-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ka hadlay shirkii lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Muqdisho ee beesha Mudullood ayaa sheegay in aysan jirin cid u diidi karta beesha Mudullood in ay shirto. Cali Mahdi ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu dhegihiisa ku soo dhacaayey war ah “Mudullood ma shiri karo” balse ay si sharci ah u shiraayaan, sida Soomaalida kalena ay u shiraan. “Mudullood qabiil maaha, waa qowmiyad Ilaahey ka dhigay garabka midig ee qaranimada Soomaaliya, sidaas darteed Mudullood xaqbuu leeyahay, qof diidi karta oo Alle abuurtayna majirto” ayuu yiri Cali Mahdi oo caro laga dheeha karay hadal jeedintiisa. Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Marka aan leeyahay Mudullood waa qaran, ulama jeedo in uu kaligiis qaran yahay ee Soomaali oo wada jirta ayuu qaran ku yahay, Soomaali oo wax qeybsaneysa ayuu qaran ku yahay, laakiin markii ay gaarto in bahasha hoos la iskugu dhigo ma yeeleyno cid laga yeelaayana ma jirto”. Dhinaca kale Madaxweynihii hore Cali Mahdi ayaa sheegay in maanta ay haboontahay in Soomaali loo qabto shirweyne qaran “Soomaali mideysan hadii la helo dowlad shacbiyad heysata ayaa soo baxeysa”ayuu yiri. Mar uu soo hadal qaaday nidaamka federaalka ee dalka lagu maamulo ayuu sheegay in inta dalkaan lagu maamulaayo federaal uu qaran Soomaaliyeed noo jiro inta cirku jiro. “Hadii gobol walba calan qabiil ah laga suray, ka Cali Mahdi ahaan qaran Soomaaliyeed oo xoog leh inta cirku noo jiro ayuu noo jiraa, federaalka aan ku dhaqano Itoobiya ayaa iska leh, anagu waan ka diidnay xilligeenii, balse Nairobi ayaa lagu soo dhisay, waxaana federal loo keenay qaran adag in uusan dalkan ka dhalan”ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed.
-
Mogadishu (PP News Desk) — Somali Federal Government police seized a rock believed to be precious and sourced from Ceel Cali hamlet in Hiiraan. Conflicting accounts have emerged about the nature of the “precious rock”. One account says Somali businessman had purchased the rock from Al-Shabaab. Another account points a finger at “Al-shabaab-linked businessmen”, who were trying to sell the “stone”. “A PRECIOUS ROCK” FROM HIIRAAN The heavy stone is said to have been at Ceel Cali for several centuries. Two Somali Federal MPs, Daahir Amiin Jeesow and Maryan Axmed Haaruun, have urged the Federal Government of Somalia “to return the rock to its the place of origin.” They said that Al-shabaab had removed the rock by force. Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir), a former MP, and Ibraahim Maxamed, an MP of Hirshabelle State Parliament, said that businessmen had legally bought the rock. The Federal Police has not launched investigation into how the rock was transported from an area under control of Al-shabaab. © Puntland Post, 2020 The post Somali Federal Police seizes “A precious Rock” appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - A U.S air strike Monday in Lower Jubba region killed an official of a local telecommunication company in Somalia but both Somali Government and US forces said the strike killed an Al-Shabaab militant. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta Hormuud, waxaa galabta duqeyn lagu dilay madaxii shirkadda Hormuud faraceeda degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Salaad, ayaa laba gantaal lagu dhuftay xilli uu ku sugnaa beertiisa oo ku taalla meel banaanka ka ah degmada Jilib halkaasna uu ku geeriyooday, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Maxamuud ayaa da’diisa lagu sheegay 60-sano jir, mana jirto cid kale oo wax yeelo kasoo gaartay duqeyntaas. Welina lama oga sababta loo beegsaday maamulaha shirkadda Hormuud laanteeda degmada Jilib. War-saxaadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya Taliska Mareykanka ee AFRICOM, ay galabta duqeymo cirka ah ka fuliyeen duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Warkan caawa ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay xubin ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, isla markaana aysan jirin wax khasaare ah oo duqeymahaas kasoo gaaray dad rayid ah. Sidoo kale taliska Mareykanka ee AFRICOM oo war kasoo saaray duqeyntan ayaa sheegay si lamid ah kan kasoo baxay dowladda Soomaaliya, in duqeyntaas lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab. Hormuud waxay sheegtay in shaqsiga la dilay uusan ka tirsaneyn wax koox ah. Hoos ka aqriso qoraalada dowladda iyo Africom oo ku qoran English
-
The Chinese government has reportedly deployed 100,000 ducks to their border in anticipation of an impending locust invasion. According to the country’s media outlets, the birds have been dispatched to the Xinjiang border where China meets Pakistan and India. Videos obtained by Chinese state-run TV CGTN, and seen by Citizen Digital, showed a multitude of the birds – now christened ‘duck troops’ – marching towards Xinjiang. The locust invasion, which has also affected East African countries, is said to be causing havoc in India and Pakistan which now faces food shortage as most of their crops were destroyed. The Pakistan government, led by Prime Minister Imran Khan, declared a national emergency, further calling the menace “the worst locust attack in decades.” Desert locusts, according to a United Nations report, can travel up to 95 miles in a day and can eat their own body weight in plant material, meaning even a small swarm can consume as much food as 35,000 people in a day. Swarm of locusts invade Nyandarua, Nakuru counties Mwende Kimanzi: ‘Planes started spraying as soon as locusts appeared but it was not enough’ U.S to provide Ksh.800M funding for locust control in Kenya, Ethiopia, Somalia The United Nations’ Food and Agricultural Organization (FAO) previously warned that the locusts could ravage more countries in Eastern Africa and threaten the livelihood of many more people. The swarms, first sighted in December, have already destroyed tens of thousands of hectares (acres) of farmland in Kenya, Somalia and Ethiopia, threatening food supplies in the worst locust invasion in 70 years Citizen tv Qaran News
-
Baarlamaanka dowlad gobaleeda Galmudug ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku yeeshay kulan u jeedkiisu ahaa ka doodista iyo meel marinta miisaaniyadda dowlad goobaleedka 2020 oo horay ay u soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda. Xildhibaanada oo dood dheer geliyey ka doodista miisaaniyadda ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda Xildhibaannada ayaa ugu dambeyn isku raacay ansixinta maasaaniyad-sanadeedka oo gaareysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar). Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Galmudug Dr. Maxamed Cali Gacal ayaa sheegay inay Xildhibaanada ay u codeeyeen maasaaniyadda lasoo gudbiyey isla markaasna ay hadda wixii ka dambeeyo tahay mid ansax ah. Miisaaniyaddii dowlad gobaleedka Galmudug ee sanadkii 2018 ayaa waxay aheyd 8 Malyan, waxayna sare u kacday sanadkaan 2020-ka 50% taas oo ka dhiganin laba jibaar ay tahay misaaniyaddii sanadkii hore marka la fiiriyo Miisaaniyadda aysoo gudbisay wasaaradda maaliyadda dowlad gobaleedka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayaa xilli uu maanta ka hadlayey fadhiga golaha waxa uu sheegay in xasiiqii ka dhacay gobollada waqooyi ee Somaliland aan dusha laga saari karin Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanka ayaa sheegay in kahadalka arintaas ay ku fogaatay saxaafadda Somaliland, isla markaana ay haatan ka badbadinayaan. “Waxaad moodaa saxaafadeena iyo dadkeena in ay aad ugu fogaadeen, Farmaajo looma heysto dembiyadii halkan ka dhacay, wax luga oo uu kulahaana ma aysan jirin, balse waxaa loo aaneynayaa dowladdi hore ee Soomaaliya ayaad dhaxashay, laakiin bogsiinta iyo soo dhaweynta ayuu wax ku leeyahay” ayuu yiri xildhibaan Jirde. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in haatan Farmaajo aan loo aaney karin Maxamed Siyaad Barre ayaad la dhalatay “Waa gef waana khalad, hadii aan u aaney heyno Maxamed Siyaad intii la dhalatay, nin la yiraa Maxamed Sheekh oo halkaan isbitaalka ka dhisay eega, Maxamed Siyaad-buu la dhashay, marka taasi waa gef cad ee halaga daayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Somaliland. Ugu dambeyntii Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde ayaa dadka iyo mas’uuliyiinta reer Somaliland ugu baaqay in lagu ekaado waxa laga tirsanayo xukuumadda maanta uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ee aan dusha laga saarin wixii horay u dhacay “Iyadoo loo aaneynayo waxii in ina adeerkii geystay”. Hoos ka Daawo
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudeey ayaa si carro leh ugu jawaabay hadal ka soo yeeray ra’iisul wasaare hore Cali Maxamed Geedi oo xalay munasabad kasheegay dadkii Mudulood ee shalay kulmay ay yihiin kuwa uu stress hayo. Xasan Mudey ayaa bartiista facbooka sidan kusoo daabacay :- Nin ku yimid jago uu lahaa halyeeygii Maxamed Dheere (AU) ee siyaasaddiisu ka billaabatay maalintii uu jagada reysul wasaaranimo qabtay, aqoontiisuna aheyd daweeynta xoolaha, waan dareemi karaa in uu jahwareer ka qaadi karo jihada saxda ah ee siyaasadda ka jiri karto. Waan u garaabayaa walaalkeey, waana dareemi karaa marka uu rabo in makarafoon cod dheer leh gacanta ku qabsado sida uu uga wal walo hadalkiisa inta uu ugooyn karo. Waxaan aad ugu aqaan in uu yahay shakhsi aanan ka ganban wax kasta oo mudan in laga xishoodo iyo in laga fikiro xushmada ay mudan yihiin ehelkii shalay isagoo dabiiba xoolaha isugu daray jago reysul wasaranimo iyo in ay ku difaacaan xilka uu ku matalayay. Stresska uu sheegay wuu jiraa, wuxuuna ubadan yahay ruuxa ka hadla wax uusan aqoonteeda laheyn, marka waxaan leeyahay walaalkeey in ay kala duwan yihiin daawada xoolaha iyo midda dadka oo aysan isku midna noqon karin. Waxaan ugu baaqayaa ninkasta ee raba in uu hadlo in uu isku dayo isu soo dhawaansho iyo midnimo ee aanan loo hadlin hababka macaashka loo raadiyo. Hassan Abdulkhader Mudey
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose. Boqolaal dadweyne ah Masuuliyiin kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhawaysay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhoobley. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan sarakiil katirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Xooga dalka ayaa halkaas u tagay dib u habaynta Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee aagan ka howlgala. Madaxweynaha ayaa sidoo kale intu Dhoobley ku sugan yahay la kulmi doona Dadweynaha iyo masuuliyiinta maamulka Deegaanka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-24022020-sax.mp3 View the full article
-
Waxaa la tuhmayaa in Villa Somalia ay diyaarineyso nooc doorasho oo ku shubasho u eg taas oo ay aad uga digayaan dhinacyada mucaaradka ee dowladda kasoo horjeeda. Labo doorasho oo ay Villa Somalia gadaal ka taagneyd oo ka dhacay Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa tusaale kasii bixiyay waxa ay dowladda madaxweyne Farmaajo sameyn karto doorashada guud ee Soomaaliya ee 2021. Sababta ay dowladda usoo dhistay maamul goboleedyo taageersan ayaa danta ugu weyn ee laga leeyahay loo arkaa in lagu soo saaro xildhibaano musuq-maasuq ku yimaada oo taageersan madaxweynaha, si ay ugu codeeyaan. Digniinaha siyaasiyiinta iyo madaxweynayaashii hore ayaa gaaray in beelaha waa weyn qaarkood ay billaabeen kulamo iyo ku saabsan meesha uu madaxweyne Farmaajo dalka u wado iyo waxa dhici kara 2021. Beesha Mogadishu Clan oo loo tiriyo iney tiir u tahay dowladnimada Soomaaliya ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan ayaa saddex shir oo kala duwan yeelatay. Beelaha Mudulood, Habar Gidir iyo Xawaadle ayaa dhamaantood qabtay shirar kala duwan oo ay kaga tashanayan aayahoodda siyaasadeed iyo meesha uu dalku aadayo 2021. Kulamadan ayaa yimid kadib hadallo kasoo yeeray madaxweynaha oo shaki badan muujiyey, sida wareysigii uu siiyey TV-ga Universal oo laga dhadhansaday inuu doonayo muddo kororsi ama doorasho jidka saxda ah laga leexiyey. Dhamaan beelahaan waxey ka digeen in doorashada laga leexiyo dhabihii nabbada, iney dhacaan wax aan lagu wada qanacsaneyn iyo in aaney yeeli doonin in la is caburiyo. Tani waxey sii ifineysa jawaab celinta qabiilada hadii madaxweyne Farmaajo isku dayo doorasho ku shubasho ah iyo inuu ciidanka dowladda u adeegsado xubnaha mucaaradka. Xeel-dheerayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in guuxa beesha Mogadishu Clan uu badali karo qorshe mudo laga shaqeeynayay oo ah in dhamaan xubnaha dowladda iyo ciidankaba ay ka shaqeeyaan sidii Farmaajo kusoo laaban lahaa wax kasta oo dhaca. Waxaa loo badinaya in hadda Farmaajo ka fakaraayo in laga fogaado isku dhac ay beeluhu hogaaminayaan hadii la qabto nooca doorasho ee hadda ay raadineyso Villa Somalia, kaas oo aan tallo iyo mataalad fiican siineyn siyaasiyiinta waa weyn ee beesha Mogadishu Clan. Shirkii shalay ay Muqdisho ku yeesheen waxgaradka iyo siyaasyiinta beesha Mudulood ayaa abuuray dood ku saabsan waxa dhici kara hadii la isku dayo in la xayiro dhaq dhaqaaqa iyo fursadaha siyaasadeed ee siyaasiyiinta beeshaas. Shirarkan iyo xaqiiqda ah in beelaha shiraya ay ku xooggan yihiin Muqdisho iyo ciidanka dowladda ayaa beddeli kara damac kasta oo Villa Somalia ay ka lahayd doorasho aan nidaamkeedu saxneyn. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Wafdi balaaran oo isugu jira Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub ayaa booqasho ku yimid Xarunta Jubbaland ee Kismaayo. Wafdigaan oo Kormeer kuvsameynayay Mashaariiccay ka fuliyaan [...] Source
-
Waxa la isku haystaa ba waa intaas. Somalia uma aragto Somaliland inay tahay dal. Somaliland waxa ay isu taqaan inay tahay dal madax banaan oo leh dawlad sharci ah. Aduunyadu weli uma aqoonsan Somaliland inay tahay dal madax-banaan oo gaar u taagan. Aqoonsigu maaha arin sharci oo jawaabtiisa laga helayo kutubta xeerarka caalamiga ah. Waa go’aan siyaasi ah oo ay qaadato laanta fulinta ah ee dal kale. Uma baahna ansixinta baarlamaanka. Tusaale ahaan hadii xukuumadda Ingiriisku go’aansato inay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan, waxa talaabaas qaadaya oo ay gaar u tahay raysal wasaaraha ee uma baahna in aqalka Baarlamaanku ansixiyo ama diido. Si taas la mid ah Baarlamaanka Ingiriisku ma aqoonsan karo Somaliland, hadii uu soo saaro qaraar uu ku aqoonsanayo na ma yeelanayo raad sharci oo waxba kama bedelayo meeqaamka dawladda Ingiriisku u taqaan Somaliland ama dal kale oo aqoonsi raadinaya. Marka aad xagaas ka eegto waa wax fudud, balse waxa adkeeyey dabeecadda aqoonsiga oo ah mid siyaasi ah. Culimada sharcigu way ku kala aragti duwan yihiin saamaynta sharci ee aqoonsigu ku leeyahay jiritaanka dal. Qaarkood waxa ay qabaan inaan aqoonsigu ahayn ka go’aamiya dalnimada (statehood) ee jiritaanka dalku ku xidhan yahay buuxinta shuruudaha Mucaahadada Montevideo ku qoran. Sidaasdarteed, waxa ay qabaan in hadii dal buuxiyo shuradahaas kuna dhawaaqo madax-banaani inuu sidaas ku yahay dalku mid jira oo madax banaan ee aanu u baahnayn oo aanay shardi ahayn in dal kale aqoonsado. Culimada sharci ee taas ka soo horjeedaa waxa ay qabaan in aqoonsigu yahay shardi ka mid ah shruuudaha dal lagu noqon karo. Hadii aan la aqoonsanayn, kayaankaasi maaha dal madax-banaan oo leh jiritaan dalnimo, ayay ku doodayaan. Aqoonsigu si guud waa mid la xidhiidha dalnimada (statehood) iyo mid la xidhiidha dawladda (government). Ka hore waa marka dalku yahay mid ku cusub dunida sababtu waxa ay doonto ha noqote. Waxa ay noqon kartaa inuu ka dhasay isku biiris dalal, kala googo’ dal hore u jiray, isku xidhan qaybo dalal kale iyo habab kale oo kala duwan. Aqoonsiga dawladdu waxa uu la xidhiidhaa marka dalka la aqoonsan yahay balse xukuumadda ka talisaa ay tahay mid aan ku iman sifo sharci ah. Badiyaa waxa ay dhacdaa marka af-gembi dhaco ama kacdoon dadwayne afka dhulka u daro dawlad kale sifo rabshadaysan oo aan marin hanaan sharci. Somalia, tusaale ahaan, sidii ay u burburtay dawladii dhexe sanadkii 1991 may lahayn dawlad aduunku aqoonsan yahay ka hor sanadkii 2012 oo ah markii dalal badan oo Maraykanku ugu horeeyey ay go’aansadeen inay aqoonsadaan dawladda Somalia. Ilaa hada waxa jira dalal aan si rasmi ah u aqoonsan dawladda Somalia oo aan ula dhaqmin dhokumentiyadeed iyo haybadeeda dawladeed si la mid ah dawladaha kale. Balse dalalkaasi way aqoonsan yihiin dalka Somalia. Maadaama oo aqoonsigu yahay arin siyaasadeed cid walba oo raadinaysa inay aqoonsi hesho waxa la gudboon inay qaado talaabooyin siyaasadeed oo ku dhisan istiraajiyado iyo qorshayaal habaysan oo ku foogan dalalka ay hubaasha tahay in la leexin karo fekerkooda iyo mawqifkooda siyaasadeed. Si kasta oo aad xaq ugu leedahay aqoonsi, ma jirto cid gar sharci dhegaysanaysa sababta oo ah ma jirto maxkamad aduun ama dawlad aduunka ka dhexaysa oo aad u gudbin kartid dacwad iyo qadiyad aad leedahay si ay uga go’aan gaadho. Cidda aad qancinaysaa waa hogaamiye siyaasadeed. Taasina waxa ay xudunta iyo udub dhexaadka raadinta aqoonsiga dhigaysaa danaha dawladaha kale (interest). Waydiintu waa inay noqoto dal hebel maxa ugu jira inuu ku aqoonsado, maxaase kaga xumaanaya? Sidee baad ku tusi kartaa dal inay dani ugu jirto inuu ku aqoonsado? Dan dhaqaale, mid siyaasasadeed, mid istiraajiyadeed, mid ciidan, mid amaan iyo qaar kale oo badan ayaa muhiim ah in si cilmiyaysan loo derso. Waxa duruuri ah in la fahmo oo la lafo-guro fekerka, cabsida iyo rabitaanka hogaamada siyaasadeed ee dalalka wax laga raadinayo. Waa in isha lagu hayo oo lagu fogaanaado dhaq-dhaqaaqyada dalalka gudohooda ka socda. Runta biyo kama dhibcaanka ahi waxa ay tahay inaan aqoonsi lagu helin xaqnimo ama hadiyad ama in lagaa naxo ama doodaadu saxan tahay. Falastiin ayaa taas wax ku helin lahayd. Ama Taiwan ayaa ku socon lahayd. Kosovo na lama siiyeen aqoonsi. Waxa labada hore hortaagani waa quwado iyo dano siyaasadeed. Waxa Kosovo u sahlayna waa dano siyaasadeed oo tuurta ku sitay. Arday Sharciga Caalamiga ah iyo Qaanuunka Caalamiga ah anoo ah ayaan fekerkan idin la wadaagay oo malahayga wax iiga baxsan yihiin labada ba. W/Q Guuleed Dafac Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – 20-kii November 2019, waxaa xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho lagu dilay Almaas Elman Cali Axmed oo aheyd gabar kasoo jeedo qoys u doodo xuquuql insaanka, taasi oo ay u dhacday xabad aan illaa iyo hadda la ogeyn cidda soo ridday. Warar kala duwan ayaa kasoo baxay xabaddii ku dhacday Almaas. Warar qaar ayaa sheegay inay ahayd xabad si kam ah ugu dhacday oo aan la aqoon halka ay ka timid. Kuwa kale, ayaa sheegay in markii laga soo saaray xabadda ay noqotay mid ka mid ah rasaasta ciidamada AMISOM, balse weli xaqiiq lama hayo, waxayna qoyskeeda codsadeen inaan laga hor-dhicin baaritaanka. Dowladda Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa is isku mid ah u sheegay dilkaas kadib inay sameynayaan baaritaan ku aadan dilkaas. 21 November 2019, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed, ayaa sheegay in ay gal dacwadeed ka fureen laanta dambi baarista ee Muqdisho, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo dilka loo geystay Almaas Elman. Baaritaanka dilka Almaas oo ka dhacay gudaha xerada Xalane ayuu Taliye Cabdi Xasan Maxamed sheegay in khubarro iyo saraakiil aqoon durugsan u leh baari doonaan. 22 November 2019, Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war kasoo saaray dilka ALmaas Elman loo geystay gudaha Xalane. AMISOM Waxa ay xaqiijisay in xabad ay ku dhacday Almaas xilli ay kasoo baxday shir ay uga qeyb gashay Xalane, islamarkaana ay dooneysay in ay aado garoonka Aadan Cadde, islamarkaana ay saarneyd kursiga dambe ee gaariga , darawalkii iyo ruuxii kale ee la socdayna aysan waxba gaarin. “AMISOM waxay si wada jir ah ula shaqeyneysaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada amniga Soomaaliya si ay si buuxda ugu baaraan geerida naxdinta laheyd ee ku timid Marwo Almaas Elman Cali Axmed, oo ku dhacday rasaas 20-kii November ka dhacday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay AMISOM. Haddaba, Dilkaas waxaa laga joogaa muddo ku dhow 100 Maalin, illaa haddana Dowladda iyo Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM sooma bandhigin natiijada baaritaanka dilkii Almaas Elman iyo cidda dishay. Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxaa horey ugu maqan dhawr kiis oo la sheegay in baaritaan la geliyey, balse aan dib dambe loo arag natiijada kasoo baxday iyo halka ay ku dambeeyeen. Dilka Almaas Elman ayaa shaki weyn dhaliyey, maadaama uu ka dhacay meel si weyn ammaankeeda loo ilaaliyo, waxaana la rumeysan yahay inuu ahaa dil qorsheysan oo si ku talagal ah loo fuliyey.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta gaaray Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada ay ku soo dhaweeyeen. Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayey saraakiil ka tirsan ciidamada Daraawiishta Jubbaland, iyo kuwa sida gaarka u tababaran ee xoogga dalka ee Danab, oo mudooyinkii ugu dambeeyey u joogay dib u habeynta ciidamada Daraawiishta dowlad gobaleedka Jubbaland. Madaxweyne Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay magalada Dhoobley lagu wadaa inuu la kulmo bulshada qeybaheeda kala duwan saraakiisha ciidamada xoogga dalka qeybta 43-aad iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland,iyaga kawada hadlayo sidii loo dardargelin lahaa howlagallada ka socda Jubbaland. Sidoo kale Madaxweyne ayaadhanka kale waxaa la filayaa uu la kulmo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Kenya kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey taageerayey ciidamada Jubbaland, iyadoo dhawaan Kenya ay ku dhawaaqday howlgal ka dhan ah Al-shabab oo uu ka taageereyso dowladda Mareykanka. Dhanka kale Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Dhoobley bishaan gudaheeda waxaa uu tagay dhowr jeer Jubbaland ayaana horay ugu micneysay safarka madaxweynaha inuu la xiriiro howlgallada lagu xoreynayo deegaannada ka maqan gacanta dowlad gobaleedka. Ugu dambeyn safka Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo asbuucyadaan ciidamada Daraawiishta Jubbland iyo kuwa xoogga dalka ay wadaan howlgallo ballaaran oo ka socda Jubbaland oo saraakiisha ciidamada ay ku sheegeen in ay uga goley yihiin in lagu xoreeyo magaalooyinka Bu,aale, Jilib iyo deegaannada kale ee ku jira gacanta Al-shabab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalin ka hor duleedka Muqdisho ku qabatay dhagax la aaminsan yahay in uu aad qaali u yahay oo laga soo qaaday degaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan. Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya dhagaxan, wararka qaar ayaa sheegaya in ganacsato ay dhagaxan lacag dhan $264,000 oo doolar uga soo iibsadeen Al-shabaab, ayna doonayeen inay iskood usii iib geystaan, halka warar kale tilmaamayaan in dad u adeegaya Shabaab ay soo qaadeen dhagaxan ayna ku howlanaayeen sidii ay ugu iib geyn lahaayeen. Dhagaxa laga soo qaaday Ceel Cali Dhagaxan oo aad u culus ayaa la sheegay in degaanka Ceel Cali yaallay muddo qarniyo ah, dhawaana lagu galay dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac dhaliyey, degaanka waxaa ka taliya Al-shabaab. Dhagaxan waxaa ka dhashay loolan siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo u dhaxeeya siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha dega gobolka Hiiraan. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Maryan Axmed Haaruun iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in ay dib ugu celiyaan dhagaxan dadkii lahaa oo ay sheegeen in ay si xoog ah uga soo qaateen Al-shabaab. Sidoo kale siyaasiyiin kale oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa difaacay qadiyada Ceel Cali looga soo qaaday dhagaxan, waxayna eedeyn kulul u jeediyeen siyaasiyiintii hore ee sheegay in xoog lagu soo qaaday. Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) oo ah Xildhibaan hore iyo Ibraahim Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in dhagaxan ay soo iibsadeen ganacsato la macaamilay dadka deegaanka Ceel Cali. Dhagaxan oo ay hadda gacan ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya, wali ma jiro baaritaan toos ah oo lagu sameeyey. PUNTLAND POST The post Loolan siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhashay dhagax laga qaaday Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Buurane (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhow saldhig ay ku leeyihiin degaanka Buurane ee Gobalka Shabeellaha Dhexe. Askarta la dhaawacay ayaa waxaa weerar gaadmo ah kusoo qaaday rag hubeysan, sida howlgalka AMISOM uu u sheegay idaacadda VOA. Dadka ku sugnaa meel u dhow goobta uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in askarta la dhaawacay la toogtay iyagoo taagan iridda laga galo saldhigga ay ku leeyihiin tuulada Buurane. AMISOM ayaa sheegtay in toogashadu ay dhacday xilli ay ciidamada AMISOM iridda ka fureen baabuur booyad ah oo rayid ah. Dad degaanka ayaa intaa ku daray in ay maqleen rasaas xoogan oo ka dhaceysa meel u dhow saldhig ay ciidanka Burundi ku leeyiihin halka loo yaqaana Biljamka. Weerarka maanta lagu qaaday ciidanka Burundi ayaa imaanaya maalin kadib markii qarax miino lala bartimaameedsaday gaari ay ciidanku leeyihiin oo ka dhacay isla degaanka Buurane. Rasaas ay xilligaas fureen ciidanka AMISOM ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo xoolo dhaqato ah.
-
Maxay asaxaabta siyaasada Somaliland u koriwaayeen Somaliland waxa ay qaadatay nidaamka axsaabta badan markii ay dastuurka dalka dadweynuhu ku ansixiyeen 97% ee loo codeeyey sanadkii 2001 , dastuurkaasi oo dhigaya in nidaamka siyaasadeed ee dalka Jamhuriyada Somaliland yahay nidaamka dimuqaradiga ah ee axsaabta badan. Haddaba xiligii lagu dhawaaqay ururada siyaasada Somaliland ee ugu horeeyey oo ahaa sanadkii 2002 waxa la sameeyey ururo siyaasadeedyo badan oo ay ka mid ahaayeen, UCID , UDUB , ASAD , HORMOOD , SAHAN , ILEYS , BIRSOL , KULMIYE, ururadaasi lix ka mid ah ayaa tartankii ka qayb galay waxaana axsaab siyaasadeed noqday sadexdii xisbi qaran ee UCID , UDUB iyo KULMIYE oo ay ku kala biireen intii hadhay siyaasiyiintoodii iyo taageereyaashoodii. Axsaabta siyaasada Somaliland markii tartankaasi la qabtay ururkii xumuumadii xiligaasi ee UDUB oo uu aas-aasay ruug cadaagii weynaa iyo khabiirkii siyaasada somalida inta la yaqaan ugu xeel dheeraa madaxwayne Maxamed Ibrahim Cigaal Ahn oo waliba xiligaasi uu sii mootanaa ayaa 64% codadkii dalka ee ururada markii aanu barigaa eegnay helay , waxaana uu sahlaysay kursiga oo uu xisbigu ku fadhiyey qaab dhismeedka loo dhisay iyo aas-aasihiisa oo ahaa khabiir siyaasadeed. Xisbigaasi weynaa ee UDUB hadii aad taariikhda dib u raacdo doorashaba doorashadii ay ka dambaysay ayuu hoos usii dhacayey oo sii yaraanayey , ha noqoto qofkii aasaasay aragtidaa fogaa oo ka geeriyooday , ha noqoto damacii gudihiisa oo marba marka ka dambaysa lagu sii kala tagayey , ha noqoto siyaasiyiintii ruugcadaaga ahaa ee axsaabta mucaaradka isku urursatay , iyo in aanu gudihiisa ka jirin dimuqaradiyadi , oo aan xusi karno tartankii ugu dambeeyey ee madaxnimada lagaga helay markii xisbiga gudihiisa la diiday in lagula tartamo madaxwayne Rayaale ayaa uu sii degay oo hoos usii dhacay. Ururadii ugu miisaanka cuslaa waxaa ka mid ahaa urur siyaasadeedkii SAHAN ee ay isku urursadeen mucaaridkii xukuumadii Madaxwayne Cigaal iyo Asad oo isaguna qamaamuur siyaasadeed uu Saleebaan Gaal hogaaminayaa oo mucaarad xoogan ahaa , xiliyadaasi maadaama aan dimuqaradiyada aad loo fahansanayn isla markaana meel kale oo loo shaqo tago iyo wax la qabtaa koobnaayeen , dad adag ayuun baa mucaaradada u badheedhayey oo iyagana dawladii xiligaasi ee Cigaal shacabka ka haysatay. Marka aad u kuur gasho taariikhda iyo sababaha ay axsaabtu u kori waayeen amaba ku burburaan waxa aan ogaaday in horta marka hore wax badan oo lagu wada socdaa yar yahay marka laga reebo damaca siyaasiyiinta ee xilalka iyo hogaanka xisbiga oo hadii uu kaasi meesha ka baxo qofku isla markiiba dibada uga boodayo xisbiga , xisbiga oo aan lahayn gudihiisa shuruuc iyo qawaaniin kala hagta , isla markaana aan si siman loogu tartami karin oo aan xubinta golaha dhexe ee damaca leh iyo madaxweynaha ama hogaanka xisbigu kuwada tartami karayn si xor ah iyada oo xataa waxa la qortay qurux badan yahay. Arimahani waxa sababa dadka Somalida oo aan helin fursad ay ku fahmaan dimuqaradiyada iyo xuquuqda muwaadiniinta iyo xoriyaadka qofka ee aasaasiga ah , iyada oo waliba ay ku soo dhacday dawlad kalitalis ah oo aan dabadeed la hadal oo sharcigu ahaa rabitaanka jaalaha dalka xukuma cidii ka hortimaadana qoorta loo dheerayn jiray , taasi oo sababtay in masuulkasta oo dawladaasi xil ka hayey 70% ay sidii ay doonaan dalkii Somalia u maamuleen cidii ay doonaan laayeen , cidii nidaamka ka hortimaadana hadalkeegaba daa iyada. Ababinta nidaamka kalitalis waxa uu geyeysiiyey in axsaabta siyaasada loo fahmo sidii Xisbigii Hantiwadaaga oo kale oo maalinba qofka hogaanka ah loo tumo rabitaankiisana lagu shaqeeyo haduu xisbul xaakim yahay oo uu dalka maamulana hadalkiisaba daa isaga , arimahani waxa ay ina geyeysiiyeen in dimuqaradiyadii Somaliland iyo dastuurkii dalku shaqeyn wayaan , sidaasi oo kale dadku fahmi waayaan nidaamka dalku qaatay cid fahamsiisana ay waayeen oo ku jaah wareereen maalinba hebelo is eryanaya oo hebel kursiga la soo dhiciya. Xusbinimada lafteeda oo loo arki waayey wax umadu wada leedahay oo min tuulo ilaa heer qaran ay ahayd in lawada ilaashado , dhaqaalohoogana la qaadhaamo si wax wada lahaanshuhu u muuqdo , arimahani la’aantood ayaa waxa ay dhalisay in shaqsiga hogaanka ah ee sharaxani uu xoog iyo xoolaba xisbiga galiyo waxii uu hayey , waxii kalena uu ka soo qaadhaamo beesha uu ka soo jeedo , taasi oo sababtay in axsaabtii ay beelo iyo shaqsiyaad lagu sunto oo halkaa wax wada lahaanshihii ku lumay. Ujeedada labaad ee adhaxda ka jabisay axsaabta iyo nidaamka dimuqaradiga ah ee dalka ayaa ah in aan axsaabtu lahayn qorshe siyaasadeed dhow iyo mid fog toona , iyo wadadii lagu gaadhayey qorsheyaasi ( strategy ) oo aan iyaduna jirin , taasi waxa ay sababtay in aan dadku kala jeclayn ba axsaabta siyaasada ee qofka hogaanka marba u haya uun la eegto. Ujeedada sadexaad ee uu u koriwaayey nidaamkeena dimuqaradiga ahi waa qiimeyn la’aanta qofka kula soo shaqeeyay ama xisbiga tacabka galiyey oo aan uga soocneyn dadkii kale , arimahani waxa ay dhaleen in ay dadku ku dhiiran waayaan in ay xisbiga u hagar baxaan waayo waxa ay hore u arkeen dad badan oo inta lagu guuray haddana laga guuray oo goob cid lo ah wada yuurura oo badhkood cadhada siyaasada go’aano wada qaldan ay qaataan iyo qaar khalkhal nafsi ahi ku dhaco . Taariikhda aan ka soo sheekeeyey ayuunbay ururadii iyo axsaabtii siyaasada ee kuwaa hore ka dambeeyeyna ay raaceen oo ay kuwada daciifeen , oo aynu ilaa maanta u gaadhi laanahay ujeedooyinkii loo aasaaasay ururada iyo axsaabta badan oo aan meesha ka muuqan amaba kaba baxdayba iyo waliba cunfi iyo qabyaalad hor le oo ay inagu dhalisay oo reero loo kala saftay … markaa waxa aan dadka reer Somaliland uga digayaa in laga digtoonado khaladaadkaasi hore oo taariikhaha na cashar laga barto si aynu u helno nidaam dimuqaradi ah oo hufan , iyo xukuumad qurux badan oo ka soo baxday xisbi dhisan oo qorsheyaasheeda iyo wadada ay u maraysaaba u cadahay. Muxamed Dhimbiil Qaran News
-
Aragti Masuuliyiinta dawlada somaliya ee xamar fadhida haday somali mid ah doonayaan maxaa u diiday waxaan xoog ahayn inay ku doonaan. adeer anagaa idiin sheegaynee bal sheega waxa aad ku doonaysaan in labadii 1960kii midoobay inay marlabaad midoobaan suurtagal xagiina ma ka tahay qodobadan hoose in aad bixisaan oo reer somaliland siisaan: 1) in magaalomadaxda Somaliya ay noqoto Hargaysa. 2) madaxwaynaha in somaliland uu ka yimaado 3) in calanka Somaliland la qaato 4) In maamulka loo qadaysato 50:50 5) in baarlamaanka loo qaybsado si isleeg 6) in wadanku noqdo federal laba qaybood ah waqooyi iyo koonfur 7) in ciidamadu u qaybsanaadaan labadaa qaybood yeeshaana laba taliye oo wasiirka gaashaandhiga hoostaga, wasiirkuna reer waqooyi noqdo 8) in magaca Somaliaya la bedelo loona bixiyo jamhuuriyada federalka midawga waqoyiga iyo konfurta somaliya 9) 40 sano kadib marka la ilaawo wixii hore u dhacay midnimadaas danbena la tijaabiyo in reer somaliland afti laga qaado inay somaliada waqtigaa joogta ka sii mid ahaanayaan iyo in kale. 10) in dastuurka dalka cusub dib loo qoro marka 40 sano dhamaadan inta ka horaysana heshiiskani noqdo dastuurka dalka iyo wixii kale ee lagu darikaro iyadoo markasta reer somaliland sharciyada dalka ku leeyihiin codka Vitto oo ay horistaagikaraan qodobada aanay dantooda ka arkayn 11) in baarlamaanka midowga somalida cusub yeeshaan laba gudoomiye oo ka somaliland ka socdaa yeesho awooda vitto ah oo uu ku horistaago wixii shuruuc ah ee aan dan u ahayn somaliland ta cusub. gabagabo haddii konfurta midnmadan aad muqadaska ku sheegaysaan dhab idinka tahay qodobadaasi waa garnaqsiga reer somalialnd inta midnimada doonaysa ee xamar idinla joogta ee haddii ay idinka dhabtahay muqadasnimada Midnimo ee aad sheegtaan si aqlabiyada reer somaliland ee in la midoobo diidani u arkaan in sidan danbe ay ku bedelankaraan oo tijaabin karaan qodobadan 11 ka ah WABILAAHI TAWFIIQ Omer J.Hashi cumarjama1966@hotmail.com Fikradaasi waxa ay gaar u tahay qoraha mana aha mid ka turjumaysa hab u socodka shabakadani, qoraha ayaana ka masuul ah oo lagala xidhiidhi karaa Qaran News
