Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa si rasmi ah ugu eedeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay mamaulkaas kusoo qaadday “dagaal dhinaca waxbarahsada.” Afhayeenka Puntland, Jaamac Yuusuf Dabaraani oo ka warbixinayay shirka todobaadalaha ah ee Golaha Xukuumada Puntland ayaa sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay weli waddo “dagaal ka dhan ah “oo la xiriira xagga waxbarashada. Dabaraani ayaa sheegay in dawladda ay diiday inay shahaadooyinka siiso ardayda reer Puntland ee dhameysta dugsiyada sare. “Meelihii ay wada-shaqaynta xagga waxbarashada la lahayd ayey dowladda u dirtay warqado ay ku hor istaagayaan ardayda Puntland, waxaana ka mid ah dalka Masar, dhawaana arinkaas darteed halkaas waxaa u tagay wasiirka waxbarashada Puntland, si arimahaas wax looga qabto, dhaqamada noocaas ah waa kuwa muujinaya in lala dirirayo Puntland dhinaca horumarka waxbarshada” Ayuu yiri Dabaraani. Afhayeenku ayaa sidoo kale xusay in qodobadaas ay yihiin “kuwa baalmarsan” dastuurka Soomaaliya iyo heeshiisyadda ay horay u gaareen dawlafda dhexe iyo maamulada, waxa uuna tilmaamey in cawaaqib xumadda ka dhalata ay qaadan doonaan hogaanka dowladda federaalka Xiisadda labada dhinac ayaa kasoo billaabatay markii Puntland ay diiday inay qeyb ka noqoto imtixaanka shahaadiga ah ee ay dejisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Si kastaba, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana laga soo doortay degaanada Puntland, ayaa 7-dii September sheegay inay ku guuleesteen in ay xaliyaan khilaafka labada dhinac kadib markii ay la kulmeen Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya. “Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland…Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal oo aan dib idinkala wadaagi doono.” ayuu yiri wasiir Goodax oo hadlay kadib kulankaas.
  2. “Madaxweynaha walaalkii Ayaa Igu Yidhi Dhafoorka Ayaan Ka Tooganayaa…” Siyaasi Ramaax Oo La Xidhay, Muxuu Ka Yidhi Xadhigiisa Ka Hor Inta Aan La Xidhin, Halkan Hoose ka DAAWO Source
  3. Gaalkacyo (SMN) – Taliska Ciidanka Booliska Galmudug ayaa sheegay in ay wax weyn kaqabteeen sugidda amniga horumaro balaaranna ay kasameyeen hay’adaha u xil-saaran sidii loo sugi lahaa amaanka guud. Gaashaanle dhexe, Maxamuud Cilmi Gulaafe , oo ka tirsan Taliska qeybta Gobolka Mudug, ayaa intaa raaciyay in ay si aad ah uga feejigan yihiin qatarta ka iman karta Al-Shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in ay Boliisku soo qaban doonaan cid kasta oo dil ka geysata Gobolka Mudug iyo guud ahaanba Dalka Soomaaliya, haatan ka horna ay ku guuleysteen in ay Gacanta kusoo dhigaan dambiilayaal baxsad ahaa. “Dawladda Soomaaliya aad ayay saameyn ugu leedahay sugidda nabad gelyada degannada Galmudug oo dhan, waxaan dareemayna in Dawladdu Shacabka ay u tahay Geed ay harsadaan marka la eego waxyaabaha ay ka caawisay maamulka iyo Shacabka Gobolka Mudug”, ayuu yiri Taliyuhu. Ugu dambeyntii, wuxuu sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro ka yimaad Al-Shabaab oo ka dhaca degaanada kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug. Tani waxay kusoo aadeysaa xili loo diyaar-garoobayo weeraro. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Gudoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ammaan balaaran u jeediyay Xildhibaanada. Mahad Cabdalla Cawad, gudoomiye ku xigeenka labaadee Aqalka Hoose, ayaa sheegay in mudaneyaasha aysan saameyn ku lahayn siyaasadda. Mr Cawad oo warbaahinta la hadlay ayaa daboolka ka qaadey marka ay timaado ansixinta sharciyadda ay Xildhibaanadu isku aragti ka yihiin. Shalay ayay ahayd markii Xildhibaanadda ay ansixiyeen laba xeer oo muhiim ah, kuwaasoo ku saabsan Maaliyadda wadanka iyo warshadaha. View the full article
  5. MOGADISHU (HOL) - Pilgrims from Somalia heading to Saudi Arabia for observance of religious practices will no longer face obstacles like before thanks to an agreement between the two governments. Source: Hiiraan Online
  6. Puntland dowladda Puntland, ayaa Xukuumadda Federaalka federaalka Soomaaliya ku eedaysay, in ay Ardayda Reer Puntland u diidday Shahaadadii dugsiyada sare ee heer Federaalka. Af-hayeenka Xukuumadda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani), oo ka warbixinayay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee Khamiista maanta, ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ku eedeeyay, in ay ka hor istaagtay Deeqihii waxbarasho ee Puntland caalamka ka heli jirtay. Ardayda Puntland ee sannadkan 2019-ka ka baxay dugsiyada sare, ayaa weli qaarkood u xanniban yihiin shahaadada heer Federaal, halka qaar kalena ay Muqdisho ka doonteen. Arrintan ayaa ku salaysan Khilaaf dhanka Waxbarashada oo Puntland iyo dowladda Federaalka ka dhex bilowday, kaddib markii bishii May ee sannadkan ay Puntland qaadacday waxa loogu yeeray Imtixaanka midaysan ee wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Hoos ka daawo muuqaalka Af-hayeenka Puntland PUNTLAND POST The post Puntland: Dowladda Federaalka ayaa dagaal ku soo qaadday Waxbarashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  7. Southwest state Minister of Justice has denied reports that the prisoners at Baidoa central prison are being subjected to torture. Mohamed Hussein Hassan described the claims as baseless and revealed that the prisoners receive regular skill training and healthcare. Continuing, the minister noted that he is currently working to improve the current situation in the prison. The minister who gave an exclusive interview with Shabelle Radio in the capital Mogadishu urged the local media to check their facts before reporting about the prisons in Baidoa. View the full article
  8. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada ee Maanta oo Khamiis ah. Ugu horayn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka warbixiyay howlgalada Ciidamada amaanka iyo Xaalada Ciidamada ku sugan furimaha isagoo xusay in ay hayaan shaqo adag oo ay dadka shacabka ah kaga badbaadinayaan Argagixisada. Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalo ay sameeyeen khasaare adag lagu gaarsiiyay Al-shabaab iyadoo meelaha qaar Ciidamadu ay kala wareegeen. Wasaarada Beeraha ayaa ka warbixisay qaybo kamid ah deegaanada Jubbaland oo uu soo gaadhay Ayaxa ku habsaday qaybo badan oo kamid ah dalka waxaana Wasaaradu ay sheegtay in 20km uu ku habsaday iyadoo meelaha Jubbaland kamid ka ah ee ilaa hada lagu arkay ay tahay Degmada Beledxaawo iyadoo Wasaaradu ay sheegtay in dadaal loogu jiro sidii wax looga qaban lahaa. Wasaarada Deegaanka iyo Dalxiiskuna waxaa ay ka warbixisay shir lagaga hadlayay cimilada sii xumanaysa iyo isbadalada ka dhashay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyadoo Wasaaradu ay sheegtay in go’aamada iyo talooyinka shirkaas kasoo baxay ay yihiin kuwo wax badan ka tari kara isbadalka cimilada iyo sidii saamaynteeda loo yarayn lahaa. Wasaarada Dhalinyaradana waxaa ay warbixin ka bixisay Shir lagaga hadlayay shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho si loo yareeyo tahriibka iyo falalka ka dhasha marka dhalinyaradu ay shaqo la’aan ku dhacdo si aan looga faa’iidaysan figradaha cagjirka iyo mukhaadaraadka. Source: goobjoog.com
  9. Mayor of Mogadishu, Omar Mohamed Mohamud has on Wednesday chaired weekly security meetings in his office, a move intended to enhance cooperation between public and police. District commissioners and regional security chiefs attended the meeting which focused on ways to beef up the security of the capital out of armed al-Shabaab attacks. The mayor’s office said the district officials presented security reports at the meeting. The mayor has urged the district officials to work towards sustainable security plans in their respective districts. View the full article
  10. Askari la sheegay in uu ka tirsanaa ciidanka maamulka Hirshabelle ayaa waxa uu maanta nin shacab ah oo ka mid ah dadka iibiya Kalluunka ku diley suuqa magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe. Sida ay inoo sheegeen dad ku sugan halka dilkan uu ka dhacay, askariga ayaa ka dalbaday ninkan inuu bixiyo Shan Kun oo shilin Soomaali ah, balse ninkii ayaa u sheegay inaanu hayn lacag, una soo laabto markii ay wax u gadmaan. Askariga ayaa intaasi kadib la tilmaamay in uu madaxa xabad uga dhuftay ninkii ka ganacsanayey Kalluunka, isaga oo halkaasina isaga baxsaday. Xaaladda Jowhar ayaa dilka kadib isbedashay, waxaana isku soo bax sameeyey dadweyne badan oo arrinataasi ka xumaaday. Hay’adaha ammaanka Jowhar ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan askarigii dilkaasi ka dambeeyey, islamarkaana ku dedaali doonaan sidii loo soo qaban lahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Somalia and Saud Arabia have signed an agreement aimed at resolving issues regarding Somali pilgrims going to the annual Islamic Hajj each year. Somalia’s religious and endowment affairs Minister, Sheikh Nur Mohamed Hassan who is on a visit to Saudi Arabia has announced the agreement on Wednesday. Hassan said he had reached out to Saudi Hajj and Umrah authorities to ease obstacles faced by Somali pilgrims in 2019. Saudi authorities announced the Kingdom is lifting travel restrictions to citizens from Somalia following talks between the two brotherly countries. View the full article
  12. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa ayaa waxa ay maanta kulankii Labaad Madaxtooyada Hargeysa kula yeesheen guddoomiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Wadani. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha Wadani C/raxmaan Ciiro ayaa kulankaasi kadib warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii laga wadahadlay. Wuxuu sheegay Saylici in la isla gartay 10-01-2020 in laga shaqeeyo lana guda galo qodobadii horey loogu heshiiyey, sidoo kalena laga gudbo caqabadihii ku gadaamanaa doorashooyinka. Waxaa jiray khilaaf xooggan oo ka dhashay doorashooyinka Somaliland iyo muddo kordhinta loo sameeyey goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Kalfadhigii maanta ee Golaha Wasiirada Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa lagaga dooday isla markaana lagu ansixiyey xeerka siyaasada qaran ee maalgashiga. Kalfadhigan ayaa sidoo kale waxa lagaga hadlay xidhiidhka wada shaqayneed ee dalalka Caalamka iyo Hay’adaha, kaasi oo lagu go’aamiyey in Beesha caalamka iyo Hay’adahaasiba ay Somaliland ula dhaqmaan si dal madax banaan. Golaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in Safiirrada iyo ergooyinka ka socda waddamada caalamka, madaxda ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland. Golaha ayaa sidoo kale waxa ka digay in Beesha caalamku ay ku xad-gudubto xuduudda dhuleed Somaliland, isla markaana ay mashaariicdooda u isticmaalaan magaca, khariiradda, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, sida lagu sheegay War-saxafadeed ay Madaxtooyada Somaliland ka soo saartay Kalfadhiga Golahaasi. Hoos ka aqriso War-saxafadeed ay Madaxtooyadu ka soo saartay Kalfadhigaasi: “Fadhigii 51-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga dooday laguna ansixiyey xeerar kala duwan. Golaha wasiirradu waxay dood dheer ka dib ansixiyeen siyaasadda qaran ee maalgashiga, sidoo kale waxa golaha loo qaybiyey nuqullada qabyo qoraalka xeerka maalgashiga, waxaana golaha sharaxaad ka siiyey wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo garyaqaanka guud ee qaranka. Dhinaca kale, waxa golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, waxay mar kale ku celilyeen go’aanka Jamhuuriyadda Somaliland ee xidhiidhka wada shaqayneed ee dalalka caalamka iyo hay’aduhu inuu yahay in beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya. Sidaa awgeed, waa in Safiirrada iyo ergooyinka ka socda waddamada caalamka, madaxda ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariiradda, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah. Waxa reebban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan oggolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ee ay khusayso”.
  14. (SLT-Hargeysa)-Fannaan Caan Ah Oo Duruuftu Ku Khasabtey In Uu Baabuurta Ku Maydho Magaalada Hargeysa, halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Bitlis)- Todoba qof ayaa ku dhintay halka 64 kalena laga soo badbaadiyey doon siday Muhaajiriin ka yimid dalalka Pakistan, Bangladesh iyo Afghanistan oo kula dagtay Haro ku taala dalka Turkiga, gaar ahaana gobolka Bitlis. Doonta ayaa degtay xili ay ku sii jeedday degmada Adilcevaz ee gobolka Bitlis, oo ku taal xeebta waqooyiga harada Lake Van, sida uu sheegay xafiiska Badhasaabka gobolka Bitlis, oo tilmaamay in Shilku abbaaraha 3am (0000 GMT). Haradan ayaa u dhow xadka Turkigu uu la leedahay Iran, halkaas oo muhaajiriintu ay si joogto ah ugu gudbaan Turkiga, iyagoo ku sii jeeda galbeedka dhinaca Yurub. Ma cadda sababta muhaajiriinta ay ugu dul degeen ama ugu safrayeen harada Lake Van, oo gabi ahaanba ku taal xuduuda Turkiga. Shan qof ayaa maydkooda laga helay goobta, halka laba kalena ay ku dhinteen cusbitaalka, waxaana 64 qof ee la soo badbaadiyay loo qaaday Cisbitaallada, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka Bitlis ee shilku ka dhacay. Sannadkan oo kaliya Turkiga ayaa ka mid noqday dalka martigeliyey tirada ugu badan ee qaxootiga ah ee dunida oo dhan 3.7 milyan oo reer Suuriya ah, taas oo marar badan sheegtay inay doonayso inay ku celiso aag nabdoon oo ku yaal waqooyiga bari ee Suuriya. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka digay mowjado qaxoontinimo oo dheeri ah waa hadii dagaalada Suuriya – iyo weeraro hor lehi ay ka sii socdaan dalkaasi ay keeni karto qoxooti tiro badan. Source
  16. Mudaharaad looga horjeedo in cid ka tirsan dowladda Puntland ay timaaddo degmada Xiingalool, oo ay abaabuleen shacab ka caraysan xilka qaadistii Dhooba-daareed, ayaa maanta ka socda degmadaasi Xiingalool ee gobolka Haylaan. Qaar kamid ah bulshada degmada Xiingalool, oo u badan dhalinyaro iyo haween ,kuna dhawaaqaya ereyo ka dhan ah Puntland, ayaa maanta socod ku maraya waddooyinka Xiingalool xilli la filayo in Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland uu maalmaha soo socda booqdo degaanno ka tirsan gobollada Sanaag iyo Haylaan. Dadka mudaharaadka samaynaya ayaa gudaha magaalada Xiingalool ku gubaya taayirada gaadiidka. Xiingalool ayaa kamid ah degaannada la filayo in uu booqdo guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Gobollada Sanaag iyo Hayland, ayaa laga soo sheegaya in ay ka jirto xiisad ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland, Cabdixakiin Xaaji Maxamed Dhooba-daareed, kaasi oo xilka looga xayuubiyay mooshin ay dabada ka riixaysay xukuumadda Puntland. PUNTLAND POST The post Mudaharaad looga horjeedo Puntland oo ka socda degmada Xiingalool appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Hargeysa)-Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta iyo Go’aamadii Ka Soo Baxay. Fadhigii 51-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga dooday laguna ansixiyey xeerar kala duwan. Golaha wasiirradu waxay dood dheer ka dib ansixiyeen siyaasadda qaran ee maalgashiga, sidoo kale waxa golaha loo qaybiyey nuqullada qabyo qoraalka xeerka maalgashiga, waxaana golaha sharaxaad ka siiyey wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo garyaqaanka guud ee qaranka. Dhinaca kale, waxa golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, waxay mar kale ku celilyeen go’aanka Jamhuuriyadda Somaliland ee xidhiidhka wada shaqayneed ee dalalka caalamka iyo hay’aduhu inuu yahay in beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirrada iyo ergooyinka ka socda waddamada caalamka, madaxda ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariiradda, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reebban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan oggolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ee ay khusayso. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Faarax Xiirey oo ka mid ahaa dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho, ayaa habeenkii Isniinta lagu dilay degmada Hodan, waxaana markii ugu horreysay dilkiisa ka hadlay ehelladiisa. Ehellada Cabdullaahi oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dilka marxuumka uu ka dambeeyey sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda. Cabdullaahi Cabdikariim Maxamed Xiireey oo ay walaal yihiin ayaa sheegay in inta aan la dilin ka hor ay jirtay dood iyo khilaaf ka dhaxeeyey marxuumka iyo taliyaha guutada 1-aad ee 12-ka April ee ciidamada xoogga dalka, oo lagu magacaabo Xasan Jaamici. Cabdullaahi Cabdikariim ayaa sheegay in 23-kii bishan xilli habeen ah ayuu marxuumka u yimid sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Cabdi Jaamac, islamarkaana ay israaceen, daqiiqado kadibna Cabdullaahi Xiireey lagu dhex diley gaarigii uu watay. Cabdullaahi Cabdikariim waxa uu intaas ku darey in Cabdillaahi Xiirey uu lahaa shirkad ganacsi, islamarkaana Xasan Jaamici uu dhowr mar ugu hanjabay dil. Caasimada Online si madax banaan uma xaqiijin karto eedeymaha qoyska Cabdullaahi Xiirey ay u jeediyeen Xasan Jaamici. Sidoo kalena, nooma suurta-gelin inaan helno Xasan Jaamici si uu uga ajwaabo eedeymahan. Hoos ka daawo hadallada qoyska Cabdullaahi Xiirey
  19. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyey Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada kasoo looga hadlay Xaalada Jubbaland. Wadiirada warbixinada soo gudbiyey waxaa kamid [...] Source
  20. Jowhar (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil uu askari ka tirsan ciidamadda Soomaaliya uu ka geystay Jowhar, caasimada HirShabelle. Marxuumka ayaa la sheegay in uu ahaa wiil yar oo kamid ah ganacsatadda ka shaqeysa iibinta kaluunka ama Malayga. Dilka ayaa la sheegay in uu yimid markii askariga uu waydiiyey wiilka yar shan kun oo Shiling Soomaali, markii uu u sheegay uusan hayn la dilay. Dadwayne ka careysan khaarijinta wiilka yar ayaa isugu soo baxay magaaladda, waxayna sameyeen banaanbaxyo xoogan. Xaaladda magaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana wali aanan ka hadlin arrimahaan laamaha ammaanka dowlad goboleedkaas. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Carro.mp3 View the full article
  21. RW Xasan Cali Kheyre ayaa laguwadaa inuu maanta booqdo Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud halkasoo uu u tagayo xoojintachowlaha Doorashada Galmudug oo wali qas ka [...] Source