-
Content Count
214,329 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-26012020-SX.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdirxamaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay geeridii ku timid allaha unaxariistee fanaankii Daa’uud Cali Masxaf, gaar ahaan Aaskii shalay loogu sameeyey magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya. Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Daa’uud uusan mudneyn sida loo aasay, islamarkaanka dhaxalka uu fanka Soomaaliyeed uga tagay yahay mid mug leh. Sidoo kale siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa tilmaamay Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar aysan fanka Soomaaliyeed ka qabanin in Daa’uud Cali Masxaf duur cidlo ah iyo dad yar oo kooban ay ku aasaan Jigjiga oo ka mid ah magaalooyinka dhaqanka iyo fanka Soomaalida kuwooda ugu waa weyn. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in fanaaniintii la miisaanka ahayd Daa’uud Muqdisho, Hargeysa iyo Jigjigaba loogu sameeyeey Aas Qaran, isagoo intaasi ku daray inuu u maleynayo in Masxaf ay heshay tol la’aan, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka akhriso: Ma mudneyn Daa’uud Cali Masxaf in sidaas loo aaso, sababtoo ah Dhaxalka uu Daa’uud fanka Soomaaliyeed u dhaafay waa mid mug iyo miisaan culus leh, muddana dhexdeena ku noolaan doona. Ka sokow in mulaxaniiste iyo fanaan cod macaan leh ahaa, Daa’uud wuxuu ka mid ahaa macallimiinta waaweyn ee kabanka (cuudka). Xudaydi iyo Jiim Shiikh Muumin oo ah labada macallin ee Daa’uud kaga daysaday majaalkan ayaa laga hayaa ‘Daa’uud wuxuu naga badsaday garaaca Kabanka, sidaas darteen wuu nooga fiican yahay’. Haddii aan Fanka qaybihiisa kala duwan ee farshaxanka, ruwaayadaha, majaajillada, heesaha, gabayada, guurowga, geeraarka, shiribka iyo buraanburka u aragno in uu yahay awood lagu mideeyo dareenka iyo khayaalka bulshada, muraayadda laga dheehdo inta ay la egyahay ilbaxnimada, dooqa, cabir lagu gudbiyo farriimaha kalgacalka, siyaasadda, iyo waddaniyadda. In uu isku keeno dad siyaasad ku dirirsan, ama isku soo dhoweeyo duul juqoraafi ahaan kala fog. Daalka, faraxa iyo murugadaba si isku mid ah nafta looga nasiyo, yahayna kiciyaha caadifadda iyo kobciyaha garaadka bulshada walee nin dhaxal mug leh dhaafay sidaas looma aaseen. Madaxeyne Mustafa fanka Soomaaliyeed kaama qabato in Daa’uud Cali Masxaf duur cidla ah iyo dad yar oo kooban ay ku aasaan Jigjiga oo ka mid ah magaalooyinka dhaqanka iyo fanka Soomaalida kuwooda ugu waaweyn. Inkastoo Soomaali badan ay faham taban ka haystaan fanka, haddana fannaaniintii la miisaan ka ahayd Daa’uud Cali Masxaf waxaa Muqdisho, Hargaysa iyo Jigjigaba loogu sameeye aas qaran ee ma laha Daa’uud tol la’aan ayaa heshay. Fanaaniinta dhaxal faneed ka dhaafay kama liitaan saraakiisha, diblomaasiyiinta, siyaasiyiinta aaska qaran loo sameeyo. Waan hubaal inuu in uu Daa’uud aas qaran mudnaa,. Inkastoo sidii uu mudnaa uusan helin, waxaa hubaal ah in waqti badan fankiisu nagu dhex noolaan doono ee Allayahow u naxariiso Daa’uud Cali Musxaf.
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amarro ku aadan xarumaha lagu dhaqan celiyo iyo kuwa qur’aan saarka ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegtay in aysan waafasaneen Sharciga. Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobalka Banaadir Abshir Cumar C/llaahi oo shir jaraaid ku qabatay Muqdisho ayaa sheegay in maxkamadda ay soo gaareen dacwooyin ka dhan ah xarumahaasi, waxaana uu sheegay in qaarkood ay yihiin kuwo xabsi u eg ciddii dhib uu ka soo gaaro ama ku dhimata in mas’uuliyadiisa ay qaadaneyso xaruntaasi. “ Xarun Xabsi u eg ma ka furnaan karto magaalada Muqdisho shaqadeena waaye , ma ka aamusi karno, Maxkamadda Racfaanka Xabsi wax ku saabsan oo dadka lagu heyn karo sharciga ayaa tilmaamaayo, Sharciga meel uusan tilmaamin cidna qof ku heyn karo malahan haddii uu ku dhintana mas’uuliyaddiisana isaga ayaa qaayo ayuu yiri guddoomiye Abshir Cadullaahi Cumar” Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamadda oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in haddii ay yihiin xarumo caadi ah oo qu’aanka lagu barto ama xanaanada, iyo dhaqan celinta loo baahan yahay in ay soo cadeeyaan waxa ay qabtaan waxaana uu yiri. “Haddii ay arrimo kale ay qabanaayaan oo madaraso camal ay tahay ha yimaadaan oo ha cadeeyaan waxa ay qabtaan iyo shaqadoda, dadka ku jira waa loo tagi doonaa waana la soo koontarooli donaa waana la soo fiirin doonaa waxaana rabnaa in hey’adaha amniga iyo Booliska ay arrintaas ay isha ku haayaan” Dhanka kale Abshir Cabdullaahi Cumar guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ayaa xusay in Maxkamadda horay loo soo gaarsiiyey kiisas ku aadan xurumaha lagu qu’aan saaro dadka kaas oo la xariiray ruux ku geeriyooday xaruntaas. “Waxaa maxkamadda hadda soo maray intaan anigu joogo kiis qur’aan saar ah oo qof uu ku dhintay, qofka in la garaaco ilaa heer uu ka dhinto uu gaaro waa wax ka baxsan qaanuunka ma yeeli doono waxyaabaha sharciga ka baxsan in la sameeyo, haddii ay jiraan xarumaah qu’aan saarka anaga oo la kaasaneyno wasaaradda Owqaafta maadaama qu’aanka ay ka shaqeynayaan waa in ayagana ay yimaadaan oo ay soo cadeeyaan shaqadooa ayuu yiri” Dhinaca kale guddomiye Abshri Cabdullaahi ayaa xusay in ubadda la caadiyo iyo garaacista laguna qasbo xarumaha uu keeno isku dhac waalidka iyo ubadka ah waxaana uu ugu baaqay in waalidiintu ay ka waantoobaan arrintaas una hoggaansamaan sharciga . “ Arrintaas xabsiyada u eg waxaa uu keenaa isku dhax ka dhex dhasha ubadka iyo waalidka markii xaaladdu xumaatana loo saariyo dowladda Soomaaliya oo la dhaho ayada ayaa caruurtii naga lumisay waxaasi oo dhanna waxaa looga bixi karaa in waalidiintu ay raacaan sharciga”. Ugu dambeyn guddoomiyaha Maxkamadda Racaanka gobalka Banaadir Abshir Cabdullaahi Cumar ayaa cadeeyey in waalidka looga baahan yahay markii ubadka ay u maaro waayaan in ay ku soo wareejiyaan ciidamada Asluubta oo loogu talo galay xanaaneynta iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed. “Cunugaaga markii aad u maaro weyso Maxkamado degmo ayaa furan geey waa la tarabiyeeynaa Iskuul ayaa ka furan xabsiga dhexe waxbaa loo sheegaa lix bilood markii uu waano qaato soo cesho Iskuulkaaga geyso, meel furan uu ku ciyaari karo qur’aan uu ku baran karo, Masaajidkii lagu tukanaayey leh, oo cuntadooda leh, warshad wax soo saar leh ayuu ciidanka Asluubta leeyahay marka looma baahno in fillo inta wax lagu qorto in qofka Beya’dii uuku noolaan lahaa laga qariyo.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga WADDANI Mudane Saleebaan Ducaale X Jaamac ayaa ka jawaabay hadalladii wasiirrada Warfaafinta iyo Arrimaha Guduhu ku eedeeyeen suxufiyiinta iyo telefishannada Somaliland waxaanu ugu baaqay in ay wax cad bulshada la wadaagaan, haddii ay ku fashilmeena iscasilaan. “Intii Somaliland xorta ahayd ma dhicin suxufiyiin iyo telefishanno Somaliland ah oo Soomaaliya ka mushahar qaata, waxay ku tusaysa fashilka dawladnimada ee Kulmiye wax shacbiga Somaliland aqbali karo maaha wax dhici karana maaha,” ayuu yidhi Guddoomiye xigeenka 2-aad ee xisbiga WADDANI Md Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac. “Wasiirradu waxay sheegayaan in Somaliland ama Hargeysa lagaga adkaaday oo ay fashil yihiin waa in ay iscasilaan,” ayuu yidhi Mudane Saleebaan Ducaale “Waxaynu ognahay in dhallinyaro Facebook wax ku dhalliishay jeelasha ku jiraan maxay kuwa Soomaaliya mushaharka ka qaata jeelasha uga buuxi waayeen haddii aanu wasiirka laftiisu Qaran Dumis ahayn? Haddii ay run tahay oo aanu Qaranka duminayn muxuu wax uga qaban waayay. Saxaafadda SOLJA ayaa masuul ka ah marka SOLJA-na ma Soomaaliweyn baa? “Dawladdu waa tii xogdoon leh ee cidda cadowga u shaqaynaysa iyada oo aan cidna ogayn wax ka qabata. Umaddu u dulqaadan mayso Soomaaliya ayaa saxaafadda Somaliland mushahar siisa way cadayn oo umadda ayay u soo bandhigi ama way caddayn waayi oo saxaafadda ayay xaalsiin umadda Somaliland-na way ka sugaysa, ururka SOLJA-na meel bay kaga dhaceen,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Saleebaan. Source
-
Reports from the Gedo region indicate that tense of fighting was mounting in Bardere after troops loyal to newly appointed DC arrived in the town and seized control of offices. Somali troops in the town staged a mutiny in protest of the arrival of the Jubaland appointed DC Ismail Sheikh Abdi Qorah who is trying to take over control forcefully. The situation turned into chaos as both sides are making military movements that left local residents in a panic with fears that the city could plunge into a deadly conflict. The DC has accused the Federal Government of Somalia of igniting a war in the region by sending troops and attempting to create a new administration against Ahmed Madobe, View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ay la waregeen gacan ku heynta deegaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab weerar dhowr jiho ah ay ku qaaday deegaanka, kadibna ay la wareegtay gabi ahaan gacan ku heyntiisa. Ceel-Cadde ayaa waxaa horay ugu sugnaa maleeshiyaad deegaanka ah oo is abaabulay, kuwaas oo iska hor imaadka kadib isaga soo baxay halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay isku fidiyeen deegaanka, islamarkaana ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo cusub. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana mar weliba laga cabsi qabaa in markale dagaal uu dhoco, maadaama maleeshiyaadka dhankooda ay wadaan abaabul xoogan. Shalay ayey aheyd markii muddo kooban Al-Shabaab ay qabsatay deegaanka Farlibaax oo qiyaastii 45 u jira magaalada Beledweyne. Hiiraan waxaa ku xoogan dagaalyahannada Al-Shabaab, waxaana ugu yaalla saldhigyo ciidan iyo maxkamado ay dadka ugu yeeraan.
-
The Somali government on Saturday vowed to intensify military operations against an al-Shabab militant group which it said has weakened. A government spokesman said the operations which are being carried out in collaboration with troops from the African peacekeeping mission and the U.S. highlight the increasing capability of the government security forces to secure the nation. “The inability of al-Shabab to prevent the federal government of Somalia operations in Jilib shows the fragile state that the terrorist organization is in,” Ismael said in a statement issued in Mogadishu. He said Somali and U.S. forces have conducted a series of military operations in the past two days targeting known terrorists in the al-Shabab-controlled towns of Jolie and Kunyo Barrow. Ismael said there are no reports of civilians casualties and injuries as a result of these operations which he said have weakened the al-Qaida allied terrorist group. View the full article
-
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish ) ayaa sheegay in waddooyinka magaalada muqdisho laga xareynayo xoolaha kala duwan ee dhex socda,kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan lagu qabo. Guddoomiyaha waxa uu shegay in xero lagu magacaabo baadi qabad oo hadda Dhismo lagu wado loogu talagalay in lagu xareeyo xoolaha wadooyinka caasimadda dhex socda ee dadkii lahaa xanaaneysan waayeen in lagu xareeyn doono. Wuxuu intaasi ku daray hadalkiisa Guddoomiyaha in hadii dhismaha xaruntaasi oo ku taala meel u dhaw kawaan bari la dhamaystiro ay digniin u diri doonaan dadka leh xoolahaasi hadii ay xanaaneysan waayaane laga xarayn doono si ay u soo hagaagto bilicda caasimadda. Maamulka gobolka Banaadir ayaa dardar gelinaya hagaajinta bilicda iy o amniga caasimadda,waxaana dadaaladaas qeyb ka ah Shacabka gobolka Banaadir. View the full article
-
Tan iyo markii ay Goobjoog News ay daabacday in uu weli furanyahay, shaqeeyana xabsiga Godka Jilacow waxaa isa soo tarayey xaqiijinta arrintan la xiriira. Qaar ka tirsan hey’adaha dowladda federaalka ah oo lasoo xiriiray Goobjoog News ayaa xaqiijiyey inuu Godka Jilacow uu haatan xarun u yahay NISA-da gobolka Banaadir isla markaana si KMG ah dadka laga shakiyo lagu baaro, su’aalo lagu weydiiyo, laguna xiro inta ay baaristu socoto. Arrintan ayaa si cad uga hor imaaneysa hadalkii dowladda federaalka ah ee ahaa inuu xabsigaasi xiran yahay, did dambe aan loo fureyn, loona isticmaali karin sidii hore. Dhanka kale, Goobjoog News ayaa la hadashay qaar ka tirsan dad qaab dambi baaris ah loo geeyey bishii tagtay xabsiga godka Jilacow, kuwaas oo sidoo kale sheegaya iney indhahooda ku arkeen dad xiran iyo xabsiga oo caadi u shaqeeyo. Arrimaha aan ogaanay inta aan baarista wadnay waxaa ka mid ah xabsigan ay adeegsadaan hey’adda nabadsugidda gobolka Banaadir. December 16,2018: Xaflad ay goobjoog ka ahaayeen wasiirada cadaaladda iyo amniga ee DF ayaa si rasmi ah loogu xiray xabsiga godka Jilacow iyada oo la shaaciyey in loo badalay akaademiyadda Jilicow oo lagu tababari doonno NISA. Hey’adaha amniga ee dowladda federaalka ah ayaa ka baxay balantii ay qaadeen wasiirrada iyaga oo soo xeliyey shaqada xabsigii, lamana oga sida ay dowladda ka yeeli-doonto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warbaahinta Puntland Post, ayaa xog dheeriya ka heshay kulamo gaar-gaar ah, oo safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yukio Yamamoto uu maalmo ka hor magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. Ilo’ kala duwan oo xog-ogaal ah, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Puntland Post, in safiirka Maraykanka Donald Yamamoto uu madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland u soo jeediyay, in Shir deg deg ah oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka lagu qabto magaalada Muqdisho, si xal rasmiya looga gaaro khilaafka labada dhinac. Mr Yamamoto ayaa Deni iyo Axmed Madoobe midba gaarkiisa ugu sheegay, in Maraykanku doonayo, in si dhakhso ah heshiis midaysan looga wada-gaaro nooca doorasho ee Soomaaliya 2020/2021, si taasi loo xaqiijiyana ay marka hore muhiim tahay, in la dhammeeyo khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ayaa la xaqiijiyay in ay jawaabo isu’eg siiyeen safiirka Maraykanka, kuwaasi oo ah in ay diyaar u yihiin shirkaasi, balse dhinaca dowladda Federaalka ay wax kasta ka socon waayeen, islamarkaana aysan ogolayn in tanaasul iyo wada-tashi wax lagu dhammeeyo. Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto, ayaa dhankiisa u sheegay Deni iyo Axmed Madoobe, in uu dhowaan la kulmi doono madaxda sare ee dowladda Federaalka, isagoo u ballan-qaaday in uu Villa Somalia go’aan cad ka keeni doono, dabadeedna uu ku soo war-celin doono Puntland iyo Jubaland. Villa Somalia ayaa diiddan in ay hor-fariistaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo doorashadiisi dambe ay aqoonsan waayeen, balse haddii Mr Yamamoto uu ku qanciyo shirkaasi oo Axmed Madoobe qeyb ka yahay waxa ay guul siyaasadeed u noqon doontaa Jubaland. Sidoo kale, haddii Villa Somalia diiddo in shirkaasi la qabto, waxay wajihi doontaa cadaadis xooggan oo kaga furmayaa dhinaca Beesha Caalamka oo doonaysa in si dhakhso ah looga heshiiyo nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta 2020/2021-da. PUNTLAND POST The post XOG: Villa Somalia oo wajahaysa laba-daran mid dooro appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Nairobi)-Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaarado dhowr ah oo nooca dagaalka ku wareejiyay dowladda Kenya, kadib Munaasabad ka dhacday Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya. Tiradda diyaaradaha Mareykanka uu ku wareejiyay Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay gaadhayaan ilaa iyo lix diyaaradood ah nooca MD-530F, waxaana Kenya u adeegsan doontaa dagaalka ka dhan ah Al-shabaab. Goobta ay ka dhacday Munaasabada wareejinta diyaaradaha ayaa waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Kenya iyo Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika Stephen Townsend. Taliye Stephen Townsendn oo halkaas khudbad kooban ka jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in lixda diyaaradood ee lagu wareejiyay Kenya ay qeyb ka yihiin iskaashiga dhanka amaanka ah ee ka dhexeeya Kenya iyo Mareykanka. Dhinaca kale Saraakiisha Ciidanka dowladda Kenya ayaa u mahadceliyay Mareykanaka, iyagoona sheegay in tallaabada uu Mareykanka qaaday ay tahay mid muhiim u ah. Si kastaba Mareykanka ayaa Kenya ka caawinaya dagaalka ka dhan ah Al-shabaab, iyadoona ay xusid mudan tahay in bishaan Janaayo Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidanka Badda ee Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Mand Bay eek u yaalla Gobolka xeebta ah ee Lamu ee Kenya. Source
-
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland TPEC ayaa maanta xarunta dhexe ee magaalada Garowe kulan kula qaatay xubno ka socday bulshada rayidka ah, xarumaha aqoonta; sida laamaha cilmibaarista, jaamacadaha, ururada haweenka, dhallinyarada iyo warbaahihta. Kulanka oo ahaa isxog-wareysi iyo in Guddiga iyo Bulshada Rayidka ah bishiiba mar ay shir noocaan oo kale ah. Waxaa shirka furay Guddoomiyaha Guddiga Mudane Guuleed Saalax Barre oo soo dhoweeyay kasoo qaybgalayaasha isaga oo uga waramay wixii TPEC u qabsoomay iyo qorshaha guddiga ee bisha soo socota iyo ahmiyadda iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac. Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in xubnaha TPEC ay safar ugu amba baxayaan gobolada oo ay la kulmayaan qaybaha bulshada, xilli dhowna la hawlgalindoono xafiisyadii Guddiga ee Gobolada. Faysal Axmed Warsame, guddomiyaha dalladda bulshada rayidka ah ee PUNSAA oo hadal mahadcelin ah jeediyey ayaa sheegay sida qaybaha bulshada rayidka ay uga go’antahay dhankooda taaba-galinta qorshada dimoqaraadiyeynta Puntland. Wuxuu bogaadiyay shaqada ay hayaan guddiga isagoo sheegay in qorshayaasha socda ay horseed u noqon doonaan sidii loo hirgalin lahaa hannaanka axsaabta badan. PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Bulshada Rayidka ah appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan ciidamada dowladda oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab Ciidanka oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed, waxuuna kula ballamay in Al-shabaab ay ka xoreeyaan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada. Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday ciidamada in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabka qaybta ka qaadanaya cirib tirka Al-shabaab, ayaa sidoo kale saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka, u cadaalad falaan, tusaale wanaaggsanna u noqdaan ciidanka. Ciidamo horey loogu tababaray Xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay howl gallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fuliyeen qaar kamid ah gobollada Koonfurta Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Khayre oo saagootiyay ciidamo dhamaystay Tababar oo dagaal loo qorsheeyay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sameeyey magacaabis cusub, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Warqadda ka soo baxday Xaaf ayaa waxaa taliyaha gobolka Mudug loogu magacaabay Duraan Cabdi Xaashi, halka ku xigeenkiisana loo magacaabay Mahad Axmed Warsame. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaaa sheegaya in xalay dagaal uu ka dhacay deegaanka Bariire oo dhaca duleedka degmada Afgooye ee gobolkaasi. Dagaal ayaa waxuu u dhaxeeyey ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii Xoogaga Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidan oo ku yaalla halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay saaka degan tahay, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Tehran)-Iiraan ayaa waxa ay dishay ganacsade weyn oo maandooriyaha ka shaqeysta kaas oo lagu naanayso “Yaxaaska Gacanka Beershiya”, sidoo kalana ay halkaas ku baabi’isay maandooriyihii uu tahriibinayay, warbaahinta dowladda ayaa sidaas ku warrantay. “Yaxaaska” ayaa waxaa la qabtay isagoo kuguda jira dhoofinta in ka badan 100 tan oo maandooriye ah oo uu marsiinayay biyaha caalamiga ah, saraakiisha ayaa sidaas sheegay. 36-jirkan iyo caawiyahiisa ayaa la dilay kaddib sanado badan oo ay socdeen howlgal sirdoon. Iiraan ayaa sannad walba waxa ay khaarijisaa boqollaal maxbuus. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed xalay saqdii dhexe ay soo saartay Ahlu Sunna ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda maamulkaasi. Qoraalka oo uu ku saxiixnaa madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shakir Cali Xasan, kana mid ah hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa lagu sheegay in dadka reer Galmudug ay marti ka noqdeen dhisamaha maamulkaasi, islamarkaana howlaha maamul dhisida ee ka socda Dhuusamareeb ay isku soo koobtay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa dowladda dhexe ku eedeysay inay u afduubtahay doorashada, islamarkaana ay ku xadgudbtay nidaamka federaalka, dastuurka dalka. Ahlu Sunna ayaa sidoo kale dowladda ka dalbatay inay tixgeliso waxgaradka iyo sidoo kale daneeyeyaasha siyaasadda Galmudug. “Dowladda federaalka waa inay tix galisaa waxgaradka iyo saamileyda siyaasadda Galmudug, taladaas oo ah sida ay wax ku hagaagayaan, Galmudug mid ahna ku dhismi karto.” ayaa lagu yiri War-Murtiyeedka ka soo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir. Ugu dambeyn Ahlu Sunna ayaa ku goodisay, haddii aysan dowladda bedalin sida ay haatan wax ku socdaan ay gudaha gali doonto dhismaha maamul kale oo loo dhan yahay. “Dowladda federaalka hadii wax ka badali weyso sida ay wax ku wado, waxaan cadeynaynaa inago kaashaneyna dad reer Galmudug oo ay ugu horeeyaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kale inaan guda gali doono dhismaha maamul loo dhanyahay, kaas oo aan ku soo dhisi doono si waafaqsan dastuurka qaranka iyo kan Galmudug-ba, waxaana cawaaqib kasta oo dhasha arintaas mas’uuliyadiisa dusha u ridan doona dowladda federaalka.” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka hoggaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca.
-
Iyadoo muddoyinkii ugu danbeeyay uu soo ifbaxayay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya madaxda Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka, kaas oo salka ku haya dhismaha maamulka Galmudug ayaa waxaa qoraal kale oo cabasho ah waxaa soo saaray madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay afduubatay Doorashada maamulka Galmudug, iyagoona arrinkaasi ka digay. Warsaxaafadeedkaan oo uu soo saaray Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sidoo kale looga digay DF in ay hareermarto waxgaradka Galmudug si loo helo maamul loo dhanyahay. Ugu danbeyn Ahlu Sunna, waxa ay ku goodisay In haddii DFS, ay wax ka badali weyso hanaanka haatan ay wax u wado in iyaguna ay soo dhisi doonaan maamul kale kaas oo sida ay sheegeen noqon doona mid loo dhanyahay. Halkaan ka akhriso bayaanka ay soo saareen Ahlu Sunna Goobjoog News Source: goobjoog.com
