Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-habeen-20122019-sax-1.mp3 View the full article
  2. Jowhar (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaal xoogan oo shalay gelinkii dambe ka dhacay agagaarka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka oo ka dhashay weerar dhaba gal ahaa oo ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwii ay tababartay dowladda Turkiga uu ka dhacay deegaanka Xaaji Cali ee gobolkaasi. Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay Idaacadda Andaluus ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku qabsadeen hub iyo sidoo kale gaari gaashaaman oo Taaw ah. Sidoo kale sarkaalkaan ayaa tilmaamay in hubka iyo gaariga ay qabsadeen uu ahaa kuwii uu Turkiga dhawaan siiyay ciidamada Soomaaliya ee uu soo tababaray. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab laguma shaacin khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda federaalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay khasaaro xoog leh aarsiiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay ka qabsadeen tuulada Ceelgub oo saldhig u aheyd muddo fog dagaalyahannada kooxdaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiishaan oo uu horkacayo taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga dalka, Genaral Maxamed Cali Bariise ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalladooda, inta Al-Shabaab laga saarayo deegaanada ay ka heystaan gobolka Shabeelaha Dhexe. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka ayaa dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan degmada Cadale, waxaana dhowaan halkaasi gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Dagaalyahannada Al-Shabaab oo iyana ku xoogan dhulkaasi ayaa sameeyey dhaq dhaqaaq cusub, si ay uga hortagaan howlgalka cusub ee ciidamada dowladda.
  3. Sisters Sumaya and Fadumo Hassan help callers manage their experiences with bullying, anti-Islam sentiment and issues of identity Source: Hiiraan Online
  4. Somali and South Sudanese refugees in living in Kenya’s sprawling Dadaab refugee camp say they need greater freedom of movement and more consistent support from donors if they are to establish new lives. Source: Hiiraan Online
  5. On Dec. 2, Capital Ethiopia reported that Ethiopia is preparing to establish a naval base at the southern entrance to the Red Sea, which is considered the first to be based on the coast of Djibouti Source: Hiiraan Online
  6. The United States this week delivered 54 new Humvees to Djibouti as part of a $31-million train-and-equip military partnership between the countries. Source: Hiiraan Online
  7. MOSCOW/ANKARA (Reuters) - President Tayyip Erdogan said on Friday that Turkey will not stay silent over Russian-backed mercenaries supporting Khalifa Haftar in Libya Source: Hiiraan Online
  8. The “Somalia Upstream Fiscal and Regulatory Guide” report has been added to ResearchAndMarkets.com’s offering Source: Hiiraan Online
  9. NASHVILLE, Tenn. (AP) — Fartun Abdi last saw her father face-to-face when she was about 1 year old living in Somalia, just before her family separated to flee fighting in the country. Source: Hiiraan Online
  10. Mandhera (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ka billowday dhismaha xeryo lagu tababarayo maleeshiyo beeleed la sheegay inay daacad u yihiin maamulka Jubaland, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo. Gudoomiye ku-xigeenka dhanka arrimaha bulashada ee gobalka Gedo Axmed Barre Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay in ciidamadan cusub loogu talo-galay in la wareegaan gacan ku heynta deegaanada dowladda Soomaaliya ay ka maamusho gobalka Gedo. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii inta badan degmooyinka gobolka Gedo ay ka baxeen gacanta Axmed Madoobe, ayada oo maamulkii iyo ciidamadii joogay ay u goosteen dhanka dowladda. Maleeshiyada hadda ay Kenya ku tababareyso xuduudda, ayaa sida uu sheegay Axmed Barre, laga soo ururiyey deegaano ka tirsan goballada Gedo iyo Jubba Hoose, waxaana lagu tababarayaa xeryo ciidan oo laga sameeyey duleedka magaalada Mandheera iyo degamada Ceel-waaq. Maleeshiyadan ayaa la sheegay ay tababarayaan saraakiil kKnyaati ah oo aan ka tirsaneyn ciidamada Amisom, qeybta Kenya. Mas’uuliyiinta gobalka Gedo ayaa walaac ka muujiyey ciidan beeleedkan oo ay ku tilmaameen tallaabo abuureysa qalqal amni-darro iyo iska horkeen bulsho, waxayna dowladda federaalka ugu baaqeen inay si deg deg ay arrintaasi uga hor-tagto. Dhaq-dhaqaaqaan cusub ee ciidamadda dowladda Kenya ayaa ku soo aaday xili uu khilaaf xoogan ka taagan yahay maamullada degmooyinka gobalka Gedo oo qaarkood ay soo gaareen magaalada Muqdisho, oo ay kula kulmeen mas’uuliyiinta dowladda. Axmed Madoobe ayaa horey xilalka uga qaaday xubnihii u goostay dhanka dowladda, hase yeeshee waa ay ku gacan seereen. Hoos ka dhageyso codka gudoomiye ku-xigeenka dhanka arrimaha bulashada ee gobalka Gedo Axmed Barre Sheekh Cabdullaahi. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Gedo.mp3
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, C/Casiis Xasan Maxamed [Lafta-Gareen] ayaa qarxiyay dagaal siyaasadeed qabyaaladeysan, to kaasoo ka socda baraha bulshada [Social Media]. Lafta-Gareen ayaa khudbad uu habeenkii Khamiista [December 19] ka jeediyay munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 1aad ee kasoo wareegatay doorashadiisa kaga hadlay shacab Koonfur Galbeed kasoo jeeda oo lagu dilay Gaalkacyo. Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa ku eedeeyay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee kasoo jeeda Gobollada Dhexe in si ay u daboolaan dadkiil lagu dilay Gaalkacyo ay warar been abuur ah ka faafiyaan maamulka uu hogaamiyo. Wuxuu xusay in Siyaasiyiinta mucaaradka ay hadal-qabsi ka dhigteen “xasuuq baa ka dhacay Baydhabo”, iyagoo doonaya inay ku xumeeyaan dowladda Federaalka, oo kaalin ku lahayd dhismaha maamulka hadda ka jira Koonfur Galbeed. “Iyagoon Baydhabo imaan ayay been ka sheegaan, ujeedada laga leeyahay waa inay dowladda ku xumeeyaan, waxaana ku jira dadkaasi kuwa kasoo jeeda degaanno lagu dilay dad u dhashay Koonfur Galbeed, mana xishoonayaan oo waxay qarinayaan dhiiga dadkii maalinta cad lagu xasuuqay Gaalkacyo,” ayuu yiri Lafta-Gareen. Hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka falceliyay siyaasiyiin iyo Xildhibaanno ay kamid yihiin Mahad Salaad iyo C/raxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kasoo jeeda degaanada Galmudug. “Madaxweyne Lafta Gareen **********tii Gaalkacyo dadka ku laayay ee dhamaanteen aan ka wada dhiidhinay. Si Ehelnimo, Islaamnimo iyo Soomaalinimo ahna aan uga samafalnay hadii maanta uu nagu eedaynayo uuna leeyahay qabiil ayay ahaayeen waa nasiib daro aad u wayn. Gafna ku ah dadkeena,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Mahad Salaad waxaa si kulul ugu soo jawaabey C/fitaax Geesey, oo kasoo jeeda Koonfur Galbeedka, islamarkaana ay kawada tirsan yihiin Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. “Xildhiban Mahad Salaad waan arkay wuxuu qoray laakin waan wacay si Mar kale aan u hubiyo wuxuu qoray iyo siduu iila hadlay waa is lahaayen xildhiban ka haduu raali gelin deg deg ah ka bixin waayo Isla hada waxaa subaxa Berito ah fadhiga baarlaman ka ka gudbin doonaa moshin ka dhan ah kadibna guddiga anshaxa ayaa la marinayaa si waafaqsan sharciga iyo xeer hoosadka golaha shacabka si looga qaado talaabo waafaqsan dembiga uu galay. Fiiro Gaar waxaan ka dalbanayaa dhamaan xubnaha KG ee baarlaman ka iyo inta samaha jecel ee soomaaliyed iney meel kaga soo wada jeestan arrintan,” ayuu yiri Geesey. Dagaalka baraha Bulshada ka socda, waxaa sidoo kale kusoo biiray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Aadan Isxaaq oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka Mahad Salaad. “Ma garan karo xaasidnimo iyo uur xumo ka wayn inay jirto in bulsho soomaaliyeed lagu tilmaamo in ay dhamaantooda argagixiso yihiin, inagoo og sida arxan darada ah ay argagixisada shabab u xasuuqeen ummada soomaaliyeed iyagoo aanan u kala saarin saqiir iyo ciroole,” ayuu isna ku yiri qoraal uu Facebook soo dhigay. Siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur ayaa isna jawaab ka bixiyay hadalka Lafta-Gareen, isagoo sheegay in falkii ka dhacay Gaalkacyo ay geysteen ******** beeleed, islamarkaana uu ahaa “fal danbiyeed waxshinimo leh”. “Dadkii lagu laayey 13-kii December 2018 Baydhabo waxaa ka qayb qaatay ciidanka Itoobiya iyo kuwa Federaalka ah. Amarkana waxaa bixiyey Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale Roobow iyo dadkii kale ee la xiray amarka xoriyadda looga qaaday waxaa lahaa Farmaajo,” ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur. Wuxuu intaasi raaciyay: “Walaalkey C/casiis Lafta-Gareen, xilligaas xil ma haynin, isaguna amarka dadka lagu laayey ma dhiibin, laakiin kursi dhiig leh ayuu meesha ka qaatay. Ma aha in uu daboolo ama dafiro shacabkii la xasuuqay iyo kuwa xorriyadda laga qaaday ee xabsiga ku jira, ee waa in uu ka shaqeeyaa mag dhaw, dib u heshiisiin, iyo in uu xoriyaddooda u soo celiyo dadka xiran”. Dadka qaar ayaa ku tilmaamay hadalada xanafta leh ee baraha bulshada isku dhaafsanayaan siyaasiyiinta, qaarkood xilal qaran haya mid damqinaya boogo hore, oo bogsanayay, ayna ahayd inay ka fogaadaan adeegsiga qabiilka xilligan oo dalku kasoo kabanayo dagaal sokeeye. Xigasho: Garowe Online
  12. Hebron (Caasimada Online) – Maxbuus Rizk Bahaa Ali Al-Haroub oo 35 jir ayaa waxaa loo dhalay wiil kadib markii shahwadiisa uu si qarsoodi ah uga soo dhiibay xabsi ay ku hayaan Yahuudda, kadibna lagu beeray xaaskiisa. Al-Haroub oo kasoo jeeda magaalada Hebron ee Daanta Galbeed ayaa waxaa la xiray toban sano ka hor, waxaana uu ku xukuman yahay xabsi daa’in, oo rajo lagama qabo in lasii daayo. Xaaska Al-Haroub oo dhowr bilood ka hor lagu beeray ilmaha ayaa ugu dambeyn umushay asbuucan, ayada oo dhashay wiil, kaasi oo sawirradiisa ay la wadaagtay caalamka. Maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay haystaan Yahuudda ayaa sanadihii dhowaa waxay si qarsoodi ah shahwo uga soo dhiibayeen xabsiyada. Badankood ayaa ah kuwa ku xukuman xabsiyo sanado badan ah ama xabsi da’ain. Ilaalada xabsiyada Yahuudda ayaa marar badan isku dayey inay ka hor-tagaan in si qarsoodi ah shahwada looga soo saaro xabsiyada, waxayna qaadeen tallaabooyin dhowr ah, balse waa ay ku guul-darreysteen inay ka hor-tagaan. Sida ay shaacisay Xarunta Daraasaadka Maxaabiista Falastiiniyiinta, 50 caruur ayaa ku dhashay shahwo si qarsoodi ah ay maxaabiis usoo dhiibeen oo kadibna lagu shubay xaasaskooda. Maxaabiista badankood ayaa sidan u samaynaya in maadaama aysan dib usoo baxeyn ay dhallaan caruur sii wadda halganka iyo jihaadka lagu xoreynayo dhulka Falastiin. Waxay sidoo kale tani ay tahay farriin Yahuudda loogu sheegayo in si kasta oo ay u xiraan ama u dilaan, aysan marnaba shacabka Falastiin tirmi doonin.
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle, oo ay wehliyaan xubno kale ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland. Wasiirka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle iyo xubno kale oo gollaha wasiiradda Jubbaland ka tirsan ayaa si diiran garoonka diyaaradaha Kismaayo wafdigan ugu soo dhaweeyay. Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah wasiirro ka socda dowlad goboleedyada dalka gaar ahaan wasaaradaha maaliyada. Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda Soomaaliya, kaas oo ay dhammaan goob joog yihiin wasaaradaha maaliyada Dowlad Goboleedyada dalka iyo wasaaradda maaliyada Soomaaliya. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah sidii loo hagaajin lahaa nidaamka maaliyadda maamul goboleedyada dalka, taasi oo qeyb ka ah shuruudaha deyn-cafinta Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaan wax xiriir ah la lahayn maamulka Jubaland, ayada oo madaxweyne Farmaajo uusan aqoonsaneyn madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. Si kastaba, Soomaaliya ayaa rajeyneysa in bisha Febraayo ee 2020 laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, waxaana si taas ay u dhacdo qasab ah inay arrimaha maaliyadda ka wada-shaqeeyaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.
  14. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jamce ahayd qado sharaf ugu sameeyay deegaanka Jibigalle ee duleedka Garowe, qaar ka mid ah hoggaanka dhaqanka ee gobolka Bari oo maalmahan ku sugnaa Garowe. Kulanka qadada waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, qaar ka mid ah xubnaha labada Gole ee dowladda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, hoggaan dhaqan, Ganacsato iyo marti sharaf kale. Isimadan ayaa maalmihii la soo dhaafay Garowe u joogay sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii u dhaxeeyey dowaladda iyo shirkadda PDG oo qaabilsan adeega iyo saadka ciidanka Badda Puntland ee PMPF. Isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa 15-kii bishii la soo dhaafay ee November ku guulestay in ay xaliyaan xiisad ka taagnayd magaalada Boosaaso oo u dhaxeysay madaxda PDG iyo dowladda, waxayna magaalada ka saareen ciidamo xoog ku soo galay oo isugu jiray daraawiish gadoodsan iyo maleeshiyo beeleed oo hoggaaminayey Ciise Yulux, sidoo kale waxay dowladdu ka codsadeen in shirkadda PDG ay siiwado shaqada. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa 25 bishii November Dubai u aaday arrintan iyo sidii uu mas’uuliyiinta Imaraadka Carabta ugu qancin lahaa, in ay sii wadaan qandaraaska Shirkadda PDG oo qaabilsan adeega iyo saadka ciidanka Badda Puntland ee PMPF. Madaxweyne Deni ayaa markii uu ka soo laabtay safarkii Imaaraadka la kulmay isimada Bari, iyagoo kawada hadlay arrintaas, waxaana wararku sheegayaan in xal kama dambeys ah laga gaaray. Ugu dambeyna Madaxweyne Deni ayaa maanta xaflad sagootin ah u sameeyey isimadii ka yimid gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo shaqo sharaf u sameeyey isimadii galay xiisadii Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  15. Wasiirka wasaaradda maaliyada DFS Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta gaaray dowlad goboleedka Jubbaland. Wasiirka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle iyo xubno kale oo gollaha wasiiradda Jubbaland ka tirsan ayaa si diiran garoonka diyaaradaha Kismaayo wafdigan ugu soo dhaweeyay. Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda Soomaaliya kaas oo ay dhammaan goob joog yihiin wasaaradaha maaliyada Dowlad Goboleedyada dalka iyo wasaaradda maaliyada DFS. Waxaa xusid mudan in dowladda federaalka aaney aqoonsaneyn Axmed Madoobe laakin ay la dhaqanto xukuumadiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynaha Dowlada puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan Qado ah la yeeshay Isimada iyo Waxgaradka Gobolka Bari, Duleedka aGarowe ayuu Madaxweynuhu kula kulmay Waxgaradka. Kulanka [...] Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeyb-galeen guddoomiyaal degmo iyo sarakiil ciidan oo ka socday Gobolka Gedo ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Kulanka oo uu gar wadeen ka ahaa Wasiir xigeenka Wasaaradda, Cabdinaasir Saciid Muuse, ayaa looga hadlayey “Amniga Xuduudaha Dalka”, waxaana kadib laga soo saaray war-saxafaadeedkan hoose:- War-saxaafadeed Wasaaradda Amniga qaranka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan xog is weydaarsi iyo aqoon korrosi ah oo looga hadlayay “Amniga Xuduudaha Dalka” u qabatay masuliyiin isugu jiray guddoomiyaal degmo iyo sarakiil ciidan oo ka socday Gobolka Gedo. Waxaa kulankan oo uu gar wadeen ka aha Wasiir xigeenka Wasaaradda, Mudane: Cabdinaasir, lagu qaada dhigay arrimahan soo socda:- Adkeeynta wada shaqeeynta laamaha Amniga heer Federaal, heer mamul goboleed, heer gobol iyo heer degmo. Tayeenta adeega Dowladnimo ee dhinaca Amniga iyo bulshaba ila iyo heer degmo iyo tuulo. Xoojinta wada shaqeeynta Dowladaha deriska iyo AMISOM ee degmooyinka xuduudaha. Xoojinta dagaalka lagula jiro kooxahaa Argagixisadda iyo sugidda Amniga xuduudaha dalka. Falan-qeeyn dheer iyo fikir is weydaarsi kadib, dhinacyadu waxeey isla garteen arrimaha soo socda:- In la xaqiijiyo lana ilaaliyo midnimadda iyo wada jirka bulshadda Soomaaliyeed. In sare loo qaado lana xoojiyo wada shaqeeynta ka dhaxeeysa laamaha Amniga Dowladda Federaalka, maamul goboledka iyo degmooyinka. In la ilaaliyo lana xoojiyo wada shaqeeynta fiican ee Dowladda Soomaaliya kala dhaxeeya Dowladddaha deriska iyo ciidamada AMISOM dhinaca sugida Amniga xuduudaha. In si wada jir ah loola dagaalamo Argagixisada hal dhinacna looga soo wada jeesto.
  18. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-habeen-20122019-sax.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa baaq jawaab ah u diray madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xalay jeediyey hadal uu ku weeraray siyaasiyiinta beesha Habar-gidir ee mucaaradsan dowladda Soomaaliya. Hoos ka aqriso qorala uu Cabdiraxmaan soo dhigay facebook Shacabka Koonfur Galbeed waa dad nabad jecel, dadnimo leh, ilbaxnimo wada noolaasho iyo dad la dhaqanba leh. Dadkii lagu laayey 13-kii December 2018 Baydhabo waxaa ka qayb qaatay ciidanka Itoobiya iyo kuwa Federaalka ah. Amarkana waxaa bixiyey Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale Roobow iyo dadkii kale ee la xiray amarka xoriyadda looga qaaday waxaa lahaa Farmaajo. Walaalkey C/Casiis Laft gareen, xilligaas xil ma haynin, isaguna amarka dadka lagu laayey ma dhiibin, laakiin kursi dhiig leh ayuu meesha ka qaatay. Ma aha in uu daboolo ama dafiro shacabkii la xasuuqay iyo kuwa xorriyadda laga qaaday ee xabsiga ku jira, ee waa in uu ka shaqeeyaa mag dhaw, dib u heshiisiin, iyo in uu xoriyaddooda u soo celiyo dadka xiran. Waa la isku deyi karaa in la qabiileyo doodda la xariirta xasuuqii Baydhabo, oo indhaha dadka laga leexiyo ciddii dhibka gaysatay, laakiin waxaa jira ma hadhooyin ku lamaasan oo aan marna laga reebi karin magaca Farmaajoo sida; xasuuqii Baydhabo, dhiibista Qalbidhagax, cunaqabatayntii Kismaayo, iyo weerarkii xarunta Xisbiga Wadajir ee 17 kii December. Tan kale, Al-shabaab qabiil ma laha, qolo walbana way xasuuqaan, qabiil walbana waa ku jiraa, waana khalad in qolo loo saariyo Alshabaab. Mid ay walaasheey dhashay ayaa la ii sheegay in uu fariin soo faray, isagoo leh Abti Ilaaheey ayaa na kala baxsaday oo waxaa beri yeelay Sh Xasaan. Dadkii lagu xasuuqay Gaalkacyo waxaa xasuuqay ******** beeleed, waxayna ahayd fal danbiyeed waxshinimo leh, oo ay ******** gaysatay. Reer Gaalkacyo iyo Soomaali oo idil way ka dhiidhiyeen, xitaa kuwii ku dhiiran waayey in ay kalmad ka yiraahdaan xasuuqii Baydhabo. Walaalkeen Laftagareen waxaan kula talinayaa in uusan waqti ku lumin difaaca Farmajo ee waqti ha geliyo sidii uu kursigiisa dhiigga uga mayri lahaa, dadkiisa la heshiiyo, dadka deegaanka ha heshiisiiyo, inaguna waxaan diyaar u nahay in aan sidaas ku taageerno.
  20. Caasimada Jubbaland waxaa Sabtida Sabtida ka furmaya Shirka Arimaha amaaliyadavSoomaaliya oo ay kasoo qayb galayaan Wasiirada Maaliyada Soomaaliya. Wasiirada Maaliyada Puntland Xasan Shire Cabdi iyo [...] Source
  21. he Somali government said late Thursday that its forces had killed 15 al-Shabaab militants who were planning to carry out attacks on military bases in the country’s Lower Juba region. In a statement to the media, the Ministry of Information said the operation was led by Lieutenant Colonel Mohammed Badaal Hassan. “The national armed forces conducted an operation in [the areas of] Bar Sanguni and Kaban. The troops killed 15 al-Shabaab militants, including leaders, and injured eight other militants.” The Somali government vowed to offer more protection to the people of Somalia, saying it has reclaimed most areas in the country previously controlled by the al-Qaeda affiliated militant group. Al-Shabaab has wreaked havoc in East Africa, killing thousands. In 2017, Al-Shabaab militants killed more than 580 people in twin truck bombings in Mogadishu. Source: Anadolu
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jawaab ka bixiyey dalabyadii shalay kasoo baxay beesha caalamka ee ku saabsanaa doorashooyinka Soomaaliya ee 2020,21. War-Saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa guddiga kusoo bandhigay lix qodob oo quseeya doorashooyinka. Hoos ks aqriso war-saxaafadeedka oo dhan. Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka waxa uu ka mahadcelinayaa taageerada beesha caalamka iyo ka go’naanta ay u muujiyaan inay garab istaagaan Guddiga iyo howlgalka doorashada. Guddigu wuxuu caddaynayaa in uu diyaariyay howlaha farsamo ee muhiimka u ah u diyaar garawga hirgelinta doorashada. Wuxuu guddigu rajaynayaa in arrimaha muhiimka u ah doorashada lala garab istaago sida diyaarinta miisaaniyadda doorashada, sugidda amniga goobaha diiwaangelinta iyo codbixinta, Dhamaystirka sharciyada lagama maarmaanka ah gaar ahaan sharciga doorashooyinka in Golaha Shacabku ansixiyo waqtigii lagu ballamay si uu saldhig ugu noqdo qabya tirka xeerarka doorasho ee na horyaal. Guddigu wuxuu rajaynayaa in nidaamka doorasho ee ku soo baxa sharciga uu noqdo mid la fulin karo isla mar ahaantaana tixgelin gaar ah la siiyo arrimahan soo socda marka go’aan laga gaarayo nooca doorashada iyo nooca diiwangelinta ee la ansixinayo: In nooca doorashada la waafajiyo mabaadida Dastuurka JFS, iyo Sharciga Axsaabta In hirgelintiisu ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta ka qaybgalaya doorashada (tartame iyo codbixiye). In aan GMDQ la saarin mas’uuliyad fulinteedu adagtahay sida soo saaridda habraaca astaynta deegaan doorashada iyo dhowrista qoondada dumarka. In nooca doorasho uusan horseedin khilaaf iyo dagaal, ilaaliyana midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. In uu ilaaliyo xaquuqda dhallinyarada, dadka baahiyaha gaar ah qaba iyo dadka aan hadda baarlamaanka metelaad ku lahyn. In GMDQ la siiyo fursad uu ku xulan karo nooca diiwangelinta codbixiyaha haddii uu arko in uu la jaanqaadi karo duruufaha ku xeeran ama saamaynta ku yeelan kara hawlaha doorashada. Ugu dambayn waxaan codsanaynaa in Guddiga lagu garab istaago waajibaadkiisa dastuuriga ah, lana siiyo tixgelin duruufaha uu ku shaqaynayo.