-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
President of Somalia, Mohamed Abdulahi Mohamed, arrived in Asmara, Eritrea early today for Tripartite Summit between Ethiopia, Eritrea and Somalia. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Tel Aviva)-Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in markii ugu horraysay ay muwaadiniinteeda u ogolaan doonto inay u safraan waddanka Sucuudi Carabiya, taas oo ah astaantii ugu dambeysay oo lagu hagaajinaayo xidhiidhka labada dal. Hasayeeshee Sucuudi Carabiya ayaanan weli ku dhawaaqin waxay dhinaceeda sameynayso. Israa’iil iyo Sucuudiga malaha wax xidhiidh ah oo diblumaasiyadeed balse cabsida ay labaduba ka qabaan Iiraan ayaa haatan isu soo dhaweyneysaa. Waxaa jiray xidhiidho hoose oo u dheexeyo Iiraan kaas oo ay kaga hadlayeen sidii looga hortagi lahaa saameynta Iiraan ay ku leedahay gobolka Bariga Dhexe. Israa’iil waxay ku rajo weyn tahay in muwaadiniinteeda ay u safraan Sucuudiga gaar ahaan kuwo doonayo in waajibaadka xajka ay gutaan ama howlo ganacsi. Sucuudiga kama hadlin hadalka kasoo baxay Israa’iil, waxay u muuqata in Sucuudiga uu isku dayayo in uu la yimaado siyaasado furfuran. Waxaa uu Sucuudiga bilaabay dal ku gal loogu talagalay dalxiisayaasha balse muwaadiniinta Israa’iil xaq uma laha dal ku galkaa. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dil xalay fiidkii hore Dayniile loogu geystay Nabadoon Cabdirisaaq Yuusuf Shabeel. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in marxuumka ay toogashu ku dileen Xoogagooda, kadibna ay goobta isaga dhaqaaqeen. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay kooxa Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Marxuum Cabdirisaaq Shabeel uu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka, islamarkaana uu ku lug lahaa culumo loo gacan galiyey Mareykanka, sida lagu yiri warka Al-Shabaab. “Mujaahidiinta ayaa howlgal qorshaysan ku dilay Cabdi Yuusuf Shabeel oo u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka CIA kaalina ku lahaa raafkii ka dhankaa culimadii Mareykanka laga iibsan jiray xiligii dagaal oogeyaasha.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al-Shabaab. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda federaalka, gaar ahaan laamaha amniga oo ku aadan dilka Nabadoonkaasi oo ka dhacay xaafada Barwaaqo ee degmada Dayniile, waxaana la toogtay xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla halkaasi. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa inta badan dilal qorsheysan iyo weeraro gaadma ah ka fuliya qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka, gaar ahaan kuwa saxiixayaasha Galmudug oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa todobo qodob ka soo saaray doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa. Warsaxaafadeedka ka soo baxay odayaasha ayaa ugu horreyn waxaa dowladda federaalka loogu baaqay in ay taageerto xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, islamarkaana ay ku garab istaagto dhismaha maamul mid ah. Sidoo kale ayaa odayaasha dhaqanka ayaa ka dalbaday baarlamaanka in aan dib loo dhigin waqtiga doorashada, islamarkaana la qabto waqtiga loo asteeyey. Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu faray xubnaha 20-ka ee Ahlu Sunna ugu jira baarlamaanka Galmudug inay gutaan waajibaadka loo igmaday, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo dib u dhac ku yimaada doorashada maamulkaasi. Saxiixayaasha Galmudug ayaa dhinaca kale beesha caalamka ka dalbaday inay teegeerto dhismaha loogu jiro maamul mid ah oo ay u dhan yihiin gobollada Galgaduud iyo Mudug. Ugu dambeyn waxa ay odayaashaan u soo jeediyeen musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay ka qeyb qaataan tartanka loogu jiro doorashada. Halkan hoose ka akhriso:
-
Warar lagasoo xigtey Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta Puntlandi.com u xaqiijiyey in Maleeshiyaadka Argagixisada ay Dhaqdhaqaqaaq Cabsi galiyey Shacabka ay ka wadaan Duleedka Degmada Qandala. Maleeshiyada [...] Source
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa 15 maalin gudaheed waxaa uu markii 2-aad safar ku tagayaa dalka Eritrea. Arrintan ayaa la dambeysay kadib markii uu shir isugu wacay ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, shirkan oo saddex geesood ah waa madaxweeyneyaasha Eritrea iyo Soomaaliya Isaias Afwerki, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Shirkan lama sheegin wax ajende ah sida la mid ah midkii ay 10-kii bishan ay Asmara ku yeesheen Isaias Afwerki iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Labada safar ee Asmara waxaa u dhaxeysay safar kale oo uu madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Cummaan halkaasi uu uga qeyb galay tacsida Suldaan Qaabuus. Wararka safarkan, kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Laascaanood)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in Puntland leedahay Taariikhda Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan. Madaxweyne ku-xigeenka oo Maanta hadal ka jeediyey Magaalada Garoowe ayaa isagoo daba socda hadal uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ku sheegay in Taariikhda Daraawiishta ay Somaliland leedahay, wuxuu sheegay in sheegashada Wasiirka Warfaafinta Somaliland aanay waxba ka jirin “Nin baa halkaa ka yidhi oo sheegtay Taariikhda Sayidka, Ninkaasi Afkaan ku ballaadhinayaaye wuxuu yidhi Taariikhda Sayid (Waxa leh) Hargeysa..” ayuu yidhi, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, waxaanu intaa ku daray “Ninkaa waxaanu leenahay ‘Aa la tahay’ Iska hadlow ina igarre..” Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa dhawaan sheegay in Somaliland leedahay Taariikhda Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan. Halgankii Daraawiishta ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu xusay ee ku qoran Dastuurka Somaliland. Source
-
The President of the Federal Republic of Somalia, H.E Mohamed Abdullahi Farmajo, to join H.E President Isaias Afwerki of Eritrea and H.E Prime Minister Abiy Ahmed of Ethiopia, in Asmara, Eritrea for the joint trilateral summit involving the countries of the Horn of Africa. The summit seeks to strengthen the shared interest of regional cooperation between Somalia, Eritrea, and Ethiopia. Talks and discussions centered on the development and stability of the three partner states will feature prominently on the summit. The three leaders will use the summit to review and evaluate the effectiveness of existing efforts and measures to boost transparency in the region, discuss strengthening regional stability geared towards countering terrorism and address challenges surrounding regional Cooperation and integration. The delegation of the Federal Government of Somalia led by H.E President Mohamed Abdullahi Farmaajo will share with their Eritrean and Ethiopian counterparts in the summit on the commitments of the government and the people of Somalia especially on strengthening governance and prosperity, share the gains made in the past, while also emphasizing their vital role in the ambitious development process for the region. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Asmara ee dalka Ereteriya kaga qayb-gelaya kulan Madaxeed ku saabsan Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya. Kulankan oo ay ka qayb-gelayaan Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika. Inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka. Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya wadahadalladan ayaa la wadaagaya dhiggooda dalalka Ereteriya iyo Itoobiya sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay adkeynta dowladnimadooda iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, taasi oo xoojinaysa in ay door muhiim ah ka qaataan geeddi-socodka horumarineed ee la hiigsanayo. View the full article
-
(SLT-Riyadh)-Wasiirkii hore ee Cadaaladda ee Boqortooyada Sucuudiga Mohammed Bin Abdul-Karim Issa, ayaa sheegay in Dalkiisu joojinayo Maalgelinta Masaajidada ka dhisan Dalalka shisheeye ama dibedda. Sida laga soo xigtay Wargeyska Le Matin Dimanche oo ka soo baxa Switzerland, Sucuudiga ayaa qorshaynaya in Masaajiddadii dhaqaalaha ku Maalgelin jiray uu Maamulkooda ku wareejiyo Guddiyo ama Goleyaal Maxali oo ay dusha ka maamulaan Dawladaha Dalalka ay ka dhisan yihiin Masaajiddadaasi. Wargeysku wuxuu sheegay in Masaajid kasta loo samaynayo Guddi Maamusha, kuwaasi oo ka imanaya deegaanka uu Masaajid kastaaba ku yaallo, si Masaajiddada loogu wareejiyo Gacmo aamin ah. Wasiirka hore oo u warramay Wargeyska Le Matin Dimanche ayaa isagoo tusaale u soo qaadanaya Masaajid ku yaalla Magaalada Geneva wuxuu sheegay in la gaadhay xilligii Masaajidkaasi lagu wareejin lahaa Guddi Matalaya Muslimiinta ku dhaqan halkaasi. Wasiirku wuxuu sheegay in Tallaabooyin la mid ah kuwa Masaajidka Geneva ku yaalla laga qaadi doono Masaajiddada dunida ku yaalla oo dhan, iyadoo la tixgelinayo xagga amniga. Source
-
Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, ayaa sheegay in maanta ay ku ektahay isdiiwaangalinta murrashaxiinta u taagan qabashada xilka ugu sareeya maamulkaasi. Ilaa iyo haatan waxaa isdiiwaangalisay kaliya labo murrashax Axmed Shire Maxamed Falagle iyo Axmed Cabdullahi Samatar, kuwaas oo qaatay shahaadada cadeynaysa isdiiwangalintooda, waxaana jira guux ku aadan in murrashaxiinta qaar ay dalbadeen in waqti la siiyo si olole dheeraada ay u galaan, maadaama marrashaxiintaasi ay ka cabanayaan in dowladda Soomaaliya ay faragalin ku hayso doorashada maamulka Galmudug. Shalay ayay ahayd markii xubin u hadlay guddiga doorashada Galmudug uu sheegay in 24-saac oo kaliya ay uga darayaan murrashaxiinta dalbaday waqtiga dheeriga ah oo maanta ku ekaa. Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay khilaaf hor leh kaas oo salka ku haya dhismaha Galmudug, iyadoona haatan Guddigaan ay ku adkaysanayaan in doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkaba ay waqtigeeda ku qabsoomi doonto. Wixii ku soo kordha warkaan halkaan ayaad kala socon doontaa Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay cunaqabateynta ka qaadi doonin dalka Iiraan. Iyadoo wali ay ka taagan tahay gacanka Khaliijka xiisad dagaal ee u dhaxeysa Washington iyo Tehraan ayaa hadane Trump wuxuu meesha ka saaray talaabo kasta oo Iiraan lagaga qaadayo xayiraada Dhaqaale. Hogaamiyaha Mareykanka ayaa tilmaamay in Mareykanka aanu qaadi doonin xayiraada inta Iiraan ay wado bacriminta maadada Uranium-ka ee hubka Nuclearka taasi oo Iiraan ay dhowaan Shaacisay. Hadalka Trump ayaa jawaab u ahaa war ka soo baxay wasiirka arimaha dibada Iiraan Maxamed Javad Zarif oo ahaa in wadahadal ay la galayaan Mareykanka. Mr Zarif ayaase ku xidhay shuruud ah in Washington ay saxdo qaladkii hore ayna ka qaado xayiraada dhaqaale ee saaran Dalkiisa. Diblumaasiga reer Iiraan ayaa dhankiisa sheegay in ayna ka soo dabci doonin Go’aankooda. Xiisada labada wadan ayaa cirka isku shareertay kadib dilkii 2-dii bishan Mareykanka uu ku qaarijiyay taliyihii ciidanka kacaanka Iiraan Janaraal Qaasim Suleymaani. Iiraan oo ka jawaabeysay ficilkaan ayaa dhankeeda laba mar weerartay saldhigyada ciidanka Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay soo buux dhaafiyeen dhulka buuraleyda Puntland, gaar ahaan tuulooyin ku teedsan degmada Qandala ee gobolka Bari. Wararka ayaa sheegaya in kooxdu dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilowday halkaasi, iyadoona xaaladda deegaanadaasi ay tahay mid kacsan. Sidoo kale ilo deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalyahannada kooxda Daacish ay ka soo degteen dhanka dhulka buuraleyda ah. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dhaq dhaqaaqyada Daacish ay ka bilowday degmadaasi oo ay haatan ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Puntland. Qandala ayaa waxaa kooxdaan laga saaray 7-dii December ee sanadkii 2016-kii, kadib markii ay weerareen ciidamada sida gaarka ah u tababar ee maamulkaasi. Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo saraakiisha amniga gobolka Bari ay ka soo saareen dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ka socda deegaano ka mid ah gobolkaasi. Xaaladda ayaa si aad ah u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal qarxo. Inta badan Daacish ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulisa deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamulkaasi.
-
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa saaka oo isniin ah wuxuu u duulay Dalka Eritrea halkasoo uu ka furmi doono kulan Sadex geesood [...] Source
-
Barack Obama oo Tacsi Tiiranyo leh u diraya Nin Caan ah oo geeriyooday Wararka ka imaanaya magaalada Los Angeles ee dalkaasi Mareykanka ayaa waxa ay sheegayaan in ciyaaryahan ku caanbaxay Basketball-ka oo lagu magacaabo Kobe Bryant uu halkaasi ugu geeriyooday shir diyaaradeed oo nooca qumaatiga u kaca, shalay gelinkii dambe. Geerida Kobe ayaa waxaa xaqiijiyay daladda ciyaaraha Basketball-ka Mareykanka ee NBA. Wararku waxa ay sheegayaan in shilkaasi ay ciyaaryahanka kula geeriyootay gabashiisa curadda-xigeenka ah ee Gianna oo 13 jir aheyd. Kobe oo 41 jirsaday ayaa taariikh mug leh ka galay ciyaaraha basketball-ka, waxaana uu ka mid noqday ciyaaryahannada ugu mucjisada badan ee soo mara NBA-da. Booliska magaalada Los Angeles ayaa sheegay in shilkaasi ay ku geeriyoodeen 9 ruux oo uu ku jiro Kobe Bryant iyo gabar uu dhalay. Kobe ayaa ifka kaga tagay xaas iyo saddex gabdhood oo uu dhalay, waxaana tirada guud ee carruur oo uu dhalay ahaayeen 4 gabdhood oo ay midi la dhimatay. Dadka wax-galka ah ee ciyaaraha ku jira iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mareykanka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Kobey Bryant oo ay ku sheegeen mid naxdin badan. Kobe was a legend on the court and just getting started in what would have been just as meaningful a second act. To lose Gianna is even more heartbreaking to us as parents. Michelle and I send love and prayers to Vanessa and the entire Bryant family on an unthinkable day. — Barack Obama (@BarackObama) January 26, 2020 Ciyaaryahanka geeriyooday ayaa dhawaan ka fariistay ciyaaraha Basket-ka. Qaran News
-
(SLT-Washington)-Kobe Bryant oo ahaa xidig dhanka kubadda kolayga ah oo u dhashay waddanka Maraykanka ayaa geeriyooday. Bryant ayaa ku dhintay shil diyaaradeed, kadib markii diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah oo uu la socday ay soo dhacday kadibna burburtay. Wuxuu ahaa 41-jir, wuxuuna u ciyaari jiray xulka kubadda kolayga ee Maraykanka. Wuxuu ku guulaystay 5 ka mid ah biladaha kubadda kolayga. Geeridiisa ayaa qabsatay baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho, iyadoo dalka Talyaaniga si gaar ah looga xusayo geeridiisa, maadaama uu wakhti kusoo qaatay yaraantisii. Source
-
(SLT-Ciraaa)-Saddex madfac ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu weeraray dhismaha safaaradda Mareykanka ee Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq. Wakaaladda wararka ee AFP ayaa kusoo warrantay in mid kamid ah madaafiicdaas uu ku dhacay maqaaxi ku taala gudaha dhismaha safaaradda, halka labada kalena ay ku dhaceen meel aan sidaa uga fogeyn. Sidoo kale Reuters oo soo xiganeysa ilo dhanka ammaankaa ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhaawacmeen, waxaana ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo shaqaale katirsan safaaradda Mareykanka ee dalkaas ay ku dhaawacmaan weerar noocan oo kale ah. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaas, haseyeeshee Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay kooxaha taabacsan Iran ee ka dagaalama gudaha dalka Ciraaq. Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, Adel Abdul Mahdi ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna sheegay in sii socoshada falalka noocan oo kale ay dalka Ciraaq ka dhigeyso goob dagaal. Dowladda Mareykanka ayaa dhiggeeda Ciraaq ugu baaqday in ay gudato waajibaadkeeda ah ilaalinta diblomaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan dalka. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Maadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Asmara ee Caasimada dalka Eratariya. Ujeedka Madaxweyne Farmaajo ee dalkaas ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka shirka saddex geesoodka ah ee Magaalada Asmara uga furmi doona Madaxweynaha Eratariya Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo shalay halkaas gaadhay. War qoraal ah oo bartiisa Twitter-ka uu kusoo qoray Abiy Axmed ayaa waxaa uu ku shaaciyay in Asmara uu kulan kula yeelan doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Isaias Afwerki, iyagoona ka wada hadli doona arrimo kala duwan. Shir Saddex geesoodka ayaa waxaa ay kaga wada hadli doonaan Arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya saddexda dal iyo arrimo kale oo ku aadan Gobolka. Safarka uu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Asmara ayaa waxaa shaaciyay Wasiirka Warfaafinta Eratariya, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ay halkaas gaadhaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa horaantii bishaan Jeeniwari ee 2020 socdaal ku tegay Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eratariya. Source
-
Kooxo hubaysan ayaa toogasho ku dilay Nabadoon Cabdirsaaq Yuusuf Siidow oo ku Magac dheeraa Shabeel xili uu kasoo baxay Mashid. Qof ka agdhowaa xiliga Dilku [...] Source
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Magaalada Ouagadougou (Wagadhugu) ee Caasimadda Dalka Burkiina Faso ayaa waxaa uu la kulmey dhiggiisa dalkaas Alassane Baka Sadandé. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dhigiisa Dalka Purkina Faso Alassane Baka Sadandé ayaa si wadajir ah u sheegeen inay ka qeyb geli doonaan kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Purkina Faso,Sidoo kalena shirkan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay. Gudomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Purkina Faso ALassane Bake sakande ayaa dhankiisa shegay in ka Dowlad ahaan ay sharaf u tahay in wafdi soomaaliya ka socda ay Dalkooda kusoo dhaweeyaan Maanta ayaa la filayaa in wadanka ku yaalla galbedka afrika ee Purkina Faso caasimadiisa ouagadougou(Wagadhugu) uu ka furmo kalfadhiga 15-aad ee midowga Baarlamaanada Dowladaha islaamka oo sanadkiiba mar la qabto. Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
-
Shirkad diyaarad oo ku xadgudubtay dad Muslimiin ah oo la ganaaxay Shirkadda la ganaaxay Waaxda gaadiidka ee dalka Mareykanka ayaa ganaax lacageed oo gaaraya $50 kun oo doolar, dul dhigtay shirkadda Delta, ka dib markii ay ku xadgudubtay qaar ka mid ah rakaab saarnaa diyaaraddeeda oo Muslimiin ah. Shirkadda Delta ayaa loo ganaaxay xadgudub ay ku sameysay saddex qof oo heysta diinta Islaamka oo si khasab ah looga saaray diyaarad ay doonayeen in ay ku safraan. Dadkan ayaa la sheegay in ay mareen goobaha la isku baaro ee shirkadda, Sidoo kalena in mas’uuliyiinta Delta ay u oggolaadeen in ay safraan, balse markii dambe laga dejiyay diyaaradda. War qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda Delta ayay ku beenisay in ay fuquuqday dadkaas Muslimiinta ah, balse waxaa ay qiratay in xaaladda si ka wanaagsan loo maareyn karay. Waaxda gaadiidka dadweynaha ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in shirkadaas ay ku xadgudubtay sharciga, waxayna ku amartay in Delta ay shaqaalaheeda siiso tababar la xiriira sida loola tacaalo waxyaabaha la xiriiro dhaqanka iyo diimaha kala duwan. Dhacdooyinka ay la kulmeen sadexda qof ayaa kala dhacay marar kala duwan, waxaa mid ka mid ah ay dhacday bishii Luulyo ee sannadkii 2016-kii, xilligaas oo qoys Muslimiin ah laga saaray duulimaadka shirkadda Delta. Mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa sheegay in uu aad ula yaabay dabciga qoyskaas Muslimnimada ay ka muuqatay, wuxuuna intaa raaciyay in uu ka shakiyay. Rakaabka ayaa diyaaradda laga saaray Shaqaalahan katirsan Delta ayaa sheegay in uu arkay qof ka mid ah dadkaas oo taleefoonkiisa gacanta ku qoray farriin ay ka muuqato magaca Alle, taasina ay shaki badan ku beertay. Gabadhii shaqaalaha ahayd ayaa arrinti ku wargelisay kaptanka diyaaradda, wuxuu isna ku wargeliyay qeybta ammaanka qaabilsan. Haseyeeshee mas’uuliyiintii qaabilsanaa ammaanka shirkadda diyaaradda ayaa sheegya in dadkaas ay yihiin kuwa u dhashay Mareykanka, aysanna jirin sabab looga argagaxo, balse kaptankii ayaa diiday in ay raacaan diyaaradda, kana soo saaray gudaha diyaaradda laba qof oo Muslimiin ahaa ee wada socday. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in kaptanka diyaaradda uu ka dhaga adeegay, una muuqday qof dadkaas rakaabka ahaa ku dhibaateeyay diinta ay heystaan aawadeed. Dembiga kale ee loo heysta Delta ayaa dhacay shan maalmood kahor go’aanka gudidga, wuxuuna ka dhacay Magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands. Waaxda gaadiidka Mareykanka Qof ka mid ah shaqaalaha iyo qofkale oo ka mid ahaa dadlkii rakaabka ayaa ka dacwooday qof Islaam ah oo la saarnaa diyaaradda, haseyeeshee kaptankii diyaaradda ayaa bannaanka u saaray boorsooyinka qofka Muslimka ah, wuxuuna baaritaan ku bilaabay kursigii uu fadhiyay. Waaxda gaadiidka dadweynaha ee Mareykanka ayaa sheegtay in qofkaas musaafurka ahaa ee heystay diinta Islaamka lagu la kacay xadgudub, ayna khalad ahayd in diyaaradda laga dejiyo.. Dowladda Mareykanka ma aanay faafaahin waxa lagu saleeyay xajmiga ganaaxa la saaray shirkadda diyaaradaha ee Delta, balse golaha Islaamka ee dalka Mareykanka ayaa su’aal geliyay ganaaxa la dul saaray shirkaddaas, iyagoona sheegay in uu aad u yar yahay marka la eego dhibaatada ay geysatay. Shirkadda Delta ayaa sannadkii sameysa dhaqaale dhan 4.8 bilyan oo doolar, $50 kun oo doolarna aanay waxba la ahayn Shrkadda Delta ayaa sheegtay in ay adkeysay ammaanka duulimaadyada wixii ka dmabeeyay sannadkii 2016-kii. Qaran News
-
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa taliyeyaal cusub u magacaabay degmooyinka Guriceel, Matabaan iyo Gaalkacyo. Wareegto ka soo baxday xafiiska Taliye Xijaar ayaa waxaa lagu faray taliyeyaasha Booliska ee loo magacaabay saldhigyada magaalooyinka inay si deg deg ah xilal ka ula wareegaan. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
