Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Maamulaha guud ee shirkadda Shidaalka HASS Petroleum Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed ayaa si kulul uga jawaaabay eedaymo uu maanta u soo jeediyay Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Du’caale Qanbioo la xidhiidha in ay maalgelinayso jabhad Somaliland ka soo horjeeda oo laga sameeyay magaalada Buuhoodle, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Qaahira (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubarak ayaa goor dhaw geeriyooday isaga oo ahaa 91-sano jir, waxaa sidaas weriyey talefishinka dowladda Masar. Xusni Mubaarak ayaa waxa uu Masar xukumayey muddo 30-sano ah ka hor inta aan xukunka looga tuurin dibad-baxyo waaweyn oo gil-gilay dalka Masar sanadkii 2011-kii. Waxa uu xabsi ku jira sanado kadib kacdoonkii lagu riday, hase yeeshee waxaa lasii daayey sanadkii 2017-kii, kadib markii lagu waayey inta badan dacwadihii loo heystay. Mubaraak wuxuu soo noqday madaxweynaha Afraad ee Masar laga soo bilaabo 1981 ilaa xukunka laga tuuray waxa loogu magac daray kacaankii gugii carabta. Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubarak ayaa dhowaanahan ku jiray isbitaal ku yaalla magaalada Qaahira ee dalkaas Masar, waxaana lagu sameeyay qaliino dhowr ah, ka hor inta uusan geeriyoon maanta oo Talaado a. Xusni ayaa argagax galiyay Masriyiin badan, oo kumanaan ah, kuwaa oo lagu daadiyay bartamaha Qaahira si ay u muujiyaan cadhadooda ka dhanka ah Maxkamada.
  3. Ankara (Caasimadda Online) – Laba kamid ah Askarta Dowladda Turkiga ee ku sugan dalka Liibiya ayaa dhimatay sida uu xaqiijiyey madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan. Wakaaladda Wararka ayaa laga soo xigtay hadal uu dhahay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan kaasoo ahaa “Labo kamid ah ciidammadeena ayaa ku shahiiday Liibiya”. Weerarka lagu dilay askarta Dalka Turkiga ayaa waxaa soo qaaday ciidamada uu hoggaamiyo janaraal Khaliifa Haftar oo mucaarad ku ah Dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Dalka Liibiya. Jeneraalkaan dagaalka kula jiro Dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya ayaa la rumeysan yahay inuu taageero ka helayo qaar ka tirsan wadamada Carabta oo ay ugu horreeyaan Imaaraadka Carabta iyo Masar. Dhanka kale Dowladda Liibiya ayaa taageero ka heleyso wadamada Turkiga iyo Qatar, waxaana dhawaan halkaas ka gaaray ciidamo aad u qalabeysan oo ka tirsan Militariga Turkiga oo wato gawaarida gaashaaman. Hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Erdogan ayaa kusoo aadayo xilli la filayo inuu booqasho ku tago wadanka Azerbaijan.
  4. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa kulan gaar ah degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose kula qaatay saraakiisha ciidanka ee ku sugan degmadaasi. Axmed Madoobe ayaa sarraakiisha daraawiishta Jubbaland kala hadlay dagalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ukuur galay xaaladda ciidamada, isaga oo booqday saldhigyada ciidamada ee ku yaalla halkaasi. Jubbaland oo dagaal adag kula jirta Al-Shababab ayaa maalmihii la soo dhaafay xoojisay dhaq dhaqaaqyada milatari ee ka socda deegaanada maamulkaasi View the full article
  5. Xusni ayaa ku dhintay isbitaal ciidan oo ku yaalla Qaahira Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak, oo Masar xakumayey dhawaad ​​30 sano oo is casilay kadib kacaan caan ah oo dhacay sanadkii 2011, ayaa dhintay isagoo 91 jir. Telefishinka dowladda ayaa Talaadadii maanta laga sheegay in Mubaraak uu u dhintay qalliin lagu sameeyay. Ninka uu soddoga u yahay, General Mounir Thabet, ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee AFP inuu ku dhintay isbitaalka militariga ee Qaahira Galaa. Mubaraak wuxuu soo noqday madaxweynaha Afraad ee Masar laga soo bilaabo 1981 ilaa xukunka laga tuuray waxa loogu magac daray kacaankii gugii carabta. Waa la xidhay sannado ka dib markii kacdoonku dhacay, laakiin waa la sii daayay sanadkii 2017 kadib markii lagu waayey eedeymahii lagu heystay badankood. Xariga Xusni ayaa argagax galiyay Masriyiin badan, oo kumanaan ah, kuwaa oo lagu daadiyay bartamaha Qaahira si ay u muujiyaan cadhadooda ka dhanka ah Maxkamada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne hore oo caan ah oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweynihii hore ee Dalka Masar Xosni Mubaarik ayaa Xalay geeriyoodey sida lagasoo Wariye Saxaafada Dalkaas, Mubaarak ayaa Dalka Masar wuxuu xukumayay mudo ku dhow Sidameeyo [...] Source
  7. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta xarigga ka jaray xarunta wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo dib-u-dhis lagu sameeyay, ayaa caddeeyay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay farriin xooggan u diyaraan kooxda argagaxisada ee qorsheynayay in wasaaradda shaqadeedu istaagto. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in kooxda Argagaxasida ee shaqadoodu tahay dilka iyo duminta ay dhismaha wasaaaradda weereen iyagoo doonayay in dadka Soomaaliyeed niyad jebiyaan, hase yeeshee damacoodii la diiday oo dib-u-dhis casri ah lagu sameeyay wasaaradda, taas oo muujineysa in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aan laga hor istaagi karin horumarka ay hiigsanayaan. “Qoladii is laheyd dadka Soomaaliyeed niyaddooda jebiya waxaa loo diray farriin tii hore ka culus waayo wasaaradda waxaa loo dhisay si ka wanaagsan sidii ay aheyd markii ay soo weerareen, haddii ay is lahaayeen dadka Soomaaliyeed ayaa laga nixiyaa, la qalbi jebiyaa ama hiigsigooda hoos loo dhigaa, waxaan leennahay dadka Soomaliyeed isma dhiibaan ma niyad jabaan, lagama adkaado, hiigsigooda kama tagaan, marka ugu dambeysana iyagaa guuleysanaya sida taariikhda Soomaaliyeed ay sheegto”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Dowladda Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan shuruudihii deyn cafinta, waxaana IMF iyo Bangiga adduunka ay bishaan shaaciyeen in Soomaaliya ay muteysatay in deynta laga cafiyo, iyada oo la sugayo in dhawaan lagu dhawaaqo go’aanka deynta cafinta oo ay ka dhalanayaan fursado shaqo abuur ballaaran,waxaana wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ay muhiimad wayn u leedahay hoggaaminta fursadahaas dhallinyarada Soomaaliyeed shaqada loogu abuurayo. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  8. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey waxay shalay dhageyteen Warbixintii uu Xafiiska UNSOM iyo Maraykanku ay kasoo gudbiyeen Arimaha Soomaaliya, Warbixintaasoo dharbaaxo Siyasadeed ku ahayd Dowlada [...] Source
  9. Isu duwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay Rodney Hunter ayaa golaha ammaanka ka jeediyay khudbad uu uga hadlay xaalada amnaan, tan siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee Soomaaliya. Rodney Hunter ayaa golaha ammaanka ka sheegay in sanadkaan Soomaaliya uu u yahay mid la filayo in hormar laga sameeyo deyn cafinta, kobaca dhaqaalah iyo ammaanka. Sidoo kale isu duwaha siyaasada ee Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa khudbaddiisa uga hadlay sida dowladda Soomaaliya ay ciidankeeda ugu diyaarisay in ammaanka dalka ay si buuxda ula wareegaan marka ay dalka ka baxaan kuwa AMISOM. Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday ciidanka dowladda federaalka ay bishii lasoo dhaafay geysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, isagoo sheegay in taasi ay tahay mid laga leeyahay dano siyaasadeed oo aan la aqbali Karin. View the full article
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Cabdirashiid Xuseen iyo Faysal Falaalug oo kala hogaaminayey labo Jabhadood oo ka jirey deegaanada Sool iyo Cayn ayaa si rasmiya u shaaciyay inay ku heshiiyeen dagaal ka dhan ah Xukuumada Somaliland. Labada Jabhadood oo hore ula dirirsanaa maamulka Muuse Biixi, ayaa haddana ku midoobay inay si wada-jir ah ula dagaalamaan maamulkaasi, isla markaana ay isku biiriyaan cududooda ciidan iyo hub. Jabhadahan oo midkoodba dhinacooda isu magacaabi jiray SSC, ayaa himika ku heshiiyay hal hogaan iyo hal ciidan oo kula dagaalamaan maamulka Muuse Biixi. Shirar maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Buuhoodle, ayaa lagu soo af-jaray kala qeyb-sanaantii labada Jabhadooda, iyagoona hore uga mideysnaa dagaalka ka dhan ah Maamulka Biixi. Labada Jabhadood ayaa si rasmiya ugu heshiiyay Nabadeynta iyo turxaan bixinta beelaha ay ka soo kala jeedaan, isla markaana ay meel adag uga soo wada jeestaan dagaalka ay kula jiraan Somaliland. Faysal Falaalug iyo Cabdirashiid Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dhamaatay kala qeybsanaantii ka jirtay Jabhadaha deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyagoona xusay inay u halgamayaan midnimada umadda Soomaaliyeed. Waxayna Jabhadahan midoobey ay shaaciyeen inay isbaheysi la noqon doonaan Maamulada aaminsan midowga Soomaaliya iyo dowladda federaalka, ee ka soo horjeeda gooni isu-taaga Somaliland Somaliland ayaa inta badan wajahda culeys ugu imaada Jabhado ka abuurmo deegaanadeeda, kuwaasi oo ka soo horjeeda hab maamulka Xukuumada, iyo weliba gooni goosaadka ay ku doodo.
  11. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hassan Cali Kheyre iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Saadiq Warfaa ayaa maan si wadajir ah xariga uga jaray xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo dib u dhis lagu sameeyay. Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlay munaasabadda xarig ka jarka ayaa sheegay in xaruntan tahay goob muhiim ah, isla markaana loogu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed. Dhinaca kale Wasiir Saadiq Warfaa ayaa sheegay in xarunta Wasaaradda ay qarax ku burburiyeen Al-shabaab, hayeeshee haatan dib u dhis ballaaran lagu sameeyay, isagoona u mahadceliyay inta ka qeyb qaadatay dhisamaha xarunta. Dhismahan waxaa 23-kii bishii Maarso ee sanadkii hore 2019 weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ku qaaday Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ay gudaha u galeen dagaalyahano ka tirsan ururkaas. Weerarkaas waxaa ku geeriyooday askar iyo mas’uuliyiin dowladeed oo ka mid ahaa Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaaha Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdala. PUNTLAND POST The post Kheyre oo xariga ka jaray xarun horey qarax loogu burburiyay appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Laasqoray)-Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Saaka Dhex-Maray Ciidammada Somaliland Iyo Kuwa Maamulka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Madaxweynihii hore ee Masar, Xusni Mubaarak ayaa ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Qaahira. Wuxuu ku dhintay da’da 91. Xusni Mubaarak waxaa sannadkii 2011-kii xilka ka tuuray millatariga kaddib kacdoonkii ka dhacay dalkaas. Source
  14. Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Qaahira ee dalkaasi. Xusni Mubaarak ayaa ku geeriyooday da’da 91-sanno jir. Madaxweyne Xusni ayaa awood miletari ku maamulayay dalka Masar muddo ku siman 30- sanno. Xusni Mubaarak waxaa sannadkii 2011-kii xilka ka tuuray militariga kaddib kacdoonkii ka dhacay dalkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee XFS Cabdullahi Goodax Barre iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Finsh ayaa xariga ka jaray xarunta Waxbarashada gobolka Banaadir oo muda 30-sano kadib dib loo hirgaliyay. Xaruuntaasi oo qeyb ka noqon doonto xoojinta adeegyada Wabarashada, waxaana daahfurka xafiiskan goob joog ka ahaa hogaanada daladaha Waxbarasho ee dalka. iyadoo Xaruntan cusub laga hirgaliyay degmada Xamar Weyne, taasoo ka kooban dhowr qeybood oo bixin doona adeegyada Waxbarashada ee gobolka Banaadir, si loo helo waxabarsho taya leh oo bilaash ah iyo in laga baxo baahiyaha Waxbarasho ee taagan. Masuuliyiintan ayaa kormeeray xafiisyada ay xaruntan ka kooban tahay waxayna ku kula dardaarmeen Madaxda xaruntani in ay dardargaliyaan horumarinta Waxabarashada Caasimadda. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay sida ay maamulkiisa uga go’an tahay horumatinta Waxabarshada. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-25022020.mp3 View the full article
  17. Xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Jubbadland islamarkaana u waramay Goobjoog News ayaa waxa ay eedeyn kulul u jeediyeen madaxda u sareysa dalka sida madaxweyne Farmaajo iyo ra’isulwasaare Kheyre. Mudanayaashan ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dayacday amniga gobalka Gedo waxa ayna tilmaameen in amni xumada soo wajahday gobalka ay masuuliyadeeda qaadayaan madaxweyne Farmaajo iyo taliska hey’adda nabad sugidda Soomaaliya. Sidoo kale xldhibaanadan oo sii hadlay ayaa waxa ay carabka ku dhufteen in ciidamo aad u fara badan laga soo daadgureeyay degmada Baardheere islamarkaana ciidankaasi la soo dhoobay degmada Beladxaawo, taasina ay keentay in amnigii degmada Baardheere uu faraha ka baxo. Ugu dambeyn xildhibaanadan ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in ay culeyska siyaasadeed ka dul qaado maamulka Jubbalnad, maadama bey yiraahdeen haatan la isku mashquuliyay ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa dowladda ay gobolkaasi geysay xilli ay meesha ka baxday feejignaantii dhinaca amniga. Qeylo dhaantan ka soo yeertay Jubbaland ayaa waxa ay ku soo aadeysa iyada oo xalay degmada Baardheere lagu dilay saddex guddoomiye waaxeed oo degmadaasi ka tirsanaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. BARDHEERE (HOL) _ Three district officials were killed Monday night in Bardheere district in Gedo region in what local government officials said was an Al-Shabaab attack. Source: Hiiraan Online
  19. Former Egyptian President Hosni Mubarak – ousted by the military in 2011 – has died in Cairo at the age of 91. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiillo ka socda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xubno ka socda Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada caalamiga ahi ee Soomaaliya ayaa waxaa ay shir ka yeesheen howlaha doorashooyinka soo socda ee bilaabanaya Sanadka 2020. Kulanka oo ahaa mid lagu kala qabtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa looga wada hadlay tallaabooyinka xiga ee diyaarinta doorasho qof iyo cod ah, Kaddib markii Madaxweyne Farmaajo saxiixay Jimcii sharciga doorashooyinka Soomaaliya. Kulanka oo lagu wadaagay macluumaadka doorashooyinka, waxaa wada guddoominayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Xaliima Ismaaciil, iyo Wakiilka UNDP Soomaaliya, Jocelyn Mason, iyadoo hoosta laga xariiqay xaqiijinta doorasho dalka si nabdoon uga dhacda 2020. Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa weli waxaa ay ku adkeysanayaan in dalka ay ka dhici karto dooraho qof iyo Cod ah, iyada oo dad u badan Siyaasiyiin ay aaminsan yihiin in doorasho qof iyo Cod ah dhici kari sababi aawgeed.
  21. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedaysay shirkadda Shidaalka ee Hass in ay maalgelinayso jabhad Somaliland ka soo horjeeda oo laga sameeyay magaalada Buuhoodle. Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Du’caale Qanbi, ayaa sidaasi warbaahinta u sheegay. Shidaalka ee Hass ayaa ka mid ah shirkaddaha ugu waa weyn ee shidaalka ka ganacsada Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. (SLT-Tripoli)-Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa Salaasada Maanta ah sheegay in laba askari oo Turkish ah lagu dilay dalka Libya, halkaasi oo ay u joogaan taageeridda dowladda caalamku aqoonsan yahay. Turkey ayaa waxay dowladda Tripoli ka caawineysaa inay iska caabiso weerarada kaga imanaya Jeneral-ka fallaagada ah ee Khalifa Haftar oo doonaya inuu xukunka qabsado. “Laba askari ayaa nooga shahiiday dalka Libya,” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ankara. Madaxweyne Erdogan ma shaacin goorta la dilay askartaas. Sabtidii, Jeneral Khalifa Haftar ayaa sheegtay in ciidamadiisa ay dileen 16 askari oo Turkish ah, toddobaadyadii tagay. Tan iyo markii ciidamada Turkish-ka lagu daad gureeyey dalkaas, islamarkaana agab millatari oo horumarsan la siiyey ciidamada dowladda, kooxda Haftar ayaa waxay lumiyeen qaar ka mid ah dhulkii ay hore u qabsadeen. Jeneral Haftar ayaa waxaa taageera dalalka Imaaraadka Carabta, Masar iyo Ruushka, halka dowladda Tripoli ay tagaeero ka hesho Turkey iyo Qatar. Dhinaca kale, madaxweyne Erdogan ayaa mar kale ku celiyey war uu shaaciyey toddobaadkii tagay, oo ahaa in qaar ka mid ah dagaal-yahanada Syria ee Turkey ay taageerto ay ciidamada dalkiisa kula sugan yihiin Libya. REUTERS Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Xaraf loogu sameeyey Marxuum Maxamed Shiil Dhidar oo ahaa taliye-ku-xigeenkii hore ee ciidanka Booliska Somaliland. Aaska qaran ee loo sameeyey Marxuum Maxamed Shiil Dhidar, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay salaadiin, waxgarad, waayeel iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada kala duwan ee qaranka, kuwaas oo ku dheeraaday taariikh nololeedkii marxuumka, iyaga oo Eebbe uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelka iyo qaraabadana Cawil san ka siiyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay goobta Aaska, ayaa si qoto dheer u sharraxay Taariikhdii marxuumka iyo kaalintii uu ku lahaa dhismaha qaranka, waxana uu tilmaamay inuu marxuumku ahaa tiir muhiim ahaa oo ka baxay ciidanka Booliska. Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey kaalintii uu marxuumku ku lahaa halgankii qarannimada Somaliland loo soo galay iyo shaqadii adkayd ee uu soo qabtay muddadii ay Somaliland jirtey shaqadii hufnayd ee uu hayey, “Maxamed Shiil markii dambe waxa uu noqday taliye-ku-xigeenka ciidanka Booliska, noloshiisa intii uu joogay qaranka, ayuu u shaqaynayey, sarkaal uun buu ahaa ku hawlan hawlaha qaranka, anigu waxan uga markhaati ahay inuu ahaa raggii hawlaha ugu waaweyn SNM ka geystay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
  24. MOGADISHU (HOL) - Two men were sentenced to five and eight years in jail Tuesday by a military court in Mogadishu after they were found guilty of robbery and attempt to kill a soldier. Source: Hiiraan Online
  25. (SLT-Hargeysa)-James Swan xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo shalay warbixin siinayay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay kulanka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku dhex maray xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Horraantii bishan ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu agaasimay kulan ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,” ayuu yidhi Mr James Swan oo intaasi raaciyay in ay ka rajaynayaan wada hadal aragti togan ku dhisan. Mr Swan wuxuu intaasi raaciyay in ay waajib tahay in Somaliland doorasho ka dhacdo sanadkan 2020 ” Somaliland waa in ay doorasho ka dhacdo, halka doorashada baarlamaanka in la qabto ay ugu dambeysay 2005, waxaan ku boorrinaya xukumadda iyo xisbiyada siyaasadda si loo helo dariiq looga dhaqaaqo cakirnaanta hadda taaggan, waa in doorashada baarlamaanka iyo goleyaasha degaanku qabsoomaan ka hor dhammaadka 2020,” ayuu yidhi Mr Swan. Halkan hoose ka akhriso warbixintan https://unsom.unmissions.org/remarks-un-envoy-james-swan-security-council-situation-somalia-24-february-2020 Source