Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,385
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-11022020.mp3 View the full article
  2. Dowladda Puntland ayaa saaka oo Talaado ah qisaastay laba xukmane oo lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas. Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu qisaasay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame laga reebay. Xukmanaha saddexaad ayaa mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa kadib markii uu sidaasi codsaday Ilyaas Aaden oo ah aabbaha dhalay Caa’isha. Raggaasi, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019. Sidoo kale, maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilkii lagu riday saddexda xukmane, balse cabasho ay xukunka ka qaateen ayey mar kale maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019. 24-kii February 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 12-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray. Maalintii xigtay ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa aga’gaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba’an loo geystay. Dhacdadaasi, ayaa bulshada Soomaaliyeed ka dhex dhalisay fal-celin xooggan oo ku wajahan, in ay caddaalad hesho gabadhaasi yare e Caa’isha Ilyaas. PUNTLAND POST The post Puntland oo toogatay laba kamid ah Xukmanayaashii Kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
  3. ADDIS ABABA (Reuters) - The African Union has agreed not to start financing security operations from a new fund until 2023 because it has received fewer contributions than hoped. Source: Hiiraan Online
  4. The former Federal Minister for Interior, Mr Abdi Farah Said, has welcomed the high-level consultative conference to be held in Garowe in March. “The decision to hold a consultative conference to discuss the system of governance is timely though belated” Mr Said wrote in a Facebook post. “Puntland should contemplate the appropriate form of government for Somalia— centralised city state government of the past or federal or confederal system of government where powers are decentralised” he added. Said: Centralism poses a threat to federalism in Somalia On Friday President Said Abdullahi Deni held a press conference in which he criticised the Mogadishu-based Federal Government for centralism, destabilising federal member states and politicising educational rights of students. Withdrawal from federal institutions is the likely outcome of the impending conference. In 2019 President of the Federal Government Mohamed Abdullahi Mohamed claimed that his government was the real federalist entity in contrast to federal member states. As a pre-Federal autonomous state Puntland relations with the Federal Government remains strained. It is the first time Puntland State has summoned its MPs and Senators in Mogadishu for consultations. Puntland Senators did not show up for the Upper House session last week. © Puntland Post, 2020 The post Abdi F. Said: Puntland is at a Crossroads appeared first on Puntland Post.
  5. Kuwait Deputy FM heads Somalia education support meeting Source: Hiiraan Online
  6. Ghanaian coach Bashir Hayford has reportedly quit his job as head coach of the Somalia national football team. Source: Hiiraan Online
  7. The audio messages sent to dozens of East African immigrant mothers evoked the protagonist from a Somali folk tale in a reminder about the challenges of parenting. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL. Kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Charles MICHEL ayaa waxaa looga hadlay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amnig iyo horumarinta dhaqaalaha. Sidoo kale inta uu socday kulanka labada Mas’uul ayaa qodobadii looga hadlay waxaan kmaid ahaa xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli kulamo kala duwan ka wada Magaalada Addis Ababa, kuwaasi oo uu la qaadanayo Madaxda ka qeyb gashay Shir Madaxeedka 33-aad ee Midowga Afrika, kaasi oo shalay lasoo Gaba-gabeeyay. Shirka 33-aad ee Midowga Afrika ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
  9. Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland Xubno ka tirsan ayaa xalay kulan laqaatay, qaybaha bulshada, waxgaradka iyo maamulka Degmada Waaciya ee gobolka karkaar. Guddiga ayaa uga waramay masuuliyiinta iyo dhamaan bulshada reer waaciya qorshaha iyo barnaamijka ay wadaan ee ah Doorasho qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu kusoo doornaayaan golayaasha deegaanka Puntland. shacabka degmada Waaciya ayaa soo dhaweeyay nidaamka doorasho xor ah oo ka dhacda Puntland. PUNTLAND POST The post Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland Bulshada degmada Waaciye appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/BAr___Qubanaha-10022020.mp3 View the full article
  11. Garowe ( PP) – Puntland Government fired Jamal Arab Yusuf, Director of Puntland Television and Radio, for airing National Independent Electoral Commission advertisement on Puntland State Television. Dahir Aflow was appointed as the Acting Director of Puntland Television and Radio. “Somalia will move away from the indirect, clan-based electoral system to one person, one vote elections in 2021” the advertisement said. Puntland State Television has removed the advertisement from its archives. Jamal: Fired for authorising an NIEC advertisement Puntland rejected the new electoral law passed by the Somali Federal Parliament in December. The unauthorised advertisement resulted in the closure of NIEC offices throughout Puntland. The advertisement called into the question the position of Puntland administration about the controversial election plans drawn up by the incumbent Federal Government of Somalia whose mandate ends in February 2021. Dahir Aflow: The Acting Director of Puntland State Television and Radio Jamal handed over to the Acting Director of Puntland Television and Radio yesterday. At an event for media professionals in Garowe, Puntland Information Minister, Ali Sabarey, alluded to Villa Somalia-sponsored social media campaign against Puntland. “We might come across as intolerant of media but we are aware of media war being waged against Puntland” Mr Sabarey said. The Federal Government of Somalia led by President Mohamed Abdullahi Mohamed commits funds to Twitter and Facebook campaigns against critics and rival administrations. A network of trolls runs the campaign. Trolls report to Ali Yare, a man who organised demonstrations for President Mohamed in 2011, when Ugandan President, Yuweri Museveni, forced President Mohamed, who was then a Prime Minister of the former Transitional Federal Government under President Sharif Ahmed, to resign. © Puntland Post, 2020 The post Puntland State TV Director Fired for Unauthorised Election Ad appeared first on Puntland Post.
  12. Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Galmudug ayaa kulan wadatashi ah la qaatay Odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa la sheegay in uu kala hadlay odayaasha tabashooyinka ka dhashay doorashadiisa. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu sheegay in odayaasha ay midnimo u muujiyeen Qoor-qoor. “Waxa ay muujiyeen garab istaaga Maamulka cusub ee Galmudug si loo gaaro horumar iyo midnimo loo dhanyahay,” ayay tiri madaxtooyadda. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay magaalada Muqdisho. Dhaqdhaqaaqyadda ciidan ayaa laga sameeyay Waaxyadda koowaad iyo 2aad ee degmada Dharkeenley ee caasimadda waddanka. Inta la xaqiijiyey 14 qof ayaa lagu soo xiray howlgaladda. 13 kamid ah dadkaas waxaa lagu sheegay burcad dadka dhici jirtay. Midkood ayaa lagu tuhunsan yahay fal dil ah oo loo geystay wiil afar sano jir ahaa, sidda ay tilmaameen saraakiisha ammaanka. Howlgalka lagu soo qabtay burcadda ayaa noqonaya midkii ugu tiradda badnaa oo ciidamaddu ka sameeyaan qaybo kamida Muqdisho. View the full article
  14. Beled-Xaawo (Caasimada Online)-Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa sheegay in uusan ku sugneyn magaalada Mandhera ee dalka Kenya, balse uu joogo magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Janan oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in isaga iyo ciidamo uu hoggaaminayo ay dhinac ka joogaan magaalada Beled-Xaawo, oo ay ku sugan yihiin ciidamadii dowladda federaalka ay dhawaan geysay degmooyinka gobolka Gedo. Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax dhibaato ah ku jirin inuu tago dalka Kenya markii uu doonana uu tagi doono xataa magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Janan ayaa carrabka ku adkeeyay in uusan hadda joogin meel ka tirsan Kenya ee uu ku suganyahay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo, sidoo kale waxa uu sheegay in uusan doonayn in dowladaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya ay madaxiisa iskula dhacaan, khilaafna uu ka dhex abuuro. Ugu dambeyntii wasiir Janan waxa uu sheegay in haatan ay isku meel ku sugan yihiin madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo saraakiil dhowr ah oo reer Jubbland ah, hadafkooduna uu yahay in ay soo ceshadaan gacan ku heynta degmooyinka iyo deegaanada gobolka Gedo ee dowladdu kala wareegtay. Hadalka wasiir Janan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta xildhibaanada dowladda dhexe ee Kenya ku matala iyo mas’uuliyiinta kale oo ka soo jeeda gobolka Mandhera ay ugu baaqeen madaxda dawladda Kenya in ay hubka ka dhigaan ama dalka laga saaro Cabdirashiid Janan iyo ciidamadiisa.
  15. ADDIS ABABA (HOL) - Somalia has reiterated its call on the UN to lift the three decades arms embargo on the Horn of Africa nation to battle the militant group Al-Shabaab and stabilize noting the lack of weapon power has weakened efforts to restore peace. Source: Hiiraan Online
  16. (SLT-Addis Ababa)-Dalalka ku bahoobay urur goboleedka Midowga Afrika ayaa ka soo horjeestay qorshaha nabadda bariga ee madaxweyne Trump dhowaan shaaciyay. Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Muuse Faki Maxamed ayaa qudbad uu ka jeediyay Shirweynaha 33-aad waxa uu ku sheegay in Midowga Afrika uu taageerayo qadiyada dadka Falastiin kana soo horjeedo qorshaha Trump ee siyaasadiisa Bariga Dhexe. “Qorshahan waa mid ayna ka wada tashan beesha caalamka waxana uu ku xadgudbayaa xuquuqda aasaasiga ee reer Falastiin.”ayuu yidhi Faki Axmed. Sidoo kale Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsisi, ahna Guddoomiyaha sannadlaha ee Ururka Midowga Afrika, C/fataax Alsisi ayaa sheegay in arrinta Falastiin mar kasta tahay mid ku xardhan Quluubta dhamaan dadka Afrikaanka. Sayral Ramafoosa Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika oo la wareegaya xilka Guddoomiyaha sannadkan ee AU-da ayaa la meel dhigay qorshaha Madaxweyne Trump soo bandhigay uu la mid yahay Nidaamkii Midab-takoorka ee ka jiray dalkkiisa. Source
  17. MOGADISHU (HOL) - Somaliland President Muse Bihi is reportedly expected to meet various African presidents and heads of government in Ethiopia in a visit which coincides with the 33rd Summit of the Continental body. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen ayaa soo xiray shirka ansixinta istiraatiijiyadda Qaran ee caafimaadka Xoolaha iyo badqabka cuntada Shirkan oo socday muddo laba cisho ah ayaa waxa uu ku saabsanaa katashiga iyo ka doodida qodobada ku darista ama ka badalka u baahan ee ansixinta istiraatiijiyadda Qaran ee caafimaadka Xoolaha, dhirta iyo badqabka cuntada waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, xubno ka socday Wasaaradaha, beeraha, Xanaanada Xoolaha, Kalluumeysiga, Ganacsiga, Aqoonyahano iyo xubno ka socday maamul goboleedyada. Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya oo kaashaneysa urur Goboleedka IGAD iyo USAID ayey ka qeyb galayaashu uga doodeyn qaabka looga wada shaqeyn karo ansixinta istiraatiijiyadda Qaran ee caafimaadka Xoolaha, dhirta iyo badqabka cuntada oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, maadama sharcigan uu ka shaqeynayo In la helo xoolo iyo cuno caafimaad qabta oo tayo wanaagsan. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen oo shirka soo xiray ayaa sheegay in istiraatiijiyadan ay horseedi doonto inuu dalku gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo mid caafimaad, lagana kaaftooyo waxyaabo badan oo Soomaaliya uga imaan jiray dalka dibadiisa. View the full article
  19. Baydhabo (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay guddiga farsamada ee soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu magacaabay guddigan oo ka kooban 10 xubnood. Guddigan ayaa ka shaqeyn doona sidii loo soo xuli lahaa Baarlamaanka labaad ee yeelanayo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo tiradoodu dhantahay 95 Xildhibaan. Waxayna kala yihiin. 1) Maxamed Keerow Maxamed Gudoomiye 2) Mudixiin Aaadan Ibraahim Gudoomiye ku xigeen 3) Aadan Maxamed Cali Xoghayn 4) Mowlid Xasan Axmed Xubin 5) Jaylaani Maxamed Cawf Xubin 6) Faadumo Maxamed Axmed Xubin 7) Aamino cumar Maxamed Xubin 8 ) Cumar Cali Isaaq Xubin 9) Faarax Sheekh Maxmed Xubin 10) Caa’isho Ibraahim Cali Xubin View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-habeen-10022020.mp3 View the full article
  21. Somaaliya ha sugin in Nabad iyo Dibu heshiisiin buuxdaa ka dhacado inta Shakhsiyaad Calooshooda u shaqeystayaal ahi Xilal Wasiirnimo ah ka hayaan. Wasiir Maareeye waa [...] Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal uu shalay barta twitter-ka soo dhigay ayuu madaxweyne Farmaajo ku amaanay kuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in hoolka Nelson Mandela ee xarunta Midowga Afrika lagu dhejiyey sawirka madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan. “Waxaan si la mid ah dhammaanteen ku faraxsanahay inaan arko aabihii aas-aasay dalkeena oo lala meel dhigay aabeyaashii aas-aasayaasha iyo siyaasiyiinta weynaa, lana suro hoolka Nelson Mandela. Soomaaliya waxay xaqiiqdii calaamad joogto ah uga tagtay taariikhda Afrika, sidaas darteed, maqaamkeena weligiis waa la ilaalin doonaa,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Hase yeeshee, qoralkaas lasoo dhigay twitter-ka, ma dabooli karo xaqiiqda waxa uu Farmaajo ka aaminsan yahay Aadan Cadde. Buuggii uu Farmaajo qoray 2009 ee uu shahaada Master-ka uga qaatay Jaamacadda Buffalo, (U.S. STRATEGIC INTEREST IN SOMALIA: From Cold War Era to War on Terror), waxa uu bogga 50-aad ku aflagaadeeyey Aadan Cadde, qabiilka uu kasoo jeedo ee Mudullood, iyo qabaa’ilo kale, sida Majeerteen iyo Isaaq. Farmaajo waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in beelaha Mudullood, Isaaq iyo Majeerteen ay gumaastayaashii British-ka iyo Talyaaniga xilal uga heleen inay ahaayeen kuwa caawiya oo gacan siiya gumeystaha. “Markii gumeystayaashii Yurub ay go’aansadeen inay ka tagaan mustacmaraddoodii Soomaaliya, waxay xilalka sare ee hoggaanka ku abaal-mariyeen qabaa’illadii ayaga ku dhowaa,” ayuu Farmaajo ku yiri buugiisa. “Tusaale, dhinaca Waqooyi ee Somaliland, beesha Isaaq waxaa lagu abaal-mariyey dhammaan shaqooyinkii ugu wanaagsanaa.” “Dhinaca Koonfurta, gumeystihii Talyaaniga, waxay sidaas oo kale u sameeyeen qabaa’illadii daacadda u ahaa. Majeerteen iyo Mudullood waxay Talyaaniga gacan siiyeen ayaga oo aan ka laba labeyn. Taas beddelkeed, waxay Talyaaniga iyo British-ka qabaa’iladan ka dhigeen kuwo ka sarreeyaa kuwa kale, marka ay noqoto hodantinimada, deeq waxbarasho oo caruurtooda ay ka helaan Rome iyo London iyo saameynta dowladaha mustaqbalka,” ayuu Farmaajo ku qoray buuggisa. Farmaajo uguma simin Aadan Cabdulle inuu aflagaadeeyo beeshiisa Mudullood, ee wuxuu sidoo kale ku qaaday weerar shakhsi ah, isaga oo ku sheegay in xilka madaxweyne uu ku helay inuu ahaa “adeege Talyaani.” Wuxuu sidaas oo kale u weeraray madaxweyne Cabdirashiid. “Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan, ayaa tusaale weyn u ah arrintan [in gumeystaha abaal-mariyey kuwii daacadda u ahaa]. Waxa uu horey u ahaa shaqaale rayid ah oo ka tirsan Mudullood u ahaa Talyaaniga. Dhinaca kale, ra’iisul wasaarihiisa, oo Talyaaniga ay soo waxbareen Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wuxuu ka yimid qabiil kale oo Talyaaniga ay jecel yihiin, oo ah Majeerteen,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Qoraalka madaxweyne ayaa waxaa inuu raali-gelin ka bixiyo ka dalbaday siyaasaiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri:- “Madaxweyne Farmaajo wuxuu bogga 50-aad ee buugiisa qalin jebinta Masterka ku sheegay in Qabiilka Majeerteen iyo Mudullood ay ahaayeen kuwo Isticmaarka daacad u ah. Maadaama ay Aadan Cadde iyo C/rashiid Cali Sharmarke (Allaha u naxariistee) ay labadaas qabiil ka tirsanaayeen uu Talyaanigana ku abaal mariyey xilka madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha. Su’aashu waxay tahay Maanta miyuu Aadan Cadde wadani noqday? mise shalay ayuu Madaxweyne Farmaajo khaldanaa? Sowse ma hoboona in uu ka cudur daarato, maadaama uu qabiillo iyo Shakhsiyaad magac iyo maqaam leh uu lafa gaartay.” Halkan click sii di aad u wada aqrisato buugga Farmaajo. Ama si gaar ah hoos uga arag bogga 50-aad.
  23. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad ka jeediyey meertada 33-aad ee shir madaxeedka Midowga Afrika. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaarada Afrika u noqon karto xarun shaqaale oo muhiima, maadaama ay ku taallo goob istaraatiiji ah . “Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxwwynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay Al-shabaab uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casriya. “Cuna-qabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada, kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.” Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.” PUNTLAND POST The post Cuna-qabataynta hubka sabab ma u tahay in laga adkaan waayo Shabaab? appeared first on Puntland Post.
  24. (SLT-Sweden)-Dawladda Sweden Oo Shaqaale Ka Qoranaysa Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source