Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,001
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Wakiilada Iyo Golaha Guurtida Soomaaliland ayaa ku heshiiyey in Qoloba Wolada kale ay Wakhtiga u kordhiyaan. Golaha Guurtidu waxay Wakhtiga u kordhiyey mudo 3 [...] Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxakamada darajada koowaad ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku riday labo eedeysane oo uu ku jiro ismiidaamiyihii isku qarxin rabay 23-kii May ee sanadkan xaflad ay ku sugnaayeen madax ka tirsan Ahlu Sunna oo ka dhaceysay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Eedeysanaha koowaad Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan oo ah ninkii fulin rabay qaraxa ismiidaaminta ayaa lagu xukumay xasbi daa’in, sida uu go’aanka ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute). Sidoo kale Cali Dhubad Nuure Siyaad oo lagu eedeeyey inuu la shaqeynayey ninkaasi, islamarkaana ay ka wada tirsanaayeen Al-Shabaab ayaa isna lagu xukumay xabsi daa’in. Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in labada eedeysane lagu helay dambigii lagu soo oogay, islamarkaana ay qirteen, basle wuxuu tilmaamay inay heystaan fursad kale oo ay ku qaadan karaan racfaan, hadii aysan ku qanacin go’aankan maxkamadda ciidamada. Ismiidaamiyaha la fashilyey ee Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan ayaa xilliga la qabanayey xirnaa jaakadda qaraxyada, waxaana isku duubay askari ka tirsan ciidamada ururka Ahlu Sunna Waljamaaca, kaas oo suura-galiyey in la fashiliyo qaraxa, lana qabto ninkaasi.
  3. Iyadoo dhawaanahan ay Somaliland ka taagnaayeen is-maandhaaf siyaasadeed oo la xiriira wakhtiga la qabanayo doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka iyo Guddida doorashooyinka Somaliland oo aan lagu heshiin, ayaa maanta Golaha Guurtidu ay soo saartay go’aan ay muddo kordhin ugu samaysay golayaasha wakiilladda Somaliland. Golayaasha Wakiiladda Somaliland Sida caadiga ah Golaha Baarlamaanka Somaliland waxaa loo qeybiyaa labo Golle oo kala ah, Golaha Guurtida (Golaha Sare) oo ah golaha duqeyda, iyo Golaha Wakiiladda (Golaha Hoose). Labada Golle oo u wada shaqeeya si toos ah ayaa waxay leeyihiin 82 xubnood iyo gudoon u gaar ah mid kasta, Golaha Wakiilada waxaa Gudoomiye u ah Baashe Maxamed Faarax, kaas oo ah gudoonkii labaad ee gollahan doortaan, halka Golaha Guurtida uu Guddoomiye u yahay Saleebaan Maxamuud Aadan. Golaha Wakiiladda Somaliland Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa la doortay bishii sagaalaad 2005, waxay ahayd in ay kuraasta ku fadhiyaan 5 sanadood oo ku ekeyd 2010, laakiin waxaa muddo kordhin loo sameeyey markii lixaad. 12 sano oo kordhin ah Markii ugu horeysay waxaa loo kordhiyay laba sannadood oo ka bilaabantay 30/10/2010, kuna beegnayd 30/6/2013, markii labaad waxaa loo kordhiyay laba sannadood bil iyo 27 maalmood oo ku beegnayd 2/27/2015, markii saddexaad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo kaga eekayd 27/10/2017. Markii afraad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo iyaduna kaga beegan 28/4/2019, markii shanaad ayaaa loo kordhiyey 28/4/209 kagana ekeyd 12/1/2020. Markii lixaad ayaa maanta 24/11/2019 loo kordhiyey labo sanodood oo kaga beegan 24/11/2021. Golaha Guurtida Somaliland Golaha Guurtida Somaliland waxaa la sameeyey ka hor aasaaskii Somaliland, waxaana la sharciyeeyey 1993-dii. Golaha Guurtida Somaliland dadkii lagu asaasay waxaa kaga jira hadda oo keliya wax ka yart 10 xubnood, iyadoo intooda badan ay geeriyoodeen, waxaana qofkii dhinta dhaxal ahaan loogu baddelaa mid kamid ah eheladiisa. Golaha Guurtida Somaliland muddo xileedkooda wuxuu ahaa lix sano, balse ma jirto xeer loo sameeyay sida loo soo dooranayo. Golaha Guurtida Somaliland waxay muddo korarsi sameysanayeen tan iyo 1999-kii. Shaqada Golaha Guurtida Somaliland Aqalka Guurtida Somaliland ayaa loogu talagalay inay xil kordhin u sameeyaan Golaha Wakiillada (Golaha Hoose) iyo Xukuumadda, haddii laga cabsado inuu khalkhal yimaado, ama xilligeedii ay ku qabsoomi weydo doorashada. PUNTLANDD POST The post Maxaad ka taqaanaa Golayaasha Wakiiladda Somaliland ee aan dhicin? appeared first on Puntland Post.
  4. Maamulka kooxda Heegan ayaa xilkeeda tababarnimo u magacaabay laacibkoodii hore Mahad Maxamed Xaaji (Mahad Maykon) oo ka mid ahaa xidigihii soo maray naadigan ciidanka booliska Soomaaliyeed. Laacib Mahad ayaa Heegan Sports Club ka mid ahaa intii u dhaxeesay sanadihii 2009-2016 intii uu joogay Heegan hal mar ayuu la qaaday horyaalka Somalia Premier League waxayna aheyd 2015-2016 waxaana kolkaa kooxda Heegan macallin u ahaa Axmed Cabdiraxaan Cumar Gadaamow oo hada macallinka Rajo. Iminka Macallin Mahad Mayon waa tarjumaanka dhinaca luuqda ee tababarayaasha xulka qaranka Soomaaliya,isagoo booskan ku shaqaynay tan iyo bishii March 2019 wuxuuna xulalka kala duwan ee qaranka u raacay safaro kala duwan oo muhiim ahaa bilooyinkii lasoo dhaafay. “Xariirka Kubadda cagta waxaan kala hadli-doonaa in aan hakinayo shaqadii aan u ahayay maadaama maamulka kooxda Heegan ay igmadeen shaqo adag oo u baahan in la geliyo waqti badan iyo kooxda ay isku diyaariso tartamada ay ka qeyb galayso” ayuu tababare Mahad u sheegay Goobjoog Sports. Saaxiibada iyo ciyaartooydii ay isku waqtiga ahaayeen macallin Mahad ayaa u rajeeyay in xilkan loo magacaabay ugu soo baxo si wanaagsan in uu naadiga gaarsii meel u aad wanaagsan maadaam oo aqoon iyo qibrado wanaagsan sanadihii u danbeeyay qaatay. “Xilkan ma ahan wax fudud waxaane Alle,waa shaqo u baahan in waqti badan la geliyo lana dhiso koox awoodo badan aniga oo kaashanayo aqoontooyda iyo saaxiibayda kubbadda cagta waxaan dhisiyaa koox awood u badan oo u tartamaysaa tartamada gudaha iyo dibadda” ayuu markale Goobjoog Sports u sheegay tababaraha cusub ee kooxda Heegan Mahad Maxamed Xaaji (Mahad Maykon). Si kastaba kooxda ciidanka booliska ee Heegan ayaa baadigoobaysa hanashada horyaalka Somalia Premier League oo ay u danbeesay fasal ciyaareedkii 2015-2016. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir ayaa dood adag ka keenay kulankii dhowaan dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la hadlayey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Jarmalka ayaa dhaliilay, sida loo soo qaban qaabiyey kulankaasi oo uu garwadeen ka ahaa agaasimaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Mudane Fahad Yaasiin. Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir oo si aad u naqdiya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Madaxweynuhu ku kalsoonaan waayo Ra’iisul wasaarihiisa oo ay isku deegaan yihiin Madaxweynayaashii hore ee dalka, islamarkaana ay aheyd in kulankaasi uu isagu qaban qaabiyo, kana qeyb galo. “Waxaa layaab ah maanta oo dhan waxaa lagu leeyahay dowladda waa isla socotaa, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waa isla socdaan, Madaxweynayaashi hore iyo Farmaajo kulankooda waxaa garwadeen ka ahaa Taliyaha Nabadsugida, waxaa Madaxweynayaashi hore waxaa soo raadiyay waa Taliyaha NISA oo u tagay oo yiri dhex dhexaadin ayaa galaa oo Madaxweynaha inaa la kulantiin ayaa rabaa, waa dulqaad badan yihiin Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, waana ku amaanayaa, iyadoo Madaxweynaha intii uu Nairobi joogay ayuu soo afgalaadeeyay ayay hadana la kulmeen, iyagoo danta dalka eegaya.” ayuu yiri, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uusan ka qeyb gelin shirka dhexmaray Farmaajo, Shariif iyo Xasan Sheekh, taasina ay muujineyso in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si gaar ah u naas nuujinayo taliyaha haya’adda nabad sugida oo shaqadiisu aysan aheyn arrimaha siyaasadda dalka. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in Madaxweynuhu markii uu ku fashilmay inuu qanciyo dadkii ay isku deegaanka ahaayeen ee ka soo jeeda Jubbaland iyo Puntland uu Ra’iisul wasaarihiisa u ogolaan waayey inuu la xaal-tamo dadkiisa, sida uu hadalka u ddhigay. “Haddii Madaxweynaha ku soo fashilmay inuu qanciyo dadkii ay isku deegaanka ahaayeen sida Jubbaland iyo Puntland, Ra’iisul wasaaraha uma ogolo inuu la xaaltamo dadkiisa, taliyaha Nabadsugida ayuu ku kalsoon yahay oo shaqada soo qabanaya, kuma kalsoona miyaa Ra’iisul wasaarihiisa siyaasada sida ay isku leeadahay ayaa rabnaa in looga hadlaa , Taliye Nabadsugid shaqadiisa ma ahan siyaasad.”ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Madaxaweynaha dowladda Soomaaliya uu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynayaashii isaga ka horreeyey, kaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed dalka iyo arrimo ku aadan doorashooyinka soo socda ee 2020-21-ka.
  6. Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa waxa ay xukun ku riddey shaqsi la sheegay in 23-kii May, 2019 ciidamada amniga qabteen isaga oo isku qarxin rabay hoggaanka Ahlu-sunna Waljameeca, xilli ay ku sugnaayeen munaasabad ka dhaceysay magaalada Guriceel. Shaqsigan ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Cabdiraxmaan, waxaana sidoo kale lala xukumay Cali Dhubad Nuure Siyaad oo la sheegay inuu sahmiyey halka ay ku sugnaayeen madaxda Ahlu-sunna, sidoo kalena uu halkaasi geeyey shaqsiga doonayey inuu is qarxiyo. Labaduba waxay maxkamadda ku xukuntay xabsi daa’in , sida uu warbaahinta u sheegay Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/11/shuute.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa safar ugu baxay Dalka Kenya kadib markii uu Casumaad ka helay Dowlada Kenya, waxaa sidaas Puntlandi.com u xaqiijiyey [...] Source
  8. PRESS RELEASE Ghana defeats Botswana 36-25 in Rugby Africa Cup 2020 kick-off match Eagles secure their ticket to the group phase of the Rugby Africa Cup 2020 ELMINA, Ghana, November 24, 2019/ — The Ghana Rugby Men’s 15s team have recorded a victory against the Botswana Men’s 15s in their qualifier match of the Rugby Africa Cup (RAC) 2020. The match which commenced at 11:00 am local time on Saturday was dubbed the “Battle of the Birds of Prey” due to the logos and names of the two teams – the Ghana Eagles and Botswana Vultures. The Ghanaian squad started the match on an impressive note, but the Botswana Vultures fought back and ended the first half with a leading score of 19-12. However, the Ghana Eagles put up a great fighting spirit in the second half of the match played in the Nduom’s Sports Stadium, Elmina, in the Central Region of Ghana, to clinch the crucial victory. The match ended on a score of 36-25 in favour of the Ghana Eagles. Ghana proceeds to the pool stage of the RAC and will face Zimbabwe and Tunisia in Pool D towards the middle of 2020. Ghana went into the match with a global ranking of 91 while Botswana ranked 71 globally. The Ghanaian player Richard Kossivi was voted man of the match. Tries for Ghana included Boamah, Amissah, Yussif, Amuzuloh, Gavor, Botchi, with its Cons including Acquaah, Acquaye 2. Tries for Botswana included Katse, Petyt, Maifala, with cons: B van Zyl 2; pens: B van Zyl 2. Reactions: “The victory shows a great improvement in rugby development in Ghana and we are holding the sporting victory mantle for the country Ghana. Our team is set to play its next match against Zimbabwe in Harare, and we are determined to continue our path of success,” said President of the Ghana Rugby Association, Herbert Mensah. President of Botswana Rugby, Sean Irish, expressed: “Despite our defeat, I am pleased with the performance of the squad. What the team showed in this match proves that Rugby in Botswana has developed greatly.” Captain of the Ghana Eagles, Alexander Dorpenyo, said: “We went into this match with a strong determination to win and we made it happen.” Next match dates for Ghana in the group stage of the Rugby Africa Cup 2020: 20 June 2020: Group D: Zimbabwe vs Ghana in Zimbabwe 4 July 2020: Group D: Ghana vs Tunisia in Ghana Distributed by APO Group on behalf of Rugby Africa. Qaran News
  9. Subaxdii sabtida waxaa Villa Somalia kulan ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda ee dalka. Kulanka oo baaqday khamiistii, waxaa furay agaasimaha madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi Fuursade isaga oo u sheegay madaxda xisbiyada qaran in kulanka uu yahay isbarasho, xog-wareysi iyo doorashada 2020/2021, waxaana la siiyey qof weliba inuu hadlo 3 daqiiqo, oo waxa uu rabo ka hadlo. Madaxweyne Farmaajo oo dib uga soo biiray kulanka waxaa la sheegay inuu si dhaqso ah u hadlayey, ma aqoon inta badan siyaasiyiintan xisbiyo qaran madax ka ah oo dalka joogay, qofka hadalaya indhihiisa ma fiirineyn, su’aalaha qaar kama jawaabin, waxuuna xoogga saaray uun doorashada 2020/2021. Hoggaanka xisbiyada siyaasadda ayaa arrimo badan ka hadlay, waxaana ka mid ahaa: Farmaajow Aawey nabad-doonimadii: Xisbiyada qaar ayaa madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku eedeeyey inuu dhibaato ku yahay federalism-ka dalka, oo uu burburiyey maamul goboleedyada iyo siyaasadda federaalka ah, iyaga oo ku yiri ” Farmaajow aawey nabadoonimadii aad sheegan jirtay’?! Heshiiskii Badda: Arrimaha Farmaajo wax laga weydiiyey waxaa ka mid ah inuu ka run sheego waxyaabaha uu kula heshiisyey Uhuru Kenyatta iyo haddii uu u jiro heshiis shacabka laga qariyey. Gardarrada Kenya: Waxyaabaha kale ee goobta lagu soo qaaday waxaa ka mid ah xad-gudubka ay sheegeen in Kenya ay ku heyso xadka gaar ahaan Gedo. Aminga: Madaxweynaha Farmaajo waxaa lagu dhaliilay amni darrida dalka ka jirta iyo inuu ka baxay balantii la dagaalanka Al-shabaab, kuna guuldareystay. Xisbigii Weynaa: Waxaa la weydiiyey sida ay macquul ku tahay warkiisa ah 2020-ka waxaa lagu tartamayaa xisbiyo siyaasadeed halka Nabad iyo Nolol aaney weli daah-furin xisbigii “Weynaa, oo weynaa” ee uu horay u sheegay Mahdi Guuleed ku-xigeenka ra’isul wasaaraha. Dhankiisa, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo hadlayey muddo saacad ah waxaa uu xoogga saaray doorashada 2020/2021 isaga oo balanqaaday in dalka ay ka dhici doono doorasho xisbiyo, qof iyo cod ah, oo weliba waqtigeeda ku dhici-doonta, isaga oo la soo baxay dastuurka kana dhaadhciyey in waxa uu sheegay ay dastuuri tahay, kana dhabeyn-doono. Xisbiyada ka tagay waxaa ay dhammaayeen ilaa 30 xisbi oo ka tirsan 68 xisbi oo diiwaangeshan, waxaana qaadhacay xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Maxkamadda Derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saaka xukun xabsi daa’im ah ku ridday, laba eedaysane oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab, gaar ahaanna Qeybta Qaraxyada iyo Sahaminta. Mid kamid ah labada eedaysane oo magaciisu yahay, Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan ayaa Maxkamaddu sheegtay in la qabtay, xilli uu doonayay in uu isku qarxiyo xaflad ay goob-joog ka ahaayeen madaxda maamulka Galmudug oo ka socotay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Eedaysanaha labaad oo lagu magacaabo Cali-Dhubbad Nuuro Siyaad, ayaa isna Maxkamaddu sheegtay in uu ahaa Shakhsigii soo Sahmiyay goobta ay ka dhacaysay xafladdaasi, ka hor inta aan eedaysanaha kowaad isku dayin in uu ku qarxo xafladda. Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, G/Sare Xassan Cali Nuur Shuute, oo ku dhawaaqay xukunka labada eedaysane, ayaa sheegay in ay fursad u haystaan 30 cisho oo Rafcaan ah, haddii aysan ku qancin xukunkaasi. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukuntay nin isku qarxin rabay Xaflad ka socotay Guriceel appeared first on Puntland Post.
  11. MOGADISHU (HOL) - Somaliland House of Elders Saturday approved another term extension for itself and the Lower House adding to six the number of times the elections have been postponed since the current parliament was elected in 2005. Source: Hiiraan Online
  12. Dowladda Jabuuti ayaa si adag u cambaareeysay dilkii nasiib darrada ahaa ee 20 kii Bishan loo geestay marxuumad, Elmaas Elman Ali, taas oo lagu dhex toogtay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Jambuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa geerida Almaas Elman uga tacsiyadeeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,dhamaan Qoyskeeda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ka baxday. Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in Marxuumad Elmaas Elman Ali ay ahayd Iftiin u soo baxayay ummadda iyo Qaranka Soomaaliyeed,islamarkaana lahayd mustaqbal wanaagsan,wuxuuna hadalkiisa raaciyay inuu ka naxay geerida Elmaas markii uu maqlay. Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada baaritaan ku aadan Kiiska Elmaas Elman oo ahayd nabad jire caan ah iyo Diplomaasiyad. Source: goobjoog.com
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaka safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya, kadib doorashadii dib loogu doortay maamulkaasi. Axmed Madoobe iyo wafdi hoggaaminayo ayaa lagu soo warramayaa inay diyaar qaas ah ka qaaday gudaha magaalada Kismaayo, taas oo si toos uga dajin doonto Nairobi, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland. Safarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa salka ku haya labo arrin oo kala ah xal u raadinta xiisada ka taagan gobolka Gedo iyo kulamo uu la qaadanayo maxda Kenya. Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu Niarobi kula kulmi doono siyaasiyiinta ka soo jeedo gobolka Gedo oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha gobolkaasi, si xal waara loogu helo arrimaha ka dhanka ah Jubbaland ee ka soo cusboonaaday halkaasi. Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu mas’uuliyiinta Kenya kala hadlo arrimo ku aadan xaaladda Jubbaland, gaar ahaan go’ddoonka la galiyey maamulkaasi. Kenya ayaa si dhow u taageerto maamulka Axmed Madoobe, waxaana xafladdiisii caleema saarka ay u soo dirtay wafdi culus oo tegay Kismaayo, islamarkaana jabiyey xayiraad dhinaca hawada ah oo ay dowladda dhexe saartay duulimaadyada magaaladaaasi.
  14. Xoghayaha Guud & Af-hayeenka Xisbiga Waddani Oo Maxkamad La hor keenay Hiirtii hore ee saaka Axad,24 Novembar ayaa Xabsiga Mandheera laga soo qaadey Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Cabdi Xuseen & Weliba afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun. Masuuliyiintan ayaa abaaro toddobadii subaxnimo la keenay maxkamadda Hargeysa, waxa aanay baadhayaashu garsooraha ka codsadeen in waqti dheeraad ah loo siiyo ogolaanshiyo xabsi ku sii hayn ah (Rummaan), taas oo ay wararku sheegayaan in garsooruhu u ogolaaday in ay afar maalmood sii hayaan si ay u soo dhammaystiraan baadhista. 7:50 subaxnimo, ayaa maxkamadda laga kaxeeyey masuuliyiintan oo wararka qaar ay sheegayaan in dib loogu celiyey Xabsiga Mandheera. Ammaanka maxkamadda iyo agagaarkeeda ayaa si aad ah loo adkeeyey, waxaana labada maxbuus la socday ciidamo aad u tiro badan Qaran News
  15. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa saaka oo Axad ah u dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya. Wefdiga madaxweynaha oo ka ambabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, ayaa si toos ah uga degi doona magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, taasi oo mar kale jebinaysa amarkii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ahaa, in diyaaradaha u socda Kismaayo iyo kuwa ka baxaya labaduba ay soo maraan magaalada Muqdisho. Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu dalka uga baxo, tan iyo markii dib loo doortay bishii Agoosto ee sannadkan doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo ee muranka dhalisay, islamarkaana ay qaaddacday xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in aysan aqoonsaneyn natiijadii ka soo baxday. Wararka laga helayo magaaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in safarka madaxweynaha Jubaland uu la xiriiro arrimaha Siyaasadeed oo ku gedaaman Jubaland, gaar ahaanna arrimaha ka aloosan degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, halkaasi oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka waddo Fawdo iyo khalkhal gelin la xiriirta in beelaha gobolkaasi laga horkeeno dowlad goboleedka Jubaland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo u dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
  16. Golaha wakiilada & Guurtida S/land oo Muddo kordhinii 6aad isu sameeyay Xildhibaannada golaha guurtida Somaliland ayaa fadhi ay saaka yeesheen muddo kordhin ugu sameeyay golaha wakiillada. Golaha Guurtida Somaliland ayaa cod aqlabiyad ku ansixiyey Muddo kordhinta Golaha Wakiilada Somaliland oo loo Kordhiyey laba Sanno. 71 Xildhibaan ayaa Golaha Fadhiyey 70 Xildhibaan Ayaa ogolaaday in Golaha Wakiilada loo kordhiyo Laba Sano Guddomiyuhuna muu Codayn. Golaha Guurtida ayaa iyagu Isku kordhiyayay muddo 3 Sanno ah Qaran News
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa muddo kordhin cusub u sameeyey baarlamaanka maamulkaasi, kadib kulan ay saaka ku yeesheen gudaha magaalada Hargeysa ee waqooyi galbeed Soomaaliya. Illaa 70 Mudane oo ka mid ah xubnaha Golaha Guurtida ayaa u codeeyey in muddo labo Sano ah loogu daro Golaha Wakiilada, taas oo noqoneysa muddo kordhintoodii lixaad. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray Golaha Guurtidu iyaguna ay kororsadeen muddo saddex sano ah oo ay sii shaqeyn doonaan golahaasi. Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada ee Somaliland ayaan wax doorasho ah gelin muddo ku dhow 15 Sano, waxaana mar walba ay sameysanayeen muddo kororsi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa xukuumadda Muuse Biixi iyo hoggaanka xisbiga Wadani ay ka taagan tahay deegaanada Somaliland, taas oo sababtay rabshado ka dhacay gudaha magaalooyinka maamulkaasi. Xaaladda Somaliland ayaa hadda laga deyrinayaa, iyadoo Khamiistii ergeyga QM ee Soomaaliya, James Swan uu ka digay in dib loo dhigo doorashada maamulkaasi.
  18. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Madoobe ayaa lagu waramayaa in uu goordhow u duulay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan inuu halkaasi kula kulmi doono mas’uuliyiin Soomaali iyo ajaanib ah oo ku sugan Nairobi. Waxaa xusid mudan in Villa Somalia aaney aqoonsaneyn natiijada doorashada lagu doortay madaxweyne Axmed Madoobe. Ilo safarka ku dhow ayaa sheegaya in laga yaabo in dadka uu madaxweynaha la kulmayo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Golaha Guurtida Somaliland oo saaka kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargeysa, ayaa mudda kordhin u sameeyay labada Gole ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland. Kulanka Golaha Guurtida Somaliland oo ay saaka soo xaadirtay 71 mudane, ayaa 70 xubnood oo kamid ah, waxay u codeeyeen in mudda laba sano ah loo kordhiyo Golaha Wakiilada Somaliland. Warbaahinta Somaliland ayaa sheegaysa, in mudda kordhintan ay tahay tii lixaad ee Golaha Guurtida Somaliland u sameeyo Golaha Wakiilada, oo haatan xilka haya mudda 15 sannadood ah. Sidoo kale, Golaha Guurtida Somaliland ayaa kulankoodi saaka, waxay ku go’aamiyeen in ay ka Guurti ahaan wakhtiga xil-hayntooda ku darsadaan mudda kordhin saddex sannadood ah, taasi oo ay cod buuxa ku meel-mariyeen. PUNTLAND POST The post Golaha Guurtida Somaliland oo mudda kordhin u sameeyay Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada appeared first on Puntland Post.
  20. Ethiopia will own one of the terminal in Kenya’s Lamu port, and the two countries are working to speed up the issue of the title deed. Source: Hiiraan Online
  21. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga farsamada ee maamul u dhisida Galmudug ee ay ku dhawaaqday dowladda dhexe ayaa weli kulamo ka wada deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Xubnaha guddiga ayaa xalay kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, kaas oo looga hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada ee maamulkaasi. Sidoo kale intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday sidii loo ilaalin lahaa qoonada haweenka baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug. Guddiga farsamada oo muddo ku sugan Dhuusamareeb ayaa wada dadaallo xoogan oo loogu jiro, sidii loo dhisi lahaa Galmudug oo loo dhan yahay. Xaaladda ayaa weli cakiran, iyadoona aan xal rasmi ah laga gaarin khilaafka jira, si loo guda galo dhismaha wejiga labaad ee Galmudug.
  22. A technical preparatory meeting organized by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Thursday in Mogadishu brought together AMISOM and Somali Civil Society Organizations (CSO) to develop a work plan ahead of the 2020/21 elections. Source: Hiiraan Online
  23. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada golaha guurtida Somaliland ayaa fadhi ay saaka yeesheen muddo kordhin ugu sameeyay golaha wakiillada. Golaha Guurtida Somaliland ayaa cod aqlabiyad ku ansixiyey Muddo kordhinta Golaha Wakiilada Somaliland oo loo Kordhiyey laba Sanno. 71 Xildhibaan ayaa Golaha Fadhiyey 70 Xildhibaan Ayaa ogolaatay in Golaha Wakiilada loo kordhiyo Laba Sano Guddomiyuhuna muu Codayn. Golaha Guurtida ayaa iyagu Isku kordhiyayay 3 Sanno. Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Shantii iyo badhkii waaberigii axadda maanta ee 24-ka Noofambar ayaa Xabsiga Mandheera ee gobalka Saaxil laga soo qaaday Xoghayaha Guud iyo afhayeenka Xisbiga WADDANI ee Somaliland. Masuuliyiintan ayaa abaaro toddobadii subaxnimo la keenay maxkamadda Hargeysa, waxa aanay baadhayaashu garsooraha ka codsadeen in waqti dheeraad ah loo siiyo ogolaanshiyo xabsi ku sii hayn ah (Rummaan), taas oo ay wararku sheegayaan in garsooruhu u ogolaaday in ay afar maalmood sii hayaan si ay u soo dhammaystiraan baadhista. 7:50 subaxnimo, ayaa maxkamadda laga kaxeeyey masuuliyiintan oo wararka qaar ay sheegayaan in dib loogu celiyey Xabsiga Mandheera. Ammaanka maxkamadda iyo agagaarkeeda ayaa si aad ah loo adkeeyey, waxaana labada maxbuus la socday ciidamo aad u tiro badan Source
  25. Ugu yaraan 29 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, dhul go’ ka dhashay roobab mahiiggaana oo maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay degaanka West Pokot ee galbeedka waddanka Kenya. Dhul go’an oo si daran u saameeyay tuulooyinka Nyarkulian iyo Parua ee hoostaga degaanka West Pokot, ayaa lagu soo warramayaa in ay sabab u ahaayeen daadad xooggan oo ku soo rogmaday degaanka, kadib roobab mahiiggaana oo halkaasi ka da’ay. Mas’uuliyiinta dowladda Kenya, ayaa laga soo xigtay in daadadku ay jareen waddooyinka gala tuulooyinkaas, islamarkaana hal buundo oo degaankaasi ku taallay ay gebi ahaanba burburtay. Madaxweyne dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo ehelada dhammaan dadkii ku dhintay musiibadaas. Mr Kenyatta, ayaa sheegay in burbur weyn oo dhinaca hantida iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah uu ku yimid deegaankaas, waxa uuna ciidammada qalabka sida iyo howlwadeennada samata-bixinta ku amray inay goobta tagaan oo ay dadka caawiyaan. PUNTLAND POST The post 29 ruux oo ku dhintay dhul go’ ka dhacay galbeedka dalka Kenya appeared first on Puntland Post.