-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa meel adag iska taagtay wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya uga socda dalka Turkiga, kaas oo salka ku haya soo afjarida is-afgaradkii Addis Ababa ee Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixday qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan ayaa sheegaay in Soomaaliya aanay marnaba heshiis kula gali karin Itoobiya dhul badeed aysan awood u laheyn, taas oo ula jeedo xeebaha Somaliland. Sidoo kale waxa uu si cad u sheegay in heshiis ay dowladda federaalka Soomaaliya gasho aan laga fulin karin Somaliland, xilli uu magaalada Ankara ee dalka Turkiga uu Soomaaliya iyo Itoobiya uga socdo wada-hadal xal loogu raadinayo xiisadda badda. “Waa la ogyahay in Jamhuuriyada Somaliland aanay ahayn Soomaaliya, hesiishyo faro badan ayey galaan qoladaa Xamar, weligeedna heshiis ay galeen kama fulin Somaliland,” ayuu yiri wasiir Cali Mareexaan oo la hadlay BBC. Wasiirka ayaa ku dooday in Soomaaliya ay keliya rabto inay saxeexdo is-afgaradkii ay hore u wada-galeen Somaliland iyo Itoobiya, isaggoo yiri “arrintani waxay markhaati u tahay arrintii aanu in badan sheegnay ee ahayd in dowladda Muqdisho doonayso in ay iyadu saxeexdo.” Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka shanqadhisay in Itoobiya ay u ogolaan doonaan oo keliya heshiis ganacsi, kaas oo lamid ah kan ka dhexeeya Jabuuti iyo Itoobiya ee isticmaalka dekeddaha. Is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya ee xiisada ka dhex abuuray labada dal ayaa dhigayay in Itoobiya ay baddeena ka hesho saldhig ciidan, taas badalkeedana ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, taas oo xad-gudub ku ah qarannimada Soomaaliya. The post Somaliland oo war yaab leh soo saartay xilli DF iyo Itoobiya ay ku shirsan yihiin Ankara appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Former Somali Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke has called on Somalia to reject any deal with Ethiopia that would allow the establishment of a military base in Somali waters. His warning comes as Turkey leads diplomatic efforts to defuse escalating tensions between Somalia and Ethiopia over a controversial agreement involving Somaliland. Source: Hiiraan Online
-
Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkigu dhex-dhexaadinayo oo xalay la isku mari waayay ayaa lagu wadaa in ay mar kale saaka ka furmaan magaalada Ankara. Wada-hadalladii labada dhinac ee xalay ayaa sida wararku sheegayaan la isku mari waayay qaabka ay uga laabanayso Itoobiya MOU-gii Somaliland iyo qaabka loo qeexayo helidda marin biyoodka Itoobiya raadinayso. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Itoobiya ay dalbatay in iyaga iyo Soomaaliya ay marka hore heshiis badeed galaan oo Turkigu damaanad ka yahay halka dowladda Soomaaliya dalbatay in marka hore Itoobiya si cad uga baxdo MOU-gii. Ilaa iyo hadda labada dhinac ee Itoobiya iyo Soomaalia ma dhexmarin wax wada-hadal toos ah islamarkaana waxa farriimaha u kala gudbinaya dowladda Turkiga sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyeed. Wada xaajoodka ayaa xalay qaatay saacado badan waxaana mar kale loo ballansan yahay saakaTurkiduna wuxuu ku dadaalayaa in is-faham guud uu kala dhex dhigo labada dhinac oo heshiis lagu yahay. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya uga socda dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iiusl wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka digay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay aqbasho in Itoobiya ay xuquu ka hesho dhul badeedka Soomaaliya. Waxa uu si gaar ah uga digay in madaxda Soomaalida ee ku sugan Ankara in heshiis kasta oo lala galo Itoobiya uusan ku jirin ama soo jeedin in Itoobiya ay saldhig ciidan ka sameysato biyaha Soomaaliya. Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay dadaalka dowladda Turkiga ay ku dooneyso soo afjarida wuxuu ugu yeeray “gardarada Itoobiya ee ku wajahan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” “Waxaan bogaadineynaa dadaalka Turkiga waxaana rajeyneynaa in aan aragno soo afjarida gardarada Itoobiya ee ku wajahan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Laakiin, heshiis aan lala gelayn Itoobiya waa in uu ka dhigan yahay ama micneheedu yahay saldhig ciidan ama xuquuq madax-bannaan oo lagu galo baddeena,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda federaalka Soomaaliya waa inay raadisaa talo-bixin khubaro ah oo ku aadan wada-hadallada (haatan socda).” Hadalka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay uu magaalada Ankara ka bilowday wejiga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo garwadeen ka tahay dowladda Turkiga oo dadaal badan ku bixineysa sidii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhaxeeya labada dal. Turkiga oo dhinacyad isku soo jiidaya ayaa dhawaan sheegay in xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa lagu soo afjari karo in Itoobiya ay galaangal u yeelato biyaha Soomaaliya, iyadoo ixtiraamaysa madax-bannaanida Soomaaliya. Middan ma diidana Soomaaliya, balse waxay kasoo horjeeda in qeybo kamid ah baddeeda la siiyo Itoobiya, waxa uuna kal hore sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in dowladdiisa aysan diidaneyn in Itoobiya ay baddeena uga faa’iideysato hab ganacsi oo keliya, sida ay Itoobiya usoo gaarto badda caalamiga ah. The post Cumar Cabdirashiid oo uga digay dowladda Xasan in hal arrin ay ka ogolaato Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
MINNEAPOLIS (AP) — Democratic U.S. Rep. Ilhan Omar, one of the progressive House members known as the “Squad” and a sharp critic of how Israel has conducted the war in Gaza, is trying to avoid the fate of two of her closest allies when Minnesota holds its primary elections Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Agaasimaha waaxda kastamada ee wasaarada maaliyada Faysal Dheere ayaa shirkadaha Dubai Clearance Iyo Sea link Clearance ka xayiray inay wax kala soo degaan dekeda Berbera. Faysal Dheere ayaa warqad aan helay oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay inaanay shirkadaha Dubai Clearance Iyo Sea link Clearance waxba ka cashuuran Karin kastamka Berbera ilaa uu amar danbe ka soo saarayo. Warqada ayuu Faysal Dheere ku sheegay in labadan shirkadood ay carqaladeeyeen shaqada kastamka balse xaqiiqadu waxay tahay in labadan shirkadood ay diideen lacag sharci daro oo agaasimuhu ku soo rogay ganacsatada taas oo ah cashuur aanay golaha wakiiladu ansixin oo gaadhaysa $50. Labadan shirkadood oo ay leeyihiin ganacsadeyaal ka soo jeeda beesha West Burco Clan ayaa ilaa hada ay xayiraadi ka saaran tahay isticmaalka kastamka Berbera. Abdirizak Goud Qaran News
-
Taliyaha ugu sarreeya millitariga Ukraine ayaa sheegay in ciidamadiisu ay qabsadeen dhul gaaraya ilaa 1,000 kilomitir oo isku wareeg oo ka tirsan gobolka Kursk ee dalka Ruushka. Waa marki ugu horreysay oo uu sarkaal ka tirsan millitariga Ukraine uu si cad uga hadlo wararka ku saabsan in Ukraine dhul ka qabsatay dowladda Ruushka. Gen. Oleksandr Syrskyi ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay, in dagaalka uu ka socdo dhammaan jiidaha hore islamarkaana ay ilaa 1,000 km gudaha ugu jiraan dalka Ruushka. Warkan ayaa imaanaya iyadoo ku dhawaad hal todobaad laga joogo weerar culus oo ciidamada Ukraine ku galeen dhulka Ruushka kaasi oo jawaab u ah duullaanka Ruushka ee Ukraine. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Isniintii sheegay, in weerarka Ukraine soo qaadday uu yahay isku day ay ku dooneyso in ay ku hakiso duullaanka ciidanka Ruushka ee gobolka Donbas. PUNTLAND POST The post Ciidamada Ukraine oo sheegay in ay qabsadeen qeyba kamid ah dhulka Ruushka appeared first on Puntland Post.
-
Las Anod (HOL) — The Somali Immigration and Citizenship Agency (HSJ) has opened a branch office in Las Anod to provide passport services to residents in the region. The opening represents a strategic effort by the Somali Federal Government to expand its influence in SSC-Khatumo. By establishing this new branch office, Mogadishu is asserting its authority and presence in an area that has long been contested by Somaliland. Source: Hiiraan Online
-
Turkey was seeking to bring together Monday Horn of Africa rivals Somalia and Ethiopia for the second round of talks in Ankara aiming to ease tensions between them, a Turkish diplomatic source said. Source: Hiiraan Online
-
Minnesota (Caasimada Online) – Guddiga awoodda badan ee galaangalka u sameeya Israa’iil ee loo yaqaanno AIPAC ayaa illaa $100 malyan ku kharash gareynaya sidii ay kuraastooda ku weyn lahaayeen xubnaha loo yaqaanno ‘kooxda’ ee ah siyaasiyiinta horusocodka ah. Warqad qorshahaas lagu qoray ayaa Ilhaan Cumar oo xisbiga dimuqaraadiga ka tirsan, lagana soo doorto Minnesota, kana mid ah xubnaha aas-aasay ‘kooxda’. Waxaa la sheegay in Ilhaan tahay bartilmaameedka ugu weyn, ayadoo doorashada hordhaca ah ee xisbiga dhexdiisa ay is wjihi doonaan 13 Agoosto Don Samuels. Ilhaan iyo xubnaha kale ee ‘kooxda’ ayaa aad u taageera xabbadjoojin laga gaaro dagaalka Qasa, waxayna aad u dhaliilaan Israa’iil. AIPAC waxay horeba u kharash gareeyeen $14 malyan, ayagoo ka caawinayey George Latimer oo ka tirsan dimoqaraadiga inuu kursiga ka rido Jamaal Bowman oo ka tirsan ‘kooxda’, aadna u dhaliila Israa’iil iyo dagaalkaba. Dhaqaalahaas ayaa Latimer ka caawiyey inuu guul aad u weyn gaaro. Samuels oo ah siyaasi qunyar socod ah oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, horena xubin uga soo noqday golaha deegaanaka ee Minneapolis ayaa doorashadii noocan oo kale ahayd ee isreeb-reebka ku guuldarraystay ka dib markii ay 2022 Ilhaan Cumar kaga guulaysatay 2,466 cod. AIPAC iyo kooxaha kale ee galaangalka u sameeya Israa’iil ee a y ka midka yihiin PAC iyo United democratic project waxay u arkayaan Ilhaan in aan la loodin karin. “Waxay ila tahay inay ogyihiin in Ilhaan Cumar ay tahay qof aad u adag oo taageero badan gudaha ku leh, taariikh hore oo fiicanna ku leh degmada, kaliya maaha adeegyada la qabto laakiinse sidoo kale hogaanka siyaasadda iyo hindiseyaasha malin kasta caawiya dadka degmada” ayuu yiri Usamah Andrabi oo warbaahinta u qaabilsan Justice democrats oo ah koox taageerta ‘kooxda’. “Waxay ila tahay inay ogyihiin inay tahay qof khatar ku ah, taa micnaheeduna ma aha inaysan lacag u adeegsanayn xataa haddii ay sidaa tahay” ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Ilhaan ayaa horey loogu eedeeyey in ay horay u dhaliishay Israa’iil, arrintaas oo uu ku gacan-sayray xisbiga ay ka tirsan tahay ee Dimuqraadiga. 218 xubnood ayaa u codeeyay in Ilhaan laga saaro guddigaas, halka 211 xubnood ay diideen mooshinkaas. “Waxaa jira feker ah in aad tahay la tuhunsane haddii aad tahay soogalooti, aad ka soo jeedo qeybo gaar ah oo kamid ah caalamka, ama iyadoo lagu saleynayo midabkaaga ama in aad haysato Diinta Islaamka,” ayay tiri Ilhaan. Ilhaan Cumar waxay markii afaraad u tartamaysaa in laga soo doorto degmada shanaad oo ah Minneapolis iyo deegaannada ku xeeran. Ninka la tartamaya Ilhaan, Don Samuels, oo markiisii hore ka yimid Jamaica, taageerada uu ka helayo AIPAC ma cadda inta ay le’eg tahay, laakiin hore ayuu ugu dhaliilay inay Ilhaan ka hortimid oo ka codaysay qorshe cod loogu qaadayey dhaqaale la siin lahaa ciidanka Israa’iil, isagoo arrintaa awgeed ku tilmaamay in ”degmada ay ka dhigtay mid faquuqan oo gooni u go’an”. Isha: BBC The post Ilhaan Cumar oo wajaheysa qorshe halis ah oo Israel u maleegayso – Muxuu yahay? appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia’s economy is projected to recover to 3.7 percent growth this year and 3.8 percent in 2025 as it reaps the benefits of East African Community (EAC) membership, a new African Development Bank (AfDB) report says. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Aug. 12 (Xinhua) -- At least 39 people were killed in recent inter-clan clashes in Somalia in the past two months, the United Nations humanitarian agency said on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Kyiv (Caasimada Online) – Taliyaha ugu sarreeya militariga Ukraine ayaa sheegay in ciidamadiisa ay hadda gacanta ku hayaan dhul gaaraya ilaa 1,000 kilomitir oo isku wareeg oo ka tirsan gobolka Kursk dalka Ruushka. Waa marki ugu horreysay oo uu sarkaal ka tirsan militariga Ukraine uu si cad uga hadlo duullaanki kediska ahaa ee waji-gabaxa ku noqday Kremlin-ka. Gen. Oleksandr Syrskyi ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay, in dagaalka uu ka socdo dhammaan jiidaha hore, isla markaana ay ciidanka Ukraine ay hadda xaaladuhu gacanta ku hayaan. Ku dhawaad hal todobaad kaddib weerarkaasi, ayay ciidamada Ruushka aysan wali bixinin jawaab. Laakiin madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Isniintii sheegay, in weerarka Ukraine soo qaadday uu yahay isku day ay xukuumadda Kyiv ku dooneyso in ay ku hakiso duullaanka ciidanka Ruushka ee gobolka Donbas. Wuxuu kaloo intaasi raaciyay in sidoo kale ay Ukraine ku rabto weerarkaasi in ay galangal weyn ku yeelato wadahadallada nabadda ee mustaqbalka, ee laga yaabo in ay wada yeeshaan Ruushka iyo Ukraine. Arrintan ayaa weji cusub u yeelaysa dagaalka labada dal ee mudadda socday, kaasi oo uu ka dhashay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur horleh. The post Dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo weji cusub yeeshay iyo Kyiv oo ku dhowaaqday… appeared first on Caasimada Online.
-
Shiinaha ayaa cambaareeyay weerarkii dhawaan ay ciidamada Israa’iil ku dileen 100 Falastiiniyiin ah,kadib markii ay duqeeyeen iskuul ay gabbaad ka dhiganaayeen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa Qaza. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian ayaa ayaa bayaan ku sheegay in Beijing ay cambaareysay fal kasta oo lagu waxyeeleynayo dadka rayidka ah,isla markaana ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah ee bini’aadanimada. Afhayeenku waxa uu ku baaqay in Israa’iil ay si degdeg ah u joojiso weerarrada ay ku hayso Qaza, ayna samayso wax kasta oo suurtagal ah si loo badbaadiyo dadka rayidka. 10-kii Agoosto ee ayeey aheyd markii militariga Israa’iil ay weerareen dugsiga Al-Taba’een ee xaafadda Al-Daraj ee bariga magaalada Gaza, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 100 ruux. Cambaareynta Shiinaha ayaa imaaneysa xilli Israel ay dishay ugu yaraan 10 qof ,kadib kolkii ay weerareen guri ku yaalla deegaanka Abasan al-Kabira ee bariga Khan Younis, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa. Dhanka kale,Xamaas ayaa ugu baaqday Mareykanka, Qatar iyo Masar inay soo gudbiyaan qorshaha lagu dhaqan gelinayo hindisaha xabbad joojinta ee uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ay dileen ciidamada Israel ayaa la sheegayaa in ay ku dhowdahay 40.000,kadib dagaalkii soo biowday 7-dii Oktoobar ee sanadkii tagay. PUNTLAND POST The post Shiinaha oo cambaareeyay weerarrada Israa’iil ku hayso barakacayaasha reer Falastiin appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Hey’adda Danbi-baarista Gudaha Mareykanka ee loo soo gaabsho FBI ayaa Isniinti shalay sheegtay in ay billowday baaritaan ku aaddan eedaha sheegaya in loo dusay kambuyuutarrada ololaha doorashada Donald Trump kadibna la xaday dukumintiyo xasaasi ah. Baaritaankan ayaa imanaya maalmo kaddib markii uu olalaha Trump shaaciyay in Iran ay weerar xagga internetka ku bartilmaameedsatay ololahooda Inkasta oo aysan bixinin faah-faahin dheeraad ah iyo caddeymo muujinaya in Iran ay weerarkaasi ku lug leedahay. Shirkadda Microsoft ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku xaqiijiyay in uu dhacay isku day ay wakiillo ajnabi ah ay ku rabeen in ay ku fara-geliyaan ololaha doorashada Mareykanka ee 2024. Howl-galka Iran ee Qaramada Midoobay, oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa beeniyay in ay ku lug leeyihiin. Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa muddo dheer lagu tuhunsanaa inay wadday ololeyaal ay ku jabsatay xogo dhanka online-ka ah oo yaallay Bariga Dhexe iyo meelo kasii shisheeya. Tehran ayaa sidoo horay ugu hanjabtay in ay ka aargudan doonto Trump, kadib weerarkii sannadkii 2020-kii lagu dilay Jeneral Qasim Suleymani oo ka tirsanaa saraakiisha sare ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, weerarkaas oo uu amray madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump. The post FBI-da oo baareysa weerar lagu qaaday TRUMP oo looga shakisan yahay dalka… appeared first on Caasimada Online.
-
455124470_813508687560527_8293529886634512601_n Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Wadahadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka socda magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa meel adag maraya, iyadoo la isku mari la’yahay qodobada qaar. Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo heshiis beenaadkii badda lagu bixinayey ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen. Itoobiya ay dooneysa in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan MOU-gaas iyo waxa loogu bedelayo, si la mid ah tii dowladdii hore markii ay Muqdisho heshiis is faham ku gaareen Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxneynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo. Farmaajo iyo Abiy ayaa isku fahmay in afar Dekedood ay maalgashato Itoobiya, kadib booqashadii Abiy Axmed ku yimid Muqdisho sanadkii 2018-kii, balse dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa burburisay heshiiskii Farmaajo. Diblomaasiyiinta Turkiga ayaa u kala gudbinaya farriimaha, ma jirto wada hadalo fool ka fool ah oo ilaa hadda labada dhinac dhex maray. Wadaxaajoodka ayaa saacado badan qaatay, walina wax is afgarad ah lama gaarin, dowladda Turkiga waxay ku dadaalaysaa in is-faham guud ay kala dhex dhigto labada dhinac oo heshiis lagu yahay. Wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan ayaa hoggaaminaya diblomaasiyiinta Turkida ah ee dhex dhexaadinaya ergada ka kala socota Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Soomaaliya ayaa diiday in toos la isku hor fariisto ilaa inta Itoobiya ay ka laabaneyso heshiis beenaadkii ay la gashay maamulka Somaliland. The post Xog: Wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka socda Ankara oo maraya meel xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Wada hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa meel adag maraya, iyadoo la isku mari la’yahay qodobada qaar. Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo MOU-gii, halka Itoobiya ay dooneyso in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan MOU-gaas iyo waxa loogu bedelayo. Diblomaasiyiinta Turkiga ayaa u kala gudbinaya farriimaha, ma jirto wada hadalo fool ka fool ah oo Illaa hadda labada dhinac dhex maray. Wada xaajoodka ayaa saacado badan qaatay, walina wax is afgarad lama gaarin, Turkiduna waxay ku dadaalayaan in is-faham guud uu kala dhex dhigo labada dhinac oo heshiis lagu yahay. PUNTLAND POST The post Wada-xaajoodka Turkiga uga socda Soomaaliya iyo Itoobiya oo weli la isku mari la’ yahay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido. Dhallinyaradan ayaa wakhti halis ahaa ku dhiirraday in ay dhabarkooda ku qaadaan oo badbaadiyaan dadka waxyeellada soo gaartay ee dhaawaca ahaa oo dhulka yaalay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyaradan ku ammaanay geesinimadooda, isaga oo ku tilmaamay halyeeyo qaran oo tusaale u ah dhallinyarada Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay mar walba garab taagan tahay dhallinyarada u taagan difaaca iyo badbaadinta bulshada, waxaana uu ku dhiirrigeliyey in ay sii wadaan dadaalkooda. “Waxaad xilli adag muujiseen geesinimo iyo in aad caawisaan dhallinyaro walaalahiin ah oo xaalad adag ku jiray, idinka oo khatar u galiyey naftiinnaa, dadkiinana u shaqeeyey, runtii shaqada ay qabteen waxa soo jiidatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Xukuumadda DanQaran waxa ay idinku abaalmarinaysaa geesinimdiina oo aad ku muteysateen billad iyo shaqaalaysiin.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in uu ka dhaxeeyo xiriir dhow oo aan la siyaasadeyn karin, isla markaana xukuumaddu mudnaanta koowaad la siinayo dhallinyaradu sidii ay u heli lahaayeen shaqooyin iyo wax walba oo ay dalkooda uga baahan yihiin. Waxa uu intaas ku daray in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin lafbartii dalkan, dowladduna ay gacan buuxda ku siinayso sidii ay horumuud ugu noqon lahaayeen ummadda Soomaaliyeed. Dhallinyaradii ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha taageerada iyo dhiirrigelinta xukuumadda, iyaga oo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan ka shaqeynta danta guud iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed. Hoos ka daawo The post Daawo: RW Xamsa oo qaaday tallaabo cajiib ah oo dhiirigelisay dhalinyarada appeared first on Caasimada Online.