Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar dheeriya ayaa ka soo baxaya dagaal maanta deegaanada gobolka Sanaag ku dhex-maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland. Dagaalkaasi oo saaka ka dhacay deegaanka Hadaaftimo, ayaa waxa ka dhashay khasaare kala duwan, inkasta oo aan si rasmiya loo wada ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Taliska guud ee Ciidamada Somaliland oo war ka soo saaray dagaalkaasi ayaa guulo ka sheegtay, iyadoona warkaasi lagu sheegay in dagaalka ay ku qabsadeen hub iyo gaadiid. Dhinaca kale, taliska ciidamada daraawiishta Puntland ayaa sheegay in saaka arroortii hore in ciidamo ka tirsan Somaliland weerar kusoo qaadeen Ciidamada Puntlamd, hase yeeshee ay iska difaaceen. Sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay inay ku filan tahay difaacidda dhulkeeda, waxaana loogu baaqay shacabka inay ka qeyb qaataan difaaca dhulkooda, ayada oo baaq loo diray dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka lagu sheegay inaysan Puntland mas’uul ka noqon doonin cawaaqibka ka dhashay dagaalka. Sida ay Caasimada Online u sheegeen dad deegaanka ah xaalka guud ee deegaanada saaka lagu dagaalamay ayaa laga dareemaya daganaan, kadib markii Ciidamada Somaliland ay ku noqdeen deegaanka Yube oo hore ay dagaalka uga soo qaadeen. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay inay cabsi badan dareemayaan, maadama ay saaka saacado badan ku dul dagaalameen ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland, ayna ka cabsi qabaan inuu dib u qarxo dagaal u dhaxeeya ciidamada labada maamul.
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Safiirka iyo Wafdigiisa oo ka kooban Beesha Caalamka ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi iyo Hogaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaridka ah. Wafdigan ayaa waxay sare u qaadi doonaan cadaadiska xoogan ee Madaxweyne Biixi lagu saarayo in uu aqbalo qabashada doorashooyinka iyo sidii ugu laaban lahaa qorshaha uu dhawaan shaaciyay ee dib u furista ururada siyaasada. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka wafdigan ayaa la xiriira sidii ay Madaxweynaha Somaliland ugu qancin lahaayen in uu ka laabto qorshaha uu ku rabo in uu dib u furo ururada Siyaasada iyo arrinta Komishanka cusub oo iyadana murugsan. Khilaafka xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaa sii xoogeystay kadib markii madaxweynuhu uu dhawaan shaaciyey in uu dib u furayo ururada siyaasada, midaasi oo ku sheegay in uu xal u noqonayo khilaafka hadheeyay doorashooyinka. Wixii ka soo kordha kulamada Wafdigan kala soco Caasimada Online
  3. Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka warbixisay dagaal saakay ka dhacay deegaan hoos yimaado gobalka Sanaag, oo ay kuwada dagaalameen ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo dowlad gobaleedka Puntlanad. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dowlad gobaleedka Puntland ayaa lagu sheegay in duulaan ay ciidamada Somaliland aroornimadii hore ee saakay ku soo qaadeen deegaan lagu magacaabo Kadhada oo 18km u jira deegaanka Yube ee oo ka tirsan gobalka Sanaag. Waxaa kale oo lagu xusay warsaxaafadeedka in ciidamada Puntland ay dagaalkii saakay dhacay khasaare ay ku gaarsiiyeen ciidamada Somaliland, Puntland ayaana sheegtay in maxaabiis gaarayo 50 askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland ay ku qabteen dagaalkii saakay ka dhacay gobalka Sanaag. Sidoo kale dowlad gobaleedka Puntland ma uusan shaacin khasaare dhimasho ama dhaawac ah oo ka soo garay dhankooda dagaalka, waxaana ay sheegtay in dagaalkii saakay dhacay gobalka Sanaag ay mas’uuliyadiisa ay qaadeyso Somaliland waa sida lagu sheegay warsaxaafadeedka maanta ka soo baxay Puntland. Halkaan Ka akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Leading US Democratic presidential candidate Bernie Sanders said he would consider moving the US embassy in Israel back to Tel Aviv if elected president. Source: Hiiraan Online
  5. Garoowe (Caasimadda Online) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland. War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Taliska Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar kusoo qaadeen deegaanka kadhada, hayeeshee ay weerar iska difaaceen Ciidanka Puntland ee halkaas ku sugnaa. Sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay inay ku filan tahay difaacida dhulkeeda, waxaana loogu baaqay Shacabka inay ka qeyb qaataan difaaca dhulkooda. Puntland ayaa sheegtay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Hadaaftimo ay Somaliland uga qabsadeen gaadiid dagaal, hub iyo 50 qof oo Maxaabiis ah. Maamulka Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka u sheegtay in aysan Puntland Mas’uul ka noqon doonin wixii ka dhasha duulaan ay sheegeen in lagu soo qaaday dhulkooda. Dhanka kale War qoraal ah oo ka soo baxay milatariga Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in saaka abaaro 6:30 subaximo ay Puntland dagaal ka bilowday deegaanka Kadhada oo 18 KM u jira magaalada Yube oo hoostagta gobolkaasi. Somaliland waxay sidoo kale warkaan ku sheegtay in dagaalkaasi ay guullo ka soo hoyeen ciidankeeda, islamarkaana ay ku qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal intaba. “Saaka abaaro 6:30 subaximo , waxay ciidamada puntland isku day dagaal ka bilaabeen degaanka kadhada oo 18 km u jira yube , halkaana waxaa isku haleelay ilaalada hore ciidanka qaranka iyo dagaal oogayaasha ciidanka Puntland, halkaas oo ciidanka qaranku dhirbaaxo lama ilawaana ku dhuftay kana soo hooyeen guulo iyagoo ka qabsaday hub iyo gadiid intaba ayaa lagu yiri” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska ciidamada Soomaaliland. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Puntland
  6. PRESS RELEASE United Nations in South Africa concerned about reports of forced sterilization in public hospitals The UN welcomes the Department of Health’s decision to meet with the Commission for Gender Equality to further discuss its full contents and recommendations PRETORIA, South Africa, February 26, 2020/ — The United Nations in South Africa notes with concern the findings of the investigation by the Commission for Gender Equality on forced and coerced sterilization in public hospitals in the Gauteng and Kwazulu Natal provinces. The report details the horrific discrimination, mistreatment and human rights violations suffered by at least 48 women, based on their HIV status, race and gender. According to the UN Special Rapporteur on torture and other cruel, inhuman, or degrading treatment or punishment, forced and/or coerced sterilisation is gross human rights and medical ethics violation and it is often described as an act of torture and cruelty, inhuman, and degrading treatment. The UN welcomes the Department of Health’s decision to meet with the Commission for Gender Equality to further discuss its full contents and recommendations. Distributed by APO Group on behalf of UN Information Centre in Pretoria (UNIC). SOURCE UN Information Centre in Pretoria (UNIC) Qaran News
  7. Madaxweynaha waddanka Iran Hassan Rouhani ayaa maanta oo Arbaco ah dowladda Maraykanka ku eedeeyey in ay dalkiisa ku baahinayaan cabsi aan jirin oo ku saabsan faafidda cudurka Coronavirus. Coronavirus ayaa dalka Iran ku dilay 19 qof oo ka mid ah 139-ka qof ee uu saameeyey, oo uu ku jiro wasiir ku-xigeenka caafimaadka, taasi oo Iran ka dhigtay dalka labaad ee ugu dhimashada badan cudurka kadib Shiinaha. Madaxweyne Rouhani ayaa sheegay Iran in aysan ogolaan doonin in dowladda Maraykanku ay dalkooda ka abuurto cabsi daran oo la xiriirta Coronavirus. Hadalkaas Rouhani ayaa yimid maalin kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu Iran ku eedeeyey in ay caburinayso akhbaaraadka ku saabsan cudurkan ka dillaacay dalkeeda ee Coronavirus . Mr Pompeo sheegay in Iran ay qarinayso heerka rasmiga ah ee uu gaarsiisan yahay cudurkan. Iran ayaa tan iyo Arbacadii la tacaaleysay inay xakameyso cudurkan, markaasi oo ay ku dhowaaqday labadii qof ee ugu horreeyey oo ku dhintay magaalada Qom, oo ah xarun lagu barto diinta Islaamka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Iran oo Maraykanka u jeediyay eedayn la xiriirta Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  8. MOGADISHU (HOL) - Fighting broke out between Puntland and Somaliland Forces in Sanaag region Wednesday with both sides trading accusations. Source: Hiiraan Online
  9. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Militariga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil ka tirsan ciidanka. Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira dib u habeynta lagu sameeyay ciidamada dowladda iyo kordhinta mushahaarka Ciidanka. Wasiir Beyle ayaa sheegay in ciidamada ay u kordhiyeen lacag gaareysa 70 doolar laga soo bilaabo bishii Janaayo ee Sannadkaan 2020-ka. “Dib-u-habeynta hey’adeheena amniga ayaa inoo sahashay guusha wadajirka ah ee heer gobol & heer Dowladeed” ayuu yiri Wasiirka “Guushaan dib-u-habeynta ah waxaa wehliya koror dhan $70 oo ah mushaarka Ciidanka oo aan bilownay bixinteeda laga bilaabo January 2020. Ciidamadeenu waa kuwa aad ugu qalma qadarin iyo taageero joogta ah in aan la garab istaagno”ayuu yiri sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Wasiir Beyle oo sheegay in la kordhiyay Mushaharka Ciidamada appeared first on Puntland Post.
  10. London (Caasimada Online) – Baarlamanka dalka UK ayaa la horgeeyye mooshin ka dhan ah sharciga saxaafadda Soomaaliya ee horyaalla madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo la filayo inuu saxiixo. Mooshinkan oo baarlamanka loo gudbiyey 24-kii bishan, ayaa lagu sheegay in Aqalka Hoose ee UK uu ka walaacsan yahay sharcigan oo xaddidi doona xoriyadda hadalka. Mooshinka ayaa sidoo kale lagu sheegay in sharciga uu soo ansixiyey baarlamanka Soomaaliya uu wasaaradda warfaafinta Soomaaliya siinayo awood baahsan oo ay ku faro-geliso shaqada suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta, islamarkaana saameyn ugu yeelato werinta dhacdooyinka ay dadka xiiseynayaan. “Sharcigan waxaa ku jira xaddidaado badan oo aan la aqbali karin oo ku aadan waxa warbaahinta ay daabici karto ama werin karto,” ayaa lagu qoray mooshinka baarlamanka UK. “Sharcigan wuxuu aas-aasayaa hab cusub oo lagama maarmaan ah oo dacwad oogayaasha ay ku dhageysan karaan kiisas ka dhan ah dambiyada warbaahineed.” Mooshinka ayaa ku baaqay in dowladda UK ay ku cadaadiso madaxweyne Farmaajo inuu dib uga fiirsado sharcigan, islamarkaana uu diido inuu saxiixo, si loo xaqiijiyo in dib loogu laabto oo is-beddel lagu sameeyo, lana waafajiyo dastuurka Soomaaliya.
  11. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Kadib markii ay Dowladd Soomaaliya la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, waxaa soo badanayey shacabka cadaaladda u raadsanayo kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku heyso qeybo kamid ah deegaanada Galmudug. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta keentay in dadka Dhuusamareeb garsoor u raadsadaan Kooxda Al-Shabaab, haddana inta badan garsoorka Dowladda ayaa la rumeysan inuusan si cadaalad u qaadin dacwadaha isla markaasna ay jiraan lacago laaluush ah oo ay qaataan. Hay’adda Nabad-gelyadda ee caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa xaqiijiyey inay gacanta kusoo dhigeen laba qof oo ka tirsan Shacabka Dhuusamareeb oo garsoor u raadsanayey kooxda Al-Shabaab. Labada qof oo ay ciidamada Ammaanka Dhuusamareeb qabteen ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cumar Jowle iyo Axmed Cumarey, waxaana la sheegay inay hadda ku socoto baaritaan ku aadan sababta keentay inay Al-Shabaab garsoor u raadsadaan. Jowle iyo Axmed Cumarey ayaa la sheegay inay isku heystaan dhul ku yaalo Magaalada Dhuusamareeb, isla markaasna uu Jowle go’aan ku gaaray inuu Axmed Cumarey ka dacweeyo maxkamadaha Al-Shabaab. Lama ogo haddii ay labadaan shakhsi horey dacwadooda ugu gudbiyeen maxkamadaha Dowladda ee ku yaalo Dhuusamareeb iyo haddii kale. Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa horey Dowladda Dhexe ugu eedeyey inay dayacday Amniga Dhuusamareeb isla markaasna ay u gacan gelisay Kooxda Al-Shabaab.
  12. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil ka tirsan ciidanka, waxeyna ka wada hadleen dib u habeynta lagu sameeyay ciidamada. Wasiir Beyle ayaa sheegay in ciidamada ay u kordhiyeen lacag gaareysa 70 doolar laga bilaabo bisha Janaayo ee Sannadkaan 2020-ka. “Dib-u-habeynta hey’adeheena amniga ayaa inoo sahashay guusha wadajirka ah ee heer gobol & heer Dowladeed.Guushaan dib-u-habeynta ah waxaa wehliya koror dhan $70 oo ah mushaarka Ciidanka oo aan bilownay bixinteeda laga bilaabo January 2020. Ciidamadeenu waa kuwa aad ugu qalma qadarin iyo taageero joogta ah in aan la garab istaagno”ayuu yiri Wasiir Beyle. Wasiirka Maaliyadda ayaa ugu dambeyn Alle uga baryay ciidamada Qaranka ee naftooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta inuu ku guuleeyo howlaha Qaranka ay u hayaan. View the full article
  13. Suuqa ganacsiga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa lagu soo warramayaa inuu maanta hakad ku jiro, islamarkaana albaabada la’isugu laabay dukaamada suuqaasi. Ganacsatada ku dhaqan magaaladaasi ayaa ka cabanaya lacago canshuuro ah oo ay ku soo rogtay wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland. Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa innoo sheegay in canshuurta la saaray shey kasta oo faa’iido laga helayo, taasina ay caqabad xoogan ku tahay, sid ay hadalka u dhigeen. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dhowaan uu xirmay suuqa weyn ee waqooyiga Gaalkacyo, kadib markii ay Puntland canshuuro ku dalacday suuqaasi. View the full article
  14. Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo ka hadlayey fadhiga golaha ammaanka ayaa ka warbixiyey xaaladda ammaan ee Soomaaliya. Ugu horeyn ergeyga ayaa ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM uga mahadceliyey sida ay uga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale James Swan ayaa khudbaddiisa wuxuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay hab caalami ah u martay nidaamka diwaangalinta rasmiga ah ee ciidanka Xoogga dalka. Sidoo kale QM ayaa tilmaamtay in howgallada ciidanka Xoogga dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay hoos u dhaceen marka loo fiiriyo bartamaha sanadkii 2019-kii. Qaramada Midoobay waxay dhanka kale soo dhaweysay sida ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu diyaarisay ciidamadeeda in ay la wareegaan ammaanka, marka ay dalka isaga baxaan ciidamada nabad ilaalinta ee ururka Midowga Africa ee AMISOM. AMISOM ayaa la filayaa maalamaha ugu dambeeya ee bishan Febraayo inay kun askari ka dhinto ciidamada ka jooga gudaha Soomaaliya. View the full article
  15. Ciidamo ka caraysan Mushaar la’aan ayaa waxay la wareegeen Goobaha Dowlada ee Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud. Ciidamadaan ayaa shan bilood ka hor waxay ahaayeen [...] Source
  16. Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay la wareegeen xarumo muhiim ah oo ku yaalla Caabudwaaq. Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaasi ayaa sheegay in muddooyinkii la soo dhaafay aysan qaadan wax mushaar ah, islamarkaana ay cabashi=o ka yihiin arrintaasi. Sidoo kale waxaa tirada askartaasi oo ka mid ah kuwa ay qarameysay dowladda ay ku sheegeen inay gaarayaan illaa 198 askari oo Boolis ah. Ciidamadaan oo wata gaadiidka ayaa lagu soo warramayaa inay qabsadeen xarunta maxkamadda madaniga ee Caaqbudwaaq iyo saldhigga Booliska ee degmadaasi. Xaaladda ayaa ah haatan mid cakiran, waxaana ciidamadu ay isku fidiyeen jidadka muhiimka ah ee magaaladaasi. View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland ayaa raali gelin siiyay shirkadda Hass ee shidaalka oo uu maalinti shalay ku eedeeyay in ay maalgeliso Jabhadda SSC ee Buuhoodle. Shirkadda ayaa shalay sheegtay in ay Maxkamad la tiigsanayso wasiirka. Markuu raali gelinta bixinayay waxa dhinac fadhiyay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland. La soco Warkan oo dhamaystiran Source
  18. Hargeysa (Caasimada Online) ― Maamulka guud ee Shirkada shidaalka ee Hass, ayaa si adag uga hadlay eedeyn ay shalay xukuumada Muuse Biixi kula xiriirisay Jabhado ka soo horjeeda maamulkooda, kuwaasi oo ka jira deegaanada Buuhoodle. Wasiir Qambi oo ka tirsan Xukuumada Biixi ayaa shalay shirkada ku eedeyay inay maal-geliso Jabhadahaasi oo halis amni oo khatar ah ku ah deegaanada maamulkooda. Cabdirisaaq Ibraahim, Maamulka guud ee shirkada Hass ayaa gebi ahaanba iska fogeeyay eedeyntaasi, isagoona xusay in Wasiirku uu kula dul dhacay dambi weyn oo aysan wax shaqo ah ku laheyn. Maamulka shirkada ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Wasiirka ay uga fadhiyaan cadeynta eedeyntaasi, isla markaana ay ka gudbin doonaan dacwad ka dhan ah, maadama uu dusha u saaray arrin ay shaqo ku laheyn, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Anigoo ku hadlaya magaca shirkada shidaalka ee Hass waxaan bulshada Somaliland u cadaynayaa in warkaasi uu wasiirka hawlaha guud sheegay tahay jariimad ka dhan ah shirkadda Hass oo ay tahay duulaan qaawan oo wasiirku ku qaaday shirkadda” ayuu yiri Cabdirisaaq Ibraahim. Wuxuuna intaas kusii daray “Haba yaraatee wax yar iyo wax weyn toona kama jiraan waxa uu wasiirku ku eedeeyey shirkadda. Aniguna waligay ma arag Buuhoodle, wax xafiis ahna kuma lihin Buuhoodle inuu ku eedeeyo dhibaatooyinka ka jira inay shirkadu ku lug leedahay, waana meel ku dhac ganacsi”. “Arrintaasi shirkaddu waxay u maraysa sharciga iyo xeerarka dalka u yaalla, inuu wasiirku qaadi doono mas’uuliyada waxa uu ku hadlay anagoo u marayna maxkamadaha dalka hadii uu cadeyn waayo laga rabo inuu isagu jawaab ka bixiyo ama uu wasiirku keenno cadeyn oo shirkadu qaadato mas’uuliyada eedaasi lagu eedeeyey”. Hadalkan ka soo yeeraya Maamulka guud ee shirkada Hass, ayaa soo if-bixinaya xiisad cusub oo ka dhex qaraxday Xukuumada Muuse Biixi iyo Shirkada, gaar ahaan Wasiirka howlaha guud oo isagu eedeyntaasi dusha u saaray shirkada.
  19. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dolwad goboleedka Puntland oo saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka deegaanka Hadaaftimo oo ka tirsan gobolkaasi, waxaana la sheegay inuu yimid, kadib markii ciidamada Somaliland oo u soo ruqaansaday dhinaca deegaankaaasi ay weerar xoogan kala kulmeen ciidamada maamulka Puntland oo ka agdhowaa halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu dhex-maray labada dhinac, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac. Dhinaca kale Somaliland oo si adag uga hadashay dagaalkaas ayaa ku eedeysay inay soo qaaday Puntland, waxayna sheegtay in ciidamadeeda ay guullo ka soo hoyeen. Qoraalkaan oo ka soo baxay taliska milatariga maamulkaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay inPuntland ay ka qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal intaba. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, basle ciidamada labada dhinac ayaa weli isku hor fadhiya goobihii lagu diriray. Shalay ayey aheyd markii maamullada Somaliland iyo Puntland ay ku dagaalameen degmada Laasqoray oo ka tirsan isla gobolka Sanaag. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-26022020.mp3 View the full article