-
Content Count
214,051 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo u waramay TV-ga Somali Cable ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee lagu wado inay dalka ka dhacaan sanadka 2020/2021. Lafta-gareen ayaa sheegay in ka maamul ahaan uu aaminsan yahay in doorasho qof iyo cod ah aysan xilligan dalka ka dhici karin, taas bedelkeedna uu doonayo in dib loogu noqdo nidaamkii 4.5-ka. Waxa uu sheegay inasan suurta gal aheyn inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ilaa inta laga sameynayo tirakoob guud, sidoo kalena laga xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta dowladda. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ku taliyey in maamul goboleed walba deegaanadiisa lagu soo doorto xubnaha ku matalaya dowladda dhexe, iyadoo loo marayo nidaamkii hore ee afar dhibic shan, kaas oo lagu soo dhisay dowladan. Mar wax laga weydiiyey inuu jeclaan lahaa waqti kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda, ayaa waxa uu sheegay inuusan marnaba aqbaleyn mudo kororsi, cid ogolna aysan jirin. Hadalka Lafta-gareen ayaa dhabarjab weyn ku ah qorshaha Farmaajo uu ku doonayey inuu ku qabto doorasho qof iyo cod ah, balse ay ka qeyb-galaan tiro koob oo meel la isugu keeno, kuwaas oo isaga uu soo xulo. Lafta-gareen ayaa madaxweyne ka dhigay Farmaajo, oo dartiis dad badan ugu dilay magaalada Baydhaba, waxaana go’aankan uu muujinayaa sida uu Farmaajo u kali noqday. Ra’iisul wasaare Kheyre, dhammaan madaxda maamul goboleedyada, inta badan xildhibaanada iyo afhayeenka golaha shacabka ayaa sidoo kale qaba in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-____-Qumanha-Wararka-22122019-sax.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa lala wadaagay caawa 3 farriin oo kala duwan, kuwaas oo jahwareer iyo is-weydiin badan dhaliyey, sida ay qaarkood u sheegeen Caasimada Online. Tan koowaad ayaa lagu sheegay in ajandaha kulanka berri uu yahay, u codeynta hindise sharciyeedka maareynta iyo maamulka maaliyadda dalka, u codeynta hindise sharciyeedka shirkadaha iyo aqriska seddexaad ee hindise sharciyeedka doorashooyinka Markiiba waxaa xigtay farriin kale oo mudanayaasha lagu war geliyay in kulanka berri laga saaray aqriska hindise sharciyeedka doorashooyinka, waxaana xigtay farriin kale oo sheegeysa in gabi ahaanba kulanki baarlamanka uu yeelan lahaa berri oo isniin ah, 23-ka bisha, uu baaqday. Illaa iyo hadda ma cadda sababta sidan loo sameeyey iyo in kulanka uu dhici doono iyo in kale, balse waxaa muuqda isku day la doonayo in lagu hakiyo ansixinta sharciga doorashooyinka, oo ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia. Waxaa sidoo kale farriimahan laga dheehan karaa heerka uu gaaray khilaafka Xukuumadda iyo madaxtooyada u dhexeeya, iyadoo lagu loollamayo awoodda baarlamanka ku dhex leeyahay xafiis kasta. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre aya ala rumeysan yahay inuu taageersan yahay sharciga doorashooyinka, halka madaxweynaha uu diidan yahay. Kheyre oo rumeysan in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, ayaa waxaa sidoo kale ku aragti ah dhammaan maamul goboleedyada, inta badan xildhibaanada iyo afhayeenka golaha shacabka.
-
It was July 2, 2014. Time: 4.15am. A faulty plane – carrying miraa – was to fly the cargo from Jomo Kenyatta International Airport destined for Aden Adee International Airport in Mogadishu – a two-and-a-half-hour flight. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa lagu daabacay qoraal uu sameeyay askari ka bad baaday weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen sanadkii 2016-kii xero ciidanka Kenya ay ka deganaayeen degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo. Qoraalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in qaar ka mid ah askartii ku geeriyootay weerarkaasi ay iyagu is dileen si ay uga badbaadaan in Al-Shabaab ay nolosha ku qabto. Qoraalkaan oo uu sameeyay askari la yiraahdo Lance Eric Lang waxaa uu sheegay in askartii ku dhaawacantay weerarkaas ee ka bixi waayey xerada ay iyagu go’aansadeen inay is dilaan, kadib markii ay ku adkaatay inay banaanka u baxaan oo baxsadaan. Qoraalka oo ciwaan looga dhigay sharciyada askariga waxaa lagu soo koobay dhacdooyinkii xerada iyo banaankeedaba ka dhacay 16-kii bishii January sanadkii 2016-kii. Askariga qoraalkiisa la xiganayo waxaa uu xusay inuu sii milicsaday mar uu asaguba naftiisa la baxsanayay qaar ka mid ah askartii dhaawacantay oo iyagu istooganaya. Amarka is toogashada ayuu sheegay inuu baxiyey mid ka mid ah Taliyaashii xerada oo isaguba ka mid anoqday askarii dhaawacantay ee is dishay. Markii la siiyey amarkaas is-toogashada ah ayuu sheegay inay ku qanceen si ay uga badbaadaan inay nolosha ugu gacan galaan dagaalyahanadii xerada soo weeraray ee Al-Shabaab. “Dhowr askari oo ku jiray meel dhufays ah oo ay ku adkaatay inay banaanka xerada u baxsadaan sideyda oo kale ayaan arkayey iyaga oo xabado isku dhufanaya markii aan sii baxayay” ayuu yiri askariga Kenyanka ah ee qoraalkaan sameeyay oo lagu magacaabo Lance Eric la yiraahdo. Sidoo kale Captain Samwel Gaiti, oo ah duuliye diyaarad Militeri oo mar dambe u gurmaday ciidankii lagu weeraray xerada ayaa sheegay in dhawr saacadood kadib ay dul mareen xerada kadibna ay soo bad-baadiyeen askar badan. Sarkaalkan waxaa uu xusay in askartii ugu horeysay ay ka soo saareen beer Mesego ka baxdo oo ay uga dhuumanayeen Al-Shabaab. Weerarkii Ceel-Cadde oo dhacay 16-kii bishii January sanadkii 2016 waxaa uu ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ciidamada Kenya soo gaara tan iyo markii ay Soomaaliya gudaha u soo galeen. Inkasta oo dawladda Kenya aysan wali soo bandhigin tirada rasmiga ah ee askarta looga dilay weerarkaas, hadana Al-Shabaab ayaa sheegtay inay boqolaal dileen, iyagoo soo bandhigay askar ay nolosha ku qabteen. Warbaahinta Kenya waxay sheegtay in wali todoba (7) askari aan nolol iyo geeri toona lagu heyn, kuwaas oo la xaqiijiyey inay banaanka uga baxeen xerada iyaga oo la baxsanaya noloshooda. Si kastaba, waxaa is-weydiin mudan, maadaama askarta ay ahaayeen boqolaal, ama inat is dishay ay yihiin tobaneeyo, maxaysan u dagaalamin inta ay ka dhimanayaan, sabatoo ah cidna kuma qasbeyn inay is-dhiibaan, haddii aysan ayaga dooneyn.
-
Taliyaha ciidamada lugta ah ee xoogga dalka Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ka warbixiyey weerarkii lagu qaaday habeenimadii xalay kolonyo ciidan ah oo hoggaaminayey gudaha magaalada Gaalkacyo ee Galmudug. Taliyaha oo la hadlaayey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qaraxaasi uu wax ka soo gaaray ilaa 6 askari oo ka tirsanaa ciidankiisa, waxaana uu yiri” Markaan ka baxnay meel aan ku shireynay oo dad mas’uuliyiina aan kula shireynay, waxaana ay u dhawdahay hotelka Five Star ee magaalada Gaalkacyo ee Galmudug wax yar markaan dhaqaaqnay waxaa nagu soo booday gaari Zaruf ah markii uu nagu dhacay wuu qarxad Illaah waxna naguma gaarsiin ilaa 6 wiil ayaa dhawaac ka soo gaaray” Sidoo kale Taliye Cabdi xamiid oo hadalkiisa sii wato ayaa xusay in ciidan adeegga ay bulshada ay ayaan aysan joojineyni qaraxada iyo weerarada ay la kulmaan kuwaas oo ay ka dhalato dhimasho iyo dhaawac soo gaara ciidamada waxaana uu yiri ” Waxaan dadkii ay ku argagiin jireen annagu manihin hadii ay 100 gaari soo ka xeeyaan dad u jixin jixaayo manihin waxa ay sheeganayaana dad tuuga ah oo dhuumaaleysanaya oo dadka shacabka ah qaraxa la soo aadaya maahee, annag wax ay noo dhibeen iyo wax ay nagaarsiiyeen majirto” Dhanka kale Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Cabdi Cabdullaahi Qooje oo isma arrinkan ka hadlay ayaa yiri ” Waxaan halkaan uga tacsiyaynaynaa dhammaanba ciidamada iyo Shacabka aan waxba galabsan ee cadawga nabaddiidka ah ku weerarey Magaalada Gaalkacyo” Ugu danbeyn taliyaha ayaa baaq u diray shacabka waxaana uu yiri” Waa tusaale caddeynaya sida cadawgu u beegsanayo nolosha shacabka Soomaaliyeed, una diiddan yahay xasilloonida dalka iyo nolosha maatida aan waxba galabsan.” ayaa lagu yiri qoraalka”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kulan wada tashi ah la qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa kala hadlay dhameystirka xeerarka iyo sharciyada ku saleysan horumarinta haweenka iyo dhallaanka oo horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya. Farmaajo ayaa ku bogaadiyey haweenka labada Aqal ee baarlamaanka dadaalka ay ku bixinayaan xaqiijinta matelaadda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in kaalin muhiim ah ay ka qaadanayaan qorsheyaasha qaran ee dib u eegista dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka. “Waxaan diyaar u nahay in aan ku dhiirri-gelino haweenka Soomaaliyeed door kasta oo ay leeyihiin. Waxaana idiinka mahadcelinayaa shaqada adag ee aad Qaranka u haysaan oo ay ugu horreyso geedi socodka siyaasadeed iyo dib u eegista dastuurka. Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hormuud u yihiin dib u soo kabashada dalkeenna” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Xildhibaannada matalayey haweenka ee ka socday labada gole ee baarlamaanka ayaa Farmaajo la wadaagay warbixin ku saabsan shirweynihii 3-aad ee xildhibaannada haweenka ah ee Baarlamaanka, sidoo kale waxay ka xog wareysteen qorsheyaasha xukuumadiisa ee awoodsiinta haweenka. Madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaanadii la kulmay u balan qaaday in la xoojin doono kaalinta hoggaamineed ee haweenka, isagoo sheegay inuu bogaadinayo dadaalkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo horumarka dalka.
-
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tegay degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu, halkaasi oo uu Madaxweynuhu daah-furay gurmad la gaarsiiyay dadka ay roobabku saameeyeen ee Gobolka Gardafuu. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si rasmi ah u daah-furay gurmadka la gaarsiinayo dadka roobabku saameeyeen, waxaana Diyaarada Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash la socday oo Gurmadkan waday, sidoo kale ay bilow u tahay duulimaadyo todobaadkan gurmad gaarsiin doona dadka Gobolka Gardafuu. Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii uu gaaray Caluula wuxuu xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha ee degmada Caluula oo dayactir lagu sameeyay. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan , Xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Mudane Gen. Muxiyadiin Axmed Aw-Muuse, Agaasimaha Hayádda Maareynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA Cabdullaahi Cabdiraxman Cayrow, Ganacsato iyo Siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland. Hoos ka eeg sawirada wefdiga PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo gurmad gaarsiisay gobolka Gardafuu appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kulan wada tashi ah la qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa kala hadlay dhameystirka xeerarka iyo sharciyada ku saleysan horumarinta haweenka iyo dhallaanka ee horyaalla Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Haweenka Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixinayaan xaqiijinta matelaadda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliyeed, iyagoo kaalin muhiim ah ka qaadanaya qorsheyaasha qaran ee dib u eegista Dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka. “Waxaan diyaar u nahay in aan ku dhiirri-gelino haweenka Soomaaliyeed door kasta oo ay leeyihiin. Waxaana idiinka mahadcelinayaa shaqada adag ee aad Qaranka u haysaan oo ay ugu horreyso geedi socodka siyaasadeed iyo dib u eegista dastuurka. Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hormuud u yihiin dib u soo kabashada dalkeenna”. Dhankooda, Xildhibaannada ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin ku saabsan Shirweynihii 3-aad ee Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, iyagoona ka xog wareystay qorsheyaasha dowladda ee awoodsiinta Haweenka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in la xoojin doono kaalinta hoggaamineed ee haweenka, waxa uuna ku ammaanay xildhibannada Labada Aqal dadaalkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo horumarka dalka. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay sababta rasmiga ah ee shaqada uga joojisey Madaxii dhinaca amniga ee madaarka magaalada Hargeysa, Guuleed Maxamed Ismaaciil. Farxaan Aadan Haybe, Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay wasaarradaha iyo hay’adaha dawladu awood u lahayn in ay qofka shaqaalaha ah shaqadda ka eryaan. Guddoomiyaha ayaa xusay in wasaaradaha iyo hay’adaha dowladuba ay sameyn karaan hakin ay shaqada kaga joojiyaan, balse ay go’aankaasi ay leedahay Hay’adda shaqaalaha dawlada, oo iyadu leh awoodda ugu danbaysa ee ah in qof shaqaale rasmi ah shaqadda laga saaro. Waxa sidoo kale uu sheegay Guddoomiyuhu in madaxii amniga ee garoonka diyaaradaha Hargaysa ee shaqadda laga joojiyay uu ku kacay af-lagaadooyin iyo canbaarayn xad-gudub ah kadib markii shaqada laga joojiyey. Masuulkaasi sarre ee ka tirsana shaqaalaha madaarka Hargeysa ayaa waxa shaqada hore uga joojiyey Mareeye Ku-xigeenka Madaarka, kadib markii uu dhowaan bartiisa Facebook Madaxii hore ee amniga Madaarku uu taageero ugu muujiyey Wasiirkii hore ee madaxtooyadda Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo shaaciyey inuu u tartamayo Jagada Guddoomiyaha xisbul xaakimka Kulmiye.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-22122019.mp3 View the full article
-
Jerusalem (Caasimada Online) – Israel ayaa isku diyaarineysa inay sheegato lacag dhan 150 bilyan oo doolar magdhow ah, taasi oo ay ka rabto dalalka Carabta, ayada oo sheegtay inay tahay hantidii Yuhuudda ee kaga soo tageen dalalka Carabta, oo ay kasoo carareen markii ay xoogga ku qabsanayeen dhulalka reer Falastiin, waxaa sidaa weriyey wargeyska Israel Today. Qiyaasitaanka hantida Yahuuda ayaa la bilaabay 2002, sida uu tilmaamay wargeyska, waxaana sharciga dalbashada magdhowga loogu talagalay Yahuudda Carabta meel mariyey baarlamaanka Israel, sanadkii 2010. Dalbashada magdhowga ayaa waxaa shuruud looga dhigay heshiis nabadeed oo ka dhaca gobolka iyo in gorgorton lala galo dowladaha Carabta, waxayna howshaas billaabatay sanadkii 2017. Sida ay sheegeen warbixinnada warbaahinta Yahuudda, magdhowga la sheeganayo waxaa ku jira hanti la sheegay inay Yahuuda uga soo tagtay wadamada Ciraaq, Iran, Syria, Yemen, Masar, Morocco, Tunisia iyo Libya. Bisha Janaayo ee sanadka cusub, waxay Israel qorsheeneysaa inay dowladaha Carabta waydiisato magdhow qiyaastii ku kaceyso 250 bilyan oo doolar kadib markii Tel Aviv ay sameysay baaritaan ku aadan hantida ay Yahuuda uga soo tagtay wadamada Carabta. Urur ay ku midoobeen waalidiinta Yahuuda ayaa sheegay in ku dhawaad 856,000 oo Yahuud ah oo ka kala socda 10 waddan oo Carab ah – oo ay ku jiraan Algeria iyo Lubnaan – ay ka carareen ama la eryey sanadkii 1948. Sida ay sheegtay Idaacadda ruushka ee RT, George Galloway oo ah xildhibaan hore oo Ingiriis ayaa dhalleeceeyay tallaabada Israel ay ku raadineyso magdhowga, wuxuuna sheegay in Israel ay duqeyn ku baabi’isay hubka nukliyeerka ay Ciraaq laheyd, isagoo is waydiiyey haddii ay israa’iil arrintaas ka bixineyso magdhow. Sidoo kale wuxuu sheegay in Israel ay xoog ku qabsatay qeybo kamid ah dhulka Syria sida Golan Heights, halkaasina ay mar kasta kala baxdo saliid, wuxuuna is waydiiyey haddii ay Israel diyaar u tahay inay arrintaas magdhow ka bixiso.
-
Garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaa galinkii dambe ee maanta ka degtay diyaarad gaar ah oo sidey qaar kamid ah dhaawacyadii qaraxii xalay ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Dhaawacyadan oo u badnaa dad shacab ah ayaa qaar kamid ah xaaladoodu aad u cuslayd, waxaana isla markiiba loo gudbiyey isbitaalada gaarka ah ee magaalada Muqdisho. Qaraxii xalay ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa ku dhintay dad ka badan 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 50 qof oo u badan rayid. Qaraxa oo ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari Saaruf ah ah, ayaa lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir wax yar uun kadib markii ay ka baxeen hoteelka Five Star ee koonfurta Gaalkacyo. Qaraxa ismiidaaminta ah oo la doonayay in lagu dhufto gaariga Taliyaha, ayaa ku qarxay gaarigii ka horreeyay kan Taliyaha, waxaana ka badbaaday Taliyaha iyo saraakiil kale oo la rabay in lagu khaarajiyo, inkastoo waxyeello ka soo gaartay ciidankii la socday. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas ismiidaaminta ee ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo, Galmudug. PUNTLAND POST The post Dhaawacyo la geeyey Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Washington (SMN) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharci dhammaystiran oo muddo sannad ah oggolaanaya wajiga koowaad ee deyn cafinta Soomaaliya. Horaantii todobaadkan, golaha Koongarayska ayaa meel mariyey sharci oggolanaya in Soomaaliya laga dhaafo $1.1 billion oo ah deynta uu Mareykanka ku leeyahay. “Cafinta deynta Soomaaliya waxay la macno tahay dhismaha wadooyin cusub, xoojinta haweenka iyo in loo dhaqaaqo tallaabooyin horay loogu qaadayo si loo soo afjaro saboolnimada ba’an,” ayuu yiri Eric LeCompte, Madaxa Fulinta Jubilee oo ah koox ka shaqeynaysay gargaarka deyn cafinta Soomaaliya. Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa arbacadii ku dhawaaqday in ay qabanqaabineyso cafinta qaybteeda deynta Soomaaliya oo gaareysa $140 milyan. Soomaaliya waxaa lagu leeyahay $4.6 bilyan oo deyn ah. Mareykanka oo kaliya ayaa ku leh aduun lacageed dhan $1.1 bilyan. Inta soo hartay deynta waxaa iska leh Hay’adda Lacagta Adduunka, Bangiga Adduunka, Faransiiska iyo Talyaaniga. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa qaabilay wafdigii ka yimid Somaliland ee u yimid taakuleynta walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada. Wafdiga oo shalay Muqdisho soo gaarey ayaa keeney lacag dhan $600,000 oo lagu gargaarayo dadka fatahaaduhu saameeyeen, taas oo laga soo aruuriyay qaar ka mid ah Shacabka iyo Culimadda. Guddiga ayaa ka mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Muqdisho, iyagoo carabka ku adkeeyay in ay mar waba diyaar u yihiin garab istaaga dadka ay saameeyeen fatahadaha Wabiya. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa uga mahad celiyey gurmadka ay soo gaarsiiyeen Walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay fatahadaha kuna amaanay doorka ay qaateen. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kulan wada tashi ah la qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa kala hadlay dhameystirka xeerarka iyo sharciyada ku saleysan horumarinta haweenka iyo dhallaanka ee horyaalla Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Haweenka Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixinayaan xaqiijinta matelaadda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliyeed, iyagoo kaalin muhiim ah ka qaadanaya qorsheyaasha qaran ee dib u eegista Dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka. “Waxaan diyaar u nahay in aan ku dhiirri-gelino haweenka Soomaaliyeed door kasta oo ay leeyihiin. Waxaana idiinka mahadcelinayaa shaqada adag ee aad Qaranka u haysaan oo ay ugu horreyso geedi socodka siyaasadeed iyo dib u eegista dastuurka. Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hormuud u yihiin dib u soo kabashada dalkeenna.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo Dhankooda, Xildhibaannada ayaa la wadaagay madaxweynaha warbixin ku saabsan Shirweynihii 3-aad ee Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, iyagoona ka xog wareystay qorsheyaasha dowladda ee awoodsiinta Haweenka. Mudane Farmaajo ayaa tilmaamay in la xoojin doono kaalinta hoggaamineed ee haweenka, waxa uuna ku ammaanay xildhibannada Labada Aqal dadaalkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo horumarka dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Haweenka ka tirsan Labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
At least 7 people were killed and several wounded last night after a car filled with explosives targeted vehicles carrying SNA commander south of the central city of Galkayo. General Abdihamid Mohamed Dirir, the commander of the Somali army’s ground forces said six of his bodyguards were wounded in the attack, which was claimed by Al-Shabaab. Other reports, however, said the car bomb targeted a hotel in which Somali army commanders were holding a meeting The reports indicate that among the casualties were soldiers and some civilians who were trading on the street where the explosion occurred. View the full article
-
The security forces of Galmudug State of Somalia heightened security sweeps in central town ahead of upcoming parliamentary and presidential elections. The state troops managed to seize IEDs and suspects during the operations in Dhusamareb town, located in the Galgadud region of central Somalia, according to sources. The latest reports from the town indicate that a bomb hidden in rubbish has wounded several people on Sunday morning. No group has claimed responsibility for the attack. The regional state has been in political turmoil for years over the power-sharing agreement and the Somali government is trying to form a new inclusive administration this year. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sanadkiiba mar ayey aheyd in la badalo aqoonsiyada shaqaalaha dowladda hoose ee gobalka Banaadir, hase yeeshee muddo ka badan sanad ma jirto wax dib u eegis ah oo lagu sameeyay aqoonsiyada qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda Hoose, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ugu yaraan 10 qof ayey la kulantay Caasimada Online oo ka tirsan Shaqaalaha dowladda Hoose, kuwaas oo ay kaararkooda shaqada dhacsan yihiin 9 bil ilaa sanad, waxayna si joogto ah iyaga iyo boqolaal kale ugu xaadiraan shaqada dowladda Hoose. Marka qofka kaarkiisa la eegayo waxaa laga hubiyaa kaliya sawirka, lamana eego taariikhda iyo inuu dhacsan yahay iyo in kale. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in aan la ogayn tiro kamid ah shaqaalaha dowladda Hoose oo la waayay balse la sheegay in ay dibadda aadeen qaarkoodna loo calamadeeyay in ay geeriyoodeen, laakiin ma jirto cid xaqiijin karta sababaha ay dadkaan u maqan yihiin. Xubno kamid ah shaqaalaha mas’uuliyiinta gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in aqoonsiyada dowladda Hoose la aaminsan yahay in ay u gacan galeen Al-Shabaab islamarkaana lagu fulin karo waxkasta haddii aan dib u eegis deg deg ah lagu sameyn. “Basiira Cabdi oo is qarxisay waxay heysatay aqooniyada shaqo ee dowladda Hoose, muddo aye Al-Shabaab ku maqneed, qole kale ayaa ilaa hadda la ogeyn halka ay ku maqan yihiin walina naqshada lagama badalin kaararka shaqada dadkana isma yaqaanaan iyo ciidamabaduba” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir. Qofka ugu dhaw ee ka tirsan shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar ayaa ogaanay in aqoonsigiisa uu dhacay Bishii Febrayao ee sanadkaan, ilaa hadana aysan jirin cid wax ka qabatay, taasi oo dhalin karta halis amni oo la mid tii dhacday 24-kii July ee uu ku dhintay allaha u naxariisteeduqii hore ee Muqdisho Injineer Yariisow.
-
MOGADISHU, Somalia — A suicide bomber detonated an explosives-laden vehicle outside a hotel hosting senior military officials in central Somalia, killing at least six people Saturday evening, say police. The powerful blast shattered the windows of the Global Hotel in Galkayo town and destroyed several cars, said Col. Ahmed Bishar. The hotel accommodates Somalia’s land forces commanders and other military officials who escaped unhurt, Bishar said. At least 10 people were also injured in the blast in the town which has rarely experienced similar attacks. No group has yet claimed the responsibility for the attack. However, al-Shabab, which is allied to al-Qaida, often carries out car bombs attacks on hotels. Associated Press, The Associated Press
-
Madaxweynaha waddanka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa guuleystay doorashada madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday bishii September, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada Afghanistan. Guddiga ayaa maanta shaaciyay Natiijada cod-bixinta, xilli loo jeedinayay eedeymo la xiriiray musuq maasuq, waxaana guddigu sheegeen in Ghani uu helay 50. 64 boqolkiiba, natiijadaas oo ka dhigeysa inuu ka badiyay musharrixii isaga la tartamay ee Abdullah Abdullah oo uu guddigu sheegay inuu helay codad dhan 39.52. Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, Gulbuddin Hekmatyar ayaa soo galay kaalinta saddexaad, isaga oo helay 3.85 codadki ay dhiibteen ku dhawaad laba milyan oo reer Afgahsnatn ah. Abdullah Abdullah ayaa markiiba ku dhawaaqay inuusan aqbali doonin oo uu gudbin doono ashtako. Natiijadi Axaddi maanta soo baxday ayaa marki hore la qorsheeyay in ay guddiga madaxa bannaan ee doorashada ku dhawaaqaan bishii October, balse waxaa dib loogu dhigay sababo lagu sheegay cillado farsamo, eedo musuq maasuq iyo cabasho ka timid musharraxiinta. PUNTLAND POST The post Ashraf Ghani oo mar kale ku guulaystay madaxtinimada Afghanistan appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Wali ku guda jira isla Xisaabtanka Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowlada Jubbaland. Maanta waxaa Madaxweynahu uu isla Xisaabtan ku sameeyay shaqada Wasaarada Arimaha gudaha ee Sanadkii lasoo dhaafay iyo qorshaha Sanadka soo socda ee 2020ka iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshayaasha hortabinta u leh shaqada Sanadka soo socda. Waxaa Wasaaradu ay soo gudbisay in Soo celinta dadka qoxootiga ah ee kasoo laabanaya xeryaha qoxootiga dhadhaab ay Wali socoto inkastoo gaabis uu ka jiro dadkii sida iskood ah uga soo noqonayay halkaas. Waxaa kale oo Wasaaradu ay sheegtay in gacanta lagu hayo mashariic waa weyn oo laga hirgalinayo guud ahaan Jubbaland kuwaas oo shacabka waxtar u leh. Mashaariicdan Waxaa kamid ah dhismaha sideed wado oo laami ah kuwaas oo laga hirgalinayo Degmada Kismaayo iyo sidoo kale wadada laamiga ah ee isku xirta Degmooyinka luuq iyo Doolow oo laami laga dhigayo. Waxaa kale oo kamid ah dhismaha garoomada diyaaradaha Afmadow iyo dhoobley kuwaas oo qaab casri ah loo dhisayo wax badana ka tari doonta kaabayaayasha dhaqaalaha Waxaa kale oo ay Wasaaradu hormar ka samaysay Adeegyada xasilinta kuwaas oo isugu jira noocyo kala Duwan oo muhiim u ah Bulshada labadaas Magaalo ku nool iyadoo sidoo kale Wasaarada Arimaha gudaha ay gacanta ku hayso dhismaha golayaasha deegaanka Degmooyinka Luuq iyo Baardheere oo dhawaan la bilaabayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo la xisaabtamay Wasaaradda Arrimaha Gudah Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in magaalada Hargeysa ay xilligan ka jiraan dhibaatooyin kala duwan oo xaga nadaafada ah, oo aan wax laga qaban tan iyo dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Waxaa uu sheegay in guryo waa weyn oo Hargeysa laga dhisay xilligii dolwaddii Maxamed Siyaad Barre ay weli taagan yihiin, ayada oo aan wax dayactir ah lagu sameyn, ayada oo madaxda Somaliland muddo 28 sano ah ay dhisi waayeen gurayahaas oo kale. “Runtii wax na looga sheekeynayo ma ahan waxa caasimadda Hargeysa ka jira oo indhaheena ayaan ku aragnaa, xaqiiqdii guryahaan waxaa dhistay dowladdii aanu ridnay ee qabiilka ahayd ee na xasuuqday, ismaan lahayn Hargeysa ayaa u darsan doonta dadkii laga soo magacaabi jiray Muqdisho.” Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in mas’uuliyiinta hadda maamusha Somaliland aysan garaneyn wax aan ka ahayn “inay wax cunaan” oo aysan waxba dhisin. Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay inay u tagi doonaan madaxweyne Muuse Biixi, islamarkaana ay kala hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin golaha wakiilada ee aan la beddelin 17-ka sano, iyo dowladda hoose ee Hargeysa oo uu ugu yeeray mid aan sharci ahayn. Faysal Cali Waraabe waxaa uu hadalkan sheegay xilli maanta uu booqasho ku tegay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa, oo nadaafad xumo baahsan ay ka jirto. Hoos ka dhageyso codka Faysal Cali Waraabe https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Feysal-Cali-Waraabe.mp3
-
Popular Contributors
