaha, Millateriga iyo farsamada Technologyada casriga ah. Isbaheysiga labada dal kuma hakan keligood, balse waxay kusoo dareen dalalka Malaysia, Pakistan iyo Indonesia, kuwaasi oo si wada jira uga shaqeyn doona sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalalka Islaamka. Isbaheysigan cusub ee ka kooban shanta dal ee islaamiga ah, ayaa waxay isku af-garteen in shirweyne Islaamiya la qabto bisha soo socota ee December ee sanadkan 2019-ka. Waxaana isbaheysigan iyo shirweynahaasiba ka horeeyay, qorshe cusub oo ay hore u qaaday Dowlada Qadar, iyadoo la kaashanaysay Turkiga iyo Malaysia, kaasi oo ujeedkiisu ahaa sidii loo dhisi lahaa 3-xarumood oo caalami ah oo dhanka dhaqaalaha ah. Saddexdaasi xarumood ee ay qaybta ka yihiin Doha, Istanbul iyo Kuala Lumpur, ayaa waxa loo hirgelinayey sidii ay u dabooli lahaayeen dhamaan lacagaha maaliyadeed ee Islaamka ee wadamada adduunka. Mahathir Mohamad, Raysul wasaaraha Malaysia ayaa isagu shaaciyay in waddankiisu marti-gelin doono shirweynahaasi islaamiga ah ee shanta dal, isla markaana ay yeelan doonaan kulankooda ugu horreeyay 19-ka bisha December. Wuxuuna ka dhawaajiyey in shirkaasi diirada lagu saari doono todobo arrimood oo muhiim ah, oo kala ah: horumarinta dhaqaalaha, difaaca iyo dhowrista madax-bannaanida, qiyamka dhaqanka, xorriyadda iyo caddaaladda, iyo weliba la socodka tiknoolajiyadda casriga ah. Shirkan ayaa qabsoomi doona isagoo uu ka maqanyahay Sacuudigu, kaasi oo uu hore u dhaleeceyay Mahathir Mohamad, isagoona sheegay xiligaasi ‘in waddankiisu uu ka niyad jabay dowladda Sacuudi Carabiya’. Dunida Islaamka ayaa inta badan waxa la sheega inay leeyihiin awood iyo ilo badan oo dhaqaale, oo dhanka kheyraadka ah, gaar ahaan dalka Turkiga oo isagu dhanka farsamada, difaaca iyo warshadaha militariga aad ugu sareeya. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay daraasad ay dhawaan soo saartay Jaamacad ku taala Waqooyiga Ireland oo ay ku sheegtay in sun laga helay qaar ka mid ah dalagyada ka soo go’a beeraha Soomaaliya. Daraasaddaas oo lagu baahiyey barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA ayaa sheegtay in “suntan laga helay” dalagyada beeraha Soomaaliya qaarkood ay hoggaamin karto cudurka kansarka. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dalagyada Soomaaliya kuwo caafimaad qaba, oo aan soo saaristooda loo adeegsan kiimiko sun ah. Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horeysay ka hadashay culimo la sheegay in maalmihii u dambeeyay arrimo diineed uga dhex murmayey baraha bulshada, gaar ahaan barta Facebook. Culimadaasi ayaa la soo warinayaa inay iskugu baaqayeen in ay wada-gaalaan doodo ku aadana mad-habyada ay kala haystaan, taasi oo dhalisay muran diineed xoogan. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa arrinkaasi ka soo saartay digniin, iyadoona culimadaasi uga digtay hadalada muranka diineed ah ee ay isku marinayaan baraha bulshada inay joojiyaan. Digniinta wasaarada ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in haddii ay hirgalaan doodaha noocaasi ah ay waxyeelo weyn u geysan karaan wada-jirka umada iyo nabada balaadhan ee ku naalooto Somaliland. “Digniin! Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxay digniin adag u diraysaa Culima-Awdiinka maalmahan dambe caadaystay in ay baraha bulshada isu mariyaan hadallo xanaf leh oo saamayn ku yeelatay guud ahaan Ardayda barata Diinta Islaamka (Daalib Al- Cilmi) kaas oo ku saabsan in Culimadu midba midka kale ka dalbanayay dood cilimiyeed (MUNAADARO)” ayaa lagu yiri Digniinta ka soo baxday xafiiska wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland. Waxaana sidoo kale lagu yiri “Doodahani waxa ay wax yeello weyn u geysan karaan wada-jirka iyo nabadda aynu ku noolayn muddada badan. Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waa Wasaarad u dhaxaysa guud ahaan Culimada dalka cid si gaar ah u sheegan kartaana ma jirto”. “Haddaba, laga billaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 21-November-2019 (Shalay), waxa la farayaa cid kasta oo ka hadasha arrintan qaabka ay doontaba ha ahaatee in ay Wasaaraddu la xisaabtamayso, waajibkiisana marinayso. Allaa Mahad Leh” ayaa lagu soo gunaanaday warqada digniinta ah ee Wasaarada. Waxaana xusid mudan in Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland aysan magac dhabin culimada ay sheegtay in muddooyinkii u dambeeyay uu ka dhex qarxay muran diineedku, isla markaana ay digniinta ka soo saartay.
-
Popular Contributors
