-
Content Count
214,385 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga arrimaha bulshada, gaar ahaan qeybta warfaafinta ee Golaha Aqalka Sare ayaa diyaariyay qorshe ka dhan ah warbaahinta, kaas oo dhaqan geli doona marka uu furmayo Kalfdhiga soo socda, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Guddigaan ayaa taliska xarunta Aqalka Sare ku wargeliyay in marka uu furmayo Kalfadhiga soo socda oo ah kan ugu dambeeya uusan imaan karin xarunta baarlamaanka, weriye aan warqad ruqso ah kawadan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, taas oo soo martay hubin amni oo ah CID. Sababta arintaan ayey ku sheegeen in ay oga gol leeyihiin saddex arin kala ah. 1) – Dhaqan gelinta xeerka saxaafadda oo la filayo in uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya. 2) – Hubinta amaanka, Guddigu waxay sheegeen iyadoo laga duulayo dhanka ammaanka ay muhiim tahay in la hubiyo saxafiyiinta maadaama ay Al-Shabaab ku milmeen qeybaha bulshada, islamarkaana aysan ku soo dhax gamban Al-Shabaab weriye iska dhigaya. 3) – Iyo xakameenta warar aan sax aheyn oo ay sheegeen in laga tabiyay fadhiyada Aqalka sare, taas oo haddii ay dhacdo toos looga dacwoon doono weriyihii warkaas baahiyay. Caasimada Online waxay xogtaan ka heshay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan taliska ciidanka ee xarunta aqalka sare iyo hay’adaha ammaanka.
-
Puntland oo ganafka ku dhuftay Heshiis uu saxeexay Farmaajo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Puntland oo ganafka ku dhuftay Heshiis uu saxeexay farmaajo Halkan Akhri War-saxaafadeed Rasmi ah oo ku saabsan qadiyadaa:- Qaran News -
Madaxweynaha Philippines oo ka dhabeeyay hanjabaad uu horey ugu ganay Dawlada Mareykanka Dowladda Philippines ayaa si rasmi ah Mareykanka ugu wargelisay in aysan cusbooneysiin dooniin heshiiska dhanka ammaanka ee ay wada galeen labada dal. Heshiiskaas ayaa ciidamada Mareykanka u oggolaanaya inay ku tababartaan gudaha dalka Philippines, ayna dhoolatus wadajir ah la sameeyaan ciidamada milateriga ee Philippines. Madaxweynaha dalka Philippines, Rodrigo Duterte ayaa horay ugu hanjabay in uu ka weecan doona xiriirka taariikhiga ah ee uu la lahaa Mareykanka, waxaana uu intaa raaciyay in uu la shaqeyn doonaa Shiinaha. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Philippines ayaa bartiisa Twiter-ka ku qoray in ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan xilliga uu ku egyahay heshiiskii dhanka ammaanka la siiyay Dowladda Mareykanka. Ogeysiiska la siiyay Mareykanka ayaa ka bilaabanaya xilliga la siiyay, wuxuuna ku egyahay wakhtiga uu dhacayo heshiiskii hore ee ay wada galeen. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in arrintan ay saameyn doonta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal. Bishii lasoo dhaafay, madaxweynaha dalkaas, Rodrigo Duterte ayaa ka digay in uu kansali doona heshiiska dhanka amniga ee ay wada galeen Mareykanka, kadib markii Mareykanka uu dal ku gal u diiday dad ay saaxiibo yihiin Madaxweynaha. Ninka dal ku galka loo diiday oo lagu magacaabo Ronald dela Rosa ayaa lala xiriirriyay ololihii ka dhanka ahaa maandooriyaha, kaas oo kumanaan qof oo lagu eedeeyay inay ka ganacsadaan daroogada lagu laayay. Madaxweynaha aana gabanin ee dalkaas ayaa dhowr jeer ka hadlay mustaqbalka heshiisyada ay dalkiisa wada galeen Mareykanka tan iyo markii uu awoodda yimid sanadkii 2016-ka. Dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysay inay ballaariso saldhiga ciidan ee ay ku leedahay dalka Philipines Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ayaa horay u sheegay in xukuumadda Washington ay halkaas ka dhisi doonta garoomo milateri, guryo iyo xarumo ciidan. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU ayaa waxay Talaadadii Magaalada Hargeysa ku xireen laba nin oo macalimiin ahaa. Macalimiintan ayaa waxay wax ka dhigayeen maclaamad Qur’aanka Kariimka lagu barto, oo ku taala xaafadda Jarrato ee Magaalada Hargeysa. Ciidamada RRU-da oo watay gaari Cabdi Bille ahaa ayaa malcaamadda kaga kaxeystay labada macalin oo dhalinyaro ahaa, iyadoo aan la garanayn ujeedada ka dambeysa xarigooda. Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya inaanay Saraakiisha hay’adaha ammaanka ka hadlin tallaabada lagu soo xiray macalimiintaasi. Maalmo ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Ciidamada Somaliland macalimiin kale oo laba ahaa, ay uga soo qabteen xaafadda Calaamadaha ee Magaalada Hargeysa. Inta badan laamaha amniga Somaliland ayaan ka hadlin dadka ay gacanta ku soo dhigaan Ciidamada RRU-da, oo u tababaran la dagaalanka argagixisada. Somaliland ayaa lagu tilmaamaa deegaanada ugu amniga wanaagsan, geyiga ay Soomaalidu degto.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay in maalmahaan shaqadii xaafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre loo weeciyey suuqa sarifka lacagaha qalaad ee FOREX, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu goor dhaw ku baahiyey bartiisa Facebook ku sheegay in uu hayo xog sheegeysa in maalmaha soo socda golaha wasiirrada la hor geyn doono sharci uu sheegay in lagu naas-nuujinayo qaar ka mid ah shirkadaha FOREX oo ay wax ku leeyihiin xubno ka tirsan madaxda sare ee dowladda federaalka, in kastoo uusan carrabaabin shakhsi gaar ah. Sidoo kale xildhibaankan ayaa nasiib sarro ku tilmaamay hadii ay dhacdo arintaas, isagoo ka digay in sharkadaha qaar la doonayo in suuqa laga saaro, qaarna gaar loo sharciyeysto. Hoos ka aqriso qoraalka Xildhibaan Fiqi oo dhameystiran Xafiiska Raysulwasaaraha oo shaqadiisii maalmahaan u weeciyey suuqa sarrifka lacagaha qalaad ee loo yaqaan FOREX. Xogo muhiim ah oo soo baxaya ayaa tilmaamaya In qaar ka mid ah madaxda dawladda federaalku ay qaar shirkadaha FOREX ka mid ah shirko la noqdeen, tani ma ahan wax ceeb ah balse waxaa ceeb noqon doona marka uu hirgalo qorshe xafiiska RW Khayre ka socdo. Qorshahaas ayaa ah In golaha wasiirada la marsado xeerar lagu naas-nuujinayo shirkadaha FOREX qaarkood ay wax ku leeyihiin (shareholders ka yihiin) madaxda Villa Somalia qaarkood, kuwaasoo waraaqaha ogolaanshaha shaqo kaligood siin doona shirkadaha ay wax ku leeyihiin kuwa kale ee tartanka kula jirana ayadoo si xun loo adeegsanayo magaca dawladnimada la rabo in meesha laga saaro. Horey bankiga dhexe ayaa waraaqo aan laga fiirsan oo lagu mamnuucayo FOREX soo saaray, haddana xeer gole wasiirro dan gaar ah laga leeyahay oo aan socon doonin sidii kii hore oo kale ayaan sugaynaa maalmaha soo socda.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadashay Oday dhaqameed mudooyinkii dambe ku xirnaa magaalada Boorama. Maxamuud Xasan Sacad, Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Soomaliland oo xarigaasi ka hadlayey ayaa sheegay in Xarigooda uu daba-socdo Askari lagu dilay duleedka magaalada Boorama. Wasiirka ayaa sheegay in Oday dhaqameedka ay xirnaan doonaan ilaa inta gacanta lagu soo dhigayo Gacan ku dhiiglaha dilka geystay maadama ay isku reer yihiin, wuxuuna yiri “Nasiib daro waxa dhacday dadkiina lama keenin xoogay xadhig ah ayaa dhacay, xadhigu meelo badan ayuu ka dhacay xeebta wuu ka dhacay, dad waa la xidh-xidha lakiinse waxa weeyaan calaa-kuli-xaal arinta maan joogin iminkana waan ka hawl-galeyna”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaana aad iyo aad ugu rajo wayn yahay cidii dilka gaystay in gacanta lagu soo dhigo, Dadkan wax inoo dhaqan ah ayay iska noqotay cidii wax gaysatay hadii la waayo in ehelka la xidho,waxaan ku daadaali in cidi wax gaysatay gacanta lagu soo dhigo, dadka kalana xoriyadooda helaan”. Duleedka magaalada Boorama ayaa lagu dilay Askarigan xarigooda lala xiriirinayo madax dhaqameedkan, kaasi oo la toogtay xili uu ka howl-galayey Mashruuca biyo balaadhinta magaalada Boorama.
-
By: Abdi Ali Farmaajo believed that the extraordinary rendition of Abdikarim “Qalbi Dhagax” would give him a good standing in Ethiopia. It merely proved to them that he was a weak-willed quisling who trades on his people’s lives In a bondage of fear “In the mountainous regions of Ogadenia, monkeys live side by side with lions – their feared predators. During the day, they climb the trees for safety. During the night, they climb the steepest mountains, hankering down at the top. The lions cannot get to the monkeys because the mountains are too steep for them to climb. The lions also know that the monkeys are weak-willed creatures which are easily panicked and will do anything to save their skins, including sacrificing their own babies. The lions gather at the bottom of the mountain and start unleashing ferocious roars at the monkeys. Terrified, the monkeys start to panic. The strongest ones amongst them start to grab their babies and throw them down to the lions in the hope of saving themselves to make the lions go away. Of course, the act only serves to wet the lions’ appetites and the roars grow ferociously loader and loader. Gripped by the bondage of fear and terror, the monkeys then start to throw each other down the mountain one by one until the strongest two males are left. A struggle for survival ensues, resulting in both males ultimately slipping down the mountain into the lions’ jaws below. They are then both eaten alive.” [Excerpts from the Qalbi Dhagax’s interview that was broadcast on SSTV on the 24th of January 2020. He was explaining the similarities between the actions of the monkeys and those of Farmaajo and others who trade on their people’s lives] In this remarkable observation, Qalbi Dhagax was asked whether he knew why Farmaajo could not simply refuse the forced rendition of a decorated war hero to Ethiopia, or at least, insisted on a trial in Somalia. He paused and gave an example quoted above which was as profound as it was apt. The moral of the story is that “Waa Loo Dhashaa Wadani”. Farmaajo and those like him will never be free from the bondage of fear because they neither have the backbone nor the conscience to do the right thing for their country. Given what happened to Qalbi Dhagax, it makes one wonder what else has Farmaajo done to the country that we still do not know about. The quislings in “Wadani” uniforms On the 6th of September 2017, an extraordinary coverup was unfolding within the Somali government. A few days earlier, on the orders of the Ethiopian government, President Farmaajo and Prime Minster Kheyre sanctioned the abduction and forced rendition of Qalbi Dhagax – a decorated war hero – to Ethiopia. As news of this leaked, there was an outpouring of outrage across the country. Seemingly determined to bury the true nature of what actually happened, the government initially fell back on the claim that Qalbi Dhagax was an Ethiopian citizen who was instigating acts of terror within Somalia and was thus extradited to his country of origin. Then came the second explanation: he wanted to sneak into Ethiopia and the Somali government was only facilitating this – the abduction was part of the cover story. When the absurdity of this was quickly exposed, ignorance was offered as the third excuse: they did not know what happened – only the security agencies did. Finally, it was explained away as a matter of national security: what happened could not be explained, lest the Ethiopian Army descended on Villa Somalia. In essence, he was offered to save Somalia from Ethiopia. A cabinet meeting was then called and rehearsed show debate got underway on how best to spin the story. Finally, the deputy prime minster read out the president’s instruction: the cabinet will designate both the liberation movement that Qalbi Dhagax represented – effectively 20 million Somalis – and Qalbi Dhagax himself, terrorists. A cabinet vote was then taken: every cabinet minister voted in favour; two minsters abstained. In an impassioned appeal to the cabinet, Dr Maryan Qasim, who resigned from the government sometime later, argued that Qalbi Dhagax’s citizenship was unquestioned. He was a veteran who fought for his country. The right course of action would be to bring him before the courts if indeed there was a case to answer. She also reminded everyone at the cabinet table that, by declaring both Qalbi Dhagax and the liberation movement terrorists, the Somali government has shifted the meaning of what is to be a Somali, effectively labelling 20 million Somalis as terrorists. Dr Maryan then voted against the decision. She was the only one around the cabinet table to do so. She knew what was at stake and showed real courage when all around her tottered. She personifies a quality rarely seen in Somali politics – integrity and courage. She and others like her in parliament who stood up for the country represent a glimmer of hope in an ocean of despair. Shortly afterwards, the Somali government announced that Qalbi Dhagax and the liberation movement were terrorists, posing a grave danger to the stability of Ethiopia and Somalia. By handing him to Ethiopia, Farmaajo knew that torture and death were almost assured. Qalbi Dhagax’s fate was effectively sealed. The Somali puppets The abduction of Qalbi Dhagax is an indelible stain on our country and underlines a point often missed in debates about Somalia: how the constraints of integrity and the sense of patriotism have long disappeared, turning many of the country’s “leaders” into enthusiastic and willing puppets. Somalia’s problems are often oversimplified to a debate about greed, Qabiil and personalities, and this is fairly true to a degree. We often hanker at the idealistic thought that one day a patriotic leader will emerge who will change things for the better. Many of us, including Qalbi Dhagax himself, thought Farmaajo would be the one to pull the country back from the precipice. However, a remarkable feature of the Qalbi Dhagax story is that it showed how our country has slowly slipped from our hands without our noticing and betraying the country, its people and values has become normalised. Like the terrified monkeys on the mountains of Ogadenia, many Somali “leaders” are caught in a bondage of fear and will trade on their children’s lives if it came to it. Farmaajo is a potent example. “He has no meaning. He has the mind of a child” In early 2018 when Farmaajo was in Ethiopia for an African Union summit, one of the Ethiopian prison officers told Qalbi Dhagax that president Farmaajo would visit him that day. When that did not happen, Qalbi Dhagax asked the officer why. What he heard shocked him: the junior Ethiopian officer’s response was: “forget about him…the fellow you call a president has no meaning and has the mind of a child”. The Ethiopians hold him in deep contempt. Whilst this comparison is unfair to children, it shows the true irony in all of this: by betraying his country, what Farmaajo hoped would give him good standing in Ethiopia merely proved to them that he was a weak-willed coward, who trades on his people’s lives to save his skin. It is an extraordinary indictment of someone who represents our country. Against all odds, Qalbi Dhagax lived to tell the tale and is a free man. Even today, the Somali government’s official designation of Qalbi Dhagax, and 20 million Somalis, as terrorists still stands. Farmaajo cannot bring himself to take responsibility for what he did to Qalbi Dhagax, nor what he is doing to millions of Somalis his government designed as terrorists. We do not expect him to do the right thing – we know he is incapable of that. The Somali people know that; the Ethiopians despise him for who he is and what he represents; and now history will judge him as the quisling who never regretted. He and those like him will forever be indelible stains on our nation. Aleelahe Rag La’aan Wax Kuma Yeeshee, Rag Xuma Baa Ku Disha. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
BAMAKO (Reuters) - Mali’s President Ibrahim Boubacar Keita on Monday said the authorities were now prepared to talk with jihadist groups in the hope of ending an insurgency that has made swathes of the country ungovernable and stoked ethnic violence. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar-___-Qumanha-Waraka-11022020.mp3 View the full article
-
The Government of Ethiopia reveals additional information on the recent petroleum test production in the eastern part of the country, near Hilala gas discovery site in Somali Region Ogaden area. Experts at the Ministry of Mines and Petroleum of Ethiopia Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal tirsan ciidanka Itoobiya ee jooga gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin hal dal oo kale. Sarkaalkaan oo ku sugan degmada Doolow, islamarkaana la hadlayey cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in uusan farqi u dhexeyn labada ciidan, gaar ahaan ciidamada Itoobiya ee jooga gobolka iyo kuwa Soomaalida ee dhowaan geeyey halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay u taagan yihiin hal calaamad, islamarkaana aysan kala gaar aheyn ciidamadu, sida uu hadalka u dhigay. “Askarigii horay halkaan u joogay iyo kuwii ka yimid Federaalka wax aan ku kala duwannahay ma jirto, mid ayaa nahay, hal calaamad ayaa u taagganahay dad kala gaar ah ma nihin, hal mid inaa noqono oo aan wada shaqeyno ayaa loo baahan yahay” ayuu yiri sarkaalka oo ku hadlayey afka Amxaariga. Sarkaalkaani oo sii hadlayey ayaa sidoo kale ciidamada kula dardaarmay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabad gelyada deegaanka. Itoobiya ayaa marar badan madaxdeedu waxa ay ku dhawaaqeen hadallo kala duwan oo muujinaya damaca dheer ee ay ka yihiim arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Hadalka sarkaalkaan ayaase ku soo aadaya, iyada oo dhowaan dowladda federaalka ay ka digtay faragelin dibadeed, gaar ahaan mida Kenya ay ka wado gudaha Soomaaliya. Hoos ka daawo muuqaalka
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa kulan casha sharaf ah oo sagootin ah u sameeyay Isimo ka socday Puntuland iyo dowlad degaanka Soomaalida, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho. Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, odoyaal dhaqameed, fanaaniin iyo qeybaha bulshada rayidka. Duqa Muqdisho Cumar Filish oo kulankan ka hadlay ayaa xusay in Muqdisho ay tahay magaalo umada Soomaaliyeed oo dhan ka dhaxeysa. Sidoo kale wuxuu sheegay in waajib ka saaran yahay qofkasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah in uu door ka qaato xoojinta xasiloonida iyo dib u soo celinta bilicda caasimadda Muqdisho. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Xaflad sagaatin ah oo loo qabtay isimadii Puntland iyo DDS appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Wuhan ee dalkaas, oo ah halka uu ka dillaacay xanuunka CoronaVirus. Tirada dadka u dhintay cudurkaas ayaa maanta dhaaftay 1000 qof, ayada oo Guddiga Caafimaadka Qaranka sheegeen in Talaadada maanta ah ay 108 qof oo cusub ay u geeriyoodeen cudurka, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 1016 qof. Qoraal kasoo baxay safaraadda Shiinaha ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in xukuumadda Beijing ay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xaqiijinayo bad-baadada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baranaya Wuhan. “Ardayda Soomaaliyeed ee Wuhan waa ay bad-qabaan. Maamulka dowladda Hoose ee Wuhan ayaa adeeg wax ku ool ah siiya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda Shiinaha ee Muqdisho. Dhinaca kale, safaaradda ayaa uga mahad-celisay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad inuu yiri “Soomaaliya waxay shacabka Shiinaha ku garab taagan tahay dagaalka ay ku jiraan faafitaanka cudurkan.” “Aad ayey China ugu mahad-celineysaa. Saaxiibka dhabta ah waa kan xilliga baahida. Cudurkan waa xilli kooban, laakiin saaxiibtinimada waxay jirtaa weligeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.
-
Muqdisho (SNN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kula kulmay agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo Seyniska, Audrey Azoulay oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho. Kadib kulanka oo looga hadlay horumarinta wada shaqeynta Soomaaliya iyo UNESCO, ayaa wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Goodax Barre oo qayb ka ahaa shirka iyo Audrey Azoulay waxay kala saxiixdeen heshiis Soomaaliya iyo UNESCO isaga kaashanayaan hurumarinta waxbarashada ayadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga eh. Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in Soomaaliya ay aaminsantahay in dhaqanku qeyb ka yahay sooyaalka bulshada iyo jiritaankeeda, islamarkaana muhiim u yahay horumarka iyo hiigsiga mustaqbalka isaga oo intaa raaciyay in Soomaaliya u taagantahay xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta kala dhexeeya UNESCO. Soomaaliya ayaa UNESCO xubin ka aheyd laga soo billaabo 1960kii. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ku biiridda Soomaliya ee cahdiyada UNESCO ee 1972 iyo 2003 waxey horseed u noqon doonaan in la dhowro goobaha taariikhiga ah, dib loo nooleeyo hiddo-dhaqameedka, laguna daro Diiwaanka caalamiga ah ee goobaha taariikhiga ah ee caalamka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyay wafdi sare oo ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga adduunka ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR oo uu hogaaminayay Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Johann Siffointe oo ay wehliyaan Axmed Ceynte iyo Christophe Beau Wasiir Maareeye iyo mas’uuliyiinta UNHCR ayaa waxa ay ka wada hadleen arrmimo ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adda Qaxoontiga Aduunka iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo sidii dadka Soomaaliyeed ee Qaxoontiga ah iyo barakacayaasha ay u heli lahaayeen wacyigalin dhab ah. “Waxaan u mahadcelinayaa sida telefishinka Qaranka ay noo soo dhaweeyeen, waxaan halkan u imid booqashada Istuudiyaha Telefishinka, waxaana aad ula dhacsanahay howsha halkan ka socoto, aniga iyo wafdiga ila socda waxaan la kumay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, kulankaasi oo ahaa mid aad u xiiso badan aad uga wada hadalnay xoojinta iyo wadashaqeynta Hay’adda iyo Wasaaradda Warfaafinta, si aan fariimaheena u marsiino Warbaahinta Qaranka ee ku saabsan dadka magangelyo doonka ah, si loo siiyo wacyigelin” Mr. Johann Siffointe. View the full article
-
The leader of Somaliland Muse Bihi Abdi and Somalia’s president Mohamed Abdilahi Farmajo met in Ethiopia for first-ever high-level direct face-to-face meetings reportedly brokered by Ethiopian Prime minister Dr. Abiy Ahmed Ali. No further details about what they have discussed have been reported. On February 09, Somaliland President Muse Bihi Abdi, and his delegation arrived at Addis Ababa the Capital City of Ethiopia and warmly welcomed by Dr. Aklilu Haile Michael, Ethiopia’s State Minister of foreign affairs. On February 08, Somalia President Mohamed Abdilahi Farmajo and his delegation have arrived in the Ethiopian capital to attend the 33rd African Union Ordinary Summit. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka hor-yimid sharciga batroolka Soomaaliya ee uu dhowaan saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in sharcigaas ay ku jiraan qodobo “kasoo horjeeda dastuurka qaranka iyo hanaanka federaalka ee lagu heshiiyey,” illaa laga saarayana aysan qeyb ka noqon doonin fulintiisa. Qodobada Puntland ay xustay ayaa waxaa ka mid ah qodobka 44-aad ee dastuurka ee ka hadlaya qeybsiga kheyraadka dalka, kaasi oo dhigaya inay ka wada-hadalaan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka. Puntland waxay sheegtay in sharciga uu sidoo kale ka hor-imanayo qodobada 4-aad, 50-aad, 51-aad, 86-aad iyo 142-aad ee dastuurka dalka. Dowladda Puntland ayaa shirkadaha caalamiga ah ee danaynaya inay sahmiyaan islamarkaana maal-gashtaan shidaalka Soomaaliya uga degtay inay ku howl-galaan sharcigan, waxayna u sheegtay inay ka fogaadaan. Hoos ks aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland
-
The United Nations will test drones equipped with mapping sensors and atomisers to spray pesticides in parts of east Africa battling an invasion of desert locusts that are ravaging crops and exacerbating a hunger crisis. Source: Hiiraan Online
-
People may have already formed an opinion regarding the protracted conflict in Jubaland. Basically you could hear that it is generally divided into those who support the government’s position and those who bitterly oppose it. Source: Hiiraan Online
