-
Content Count
214,385 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shir sanadeedka Garsoorka dalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayo arrimaha xaaladda ah garsoorka iyo cadaaladda dalka halka uu marayo. Sidoo kale sanadkii labaad ayaa shirkan lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay hey’addaha Garsoorka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka. Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha heysta garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa hay’adaha garsoorka dalka, iyadoo Wasaaradda Cadaaladda ee dowladda federaalka ay ka warbixinayso xaalada Garsoorka dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay u balan qaaday in hey’aadaha Garsoorka laga dhigi doonno kuwo lagu kalsoonaan karo, waxaana dib u habeynta lagu sameyay hey’aadaha Garsoorka dalka. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Madaxweynaha Waddanka Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan, ayaa ku hanjabay in militariga dalkiisa ay weerar cir iyo dhul ah ku qaadi doonaan meel kasta oo ay ku sugan yihiin ciidamada Syria, haddii ay mar dambe askari Turkish ah waxyeello u gaystaan. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkey ay ka go’an tahay inay ciidamada dowladda Syria ka durjiyaan goobaha kormeerka ee gobolka waqooyiga galbeed ee Idlib, ka hor dhammaadka Bisha Febraayo. Waxa uu uga digay ciidamada mucaaradka Syria ee xulufada la ah dalkiisa, inaysan siin ciidamada dowladda Syria cudurdaar ay kusoo weeraraan. Rabshado ayaa ka socday gobolka Idilb oo ku teedsan xuduudda Koonfureed ee Turkey toddobaadyadiii tegay, ayada oo ciidamada dowladda oo ay taageerayaan Russia iyo Iran ay qabsadeen dhul ballaaran. Turkey oo xulufo la ah qaar ka mid ah mucaaradka kasoo horjeeda dowladda madaxweyne Basha Al-Assad ayaa Talaadadii qaaday weerar jawaab ah kadib markii ciidamada Syria ay duqeymo ka dhacay Idlib ku dileen 13 askari oo Turkish ah, 10-kii maalmood ee tegay. Xiisadda Idlib ayaa sidoo kale dhaawacday xiriirka Ankara iyo Moscow. Wakaaladda wararka TASS ee Syria ayaa maanta sheegtay in Erdogan iyo Putin ay ku wada hadleen taleefonka iskuna raaceen inay sii wadaan xiriirkooda Syria. PUNTLAND POST The post Turkiga oo ku hanjabay in uu dagaal Cir iyo dhul ah ku qaadi doono Ciidamada SYRIA appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii la soo dhaafay gaareen duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in ciidankaasi ay ka yimaadeen Ceelwaaq, iyagoona ku biiray askar uu hoggaaminayo wasiir Janan oo ku suganinta u dhexeyso Mandera iyo Beledxaawo. Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey oo hoggaaminayo ciidamadaan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay ciidamadii la dagaalami lahaa Shabaab inay dhufeyso isugu jiraan. Sidoo kale Gurey ayaa tilmaamay in la’isku hayo arrimo siyaasadeed, islamarkaana uu rajeynayo in laga gudbi doono. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka socdeen gobolka Gedo View the full article
-
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubaland ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada Jubbaland iyo ciidan taabacsan Cabdinaasir Seeraar Maax oo sheegtay madaxweynaha Jubaland. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Ciidanka Jubbaland ay Xireen Wadooyinka magaaladda Kismaayo, balse ay tallaabadaasi u hoggaansami waayeen ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar. Dagaalka ayaa ka dhacay Xaafada Siinaay ee magaaladda Kismaayo, halkaas oo ay daganyihiin Xubnaha la baxay Isbedel doonka Jubbaland oo uu hoggaamiyo Cabdinaasir Seeraar, kuwaasi oo diiday natiijadii ka soo baxday doorashada Jubaland ee uu mar kale ku guulaystay madaxweyne Axmed Madoobe. Ilaa iyo hadda wax faahfaahin dheeriya lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka Kismaayo oo ku soo beegmay, xilli madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Safiirka Maraykanka, ay hadda ku shirsan yihiin garoonka diyaaradaha Kismaayo. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhacay magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Kulan wadatashi ah oo ay soo agaasintay wasaarada Dastuurka ee XFS ayaa aheyd mid looga doodayay dardargalinta dhismaha maqaabka Caasimadda iyo kaalinta kaga xusan dib-u-eegista Dastuurka qaranka. Kulankan dooda ah ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro iyo xildhibaano katirsan DFS, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho , guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, qaar kamid ah Agaasimayaasha Dowlada hoose Xamar iyo xubna ka socday beesha caalamka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo madasha ay dooda ka socotay ka hadlay ayaa faah-faahiyay aragtida dadweynaha Caadimadda. “ Magaalada Muqdisho waxaa kunool dad lagu qiyaasay in kabadan 3-Milaan oo qof kuwaas oo aan laheyn matalaad siyaasi ah iyo maqaamka Caasimadeed waxaana aragtida dadweynaha Muqdisho kamid ah in ay helaan xaquuq lamid ah kuwa dowlad goboleedyada taas oo qeyb ka qaadan doonta dib u dhiska Caasimadda iyo in magaalada ay soo ceshato heybadii ay barisamaadkii laheyd”. Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee XFS mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu ka hadlay muhiimada ay lee dahay maqaamka Muqdisho. “Waa arin muhiim ah in doodan la qabto islamarkaana la xaliyo baahiyaha ay tabanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho waxaan uga mahadcelinaaya wasaarada Dastuurka sida ay isaga xilsaareyso howlaha kusaabsan maqaamka Muqdisho”. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo furay kulankani ayaa ka hadlay dib-u-eegista Dastuurka iyo kaalinta maqaamka Muqdisho. “ujeedka Dib-u-eegista Dastuurka qaranka waa in ay noqotaa mid ay kuwada qanacsan yihiin umada Soomaaliyeed iyo in dood Cilmiyeeysan oo dhaxalgal ah laga sameeyo maqaamka Caadimadda iyo helida mataalada siyaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in goor dhaweyd halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada amniga Jubbaland iyo kuwa taabacsan Cabdinaasir Seerar oo isagu horay u sheegay in uu yahay madaxweyne. Israsaaseyntan ayaa timid ka dib markii ciidamada amaanka magaalada ay xireen qaar ka mid ah waddoyinka, waxaana halkaasi isku dayay in ay ka gudbaan ilaalada Cabdinaasir Seeraar oo markii dambe uu iska hor imaad kooban labada dhinac halkaasi ku dhexmaray. Wali majirto khasaare ka dhashay dagaalkaasi oo la soo wariyay, maadama dagaalka daqiiqado ka hor uu dhacay. Dagaalkan ayaa ku soo aadaya xilli saacadaha soo aadan la filayo in magaalada Kismaayo ay ka dagaan wafdi heer caalami ah oo uu ka mid yahay safiirka safaarada Soomaaliya ee Mareykanka Donld Yamamoto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo goor dhow ka qarxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu u dhexeeyo ciidamada Jubbaland iyo kuwa ka amar qaata xubnaha isbedal doonka ee ku sugan magaaladaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Shabelle u sheegay in dagaalka uu yimid ka gadaal markii ciidamada garabka isbedal doonka laga celiyey jid u xirnaa kuwa Jubbaland. Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaasi, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Wixii warar ah ee soo kordha kala soco, radioshabelle.com View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-12022020.mp3 View the full article
-
Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay Kulan wadatashi ah oo ay soo qaban-qaabisay Wasaarada Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka, kaasi oo looga doodayo maqaamka magaalada Muqdisho ku dhex yeelanayso Nidaamka Federaalka iyo dib-u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka. Kulankaasi dooda ah, ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirro iyo xildhibaano katirsan dowladda Federaalka, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho , guddoomiye ku xigeenada maamulka gobolka Banaadir, qaar kamid ah Agaasimayaasha dowlada hoose ee Xamar iyo xubna ka socday beesha caalamka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo madasha ay dooda ka socotay ka hadlay ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo astayn lahaa maqaamka Muqdisho. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Saalax Axmed Jaamac oo furay kulankani ayaa sheegay in dib u eegista Dastuurka ay ahmiyad siin doonto maqaamka muqdisho. kulanka oo ay ka soo qeybgaleen khubarro Soomaali ah, ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa qaababka jira ee ay caasimadaha dunida ee federaalka ah ku dhisanyihiin si loo xusho qaabka ku haboon Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo qaban-qaabisay kulan ku saabsan Maqaamka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in goor dhow dagaal xoogan uu ka bilowday qeybo ka mid ah gudaha magaaladaasi. Iska hor imaadka oo weli socda ayaa lagu soo warramayaa inuu dhexeeya ciidanka Jubbaland iyo kuwa taabacsan, Cabdinaasir Seeraar oo isna sheegta madaxweynaha maamulkaasi. Labada dhinac ayaa is weydaarsanaya hubka noocdyadiisa kala duwan, sida Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalkaan uu yimid, kadib markii ciidamada Seeraar laga celiyey waddo u xirneyd kuwa Jubbland. Sidoo kale israsaaseyntaani ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maanta Jubbaland ay xoojisay amniga Kismaayo oo uu wax yar ka hor gaaray safiirka Mareykanka ee Soomaliya. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka dhex maraya labada dhinac. Faah faahinta kala soco, caasimada.net
-
The Federal Bureau of Investigation-FBI and Department of State have partnered to assist Kenya in creating the first Joint Terrorism Task Force (JTTF) to be located outside of the United States. According to its National Press Service, the bureau said the Kenyan-led JTTF will be a multi-agency counterterrorism investigative force in Nairobi, Kenya. The announcement was made on Monday after Kenya sent 42 of its police and intelligence officers to the FBI Academy in Quantico, Virginia, where they will spend the next 12 weeks undergoing counterterrorism training to prepare them for the establishment of an operations base in Nairobi. “Personnel drawn from Kenya’s law enforcement and national security agencies will learn about the FBI JTTF techniques, protocols, and tactics and will work in coordination with FBI personnel in Kenya,” read part of the statement. The team was led by the Director of Criminal Investigations George Kinoti. The attendees will also be trained and equipped to handle sensitive counterterrorism intelligence shared with the Kenyan government. The announcement from Washington DC said the initiative funded by the State Department’s Bureau of Counterterrorism, is in line with U.S. efforts to enable foreign partners to successfully investigate and prosecute terrorists before they conduct attacks. The statement said an attack in 2019 by the al-Shabaab terrorist group on a Nairobi hotel that left more than 20 people dead, including one American, helped lead to the formation of the task force. As a result, there was a pressing need for a joint task force that could be met through the FBI’s training expertise combined with the State Department Bureau of Counterterrorism’s (CT Bureau) capacity-building efforts. “The initiative to establish a Kenyan Joint Terrorism Task Force (JTTF-K) began after the al-Shabaab terrorist attack on the DusitD2 Hotel in Nairobi, Kenya, on January 16, 2019,” read part of the statement. Ambassador Nathan Sales who is the coordinator for counterterrorism said the FBI is proud to have the opportunity to work with Kenyan law enforcement partners on this initiative. “The JTTF for Kenya will support the interagency approach required to successfully investigate and prosecute terrorists before they conduct attacks. I look forward to this unit standing up and the results that will surely come,” he said. His sentiments were echoed by the Assistant Director of the International Operations Division Charles Spencer who said the first Kenyan JTTF will allow for a sharing of experience, knowledge, and capabilities that will enhance our shared commitment to countering terrorism around the world. Spencer said the Bureau it has over the years supported Kenya’s efforts to improve its law enforcement capacity to defend its borders and become a counterterrorism leader in East Africa. Kinoti in his acceptance remarks said the U.S government has been a valued partner in combating terrorism. “I appreciate the effort and resources the FBI and Department of State have dedicated toward improving the capabilities of our officers through training, experience, and insight. Due to globalization and the rapid advancement in technology, terrorists and their sympathizers have also changed tactics and devised new methods to further their agenda,” Kinoti said. He said endeavors such as the Kenyan Joint Terrorism Task Force will allow for a multi-agency approach to achieve common objectives and assist us in obtaining the upper hand against the enemy.” The FBI will administer the curriculum and provide training with assistance from other agencies, as applicable. The FBI and the CT Bureau will collaboratively assess the program. On completion of the training, the team is expected to adopt methodologies used by U.S. in handling sensitive counterterrorism intelligence shared with the Kenyan government. Investigations conducted by JTTF-K will be carried out in accordance with international law enforcement standards and in comportment with human rights. Legal authorities will be derived from the Kenyan constitution and international treaties. “Cases will be prosecuted in Kenya’s courts, which promote the U.S. goal of enabling foreign partners to successfully counter terrorist threats,” the statement quoted. View the full article
-
Somalia and the United Nations culture and education agency today signed an agreement aimed at strengthening efforts to preserve the country’s cultural heritage and improve its educational sector. “Culture and education are vital for the country’s future. After years of conflict, they are vital to the human dimension of recovery, of peacebuilding, of sustainability,” said the Director-General of the UN Educational, Scientific and Cultural Organization (UNESCO), Audrey Azoulay. “And I am very happy that we have been discussing and opening this new chapter of cooperation,” she added, on the first-ever visit of a UNESCO head to the Horn of Africa country. The UN official was speaking at a press encounter the capital, Mogadishu, in the wake of the signing of a memorandum of understanding on UNESCO-Somalia cooperation. The memorandum will enable them to work together on reviving the culture sector in Somalia and enhancing the country’s education policies – the latter includes enrolling schoolchildren, with a specific focus on young girls, ensuring free and quality primary and secondary education, as well as making available open digital resources, including textbooks. Somalia’s Federal Minister of Education, Culture and Higher Education, Abdullahi Godah Barre, signed the memorandum of understanding on behalf of the Federal Government of Somalia. At the press encounter, he noted Somalia’s long history of collaboration with UNESCO and added that the renewal of cooperation would profoundly impact education and culture in the country. “UNESCO has not been present in Somalia, but historically, Somalia and UNESCO have a long history, and since our independence, we have collaborated on many fronts. Today, time has allowed us to reignite our relationship with UNESCO. That relationship will directly contribute to our lower and higher education as well as culture, science, and technology,” he said. The Prime Minister of Somalia, Hassan Ali Khaire, and UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan, witnessed the signing of the memorandum. In addition to meeting with the Prime Minister during her visit, the UNESCO chief also met with the Minister of Planning, Investment and Economic Development, Gamal Hassan, and the Minister of Women and Human Rights Development, Deqa Yasin. View the full article
-
huusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta gudaha magaalada Dhuusamareeb kula kulmay saraakiil ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka, gaar ahaan sida loo xoojin karo nabad gelyada deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa lagu soo qaaday howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab, gaar ahaan sidii looga saari lahaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale isla meel dhigay qorshaha sugida amniga Dhuusamareeb oo dhowaan la filayo in lagu qabto xafladda caleema saarka ee Qoor Qoor. Galmudug oo uu weli ka jiro khilaaf dhinac maamulka ah oo ka dhashay doorashadii maamulkaasi ayaa weli taagan, mana muuqdo wax isku dhawaansho ah. Qoor Qoor oo taageero iyo ciidan ka heysto dowladda ayaa kulamo xal raadin ah ka wada Dhuusamareeb, halka Ahlu Sunna ay dhankeeda wado dhaq dhaqaaqyo xoogan. Xaaf ayaa dhiniciisa abaabul xoogan ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama ay si aad ah u kala fog yihiin dhinacyadaasi.
-
Taliyaha degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan Cismaan Cabdi Xasan oo u wawaramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidanka ka howlgalla degmadaasi aysan wax mushaara qaadan muddo ku siman 7 sanno. Taliyaha oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in ciidanka jooga degmada ay marwalba u taaganyihiin difaaca degmadooda waxa uuna xusay in tan iyo 2014-kii aysan dowladda federaalka ka helin xuquuqdii ay ku lahaayeen sida uu sheegay. “Daruufo badan ayey ku suganyihiin ciidanka Jalalaqsi muddo ku siman 7 sanno wax xuquuqa ma aanaan helin 2014-kii ayey soo baxeen ciidanku wali wax mushaara ma aysan helin, waxa ayna ku jiraan difaaca deegaanadooda” ayuu yiri Cismaan Cabdi Xasan oo ah taliyaha degmada Jalalaqsi. Sidoo kale taliyahan ayaa tilmaamay in dhinaca maamulka Hirshabeelle aysan waxba ka helin waxa uuna ka dhawaajiyay in ciidanka ku sugan degmadiisa ay hoostagaan dowladda federaalka Soomaliya oo looga baahanyahay bixinta xuquuqda ciidanka. Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa ku faanta in ay bixiso dhamaan mushaaraadka ciidanka dowladda waxaana isi soo taraya hadalada kala duwan ee ka imaanaya saraakiisha ciidanka ee ku aadan in qaarkood aysan helin xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda dastuurka Soomaaliya ayaa maanta qabatay dood adag oo ku saabsan maqaamka caasimada oo in muddo la’isku hayo. Dooda oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro, xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xubna ka socday beesha caalamka. Inta badan xubnahaan ayaa ka doodayey dardargalinta dhismaha maqaamka caasimada iyo kaalinta kaga xusan dib-u-eegista dastuurka Waranka. Cumar Filish oo ka hadlay madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyey aragtida dadweynaha caasimadda ee ku aadan arrintaan, isagoo tilmaamay in magaalada Muqdisho ay u baahan tahay in ay hesho xaquuq la mid ah kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka. “Magaalada Muqdisho waxaa kunool dad lagu qiyaasay in ka badan 3-Milaan oo qof kuwaas oo aan laheyn matalaad siyaasi ah iyo maqaamka caasimadda waxaana aragtida dadweynaha ka mid ah in ay helaan xaquuq lamid ah kuwa dowlad goboleedyada taas oo qeyb ka qaadan doonta dib-udhiska Caadimadda iyo in magaaladu ay soo ceshato heybadii ay barisamaadkii ay caalamka ku laheyd”. ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish. Sidoo kale wasiirka wasaaradda arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo dooda qeyb ka ahaa ayaa dhankiisa ka hadlay muhiimadda maqaamka Muqdisho, wuxuuna sheegay in marka hore loo baahan yahay in la xaliyo tabashada ay qabaan dadweynaha degan caasimada. “Waa arin muhiim ah in doodan la qabto islamarkaana la xaliyo baahiyaha ay tabanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho waxaan uga mahadcelinaaya wasaaradda dastuurka sida ay isaga xilsaareyso howlaha kusaabsan maqaamka magaalada Muqdisho”. ayuu yiri wasiir Cabdi Maxamed Sabriye oo ka qeyb galay qabashada doodadaasi. Ugu dambeyn wasiirka Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo wasaaradiisu ay soo qaban qaabisay dooda ayaa carabka ku adkeeyey in ujeedka dib-u-eegista dastuurka ay tahay mid la doonayo inay ku wada qanacsan yihiin guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. “Ujeedka Dib-u-eegista Dastuurka qaranka waa in ay noqotaa mid ay kuwada qanacsan yihiin umada Soomaaliyeed iyo in dood Cilmiyeeysan oo dhaxalgal ah laga sameeyo maqaamka Caadimadda iyo helida mataalada siyaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho”. ayuu yiri wasiirka dastuurka xukuumadda Soomaaliya. Maqaamka Muqdisho oo muddo ah la’isku hayo ayaan weli cadeyn, iyadoo haatan la’isku diyaarinayo doorashada guud ee dalka oo la filayo in la qabto sanadka dambe ee 2021ka.
-
President Muse Bihi Abdi of Somaliland managed to chalk up a diplomatic achievement in his visit to Ethiopia this week. Ethiopia accorded President Bihi diplomatic niceties for a head of state. In the VIP lounge of Addis Ababa Airport Somaliland and Ethiopian flags were placed side by side behind the visiting statesman and the welcoming host. Displaying the flag of an entity claiming to have seceded from a sovereign African state in the headquarters of the African Union is not akin to violation of diplomatic protocols. President Bihi (left) with Dr. Aklilu Haile Mechael, Ethiopia’s State Minister of Foreign Affairs Supporters of the Federal Government of Somalia have not been up in arms about the diplomatic ground gained by Somaliland President in Addis Ababa. One Somali website consoled itself with the speculation that “Ethiopia failed to secure Somaliland an observer status in the African Union.” Had Ethiopia allowed the head of Federal Member State to pose with state’s flag while on visit in Ethiopia, Federal Government supporters would unleash trolls on the federal member state. If the muted response of Villa Somalia supporters gets mistaken for a sign of mellowing, one has to remember that Villa Somalia banks on Ethiopian forces within AMISOM to destabilise Jubaland and shove the controversial result of Galmudug elections down throats of Galmudug people. Those short-term and unethical political goals predispose Villa Somalia to wear a mask of tolerance against a backdrop of diplomatic humiliation at the hands of Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia. © Puntland Post, 2020 The post VILLA SOMALIA: IN POLITICAL EXPEDIENCY WE TRUST appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaanada golaha aqalka sare oo maalmihii ugu dambeeyay meel marinayay sharciyada qaar ee dalka ayaa maanta kulankooda waxa ay uga hadli doonaan sharciga jaangooynta dalka. Mudanayaasha golaha aqalka sare ayaa lagu wargaliyay in maanta goluhu uu ka doodi doono sharciga jaangooynta dalka iyada oo sharcigaasina la marsiino doono akhrintiisa 2-aad. Sharcigan ayaa waxaa horay u soo meel mariyay xildhibaanada golaha shacabka, waxaana la filayaa in marka la mariyo akhrinta 3-aad ay sharcigan meel mariyaan xildhibaanada golaha aqalka sare. Sharciga jaangooynta dalka ayaa horay waxaa u soo gudbisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa markii u horaysay shalay kulan ku yeeshay xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiye Abiye Axmed. Ma jiro war ay Itoobiya, Somaliland iyo Soomaaliya ka soo saareen kulankaas, laakiin wararka soo baxay ayaa sheegay in kulanku ahaa oo keliya mid dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo oo uu dhex joogay Raysalwasaare Abiye Axmed, waxaana ka maqnaa weftiga labada madaxweyne. Wararka qaar ayaa sheegay in Abiye oo hadalkaas hadal ka jeediyay uu ka waramay ahmiyada ay gobalka u leedahay kulanka dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, ayuu warku sheegay inuu iyagana dhex maray hadal dood ah oo uu mid waliba ku soo bandhigay aragtidiisa. Kulanka oo la sheegay inuu ahaa mid aan qorshaysnayn, ayay wararku intaas ku darayaan inuu qaatay 40 minit, waxaana suurtogal ah inay yeeshaan kulan labaad. Kulankan ayaa ah kii u horeeyay ee dhex mara Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo oo labadii sannadood ee u dambeeyay uu dhex maraayay dagaal siyaasadeed oo ay warbaahinta isu marinayeen hadalo kul kulul. Source
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kulan casha sharaf sagootin ah u sameeyay Isimada Soomaaliyeed ee ka socday dowlad goboleedka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro iyo Xildhibaano katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir, odoyaal dhaqameed, fannaaniin iyo qeybaha bulshada rayidka. Qaar kamid ah isimada oo goobta ka hadlay ayaa maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya uga mahadceliyay maamuuska ay u sameeyeen muddadii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo kulanka ka hadlay ayaa xusay in Muqdisho ay tahay Caasimadda ummadda Soomaaliyeed. “Magaalada Muqdisho waa magaalada ummadda Soomaaliyeed, qofkaste oo ku hadla Afka Soomaaliga ayey magaaladiisa tahay maadama ay tahay Caasimadda Jamhuuriyada federaalka Soomaaliyeed, waxaana waajib ka saranyahay qofkasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah in uu door ka qaato xoojinta xasiloonideeda”ayuu yir duqa Muqdisho. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu wadahadallo kula leeyahay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Sida ay ogaatay Caasimada Online, Yamamoto ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, Stephen Townsend iyo xubno kale. Wararka ayaa sheegaya in wafdiga uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, Axmed Madoobe ay kala hadli doonaan xaaladda cakiran ee Jubbaland, gaar ahaan xiisada maamulkaasi kala dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac ay ka wada arrinsan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka. Ammaanka Kismaayo ayaa sidoo kale saaka si aad ah loo adkeeyey, iyadoo qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro soo dhoweynta wafdigaan laga dareemayo magaaladaasi. Safarka Yamamoto ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya dowladda iyo Jubbaland ay ka socdaan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
-
DAWLAD SAL-BALLAARAN. Saddexdii xaddaaradood ee saddexda wabi ee aynu soo xusnay ka hirgalay ba dawladnimadoodu waxa ay ku bilaabatay magaalo-dawladeedyo yaryar. Tusaale ahaan xaddaaraddii Mosepotamian-ku waxa ay ka koobnayd magaalo-dawladeedyo dhawra oo ay ugu mudnayd Uruk. Dhulkii Masaarida oo ay ka hirgashay xaddaaraddii Faraaciintu sidaas oo kale ayay ku bilaabatay tuulooyin iyo magaalo-dawladeedyo yaryar. China sidaas si lamida ayay iyadu na ahayd. Ku dhawaad afar kun iyo shan boqol oo sano ka hor ayaa magaalooyinkii yaryaraa ee Mosepotamian-ku waxa ay isu baddaleen dawlad sal-ballaaran kaddib markii uu boqor magaalo-dawladeed oo la oran jirey Sargon uu intii kale xoog ku qabsaday. Dawladihii magaca ka tagey ee waawaynaa ee dhulkaas ka hirgalay waxaa ka mid ahaa: Sumeriankii, Babloniyaankii iyo Asyriankii. Sidaas oo kale ayaa magaalooyinkii yaryaraa ee Masartii hore oo markii hore u kala qaybsanaan jirtay labada qaybood ee Masarta sare iyo tan hoose ugu midoobeen dawladdii wayneed ee faraaciinta, ka dib markii uu Boqor Namar, shan kun oo sano ka hor uu xoog iyo dagaal isugu keenay. Taas oo markii dambe dhashay dawladihii xoogga badnaa ee dhulkaas ka hanaqaaday. Inkasta oo kunkii koobaad ee miilaaddiga Ciise ka hor ay China ka jireen dawlado yaryar oo kala madax bannaan, haddana markii dambe waxaa hal dawlad isugu geeyey Boqor Qin Shi Huang laba kun iyo shan boqol oo sano ka hor. Midawgaan ayaa sababay xaddaarad iyo dawladnimo cammiiq ah oo gayigaas ka hirgashay. Goobahaaan iyo goobo kalaba waxaa ka hirgalay dawladnimo aan ku dhisnayn nidaamkii qabaliga ahaa. Waxaa ka hirgalay nidaam dawladeed oo leh hay’ado dawli ah. Nidaam Bureaucratic ah, canshuurta qaada, leh ciidammo mushaariya, isticmaala dublamaasiyadda lehna diiwaanno xogta dawladda lagu kaydiyo. Nidaamka noocaan ahi markii dambe waxa uu ka curtay dhul badan oo aakhirkii ay ka hirgaleen dawladihii: Hititkii, Giriigii, Persiankii, Romankii iyo Axumite-kii. Xilligii Imbaradooriyadaha Geeddigii dawladnimada loogu jirey intaas kuma ekaan ee waxaa soo baxay dawlado ka sal-ballaaran kuwii hore. Ka dib markii awooddii, ilbaxnimadii, waayo-aragnimadii iyo garaadkii aadanuhu uu kordhay ayaa qaybo ka mid ah dawladahaan ku hammiyeen in ay caalamka ba iyagu dawlad u noqdaan. Waa xilligii Imbaradooriyadda( Empires). Waxaa ugu mudnaa Imbaradooriyadahaan middii Persianka oo iyadu liqday dhulkii Mosabatanianka, Hititka iyo qaybo ka mida dhulkii Giriigga aakhirkiina qabsatay dhulkii Faraaciinta xilligii Cambaysess II qarnigii lixaad ciise ka hor. Quwaddii Persianka waxaa aakhirkii jilbaha dhulka u dhigay xoogaggii Giriiga ee uu hoggaaminayey geesigii reer Masadooniya Elexander the Great, oo ka fara maroojiyey dhamaan dhulalkii ay ka talinayeen, saddex qarni dhalashadii Ciise ka hor. Giriiggu kuma ekaan dhulkii ay ka qabsadeen Persianke ee waxay u tallaabeen dhan walba illaa ay ka gaareen xudduuda Hindiya. Dawladdii Salka Ballaarnayd Ee Rome Imbaradooriyadihii qadiimka ahaa waxaa ugu dambeeyey oo soo afmeeray tii ugu xoogga iyo itaalka roonayd ee Romanka. Waa middii uu salka u dhigay Empror Augustus, labaatan iyo toddoba sano Ciise ka hor oo ka talinaysay Yurubtii la yaqaanay, Afrikada waqooyi iyo qaybo ka mida bariga dhexe iyo turkiya. Romanku intii aysan noqon Empire-ka ka hor waxa ay ahaayeen jamhuuriyad baarlamaaniya oo ay talada leeyihiin Senat ka koobnaa dabaqadda sare iyo horjoogayaashii hore ee ciidamada. Nidaamkaan waxa uu ahaa mid ay ka dhaxleen Giirrigii oo iyaga uga horreeyey.Rome mar walba waxa ay ka soo horjeeday nidaamka boqortooyada ee halka qof awoodda leeyahay, sidaas daraadeed ayay u lahayd gole xeerdajin oo iyagu leh talada. Kolka dibadda looga soo duulo waxa ay dooran jireen kaligi-taliye muddo cayiman wax xukuma. Kolka ay khatartu dhammaato na kaligi-taliyahu golaha ayuu ka mid noqon jiray. Cabsidii Rome ee ahayd in kaligi-taliye awoodda marooqsado, waxa ay run isu baddashay kolkii kaligi-taliye muddo cayiman lahaa Janaral Sulo uu dhiigyacab isu baddalay. Argaggaxii laga qaaday xukunkii Sulo waxa ay sabatay in Janankii isaga ka dambeeyay oo ahaa Julias Ceser ahaana kii ugu magaca dheeraa Jananadii Rome soo maray, shirqool lagu khaarijiyo afartan iyo afar sano Ciise ka hor, kolkii looga baqay in uu Sulo kale noqdo. Dhimashadii Ceser ka bacdi Rome waxa ay gashay cahdi dagaalo sokeeye iyo qalalaase siyaasadeed ah, ka dib markii uu Gaius Octavius Augustus oo ahaa wiil uu Ceser korsaday oo gacan ka helaya Janaraal Mark Antony uu dagaalo ka aarsiya ku qaaday raggii diley adeerkii. Dagaaladaani waxa ay sababeen in Rome u ogolaato Augustus wax aysan u ogolaan Sulo iyo Cesar toona, oo ah in uu noqdo Empror aan dhicin 27BC. Augustus waxa uu horseed ka noqday dawladdii salka balaarnayd ee Rome ee mar caalamka qabsatay. Inkasta oo xaddaaraddii dawladnimo ee ka bilaabatay dhinacyada wabiyada Dajla iyo Furaat ay dhul badan ku fidday, haddana waxaa jiray dhulal aysan dawladnimadu taaban oo dadkoodu u noolaayeen qaabkii marxaladda qabaliga. Dhulalkaas waxaa ka mid ahaa Jaziiradda Carabta, Africa marka laga reebo dawladdii Kushite-ka, middii Axumite-ka iyo Phoeniciankii Tunis. Waxaa kale oo iyana dhaqato nidaamkoodii qabaliga ahaa ku haray ahaa inta badan dalalka yurubta maanta gaar ahaan qabaa’ishii Germenigga oo ayagu markii dambe qarnigii 5aad Ciise ka bacdi dawladdii Romanka jilbaha dhulka u dhigay iyaga oo ah raacato aan xaddaarad lahayn. Meelihii aanay dawladnimadu ka jiriin noloshoodii dawlad la’aanta ahayd ayay ku sii jireen illaa ay u imaanaysay hadba qolo xoog ku qabsata oo ka saaraysay qaab nololeedkii badwiga ahaa ee ay ku dhaqmayeen. Waxaa jiray qabaa’il aan wali xoogna lagu qabsan dawladi na si kale ku soo gaarin, kuwaas oo aynu annagu ka mid nahay gadaal ayaynu uga hadli doonaa ee bal marka hore aynu eegno dadyow badan oo raacato ahaa, nuurkii islaamku na dawladnimo u horseeday. La soco qaybta 4aad. Mohamed Ahmed Elmi The post Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 3aad appeared first on Puntland Post.
-
Puntland Oo Ganafka Ku Dhuftay Heshiis Uu Saxeexay Farmaajo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Garoowe)-Maamul gobolleedka Puntland ayaa war-saxafadeed kasoo saaray mawqifkooda ku aadan sharciga Batroolka ee dhawaan uu ansixiyay Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Puntland waxa ay sheegtay in sharcigaan uu kasoo hor-jeedo Dastuurka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya. Source
