-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hoggaamiyaha koox diimeedka loo yaqaanno ururka gaajada ee dalka Kenya ayaa la soo taagay maxkamad si loogu qaado gal-dacwadeed ku saabsan dhimashada in ka badan 400 oo xertiisa ah, kuwaas oo ku geeriyooday mid ka mid ah masiibooyinka ugu xun ee la xiriira cibaadada marin-baabinta ah. Paul Mackenzie oo madax ka ah Kaniisad ku taalla dalkaas ayaa hadda wajahaya eedeymo la xiriira dil, jirdil caruureed ka dib markii bishii Abriil ee la soo dhaafay la helay boqolaal meydad ah oo xertiisa ka tirsanaa, kuwaas oo gaajo u dhintay ayagoo fulinaya amarkiisa . Horraantii sanadkan Mackenzie waxa uu sheegay in aanu wax dambi ah gelin, balse dacwad oogayaasha ayaa tilmaamay in eedaymaha loo haysto ay ku jiraan kuwo u dhigma ismiidaamin markii sharciga Kenya la eego, ninkan ayaana horay uga soo muuqday maxkamada darajada koowaad ee magaalada dekadda leh ee Mombasa isaga iyo in ka badan 90 kale oo tuhmanayaal ah, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha iyo saraakiisha maxkamaddu. Dacwadaha ninkan loo haysto oo qaarkood aanay weligeed kenya ka dhicin asaga ka hor ayay dacwad oogayaasha u diyaarsadeen ugu yaraan 420 markhaatiyaal ah, ayadoo dhageysiga dacwadu uu socon doono muddo afar maalmood ah. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo uu ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada. Madaxweyne Paul Kagame ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, waxa uuna ballanqaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xafiiskiisa ku qaabilay saddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii xeebta liido ee khasaaraha badan dhaliyay ayaa bogaadiyay geesinimada iyo firfircoonida muwaadinno ee ay dhallinyaradaasi muujiyeen. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ku abaalmarin doonto geesinimdii iyo howkarnimadii ay dadkooda dhibaatadu gaartay ugu gurmadeeb, islamarkaana ay muteyseen bilad iyo shaqaalaysiin rasmi ah oo ay dowladdu u samaynayso. Dhallinyaradan ayaa qeyb ka ahaa boqolaal qof oo dadweyne iyo madaxba isugu jira, kuwaas oo si xilkasnimo ah uga qeyb-qaatay gurmadka dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay qaraxii lagu hoobtay ee labadii bishaan ka dhacay Huteelka Beach View ee xeebta Liido. Source: goobjoog.com
-
Kigali (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo uu ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada. Madaxweyne Paul Kagam ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha. Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ee dib usoo kabashada ku jira. Paul Kagame ayaa Axaddii shalay loo dhaariyay xafiiska madaxweynaha dalkaasi dhaca Bariga Africa shanta sano ee soo socota, ka dib markii uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashadii bishii hore. Kagame oo ah 66 sano jir ayaa helay 99.18% codadki la dhiibtay bishii July, kadib markii ay guddiga doorashada ay tartanka doorashada ka reebeen illaa 8 murashax oo isu soo taagtay doorashada. Xilka cusub ee Kagame ayaa ka dhigan in maamulkiisa Rwanda uu gaari doono ku dhawaad rubuc qarni. Madaxda reer Galbeed iyo kuwa gobolka ayaa Kagame ku ammaanay sida uu dalka uga soo saaray mushkiladihi ka dhashay xasuuqii sannadki 2094-ki iyo sida uu ugu guuleystay soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ah ee Rwanda. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Rwanda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal ay Soomaali badan shaki ka muujiyeen oo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan uu ku sheegay in marin badeed la siinayo Itoobiya. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo kamid ah wafdiga Soomaaliya ee ku sugan Ankara ayaa sheegay in marin badeed aysan aheyn wax ka baxsan ganacsi, isaggoo xaqiijiyay in ay macquul tahay in Itoobiya ganacsi ahaan usoo gaarto baddeena. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aanay Soomaaliya ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madax-baannida iyo qaranimada Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan diidaneyn Soomaaliya in ganacsi ahaan looga faa’iideysto badda. “Dabcan taasi waxay ka dhigan tahay sida xeerarka Qaramada Midoobay ee ‘UKLAS’ dhigayo, wamada aan badda lahayn iyo wadamada dariska la ah ee baddaha leh in ay heshiisyo la galaan oo ay markaasi helaan marin baddeed,” ayuu yiri wasiir Daa’uud oo la hadlay BBC. Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Marin baddeed macnaheedu maha wax ka baxsan ganacsi.” Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in shirka maanta u furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya uu noqonayo wejiga labaad ee dadaallada Turkey ku doonayo inuu xal ugu raadiyo xasaradda ka oogan gobolka, kaas oo kasoo hormaray waqtigii loo ballansanaa. “Waxaan ku xaqiijin karaa in soo dadajinta ay ka timid dadaalada dheeraadka ah ee dowladda Turkiga ay ku dhaqaaqday, oo dhawaan xitaa wasiirkoodii (Fidan) uu tagay Itoobiya, Soomaaliyana xiriiro dhow ay la soo samaynayeen marka waxaa loo arkay muhiin inay tahay in wajiga labaad uu deg-deg u furmo oo laga soo hormariyo toddobaadyo muddadii horrey loogu balamay,” ayuu yiri wasiirka. Sidoo kale wuxuu dowladda Turkiga uga mahad-celiyay dadaalka ay ku bixineyso arrintaan, “Dabcan dadaaallo dheeriya ayaa jira oo Turkigu sameeyey, waana ugu mahadcelinaynaa madaxweynaha Turkiga dadaalladaas dheeraadkaa ee uu sameeyey.” The post Soomaaliya oo ka jawaabtay arrin shaki badan dhalisay oo la xiriirta Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la shaaciyay in Masar ay u gudbisay codsi ah in ay ciidankeeda u soo dirto dalka Soomaaliya oo jaarka la ah Itoobiya, si ay qayb uga noqdaan qorshe nabad ilaalin ah. Midowga Afrika ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan codsiga Masar ee ah in ciidamadooda ay u soo diraan Soomaaliya si ay ugu mid noqdaan kuwa nabad ilaalinta. Ururka ayaa sheegay in marka lagu dhawaaqay in ciidamada Midowga Afrika ee Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ATMIS, lagu beddeli doono ciidamado cusub oo la yiraahdo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya sanadka 20205-ka. Shir ay dhawaan yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Masar iyo Jabuuti ayay ku shaaciyeen inay u gudbiyeen codsi ah in ciidamadooda la geeyo Soomaaliya si ay u hoos yimaadaan ciidamadan cusub ee nabad ilaalinta ah. Labada dal ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ciidamadooda loo geeyo Soomaaliya howlo nabad ilaalin ah xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ka baxaan dalka. Haddii dalabkan Masar la xaqiijiyo, ATMIS-na waqtigeedi howlgaku dhammaanayo sanadka 2024-ka, waxay ka dhigan tahay in ciidamada Masar la geyn doono Soomaaliya bilowga sanadka 2025-ka. Haddaba, maxaa Al-Sisi ciidamadiisa ugu dirayaa Bariga Afrika? Maxayse diritaanka ciidanka Masar ugu dhigan tahay Soomaaliya, Itoobiya iyo gobolka. Labada dal ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ciidamadooda loo geeyo Soomaaliya howlo nabad ilaalin ah xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ka baxaan dalka. Haddii dalabkan Masar la xaqiijiyo, ATMIS-na waqtigeedi howlgaku dhammaanayo sanadka 2024-ka, waxay ka dhigan tahay in ciidamada Masar la geyn doono Soomaaliya bilowga sanadka 2025-ka. Haddaba, maxaa Al-Sisi ciidamadiisa ugu dirayaa Bariga Afrika? Maxayse diritaanka ciidanka Masar ugu dhigan tahay Soomaaliya, Itoobiya iyo gobolka. Si kastaba ha ahaatee, “Danta ugu weyn ee Masar ay ka leedahay gelitaanka Soomaaliya waa dan juquraafiyadeed. Waxay noqon karaa xoojinta Qaahira ee muujinteeda garab istaaga Soomaaliya mid lagu tilmaani karo,” ayuu yiri, isaga oo soo qaatay xiisadda Qaahira kala dhexeysa Addis Ababa ee ku saabsan isticmaalka biyaha Niilka. Marka laga soo tago khilaafka kala dhexeeya Itoobiya, arrimaha ammaanka ee marinka ganacsiga badda cas oo carqalad kala kulmaya fallaagada Xuutiyiinta, waa sabab kale e oo Masar ku ah culays saaran. Marka la eego xaqiiqda ah in Masar ay dhaqaale badan ka hesho marinka kanaalka Suweys ee isku xira badda Mediterranean-ka iyo badda cas, sugidda amniga badda cas waa arrin u taal Qaahira. The post Sababta ka dambeysa in MASAR ay xilligaan timaado SOOMAALIYA appeared first on Caasimada Online.
-
Boqolaal gaadiidka dab-damis ah oo ay taageerayaan daraasiin diyaarado ah oo biyaha daadinaya ayaa la dagaallamaya dab weyn oo ka holcaya dhul kaymo ah oo ku yaalla dhinaca waqooyi ee caasimadda dalka Giriiga. Isbitaallada iyo magaalooyinka ku xeeran Athens, iyo sidoo kale qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, ayaa laga daad gureeyay dadkii subaxnimadii hore ee Isniintii, iyadoo in ka badan toban meelood oo kale lagu amray in la faarujiyo cabsi laga qabo in waxyeellada dabku soo gaarto awgeed. Hoolalka ciyaaraha iyo hoteellada ayaa la diyaarinayaa si loogu martigeliyo dadka la daadgureynayo, ayadoo waaxda dab-damiska ay ka codsatay dadka deegaanka inay u hogg Source: goobjoog.com
-
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa daahfurtay xafiiska Laanta 8-aad oo Hay’addu ku yeelanayso magaalada Laascaanood ee xarunta KMG ah ee SSC Khaatumo, taas oo loogu adeegi doono dadka ku nool degaanada maamulkaas. Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo xariga ka jaray xarunta laanta 8-aad ayaa hirgelinta xaruntaan uga mahadceliyay Agaasimaha Guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed, isagoo sheegay in dadka reer SSC ay aad ugu baahnaayeen in ay helaan adeegga baasaboor bixinta, isla markaana ay si wanaagsan uga faa’iidaysa doonaan. Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xoogga saaraysa in muwaadiniinta Soomaaliyeed, meel kasta oo ay ku nool yihiin loo soo dhaweeyo adeegyada kala duwan ay bixiso hay’addu, si loo yareeyo qarashka iyo safarka dheer ee uga bixi lahaa helitaanka adeegga baasaboorka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Asbuucii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu soo gunaanaday kulan ay lahaayeen siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhalinyarada kasoo jeeda gobolka Sanaag. Laakiin magaca kulankooda wuxuu ahaa Maakhir State. Kulankooda waxay ku sheegeen waxa ay rabaan, waxa ay tabanayaan iyo fursadaha u muuqda deegaan ahaan iyo dad ahaan. Kulanka ay yeesheen reer Maakhir waxay ku sheegeen inay doonayaan in ay noqdaan maamul kamid ah maamulada hoostaga dowladda federaalka Soomaaliya. Maamulkan hadda lama aqoonsana, si caadi ahna ugama jiro deegaanada uu xisaabsanayo, laakiin adeegsiga magacani wuxuu jiraa dhowr sanno. Waxay hadda saami ahaan ka tirsan yihiin maamulka Puntland. Waxay xoojiyeen dooddooda doonista maamul gaar ah, tan iyo markii ay dowladda federaalka Soomaaliya u carab laad-laadisay Khaatumo, kuwaasi oo illaa hadda si rasmi ah loo aqoonsan. Inay si gaar ah wax u helaan gobollada Sool iyo Sanaag waa arrin u baahan inay dowladda federaalka Soomaaliya go’an rasmi ah ka gaarto, iyadoo dhinaca kale aan la sahashan karin sida uu go’aankan u saameyn doono maamulka Puntland, oo iyagu sheegta inay labadaan gobol xukumaan, sidoo kalena ay reerahani saami-qeybsi siyaasadeed ku haystaan. Dhawaan xubno siyaasiyiin ah oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u tegay, kalana hadlay inuu aqoonsi buuxa siiyo maamulka Khaatumo, waxay sheegeen inuu madaxweynaha ku yiri soo dhameystira shuruudaha aad ku noqon kartaan maamul buuxa, oo loola jeedo inay reer Sanaag soo qanciyaan. Sida muuqata hadda reerka gobolka Sanaag aqlabiyada ka ah iyagaa raba maamul gaar ah oo la yiraahdo Maakhir State. Haddii aad isweydiinayso ma wada macaashi karaan Khaatumo iyo Maakhir, jawaabtu marna waa haa, marna waa maya. Mar waa haa, oo haddii ay wada-jir wax ku doonaan waa macquul inay hal maamul oo buuxa isku noqdaan, sidaasna aqoonsi kaga helaan dowladda federaalka Soomaaliya, ugana hoos baxaan maamulka Puntland. Marna waa maya, oo haddii ay gooni-gooni wax u raadiyaan midkoodna ma heli karo aqoonsi maamul, oo ma buuxin karo shuruudaha. Hadda waxay u baahan yihiin siyaasiyiinta iyo waxgaradka Khaatumo iyo Maakhir, ama labada reer ee Sool iyo Sanaag aqlabiyada ka ah inay hoos isku warsadaan, fahmaana inay wax ku heli karaan wada-jir, caqliguna ku jiro inay hal calan qaatan oo ay hal maamul noqdaan. The post Khaatumo iyo Maakhir ma isla macaashi karaan mise midkood baa baxaya? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS Cali Xoosh ayaa maanta soo kormeeray dhulka xarunta dhexe ee wasaaradda. Dhulkan oo ku yaalla degmada Boondheere ee caasimadda Muqdisho, ayuu sidoo kale maanta si rasmi ah ula wareegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in dhulkaasi dib u dhig laga bilaabayo, kadib markii dhawaan laga saaray dad shacab ah oo deganaa, kadib markii ay u baatay wasaaradda, sida uu sheegay wasiir Cali Xoosh. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa wuxuu u mahad-celiyey dadkii deganaa, ciidamada booliiska, gobolka Banaadir iyo cid kasta oo qeyb ka ahayd in dhulka dib loogu shaqeeyo umadda. Kormeerka wasiirka ayaa sidoo kale waxaa ku wehliyay Injineero ka socday shirkad dhisi doonta wasaaradda, waxaana la filayaa in dhawaan la bilaabo dhismaha dhulkan, oo noqonaya mid ay ku shaqeyso wasaaradda. 28-kii bishii hore ayey aheyd markii dowladda ay si xoog ah ku baneysay dhulkaan, ayada oo gawaarida cagafta oo ay la socdaan ciidamada ammaanka ay markaas dhinac ka mareen dhismaha ay xeyndaabkaas ka dhisteen dadka laga saaray. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay dadka ka saaraysay dhulka danta-guud, iyada oo ku sheegtay tallaabadan mid lagu howl-gelinayo hay’adihii ku shaqeynayay oo u baahday. Qoysas badan oo muddo dheer degenaa dhulka laga saaray ayaa qaarkood sheegay in aanay heysan meelo ay degaan mar haddii dowladda federaalka ay bannaanka uga saartay goobihii ay degenaayeen una baahan yihiin qorshe lagu garab istaagayo. The post Cali Xoosh oo indhaha soo saaray dhulkii ‘uu qasabka ku baneeyay’ + Qorshaha (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbiga WADDANI ayaa xaflad weyn oo soo dhawayn ah u sameeyay 23 xubnood oo iskugu jira Xildhibaano, siyaasiyiina iyo haldoor oo ka soo jeeda beesha Ciise Muuse ee degta gobollada Saaxil, Maroodi-jeex iyo Togdheer. Xafladan waxa ka soo qayb-galay madaxda ugu sarraysa xisbiga WADDANI oo ay hoggaaminayaan murrashaxa madaxweynaha Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan madax-dhaqameed iyo dadweyne aad u tiro badan. Qaran News
-
454870518_1012212556900048_4766361848869647955_n Qaran News
-
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiis cusub ka hirgelisay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-khaatumo. Hoggaamiyaha maamulka SSC-khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xafiiska cusub ee hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya ka hirgelisay Laascaanood. Hoggaamiye Firdhiye ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah leedahay in muwaadinka loo dhaweeyo adeegga dowladnimo waxaana uu tilmaamay in hadda kadib dadka reer SSC baasaboorka Soomaaliya ka qaadanayaan Laascaanood. Dhanka kale, hoggaamiyaha ayaa u mahadceliyey madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo sidoo kale dhammaan Saraakiisha kala duwan ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. PUNTLAND POST The post Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo xafiis cusub ka hirgelisay magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay madasha horumarinta Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeyb-galeen ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, wasiirro, xildhibaanno iyo aqoonyahanno isaga kala yimid gudaha iyo dibadda. Madashan oo sanadkaan looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee dayn cafinta kadib ayaa socon dootno muddo labo cisho ah, waxaana soo qaban-qaabiyay Machadka Heritage. Madashan oo sanadle ah ayaa waxay Heritage sanadihii dambe ku qaban jirtay dalka Jabuuti, waxaana hadda loo soo wareejiyay gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Madaxda qeybta ka ah shirkaan ayaa bogaadiyay madasha, iyadoo aqoonyahanka loo jeediyay inay soo saaran cilmbaarisyo, si loogu gudbiyo go’aan gaarayaasha dalka. “Qaran jabkii waxaa ka dhaxalnay in Qarankii uu Qaaraamooway. Waxa aan ka dhaxalnay in aynu luminno mataaladdii iyo maamuuskii aynu lahay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya Bixi Iimaan Cige. Agaasimaha Machadka Heritage Mursal Saney oo madasha ka hadlay ayaa isna waxa uu sheegay inta uu socdo shirka lasoo jeedin doono illaa 20 cilmi baaris, uuna hadafka yahay in wax lagu biirinayo horu socodka dalkeenna. “Waxaa la soo jeedin doonaa 20 Cilmibaaris, hadafka laga leeyahay waa in la helo dadka aqoonta u leh dhaqaalaha in ay iswareystaan, si loogu gudbiyo go’aan gaarayaasha dalka,” ayuu yiri Mr. Saney. Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed oo isna ka hadlay madasha ayaa yiri “Waa in aan ka faa’ideysannaa fursadaha, mas’uuliyiinta waxa ay abuuraan fursadaha, ka culimo ahaan aad ayaan u xiiseeneynaa waxyaabaha nagu soo biiraya.” The post Maxay tahay madasha laga soo weeciyay Jabuuti ee maanta laga furay Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay magacaabay afar agaasime guud oo wasaaradeed kadib wareegto uu soo saaray, waxaana ku jiray ragga la magacaabay Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) oo loo magacaabay agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Ibraahim Nadaara oo ah nin dhalinyaro ah ayaa Al-Shabaab kasoo goostay bishii August 2016-kii, waxaana magacaabistiisa kala dhalatay falcelin aadan caadi ahayn. Dad badan ayaa ka horyimid magacaabista ninkan, waxayna su’aalo ka keeneen wasaaradda loo magacaabay oo uu hadda wasiir ka yahay Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo isna ahaa hoggaamiye hore oo kasoo goostay kooxda Al-Shabaab. Haddaba sidee looga falceliyay magacaabista Ibraahim Nadaar? Cabdullahi Adan Xerow “Ibraahim Aadan Ibraahim from Al-Shabaab to agaasime dowladeed wasaaradihii dhan Al-Shabaaba ayaa agaasime ka ah”. Cabdirisaaq Mowliid “Wasaaraddii Awqaafta iyo arrimaha Diinta waxay ka dhigeen halaq galeen subxaanallah”. Abuukar Xasan ” =Ninkaan markuu Al-Shabaab ka imaanayay waxaan joognay Xamar waxbarasho ayaan ku jirnay hadda asiga waa masuul sare annagana waxaan magaalka ku nahay shaqa la’aan bal is qabadsii hee adba?”. Cabdullahi Naxar “Waxaan sugnaaba waa xukunka Roobow iyo fulinta Ibrahim Nadaara wallee waxaa ii sawiran iyadoo la kala garan la yahay kumaa dilaya yaase soo fatwooday qoladii duurjoogta ahayd shaqadoodii hadday gudaha ka bilaabmatay”. Muriidi Siraaji ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Wasaaradii arrimaha Diinta Iyo Awqaafta Al-Shabaab ayaa la wareegay”. Shariif Maxamed Jimcaale “Waa in aan Al-Shabaab ku biiro kadibne kaso goosto si aan xil sare u helo”. The post Falcelin caadi ahayn oo ka dhalatay xil uu Xamza u magacaabay nin kasoo goostay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujinaya xaaladda bariga dhexe oo hadda taagan heerkii ugu sarreeyay ee khatarta sida laga soo xigtay xoghayaha difaaca Maraykanka Lloyd Austin. Xoghayaha difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay in uu ku wajahanyahay bariga dhexe gujiska xambaaraha gantaalada nukliyeerka ee USS GEORGIA , iyadoo ay markabkan saaranyihiin in ka badan 154 gantaalaha Tomahawk cruise missiles iyo madaxyo nukliyeer ah. Austin, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in markabka burburiyaha ah ee diyaaradaha xambaaraha , Abraham Lincoln isna inuu tagi doono bariga dhexe , wuxuuna ku hubeysan yahay diyaaradaha dagaalka ee jiilka shanaad ee F-35C, oo ay weheliyaan diyaradaha kale ee F/A-18E/F Super Hornet, EA-18G Grawler. Tallaabooyinkan aan horey loogu arag bariga dhexe tobannaan sanno, wuxuu Mareykanka u sameynayaan si loo difaaco Israa’iil hoosna loo dhigo weerarro baaxad leh oo Iran iyo kooxaha ay taageerto ay ku qaadi karaan Israa’iil, iyadoo markii u horreysay ay soo baxday inay Iran weerarkan u adeegsan karto gantaallada riddada dheer ee Ruushka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo Bariga dhexe u dhaqaajiyay Gujiska xambaaraha gantaalada nukliyeerka ee USS GEORGIA appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ka daah-furay talaalka caruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano ee aan horay loo talaalin ama dhamaystiran Talaalka. Madaxweynaha Puntland ayaa faray dhamaan Guddoommiyeyaasha Gobollada iyo degmooyinka in lala shaqeeyo Howlwadeennada hirgelinaya tallaalka iyo waceygelinta si looga hortago xanuunada, waxa uu ugu baaqay dadka reer Puntland inay qaataan talaalka. Tallaalka caruurta oo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo 100 kun oo caruur ah, ayaa 177 xarumood ka socon doona muddo 7 cisho ah, waxaana ka shaqeyn doona 20 kooxood oo isugu jira dhakhaatiir iyo howlwadeeno caafimaad. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wakiilada iyo Golaha Xukuumada oo ay ugu horeyso Wasaaradda Caafimaadka iyo Masuuliyiinta Caafimaadka ee heer degmo iyo Gobol iyo Hay’adaha Wasaaradda kala shaqeeya arrimaha Caafimaadka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta Gaalkacyo ka daah-furay barnaamij lagu tallaalayo 100 kun oo Carruur ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa baaqday, kadib markii ay xaadiri waayeen xildhibaannada kasoo jeedo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. Sababta uu u baaqday kulankan oo kamid ahaa kalfadhigga 5-aad ee Golaha Shacabka ayaa la xiriirtO kooram la’aan, kadib markii ay maqnaadeen inta badan xildhibaannada. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlaamka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo soo xiray kulanka ayaa shaca ka qaaday in xildhibaannada aaday HirShabelle dartood uu u baaqday kulankooda, kuwaas oo aanan saxiixin kooramka, wuxuuna tilmaamay inay aadeen xaflad caawa ka dhaceysa magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha Dhexe. “Xildhibaanno aad ayaad u mahadsan tihiin, inta maanta soo xaadirtay kooramka intaan waxaa gaarsiiyay xildhibaannadii HirShabelle maanta aaday, sidoo kale guddigii maaliyadda ayaa Nairobi ku maqan siminaar ayuu jiraa” ayuu yiri Abshirow. Sidoo kale wuxuu ku daray “Shalay waxaan isku ogeyn xildhibaannada HirShabelle aadaayo inay saaka kooramka saxiixaan qayb oo kaliya ayaa ka saxiixday, qaybna ma saxiixin”. Abshirow oo hadalkiisa sii wata ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay inay baaqato shaqadii baarlamaanka, xildhibaannaduna ay iska aadeen xaflado iyo dabaal-deg. “Aad ayaa uga xunahay inay socon wayso shaqadii baarlamaanka oo xildhibaannadii ay maqan yihiin shaqadiina naga baaqatay” ayuu mar kale yiri guddoomiye ku xigeenku. Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo uu kooram la’aan u baaqdo kulan ay leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waana wax markasta dhaco waayadii dambe, ayada oo dhowr jeer arrintaan looga digay xildhibaanada. The post Xildhibaannada kasoo jeeda HirShabelle oo baajiyay kulankii maanta ee BF + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo ka mida waftiga Soomaaliya ee ku sugan Ankara oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in shirka maanta u furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya uu noqonayo wajiga labaad ee dadaallada Turkey ku doonayo inuu xal ugu raadiyo xasaradda ka oogan gobolka. “Dabcan dadaaallo dheeriya ayaa jira oo Turkigu sameeyey, waana ugu mahad-celinaynaa madaxweynaha Turkiga dadaalladaas dheeraadkaa ee uu sameeyey” ayuu yiri Daa’uud Aweys. Bishii Luuliyo ee sanadkan oo labada dhinac wadahadalladoodu ka bilowdeen Ankara ayaa is araga xiga loo balamay bisha Semtember wallow waqtigaas laga soo hormariyey. “Waxaan ku xaqiijin karaa in soo dadajinta ay ka timid dadaalada dheeraadka ah ee dowladda Turkiga ay ku dhaqaaqday, oo dhawaan xitaa wasiirkoodii arrimaha dibadda uu tagay Itoobiya, Soomaaliyana xiriiro dhow ay la soo samaynayeen marka waxaa loo arkay mumiin inay tahay in wajiga labaad uu deg deg u furmo oo laga soo hormariyo toddobaadyo muddadii horrey loogu balamay” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’ud Aweys. Wuxuu sheegay wasiirku in madaxweynaha Turkigu uu teleefoonka kula hadlay xalay madaxweyne Xasan Sheekh iyagoo ka wada hadlay dadaallada iyo sidii horrey loogu sii ambaqaadi lahaa. Sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys, shirka ayaa ka sii anba qaadaya halkii horrey loo taagnaa, balse wuxuu ku adkaystay inaysan Soomaaliya marna ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madaxbaannida iyo Qaranimada Soomaaliya. Itoobiya ayaa horrey u sheegtay inay doonayso inay boos ka hesho badda cas balsse dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celcelisay in Itoobiya ay martay dariiq an ahay kii saxda ahaa sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal u jeedinayey labada aqal baarlamaan ee Soomaaliya. Dhawaan ayey ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan oo booqday Addis Ababa uu sheegay in Itoobiy loo ogolaan doonno marin baddd ah. The post Maxay tahay sababta loo soo hormariyay wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya? appeared first on Caasimada Online.
-
Booliska Soomaaliya ayaa amarro culus dul dhigey iyo milkiileyaasha iyo wadayaasha gaadiidka gaar ahaan kuwa gobolka Benaadir, wuxuuna amarkaasi la xariiraa waxyaabo laga mamnuucay, islamarkaana ciddii ku kacdaahi ay sharci ahaan xarig iyo ganaax adag mutaysan karto. Qoraal ka soo Baxay Taliska guud ee Booliska Soomaaliyeed ayaa dhammaan milkiileyaasha iyo darawallada Baabuurta iyo Mootooyinka lagu faray inay ka fogaadaan 7 todobo qodob oo aan la oggolayn, islamarkaasna sharci ahaan iyo Nabad-gelyo ahaanba dhitaabo horseedi kara. Qodobadaas waxaa kamid ah: In Macnuucay in La kaxeeyo ama la wato Gaari aan wadan Taargo iyo Buuga la haanshaha. in ay islahaadaan Buuga gaariga, Jes-nambarka iyo Taargada, hadii ay is lahaan waayaana waxaa ka dhallin kara faldambiyeed inqaab adag leh. in Gaariga kastaahi uu ka diiwaan gashan yahay Wasaaradda Gaadiidka, islamarkaana uu wadto Dukumintiga xaqiijinaaya in uu bixiyey canshuurta. ayadoo La raacaayo Qaraarkii ka soo baxay Golaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Waxaa markale la cadeynayaaa in aan la keeni Karin, lana buufin Karin Mooto Bajaaj Cusub . Waxaa Mamnuuc ah in macluumaadka Mooto bajaaj Noqotey Howlgal Sida (Xafarka A ama B ) Jesnambarka ,Taargad Iyo iwm loo guuriyo Mooto Kale oo aan laheyn xogtaas. Waxaa si gaar ah Loogu Wargaliyay Milkiilashaada iyo Howl wadeennada Ku Shaqeysta Mooto Bajaajta in aan Xuduudaha Caasimadda laga soo gelin Karin Mooto Bajaaj laga keenay Gobolada Kale. Waxaa ugu dambeyn la xusuusinayaa cidkasta oo ku Guuldareysata u hoggaan Samida Awaamiirta Sare ku Xusan in ay la kulmidoonto Talaabooyin adag Oo waafaqsan Sharciga. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — The Paris 2024 Olympics provided a stage for Somali-born athletes to demonstrate their immense talent and resilience. As the large diaspora competed under various national flags, these athletes carried the hopes of their communities while representing their adopted countries. Below is a detailed look at their backgrounds and how they performed in Paris. Source: Hiiraan Online