Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,385
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxwaynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirada maamulkaasi oo maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb. Shirka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha ka jira Galmudug, tallaabooinka loo baahan yahay in horey loo qaado, sida amniga iyo adeegyada kale ee bulshada. Sidoo kale wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in wasiirada uu la kulmay madaxweyne Qoor Qoor ay ahaayeen kuwo aan haatan wax xil ah heyn, islamarkaana uu horey uga qaaday Axmed Ducaale Geelle ( Xaaf) iyadoona sidoo kale ay meesha ka maqnaayeen kuwii ka soo galay dhinaca ururka Ahlu Sunna Waljamaaca. Qoor Qoor oo wada abaabullo xoogan ayaa sidoo kale shalay la kulmay odayaasha dhaqanka ee deegaanada Galmudug, isagoo kala hadlay xaaladda maamulkaasi. View the full article
  2. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saacadihii la soo dhaafay labo qof oo shacab ahaa loogu geystay duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dilka oo ka dhacay deegaanka Habar-Cirir ee gobolkaasi ayaa la sheegay in geysteen maleeshiyaad hubeysan. Dhinaca kale taliyaha ciidanada Booliska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Maxamed Jaamac oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in degmadaasi ay ku qabteen labo ka mid ah ragga dilka geystay oo iyaga baxsad ah gaaray halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan ku raad joogaan labo nin oo kale oo la sheegay inay ku lug lahaayeen dilalkaasi. Inta badan dilalka ka dhaca gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa salka ku haya arrimo la xariira aanooyin Qabiil. View the full article
  3. Qiimeyn sanadle ah oo ay todobaadkan soo saartay Global Fire Power oo ah madal lagu qiimeeyo awoodda ciidamada dalalka ee tiro, saanad iyo saadba ayaa ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed gelisay kaalin hoose oo aan u qalmin, taariikh, magac iyo maamuus ahaanba. Qiimeyntan oo lagu sameeyey ilaa 138 dal oo caalamka ah, Soomaaliya waxaa ay gashay kaalinta 136-aad, waxaa ka hooseeya uun dalalka Liberia iyo boqortooyada yar ee Bhutan. Labadan dal ee Soomaaliya ka hooseeya midka hore waxaa ku nool 4 Milyan, ciidankooda waa 2,000 oo qof halka Bhutan ay ka yartahay hal milyan qof, ciidamadooduna lagu qiyaasay dhowr kun. Qiimeyntan waxaa kaalimaha 10-ka ugu horeeya ay noqdeen sidan: (1). Mareykanka (2). Ruushka. (3). Shiinaha. (4). Hindiya (5). Japan. (6). Koonfurta Kuuriya. (7). Faransiiska. (8). Ingiriiska. (9). Masar. (10). Brazil. Dalalka Afrika, bariga dhexe iyo carabta waxaa hoggaanka u haya dalka Masar, Dalalka kale waxaan ka xusi karnaa: Turkiga (11), Iran (14), Pakistan (15), Israel (18), Waqooyiga Kuuriya (25), Ciraaq (50), Suuriya(55), Itoobiya (60), Suudaan (76), Kenya (84), Uganda (86), Qatar (90), Koonfurta Suudaan (117). Xaaladda ciidanka xoogga dalka: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isniintii ka hadlayey shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee dalka saaran ay keentay dhibaato xoog leh isaga oo sheegay in argigixisada kula dagaalaan hal gacan oo xiran. Farmaajo waxaa uu xusay in loo baahan yahay in qorshaha lagu dhimmayo AMISOM ay barbar socoto qorshe kale oo lagu dhisayo ciidanka xoogga dalka, oo la qalabeeyo. Maxaa loo dhisi waayey ciidanka qaran? Madaxweyne Farmaajo waxaa uu qeyb ka yahay guuldarrida ah in aan weli la dhisin ciidamo qaran oo talo leh, marka la eego fulin la’aanta heshiiskii “Security Pact” ee lagu saxiixay London isaga oo 3 bil joogay iyada oo lagu heshiiyay dhismaha ciidamada qalabka sida, bixitaanka AMISOM, maalgelinta ciidamada iyo kaalinta Soomaalida iyo beesha caalamka ee hirgelintiisa. Heshiiskan waxaa uu khuseeyey 4 meel: Tirada ciidamada, qeybinta ciidamada ee dowladda iyo maamul goboleedyada, taliska ciidamada iyo mas’uuliyadda dowladda iyo maamul goboleedyada. Beesha caalamka waxaa ay soo dhaweysay heshiiska siyaasadeed iyo heshiiska Qaabaynta Amniga Qaranka”, waxaana lagu taliyey in laga sii wada hadlo meelaha weli aan laga hadlin ee siyaasadda, waxaa ku jira maalgelinta ciidanka iyo sida ay tahay in lacagta ciidanka u qeysadaan Soomaalida iyo beesha caalamka. Taageerada Beesha Caalamka: In Beesha caalamka ay taageero dhaqaale iyo mid qalab ah siiso Soomaaliya 4ta sano ee soo socota. In lala yimaado qorshe ciidanka lagu maalgeliyo(CAS) qorshahaas oo lagu yeero 4As oo kala ah( Affordable, acceptable, accountable and able) iyo in AMISOM lagu saleeyo baahida ay dadka Soomaalida ah qabaan. 3 sano kadib arrimahaas waxbo lagama qaban, mana muuqato in 2020-ka la fulin karo taasi oo ku tusineysa in Soomaalida oo ay ugu horeyso dowladda federaalka ay mas’uulka ka tahay kaalinta iyo sharaf dhaca ciidamada xoogga dalka uu ka galay qiimeynta Global Fire Power. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye Goobjoog News
  4. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo maanta la hadlayey warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xaaladda ammaan ee dalka. Xijaar ayaa sheegay in dalka lagu soo duulay, islamarkaana lag soo galo xuduudaha iyo dhanka hawada, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la diidan yahay in la sugu amniga dadka, islamarkaana la burburiyey Kaamirooyinkii lagu xiray jidadka qaar ee magaalada Muqdisho. “Dalkeena amnigiisa waa lagu soo duulay, xuduuda halaga soo galo ama Dayuurad ha lagu yimaado, dalkeena Amnigiisa meel xun buu marayaa, waxaa la diidan yahay dadka amnigiisa in la ilaaliyo Kaamirooyinkii wadooyinka lagu xiray in la qarxiyo baa la gaaray, wadaa la dhisayaa Injineeradii dhisayay baa la dilayaa oo la qarxinayaa, waxaa la diidan yahay Umadatan Soomaaliyeed iney xasisho oo luga heeda ku istaagto”. ayuu yiri Xijaar. Ugu dambeyn wuxuu taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku baaqay in laga wada shaqeeyo shacab iyo ciidan amniga dalka, si looga gudbo xaaladaha adag ee jira. View the full article
  5. Raggii kufsaday Caa’isha Ilyaas oo Bosaaso lagu toogtay Qaar kamid ah ragga la toogtay Waxaa saaka maamul goboleedka Puntland lagu toogtay laba kamid ah raggii kufsaday Caaisha Ilyaas oo maxkamadaha Puntland ay dil xukumeen. Ragga la toogtay oo lagu kala magacaabo Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed ayaa sakaa aroortii la geeyay fagaare ku yaala Magaalada Bosaaso ee Puntland, halkaas oo lagu qisaasay. Ragga dilka lagu xukumaya oo titradoodu gaareysay saddex ayaa waxaa dib loo dhigay mid kamid ah raggaas, waxaana la filayaa in fahfaahin dheeraad ah ay ka bixiyaan hey’adaha garsoorka ee Puntland. Raggan ayaa 25-kii bisii Febraayo ee sanadkii hore ee 2019-ka Magaalada Galkacyo ku kufsdaay Caaisha Ilyaas oo xilligaas jirtay 12 sano jir, waxaana arrintaas ay hadal heyn badan ka abuurtay guud ahaan Soomaaliya. Caaisha oo markii la kufsdaay kadib la dilay ayaa meydkeeda laga helay afaaka hore ee gurigooda, waxaana falkaas uu dhaliyay caro aad u ballaaran. Caa’isha Ilyaas Aadan Waa markii ugu horeysya gudaha Soomaaliya lagu dilo rag kufsi geystay, waxaana inta badan maamulada lagu eedeyn jiray in aysan tallaabo ka qaadin dadka eedeeyo inay kufsi kula kacaan dumarka. Hey’adaha xuquuqda aadanaha ayaa in muddo ah dalbanayay in Caaisha ay hesho cadaalad, waxaana mas’uuliyiinta Puntland ay horay u ballanqaadeen in dadkii ka dambeeyya dilka Caaisha cadaaladda la marsiin doona. Qaran News
  6. Kiiska Caa’isha+Raggii kufsaday oo la dilay+ Sida baadhitaanka hidda-sidaha DNA-dooda loo adeegsaday Labo qof oo maxkamad ay ku heshay kufsi iyo dil loo geystay Caa’isha Ilyaas ayaa maanta lagu dilay magaalada Boosaaso ee dowlad-goboleedka Puntland. Qof seddaxaad oo la xukumay ayaan la dilin. Seddaxdaas qof waxay ka mid ahaayeen dad badan oo loo xiray kiiskii kufsiga iyo dilka Caa’isha Ilyaas oo 12 sano jir ahayd. Arrintaas oo ka dhacday Gaalkacyo, dhammaadkii bishii February, ayaa abuurtay xanaaq iyo isu soo baxyo ka dhacay qeybo ka mid ah dalka. Baaritaanka iyo cadeynta la uruuriyay waxaa qeyb ka ahayd xarunta baaritaanka hidda-sidaha ee Garoowe, halkaas oo lagu baaray dhammaan eedeysanayaashii markii hore la xiray. Hay’adda ayaa baaritaan ku sameysay sida uu falkaasi u dhacay iyadoo adeegsaneysay baaritaan lagu sameeyay raggii la eedeeyay iyo jirka Caaisha Ilyaas. Hay’adda ayaa laantaa sirdoonka Puntland ay weydiisatay in ay baaraan falkaas iyagoo adeegsanaya qalabka casriga ah ee ay haystaan. “Waxaan ka codsanay in la xafido meeshii maydka laga helay waxayna inoo sheegeen in la qaaday”, ayuu yiri gudoomiyaha xarunta DNA-ga lagu baaaro ee Garoowe, Cabdirashid Maxamed Shire oo BBC Somali la hadlay Bishii May ee 2019-kii. Cadeynta ay hay’addan soo bandhigtay waxaa la horgeeyay maxkamadda oo xukunkeeda ku saleysay arrintaas. Labadii racfaan ee ay qaateen qareennadii u doodayay raggii la eedeynayay, ayaa sidoo kale la hor dhigay caddeynta ka soo baxday baaritaanka hidda-sidaha. Madaxa hay’adda Baaritaanka hidda-sidaha ayaa BBC Somali u sheegay: “Waxaan weydiisanay in maydka la geliyo qaboojiyaha oo aan la dhaqin, qofna uusan taabanin.” Waxay dhaqaatiirta ka safreen magaalada Garoowe si ay Maydka oo Gaalkacyo yaalay uga soo qaataan baaritaannadii loo baahnaa. Qalabka loo adeegsaday baaritaanka DNA-ga Waxyaabaha la baaray waxaa ka mid ahaa qofkii taabtay jirka Caa’isha iyo hidda-sidayaal kale. Wuxuu baaritaanka bilowday 25-kii bishii Febraayo. Tijaabooyiinkii laga qaaday ayaana loo gudbiyay xarunta Garoowe oo baaritaanka lagu sameeyay. “Waxaan runtii ka qaadnay saambalo aad u badnaa. Qaar waxaan ka qaadnay qeybteeda gaarka u ah. waxaan kaloo tijaabo ka qaadnay qeybo muhiim ah, waxaa ka mid ahaa timeheedii, cidiyeheedii iyo qeybo ka mid ah jirkeeda oo dhaawacyo ay ku yaalleen”, ayuu yiri Cabdirashid. Sidoo kale waxaa DNA laga baaray dharkii ay xirneyd Caa’isha markii kufsiga iyo dilka loo geysanayay. Baaritaanka raggii la eedeeyay Waxaa baaritaan lagu sameeyay raggii lagu eedeeyay in ay kufsadeen Caa’isha ka dibna dilka u geystay. “Wax macno ah ma sameynayo haddii aadan haysan saambaladii aad soo qaaday wax la barbardhigo”, ayuu yiri madaxa hay’adda baaritaanka sameysay. Sida lagu xusay gebagebadii baaritaanka, ragga qaar ee la eedeeyay waxaa la sheegay in ay isticmaaleen xirfado ay isku deyeen in ay kaga baxsadaan baaritaanka hidda-sidaha (DNA-ga) Dhaqtarka ayaa sheegay in tijaabadii lagu sameeyay xubinta taranka ee gabadha in ragga qaar ee kufsiga geystay, laga heli karo unugyada wixii ka soo baxay ah. “Wax yaaabaha cajiibka ah ee inoo soo baxay waxa ay ahaayeen in dhecaan ragga ka yimid inaan meesha laga helin. Taas waxay cadeyneysaa in dadkii geystay kufsiga ay ka taxadareen oo ay is yiraahdeen isticmaala cinjirada la gashdo,” ayuu BBC Somali u sheegay Cabdirashid Maxamed Shire. Balse baaritaanka ayaa lagu sameeyay tijaabooyiinkii kale ee laga qaaday cidiyaheeda iyo jirkeeda. Cabdirashid, gudoomiyaha hay’adda baaritaanka Hidda-sidaha (DNA), ayaa sheegay: “Nasiib wanaag waxaan haysanaa meelo kale oo fiican oo aan isticmaali karno. Waxaad ogataa in gabarkasto oo dhibaaato loo geysanayo ay dagaallameyso oo ay iska celineyso ninka dhibka u geysanaya”. Wuxuu tilmaamay in dagaalkaaas uu faaa’iido leeyahay, lana helaayo waxyaaabo muhiim u ah baaritaanka lagu sameynayo kufsiga. Qaran News
  7. Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, Iidle Xasan Cabdullaahi oo la hadlayey warbaahinta baaq u diray ciidanmada dowladda ee dhowaan la geeyey degmadaasi. Iidle oo ciidamada ku booqday xeyahooda ayaa ka dalbaday inay shacabka u naxariistaan, islamarkaana ay tusaan waxa ay tahay dowladnimada. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Doolow inay wada shaqeyn dhow la yeeshaan ciidamada ammaanka ee magaaladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Wiilo-1.mp3 View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Qoysas Danyara oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa Cabanaya Taliyaha Hawlgalinta Ciidanka Booliska Somaliland Maxamuud Ducaale, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Dowladda dalka Greek ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabeyso qorshe ay albaabada isugu dhufaneyso xeryo ku yaalla jasiiradaha Aegean ee dalkaasi oo ay dagan yihiin muhaajiriin u badan Afrikaan oo ay Soomaali ku jiraan. Qorshaha ay ku dhawaaqday dowlada Greek ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah oo xukuumaddu sheegtay in todobaad weliba ay gudaha Turkiga dib ugu soo celin doonaan 200 oo muhaajiriin ah,kuwaas sharci ka raadinaya gudaha dalka Greek. Wasiirka socdaalka iyo arrimaha qaxootiga wadankaasim, Notis Mitarachi ayaa sheegay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay xeryaha ku yaalla jasiiradaha Aegean ee dalkaasi ay soo gaareen 20 kun oo muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaas oo dhamaantood magangalyo doon ah. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in qorshaha dib u celinta muhaajiriinta ay dhawaan ka bilaabi doonaan jasiiradaha Lesbos, Chios, Samos, Kos iyo Leros ee dalkaasi Greek. Greek ayaa dhawaanahan noqday marin ay isticmaalaan muhaajiriinta Afrikaanka ah, kuwaas oo inta badan ka baxa dhinaca dalka Turkiga. View the full article
  10. Wakaaladda Wararka REUTERS, ayaa ku soo warrantay in tirada dadka u dhintay caabuqa Coronavirus ee dalka Shiinaha, ay kor u dhaaftay 1000 qof. REUTERS, ayaa sheegaysa in Shirkadaha dalka Shiinaha qaarkood, aysan weli shaqada kusoo laaban, kadib markii ay fasax dheeri siiyeen shaqaalahooda sababa la xiriira Coronavirus, halka kuwa kalena ay dowladda weydiisteen balaayiin dollar oo deyn ah, si ay u sii shaqeeyaan. Shirkadaha qaarkood ayaa sidoo kale shaqada ka eryey dad badan, inkasta oo ay jirto in madaxweyne Xi Jinping uu shacabka u ballan-qaaday in aysan jiri doonin shaqo ka eryid badan. Dhinaca kale, la-taliyaha sare ee dowladda ee cudurkan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in faafitaanka cudurkan uu dhammaado bishan February. Waxa uu sheegay in tirada kiisaska cusub ee cudurkan ay hoos u dhacday gobollada qaar. Guddiga Caafimaadka Qaranka ayaa dhinaca kale sheegay Talaadadii in 108 qof oo cusub ay u geeriyoodeen cudurka, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 1016 qof. PUNTLAND POST The post Coronavirus oo in ka badan 1000 qof ku dilay dalka Shiinaha appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Hargeysa)-Afhayeenka guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun ayaa si kooban uga hadlay nuxurka kulan dhex-maray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. DAAAWO:qaabka uu u dhacay toogashada ragii kufsaday caasha ilyaas Source
  13. Sii hayaha xilka safaaradda Soomaaliya ee wadanka Burundi, Mudane Cabdi Maxamed Yuusuf (Liiq Liiqato) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo la xiriira dhul uu sheegay inay leeyihiin, islamarkaana ay ku heystaan saraakiil ka tirsan waaxda ilaalada deegaanka Ggobolka Banaadir. Liiq liiqato ayaa tilmaamay in dhulkaan oo ku yaallo degmada Cabdicasiis uu lahaa Aabahood Ganaraal Maxamed Yuusuf Axmed (Liiq liiqato) oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii milatariga ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Liiq-Liiqato.mp3 View the full article
  14. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ammaanka dalka uu meel xun marayo, isagoo xusay in dalka amnigiisa lagu soo duulay. Taliye Xijaar oo ka hadlayay kulan looga hadlayay isku xirka howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa ugu baaqay Hey’adda Socdaalka in ay koontaroosho dadka soo galaya. “Amniga dalka meel xun buu marayaa, amniga waa lagu soo duulay, kaamirooyinkii lagu xiro waddooyinka in la qarxiyo ayaa la gaaray” ayuu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska. “Dalka horumarkiisa ayaa la diidan yahay, Injineerada waddooyinka dhisaya ayaa la qarxiyaaa, waxaa la diidan yahay ummadda inay xasisho”ayuu hadalkiisa raaciyay Taliye Xijaar. Waxa uu sheegay in ay jiraan dad aan rabin in dalkaan horay u socdo isla markaana ka shaqaynaya in ay wax bur buriyaan sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay wada shaqeynta Hey’adda Socdaalka iyo Booliska, isla markaana ka wada qeyb qaataan ilaalinta amniga iyo koontaroolka dadka dalka soo galaya. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa https://youtu.be/bbbSrO5G70M PUNTLAND POST The post Gen Xajaar: Amniga dalka meel xun buu marayaa appeared first on Puntland Post.
  15. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ammaanka dalka uu meel xun marayo, isagoo xusay in dalka amnigiisa lagu soo duulay. Taliye Xijaar oo ka hadlayay kulan looga hadlayay isku xirka howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa ugu baaqay Hey’adda Socdaalka in ay koontaroosho dadka soo galaya. “Amniga dalka meel xun buu marayaa, amniga waa lagu soo duulay, kaamirooyinkii lagu xiro waddooyinka in la qarxiyo ayaa la gaaray” ayuu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska. “Dalka horumarkiisa ayaa la diidan yahay, Injineerada waddooyinka dhisaya ayaa la qarxiyaaa, waxaa la diidan yahay ummadda inay xasisho”ayuu hadalkiisa raaciyay Taliye Xijaar. Waxa uu sheegay in ay jiraan dad aan rabin in dalkaan horay u socdo isla markaana ka shaqaynaya in ay wax bur buriyaan sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay wada shaqeynta Hey’adda Socdaalka iyo Booliska, isla markaana ka wada qeyb qaataan ilaalinta amniga iyo koontaroolka dadka dalka soo galaya. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Taliye Xajaar: Amniga dalku meel xun buu marayaa appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed(Xijaar) ayaa maanta si adag kaga hadlay xaaladda amaan ee dalka. Xijaar oo warbaahinta kula hadlayey Muqdisho ayaa sheegay in amniga dalka uu marayo meel xun, islamarkaana la diidan yahay in la ilaaliyo amniga dadka. Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in la qarxiyey Kaamirooyinkii lagu xiray jidadka muhiim ah ee lagula socon lahaa dhaq dhaqaaqa, sidoo kalena la dilayo Injineerada dhisaya ka jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Sidoo kale taliyaha Booliska ayaa intaasi ku daraya in lagu soo duulay amniga dalka, islamarkaana laga soo galo xuduudaha iyo hawada, sida uu hadalka u dhigay. “Dalkeena amnigiisa waa lagu soo duulay , xuduuda halaga soo galo ama Dayuurad ha lagu yimaado, dalkeena Amnigiisa meel xun buu marayaa, waxaa la diidan yahay dadka amnigiisa in la ilaaliyo Kaamirooyinkii wadooyinka lagu xiray in la qarxiyo baa la gaaray, wadaa la dhisayaa Injineeradii dhisayay baa la dilayaa oo la qarxinayaa, waxaa la diidan yahay Umadatan Soomaaliyeed iney xasisho oo luga heeda ku istaagto”. ayuu yiri Xijaar. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in amniga uu qof walba mas’uul yahay, islamarkaana ay muhiim tahay in lala shaqeeyo Booliska Soomaaliyeed. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-11022020.mp3 View the full article
  18. (SLT-Beijing)-Tirada dadka ku dhintay cudurka Coronavirus ee dalka Shiinaha ayaa dhaaftay 1000 qof, waxaana sare usii kordhaya walaaca laga qabo heerka uu la eg yahay dhaawaca uu gaadhsiiyey dhaqaalaha dalka. Shirkadaha dalka Shiinaha qaarkood ayaan weli shaqada kusoo laaban kadib markii fasax dheeri ah ay siiyeen shaqaalahooda dabaa-deggii sannadka cusub kadib, halka kuwa kalena ay dowladda weydiisteen ballaayiin dollar oo deyn ah, si ay usii shaqaayaan. Shirkadaha qaarkood ayaa sidoo kale shaqada ka eryey dad badan, inkasta oo ay jirto in madaxweyne Xi Jinping uu shacabka u ballan-qaaday in ayna jiri doonin shaqo ka eryid badan. Dhinaca kale, la-taliyaha sare ee dowladda ee cudurkan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in faafitaanka cudurkan uu dhammaado bishan February. “Xilliga uu joogsan lahaa fiditaanka cudurka waxaan filayaa inay noqoto bartamaha ama dhammaadka bishan,” ayuu yidhi Zhong. Waxa uu sheegay in tirada kiisaska cusub ee cudurkan ay hoos u dhacday gobollada qaar. Guddiga Caafimaadka Qaranka ayaa dhinaca kale sheegay salaasadii in 108 qof oo cusub ay u geeriyoodeen cudurka, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 1016 qof. REUTERS Source
  19. Qiimeyn sanadle ah oo ay todobaadkan soo saartay Global Fire Power oo ah madal lagu qiimeeyo awoodda ciidamada dalalka ee tiro, saanad iyo saadba ayaa ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed gelisay kaalin hoose oo aan u qalmin, taariikh, magac iyo maamuus ahaanba. Qiimeyntan oo lagu sameeyey ilaa 138 dal oo caalamka ah, Soomaaliya waxaa ay gashay kaalinta 136-aad, waxaa ka hooseeya uun dalalka Liberia iyo boqortooyada yar ee Bhutan, labadan dal ee Soomaaliya ka hooseeya midka hore waxaa ku nool 4 Milyan, ciidankooda waa 2,000 oo qof halka Bhutan ay ka yartahay hal milyan qof, ciidamadooduna lagu qiyaasay dhowr kun. Qiimeyntan waxaa kaalimaha 10-ka ugu horeeya ay noqdeen sidan: (1). Mareykanka (2). Ruushka. (3). Shiinaha. (4). Hindiya (5). Japan. (6). Koonfurta Kuuriya. (7). Faransiiska. (8). Ingiriiska. (9). Masar. (10). Brazil. Dalalka Afrika, bariga dhexe iyo carabta waxaa hoggaanka u haya dalka Masar, Dalalka kale waxaan ka xusi karnaa: Turkiga(11), Iran(14), Pakistan(15), Israel(18), waqooyiga Kuuriya(25), Ciraaq(50), Suuriya(55), Itoobiya(60), Suudaan(76), Kenya(84), Uganda(86), Qatar(90), Koonfurta Suudaan(117). Xaaladda Ciidanka Xoogga Dalka: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isniintii ka hadlayey shir madaxeedka midowga Afrika ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee dalka saaran ay keentay dhibaato xoog leh isaga oo sheegay in argigixisada kula dagaalaan hal gacan oo xiran. Farmaajo waxaa uu xusay in loo baahan yahay in qorshaha lagu dhimmayo AMISOM ay barbar socoto qorshe kale oo lagu dhisayo ciidanka xoogga dalka, oo la qalabeeyo. Maxaa Loo dhisi Waayey Ciidanka Qaran? Madaxweyne Farmaajo waxaa uu qeyb ka yahay guuldarrida ah in aan weli la dhisin ciidamo qaran oo talo leh, marka la eego fulin la’aanta heshiiskii “Sucurity Pact” ee lagu saxiixay London isaga oo 3 bil joogay iyada oo lagu heshiiyay dhismaha ciidamada qalabka sida, bixitaanka AMISOM, maalgelinta ciidamada iyo kaalinta Soomaalida iyo beesha caalamka ee hirgelintiisa. Heshiiskan waxaa uu khuseeyey 4 meel: Tirada ciidamada, qeybinta ciidamada ee dowladda iyo maamul goboleedyada, taliska ciidamada iyo mas’uuliyadda dowladda iyo maamul goboleedyada. Beesha caalamka waxaa ay soo dhaweysay heshiiska siyaasadeed iyo heshiiska Qaabaynta Amniga Qaranka”, waxaana lagu taliyey in laga sii wada hadlo meelaha weli aan laga hadlin ee siyaasadda, waxaa ku jira maalgelinta ciidanka iyo sida ay tahay in lacagta ciidanka u qeysadaan Soomaalida iyo beesha caalamka. Taageerada Beesha Caalamka: In Beesha caalamka ay taageero dhaqaale iyo mid qalab ah siiso Soomaaliya 4ta sano ee soo socota. In lala yimaado qorshe ciidanka lagu maalgeliyo(CAS) qorshahaas oo lagu yeero 4As oo kala ah( Affordable, acceptable, accountable and able) iyo in AMISOM lagu saleeyo baahida ay dadka Soomaalida ah qabaan. 3 sano kadib arrimahaas waxbo lagama qaban, mana muuqato in 2020-ka la fulin karo taasi oo ku tusineysa in Soomaalida oo ay ugu horeyso dowladda federaalka ay mas’uulka ka tahay kaalinta iyo sharaf dhaca ciidamada xoogga dalka uu ka galay qiimeynta Global Fire Power. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamad Axmed oo booqasho 2 casho ah ku joogay caasimadda Dalka Suudaan ee Khartuum ayaa booqday xarumaha kala duwan ee lagu soo bandhigo wax soo saarka Dahabka ee Dalka Suudaan, waxaana uu Wasiirku kulamo la qaatay Madaxda Shirkadaha Macaadanta ee Dalkaasi Suudaan. Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federalka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamad Axmed ayaa madaxda Shirkadaha Macaadinta Dalkaasi Suudaan uga warbixiyay sida Soomaaliya ay diyaar ugu tahay in ay ka faa’iideysato qeyraadka dalka gaar ahaan Bartoolka iyo Macaadinta. Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federalka Soomaaliya Eng.Cabdirashiid Maxamad Axmed ayaa heshiis is kaashi la saxiixday Wasiirka dhigiisa ee Dalkaasi Suudaan Caadil Cali Ibraahim waxaana heshiiska goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalkaasi Suudaan, iyo Qunsulka Safaradda Soomaaliya Cismaan Axmed Maxamad, Madaxa Ganacsiga Dalka Suudaan Yuusuf Jeego. PUNTLAND POST The post Wasiirada Batroolka Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis kala saxiixday appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Macalinkii kooxda xulka qaranka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Ghanaian Bashir Hayford ayaa shaqada isaga tegay, 11 bilood kadib. Ninkaan oo u dhashay dalka Ghana ayaa sababta ku sheegay arrimo la xiriira amniga Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo uu muddadaasi ka howlgalayey. Hayford oo la hadlay shabakadda wararka Pulse.com.g, isagoo ku sugan dalkiisa ayaa wacad ku maray inuusan dib ugu laaban doonin gudaha Soomaaliya, islamarkaana uu shaqadiisa uga tegay amni darro awgeed, sida uu hadalka u dhigay. Macalin Ghanaian Bashir Hayford ayaa muddadii uu gacanta ku hayey xulka qaranka dalkeena ka shaqeeyey dib u hagaajinta ciyaartoyda, wuxuuna markii uu qabtay kooxda sanadkii hore 2019-kii uu gaarsiiyey heer wanaagsan. Sidoo kale Hayford guulaha muhiimka ah ee uu la gaaray xiddiga Badweynta (Ocean Stars) ayaa waxaa ka mid ah, kadib markii ay garaaceen xulka qaranka Zimbabwe lugtii hore ee is reeb-reebka koobka Adduunka ee 2022-ka lagu qabanayo dalka Qatar. Hoggaanka xulka qaranka Soomaaliyeed ayaa haatan ka baaraan degaya macalinka bedalaya booska uu baneeyay, macalin Ghanaian Bashir Hayford, kadib 11 bilood.
  22. Madaxa Machadka SIPAM oo ka hadla arrimaha Dowliga horeyna u soo noqday Wasiirkii Batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee la qaatay sanadkii 2012-kii uu dhigayay in arrimaha Shidaalka iyo keyraadka sida loo maamulayo laga wada hadlayo, waxa uuna xusay in uu is khilaafsanaa dastuurka iyo sharciga shidaalka. “Sidaad la socoto 2012-kii dastuurkii Soomaaliya ee ku meel gaarka ahaa ayaa la qaatay kaa waxaa ku jray qodobka 44-aad oo dhahaya arrimha shidaalka ama kheyraadka sida loo maamulayo waa laga wada hadlayaa maadaama la gaaray heer ah in federal la fuliyo, marka waxaa is khilaafsanaa dastuurkii iyo sharcigii shidaalka, taa ayaa keentay in wada hadallo la galo oo waqti dheer qaatay” ayuu yiri wasiirkii hore ee Batroolka. Mar wasiirka aan weydiinay su’aal ahayd sharciga uu saxiixay madaxweynaha waxa ka qaldan ayaa waxa uu sheegay in howlkaste oo la qabto ay leedahay gaabis oo uu ula jeeday in laga gaabiyay sharciga batroolka ee la saxiixay. Wasiir Maxamed Mukhtaar oo arrintaas ka jawaabaya ayaa yiri “Sharci kasta oo bani’aadam sameeyo waa laga yaabaa in uu gaabis ka jiro, laakiin laba arrin ayaa muhiim nagu ah Beydhabo waxaa lagu soo heshiiyay dhawr arrin ay ku jirto arrimaha kheyraadka marka arrimaha nuucaana oo kale ay jiraan waxaa loo baahanyahay in xal siyaasadeed laga gaaro, waxa qaldan kaliya ma ahan sharciga ee waxa la isku hayo waa siyaasad” Dhinaca kale wasiirka ayaan wax ka weydiinay dooda ka taagan sharciga batroolka oo ay ugu horeeyaan maamul goboleedyada qaar ee dalka waxa uuna sheegay in xilligan aaan la isku haysan sharci batrool balse la isku hayo siyaasad u dhaxeysa dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah. “Marka aad dhageysato doodda arrimaha la isku hayo ma ahan shidaal ee waxa la isku hayo ayaa waxa ay tahay federaalka nuuca uu noqon lahaa ma dowladda dhexe ayaa awooddii yeelanayso oo gacanta ku haynaysa mise dowlad goboleedyada, marka waxaa loo baahanyahay in arrintaasi wada hadal laga galo Soomaalina ay ku heshiiso nuuca federal ee aan rabno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar. Sharciga uu 8-dii bishan saxiixay madaxweynaha ee batroolka ayaa waxaa ka taagan dood badan iyada oo dowlad goboleedyada qaar ee dalka ay arrinkaasi ka horyimaadeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com