-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhaba Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay ku hoyday magaalada Baydhaba ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaasi, waxayna is arkeen dhiggiisa Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah. Qoor Qoor ayaa casuumaad uu ka helay madaxweynaha Koonfur Galbeed ku tegay halkaasi, waxaana shalay si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud oo ku yaalla magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. “Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, kaddib casuumaad oo ka helay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Galmudug. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in xalay labada madaxweyne ay yeesheen kulan saacado badan qaatay oo looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Laftagareen iyo Qoor Qoor ayaa si gaar ah uga arrinsaday doorashooyinka kusoo wajahan maamulladooda, uuna dhammaaday muddo xileedkooda, ayna kusoo wajahan tahay doorasho ay tartan adag ku wajihi doonaan, maadaama musharixiin badan ay isku soo taageen xilalka ay hadda ku fadhiyaan. Xog ay heshay caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in Qoor Qoor uu Laftagareen kala hadlay qorshaha dowladda ee ku aadan in dib loo dhigo doorashooyinka maamul goboleedyada, maadaama ay Koonfur Galbeed hadda u diyaar garowday qabashada doorashadeeda oo horay dib uha dhacday waqtigeeda, waxaana lasoo wariyay in madaxweyne Cabdicasiis uu ku adkeystay go’aankiisa qabashada doorashada, waxaase weli wada-hadallada ay sii socdaan. Sidoo kale ka ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xafiisyada labada madaxweyne ee ku aadan kulanka ay xalay ku yeesheen madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baydhabo. Kulankan wuxuu kusoo aaday, xilli xasaasi ah isla markaana xubnaha mucaaradka dalka ay dalbanayaan in la qabto doorashooyinka maamul goboleedyada, maadaama inta badan madaxda hadda joogto uu ka dhamaaday muddo xileedkooda. Si kastaba, todoobaadkii hore ayay sii laba kaclesay xiisadda doorashada, kadib markii golaha wasiirada ay ansixiyeen sharci doorashooyin qof iyo cod ah iyo kan xisbiyada dalka, kaas oo ay durbo ka horyimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka ee ku kacsan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Xogta kulan xasaasi ah oo Baydhaba ku dhex-maray Laftagareen iyo Qoor Qoor appeared first on Caasimada Online.
-
Wareegga labaad ee wada hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkigu garwadeenka ka yahay ayaa lagu wadaa inay maanta ka furmaan Magaalada Ankara ee dalkaas, waxaana hadalkaas ku sugan wasiirrada arrimaha dibedda labada dowladood iyo masuuliyiin kale oo heer sare ah. Ka sokow doodda iyo wada xaajoodka miiska wada hadalka ka dhici doonaa, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa gooni gooni ula hadlay hoggaamiyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Abii Axmed Cali, waxaana la sheegay inuu la gaaray is faham laga yaabo inuu war murtiyeedka hadallada qeyb ka noqan doono ama uu isku soo dhowaansho horseedi karo. Itoobiya dhankeeda waxaa suurta-gal ah inay miiska la timaaddo qorshe cusub oo uu ku jiro codsiga deked la siiyo, taa badelkeedana ay ka laaban doonto dameceedii muranka weyn dhaliyay ee ay ku hunguriyaysay qeyb ka yimida badda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ka dib markii ay heshiis sharci darro ah la gashay Soomaaliland. Soomaaliya ayadu waxay ku dheggantahay mowqifkeeda ah in Xukuumadda Abii Axmed ay ka laabato is afgaradka Soomaaliland, balse lama oga waxay ka yeeli doonto haddii laga codsado inay deked kale Itoobiya siiso, inkastoo madaxweyne Xasan Shiikh hore u sheegay in haddii Addis Ababa ay waddada sharciga ah soo marto wax waliba ay fududaan doonaan. Sidoo kale xeeldheereyaasha ayaa qaba in haddii Itoobiya loo oggolaado in dekadaha Soomaaliya mid kamida ay isticmaasho oo ay wax kala soo degto aan wax dhib ahi ka imaanayn, dhaqaalaha labada dalna ay arrintaasi kor u qaadayso, balse saldhig militari iyo lahaansho dhul aan la siin karin sida mida tillaabadii Soomaaliland. Source: goobjoog.com
-
Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay xalay kooxda Al-Shabaab ka fulisay agagaarka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bare ee dalka Kenya. Weerarka oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Naani ayaa waxaa lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada booliska dalka Kenya, kaas oo goobta lagu dilay. Magaca sarkaalka ayaa waxaa lagu sheegay Deeqow Isaaq Aadan, wuxuuna amniga kala shaqeynayay ciidamada Kenya ee ka howlgala gobolka Waqooyi Bari, gaat ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga la dilayay uu waday howlgal amni xaqiijin ah, waxaana weerar gaadmo ah kusoo qaaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo goobta ku dilay, kadibna baxsaday. Dhinaca kale ciidamada Kenya ayaa saaka howlgallo ka wada aagga magaalada Gaarisa, waxayna baadi goobayaan xubnaha Al-Shabaab weerarka ka fuliyay halkaasi. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa aad u xumaa amniga gobolkan, waxaana weerar joogta ah ka fulinayay xoogaga Al-Shabaab, kuwaas oo beegsada xarumaha ciidamada iyo gaadiidka dadweynaha, iyaga oo mararka qaar afduub ka gaysta deegaanada u dhow xadka Soomaaliya. Si kastaba, Kenya oo ka hortageysa dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ayaa iyadana ciidamo badan soo dhoobtay halkaasi, si ay u xoojiyaan amniga, ugana hortaam weerarada Al-Shabaab. The post Al-Shabaab oo DILAY sarkaal sare oo Kenyaan ah kadib markii.. appeared first on Caasimada Online.
-
Ciyaaraha Olombikada Adduunka 2024 ee lagu qabtay Paris ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay iyada oo si heer sare ah xafladdii xidhitaanku u qabsoontay. Calanka Olombikada ayaa lagu wareejiyay duqa magaalada Los Angeles, halkaasoo ciyaaraha lagu qaban doono afar sano kadib. Xiddiga Hollywood Tom Cruise ayaa soo galay garooonka qaranka ee Faransiiska oo xaflada xidhitaanku ka dhacaysay isagoo wata mooto korna u sida calanka olombikada si ugu qaado Los angeles. Hadalkiisii xidhitaanka xaflada madaxweynaha guddiga caalamiga ah ee Olombikada addduunka Thomas Bach ayaa sheegay in ciyaarahu ay ahaayeen kuwa sanadkan xamaasad leh, isaga si gaar ah carrabka ugu adkeeyey in ay dhaceen xilli adduuku kala qaybsanaa. ayna Olombikadu dhiirigelisay dhaqanka nabadda. Qaran News
-
Jalalaqsi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxyada oo ahaa nooc miinada ee dhulka lagu aaso ayaa midka koowaad wuxuu ka dhacay bar koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka galaya magaalada, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada dadk deegaanka. Sidoo kale qaraxa labaad ayaa loo dhigay ciidamo gurmad ah oo u socday bartilmaameedka koowaad, waxaana la kacday miino kale, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadan dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhowaad 10 askari oo kamid ahaa ciidamada Macawiisleyda ee ka howlgala degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Xaaladda ayaa maanta ah mid deggan, waxaana haatan degmadaas howlgallo ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo baadi goobaya xubnihii Al-Shabaab ee ee ka dambeeyay weeraradaasi. Hiiraan ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana degmooyinka gobolkaasi dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada huwanta. Al-Shabaab ayaa sidoo kale beegsi ku hayso xarumaha ciidamadaasi, waxaana mararka qaarkood ay ku qaadaa weeraro gaadmo ah oo dhaliya khasaare dhimasho iyo dhaawac. Si kastaba, Hiiraan oo ay joogaan ciidamo badan oo Macawiisley ah ayaa ah halka uu kasoo bilowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waana sababta ay markasta kooxda qaraxyo ula beegsato magaalooyinka waa wayn ee gobolkaas oo hoostaga HirShabelle. The post Wararki ugu dambeeyay qaraxyo ka dhacay JALALAQSI + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) – Prime Minister Hamza Abdi Barre has appointed four new Director Generals to head key ministries in the Somali government, according to a decree issued on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Kigali — Rwanda's all-powerful President Paul Kagame was sworn in on Sunday for a fourth term after sweeping to victory in elections last month with more than 99% of the vote. Source: Hiiraan Online
-
Somalia National Communication authority gets ISO certified
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somalia's National Communication Authority (NCA) has achieved significant milestones by obtaining several prestigious International Organization for Standardization (ISO) certifications. Source: Hiiraan Online -
Delegations from Ethiopia and Somalia will meet in Türkiye on Monday as part of efforts, dubbed the Ankara Process, to ease tensions between the two Horn of Africa nations. Source: Hiiraan Online
-
Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa xalay sii balaarisay amar ay Axaddii soo saartay oo ay ku fartay dadka ku nool magaalada Khan Younis ee koonfurta Marinka Qaza, in ay xaafadahooda isaga baxaan. Amarkaasi ayaa ku qasbay tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan qoysas in ay xalay saqdi dhexe ay mugdiga ku dhex barakacaan, xilli ay hareerahooda ka dhacayeen madaafiicda taangiyada. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ku qaadayaan maleeshiyaad ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegtay in ay ku dhuumaaleysanayaan Khan Younus. Amarka cusub ee daadgureynta dadka ku nool koofyrta Gaza ayaa yimid, maalin kaddib marki ay duqeyn ay ciidamada Isra’il ku beegsadeen xarun iskuul oo ay ku noolaayeen qoysas barakac ah lagu dilay ku dhawaad 100 qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Gaza. Magaalada Khan Younis ee ku taal koonfurta marinka Gaza, tilmaamaha Isra’il ee amraya in dadka ay halkaasi isaga baxaan ayaa dhigeysa, in laga baxo dhammaan degmooyinka, bartamaha, bari iyo galbeedka Khan Younis, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah amaradii ugu weynaa ee Khan Younis dadka looga barakiciyo tan iyo marki uu billowday dagaalka Gaza muddo hadda laga joogo 10 bilood. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in inta badan shacabka Gaza oo ka kooban 2.3 milyan ay ka barakaceen guryahooda, halka inta badan guryahoodii dhulka lala simay. Saraakiisha Falastiiniyiinta iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aysan jirin goobo ammaan ah oo ku taalla Marinka Gaza. Deegaano horay loogu asteeyay in ay yihiin aag ka caaggan madaafiicda Isra’il, sida Al-Mawasi oo ku taalla galbeedka Khan Younis ayay ciidamada Isra’il dhowr jeer madaafiic ku garaaceen, halkaas oo lagu dilay dad badan oo rayid ahaa. VOA + Reuters The post Dadka ku nool Khan Younis oo mar kale lagu amray in ay guuraan appeared first on Caasimada Online.
-
Shirkadda McDonald’s ayaa go’aansatay in uu dib uga fikirto istaraatijiyadeeda qiimaha iibka, kadib markii ay hoos u dhacday tirada macaamiisha taas oo keentay hoos u dhac ku yimid iibka weyn ee cuntada iyo baaqyadii qaadacaada ahaa ee ka dhashay dagaalka Qasa. Xarumihii furnaa ugu yaraan muddo hal sano ah ayaa la kulmay hoos u dhac xagga iibka ah 1% bilihii Abriil ilaa Juun marka la barbar dhigo sannadkii hore, waana hoos u dhicii ugu horreeyay ee tan iyo xilligii cudurkii Safmarka ee Coronavirus. Hoos u dhaca ayaa yimid inkasta oo shirkadda Hamburger ay bixiso heshiisyo lacag celin ah si ay isugu dayaan inay dib u kasbadaan macaamiisha, iyo sidoo kale in dadka qaar ay qaadaceen McDonald’s dagaalka Israa’iil ee Gaza awgii. Qaadacaadda ayaa bilaabatay kadib markii waddamada Carabta iyo kuwa Muslimka sida Kuwait, Malaysia iyo Pakistan ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen inay ku qaadaceen shirkadaasi sababo la xiriira waxa ay u arkaan in shirkadu ay si cad u taageerto Israa’iil Shirkaddan ayaa la kulantay dhaleecayn kadib markii ay cunno lacag la’aan ah siisay ciidamada Israa’iil bilowgii dagaalka Gaza. Jawaabaha hooseeya ee dalabka ayaa ku qasbay shirkadda inay “si buuxda uga fikirto” qiimaha, ayuu yiri madaxweyne Chris Kempczinski. Kempczinski wuxuu u sheegay maalgashadayaasha shirkadu inay ku tiirsanaan doonaan qiimo dhimis si ay isugu dayaan inay joojiyaan hoos u dhaca iibka. Xigashada Sawirka,EPA Maamulayaashu waxay tilmaameen xayeesiinadii dhawaa, sida $5 ku iibso Cunto ku farax geliso dalka Maraykanka iyo olole kale oo ka socda UK in uu u ogolaanayo macaamiisha inay doortaan saddex shay oo cunto ah oo £3 ah. Dalabaadkaas ayaa la filayaa in la kordhiyo bilaha soo socda. Shirkaddu waxay sheegtay inay kala shaqaynayso shirkadaheeda ganacsi arrimaha ku saabsan dadaallada kale ee “qiimaha. Saamiyada shirkadda ayaa kor u kacay in ka badan 3 boqolkiiba kadib markii dib u habeyn lagu sameeyay, iyadoo Kempczinski uu sheegay in McDonald’s uu awood u leeyahay in uu ka dhigo istaraatiijiyadiisa mid shaqeyso. “Waynu naqaan sida loo sameeyo taas. Waanu qornay istaraatiijiyadda, waxaanan kala shaqaynaynaa shaqaalaheenna si aan u samayno isbeddellada lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri Madaxweynaha McDonald Chris Kempczinski. Celcelis ahaan qiimaha Big Mac-ka ee Mareykanka, oo hadda ah $5.29 ayaa kor u kacay 21% tan iyo sanadkii 2019kii, taas oo la jaanqaadaysa xawliga sicir bararka, iyada oo badeecooyin badana ay sare u kaceen wax ka yar intaas. McDonald’s ayaa la kulantay jawaabo ka yimid macaamiisha ka dib markii ay sare u qaadeen qiimaha intii lagu jiray cudurkii Safmarka ahaa ee Coronavirus. Bishii hore, madaxa hawlgallada ee Mareykanka ayaa si rasmi ah uga jawaabay cabashooyinka warqad furan oo macaamiisha ah, isagoo sheegay in baraha bulshada ay bixiyaan sawir aan sax ahayn. Xigashada Sawirka,Reuters Si kastaba ha noqotee, baaq loo jeediyay maalgashadayaasha, Kempczinski wuxuu qiray in shirkaddu ay leedahay shaqo ay ku soo celiso sumcadeeda sida soo jeedinta qiimaha. Kempczinski wuxuu qiray in sare u kaca qiimaha looga jawaabayey sicir bararka, “waxay ku kalliftay macaamiisha inay dib u eegaan caadooyinkooda wax iibsiga “ . Waxa uu sheegay in iyadoo suuqyada qaar ay awoodeen inay la qabsadaan, kuwa kalena, “in ay dib uga fakaraan ay lagama maarmaan ahayd.” McDonald’s ayaa si degdeg ah u kordhiyay qiimaha cuntooyinka muhiimka ah marka loo eego macaamiishiisa, ayay tiri, falanqeeyaha Bank of America, Sara Senatore, iyada intaasi raacisay, “Macaamiishu waa caqli badan yihiin, wayna ogyihiin.” “Cuntada 5ta doolar ah ee ay bilaabeen waxay noqon kartaa bilawga isbeddelka aragtida, laakiin weli ma aynu arag isbeddel dhinaca dhaqdhaqaaqa ah, taasina waa waxa ay u baahan yihiin macamiishu inay arkaan,” ayay tiri. McDonald’s waa shirkaddii ugu dambeysay ee ka digto hoos u dhaca ku yimid kharashaadka macaamiisha, kaas oo laga dareemayo dhaqaalaha dalalka waaweyn sida Shiinaha. Bbcsomali Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ka wada-hadleen xiriirka dhow ee labada dal iyo muhiimadda ay lee dahay Xasiloonida Gobolka. “Wadahadalkooda ayaa xoogga saaray xiriirka dhow ee labada dal, muhiimadda ay leedahay nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka”. “Labada Madaxweyne ayaa mar kale adkeeyey istarataatiijiyadda iskaashiga labada dal, gaar ahaan iskaashiga difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Madaxtooyada Soomaaliya. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay doorka Turkiga ee dhiirrigelinta wadahadallada nabadeed ee lagu xallinayo caqabadaha horyaalla gobolka” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeedka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya ay soo dhawanayso dadaallada Turkiga ee waanwaanta iyo wada-xaajoodka ay garwadeenka ka yihiin ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Villa Somalia ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu adkeeyay in iskaashi kasta uu ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada, iyo xuduudaha qaranka Soomaaliya, iyadoo la raacayo sharciga iyo nidaamka caalamiga ah. Dhinaca kale, wejiga labaad ee Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay gar-wadeen ka tahay Turkiga ayaa maalinta berri ah ka furmaya magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Erdoğan oo ka wada-hadlay Xallinta Khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa loo dhaariyay xafiiska madaxweynaha dalkaasi dhaca Bariga Africa shanta sano ee soo socota, ka dib markii uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashadii bishii hore. Kagame oo ah 66 sano jir ayaa helay 99.18% codadki la dhiibtay bishii July, kaddib marki ay guddiga doorashada ay tartanka doorashada ka reebeen ilaa 8 murashax oo isu soo taagtay doorashada. Xilka cusub ee Kagame ayaa ka dhigan in maamulkiisa Rwanda uu gaari doono ku dhawaad rubuc qarni. Madaxda reer Galbeed iyo kuwa gobolka ayaa Kagame ku ammaanay sida uu dalka uga soo saaray mushkiladihi ka dhashay xasuuqii sannadki 2094-ki iyo sida uu ugu guuleystay soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ah ee Rwanda. Hase yeeshee, waxaa sumcaddiisa waxaa hoos u dhigay eedeymaha ku saabsan xadgudubyada xuquuqda iyo caburinta mucaaradka iyo taageeridda fallaagada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. PUNTLAND POST The post Paul Kagame oo mar kale loo dhaariyay xilka Madaxweynaha Rwanda appeared first on Puntland Post.
-
Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda degmada Allaybaday ee gobolka Gabiley ayaa ku biiray xisbiga rajada ah ee WADDANI. Waxa caawa kulan gaar ah iyo is xog waraysi yeeshay Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda degmada Allaybaday ee gobolka Gabiley ayaa ku biiray xisbiga rajada ah ee WADDANI. Kulankan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa siyaasiyiinta iyo waxgaradka degmada Allaybaday waxay cadeeyeen inay go’aansadeen inay ku biiraan xisbiga Waddani si ay u dhistaan musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani iyo ku xigeenkiisa. Sidoo kale xisbiga Wadani ayaa u codayn doona. Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa soo dhaweeyey siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolkaasi oo uu sheegay inay diyaar u yihiin isbedel doonka xisbiga Waddani isagoo hoosta ka xarriiqay in xisbigu yahay mid waddani ah, shacabka Somaliland-na ay wada joogaan. Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) –Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ka wadahadleen xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa si qota dheer isaga warsaday is bedelada gobolka, guud ahaan caalamka iyo sidoo kale xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga. Madaxweyne Erdogan ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya, sidoo kale wuxuu madaxweynaha uga warbixiyey sida uu rajeynayo in loo dhameeyo xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya. “Madaxweynuhu wuxuu ku nuux-nuux saday in Turkiga uu sii wadi doono dadaallada uu ku doonayo in lagu xalliyo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo rajeynaya natiijada la taaban karo ee ka soo bixi doonta wareegga labaad ee wada xaajoodka Turkigu hoggaaminayo ee lagu dhisayo dib u heshiisiinta labada dal,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey bogga Madaxtooyada ee dowladda Turkiga. Intii uu socday baaqa labada mas’uul waxay dib u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay sare u qaadista iskaashiga ka dhexeeya dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada danta labada dal, sida iskaashiga, difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku nuux-nuuxsaday doorka Turkiga ee horumarinta wada-hadallada iyo go’aannada nabadeed, si wax looga qabto caqabadaha ka jira gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada waddan ee walaalaha ah, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Villa Somalia. ”Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku celceliyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay iskaashi dhaqaale iyo mid horumarineed la yeelato Itoobiya, isagoo si adag u sheegay in iskaashigaas oo kale ay tahay in mar walba la ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, loona hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah. Sidoo kale, wuxuu ka faa’ideystay inuu u mahadceliyo Madaxweyne Erdogaan dadaalka hagar la’aanta ah ee uu u galay wax ka qabashada arrintan,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya. Waxaa maalinta berri ah lagu wadaa in magaalada Ankara ee dalka Turkiga uu ka furmo wejiga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo dowladda Turkiga ay garwadeen ka tahay. Turkiga ayaa dadaal badan gelinaya sidii loo soo afjari lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo salka ku haysa is-afgaradkii Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixday qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Waxaa magaalada Ankara ku sugan wafdiga labada dhinac ku metelaya wada-hadallada, ayada oo xalay uu halkaasi gaaray wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo. Wada-hadalada bilaabanaya oo garwadeen ka tahay dowladda Turkiga ayaa waxaa si qoto dheer diiradda lagu saarayaa xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo xadgudub ku tilmaamtay. Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo maalmihii dambe waday dadaallo dhex-dhexaadin ah. Hakan Fidan oo shir jaraa’id ku qabtay Istabul waxa uu sheegay inay soo afjarmi doonto xiisadda isla markaana ay kusoo dhammaan doonto galaangal ay Itoobiya u yeelato badda, iyada oo si toos ah ugala macaamileyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Erdogan oo Xasan kala hadlay arrimo xasaasi ah xili beri uu furmayo wadahadalka Somalia iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli barri lagu wado inuu furmo shirka lagu dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya. Shirka dhanka qadka ah ayaa looga hadlay xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, is bedelada gobolka iyo caalamka iyo sidoo kale xiriirka labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya. Madaxweyne Erdogan ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya. Isagoo ku nuux-nuux saday in Turkiga uu sii wadi doono dadaallada uu ku doonayo in lagu xalliyo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweyne Erdogan ayaa ka dhawaajiyay inuu rajeynayo natiijada la taaban karo ee ka soo bixi doonta wareegga labaad ee wada xaajoodka Turkiga ee lagu dhisayo dib u heshiisiinta labada dal. Wadahadalkaan ayaa yimid xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin Turkiga si ay uga qeybgalaan wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya Wafdigaan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, kana qeybgeili doonaan wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga. Wadahadalkan ayaa lagu wadaa in uu magaalada Ankara ka furmo maalinta berri ah kaasoo seddex todobaad horey looga soo dhigey waqtigii hore ee lagu ballansanaa. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-Saxaafadeed digniin ah oo ka soo baxay Booliska Soomaaliya ayaa loo diray Milkiilayaasha iyo Darawalada Gaadiidka ka howlgala magaalada Muqdisho. Hoos ka akhriso qodobada oo dhameystiran: Dhamaan Milkiilayaasha iyo Darawalada Gaadiidka Waxaa Lagu Wargalinayaa Arimaha Hoos ku Xusan kuwaas oo kala ah: 1. Waxaa Macnuuc ah in La kaxeeyo ama la wato Gaari aan wadan Taargo iyo Buuga la haanshaha 2. Waa in ay islahaadaan Buuga gaariga, Jes-nambarka iyo Taargada hadii ay islahaan waayaan waxaan Laga qaadi doonaa Talaabo Adag 3. Waa in Gaariga kasta uu ka diiwaan Gashan yahay Wasaaradda Gaadiidka islamarkaana uu wadto Dukumintiga xaqiijinaaya in uu bixiyey canshuura 4. ayadoo La raacaayo Qaraarkii ka soo baxay Golaha Xukuumada Waxaa markale la cadeynayaaa in aan la keeni Karin lana buufin Karin Mooto Bajaaj Cusub . 5. Waxaa Mamnuuc ah in macluumaadka Mooto bajaaj Noqotey Howlgal Sida (Xafarka A ama B ) Jesnambarka ,Taargad Iyo I W M loo Guuriyo Mooto Kale oo aan Laheyn Macluumaadkaas 6. Waxaa si gaar ah Loogu Wargalinayaa Milkiilashaada iyo Howl wadeenada Ku Shaqeysta Mooto Bajaajta in Aan Xuduudaha Caasimada laga soo gelin Karin Mooto Bajaaj laga keenay Gobolada Kale 7. Waxaa la xusuusinayaa cidkasta oo ku Guuldareysata u hoggaan Samida Awaamiirta Sare ku Xusan in ay la kulmidoonto Talaabooyin Adag Oo waafaqsan Sharciga. The post Booliska DF oo soo saaray digniin adag oo 7 qodob ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magaacabay Agaasimeyaasha Guud ee afar ka mid ah wasaaradaha xukuumadiisa. Wasaaradaha la bedelay agaasimayaashooda guud ayaa kala ah Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada. Maxamed Bashiir Cumar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Cabdullaahi Jamaal Maxamed, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Dadka qaar ayaa durba toos u bartilmaameedsaday Agaasimayaasha wasaaradaha diinta iyo qoyska, kuwaas oo siyaabo kala duwan loo dhaliilay. Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa ka mid ah raggii ka yimid kooxda Al-Shabaab, iyadoo horay loo saluugsanaa in Mukhtaar Roobow laga dhigay wasiirka wasaaradda diinta. Sidoo kale Maxamed Bashiir Cumar ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, haweenka Soomaaliyeed ayaa hoos taga wasaaradaan, balse waxay horay tabasho uga taagneed in loo magacaabay Bashiir Goobe, hadana waxay haweenku sugayaan in gabar loo soo magacaabo, laakiin ma noqon, labadaas boos ayaa si weyn loogu dhaliilay xukuumadda. Hoos ka eeg xubnaha la magacaabay The post Xamsa oo magacaabay 4 xil oo muhiim ah iyo xubnaha qaar oo … appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Xasan Sheekh ayaa waxaa looga digay inay ku kacaan khiyaano qaran xilli uu magaalada Ankara uu maalinta berri ah ka furmayo wejiga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya. Wada-hadalkan oo uu garwadeen ka yahay Turkiga ayaa la filayaa in lagu soo afjaro xiisadda labad dal ee ka dhalatay is-afgaradkii badda, waxaana isa soo taraya walaaca in dowladda federaalka ay dabac u muujiso damaca Itoobiya, haddii ay ka laabato is-afgaradkii Somaliland. Maryan Faarax Kaahiye oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweyne Xasan Sheekh uga digtay in dowladdiisa ay aqbasho helitaanka badda Soomaaliya. “Waxaan ka digayaa in maanta Itoobiya lasiiyo Qayb kamida Badda Soomaaliya; waxaan digniintaas u dirayaa Madaxweyne Xasan Shiikh oo u dhaartay Midnimada Shacabka, dhulka, cirka iyo badda Soomaaliya,” ayey Maryan ku tiri qoraal ay soo saartay. Waxay intaas kusii dartay “Soomaaliya waxaa ku filan Itoobiyo oo ku soo deysa “10 Million Oroma” ah, marka haddaad maanta Itoobiya u oggolaato baddaada u diyaargarow gumeysi iyo xaqiijinta riyaddii Itoobiya ee boqolaalka sano.” Inkasta oo dowladda federaalka ay meel adag iska taagtay in Itoobiya qaadatay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, haddana waxaa suurta-gal ah in Itoobiya loo ogolaado sidii ay kusoo gaari laheyd biyaha caalamiga ah ama haddii aan si kale u dhigno loo ogolaado deked ay adeegsato. Hoos ka aqriso qoraalka Senator Maryan Sida la wada ogyahay, collaadda hadda ka dhextaagan Soomaaliya iyo Itoobiya waa mid ka dhalatay Isafgaradkii Abiye Axmed iyo Muuse Biixi. Arrinkaas waxaa looga dooday Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS,kaddibna waxaa la geeyey Golaha Shacabka oo go’aan cad kasoo saaray. Shalay ilaa maanta waxaan maqlayaa Turkey ayaa Heshiis dhex-dhexaadin ah Soomaaliya u keentay,oo Soomaaliya ayaa Itoobiya siinaysa Dhul-badeedkeeda(Saylac). Waxaan la yaabanahay sida fudud ee Madaxda Qaranku u wajahayaan Masiirka Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan ka digayaa in maanta Itoobiya la siiyo Qayb kamida Badda Soomaaliya; waxaan digniintaas u dirayaa Madaxweyne Xasan Shiikh oo u dhaartay Midnimada Shacabka, dhulka, cirka iyo badda Soomaaliya. Waxaan uga digayaa xitaa haddii Itoobiya ka laabato Is-afgaradkii(MOU), waa in aan sinaba looga aqbalin helitaanka Badda Soomaaliya. Dhanka kale, dib-u-eega Biyo xireenka Wabiga Nile(Grand Ethiopia Renaissance Dam) oo Itoobiya Xoog iyo xeelad ku bilowday 02 April 2011,diiddey in ay Masar iyo Suudaan kala Xaajooto: maanta xaggee xaalku marayaa-intaas Itoobiyo shaqada hoos ayey ka wadatey ilaa ay hadda soo gaartey meel aan waxba laga qaban karin. Maanta Masar Biyo xireenka ma weerari karto, oo hadday sidaa samayso Masar daadad ayaa qaaday, sidaasna waxaa guuli ku raacda Itoobiya. Soomaaliya waxaa ku filan Itoobiyo oo ku soo deysa “10 Million Oroma” ah, marka haddaad maanta Itoobiya u oggolaato baddaada u diyaargarow Gumeysi iyo xaqiijinta Riyaddii Itoobiya ee Boqolaalka sano. Waxaa caqliga salimka ah diidayaa in Turkey oo shalay balan qaadday in ay Soomaaliya ka difaacayso Itoobiya ay maanta ku talinayso Bixinta Badda Soomaaliya!!. Gunaanadkii, waxaan Madaxweyne Xasan Shiikh uga digayaa in uusan gelin khiyaano Qaran;in uusan Badda Soomaaliya ka iibin Itoobiya;in uusan Itoobiya u oggolaan marin-Baddeedka Soomaaliya. Xildhibaan sharafta leh ee ku dhaartay Kitaabka, waxaan u soo jeedinayaa in ay fadhiga ka kacaan oo maanta Dalkeena bedbaadshaan; waa taarrikh mugdi gelindoonta jiritaankeena ummadeed. Shacabka Soomaaliyeed ee qaaliga ah waxaan leeyahay shalay waad diiddeen Is-afgaradkii ee maanta diidda gumeyso iyo in dhulkiina iyo baddiina bilaash lagu bixiyo. Mar 2-aad, mar 3-aad iyo mar 4-aad, Madaxweyne Xasan waxaan uga digayaa Saxiixidda Qoraal Khiyaano Qaran ah iyo in uu Ummada Soomaaliyeed u horseed Gumeysi-dhuleed!. RIYADII ITOOBIYA MIYAA RUN KU SOCOTA? The post Dowladda Xasan oo looga digay khiyaano qaran xilli u furmayo wada-hadalka Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaacabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada. Maxamed Bashiir Cumar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Cabdullaahi Jamaal Maxamed, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Source: goobjoog.com