Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (HOL) - A massive fire broke out at the main market in Jowhar, the capital of the Middle Shabelle region, on Saturday morning. Source: Hiiraan Online
  2. Mas’uuliyiinta dalka Brazil ayaa ku howlan sidii ay u ogaan lahaayeen waxa sababay in diyaarad dad rakaab ahi ay saarnaayeeni ay ku burburto gobolka Sao Paulo, ayna ku dhinteen dhammaan 62-kii qof ee la socday, taas oo lagu tilmaamay mid kamida shilalkii diyaaradeed ee ugu xumaa taariikhda duulimaadyada ee dalkan ku yaalla Koonfurta Ameerika. Kooxaha difaaca madaniga ah oo howlgal adag oo baaritaan ah ku jira ayaa helay haraaga burburkii diyaaradda iyo qaar kamida meydadkii rakaabka ee ku dhintay duulimaadka Voepass airline oo ku burburtay dab xoogan oo ka kacay meel u dhow magaalada Vinhedo. Ugu yaraan 31 qof ayaa maydkooda laga helay goobta shilka, ayadoo dawlad goboleedka gobolka Sao Paulo ay sheegtay in meydadka duuliyihii iyo kaaliyihii duuliyaha la aqoonsaday, balse raqda dadkii kale iyo shaqaalihii qaarkood si feecan looma garan sida uu tibaaxay duqa magaalada Vinhedo, Dario Pacheco, duqa magaalada Vinhedo. Duulimaadka diyaaradda maxalliga ah ee Voepass ayaa ku wajahnaa garoonka caalamiga ah ee Sao Paulo, waxaana la socday 58 qof oo rakaab ah iyo afar shaqaale ah, balse waxay gashay shil lama filaan ah oo galaaftay nolosha dhammaan intii saarnayd oo tiradoodu ahayd 61. Source: goobjoog.com
  3. Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, kulanka qadka ah ayaa looga hadlay is bedelada gobolka iyo caalamka iyo sidoo kale xiriirka labada dal ee Turkiga iyo Itoobiya. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa uu sii xoogeysanayo xiriirka labada dal. Waxaa ay sidoo kale ka wada hadleen xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya. ” Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Turkiga uu sii wado dadaallada uu ku doonayo in lagu soo afjaro xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Madaxtooyada Turkiga. Madaxweyne Erdogaan ayaa xusay in tallaabooyinka ay qaaday Itoobiya ay keentay welwelka Soomaaliya ee ku aaddan midnimadeeda, madaxbannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed loona baahan yahay in meesha laga saaro si loo fududeeyo hanaanka wadahadalka. Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in Israa’iil ay sii waddo xasuuqa Gaza, madaxweyne Erdogaan wuxuu sheegay in Itoobiya oo taageerta qadiyadda Falastiin iyadoo u xaglinaysa damiirka bini’aadminimada ay gacan ka geysan doonto dadaalka beesha caalamka ee nabad waarta. Wadahadalkaan ayaa yimid xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ay u kicitimeeb Turkiga si ay uga qeybgalaan wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya Wafdigaan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, kana qeybgeili doonaan wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga. Wadahadalkan ayaa lagu wadaa in uu magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12 August, 2024, kaasoo seddex todobaad horey looga soo dhigey waqtigii hore ee lagu ballansanaa. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Soomaaliya ayaa mar kale soo jawaabtay, kadib markii ay hadal-heyn xoogan ka dhalatay khudbadd uu Jimcihii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyay masjidka Madaxtooyada, taas oo uu uga hadlay cabashada kasoo yeereysa dhalinyarada ee ku aadan shiidka ama lacag la’aanta. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Cali Dige oo qoraal dheer soo saaray ayaa u jawaabay siyaasiyiinta iyo dadka kale ee naqdiyay hadalka madaxweynaha, wuxuna sheegay madaxweynuhu uu kaalinta koowaad kaga jiro kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in waddada shiidka looga bixi karo ay aado degmada Jilib oo ah xarunta ugu wayn ee kooxda Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay haddii la xoreeyo ay ka dhigan tahay in laga adkaaday Shabaab, barwaaqana la helayo. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in 2021-kii ay shaqo la’aanta ay gaartay heerkii ugu sarreeyay, laakiin ay hoos u dhacday 2023-kii, sida uu ku sheegay qoraalkiisa. Hoose ka akhriso:- WADADA LOOGA BAXAYO “SHIIDKA” BARWAAQANA LAGU GAARAYO WAXA AY AADDAA JILIB Xasuusin: Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kaalinta 1-aad kaga jira kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka 24-kii sano ee lasoo dhaafay madaxdii soo maray dalka. Ma ahan ra’yi ee xogta hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha ayaa ka marqaati kacaya. Heerka shaqo la’aanta ayaa hoos u dhacay 0.7% intii u dhaxaysay 2012 iyo 2017, taasoo keentay shaqo abuur gaaraya 105,000. Shaqo la’aanta ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay 2021, laakiin waxay hoos u dhacday 0.6% sannadkii 2023, taasoo keentay in 90,000 oo muwaadin ay shaqo helaan (World Bank). Waxaa intaa dheer, in dhaqaalaha guud ee dalka (GDP) uu kor u kacay, maanta waa 4.2, halka uu ahaa 2.4% sannadkii 2022. Dhaqaaluhu inuu kobco, shaqo la helo, dalku horumaro, Soomaaliya Barwaaqo ah la gaaro waxaa ku hor gudban cadowga 1-aad ee qof walba oo Soomaali ah uu leeyahay oo ah Khawaarijta ku naaxay daadinta dhiiga dadka masaakiinta ah iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya. MUHIIMADA 1AAD EE DOWLADA Muhiimada 1-aad ee Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh waa in dalka laga ciribtiro argagixisada Al-Shabaab. Waxaana yoolkaas laga gaaray guulo waaweyn oo 800 km looga xoreeyay argagixisada. Todobaatan sano jir asaga oo ah ayuu tuute ciidan u xirtay, 70% waqtigiisana waxa uu ku bixyaa sidii loo gaari lahaa Soomaaliya ka madaxbanaan argagixiso. DAMIIRKA DHALINYARADA KA CABANAYA SHIIDKA Damiirka dhalinyarada ka cabanaya shiidka haddii calaamad su’aal la saaro ma qalad baa? Jimcihii hore waxa ay argagixisada Al-Shabaab weerar bahalnimo ah ku qaadeen dhalinyaro joogay xeebta Liido oo cid ay danbi ka galeen iyo wax ay galabsadeen aysan jirin. Waxa ay markale ku xasuusiyeen in aad xukumantahay oo aad la mid tahay walaalka iyo walaasha xeebta Liido lagu xasuuqay. 3 maalmood kadib dareenka ku kiciyay ee shiidka iyo shaqo la’aanta un ku saabsan maxuu yahay? Sida aad u qabto tabashada oo aad xaq ugu leedahay dowladda ayuu dalkaagana waxa uu kugu leeyahay in aad daafacdo balse waxaa ka horeeya naftaada dilka ku xukuman in aad xariga qoorta ugu jira ka saarto. Haddaba, waxaa ku hortaala labo doorasho: In aad sii ahaato daawade xukuman In aad diyaar u noqoto wajihidda waaqica oo aad garab u noqoto halyeeyada naftooda huraya. Mushaar iyo maamuusba waad ka helaysaa, hadii la guuleysto oo ay dhabowdo riyada dib u curashada Soomaaliya waxaa laga yaabaa in aad ka mid noqoto halyeeyada u halgamay dib u xoreynta dalka ee dugisyada lagu baran doono taariikhdooda. The post Villa Soomaaliya oo soo jawaabtay: Wadada Shiidka looga baxayo waxay aadaa JILIB appeared first on Caasimada Online.
  5. Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmi doona Ankara toddobaadka soo socda si ay uga wada hadlaan khilaafka ka dhashay is-afgaradkii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland sanadkan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga. “Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay marin u yeelato badda, islamarkana ay Itoobiya qirto midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee soomaaliya” ayuu Hakan Fidan ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul Jimcihii. Ku dhawaaqida Fidan ayaa timid todobaad ka dib markii uu booqday Addis Ababa oo uu la kulmay rai’sul wasaaraha itoobiya Abiy Axmed. Turkigu waxa uu dhexdhexaadin ka dhex wadaa Itoobiya iyo Soomaaliya, oo xiriirkoodu xumaaday bishii January, markii Itoobiya iyo Somaliland ay sheegeen inay isku afgarteen in 20 km oo bad ah laga kireeyo taa badalkeedana ay Itoobiya aqoonsato Somaliland. Maxaa loo fasiran karaa hadalka Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga. Turkiga wuxuu saaxiib dhow la yahay Soomaaliya, isagoo dhisay iskuulo, isbitaallo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna deeq waxbarasho u fidiyay Soomaalida Turkiga. Sanooyinkii ugu dambeeyay waxaa uu Turkiga ahaa mid si wayn ugu foogan arrimaha gobolka geeska Afrika. Maxamed Xirsi salaad (Dhegaweyne) oo ah cilmi baare iyo falanqeeye ayaa qaba in hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ay ka muuqatay kalsooni uu labada dhinac ku qabo. Waxaa uu intaa ku daray in waqtigii loo qabtay wadahadalada in laga soo hormariyay ay muujinayso in wadahadalada hormaro laga gaaray oo ay rejo jirto. “Waxaa loo fasiran karaa in wasiirka uu haysto kalsooni dhinaca Soomaaliya iyo Itoobiya taasi oo keentay in uu ku dhiirado in shirki lagu madlanaa inuu dhaco september loo soo wareejiyo Agoosto, taasi waxay ku tuseysaa yadidiilo fiican” ayuu yiri Maxamed. Mr Maxamed ayaa dhanka kale xusay in haddii ay Itoobiya ay dhacdo in ay hesiiska ka noqoto ay taasi noqon doonto “guul u soo hoyatay” dowladda Soomaaliya. “Soomaaliya waxay uga dhigan tahay guul ay dowladu gaartay, mahaduna ay Turkida leeyihiin oo arrintan shaqo fiican ka qabtay” ayuu intaa ku daray. Maxamed Xirsi salaad ayaa dhanka kale sheegay in Turkiga uu maalgashaday soomaaliya iyo Itoobiya labadaba, islamarkaana uu labada dal-ba saaxiib la yahay taasi oo u sahleysa in uu xal ka keeno wadaxaajoodyada. “Doorka Turkiga waxaad dareemeysaa 10 sano ee la soo dhaafay inay sii kordhayso dadaalkiisa Afrika gaar ahaan geeska Afrika, Soomaaliya iyo Itoobiya labaduba Turkiga wuu maalgashtay labadiisa gacmood waaye waana sabbata keenaysa in uu isu keeno” ayuu yiri Dhegaweyne. Haddii ay Itoobiya ka noqoto is-afgaradka sidee u arki kartaa Somaliland? Xigashada Sawirka,Social Waxaa 1-dii Janaayo magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday heshiiska is afgarad ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska dekedda ku tilmaantay mid laga xumaado oo aan la qabali karin. Qareen Guuleed Dafac oo ka faallooda arrimaha Somaliland ayaa sheegay in wali ay jiraan waxyaabo aan kala cadeyn oo ku saabsan wadahadalada, islamarkaana aan laga hordhici karin. “Waxa jira waxyaabo badan oo aan kala cadeyn sababtoo ah Soomaaliya nafteeda waxay u aragtaa xeebaha Somaliland qeyb ay iyadu leedahay oo ay bixin karto, marka ma kala cadda xeebaha laga hadlayo inay Itoobiya heleyso inay yihiin kuwa ku yaalla Somaliland iyo in ay yihiin kuwa kale ee dhinaca kale dhaca ee badwaynta Hindiya ” ayuu yiri Mr Guuleed. Waxaa uu intaa ku daray in haddii ay dhacdo in Itoobiya ay ka noqoto is-afgaradka ay Somaliland u arki karto khayaano lagu sameeyay. “Waxay ila tahay in Somaliland ay u arki doonto inuu yahay arrin heshiis ka bax ah oo ay Itoobiya ku sameysay mana soo dhaweyn doonto, waxaanan filayaa inay ka xumaan doonto inay taasi dhacdo, oo ay u arki doonto in la khayaameeyay oo lagaga baxay heshiiyo muhiim u ahaa inay gasho” ayuu intaa ku daray. Mr guuleed ayaa farta ku fiiqay in tallaabada iyo sida ay Somaliland uga jawaabi karto ay ku xiran tahay waxa uu ku soo dhamaado wadahadalka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Iyo Itoobiya. “Tallaabada Somaliland ay qaadeyso xadkeedu waxaa uu ku xirnaan doonaa heshiiskaasi wuxuu noqdo iyo halka uu ku arooro,” ayuu intaa raaciyay. Guuleed Dafac ayaa dhanka kale sheegay in haddii is-afgaradkii Itoobiya ay dhacdo in laga laabto ay taasi si gaar ah ay u taabanayso madaxwaynaha Soomaaliland oo heshiikani u arkayay mid muhiim u ah dib u doorashadiisa. “Haddii heshiiskaas laga noqdo waxay si gaar ah u taabanaysaa madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo heshiiska galitaankiisa ka dhigay arrin u muhiim ah isaga iyo dib u doorashadiisa”ayuu yiri Mr Guuleed. Bbcsomali Qaran News
  6. Guddi uu Madaxweyne Deni oo Gaalkacyo ku sugan u xilsaaray qiimaynta iyo u kuurgelidda xaaladda laamaha amniga iyo caddaaladda Gobolka Mudug ayaa si rasmi ah u shaqa bilaabay. Guddiga oo ka kooban Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Madaxtooyada ayaa kormeer ku tegey qaar kamid ah xarumaha dowladda ee Gaalkacyo. Goobaha guddigaasi soo kormeerey waxa kamid ah Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka, Maxkamadda Racfaanka, Maxkamadda Derejada koowaad, Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Gobolka Mudug. Guddiga ayaa warbixin ka dhegeystey mas’uuliyiinta Xarumaha Dowladda ee ay booqdeen iyagoo u kuurgelaayey xaaladda lamaaha amniga iyo caddaaladda Gobolka Mudug. Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in guddigaasi qiimaynta xaaladda gobolka Mudug uu dhexdiisa ka jiro is qab-qabsi la xiriira sida loo wajahayo qiimaynta loo diray. PUNTLAND POST The post Puntland: Guddi loo saaray qiimaynta Xaaladda Amniga iyo Caddaalada Gobolka Mudug oo shaqa bilaabay appeared first on Puntland Post.
  7. ANKARA, Türkiye (HOL) — Somali officials arrived in Türkiye on Sunday ahead of high-stakes negotiations with Ethiopia aimed at defusing a diplomatic row that has rattled the Horn of Africa. The flashpoint? A contentious port access deal with Somaliland, a breakaway region of Somalia that remains a thorn in the side of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  8. Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo saaka ka kacay suuqa magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh. Dabka ayaa lasoo warriyay inuu kusii fidayo goobo ganacsi oo suuqa ku yaallay, waxaana aad u yaraa gurmadka la heli karay sida ay sheegeen ganacsatadu. Qaar kamid ah ganacstada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in burbur xooggan uu soo garay gooba ganacsi oo badan. Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in dabka u si gaar ah u sameeyay makiinado lagu shiido Sisinta, isla markaana ay gobteen boqol loor oo Sisin ah oo ay lahaayeen ganasatada suuqa wayn ee magaalada Jowhar. “Waxa dhacay waa musiibo, waxaana iga gubtay saddex makiinad oo ah kuwa Sisinta lagu shiido iyo boqol loor oo Sisin ah, masiiba rabaani ah ayaa nagu dhacaday” ayay tiri haweeney kamid ganacsatada ku hanti beeshay suuqaasi. Sidoo kale maamulka magaalada Jowhar oo kaashanaya dadka shacabka ah oo gurmad deg-deg ah sameeyay ayaa ugu dambeyn ku guuleystay daminta dabkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo burbur aad u xoogan laga dareemayo suuqa wayn ee magaalada Jowhar oo ah halka uu dabka ka kacay. The post Dab xoogan oo ka kacay suuqa Jowhar + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  9. Cadaado (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay mar kale maleeshiyaad hubeysan xalay ka gaysteen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lagu dilay dad shacab ah oo xahaa xoolo dhaqato. Dilka ayaa ka dhacay tuulada Baalal-dheer oo hoostagta deegaanka Cadakibir ee gobolkaasi, waxaana gaystay rag hubeysan oo goobta isaga baxsaday. Weerarka ayaa waxaa lagu dilay laba nin oo lagu kala magacaabi jiray Axmed Wehliye Guure iyo Cabdinuur, kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeday magaalada Cadaado. Xaaladda deegaanka ay mashaqadu ka dhacday ayaa haatan kacsan, waxaana laga dareemayaa xiisad kala dhalatay dilka labadaas ruux oo salka ku hayo aano qabiil. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka iyo saraakiisha laamaga amniga Galmudug oo ku aadan falkaas dilka ah ee loo gaystay xoolaha dhaqatada. Waxaa dhacdadan ka horreysay mid kale oo habeen hore ka dhacday Galgaduud, kadib markii labo wiil oo walaalo ahaa aano qabiil darteed loogu dilay deegaanka Oodan ee bariga gobolkaasi. Sidoo kale waxaa sidan oo kale oo horay Galgaduud loogu dilay macallin Dugsi Qur’aan iyo walaalkiis oo dhaqtar ahaa, waxaa lasoo qabtay raggii dilay oo iyagana toogasho lagu fuliyay. Si kastaba, dilalka sii kordhaya ayaa dhaawacaya heshiiska nabadda ee dhowaan uun laga gaaray colaad beeleedyada ka taagan gobollada dhexe ee dalka. The post Laba nin oo aano QABIIL loogu dilay Galgaduud + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
  10. PARIS (AP) — Ethiopian runner Tamirat Tola won the men’s marathon at the Paris Olympics on Saturday to end Kenya’s dominance of the race. Source: Hiiraan Online
  11. Advocates urge Washington to stop sending weapons to Israel after attack kills more than 100 Palestinians in Gaza City. Source: Hiiraan Online
  12. Türkiye working to end Somalia-Ethiopia tensions, Erdogan tells Abiy Ahmed in phone call Source: Hiiraan Online
  13. Hargeisa (HOL) — Faysal Ali Warabe, Chairman of Somaliland's UCID Party, reiterated Somaliland's independence, emphasizing that the region has never been part of Somalia. His comments, shared publicly on his X account, come at a time of escalating tensions between Somalia and Ethiopia, fueled by the deepening relationship between Somaliland and Ethiopia and their contentious MoU. Source: Hiiraan Online
  14. In the Ethiopian city of Harar, humans and hyenas have a unique relationship, a peaceful coexistence that has become a tourist attraction in the city. Source: Hiiraan Online
  15. Somalia and Turkey governments are now seeking to enhance their diplomatic relations. Source: Hiiraan Online
  16. In 2011, as the threat of terrorism in the country became a major challenge, intelligence briefs started to capture reports of the arrival of highly trained foreign jihadists from the UK, Egypt, Canada, and Belgium. Source: Hiiraan Online
  17. Madaxweynaha uu mudo xileedkiisii uu dhaafay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka abaaro 7 subaxnimo u jarmaaday dhanka iyo magaaladda Berbera ee xarunta go gobolka Saaxil. Madaxweynaha oo ay galbinayeen ku dhawaad 40 baabuur oo isugu jiray kuwa raaxada iyo kuwo ka kooban ilaalada nadaxtooyada iyo ciidanka booliska iyo sidoo kale gaadhi Ambulance- ah ayaa qadar ku dhawaad waxa loo kala xidhay wadada halbawlaha ee ka soo baxda madaxtooyada ilaa bariga caasimadda, waxa habsan la galiyay oo dib u dhac uu ku yimid Basaskii siday ardayda iyo qaar ka mid ah dadkii shaqaalaha ahaa ee kalahaaya. Muuse Biixi ayaa gobolka Saaxil waxyabaha uu u tagaayo waxa ka mid ah in uu mar labaad soo laab xaadho dadka deegaanka oo tan iyo intii uu xilja hayayba cabanaaya, oo la dhegaysan waayay cabashadooda oo aan waliba loo qaban wax muuqda, magaalada Berbera ayaa xiligan aad uga cabanaysa Laydh laan baahsan iyada oo xiligan dadka deegaanku ay ku sii qul qulayaan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani taasi oo saaka godkiisii ka soo saartay madaxweyne dadkii soo doortay albaabda ka xidhay. Qaran News
  18. Gaza (Caasimada Online) – Mareegta Middle East Eye maqaal ay qoreen qorayaasha Peter Oborne iyo Lubna Masarweh ayaa waxa uu ciwaankoodu ahaa “Israa’iil waxay soo celisay musiibadii Abu Ghraib, duniduna way iska aamustay.” Qoraalkooda wadajirka ah, ayaa qorayaashu waxay ku xiriiriyeen muuqaallada naxdinta leh ee muujinaya gabood-falladii ay ciidammada Maraykanku ku dhawaad​​labaatan sano ka hor ka geysteen xabsiga Abu Ghraib ee dalka Ciraaq iyo waxa ka dhacaya xabsiyada Israa’iil ee ku aaddan maxaabiista Falastiiniyiinta ah. Qorayaashu waxay sheegeen in muuqaallo la mid ah, lagana yaabo in ay kasii daranyihiin, ay ka dhacayeen xabsiyada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, markii uu billowday dagaalka Gaza. Maqaalka ayaa soo jeedinaya muuqaallada la faafiyay ee toddobaadkan la daabacay, kuwaas oo ay ku tilmaameen “mid laga naxo,” oo muujinaya askarta Israa’iil oo faraxumayn ku haya maxbuus Falastiini ah. Maqaalku waxa kale oo uu iftiimiyay warbixin ay soo saartay hay’adda xuquuqul insaanka Israa’iil ee B’Tselem, taas oo iftiimisay siyaasadda dawladda ee sida joogtada ah ula dhaqanto iyo jir-dilka maxaabiista tan iyo bilowgii dagaalka. Maqaalku waxa uu intaa ku daray in warbixinta B’Tselem oo ku salaysan waraysiyo lala yeeshay 55 falastiiniyiin ah oo la xiray tan iyo weerarkii Xamaas ee koonfurta Israa’iil 7-dii October, ay ahayd mid xanuun badan oo dhib badan. Waxayna warbixintu caddaynaysaa in lagula kacay bahdil, garaacid aan loo meel dayin, hurdo la’aan iyo xadgdubyo kaleo aad u daran. B’Tselem waxay cinwaan uga dhigtay warbixinteeda “ku soo dhawoow cadaabta,” sida lagu sheegay maqaalka. The post ISRAEL oo soo celisay musiibadii Abu Ghraib iyo dunida oo ka aamusan appeared first on Caasimada Online.
  19. Beledweyne (Caasimada Online) –Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay fal argagax ku reebay shacabka, kadib markii rag hubeysan oo tuugo ah oo markii hore taleefanada dhici jiray ay bilaabeen inay kufsadaan gabdhaha yaryar. Labo gabdhood ayaa xalay lagu kufsaday xaafad ka tirsan Beledweyne, waxaana falkaas geystay rag hubeysan, xaaladda magaaladaas ayaa faraha ka baxday. Warbaahinta Hiiraanweyn oo ka howlgasha magaalada Beledweyne ayaa soo tebisay cabashada waalidiinta iyo xogta gabdhaha la kufsaday oo ka sheekeeyey sida ay ragaasi u xoogeen iyo xaaladda ay ku jiraan. Gabdhaha oo warbaahinta u waramay iyagoo wajigooda qarinaya, si mustaqbalkooda aysan waxyeelo u gaarin ayaa sheegay in suuqa adeeg looga diray, balse meel xaafada u dhow ayey uga hor yimaadeen labo nin oo qori wata, kadibna waxay ku bilaabeen jir-dil inay kala jiitaan gabdhaha, ilaa ay ka kufsadeen. Kufsiga kadib, waxay ka qaateen taleefankii loo dhiibay si adeeg ay ugu soo gadaan reerka, waxayna weydiiyeen Pin-ka, iyagoo ka shubtay lacagtii ku jirtay, gabdhaha waxaa ka muuqda jir-dil xoog leh, waxayna wareysigaan ku muujiyeen xaalad quus ah. Aabaha iyo Hooyada dhalay gabdhahaan ayaa warbaahinta la wadaagay dareenkooda, ugu horeyn waxay codsadeen cadaalad, waxayna sheegeen in aad loogu tacadiyey gabdhahooda. Aabaha ayaa sheegay in gabadha qeyn ay jirto 17 sano, halka gabadha yar ay jirto 14 sano, labada gabdhooda waxaa aad loogu tacadiyey mida weyn oo labada ninba ay isku mareen, halka tan yar dhibaateeyeen oo waxaba aysan u reeban. Hooyada dhashay gabdhahaan ayaa sheegtay inay yihiin masaakiin aan awoodin inay xaqooda raadsadaan, waxayna dowladda federaalka iyo HirShabeelle ka codsadeen in loo soo gurmado oo cadaalad loo raadiyo. Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa hadda xumaatay, meel kasta waxaa lagu furtaa taleefoonada shacabka, magaalada waxaa buuxa ciidamo hubeysan oo aan kala amar qaadan, ammaankiina wuxuu noqday masuuliyad wadareed. Koox hubeysan ayaa xalay magaalada Beledweyne ku dishay guddoomiye ku xigeenkii dhinaca maaliyadda ee maamulka degmada Beledweyne, Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdisahal Shuuriye ayaa waxaa lasoo wariyay inay toogasho ku dileen kooxo hubeysan, xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada. Hoos ka daawo The post Daawo: Fal argagax leh oo ka dhacay Beledweyne iyo xaalad halis ah oo ka taagan appeared first on Caasimada Online.
  20. Waa in Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Boqor Cismaan Buurmadow ay raalli-gelin buuxda siiyaan dadweynaha Soomaaliyeed, cafisna Eebbe weyddiistaan. Muqdisho (Faallo PP) — Madax-dhaqameedka Soomaaliyeed kaalin waxtar leh ayay ku leeyihiin nolosha Soomaalida. Kaalitaasi way sii kobocday burburkii dowladdii dhexe kaddib Janaayo 1991kii. Isbeddalladii ka dhacayay Soomaaliya tan iyo markaas ayaa saameyn ku yeeshay habdhaqanka madax-dhaqameedka Soomaaliyeed, saameyn wanaagsan iyo mid xun. Waxa baraha bulshada aad u qabsaday maalmahan hadallo meel-ka-dhac ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida qeybihiisa suubban gaar ahaan waxa laga filayo madax-dhaqameedka Soomaaliyeed. Dhowaan waxaa booqasho ku tagay magaalada Boosaaso Garaad Jaamac Garaad Cali. Wuxuu jeediyay khudbad ku saabsan colaaddii Laascaanood sanadkii hore. Inkastoo colaadda uu aloosay maamulka Somaliland, Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu eedda saaray beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Dadka Muuse Biixi sida cad uga soo horjeestay oo la saftay dadka Laascaanood waxaa ka mid ah Boqor Cismaan Buurmadow oo dhowr jeer falcelis ka bixiyay hadallo ka soo yeeray Garaad Jaamac Garaad Cali. Siyaasadda maamulka ku meelgaarka ee Sool, Sanaag iyo Ceyn (SSC-Khaatumo) oo uu dhowr jeer goobo kala duwan ka sheegay hoggaamiyaha maamulka Cabdulqaadir Aw Cali waa in “maamulku uusan wax eed ah ka tirsanaynin beel Soomaaliyeed, in maamulka Somaliland uu qaadayo mas’uuliyadda gaboodfalladii dhacay sida duqeyntii iyo barakicintii muddo lix bilood uu maamulka Somaliland u geystay Laascaanood”. Qeybo ka mid ah hadalka Garaad Jaamac Garaad Cali uu ka jeediyay Boosaaso wuxuu xadgudub ku ahaa diinta Islaamka, dhaqanka suubban oo laga filayo madax-dhaqameedka iyo siyaasadda maamulka SSC-Khaatumo. Jawaabta uu Boqor Cismaan Buurmadow kaga falceliyay hadalka Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ahayd mid sidoo kale uu ugu gefay waalid, kuna eedeeyay qof dambi “xad” lagaga oofiyo marka diinta Islaamka sharcigeeda la dhaqangelinayo. “Reer hebel waa nasab-dhiman” iyo “ hebel ma dhalin hebel” ma aha hadallo laga filayay labada madax-dhaqameed. Waxaa wax laga xumaado ah in wadaaddada iyo dadka bulshada xurmada ku dhex ah aysan weli ka hadlin labada meel-ka-dhac ay kala geysteen Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Boqor Cismaan Buurmadow. Waajibka na saaran ku xusan xadiiska Nabi Maxamed “U hiilli walaalkaa marka uu qaldan yahay oo qabo, u hiilli walaalkaa oo taageer marka uu saxan yahay” baynu dhammaanteen dhinac-marnay. Waa in Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Boqor Cismaan Buurmadow ay raalli-gelin buuxda siiyaan dadweynaha Soomaaliyeed, cafisna Eebbe weyddiistaan. © Puntland Post, 2024 The post Madax-dhaqameedku ma aha ma-qaldamayaal appeared first on Puntland Post.
  21. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa dedejineysa qorshaha heshiiska lagu dhex-dhigayo Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la gudaha galay kulamadii lagu balansanaa oo laga soo hormariyey waqtigii horay loo qorsheeyey oo ahaa 2-da bisha soo socota ee September. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray mahaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaas oo wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka bilaabanayaan. Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, waxayna ka qayb gali-doonaan wareegga labaad ee wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya, sida lagu cadeeyey qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda. Wadahadalada bilaabanaya waxaa garwadeen ka ah Dowladda Turkiga, sida ay sheegtay Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12-ka bishaan August. Wada-hadallada oo si rasmi ah u furmi doono todobaadka soo socda ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo xadgudub ku tilmaamtay. Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo maalmihii dambe waday dadaallo dhex dhexaadin ah. Hakan Fidan oo shir jaraa’id ku qabtay Istabul waxa uu sheegay inay soo afjarmi doonto xiisadda isla markaana ay kusoo dhammaan doonto galaangal ay Itoobiya u yeelato badda, iyada oo si toos ah ugala macaamileyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta Itoobiya ka xaqiijinayso midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Hakan. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayad aoo todobaadkii hore wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga uu booqday magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo uu kula hadlay dhammeynta xiisadda taagan. The post Wafdiga DF ku metelaya wadahadalka Itoobiya oo gaaray Ankara iyo xog soo korortay appeared first on Caasimada Online.
  22. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo ah Sabti u ambabaxay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara. Wafdigaan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, kana qeybgeili doonaan wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga. Wadahadalkan ayaa lagu wadaa in uu magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12 August, 2024, kaasoo seddex todobaad horey looga soo dhigey waqtigii hore ee lagu ballansanaa. Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wadamada Iskaashiga Islaamka ayaa lahjad adag ku dhaleeceeyay Israel, iyaga oo ku dhaliilay tallaabooyin aan wanaagsaneyn sida ay sheegeen oo ka dhan ah weerarka ay ku hayaan shacabka Falastiin iyo ku xad gudubka gobannimada Iiraan. Kulan ka dhacay Jiddah ayaa wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Islaamku waxa ay soo jeediyeen in baaro xad-gudubyadii dhacay oo ay ku eedeeyeen Israel. Bayaan ay sii daysay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu muujiyay sida Waddamada Islaamku uga xun yahiin ku xad-gudubka gobanimada Iiraan, xilli xukuumadaha Muqdisho iyo Iiraan uusan ka dhexeyn xiriir diblumaasi ah. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shirka wadamada Iskaashiga Islaamka, kaas oo looga hadlay xadgudubka Israa’iil ay ku heyso madaxbanaanida iyo gobanimada dalka Iran, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda. Shirkaas ayaa 8-dii bishaan ka dhacay magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga, waxayna Soomaaliya iyo dalalka kale ee carabta dalbadeen in la baaro xadgudubyada Israa’iil ay ka geysatay dhulka Falastiin. War-saxaafadeedka oo ku qoraa luuqada carabiga ayaa wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxay ku sheegtay in sidoo kale ay dalbadeen in la baaro xadgudubka uu maamulka Israa’il u geysatay Jamhuuriyadda Iiraan. Duqeyn ay fulisay ay gudaha Iraan ka fulisay Israa’iil ayaa lagu dilay hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh, waxaana cirka isku shareertay xaaladda bariga dhexe. Dowladda Soomaaliya oo wax cilaaqaad ah aysan kala dhaxeyn dowladda Iran, isla markaana xiriirka u jartay 2015-kii ayaa hadda ka mid ah wadamada u doodaya ee sida weyn u garab istaagay Iran. Sidoo kale waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in xukuumadaha Muqdisho Tehran ay ka fekerayaan inay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, inkastoo aysan jirin labada dowladoodba mid si rasmi ah u xaqiijisay arrintaas. The post Maxaa ka jira in dowladaha Somalia iyo Iran ay dib u soo celinayaan xiriirkooda? appeared first on Caasimada Online.
  24. President Mohamud in July 2022: ”The National Youth Development Initiative aims to get youths involved in decision-making and strengthen the relationship between the government and youths regardless of their professions”. Mogadishu (PP Comment) — The speech that the President of Somalia, Dr. Hassan Sheikh Mohamud, delivered at the Villa Somalia Mosque on Friday is the latest example of how politicians can misuse the pulpit to waste worshippers’ time. President Mohamud accused Somali youths of slothfulness and slack behaviour. He urged the Somali youth to seek employment in the “booming construction firms throughout Somalia.” In July 2022, two months after he was elected, President Mohamud launched the National Youth Development Initiative. “The initiative aims to get youths involved in decision-making and strengthen the relationship between the government and youths regardless of their professions,” President Mohamud said. The National Youth Development Initiative did not take off. It was post-election rhetoric and a false dawn. Given the importance Al-Shabaab attaches to “youth recruitment,” and despite youths being the largest section of Somali society that the terrorist group targets for assassinations and suicide bombings, President Mohamud is expected to show empathy and level-headedness. The speech of President Hassan Sheikh Mohamud on launching the National Youth Development Initiative in July 2022. President Mohamud might have been trying to nip in the bud the so-called Kacdoonka Dhallinyarada (Youth Uprising), fuelled by social media platforms after the Lido Beach attack by Al-shabaab last week. The youth unemployment rate is high throughout Somalia. The current breed of Somali political leaders has other priorities: lining their pockets with national loot. The apathy of the youth towards how politicians behave might stem from the legacy of the civil war, which keeps youths in clan silos. It is a situation that politicians exploit ruthlessly to deepen the absence of political accountability. The message President Mohamud sends is that only groups like his Damuljadiid clique, with a twenty-plus-year history rooted in the Al-Islah association, can attain political and economic power. President Mohamud demonised Somali youths for hanging around in cafes due to a lack of opportunities. Corruption in the public sector deprives Somali youths of job opportunities. If a President can stand up in a mosque to deliver a political speech aimed at forestalling possible youth discontent, Somali youths will muster more courage to challenge the politically irresponsible leaders in Somalia. © Puntland Post, 2024 The post Somalia President Accuses Youths of Slothfulness as Unemployment Soars appeared first on Puntland Post.