-
Content Count
214,348 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beled Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Jubbland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) oo maalmahaan ku sugan duleedka degmada Beled-Xaawo ayaa maanta ka hadlay xaaladaha kusoo kordhey Gobolka Gedo, xarigii dowladda u geysatay arrimo kale. Wasiir Janan oo shir Jaraaid qabtey ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si sharci darro ah Ciidamo farabadan kusoo daaabushay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, islamarkaana degmooyinkii amniga ahaa ay haatan amni darro ay ka abuurtay. Waxaa uu sheegay in wixii dhibaato ah ee ka dhaca Gobolka Gedo ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan madaxda Dowladda Federaalka oo uu sheegay in degmooyin amni ah ay kusoo duushay. Waxaa uu soo hadal qaadey kiiskii dowladda Soomaaliya ay u xirtey ee ahaa in uu gobolka Gedo deegaano kamid ah dad ku dhibaateeyey, waxaana uu sheegay in uusan jirin dembi uu geystay. “Aniga wax dhibaato ah uma geysan Shacab Soomaaliyeed,laakin dagaal Ciidamada iyo Al-Shabaab dhex maray inay waxyeelo kasoo gaarto waa ay dhici kartaa ayuuu yiri” Wasiir Janan. Isaga oo ka hadlayay xarigii loogu geystay Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in qorshahooda uu ahaa madaxda Dowladda inay arbushaad ka sameeyaan Gobolka Gedo, hase yeeshee haatan u ku sugan yahay Degmada Beled-Xaawo cidii u baahatana uu soo dhaweynayo. Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa ka baxsadey halkii uu ku xirnaa 28-kii Bishii tegtay ee Janaayo Sanadkaan 2020, waxaana maalmo kadib uu tegay Kismaayo ugana sii gudbey Nairobi ugu dambeyna uu tegay Gobolka Gedo. Hoos ka daawo Janan
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Askari Afgaanistaan u dhashay uu u geeystay laba askari oo mareykan ah halka lix kalana uu ku dhaawacay Saldhig Milatari oo ku yaala Bariga dalkaasi Afhayeen u hadlay ciidamada Milataarka dowladda Afgaanistaan ayaa warbaahinta u sheegay in nin ku labisan dareeska ciidamada Dowladda Afganistaan uu rasaas ku furay ciidamadan oo ku sugnaa saldhig Milatari oo ku yaala Bariag Dalka Afgaanistaan . Afhayeenkan ayaa intaasi ku daray in Ciidamda wadaagga ah ee ka koobnaa Afganistaan iyo Amerikan ay ku wada sugnaayeen Saldhiggan oo lagu magacaabo Nankar ee dhaca Bariga dalkaasi Waxa uu sidoo kale sheegay in Baaritaan intaasi kabadan ay wadaan dhowaanna ay shaacin doonaan sida weerarkan uu ku dhaca iyo wax yaabaha keenay Dhacdooyinka nuucaan ah ee dilka loogu geeysto ciidamada American ka ah ee ku sugan Afganistaan ayaa ah kuwo ku soo laalaabtay Saldhigyada dalkaasi Afganistaan PUNTLAND POST The post Askar Mareykan ah oo lagu dilay Afghanstan appeared first on Puntland Post.
-
Shir madaxeedka ururka Midowga Africa ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyadoo shirkaasi ay ka qeyb galayaan inta badan hogaamiyeyaasha dalalka qaaradda Africa iyo madax kale oo heer caalami ah. Soomaaliya waxaa shirkaas ku matalaya wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Sidoo kale masuuliyiinta ka qeyb galeysa shirka waxaa ka mid ah xoghayaha QM, Antonio Gueteres iyo Justin Tredue oo ah ra’iisul wasaaraha dalka Canada, waxaana shirka ku wehliya wasiirkiisa arrimaha dibadda iyo xubna kale oo ka tirsan golihiisa wasiirada Meertada 33-aad ee shirka Midowga Afrika ayaa waxaa sanadkan looga hadlayaa qodobo ku saabsan xal u helida caqabadaha ka jira Africa, gaar ahaan waxaa diirada la saari doonaa joojinta xasaradaha ka taagan dalka Lipya iyo sidoo kale hubka sharci darada ah. Madaxweynaha dalka Koonfur Africa Cyril Ramaphosa ayaa sidoo kale si rasmi ah maanta ula wareegi doono kursiga shir guddoonka golaha Midowga Africa, waxaana uu booskaasi kala wareegayaa dhigdiisa dalka Masar, Abdel-Fitaah Al-Sisi oo isna horay kursiga shir guddoonka kala wareegay madaxweynaha dalka Rwanada Paul Kagame. View the full article
-
Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo dhawaan ka baxsaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu ka warbixiyey xarigii 31 Agust loogu geystay magaalada Muqdisho, xilligaas oo laga qabtay garoonka Aadan Cadde. Janan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda federaalka aysan geynin xabsi dowladeed, islamarkaana lagu hayey meel aan amni aheyn, siduu hadalka u dhigay. Sidoo kale wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa carabka ku dhuftay in ra’iisul waaaraha Soomaaliya iyo wasiirka amniga gudaha aysan waxba ka ogeyn halkii uu ku xirnaa shantii bilood ee lagu hayey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho Wasiir Janan oo hadalkiisa sii wata ayaa dowladda dhexe ku eedeeyey inay colaad hor leh ka hurineyso deegaano ka tirsan gobolka Gedo oo markii hore nabad ahaa. Ugu dambeyntii wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo haatan ku sugan duleedka magaalada Beledxaawo ayaa tilmaamay in aysan aqbali doonin in la qalqal galiyo amniga deegaanada maamulkaasi, isagoona sheegay inay ka difaaci doonaan weerar qaawaan oo uu xusay inay ku soo qaatay dowladda Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dhaq dhaqaaq u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland laga dareemayo degmada Beledxaawo, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay laga dareemayey xiisad xoogan oo u dhexeysa labada dhinac. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-09022020.mp3 View the full article
-
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta waxa ay ansixiyeen sharciga hanti dhowrka guud ee qaranka ka dib kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankan ay maanta yeesheen aqalka sare ayaa ahaa kullankii 36aad ee Kalfadhiga 6aad waxaana soo xaadirtay 29 mudane, waxaana 25 kamid ah ay u coodeeyen in sharciga la ansixiyo halka 4 kale ay diiday mana jirin cid ka aamustay. Sidoo kale xildhibaanada golaha aqalka sare ayaa maanta ajendahooda waxaa qeyb ka ahaa akrinta 2-aad ee hinse sharciyeedka ddulista rayidka. Golaha aqalka sare ayaa shalay waxa ay meel mariyeen sharciga doorashooyinka qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kenya oo war ka soo saartay qadiyada Cabdirashiid Janan & dalabka Somalia ee in loo soo gacangeliyo Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan iyo dalabkii dowladda federaalka ee ku aadanaa inay u soo gacan geliso, si loogu maxkamadeeyo dalka. Xoghayaha wasaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa meesha ka saaray in xukuumaddu ay awoodo go’aaminta wasiir Janan. Macharia Kamau ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintaan kaliya ay ka falcelin karaan saraakiisha ciidamada amniga, sida uu hadalka u dhigay. “Arintani gacanteenna kuma jirto, waxaan kugula talinayaa inaad la xiriirto kuwa laga yaabo inay wax ka og Yihiin, waana ciidamada amniga”. ayuu yiri Mr. Kamau. Sidoo kale Daily Nation ayaa xusay in wasiirka amniga Jubbaland uu degan yahay hoteel ku yaalla Mandera, islamarkaana ay amnigiisa la wareegeen ciidanka Kenya, inkastoo horay wasiirku wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay inuu joogo degmada Beled-Xaawo. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay Kenya iyo Booliska ENTERBOOL ka dalbatay in la soo gacan galiyo wasiir Janan oo 28-kii bishii hore ka baxsaday halkii uu ku xirnaa, isaga oo doon dheereysa ku tagay magaalada Kismaayo. Janan oo xiran tuutaha milatariga ayaa sidoo kale shalay ka soo muuqday duleedka Beled-Xaawo, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq ka dhan ah ciidanka dowladda. Xaaladda gobolka Gedo, gaar haan Beled-Xaawo ayaa aad u kacsan, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in barakac xoogan uu ka bilowday gudaha magaaladaasi. Qaran News
-
Haweeney lagu eedeeyay inay sixirtay ninkeeda oo xanuunsanaya Esther Kiama oo macallin ka ahayd magaalada Nyeri ee bartamaha dalka Kenya, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa loo soo sheegay in seygeeda David uu xanuunsan yahay. “Ma ahan xanuun sahlan,” ayuu yiri qofkii soo wacay, wuxuuna intaa u sii raaciyay: “waa xanuun dhanka maskaxda ahi.” Waxay ahayd sanadkii 2005. Kiama muddo sanad ah ma aysan arkin seygeeda oo ganacsi ku lahaa magaalo kale oo ka fog halka ay deggan tahay. Waxaa jirtay in marar badan ay ugu tagtay magaalada uu deggan yahay balse marnaba ma aysan arkin wax ay ku qoonsato caafimaadkiisa. Balse markii loo sheegay in uu xanuunsan yahay, ayay markiiba aaday halkii uu joogay. “Waxaa khasab noqotay in aan soo kaxeyno si aan u daweyno,” ayay tiri Kiama oo la hadashay BBC-da. Kiama waxay sheegtay in seygeedu “uu isaga isla hadlayay oo uu gacmaha tuur-tuurayay, wuxuuna u muuqday qof la hadlayo dad aan loo jeedin”. Xanuunkii hayay David ayaa markii dambe dhakhaatiirtu ku sheegeen xanuun afka qalaad lagu yirahdo ‘bipolar disorder’ oo ah xanuun dhimirka ku dhaca. “Waxa uu ka sii daray markii aan gurigayaga keenay. Guriga ayan uga tagi jiray, waxaana dhacday in maalin uu gubay saqafka kore ee guriga, isaga oo leh waxaan halkaa ka raadinayay dad uusan aqoon waxa ay yihiin.” La yaab ayay ku noqotay Kiama, mana aysan fahmin halka laga gaaray ninkeeda. ‘Waad sixirtay wiilkayaga’ Waxay damacday bal in ay cusbital geyso oo halkaa lagu soo daweeyo balse qaraabadiisa ayaa u diiday arrintaasi. Waxay ku eedeeyeen in iyadu ay sixirtay David. “Aabihii ayaa u yimid wuxuuna igu yiri: ‘waxaa la ii sheegay in wiilkeygu uu xanuunsan yahay, waxa aanan halkan u imid in aan kaxeeyo waayo adiga ayaa sixray.'” In seygeeda oo ay wada noolaayeen 15 sano xoog looga kaxeysto waxa ay ahayd arrin xanuunkeeda leh oo walwal ku abuurtay Kiama iyo afar carruur ah oo ay dhashay. “Markii hore waan amakaagay, balse waxaan ahay qof Ilaah rumeysan. Inkastoo aan markii hore aad u walwalay, haddana waxaan niyadda geliyay in dhibaatadani ay mar uun dhammaan doonto,” ayay tiri Kiama. Dhanka kale, waxaa u muuqday in xaaladda caafimaad ee seygeeda ay maalinba maalinta ka dambeyso sii xumaaneysay. Balse maadaama qoyskiisu ay rumeysnaayeen in iyadu ay sixirtay, marnaba iskuma ay dayin in ay cusbital geeyaan oo laga daweeyo xanuunka haya. Xanuunnada ku dhaca dhimirka ayaa dalka Kenya, dadku waxay u arkaan sixir ama habaar, mana geeyaan cusbital ama xarun caafimaad dadka cudurradaasi qaba. Wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa sheegeysa in dad badan ay cudurradan qarsadaan, halkii ay daryeel caafimaad ka raadsan lahaayeen. Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegeysa in qiyaastii afartii qofba uu hal qof la xanuunsan yahay cudurrada ku dhaca dhimirka ama maskaxiyan uu xanuunsan yahay. Gudaha Kenya, lama hayo xog muujineysa tirada dhabta ah ee dadka qaba xanuunnada dhimirka, taa oo ka dhigan baahida loo qabo in arrintaasi wax laga qabto. Saddexdii sano ee xigtay David wuxuu culeys ku ahaa waalidiintiisa, gaar ahaanna hooyadii oo waayeel ahayd isla markaana mararka qaar xanuunsanayd. Mararka qaar waxaa dhaceysay in Kiama ay la soo xiriiraan dadka deriska la ah waalidiinta David, kuwaa oo ku soo wargelinayay in ay liidato xaaladda caafimaad ee Seygeeda. “Mararka qaar waxaa la ii soo sheegayaa isaga oo magaalada iska dhex wareegaya, marka baabuur baan u kireyn jiray si aan ugu celiyo halkii uu ka soo baxsaday,” ayay tiri Kiama. Mararka qaar cunno ayay usoo karin jirtay. Balse wali waxaa lagu eedeynayay in iyadu ay sabab u tahay dhibaatada haysata ninkeeda. “Mar waxaa jirtay uu faas ama baangad ii soo qaatay, uuna igu yiri adiga ayaa sixray balse waxaan ku iri haddii aad I disho yaa cunno dambe kuu karin doono. Markaa ka dib ayuu tuuray faaskii uu sitay,” ayay tiri. Muxuu yahay cudurkan dhimicka ku dhaca ee afka qalaad lagu yirahdo ‘bipolar disorder’? Waxaa jira laba nooc oo ka mid ah cudurkani. Mararka qaar qofka uu hayo cudurkani waxaa muuqaneyso farxad iyo firfirxooni xad dhaaf ah, halka mararka qaarna uu noqonayo mid aad u murugeysan. Waxyaabaha sababa cudurkan lama sheegin ilaa haatan haseyeeshee, khubarada caafimaadka ayaa waxa ay sheegayan in ay suurtagal tahay in uu ka dhasho qofka oo isku buuqa ama aad u walwalo marka uu yaryahay ama xitaa uu noqon karayo xanuun la kala dhaxlo. Kiama ayaa BBC-du u sheegtay in ay u adkeysan weyday in ay fiirsato xaaladda ninkeeda, waxaase uga sii darnaa eedda ah in ay iyadu sixirtay. Dad badan oo saaxibbadeeda ka mid ah ayaa arrintaa awgeed dhabarka u jeediyay oo ka cararay. Ugu dambeyntii, Kiama waxay go’aansatay in seygeeda ay soo ka xeysato oo uu la noolaado. “Saddex sano ka dib, waxaan carruurteyda u sheegay in aan aabahood soo kaxayn doono oo aan ka soo xadi doono reerkisia,” ayay tiri. Kiama iyo carruurteeda oo kaashanaya dhakhtar ku takhasusay cudurrada dhimirka waxay dejiyeen qorshihii ay David kga soo kaxayn lahaayeen halka uu ku nool yahay oo ah gurigii laga dhalay. “Xilligaasi waxaa aad ugu baxay ciddiyaha, waxa ayna qaadanaysaa maalmo in jirkiisa la nadiifiyo. Sidoo kale tinta madaxa iyo garka ayaa aad ugu baxay oo wuxuu yeeshay muuqaal aad u fool xun. David waxay dhakhaatiirtu ku sheegeen xanuunka maskaxda ku dhaca ee afka qalaad lagu yirahdo ‘bipolar disorder’, wuxuuna dhakhtar ku jiray muddo laba bilood ah. Tan iyo markii laga soo soo saaray cusbitalka, xaaladdiisa caafimaad waa ay ka soo reynaysay balse waxa uu wali qaataa dawooyin soconaya muddo dheer. Xaaskiisa iyo carruurtiisa ayuu dib ula midoobay. Kiama ayaa BBC-du u sheegtay in dhakhaatiirtu ay caruurteeda siiyeen talooyin wanaagsan oo ah in aabahood ay ku aqbalaan sida uu yahay isla markaana aysan marnaba lumen jeceylkii ay u hayeen, arrintaa oo ay sheegtay in ay qaateen. Qaran News
-
The United States and the Somalian government coordinated to launch two air strikes against al-Shabaab, an al-Qaeda affiliate, the U.S. military said on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Ruushka ayaa u muuqata inay aad u danaynayso inay saldhig ka samayasto xeebaha Berbera ee Somaliland, haddii ay go’aankaas kaga *****so, wuxuu noqonayaa saldhigii u horeeyay ee uu Ruushku Afrika ku yeesho. Wargeyska caanka ah ee New York Times, ayaa dhawaan qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay “Ruushka oo saamayn sii kordhaysa ku leh Afrika iyo Reer Galbeed badan oo ka werwersan.”, waxaanu warbixintaas ku sheegay in dalka Ruusku uu xidhiidho badan la sameeyayAfrika, kuwaas oo uu kaga kasbaday kalsooni. Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah oo katirsan waaxda gaashaandhiga ee Maraykanka, wuxuu sheegay in meelaha uu Ruushku isha ku hayo ay ka mid tahay dekedda Berbera ee Somaliland, “Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigu, madaxda Ruushku waxa ay isha ku hayaan dekedda Berbera inay u noqoto goob ay ka samaystaan saldhig ku yaalla magaalo Xeebeedda Berbera ee Somaliland oo dhacda Gacanka Cadan. Shiinaha iyo Maraykanka, oo saldhigyo ciidan ku leh Jibuuti, waxa ay la wadaagaan isla xeeb dekedda ay suurtagalka tahay in Ruushku dego.” Sidaas ayay tdhi warbixinta wargeysku qoray. Warbixintan waxa si weyn iyaguna u qaadaa dhigay warbaahinta dalka Ruushka oo aad u baahiyay damaca dawladda Ruushka ee saldhig uu ka samaysto Berbera. Maraykanka ayaa u muuqda inuu si weyn uga walaacsan yahay saamaynta Ruushka ee Afrika, si gaarahna waxay isha ugu hayaan dhaqdhaqaaq kasta oo uu Ruushku doonayo inuu ku soo gaadho xeebaha Berbera ee Somaliland. Bishii January 30-keedii, Guddida Aqalka Senateka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Ciidamada ayaa xogwaraysi qaatay laba saacadood la yeeshay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Africa GENERAL STEPHEN J. TOWNSEND iyada oo sarkaalkaasi uu si weyn uga dayriyey saamaynta sii kordhaysa ee Ruushka iyo Shiinuhu ay ku yeelanayaan qaaradda Afrika, oo soo muujiyey inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyadaas sii kordhaya. Taliyaha oo la hadlayey Guddida Ciidamada ee Golaha Senate-ka Maraykanka ayaa sheegay in Ruushka iyo Shiinuhu ay ogsoon yihiin muhiimadda istaraategiyadeed iyo tan dhaqaale ee ay leedahay qaaradda Afrika, wuxuuna sheegay inay haatan sii kordhiyeen sidii ay fursadahaas gacan ugu dhigi lahaayeen isla markaana u labanlaabi lahaayen saamayntooda qaaradda Afrika. Taliyaha ayaa sheegay in Qorshaha Difaaca Qaran ee Maraykanku inuu farayo inay mudnaan siiyaan sidii ay ula beretami lahaayeen quwadahaas oo halis ku ah danaha Maraykanka. “Ruushku wuxuu kor u qaaday oo gaadhsiiyey 200% heshiiyadiisa uu la gelayo qaaradda Afrika iyo iibka hubka, isaga oo qaaradda Afrika ka iibiyey hub gaadhaya illaa 9 Billion oo Dollar, Shirkadaha hubaysan ee Ruushka ayaa iyaguna si weyn saamayn xasilooni darro ugu leh qaaradda …” ayuu yidhi. Taliyaha ayaa sheegay in hoggaamiye Afrikaan ahi uu dhowaan u sheegay hadalkan “… qof qaraqmayaa (Badda ku dhacay) wuu aqbalayaa cid kasta oo caawimo u fidisa ..” maadaama ay xaddidan tahay taageerada Maraykanka ee uu u fidiyo wadamada Africa si ay ula dagaalamaan kooxaha xagjirka ah, taasi waxay keentay inay dalal badani u leexdaan dhinaca kooxaha aan is hayno. Saraakiil Ruush ah oo la aaminsanyahay inay katirsanyihin sirdoonka Ruushka ayaa dhawaan socdaal qarsoodi ah ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyagoo dal-ku-galka ka soo qaatay safaarada Somaliland ee Djibouti. Shabakadda wararka ee Somaliland Chronicle ayaa baahisay magacyada saraakiishan oo ay sheegtay in baasaabooradooda la soo saaray laba bilood ka hor, taas oo u muuqata in loo soo diray socdaalkan gaarka ah. Xafiiska Somaliland ee Djibouti oo uu Geeska Afrika iskudayay inuu arrintan wax ka weydiiyo ayaanay noo suurto gelin. Magacyada saraakiishan Ruushka ah ayaa lagu kala sheegay Vladmir Babkov, Maksim Grishin, Anton Putekhov and Dmitry Shtanko. Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in wefti Somaliland ka socda oo socdaal ku tagay dalka Maraykanka sannadkii 2016 inay xilligaas aqalka Senateka Maraykanka kula kulmeen ugu yaraan masuuliyiinta ugu sarreeya illaa 11 xafiis oo aqalada Congresska iyo Senaterka u qaabilsan arrimaha Afrika iyo Arrimaha Debedda, waxaana xilligaas ay saraakiisha Maraykanku ay weftiga Somaliland la wadaageen dareenka ay ka qabaan saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha iyo Ruushka ee Geeska Afrika, iyaga oo xilligaas aad ugu dheeraaday damaca Shiinaha ee ahaa inuu isku soo fidinayo gobolka Geeska Afrika. Arrimaha ay weydiiyeen weftiga Somaliland waxaa ka mid ahaa, danaynta Maraykanka ee saldhigga Berbera. Waxaana si toosa ay weftiga u weydiiyeen, haddiiba Shiinuhu uu isku fidiyo dalka Djibouti oo halis ku haysa danaha Maraykanka ee gobolka, in Somaliland ay hayso fursad ay u soo bandhigi karto Maraykanka. Bishii March ee sannadkii 2017, waxa iyaguna socdaal rasmi ah ku yimid Somaliland diblomaasiyiin ka socota safaaradda Ruushka ee Djibouti, waxaanay kulan la yeesheen wasiirkii khaarajiga Somaliland ee xilligas Dr. Sacad Cali Shire. Weftiga ayaa booqday goobaha Berbera ee uu Ruushku dhisay oo u badan goobo milatari. Geesta kale damaca Ruushka iyo hadal hayntiisa Somaliland oo aan saxaafadda ku cusbayn, ayaa waxa ay hadalhayntooda maantu kaga duwantahay kuwii hore, doorkan waxa talada Somaliland haya Madaxweyne Biixi oo wax ku soo bartay dalka Ruushka, kuna hadla luuqadooda. Sidoo kale waxa isna wasiirka Amniga ah Maxamed Kaahiin Axmed oo isna wax ku soo bartay dalkaas kuna hadla luuqadda Ruushhka. Waxa kale oo golaha wasiirada ee MadaxweyneBiixi hore ugu jiray balse xilka laga qaaday xubno kale oo iyaguna wax ku soo bartay Ruushka. Diblomaasi reer Somaliland ah oo uu Geeska Afrika, la sheekaystya balse ka cudur daartay in magaciisa la sheego ayaa tilmaamay inay suurtogal tahay in Ruushku ugu soo dhiirado Somaliland si ka duwan sidii uu hore ugu soodhiiran jiray maadaama oo ragga talada Somaliland hayaa ay wax ku soo barteen Ruushka, “Waxay u dhowdahay in Ruushku uu siyaasad firfircoon oo cusub ku soo waajaho Somaliland, waayo waxa hadda Somaliland madax ka ah niman Ruushka ay isfahmi karaan oo ugu yaraan ay ku kaftami karaan afkooda, shaahana ku wada cabi karaan iyagoo kaftamaya.” Sidaas ayuu yidhi diblomaasigani. Ruushka ayaa hore u joogi jiray saldhiga magaalada Berbera, xilligii ay Somaliland ku jirtay midawgii burburay ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxaana xilligaas guud ahaan Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ay xidhiidh soke la lahayd dalweynihii Midawgii Soofiyeeti, iyaga oo tababarada ciidanka iyo saanadda hubkaba ka caawin jiray ciidamadii milateriga ee dalka xoogga ku haystay. Dareenadan isasoo taraya ayaa ku soo beegmaya, iyada oo wadamada galbeedku aanay muhiimad badan siinin Somaliland iyaga oo xagga dhaqaalaha iyo taageerada siyaasaddaba aad u gacan siiya Dawladda Somaliya, sidoo kale hay’adaha samafalka qaarkood ay yareeyeen mucaawanadii ay siin jireen Somaliland sida hay’adda deeqaha debedda u qaabilsan Maraykanka ee USAID oo aad u yaraysay taageerada ay siiso Somaliland halka ay mashaariicdeeda horumarinta u wareejisay dhinaca Somaliya. Source
-
Ever since the incumbent Federal Government assumed power on 8 February 2017, it had added a new but insidious dimension to its communications strategy. The Federal Government drafted in legions of Twitter trolls able to organise collective responses to any person who criticises government policies. The Somali Presidency allocates a budget for its troll network known in Villa Somalia parlance as Xoogagga Waddaniyiinta (Patriotic Forces). The man in charge of Villa Somalia trolls goes by name of Ali Yare. He bared his teeth in a Facebook rant against the Friday press conference held by Puntland President, Said Abdullahi Deni. “Very angry but no one responds to him. Many more to come” he wrote in his Facebook post apparently angered by remarks by Puntland President about standing up for rights of Puntland pupils. Ali Yare: ” many more to come” Villa Somalia trolls report to Ali Yare, who was recently in Dhuusamareeb under the protection of NISA agents in pickup trucks. Trolls send to Ali Yare screenshots of their Facebook and Twitter comments to government critics. Troll’ comments are ranked on frequency and the popularity of the person they respond to ( quantified by number of Twitter followers or Facebook friends). Each troll has several Twitter accounts. Trolls’ aggressive and sometimes rude comments cause them to be blocked by targets of their outbursts. They get back online with a new Twitter username, the microblogging and social networking service being their favourite platform. Trolls describe their targets as “a terrorist sympathiser” or “a traitor”. ” Villa Somalia trolls, described by their critics as Guutada Xaarwalwaal (Beetle Brigade) demonstrate all that is wrong with the Federal Government whose online communication tactics make it bedfellows with online bullies. “The Federal Government has not objected to online hatred against its critics. It thinks trolls can silence critics” says a mass communications lecturer in Mogadishu, who prefers to be quoted anonymously. © Puntland Post, 2020 The post How Somali Federal Government Trolls Operate in Twitter and Facebook appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in uu si rasmi ah uga furmo Shirka 33-aad ee Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika. Shirkan oo socon doona inta u dhexeeysa 9-10-k a bishan Febaraayo ayaa waxaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hey’adaha Midowga Afrika, hirgelinta Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga Afrika iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka. Shirkaan ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo, iyagoona gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, hoggaanka Hey’adaha iyo Ururrada Caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa qoraal dheer oo uu soo saaray kaga hadlay sharciga Batroolka oo uu shalay saxiixay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Mahad Salaad ayaa qoraalkaan ku sheegay in sharcigaasi oo Aqalka Sare soo gudbiyay 8-dii bishii Janaayo uusan soo marin habraaca sharci dejinta dalka, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale xildhibaanka ayaa qoraalkaan u diray madaxweynaha, guddoomiyaha Aqalka Sare, Garyaqaanka Guud, guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wasaaradda Batroolka. Halkaan hoose ka aqriso: Sharciga Batroolka Ee Aqalka Sare Soo Gudbiyey 8 Jannaayo, 2020, Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Saxiixay 8 Febaraayo, 2020 Sooma Marin Habraaca Sharci-Dejinta Dalka, Mana Waafaqsana Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Ku: Madaxweynaha JFS Ku: Gudoomiyaha Aqalka Sare BFS Ku: Garyaqaanka Guud JFS Og: Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS Og: Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS Og: Shirkadaha Sahmiya ama Daneeya Batroolka Mudane Madaxweyne, Sida cad qodobka 87aad Dasuurka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waa Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya; Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka KMG ah. Wuxuuna xilkiisa u gudanayaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sida ku cad qoddobada 4aad iyo 55aad Dastuurka: Shareecada ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan. Sidoo kale Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka waa hay’adda sharci-dejin ee dalka ugu sareysa waxayna masuuliyadaha sharci-dejinta u gutaan si waafaqsan Madaxa Afraad ee Dastuurkan ee ku saabsan habraaca sharci-dejinta heerka Qaran. Iyada oo ay sidaas tahay ayuu Golaha Aqalka Sare wuxuu soo gudbiyay Sharciga Batroolka ee tirsigiisu yahay Tix: GAS/B-10/KF6/09/2020 kuna taariikheysan 06 Janaayo 2020 ka dib markii fadhiga Golaha oo ay soo xaadireen 28 mudane (Senators) ay 24 mudane kaliya ogol ugu codeeyeen halka afar (4) mudane ay diidmo ugu codeeyeen. Hadaba, Codeyntani waxay qilaafsan tahay dastuurka iyo hanaanka sharci-dejinta dalka. Qodobka 76aad (2) Dastuurka wuxuu xeerinaya sidan: “Haddii aan Dastuurku si kale u sheegin, go’aammada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ihi waxay ku ansaxayaan codad aqlabiyad ah marka loo eego tirada guud ee xubnaha Aqalka”. Sida ku cad qodobkan, Shuruucda Aqalka Sare soo gudbinayo waxay ku ansaxaan marka ay ogolaadaan ugu yaraan 28 mudane ee xubnaha Aqalka Sare ah”. Sidaas daraadeed Sharcigan Sooma Marin Habraaca Sharci-Dejinta Dalka, Mana Waafaqsana Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa sharci daro ahayd codeyntii loo sameeyey Soojeedintii (mooshinkii) mudaneyaasha Aqalka Sare ay kulanka bilowgiisii ku dalbadeen in sidiisa loo qaato waxka-bedelkii sharciga ee Golaha Shacabka ka soo gudbay isaga oo aan waxba laga bedelin taas oo iyaduna khilaafsan xeerhoosaadka Aqalka Sare sida ku cad qodobka 34aad (6) ee xeerhoosaadka Aqalka Sare. Sidoo kale, sharcigaan waxa diiday xubnaha Golaha Aqalka Sare ku matala mid ka mid ah Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka; taas oo ah sabab lagu duri karo ansaxa iyo dhaqangelidda sharcigan, sida ku cad qoddobka 86aad (2) ee Dastuurka KMG ah. Sidaas daraadeed, maadaba sharcigani leeyahay daldaloolo badan oo dastuuri ah waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Gudoonka Aqalka Sare in Hindise-Sharciyeedkan Batroolka dib loogu soo celiyo Golaha Aqalka Sare si loo marsiiyo habraaca sharci-dejinta ee ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerhoosaadka Aqalka Sare. Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa Garyaqaanka Guud ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya in uusan ku soo saarin sharcigan FAAFINTA RASMIGA ah ilaa iyo inta laga marsiinayo habraaca sharci-dejinta Dalka. Hadaba, aniga oo ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaan uga digayaa shirkadaha caalamiga ah iyo wadamada shisheeye ee daneeya maalgashiga kheyraadka Soomaaliya in aysan ku kedsoomin cuskashada Hindise-Sharciyeedkan Batroolka ee aan weli noqon sharci meelmar ah oo waafaqsan Dastuurka KMG ah. Ugu dambeyntii, waxaan si qayaxan u sheegayaa in heshiis kasta oo aan ku salaysneyn sharci soo maray Goleyaasha sharci-dejinta BFS si waafaqsan Dastuurka KMG ah uu yahay wax kama jiraan, cid kasta oo ku lug yeelatana ay ku kacday boob iyo xatooyo HANTI QARAN, waxaana lala tiigsan doono sharciyada dalkeena iyo xeerarka kale ee caalamiga ah. Mahadsanidiin.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ku sugan duleedka Beled-Xaawo ayaa si kulul kaga hadlay xiisada maamulkaasi kala dhexeysa dowladda federaalka, gaar ahaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee gobolka Gedo. Sayid Aadan ayaa marka hore fariin u diray Beesha Caalamka, isagoo ka dalbaday inay isha ku heyso xaaladda Jubbaland iyo dhibaato uu sheegay inay ku heyso dowladda. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey madaxda qaranka inay qalqal gelin amni iyo buburin ay ku hayaan hey’adihii soo kobcayey ee dowlad goboleedka Jubbaland. “Beesha Caalamka waa in aad fiirisaan waxa ka socda Soomaaliya, qarankii oo is burburinaya bal arka Ciidamada Soomaali la isku dilayo bal arka, hey’adihii soo kobcayay oo la burburinayo, waa in aad dib u eegtaan xaalada socota, rabitaan shaqsi ah iyo aragti xun oo aanan shaqeyn cawaaqib xumo ayay reebeysaa, waa in aadan gacan siin”ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in mas’uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhaca gobolka Gedo iyo guud ahaan deegaanada Jubbaland ay qaadeyso dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo, oo ay diiwaanka taariikhda loogu qori doono. Tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu dowladda ka baxsaday wasiir Janan oo Muqdisho ugu xirnaa waxaa xoogeystay dhaq dhaqaaqyada labada dhinac ee gobolka Gedo.
-
Xildhibaan Mahad Maxamed Saalad oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka dhawaajiyay in sharciga batroolka ee uu saxiixay madaxweynaha uu yahay mid aan soo marin habraaca sharci dajinta islamarkaana uusan waafaqsanayn dastuurka dalka. Xildhibaanka ayaa arrintan waxa uu ku sababeeyay qodobada qaar ee dastuurka uu dhigayo kuwaas oo ka hor imaanaya sharcigan la saxiixay, waxa uuna xildhibaan Mahad tilmaamay in mudanayaasha aqalka sare ay xeerkani ku soo ansixiyeen 24-xildhibaan taas oo ka hor imaanaysa qododbka 76-aad ee dastuurka oo sheegaya in golaha aqalka sare ay xeer ku meel marin karaan 28-mudane. Sidoo kale xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa madaxweynha iyo gudoonka aqalka sare waxa uu ugu baaqay in sharciga batroolka dib loogu soo celi golaha aqalka sare si buu yiri loo marsiiyo habraaca sharci dejinta. Sharciga batroolka dalka ayaa shalay waxaa qalinka ku duugay madaxweynha Soomaaliya, waxaana sharcigan ka tagaan khilaaf. Halkan ka akhriso bayaanka uu soo saaray xildhibaan Mahad Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo xalay ka qeyb galayey barnaamij gaar ah oo looga hadlayey waxqabadka dowladda ee saddexdii sano ee la soo dhaafay ayaa soo hadal qaaday arrimo ku saabsan shirka uu dhawaaqay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni. Maareeye ayaa sheegay in dowladda federaalka ay soo dhaweyneyso shirkaasi oo ah mid guud ah wadatashi ah. Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey inay ka bixi doonaan natiijooyin muhiim ah oo waxtar leh Ummadda Soomaaliyee, gaar ahaan reer Puntland. Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay madaxweyne Deni inuu ka shaqeeyo midnimada iyo horumarka dalka, islamarkaana uu muujiyo tanaasul. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli uu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo muddo soo dheer soo jiitamayey. Jimcihii ayey aheyd markii madaxweynaha Puntland oo ay dhinac taagan yihiin golihiisa wasiirada uu iclaamiyey shir looga hadlayo aayaha maamulkaasi, kaas oo uu ku marti qaaday siyaasiyiinta, waxgaradka, aqooyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Beladxaawo ee gobalka Gedo ayaa ku waramaya in maanta magaaldaaasi uu ka bilawday barakac ay sameynayaan dadka deegaanka. Wariyaha Goobjoog News ee gobalka ayaa soo sheegaya in dadka qaar ee ku sugnaa xaafadaha degmada Beladxaawo ay isaga barakaceen guryahooda xilli ay ka cabsi qabaan dagaal mar kale dhexmara ciidanka dowaldda ay halkaasi geysay in kuwa dowlad goboleedka Jubbaland. Ganacsiga qaar ee magaalada ayaa xiran waxaana la soo warinayaa in ardayda wax ka barata Beladxaawo aysan saakay u dareerin goobaha waxbarashada maadaama cabsi ay halkaasi ka taagan tahay. Xaaladda guud ee magaalada Beladxaawo ayaa ah mid aan caga badan ku taagnayn oo dadka magaaladaasi ku dhaqan ay cabsi xoog leh ka muujinayaan isku dhac dagaal oo dhexmari kara ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland. Shalay ayaa gudaha magaalada Beladxaawo waxaa ku dagaalamay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland gaar ahaan kuwa taabacsanaa wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Janan, iyada oo dagaalkaasi uu ku geeriyooday hal askari iyo dhaawaca dad kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka jamhuuriyada federaalka Soomaaliya , Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa magaalada Amaan ee caasimada Jordan uga qeyb galay shirka baaralamaanada carabta aduunka. Shirka ay yeelanayaan baaralamaanada carabta aduunka oo lagu qabtay magaalada Ammaan ayaa waxaa looga hadlay qorshaha uu saxiixay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ee uu ku tilmaaamay heshiiska qarniga Gudoomiyaha baarlamaanka jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman ayaa inta uu shirka socday khudbad u jeediyay kasoo qeyb galayaasha shirka,isagoo tilmaamay in aysan jirin sabab loogu baahanyahay waxa loogu yeeray heshiiska qarniga ee uu madaxweynaha Mareykanka saxiixay. Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali karin qorshe lagu cuuryaaminayo reer Falastiin oo uu sheegay in ay sanado badan dhibane u yihiin Israel. Shirka ayaa marka uu dhamaaday waxaa laga soo saaray war-murtiyeed, kaas oo warbaahinta u u aqriyay xildhibaan Cali Jaamac Jingili oo qeyb ka ahaa xildhibaanadii shirka ka qeyb galay ee la socday wafdiga gudoomiyaha baaralamaanka Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/maxamed-cabdi-qani.mp3 View the full article
-
Waxaa maanta magaalada Adis Ababa, ee xarunta Itoobiya iyo midowga Afrika si rasmi ah uga furmaya shir madaxeedka midowga Afrika ee 33-aad, oo halku dheggiisu yahay sanadkan “Aamusinta qoryaha”. Shirkan oo labo maalin socon-doona ayaa sidoo kale xoogga lagu saari-doonnaa horumarka iyo hiigsiga Afrika ee 2063 sida nabadda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimo kale. Dhankeeda, dalka Shiinaha ayaa sheegay inuu maalgelinayo mashruuc lagu maareeyo cudurada oo ku kacaya ilaa 80 million dollar, waxaa xarun u noqon-doonta Itoobiya, arrintaas oo ay Mareykanku diidan yihiin. Waxaa jira shirar doceedyo muhiim ah oo looga hadli-doono arrimaha haweenka, warbixinnada ajendaha Afrika ee Agenda 2063, dhibaatooyinka ka jira magaalooyinka Afrika, Afrika iney ka faa’ideysato tamarta, cunto yariyda iyo arrimo kale. Ugu dameyntii, waxaa la filayaa in shirka uu ka soo baxo war-murtiyeedka iyo waxyaabaha ay tahay in Afrika ay xoogga saarto 2020. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa soo gaaray caasimada dalka sudan ee khartoum Wasiirka wasaarada Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka soomaaliya Eng Abdirashid Ahmed Mohamed iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo wasiirka. Waxaana wasiirka ku soo dhaweyay garoonka diyaaradaha ee magalada Khartoum Dhigiisa Wasiirka Batroolka ee Dalka sudan Cadil Cali Ibrahim iyo Danjiraha safaarada Soomaaliya dalka sudan Amb. Maxamed Sheikh iyo Madaxa Ganacsiga Safaarada Yusuf Jeego . Wasiirka ayaa booqasho rasmi ah ku joogi doona dalka sudan Mudo laba cisho ah isagoo kulamo kale duwan layeelan doona dowlada sudan. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
