Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,385
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. GAROWE (HOL) - A third convict in the rape and murder of 12-year-old girl in Galkaayo last year was spared death Tuesday following negotiations between the families of the late Aisha Aden and that of the convict, HOL has learnt. Source: Hiiraan Online
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska degmada Matabaan, Dhame Cabdifitaax Maxamed Jaamac oo loo yaqaano (Fooneeye) ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada ammaanku ay ka sameeyeen degmadaasi oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Taliyaha ayaa sheegaya in gacanta laga soo dhigay labo nin oo baxsad ahaa, kuwaas oo xalay labo qof ku soo dilay deegaanka Habar-Cirir ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan ku raad joogaan labo kale oo la sheegay inay ku lug lahaayeen dilalkaasi. Dhame Cabdifitaax Maxamed Jaamac (Fooneeye) ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in raggaasi la horgeeni doono cadaaladda, islamarkaana laga qaado doono tallaabo adag. Inta badan dilalka ka dhaca xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa salka ku haya arrimo la xariira aanooyon Qabiil oo ka taagan halkaasi. Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo shalay heeshiis nabadeed la dhex dhigay labo beelood oo muddo ku dagaalamayey degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
  3. Saaka oo Talaado ah 11/2,2020 waxaa Magaalada Garowe lagu toogta oo lagu fuliyey Dil qasaas ah laba eedeysane oo Maxkamada Puntland ay ku cadeysay inay [...] Source
  4. Taliyaha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, General Yilma Tigabu ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. General Yilma Tigabu ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan howgalka AMISOM, kuwaas oo ka howgala gobolkaasi. Sidoo kale taliyaha ayaa la sheegay in muddo laba maalmood ah uu joogi doono magaalada Baydhabo isaga oo la kulmi doono ciidanka AMISOM ee jooga halkaasi. Sidoo kale taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM General Yilma Tigabu ayaa booqan doono xeryaha ciidamada AMISOM ee ku yaalla gobolka Baay, isagoo si gaar ah u kormeeri doono howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada ka soconaya guud ahaan gobolkaasi. AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyada oo kaashaneysa ciidanka Xoogga dalka. View the full article
  5. Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan waxa ay ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga labada dowladood. Wasiirka Batroolka iyo macdanta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ku sugan magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa dhigiisa dalkaasi caadil Cali Ibraahim waxa uu la saxiixday heshiis iskaashi iyaga oo isku raacay in labada dhinac ay xoogga saaraan sidii loo xoojin lahaa iskaahiga labada dowladood. Sidoo kale wasiirka Batroolka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugnaa dalkaasi waxa uu booqday xarumha kala duwan ee lagu soo bandhigo wax soo saarka macdanta dahabka isaga oo dhinaca kale kulamo la qaatay shirkadaha soo saara macdanta dalka Suudaan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa 8-dii bishan waxa uu saxiixay sharciga batroolka dalka oo muddo 33-maalmood ah horyaalay xafiiskiisa. Booqashada wasiirka Batroolka Soomaaliya ee dalka Suudaan gaar ahaan goobaha lagu soo bandhigo macdanta ayaa ku soo aadaysa xilli Shirkado caalami ah ay horay sahmin uga sameeyeen macdanta ku jirta gudaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Boosaaso (Caasimada Online) – Aabe Ilyaas Aadan oo dhalay, marxuumad Caa’isho ayaa ka hadlay xukunkii dilka toogashada ahaa ee lagu fuliyey labo ka mid ah ragii loo xukumay kiiskaasi, kuwaas oo saaka lagu dilay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso. Aabe Ilyaas ayaa soo dhoweeyay toogashada lagu fuliyey, Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, isagoo sheegay inuu faraxsan yahay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xukunka la fuliyey uu daawo u noqon doono gabar kasta oo Soomaliyeed, gaar ahaan inaan dumarka lagula kicin kufsi iyo dil. “Maanta waxaan qisaasanay nimankii dilka iyo kufsiga u gaystay gabadhaydii Caaisho, waana dul-tegay meydkooda oo waan hubiyay inay dhinteen labada ruux ee la toogtay, waana ku faraxsanahay in xukunkii la fuliyey” ayuu yiri Aabe Ilyaas Aadan. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday sababta Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ah xukunsanaha saddexaad looga reebay toogashada. Ilyaas Aadan ayaa carabka ku dhuftay inay isku afgrteen isaga iyo qoyskiisa in dib loo dhigo muddo 10 cisho ah, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo. Wararka qaar ayaa sheegaya inaan weli Cabdisalaan lagu helin caddeymo rasmi ah oo muujinayo inuu qeyb ka ahaa falkaasi, inkastoo lagu xukumay dil toogasho ah. Kiiska Caaisho Yar ayaa muddo dheer soo jiitamayey wuxuuna soo maray marxalado kala duwan iyo maxkamado dhowr ah oo ku yaalla deegaanada maamulka Puntland.
  7. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa magaalada Addis Ababab kulan gaar ah kula qaatay madaxweynaha Golaha Midowga Yurub, Mudane Charles MICHEL. Kulankaan ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya. Sidoo kale madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Golaha Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. Charles MICHEL ayaa dhankiisa dowladda Soomaaliya ku ammaanay horumarka ay ka sameysay horumarinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hay’addaha dowliga ah. Madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeyb galay meertada 33-aad ee shirka Midowga Afrika ayaa kulan duceedyo magaaladaasi kula yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo shirkaasi ka qeyb galay, sida ra’iisul Wasaarayaasha Canada iyo Norway.
  8. Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL ayaa iska wareystay horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya taas oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL ayaa dowladda Soomaaliya ku ammaanay horumarka ay ka sameysay horumarinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hay’addaha dowliga ah View the full article
  9. Waxaa sii kordhaya baaqyada nabadeed ee loo dirayo ciidamada dowladda ee dhowaan la geeyey gobolka Gedo iyo ciidanka Jubbaland ay ku sugan gobolkaasi. Nabadoon Idiris Xasan Nuur oo ka mid ah waxgaradka Beledxaawo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda dhexe iyo kuwa Jubbaland in la qaboojiyo xiisada labada dhinac. Sidoo kale wuxuu dalbaday in laga wada shaqeeyo xasilinooda deegaanka iyo badbaadada dadka shacabka ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Turki-1.mp3 View the full article
  10. Puntland Custodial Corps executed earlier today Abdifatah Abdirahman Warsame and Abdisakur Mohamed Dige, who were convicted of gang-raping and murdering Aisha Ilyas. Puntland Attorney General Mohamud Hassan Aw Osman confirmed the execution to Puntland Post. The two murderers were murdered Cabdisalam Abdirahman Warsame was temporarily given stay of execution following a request from the father of the murdered child. The First Level Court of Nugaal sentenced the three men to death by a firing squad. The Supreme Court of Puntland rejected judicial review request from the convicted rapists. On 24 February 2019 Aisha Ilyas went missing in Sinai neighbourhood of North Galka’yo. Next day Aisha’s body was found near her family’s house. Post-mortem conducted by Puntland Criminal Investigation Department concluded that Aisha suffered rape and torture before the men killed her. Puntland Forensic Centre was involved in examining DNA traces of the suspects found on Aisha’s body. The murder resulted in popular angst about leniency towards rapists, who benefit from traditional adjudication. The Aisha Ilyas case was tried under a Civil Law court in line with the Somali Penal Code. © Puntland Post, 2020 The post Puntland Executes Two Convicted Rapists and Murderers appeared first on Puntland Post.
  11. Sadexdii Dambiile ee loo haystay Kursiga iyo Dilka Marxuumad Caisha Ilyaad ayaa laba kamida la qisasay saaka iyadoo Waalidka Marxuumada ay goobjoog ahaayeen. Ninka Sadexaad [...] Source
  12. Ilyaas Aaden Abbaha dhalay gabadhii yareyd ee Caa’isha, oo warbaahinta la hadlay kadib markii saaka la qisaasay laba kamid ah saddexdii xukmane ee Kiiskaasi, ayaa ka warbixiyay sababta loo reebay xukmanihii saddexaad. Ilyaas Aaden, ayaa sheegay in xukmanaha la dib dhigay qisaastiisa uu yahay dambiile, balse mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa, si baaritaan iyo hubin loogu sameeyo. Sidoo kale, Ilyaas wuxuu sheegay in isagu codsaday dib u dhigista xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ee aysan jirin go’aan maxkamadeed oo dib loogu dhigay kiiskiisa. Oday Ilyaas, ayaa intaasi raaciyay, in uu saaka goob-joog ahaa fagaarihii lagu toogtay labada xukmane, isagoo xusay xukunka qisaasta ay qoyskiisu fuliyeen, islamarkaana uu shakhsiyan hubin ku sameeyay maydadkooda. Hadalkaas ayuu Ilyaas Aaden jeediyay saacad kadib markii xukunka qisaasta ah lagu fuliyay Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige. Labada marxuum ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso, waxaase mudda 10 cisha ah kiiskiisa dib loo dhigay Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame. Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Ilyaas Aaden: Ninka la reebay waa dambiile appeared first on Puntland Post.
  13. Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanka Baangaaley oo u dhexeeya degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidanka dowladda oo ku dhex jiray maleeshiyaadkaa ay isaga kala baxeen, kadib markii ay ka go’day sahaydii ay ku joogeen halkaasi. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in markale beelahaasi ay ku dagaalamaan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaliya. View the full article
  14. Socdaalka labada maalmood qaatay ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tagay Itoobiya, wuxuu tumaati ku yahay Xukuumadda Muqdisho oo sannad iyo dheeraadkii la soo dhaafay isku maaweelin jirtay inay Somaliland ka soo owday albaabadii Itoobiya ee hore ugu furnaan jiray, kaasi oo muddo dheer kaar siyaasadeed ku hayey Soomaaliya. Sidoo kale waxa booqashada madaxweyne Muuse Biixi soo afjartay fadhi ku dirirka Somaliland oo ka deyrin jiray xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay Itoobiya, oo ay ku doodi jireen inuu gaabis galay muddadii uu xilka loo doortay Abiy Axmed oo ay qabeen inuu u janjeedhsaday dhinaca Soomaaliya, hase ahaatee may ahayn mid xaqiiqo ku sallaysan. Booqashada Madaxweyne Biixi ku joogo Addisa-ababa, waxay ka dhalatay martiqaad rasmi ah oo Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed uu fidiyey Madaxweynaha Somaliland oo uu ka dhexeeyo cilaaqaad soo jireen ah iyo xidhiidh saaxiibtinimo oo gaamuray, kaasi oo ku siman labada dawladood iyo labada shacab. Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed wuxuu isla Arbacadiiba la kulmay Madaxweyne Muuse Cabdi iyo weftigiisa oo ay wadahadal dheer ku naaqisheen masaalixda labada dal. Warbixinta Warbaahinta Fana dalka Itoobiya daabacday ayaa suuraynaysa iskaashiga jiridaystay ee Itoobiya iyo Somaliland, waxaanay tidhi “Waxay labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya falanqeeyeen Qodobbo badan oo ay ka mid yihiin inay sii xoojiyaan xidhiidhkooda labada ummadood, iyo nolosha ay ku nool yihiin Itoobiyaanka degan Somaliland iyo sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen Arrimaha Nabadgelyada iyo Ammaanka.” Waxa kaloo idaacadda Fana intaas ku daray “Waxay isla soo qaadeen qodobbo ku saabsan heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac [Somaliland iyo Itoobiya] iyo cilaaqaadkooda mustaqbalka.” Sidoo kale, waxay Faana werisay in labada Hoggaamiye ka wada hadleen ka faa’iidaysiga dekedaha iyo qoddobo oo ku wajahan xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Itoobiya. Weftiga Madaxweynaha Somaliland Arbacadii Madaarka caalamiga ah ee Bole ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo Wasiirul-dawlaha Arrimaha dibadda dalkaas Hirut Zemene, iyadoo aad loo muuneeyey hab-maamuuska madaxweynaha. Geesta kalena, waxa Khamiistii maanta Madaxweyne Biiixi iyo weftigiisa hadhimo sharafeed ku qaabilay Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Maaliyadda Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu iyo Mudane Axmed Shide oo ka mid ah foolaadka Golaha Wasiirrada Itoobiya. Dawladda hadhkeed la ciyaarka ah ee Farmaajo oo marin habaabinta bulshadeeda ka dhigatay siyaasad ay ku tamariso, ayaa fadeexadda siyaasadeed ee kala kulantay booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Somaliland ku tagay Addis-ababa, waxay kaga falcelisay inay isku maaweeliso in war sheegaya in madaxweynaha Somaliland ogolaaday inuu la shaqeeyo dawladda Muqdisho, taasoo aan ka mid ahayn qodobbadii Somaliland iyo Itoobiya ka wadahadleen. Dawladda Somaliland ayaa Xukuumadda Itoobiya uga mahadcelisay sida saaxiibtinimada leh ee ay u qaabileen madaxweyne Biixi iyo Weftigiisa. “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhaweynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda,”ayuu lagu yidhi War-murtiyeed uu soo saaray Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanu intaas ku ladhay; “Shirkii weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, waxa la isku af-gartay in arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika.” Asbaabaha Xoojinaya Iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya: Inkasta oo dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya ay juhdi badan gelisay inay curyaamiso xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya, waxay Somaliland ay diblomaasiyan dhicisaysay xiqdigii Soomaaliya, iyadoo Itoobiya ku baraarugtay inay iimaansato xidhiidhka diblomaasiyasadeed iyo ganacsi ee ka dhexeeya Somaliland oo ay u aragtay mid aan mugdi iyo madmadow la gelin karin. Dawladda Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn waxaa saami dhan 19% laga siiyey heshiiska maalgashi ee lagu casriyeynayo marsadda Berbera, oo ay si saddex geesood ah u wadagaleen Xukuummadda JSL, Itoobiya iyo Shirkadda DP World, waxaanay arrintaasi ahayd qoddob weyn oo Madaxweyne Biixi iyo Ra’iisul-wasaare Abiy isla jeex-jeexeen intii uu socday kulankoodii. Sidoo kalena, Xukuumadda Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed waxay Somaliland u soo dirtay Shamsudiin Axmed Rooble oo ah danjire waayo-aragga ah oo magacaabistiisu ka turjumayso in Itoobiya daneynayso masaalixda aan xadka lahayn ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu dambeyn, Dawladda Somaliland waa gaashaan adag oo Itoobiya kaga deyran kooxaha argagixisada ee Soomaaliya ku beermay, taasi Itoobiya aanay ku safaadeynin. Sidaas darteed, waxa booqashada Madaxweyne Biixi ay dhirbaaxo siyaasadeed ku tahay Farmaajo iyo Maamulkiisa oo shacbigiisu quus ka joogo tamar darrada dawladiisa oo gaadhay in aanay xataa ka wada talin magaalada Muqdisho badhkeed labadii sannadood ee uu fadhiyey hoggaanka Soomaaliya oo ay ku ilaaliyaan ciidammada AMISOM. Xigasho: Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), Waana Qalinkii Cumar Maxamed Faarax Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq ee gobolka Gedo, Mudane Sahal Macalin Aadan ayaa sheegay in maanta ay sugayaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo saacadaha soo socda ku wajahan gudaha degmadaasi. Sahal oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in ciidamadaasi ay la wareegi doonaan amniga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay isugu jiraan Milatari, Boolis iyo Asluub, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa ka dabaday dowladda federaalka in aysan hilmaamin ciidamadii horay uga howlgalayey degmadaasi, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku soo shaqeeyeen daruufo adag, tan iyo sanadkii 2009-kii Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe ciidamada ku daabuleysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, kuwaas oo la wareegay Doolow iyo Beled-Xaawo. Dhaq dhaqaaqyadaan ayaa sidoo kale sare u qaaday xiisada u dhexeysa dowladda dhexe iyo Jubbaland ee ka taagan gobolkaasi.
  16. Wararka aan ka helayno degmada Hodan ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in xalay degmadaasi lagu dilay guddomiye Laameed ka tirsanaa maamulka degmadaasi waxaaana ka soo baxaya faahfaahino kala duwan. Dilka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay xaafadda Siigaale ee degmadaasi, waxaana dilka geysatay dabley la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen marka ay falka dilka ah geysteen ka dib. Marxuumka la dilay ayaa lagu magaacibi jiray Liibaan Qiyaamo, waxaana la tilmaamay in goobta lagu dilay horay sidoo kale loogu dilay saraakiil ka tirsanaan jirtay dowladda federaalka Soomaaliya. Dilka ka dib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowladda waxa ayna halkaasi ka bilaabeen baaritaano ay ku baadi goobayaan raggii falka geystay inkastoo aysan jirin cid baaritaankaasi ay ku soo qabteen. Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto masuuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana wali laamaha amaanka aysan la imaan tallaabo ay arrinkaasi uga baaqsanayaan, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xalay ku kulmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo ay labadooduba ku sugan yihiin. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka laakiin, ilo xogogaal ah ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay kulanka oo ahaa mid casho ah oo ka dhacay hotelka madaxweyne Biixi degan yahay. Kulanka ayaa la sheegay in ay jilbaha isku dhigeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha oo ay kala weheliyaan Dr Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiir Siciid Sulub Maxamed iyo odayaal kale oo reer Somaliland ah waxaana la filaya in ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda Somaliland oo ay ugu horayso arrinta doorashooyinka iyo muranka Komishanka. Source
  18. (SLT-Ankara)-Shan askari oo ka tirsanaa ciidanka Turkiga ayaa lagu dilay weeraro ay millatariga Suuriya ku qaadeen fadhiisimaha ay kaga sugan yihiin gobolka Idlib. In this photo released by the Syrian official news agency SANA, Syrian government forces entering the village of al-Eis, in Aleppo province, Syria, Sunday, Feb. 9, 2020. Syria’s military has vowed to keep up its campaign to regain control of the whole country, days after capturing large chunks of territory from the last rebel holdout in northwestern Syria. A Syrian army spokesman said on Sunday that its forces had seized 600 square kilometers (230 square miles) of the country’s northwest, gaining a strategic advantage. (SANA via AP) Wasaarada difaaca Ankara ayaa xaqiijisay in madaafiic hoobiyeyaal ah loo adeegsaday weerarka lagu soo qaaday ciidanka turkiga, ayna jirto dhaawacyo ka dhashay Mashaqadaan. Waxay madaafiic la beegsadeen xarumaheena, ciidanka yagana waxay ka bixiyeen jawaab celin buuxda ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka. Dowlada Turkiga ayaa dhanka kale sheegtay in ciidankeeda ku sugan gobolka Idlib ee dhanka xadka u dhow ay ka shqeynayaan xaqiijinta ammaanka, ka hortaga tahriibka iyo sidii loo caawin lahaa shacabka Suuriya ee ku barakacay Colaada. Sarkaal u hadlay millatariga Turkiga ayaa sheegay in ay beegsadeen 115 saldhig oo ay ku sugan yihiin millatariga suuriya, ayna ku dileen 101 Askari. Wasaarada difaaca Turkiga ayaa fal celintaan ku tilmaantay isdifaacid waafaqsan shuruucda Caalamiga. Source
  19. (SLT-Moscow)-Maxkamad ku taalla dalka Ruushka ayaa xabsi gaadhay lix illaa iyo 10 sanno ku xukuntay todoba xubnood oo ka mid ah shaqsiyaadka u ololeeya xisbiga midigta ee mucaaradka ku ah dowladda. Waxaa lagu eedeeyay in ay maleegayeen weeraro ka dhaca ruushka intii lagu guda jiray koobkii Adduunka ee sannadkii 2018-kii. Xubnahaan oo ka tirsan kooxda lagu magacaabo Network, ayaa doonayay in weerar ay ka geystaan magaalada Penza. Si kastaba ha ahaatee eedeysanayaasha oo da’dooda u dhaxeyso 23 ilaa 31 sano jir ayaa diiday danbiga lagu soo oogay. Iyaga oo hadal kooban ka jeedinayay Maxkamada ayaa waxay ku eedeeyeen maamulka Kremlin ka in uu ku xadgudbay intii ay xabsiga ku Jireen. Dalka Ruushka ayaa dhowr mar waxaa ka dhacay weeraro argagixiso oo lagu qaaday xarumaha Dowlada. Source
  20. Labo ka mid ah xukumanayaashii loo heystay Gabdhii dilka iyo kufsiga loogu geystay magaalaada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa saakay lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobalka Bari. Labada xukunsane ee la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, halka toogashadiisa dib loo dhigay Cabdisalaam Cabdiraxmaan Warsame ka dib markii aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas uu sidaasi dalbaday waxaana dib loo dhigay muddo 10 cisho ah. 12-kii May sanadkii 2019 ayey maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal waxa ay raggaani ku xukuntay dil toogasho ah halka maxkamada racfaanka 30-kii Juun ee isla sanadkaas ay ku raacday xukunka maxkamadda darajada 1-aad. Dhanka kale 25-kii Augsust ee 2019-kii ayey sidoo kale maxkamada sare ee Puntland waxa ay ayiday xukunka toogashada ah ee lagu riday raggii ka dambeeyay dilkii iyo kufsigii waqooyiga Gaalkacyo loogu geystay Allaha u naxariistee Caa’isha Ilyaas Aadan. 25-kii Febaraayo ayaa Caa’isha Ilyaas oo maalin ka hor la weysanaa waxaa meydkeeda laga helay xaafad ka mid ah Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana markaas jirkeeda ka muuqday jirdil ba’an oo loo geystay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda kenya ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo dheeraad ah ay geysay magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, dalkaasi. Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay qeybo badan oo ka mid ah gudaha magaalaaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhaq dhaqaaqyo cusub iyo howlgallo ciidamadu ay ka bilaabeen halkaasi. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya xiisada ka taagan Mandera iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira halkaasi. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoona shalay sanatarada, xildhibaanada laga soo Mandera iyo maamulka degmadaasi ay dalbadeen inuu deegaanka isaga baxo wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo ay ku eedeeyeen qal qal gelin amni. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana tallaabada ay qaatay Kenya ay sare u sii qaadeysa xiisada ka taagan halkaasi.
  22. (SLT-Boosaaso)-Ciidamada maamul gobolleedka Puntland ayaa saaka toogasho ku fuliyey laba ka mid ah saddexdii nin ee lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12- jir ahed, dhacdadaas oo si weyn u taabatay dadka Soomaalida. Raggaan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ahna caasimada gobolka Bari. Labada nin ee la toogtay ayaa kala ahaa: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigey toogashada Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame. Wararka ayaa sheegaya in sababta xukunsanaha toogashada looga reebay ay tahay inuu dalbaday Aabaha Dhalay Caaisha ee Ilyaas Aadan. Toogashada laga fuliyey ragaan ayaa hora loo sii ogaaa, waxaana 12-kii bishii hore shaaciyey xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland. Dad badan ayaa si aad ah u soo dhoweeyey in ay cadaaladda ay hesho Caaisho Yar oo bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil. Source
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo a ayaa xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dabar-gooynayso khatarta argagixisadu ay ku hayaan nolasha muwaadiniinteenna, arrinkaas oo horseedaya xasilinta dalka iyo soo celinta maqaamka aan ku lahayn Afrika. “Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.” Madaxwwynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay argagixisada uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casri ah oo ay dagaalkan kusoo afjari karaan. “Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.” Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.” Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay muhiimadda midnimada iyo wadajirka dalalka Afrika ay u leedahay xaqiijinta hiigsayada shucuubta Qaaradda ee u ooman horumarka, kobaca Dhaqaalaha iyo nolasha wanaagsan ee ay mudan yihiin. View the full article
  24. Puntland ayaa saaka xukunkii dilka toogashada ahaa ku fulisay labo ka mid ah raggii lagu helay kiiskii Caaisho Ilyaas Aadan oo ka dhacay M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa lagu toogtay Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigay toogashada Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame. Sababta toogashada looga reebay C/salaan ayaa lagu sheegay inuu dalbaday Aabaha dhalay Caa’isho Ilyaas, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Caaisho oo 12 jir aheyd ayaa bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay Ummaddda Soomaaliyeed. View the full article
  25. Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Puntland ayaa saaka toogasho ku fuliyey labo ka mid ah saddexdii nin ee lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12- jir ahed, dhacdadaas oo si weyn u taabatay dadka Soomaaliyeed. Raggaan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ahna caasimada gobolka Bari. Labada nin ee la toogtay ayaa kala ahaa: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigey toogashada Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame. Wararka ayaa sheegaya in sababta xukunsanaha toogashada looga reebay ay tahay inuu dalbaday Aabaha Dhalay Caaisha ee Ilyaas Aadan. Toogashada laga fuliyey ragaan ayaa hora loo sii ogaaa, waxaana 12-kii bishii hore shaaciyey xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland. Dad badan ayaa si aad ah u soo dhoweeyey in ay cadaalad hesho Caaisho Yar oo bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil.