Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Tehran)-Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa maanta ku eedeeyey Mareykanka inay dalkiisa ku baahinayaan “cabsi” la xidhiidha cudurka Coronavirus ee ka dillaacay. Coronavirus ayaa dalka Iran ku dilay 19 qof oo ka mid ah 139-ka qof ee uu saameeyey, oo uu ku jiro wasiir ku-xigeenka caafimaadka, taasi oo Iran ka dhigtay dalka labaad ee ugu dhimashada badan cudurka kadib Shiinaha. “Waa in aynaan u ogolaan America inay Coronavirus noogu darto fayrus cusub oo loogu yeedho…cabsi darran,” ayuu Rouhani ka sheegay kulanka golaha wasiirada Iran ee toddobaadlaha. Hadalka Rouhani ayaa yimid maalin kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu Iran ku eedeeyey inay cabudhineyso akhbaaraadka ku saabsan cudurkan ka dillaacay dalkeeda. Waxa uu sheegay inay qarineyso heerka rasmiga ah ee uu gaadhsiisan yahay cudurkan. “Mareykanka naftooda ayaa la xarbinaya Coronavirus. 16 kun oo qof ayaa u dhintay hargab hase yeeshee kama hadlaan dhimashadooda,” ayuu yidhi Rouhani. Iran ayaa tan iyo Arbacadii la tacaaleysay inay xakameyso cudurkan, markaasi oo ay ku dhowaaqday labadii qof ee ugu horreeyey oo ku dhintay magaalada Qom, oo ah xarun lagu barto diinta Islaamka, islamarkaana soo jiidata aqoonyahano “Xaj” u socda oo ka yimaada dibedda. Mas’uuliyiinta ayaa xidhay iskuullada, jaamacadaha, xarumaha dhaqanka, dhacdooyinka cayaaraha, waxaana shaqaalaha nadaafadda lagu daad gureeyey basaska, tareenada iyo goobaha dadweynaha. AFP Source
  2. The militant group Al-Shabaab has claimed that its fighters attacked a police camp in Garissa County, eastern Kenya. Pro-Al-Shabaab website Somalimemo reported that the militants “destroyed” a police station and burnt down military vehicles. There are no independent reports to verify the claims. The claim comes after US Africa Command (Africom) announced in a statement that they’ve killed a top Al-Shabaab commander responsible for the Manda Bay attack in Lamu, Kenya, in an airstrike in Sakow, southwestern Somalia. View the full article
  3. Somalia’s federal electoral law has now been approved by the House of the People and was signed into law by the President on 20 February. This law is part of the essential electoral legislative framework required so one-person-one-vote national elections that allow as many citizens as possible to vote can take place on time. While this is an important step, more work needs to be done to address many outstanding questions necessary to implement the code. Somalia’s international partners* recognize the responsibility accorded to the National Independent Electoral Commission (NIEC) to implement the electoral law and stress the urgency of all Somali stakeholders – including the Federal Government of Somalia, Federal Member States, the Federal Parliament, and political parties – to cooperate with and support the NIEC as it embarks on the task of implementing the electoral law. The partners recall their many discussions with the Speakers of both Houses of the Federal Parliament, as well as the NIEC, the President and the Prime Minister, during which they drew their attention to aspects of the law that need to be clarified. These include the identification of constituencies and allocation of seats to the constituencies, identifying which seats in Parliament will be reserved for women to ensure a minimum 30 per cent representation, modalities for electing the seats allocated for Somalilanders, and the representation of residents of theBenadir region in the Parliament. The partners call on the Federal Parliament, in collaboration with the NIEC, and in consultation with the Federal Government of Somalia, the Federal Member States and other stakeholders, to resolve these urgently. The partners also consider the Political Parties Law as part of the essential legal framework required to enable elections to take place on time. They therefore emphasize the importance of prioritizing consideration and adoption of the amendments to this law by the Federal Parliament. The partners emphasize that the holding of credible elections for the Federal Parliament and the Federal President on time, in keeping with the Provisional Federal Constitution, is critical for Somalia’s political stability. The partners emphasize the urgency of full cooperation between the Federal Government of Somalia and Federal Member States in order to achieve these and other national priorities. View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay wafti culus oo ka socda beesha caalamka oo Somaliland u imanaya qabsoomida doorashooyinka iyo furashada ururada siyaasadda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Haweeney salaad Jimcaha Paris ku tujisay Jameeco Rag & Dumar ka kooban Kaahina Bahluul oo khudbadda jimcaha ka akhrineyso goob ku taalla Faransiiska Kaahina Bahluul oo ah gabadh aqoonyahan ayaa markii ugu horreysay salaadda jimacaha tujisay dad isugu jiro dumar iyo rag oo ku sugnaa goob ku taalla caasimadda Faransiiska ee Paris. Kaahina oo heysta dhalashada Faransiiska, aabaheed wuxuu kasoo jeeda dalka Aljeeriya, waxay caan ka noqotay baraha bulshada markii ay bilowday olole gudaha Faransiiska looga dhisayo masaajid lagu magacaabo Faadimah. Koox ay hogaamineyso gabadhan ayaa waxay wadaan barnaamijyo lacag lagu uruurinayo dhistaanka masaajid ay ku wada tukan karaan ragga iyo dumarka, waxaana sidoo kale masaajidka ku tukan karaa dumarka xijaaban iyo kuwo aan xijaabneyn. Kaahin Bahluul waxay BBC-da laanta Carabiga u sheegtay “Waxay ila tahay in haweeney ay imaam ka noqoto masaajid ay u ogolaaneyso dhalinyarada muslimiinta in fikir wanaagsan ay ka qaataan diinta Islaamka, da’yarta maanta waxay masaajiddada ku arkaan oo kaliya ah ragga…iyo odeyaasha…. marka diinta Islaamka waxay u arkaan mid dambeyso oo qaddiimi ah oo aan la jaanqaadeyn casrigan” Kaahina ma aysan sugin dhameystirka mashruuca ay ku dhisayaan masaajidka balse waxay Jimcihii lasoo dhaafay ay qol ka kireysteen gudaha magaalada Paris halkaas oo ay salaadda kaga bixisay rag iyo dumar ku sugnaa goobta. Qaran News
  6. Beerta Isha Baydhaba-halka kulmisa Soomaalida Istanbul Waxaa sanadihii dambe aad u xoogeystay xiriirka Soomaalida iyo Turkida, waxaana taas ay keentay in Soomaali badan ay deggaan dalka Turkiga, kuwaas oo isugu jira dhallinyaro arday ah, ganacsato iyo siyaasiyin. Soomaalida oo ah dad meel walba oo ay dunida ka tagaan is urursada ayaa waxa ay Istanbul ka sameysteen xarun ay ula baxeen magac u gaar h, taas oo saldhig u noqotay dadka sheeko iyo shaah doonka ah. Beerta Mola Gurani ee bartamaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo ah barxad doog cagaaran lagu beray, kuraasna lagu camiray, biyuhuna ay burqanayaan ayaa ah goob kulmisa dadka Soomaalida ee ku nool magaaladaasi. Goobtaasi oo ay sidoo kale yimaadaan ragga ayaa xilliyada fiidkii waxaa ku badan dumarka Soomaalida oo aan looga baranin goobaha fadhi-ku-diririka. Waxaa halkaasi isugu yimaada oo ku kulma Soomaalida ugu badan ee ku nool xarunta ganacsiga ee dalka Turkiga, waxaana ay ula baxeen magac u gaar ah “Isha Baydhabo” oo dad badan ay ku yaqaanaan magaalada Baydhaba. Dumarka soomaalida ayaa xilliyada habeenkii aad u fariista halkan Waxaan beertaasi booqday xilliyo kala duwan oo waxaan ku arkay Soomaali ka kooban qeybaha bulshada, oo waqtiyada qaarna ay u badan yihiin dumarka. Qaar kamid ah dadka aan halkaa kula kulmay ayaan weydiiyay waxa beerta loogu bixiyay Isha Baydhabo. “Sababta Isha Baydhabo loogu bixiyay goobtan ayaa ah inay leedahay biyo burqanaya, waxaana magaca uu baxay xilliga guddoomiayaha baarlamaanka [Maxamed] Mursal uu ahaa asafiirka, dadkuna waxay u bixiyeen Ishab Baydhabo maadaama Mursal uu kasoo jeedo magaalada Baydhabo,” ayuu yiri Salaad Cabdile Guure. Waxa aan wax ka weydiiyay sababta ay Soomaalida beertaasi isugu yimaadaan. “Sababaha ugu waaweyn ee ay halkan u yimaadana ayaa ah xog wareysi iyo weliba fadhi-ku-diriri,”ayuu raaciyay. Amiira Cabdullaahi oo kamid ah haweenka ku caweeya Isha Baydhabo ayaa sheegtay inay tahay goob xogta lagu kala qaato. “Meeshan Isha Baydhabo ayaa la dhahaa, Soomaalida ayaana ula baxday, tahriibayaasha xogta ayay ka helaan, dadk yimaadana halkan ayay ku sheekeystaan,” ayay u sheegtay BBC-da. Waa arrin naadir ah in deegaannada Soomaalida gaar ahaan xilliyada fiidka ah lagu arko dumar koox koox u fadhiya oo shekeysanaya, balse dadka ugu badan ee xilliyada habeenkii “Isha Baydhabo” isugu yimaada ayaa ah dumar Soomaali ah, kuwaas oo fadhi-ku-dirir ka sameysta beerta. “Waxaan halkan u imid in aan ku caweeyo aniga iyo asxaabteyda oo ana ku shekeysano, wakhtina ku qaadano. Halkanna way ka duwan tahay Soomaaliya oo meesha aad rabto aadan aadi karin,” ayay tiri Amiira Cabdullaahi. Waxay intaas ku dartay in magaalada Istanbul dumarka Soomaalid ay ku dareemaan xorriyad oo xilliga ay rabaan ay soo daneysan karaan, arrintaas oo ay sheegtay inay adag tahay in Soomaaliya ama deegaannada Soomaalida lagu arko. “Dhaqanka wuu isbadelay oo hooyooyinka Soomaalida marka gabadha ay rabto inay baxdo way canaantaan oo waxay yirahdaan ha bixin iyo wax lamid ah balse halkan way ka duwan tahay,” ayay Amiira raacisay. Goobtan ayay dadku ku sheegeen in biyaha burqanaya ay uga egtahay isha Baydhaba, balse biyaha halkan ka burqanaya waa kuwa lagu qurxiyay oo aan dabiici ahayn sida kuwa Isha Baydhabo. Waxaa muqata in Beerta Mola Gurani ay xudun u noqotay qofwalba oo Soomaali ah oo tega Magaalada Istanbul. Qaran News
  7. Hargeysa (PPM) — A senior member of a Somaliland opposition party urged Somaliland Government to be aware of geopolitical trends in the Horn of Africa. Hussein Ahmed Aidid, a member of the opposition party, Waddani, cited an essay posted in Somtribune, a news website. The essay featured a consultation document co-signed by the former British Secretary of State for Foreign Affairs, Ernest Bevin. Aidid said that what was then known as “Reserve Area ( Haud)” had been under the Ethiopian control”. The Reserve Area had been under British Somaliland Protectorate when Bevin wrote the letter. The letter was written in 1946, four years after the end of the Occupied Enemy Territory Administration in Ethiopia, and eight years before the Reserve Area had been annexed to Imperial Ethiopia. Somalis in the British Somaliland Protectorate expected Great Britain would honour the Protectorate Agreement and consult them on such a consequential matter although the Agreement did not give Somalis a sovereignty claim to which they were entitled. Hussein A. Aidid: Somaliland must be aware of geopolitical trends The comment of the Somaliland politician comes in the wake of a map of dismembered Somalia posted on the Facebook page of the Ethiopian Prime Minister Dr Abiy Ahmed several weeks ago. “While Ethiopia remains one country, the map divides Somaliainto white and grey parts. The grey part bears the name Somalia whereas the white area, presently known as Somaliland, remains nameless,” reported Puntland Post on the controversial map many Somalis view as a stain on the image of Ethiopian Nobel Peace Laureate. In 2019 BBC reported that Ethiopia apologised “for [a] map that erases Somalia.” A 2019 map for which Ethiopian government apologised In a 1968 speech at the Royal African Society and published in African Affairs, Mohamed Haji Ibrahim Egal (Somali Prime Minister 1967-1969), noted agreements the British Empire secretly signed with Ethiopia in violation of the Protectorate Agreements it had signed with Somali traditional leaders. The 2020 map that appeared in PM Abiy Ahmed’s Facebook Account “In 1946 there was talk of giving Ethiopia access to sea in return for a territory it controlled but today there is no a question of territory” the Hussein Ahmed Aidid told MPs at the Somaliland House of Representatives. In 1993 Ethiopia became a landlocked country after Eritrea voted to become an independent country. France is helping Ethiopia to rebuild naval force to be based in Djibouti. In 2018 the Ethiopian Prime Minister paid a visit to Mogadishu to propose a Horn of Africa Economic Integration initiative to which the weak Federal Government of Somalia signed up in principle. © Puntland Post Monthly, 2020 The post A Somaliland Politician Calls Out Abiy Ahmed Stratagems appeared first on Puntland Post.
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu warramayaa in barqanimadii maanta ay la waregeen gacan ku heynta xarumo muhiim ah oo ku yaalla degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Ciidamadan oo gadoodsan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo labo bil ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadaan oo ka tirsan kuwa Booliska ay qabsadeen maxkamadda Madaniga ee Caabudwaaq iyo saldhigga guud ee degmadaasi. Tirada ciidamada ayaa waxaa lagu qiyaasay ku dhowaad 100 askari, kuwaas oo ka mid ah askartii la diiwan galiyey sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii. Xaaladda ayaa kacsan, iyadoo dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo halkaasi, balse waxaa hadda bilowday dadaallo lagu qanciyo ciidamadaas oo ay wadaan waxgaradka deegaanka. Dhinaca kale weli ma jiro weli wax hadal oo ka soo baxay saraakiisha Galmudug iyo kuwa dowladda, kuna aadan cabashada ciidamadaasi. Si kastaba ha’ahaatee ciidamada ayaa alaaba gadood sameeya, marka ay waayan xuquudooda dhanka mushaarka ah, taas oo ka mid ah caqabadaha weli heysta dowladda Soomaaliya oo dhowaan sameysay diiwaangelin casri ah.
  9. Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa iska hor-imaad saaka ku dhexmaray gobolka Sanaga ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland. Iska hor-imaadka ayaa saaka ka dhacay meel u dhow Yube, ilo madax bannaan ayaa Puntland Post u sheegay in dagaalkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac, inta la xiqiijiyey afar askari oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan. Dhanka kale qoraal ka soo baxay Taliska ciidamaa Somaliland ayaa lagu sheegay in saaka subaxnimadii hore degaanka Kadhada oo 18 KM u jira tuulada Yube ee gobolka Sanaag uu ka dhacay ka dagaal u dhaxeeya ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland. Somaliland ma sheegin khasaaraha ka dhacay dagaalkaas, balse waxay tilmaantay in ay hub iyo gaadiid ku qabsatay. Puntland ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin dagaalka saaka ka dhacay meel u dhow degaanka Yube ee gobolka Sanaag. Degaanka lagu dagaalamay ayaa hadda degan, balse waxaa jira gurmadyo labad dhinac soo gaaraya. Shalay ayey ahayd markii degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag uu iska hor-imaad hal asakri ku dhintay ku dhexmaray Somaliland iyo Puntland. Tan iyo sanadii hore 2019, dhowr jeer ayaa gobolka Sanaag dagaal ku dhexmaray Puntland iyo Somaliland. PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Dagaal Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Sanaag appeared first on Puntland Post.
  10. Iyada oo maanta gobalka Sanaag ay ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan maamulada Soomaaliland iyo kuwa Puntland ayaa dagaalkaasi waxaa guulo ka sheegtay ciidanka mileteriga ee maamulka Soomaaliland. Qoraal ka soo baxay afhayeenka ciidanka Soomaaliland, ayaa waxaa lagu sheegay in ciidankooda ay guulo la taaban karo ka gaareen kuwa Puntland islamarkaanka ay ka furteen hub iyo waliba sidoo kale gaadiid dagaal sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxaya maamulkaasi. Dhinaca kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in ciidanka Puntland ay iyagu dagaalka soo qaadeen sidoo kalane ay maalmihii la soo dhaafay daan daansi ciidan ay ka wadeen gobalka Sanaag, waxaana Soomaaliland ay sheegtay in ay iska caabiyeen dagaalkii lagu soo qaaday. Ugu dambeyntii qoraalka waxaa lagu soo gabagabeeyay in Soomaaliland aysan doonayn dagaal balse haddii laga deyn waayo daan daansiga joogtada ah in ay qaadi doonto tallaabo ay ku gudanayso waajibaadkeeda. Halkan ka akhriso qoraalka ka soo baxay Soomaaliland Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyada Boosaaso ku qaabilay Ayaan Xassan Ducaalle oo ah gabar 7sano jir ah oo araga naafo ka ah, taas oo maalmo ka hor fariin Maanso ah u dirtay Madaxwayne Deni, si wax looga qabto xaaladda nololeed ee iyada iyo dadka ay isku baahida yihiin. Kulanka uu Madaxweyne Deni kulan kulmay Ayaan, waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamed Ceydiid, xubno ka mid ah Ganacsatada Puntland, Xaawo Jaamac Cabdi oo iyana ka mid ah dadka araga naafada ka ah, una ololeysa dadka araga la’ iyo qoyska Ayaan. Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa balan qaaday inuu ka caawin doono Ayaan Xasan Ducaalle in ay hesho Dhakhtar dibedda ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtootada Puntland. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladdu wax ka qaban doonto Xaaladaha Nololeed iyo Waxbarasho ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee nool Puntland. Ugu damveyn Ayaan Xasan Ducaalle ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu qaabilay, waxayna ka mahadcelisay in Madaxweynuhu uu wax ka qabanayo Xaaladeeda Caafimaad iyo guud ahaan nolosha dadka araga naafada ka ah. PUNTLAND POST The post Deni oo la kulmay gabar naafo ah oo horey fariin ugu dirtay appeared first on Puntland Post.
  12. The United Nations Food and Agriculture Organization (FAO) on Tuesday stressed that the desert locust outbreak situation has remained "extremely alarming" in the Horn of Africa (HoA), posing serious food security threat across Ethiopia, Somalia and Kenya. Source: Hiiraan Online
  13. MOGADISHU (HOL) - The recently adopted Elections Law fails the test of a fair and inclusive elections, the UN and other partners in Somalia have said calling for urgent review. Source: Hiiraan Online
  14. Ciidamada Somaliland oo guul ka sheegtay dagaalkii saaka dhex maray kuwa Puntland. Source
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska guud ee ciidamada Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyey dagaallo saaka iyo shalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag. War qoraal ah oo ka soo baxay milatariga Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in saaka abaaro 6:30 subaximo ay Puntland dagaal ka bilowday deegaanka Kadhada oo 18 KM u jira magaalada Yube oo hoostagta gobolkaasi oo dhaca waqooyiga Soomaaliya. Somaliland waxay sidoo kale warkaan ku sheegtay in dagaalkaasi ay guullo ka soo hoyeen ciidankeeda, islamarkaana ay ku qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal intaba. “Saaka abaaro 6 30 subaximo , waxay ciidamada puntland isku day dagaal ka bilaabeen degaanka kadhada oo 18 km u jira yube , halkaana waxaa isku haleelay ilaalada hore ciidanka qaranka iyo dagaal oogayaasha ciidanka puntland halkaas oo ciidanka qaranku dhirbaaxo lama ilawaana ku dhuftay kana soo hooyeen guulo iyagoo ka qabsaday hub iyo gadiid intaba ayaa lagu yiri” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska ciidamada Soomaaliland. Sidoo kale Somaliland ayaa Puntland ku eedeysay in ciidamadeeda ay shalay weerareen guddoomiyaha Laasqoray, islamarkaana uu ka badbaaday isku day la doonayey in lagu dilo, sida ay hadalka u dhigtay. Qoraalka ka soo baxay taliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland ay daandaansi dagaal ka wado degmada Badhan iyo deegaanada ku xeeran. “Waxaa jira inay Puntland ciidamadoodu weerareen shalay 25/2/2020 barasaabka laas qoray ee Somaliland isku dayeena inay dilaan , hase ahatee ilaahay ka badbaadiyay, waxay daandaasi joogta ku hayaan dadka Somaliland ee degan Badhan iyo degaanada ku hareeraysan” ayaa markale lagu yiri warka ka soo baxay taliska ciidanka Somaliland. Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan xiisadaha dagaal ee ka soo cusboonaaday gobolka Sanaag. Halkaan hoose ka aqriso:
  16. Wararka aan ka helayno gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in gobolkaasi ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan maamulada Soomaaliland iyo kuwa Puntland, waxaana dagaalaasi ka soo baxaya warar kala duwan. Dagaalkan ayaa yimid ka ka dib markii ciidamo ka tirsan Soomaaliland ay ka ka soo ruqaansadeen magaalada Yuubbe iyaga oo soo gaaray magaalada Hadaaftimo oo qiyaastii 30 km dhanka galbeed kaga beegan Ceerigaabo sidaasina ay fooda isku dareen labada ciidan. Sida uu soo sheegayo Weriyaha Goobjoog News ee gobalkaasi waxaan wali la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maanta Hadaaftimo ku dhexmaray ciidamada Soomaaliland iyo kuwa dowlad goboleedka Puntland. Dhawaqa rasaasta ayaa wali laga maqlayaa magaalada, iyada oo dadka deegaanka ay cabsi xooggan ka muujinayaan dagaalkan. Dagaalkan ayaa ku soo aadaya xilli shalay magaalada Laasqoray ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsanaa guddoomiyaha gobalka Sanaag iyo barasaabka Soomaaliland ee Badhan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Wararka aan ka helayno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay ku waramayaan in ganacsiga magaaladaasi uu maanta yahay mid gabi ahaana xiran oo aan shaqeynayn. Ganacsatada magaaladaasi ayaa ka cabanaya canshuur xad dhaafa oo wasaaradda maaliyadda Puntland ay ku soo rogtay ganacsatada deegaankaasi, taasina ay sababtay in ganacsigii magaalooyinka waaweyn sida Boosaaso uu hakad galo. Candhuurtan ayaa ah mid ganacsadaha laga qaadaayo sheykasta uu faa’iido ka helo taas oo caqabad weyn ku ah dadka danta yar ee ka ganacsada deegaanada maamulkaasi. Horay waxaa u istaagay ganacsigii magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, inkastoo markii dambe ganacsatada lagu qanciyay in cabashadooda la xalin doona, sidaasina ay mar kale dib ugu fureen ganacsigii magaaladaasi. Wali ma jirto war ay ku qancaan ganacsatada deegaanadaasi oo ka soo baxay maamulka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo baaritaano ah oo ciidamada ammaanka saaka ay ka wadaan qeybo ka mid ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay ka socdaan xaafado dhowr ah oo ka tirsan gudaha degmadaasi, iyadoo ujeedkooda lagu sheegay amni xaqiijin. Taliye ku xigeenka saldhigga Booliska Baardheere, ahna madaxa laanta dambi baarista ee degmadaasi, Guhaad Maxamuud Macalin Cumar oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey baaritaanadaasi. Guhaad ayaa tilmaamay in ciidamadu ay dabagal ku hayaa rag habeysan oo habeen saddex guuddoomiye xaafadeed ku dilay degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Magaalada Baardheere oo ay si wadajir ah uga howlgalaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal liddi ku ah nabad galyada, kuwaas oo isugu jira dilal qorsheysan iyo weeraro ka yimaada dhanka Al-Shaab. View the full article
  19. (SLT- Hadaaftimo)-Dagaal u dhexeeya Ciidammo ka kala tirsan Somaliland iyo maamulka Puntland ayaa waxaa uu ka socdaa qeyb kamid ah Gobolka Snaaag, kaasi oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga socdaa deegaan lagu magacaabo Hadaaftimo, waxaana uu yimid kadib markii Ciidamadii Somaliland ee fadhigoodu ahaa Magaalada Yubbe saaka ay u soo ruqaansadeen dhinaca Magaalada Hadaaftimo, sidaasna uu ku billaamay. Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa soo sheegaya inay maqlayaan dhawaqa rasaas xoog leh oo ay isdhaafsanayan Ciidammada Somaliland iyo Puntland. Ilaa iyo hadda lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka lagu magacaabo Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag, hayeeshee warar la helayo ayaa tilmaamaya inuu jiro Khasaaro. Dagaalkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo shalay uu dagaal geystay Khasaaro uu dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland iyo Guddoomiyaha Degmada Badhan ee Somaliland, wuxuuna dagaalkas ka dhacay degmada Laasqoray. Kala Soco Somalilandtoday.com wixii warar ah ka soo kordha Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa war cusub ka soo saaray duqeyn ay 22-kii bishaan diyaaradahooda dagaalka ay ka fuliyeen degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya. Mareykanka ayaa shaaciyey in duqeyntaasi uu ku khaariyey labo sarkaal oo ka tirsanaa dagaalyahannada Al-Shabaab, islamarkaana midkood uu wax ka qorsheeyey weerarkii xooganaa ee sanadkan 2020-ka bilowgiisii lagu qaaday saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya. Qoraalka ka soo baxay Mailatariga Mareykanka laguma shaacin magaca sarkaalkaasi, marka laga tago inuu abaabulay weerarkii lala eegtay saldhigooda Manda Bay. Sidoo kale Mareykanka ayaa wacad ku maray inuu sii wadi doono howlgalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab, inta laga adkaanayo kooxdaasi. Weerarkii lagu qaaday saldhigga Manda Bay oo si wadajir ah u dagan yihiin ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Kenya ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan, iyadoo lagu gubay illaa 6 diyaaradood oo ka mid ah kuwa fuliya howlgallada gaarka ah ee Mareykanka.
  21. Inta badan ganacsiga magaalada Boosaaso ayaa maanta xiran, iyadoo Boosaaso ay tahay xarunta ganacsiga Puntland. Ganacsatada Boosaaso, ayaa ka cabanayaa canshuurta iibka, oo dhawaan la soo rogay, taas oo ku jirtay miisaaniyaddii uu ansixiyey Baarlamaanka Puntland. Shacabka Boosaaso ayaa saaka oo Arbaco ah ku waabariistay goobaha ganacsiga oo xiran, sidoo kale Dekeda ayaa maalintii afraad waxaa taala alaabtii ganacsatada uga soo dagi jirtay. Sidoo kale waxaa jira gaadiid kaantaroolka magaalada Boosaaso ugu xaniban canshuur. Wasaaradda Maaliyadda Puntland wali kama hadlin cabashada ganacsatada Boosaaso oo walaac ka muujiyey canshuurta iibka. Cabashada ganacsatada Boosaaso, ayaa ku soo aadaysa, iyadoo magaalada uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Sidaan oo kale todobaadkii hore ganacsiga Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa maalmo u xirnaa cabashada canshuur iibka. PUNTLAND POST The post Ganacsiga Boosaaso oo albaabada loo laabay appeared first on Puntland Post.
  22. Waxaa warar dheeraada ay ka soo baxayaan weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen meel u dhaw magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi Bari ee dalkaasi. Weerarkan ayaa la tilmaamay in lagu qaaday saldhig ku yaalla deegaan lagu magacaabo Goorisa oo hoos yimaada magaalada Gaarisa, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidan ka tirsan kuwa Kenya oo la soo warinayo in weerarkaasi loogu geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qoraal ka soo baxay Al shabaab waxaa lagu sheegay in ay burburiyeen saldhiggii ay weerarka ku qaadeen islamarkaana ay gubeen gaari mileteri oo ay lahaayeen ciidanka dalka Kenya. Al shabaab ma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, kaasi oo soo gaaray ciidamada Kenya ee ku sugnaa saldhigga ay weerareen. Ma jirto wali wax wara oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan gobalka waqooyi Bari ee dalka Kenya oo ay kaga hadlayaan weerarkan ay Al shabaab sheegeen in ay ku burburiyeen saldhig ciidankooda ay ku lahaayeen deegaanka Goorisa oo hoos yimaada magaalada Gaarisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Oo Si Kulul Uga Hadlay Macallimiin Iyo Madarasaddo Ku Yaalla Hargeysa Oo Ay Ciidammada RRU Xidheen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa si xoogan u cambaareeyey dilka maamulihii shirkadda Hormuud ee degmada Jlib Maxamuud Xaaji Salaad oo dhowaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ku khaarijiyeen duqeyn dhanka cirka ah. Nabadoon Xasan Kacaan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inuu ka xun yahay dilka marxuumka, wuxuuna tilmaamay in Mareykanka uu ku qaldamay. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda Mareykanka inay ka fiirsato waxyeelada rayidka ka soo gaareyso duqeymaha ay ka fuliso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Turki-1-1.mp3 View the full article