-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in la dilay hoggaamiye ka tirsan Al-Shabab oo mas’uul ka ahaa weerarkii saldhigga Manda Bay iyo xaaskiisa, oo sidoo kale xubin ka ahayd Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in labada qof lagu dilay weerar lala beegsaday 22-kii bishan. “Waxa uu ahaa hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo mas’uul ka ahaa qorsheynta iyo agaasinka howl-gallada argagixiso ee xuduudda Kenya, oo uu ku jiro howl-galkii lagu weeraray saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM. “Waxa sidoo kale howl-galka lagu dilay xaaskiisa oo xubin fir-fircoon ka ahayd Al-Shabaab, islamarkaana mas’uul ka ahayd dhaq-dhaqaaqyo argagixiso oo kala duwan.” Taliyaha ciidamada AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend ayaa sheegay in tan iyo 5-tii bishii Janaayo, markaasi oo weerarka uu dhacay, ay Mareykanka iyo saaxiibadiisa ku raad joogeen kuwii mas’uulka ka ahaa weeraka. “Weerarkan waxa uu caddeyn u yahay inaan sii wadi doonno inaan si aan daal lahayn u raadsano kuwii mas’uulka ka ahaa weerarkii Manda Bay, iyo kuwa doonaya inay waxyeeleeyaan Mareykanka iyo saaxiibadeena Africa” ayuu yiri Townsend. Weerarkan oo la fuliyey ayada oo la kaashanayo dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, sida lagu sheegay warka taliska AFRICOM. Weerarkii saldhigga Manda Bay ayaa waxaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, oo mid uu ahaa askari, halka labada kalena ay ahaayeen qandaraasleyaal la shaqeynayey ciidanka Mareykanka ee ku sugan saldhigaas. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo dilay sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo abaabulay weerarkii Manda Bay appeared first on Puntland Post.
-
Labo kulan oo ka tirsan lugta hore ee wareega 16-ka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League ayaa caawa laga ciyaaray qaarada Yurub. Kooxda Bayern Munich ayaa hal lug la sii gashay wareega sidseed dhamaadka ee tartanka kooxaha Yurub ee Champions League, ka dib markii ay 3-0 ku garaacday kooxda Chelsea oo marti loogu ahaa gurigeeda Stamford Bridge, lugta hore ee wareega 16-ka. Bayern Munich ayaa kaga talaabsatay kooxda reer London ee Chelsea, labo gool oo seddex daqiiqo gudaheed ku dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta Serge Gnabry iyo gool seddexaad oo saxiixay Robert Lewandowski. Chelsea ayaa ciyaarta ku dhameysatay 10 ciyaaryahan, markii dhammaadka ciyaarta kaarka cas loo taagy Marcos Alonso oo maqnaan doona kulanka lugta labaad oo Allainz Arena ka dhici doona 18-ka besha soo socota ee Maarso. Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa barbaro 1-1 ah la gashay Napoli, kulan ka dhacay garoonka San Paulo ee cariga Talyaaniga. Dries Mertens ayaa qeybtii hore ee ciyaarta hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Napoli, balse Antoine Griezamn ayaa qeybtii dambe kansalay goolkaas. Barcelona ayaa 10 ciyaaryahan ku dhameysatay ciyaarta markii uu dhamaadkii ciyaarta labo digniin uu hal daqiiqo gudaheed ku qaatay Arturo Vidal, oo seegi doona kulanka lugta labaad oo Camp Nou ka dhici doona 18-ka besha soo socota ee Maarso. Habeen dambe oo Arbaco ah, waxaa jira labo kulan oo mid kamid ah uu xiiso badan yahay, waana kulamada Real Madrid oo marti ay u noqonayso Manchester City iyo Lyon oo ay u noqonayso Juventus. PUNTLAND POST The post Maxaa kala qabsaday Chelsea iyo Bayern? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku hanjabay in Beesha Gaaljecel laga saari doono Xildhibaan hore Maxamed Maxamuud Ibraahim Goodir oo ay isku beel yihiin. Xildhinbaan Jeesow ayaa Goodir ku eedeeyey inuu la shaqeeyo kooxda Al-Shabaab isla markaasna uu hadda isku dayayo inuu kiiska Dhagaxa laga helay Ceel Cali u beddalo mid ganacsi. “Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir oo aan isku beel kasoo jeedno ayaa sidaa ka aragteen saxaafadda si aan ka fiirsasho laheyn u weeraray, isla markaasna isku dayey inuu naafeeyo xasaanadeeda iyo sharafteeda, Aniga Xildhibaan hore Goodax xushmad weyn ayaan u hayaa, wuxuu igu eedeeyeyna bari baan ka ahay, waxaa moodaa inuu hadda afhayeen u yahay kooxda Al-Shabaab oo dhagax kasoo qaatay deegaanka Ceel Cali, waxayna ciidamada Dowladda ku guuleysteen inay qabtaan dhagaxaas oo la wado” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Xildhibaan Jeesow ayaa xusay in Dhagaxii qaaliga ahaa ee laga helay Ceel Cali ay dhaceen Kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay isku dayayaan inay ka dhigaan sida in ganacsato laga iibiyey, isagoo ku eedeeyey inay wajiyo badan isticmaalaan. “Al-Shabaab wajiyo badan ayey isticmaalaan, waxay isku dayeen inay dhagaxaas u ekeysiiyaan inay leeyihiin dad ganacsato ah oo ayaga laga soo iibsaday, sida aad saxaafadda ka ragteen waxaa la sheegay in dhagaxaas ay ganacsato kasoo bixiyeen 264,000 oo Dollar, ma idinla tahay dhagax culeys intaas la eg oo ah dhagaxaanta ugu qiimaha badan inay Shabaab 8 tan lacagtaas ka bixinayaan, Shaati kale ayaa loo geliyey Shabaab anaga nagama caqli badno,” ayuu sii raaciyey. Wuxuu Goodir ku eedeeyey inuu arrintaan kala shaqeeyaan Kooxda Al-Shabaab haddii uusan iska dhaafina uu waayi doono xoriyadiisa iyo inuu la kulmi doono falal kale oo uusan xusin. “Goodir Xildhibaan ayuu soo maray, hadda waa siyaasi, inuu Maanta Al-Shabaab u hadlo wax aan qaadan karno maahan” ayuu yiri. Xildhibaan Jeesow ayaa u hanajabay Ex Xildhibaan Goodir, wuxuuna dhahay ” Haddii uu ka taxadari waayo arrinta uu ku jiro, wax alaale iyo wixii ku yimaado oo mas’uuliyad xumo ah isagaa qaadayo, dadka la taliyo iyo kuwa ehelka ah ha ogadaan, Al-Shabaab waxay naga dileen dad badan mana ogolaaneyno cid u shaqeyneyso”. Ugu dambeyntii Amiin Jeesow ayaa sheegay in Beesha Gaaljecel ay ka fiirsan doonto Goodir haddii uusan iska dhaafin falalka uu wado sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka daawo hadalka Xildhibaan Amiin Jeesow
-
Somaliland ayaa ka qeylisay jabhada SSC-da cusub oo si weyn uga soo horjeeda, taas oo ku xoogeysanaysa degmada Buuhoodle. Wasiirka Howlaha Guud iuo Guryaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambe oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in jabhad nin dhalinyaro ah hoggaamiyo oo dhaqaale xoogan isticmaalaysa ay Buuhoodle iyo deegaanada ku dhow ka wado abuubul xoogan. Sidoo kale Wasiir Qambe ayaa ka dhawaajiyey in jabhada Buuhoodle uu ku soo biiray Faysal Falaalug oo horey ciidamada Somaliland weeraro gaadmo ah kaga soo qaadi jiray aaga Laascaanood. Wasiirka Howlaha ee Somaliland ayaa eedeyn aan cadeymo wadan u jeediyey shirkadda shidaalka ee HASS, wuxuuna tilmaamay in ay taageerto jabhada Buuhoodle. Basle maamulka shirkadda HASS oo ka jawaabay eedeynta Wasiirka Howlaha Guud ee Somaliland u jeediyey ayaa ku tilmaantay mid aan sal iyo raadtoona la ahayn. Madaxa shirkadda HASS Cabdirisaaq Ibraahim ayaa sheegay in Wasiirka Howlaha Guud ee Somaliland ay uga baahan yihiin caddayn, haddii kale ay sharciga la tiigsan doonaan. Sidoo kale Guddoomiyaha shirkadda HASS Cabdiraxmaan Qorjoof oo Wasiirka Howlaha Guud ee Somaliland uu magaciisa ka sheegay warbaahinta ayaa tilmaamay in Wasiir Qambe uu shaxaad uu ka waayey dartiis sumcadooda u dilayo. Shirkadda HASS ayaa kamid shirkadaha ugu waaweyn ee shidaalka keena Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ka qeylinaysa Jabhad ku xoogeysanaysa Buuhoodle appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar-___-Qumnaha-Wararka-25022020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caro iyo fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay muuqaal lasoo geliyey baraha Internet-ka, kaas oo ay ka soo muuqaneyso wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye. Muuqaalkan ayaa muujinaya wasiir Khadiija oo mar ay kasoo degaysay diyaarad rakaab ah diiday in laga baaro xanuunka Coronavirus oo dunida kusii baahaya, kaas oo dartiis dhaqaatiir caafimaad loo geeyey garoonka Aadan-Cadde in ay ka baaraan qof kasta oo kasoo degaya garoonka, si cudurka uusan dalka usoo gelin.. Wasiir Khadiija Diiriye ayaa markii ay kasoo degto diyaaradda waxaa qalabka lagu baaro dadka dhankeeda ula tallaabsaday nin ka mid ah dadka ku howlan baaritaanka dadka soo degaya, balse Khadiiro ayaa iska wareejisay ninka, kadibna gudubtay iyada oo aan la baarin. Intaas kadib waxaa gees isugu baxaya shaqaalihii loo xilsaaray baaritaanka dadka garoonka kasoo degaya, iyagoo caro ka muujinaya u hoggaansami la’aanta nidaamka u degan garoonka ee wasiir Khadiijo sameysay, waxaana dhamaan diyaaradda kasoo degay dadkii kale ee rakaabka ahaa, iyadoo aan la marsiin wax baaritaan ah. Inkastoo kaamirada duubtay dhacdadaan aysan laheyn wax maqal ah, hadana waxaa muuqaneysa, in sababta dadka kale ee rakaabka ah loo baari waayey ay tahay, in shaqaaluhu ka caroodeen u hogaansami la’aanta nidaamka garoonka ee wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Khadiija Maxamed Diiriye ay ku kacday. Arintaan ayaa muujineysa dhibaatada ay leedahay hadii qofka masuulka ah uu u hogaansami waayo ama uu iskala weynaado nidaamka iyo sharuucda dalka u yaalla. Sida hada ka muuqata dhacdadaan ma jirto sabab dadka shacabka ah loogu canaado nidaam ay iska diideen mas’uuliyiintii loo doortay dalka, waana tan kalifay in dadkii kale la baari diido, markii ay baaritaanka diiday wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo aheyd qofkii koowaad ee kasoo degay diyaaradaas kasoo degtay garoonka Aadan-Cadde. Hoos ka Daawo Muuqaalka
-
New York (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka ee QM ee Soomaaliya u gudbiyey warbixin uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya, wuxuuna carabka ku akdeeyey muhiimadda sanadkan 2020 uu u leeyahay Soomaaliya. Swan oo ka hadlay sharciga doorashooyinka qaranka ee ay soo meel-mariyeen labada aqal, islamarkaana uu saxiixay madaxweynaha, ayaa sheegay in kasta oo uu yahay tallaabo horey loo qaaday, haddana uusan wax ka qaban su’aalo badan oo taagan. Swan ayaa si gaar ah u xusay saddex arrimood oo weli aan la ogeyn sida loo maareyn doonaa, kuwaas oo sharciga doorashooyinka uusan jawaabo ka bixineyn, waxaana ay kala yihiin. 1 – Sida loo damaanad qaadayo laguna hirgelin karo qoondada 30% ah ee haweenka ay ku yeelanayaan kuraasta baarlamanka. 2 – Sida doorashada qofka iyo codka ah ee la isku raacay ay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku kala sugan dhammaan daafaha dalka au uga dhiiban karaan codadkooda. 3 – Iyo Goobaha ay ka dhici doonto cod-bixinta. James Swan ayaa ugu baaqay baarlamanka iyo guddiga doorashooyinka qaranka, in ayaga oo la tashanaya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay si deg deg ah u xalliyaan arrimahan, si diyaar garowga farsamo ee doorashada loo billaabo. Swan ayaa sidoo kale sheegay inay qasab tahay in dowlad goboleeyada ay qeyb ka noqdaan wada-tashiyada, si loo xaqiijiyo in guddiga doroashooyinka ay xafiisyo ka furtaan dhammaan gobollada dalka oo dhan, si ay uga abaabulaan doorashada.
-
Beled-Xawo (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Jubaland ayaa lagu sheegay in maanta ay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo shir ku yeesheen xubno ka tirsan labada gole ee maamulka Jubbaland. Kulankaas waxaa lagu sheegay warkan in lagu lafa guray xaladda siyaasadeed ee ka taagan magaalooyinka Dolow, Beled-Xaawo, Luuq iyo Baardheere oo ka wada tirsan gobolka Gedo, isla markaana ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda federaalka ee dhawaan lagu daabulay gobolkaas. Jubaland ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in xaalad halis ah oo bani’aadannimo ay ka taagan tahay gobolka, taais oo ay aad uga walaacsan tahay Maamulka Jubaland ayaa sheegay in dad u dhaxeeya 15-20 kun oo qoys ay ku barakaceen xaaladaha cakiran ee ka jira gobolka Gedo, kuwaaso oo wajahaya biyo la’aan xooggan, xilli lagu jiro waqtigii kuleylaha. Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay in 23-kii bishan ay ciidamada dowladda diideen in diyaarad samafal oo gargaar sidday ay ka degto garoonka Doolow. Waxay sidoo kale sheegtay inay geeriyoodeen bukaano badan sababo la xiriiro xayiraadda saaran gobolka, kadib markii loo qaadi waayey magaalada Muqdisho. Arrimahan ayay Jubaland sheegtay inay ka dhasheen khal-khalka siyaasadeed, kan amni iyo midka maamul ee dowladda federaalku ay ka abuurtay degmooyinka gobolka Gedo. Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku eedeysay in weli faragalin siyaasadeed iyo khal-khal amni ay ka wado gobolka Gedo, isla markaana ay meel iska dhigtay dastuurkii dalka iyo hanaankii federaalka ee Soomaalidu ay ku heshiisay. Jubbaland ayaa waxgaradka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka ka dalbatay in ay soo fara geliyaan xaaladda muragsan oo ay sheegeen in ay ka jirto gobolka Gedo, taas oo ay ku eedeeyeen in ay abuurtay dowladda federaalka Soomaaliya. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Jubbaland oo dhameystiran
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in la dilay hoggaamiye ka tirsan Al-Shabab oo mas’uul ka ahaa weerarkii saldhigga Manda Bay iyo xaaskiisa, oo sidoo kale xubin ka ahayd Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in labada qof lagu dilay weerar lala beegsaday 22-kii bishan. “Waxa uu ahaa hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo mas’uul ka ahaa qorsheynta iyo agaasinka howl-gallada argagixiso ee xuduudda Kenya, oo uu ku jiro howl-galkii lagu weeraray saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM. “Waxa sidoo kale howl-galka lagu dilay xaaskiisa oo xubin fir-fircoon ka ahayd Al-Shabaab, islamarkaana mas’uul ka ahayd dhaq-dhaqaaqyo argagixiso oo kala duwan.” Taliyaha ciidamada AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend ayaa sheegay in tan iyo 5-tii bishii Janaayo, markaasi oo weerarka uu dhacay, ay Mareykanka iyo saaxiibadiisa ku raad joogeen kuwii mas’uulka ka ahaa weeraka. “Weerarkan waxa uu caddeyn u yahay inaan sii wadi doonno inaan si aan daal lahayn u raadsano kuwii mas’uulka ka ahaa weerarkii Manda Bay, iyo kuwa doonaya inay waxyeeleeyaan Mareykanka iyo saaxiibadeena Africa,” ayuu yiri Townsend. Weerarkan oo la fuliyey ayada oo la kaashanayo dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, sida uu sheegay AFRICOM. Weerarkii saldhigga Manda Bay ayaa waxaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, oo mid uu askari, halka labada kale ay ahaayeen qandaraasleyaal la shaqeynayey ciidanka.
-
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen Guddiga Farsamo ee soo xulidda Xildhibaannada Baarlamanka labaad Koonfur galbeed, ayaa shaaciyay jadwalka soo xulista xildhibaannada cusub. Diiwaan-gelinta odayaal dhaqameedka iyo ku tababaridda hannaanka soo xulidda xildhibaannada cusub, ayaa socon doonta inta u dhexaysa 26-29 bishaan February 2020, sida ku cad shaxda uu soo saaray guddigaas. Waxaa kale oo shaxda ku xusan, in soo xulista iyo diiwaan-gelinta xildhibaannada Baarlamanka labaad ee Koonfur Galbeed, ay socon doonto inta u dhexaysa 1-10 bisha soo socota ee Maarso 2020. Sidoo kale, 11-15 bishaas Maarso, waxaa loo qorsheeyay xallinta, haddii khilaafaad ka yimaado xulista Baarlamanka cusub. 16-19 Maarso 2020, waxaa qorshaysan ku dhawaaqista, dhaarinta iyo hawlgelinta xildhibaannada la soo xulay. PUNTLAND POST The post Jadwalka Xulista Xildhibaannada koonfur Galbeed oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadd federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta waxaa uu ka hadlay hannaanka guud ee waxbarashada gobalka Banaadir iyo dadaalka wasaardda ugu jirto hormarinta waxbarashada gobalka. Wasiirka ayaa xusay in gobalka Banaadir hadda ka dib loo baahan yahay in hanaanka waxbarashada gobalka uu hoggaamiyo maamulka, waxaana uu soo hadal qaaday maqaamka Muqdisho, isaga oo sheegay in gobalka Banaadir xaq u leeyahay inuu noqdo maamul gobaleed madaxbannaan. “Maadaama dadka magaaladaan ay rubuc yihiin haddii aysan ka badneyn dadka Soomaalida ah ee ku nool halkaan, meesha kaliya ee laga aadi karo waa in ay maamul gobaleed noqotaa, dalkii haddii uu federaal yahay dadkii inta bandanna ay halkaan degan yihiin oo aan dib loo noqon karin meesha kaliya oo weliba uu fahmayo waa in laga aadaa maamul gobaleed” ayuu yiri wasiir Goodax Barre. Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in hadda maamulka gobalka uu ugu horeeyo guddoomiyaha ay wadaan hanaanka gobalka Banaadir loogu doonayo inuu noqdo maamul madaxbannaan, waxaan uu intaas ku daray in dowladda aysan uga maarmin shacabka gobalka in ay ka qeyb qaataan waxaa uu yiri. “Dowladda dhexe shacabka gobalka Banaadir uga maarmeyso in ay gacan ka geystaan meesha laga aadayo, shacabkana waxaa illaahey u dooray guddoomiyaha gobalka oo ahna duqa magaalada in uu hoggaamiyo hannaankaas oo uu meel marsiiyo waxaana hubaa in uu meel marsiin doono gaaritaanka hannaankaas”. Dhanka kale wasiirka Goodax ayaa carabka ku dhuftay in wasaaradda ay ka golaha an tahay in maamulka gobalka hannaankiisa waxbarashada uu isagu maamulo wasaaraddana ay wado qorshihii loogu soo celin lahaa looguna daadejin lahaa maamulka.waxaana hadalkiisa ka mid ahaa wasiirka. “ Waxaan rabaa inaan qeexo sida ugu dhaqsiyaha badan ugu xanuunka yar culeyska ugu yar saari karo gobalka inaan waxbarashada gobalka aan ku soo wareejinno maamulka, ma’ahan iskuulaadka dowladdu maamusho kaliya in la wareejinaayo ee waxaa la wareejinayaa wax walbo oo la xariiro waxbarashada oo laga dhex agaasimo maamulka gobalka Banaadir” Ugu dambeyn wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ugu baaqay maamulka gobalka Banaadir in ay u diyaar garoobaan sidi ay ugudan lahaayeen howsha, isaga oo xusay in ay tahay ma’uuliyad adag. “Wax sahlan idiinma soo socdaan waxaa soo socda howl adag lakiin nasiibku waxaa uu yahay in diyaar garowga maamulka goblka Banaadir uu fiican yahay dhiniciina iyo dhinaceenaba, agabku inuu wanaagsan yahay, aqoontu intii hore in ay ka fiican tahay” ayuu hadalkiisa ku soo koobay wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Magaalada Jowhar ku qabtay kulan balaaran oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Jowhar sida Ururada Haweenka, Dhallinyarada, Naafada, Aqoonyahanada, Ardaayda Jaamacadaha iyo Odoyaasha deegaanka. Kulankaan ayaana ahaa mid Guddigu Bulshada balaraan ee reer Jowhar uu ku wacygalinayay arimaha doorashooyinka isla mar ahaantaana uu uga warbixinayay meelaha ay hada marayaan meertada doorashada. Ugu horay kulanka waxaa daah furay Madaxa GMDQ ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele Mudane: Maxamed Mukhtaar oo ka qaybgalayaasha ugu mahadceliyay hannanka balaaran ee ay kulanka uga soo qaybgaleen waxa uuna sharaxaad kooban kasiiyay waxqabadka xafiiska Doorashooyinka ee Jowhar. Intaas kadib waxaa ujeedada kulankaan iyo imaansha Magaalada Jowhar ee GMDQ dul istaagtay Kumushineer Khadiija Cosoble Cali waxa ayna sheegtay in ujeedka socdaalku yahay in aanu Bulshada Soomaaliyeed Wacyigalino isla mar ahaantaana warbixina kasiino meelaha ay arimaha doorashooyinka marayaan. Sidoo kale Kumushineer Khadija waxay sheegatay in maanta Dalku diyaar u yahay hannaankii uu kuwajihi lahaa doorasho qof iyo cod sidaas awgeedna uu Guddigu Maalmihii lasoo dhaafay uu gaaray Dowlad Goboleedyada kala ah Koonfurgalbeed, Galmudug iyo hada oo uu ku sugan yahay dawlad goboleedka Hirshabeele. Sidoo kale waxaa Bandhig kooban oo ku aadan wacyigalinta iyo warsiinta Bulshada Jowhar soo jeediyay qaar ka mida hawl wadeenada Guddiga, kadib bandhigaas waxaa war baahiyada loo weeciyay kasoo qayb galayaasha kulanka oo su’aalo laxariira doorashooyinka waydiiyay Xubnaha Guddiga. Waxa ayna Mas’uuliyiinta Guddiga uga wada jawaabeen suaalahoodi si faahfaahsan oo ay ku qanceen kasoo qaybgalashaayu. Ugu danbayn waxaa shirka soo xiray Kumushineer Khadiija Cosoble Cali oo Bulshada la dardaarantay kuna dhiirigalisay in ay Bulshada gaar ahaan Haweenka iyo Dadka baahiyaha gaarka qabo ay ku ciil baxaan Codkooda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-25022020.mp3 View the full article
-
Sawirkan waa mid hore Dowlad goboleedka Jubaland, ayaa ku dhawaaqday in xaalad banii’aadanimo oo daran ay ka dhalatay, duullaankii ciidan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qaadday degmooyin ka tirsan gobolka Gedo. War-saxaafadeed ka soo baxay, Shir deg deg ah oo ay isu’gu yimaadeen mas’uuliyiinta labada gole ee dowlad goboleedka Jubaland, ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay jabhad hubaysan ka samaysay degmooyinka gobolka Gedo, si loo wiiqo awooddii maamul ee Jubaland ku lahayd gobolkaasi. Jabhadda hubaysan oo hoostagta hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa gobolka Gedo ku bara-kicisay in ka badan 15,000 oo qof, kuwaasi oo ay soo wajahday xaalad adag iyo biya la’aan daran, sida lagu sheegay War-saxaafadeedka Jubaland. Sidoo kale, Jubaland waxay sheegtay in jabhaddaas ay caqabad ku noqotay gargaarkii banii’aadanimo ee la gaarsiin lahaa dadkaasi bara-kacay, kadib markii ay is hor-taag ku sameeyeen diyaarad samafal oo halkaasi kaalmo banii’adanimo gaarsiin lahayd. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhan PUNTLAND POST The post GEDO: Jubaland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya ay bara-kicisay in ka badan 15,000 oo Rayid ah appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta war ka soo saartay cida maal-gelisa Jabhad si weyn uga soo horjeeda Somaliland oo ka jirta magaalada Buuhoodle. Wasiirka howlaha guud ee Somaliland, Cabdirashiid Qambi oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in shirkada shidaalka ee HASS ay maal-galiso Jabhadahaasi oo ka soo horjeeda maamulkooda. Wasiir Qambi ayaa shirkada la xiriiriyey in Jabhadda SSC ee sida weyn uga soo horjeeda maamulkooda, ay si gaar ah u maal-galiso shirkada shidaalka ee HASS, inkasta oo uu soo bandhigin wax cadeymo ah. Sidoo kale maalgelinta Jabhadahaasi ayuu Wasiirku la xiriiriyey dad kale oo uusan si cad u carabaabin, balse uu ku sheegay inay yihiin Ganacsato. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu Jabhadaha ka soo horjeeda maamulkooda ku tilmaamay kuwa sida ganacsiga oo kale ah oo lacag laga sameeyo, waa sida uu hadalka u dhigaye. Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili ay shaaciyeen Jabhado ka jiray deegaanka Buuhoodle inay u midoobeen dagaalka ay kula jiraan Somaliland, kuwaasi oo ku midoobay Jabhada la magac baxday gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC).
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaamaanta xarigga ka jaray xarunta wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo dib-u-dhis lagu sameeyay. Kheyre, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda, ayaa caddeeyay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay fariin xooggan u diyaraan “kooxda argagaxisada ee qorsheynayay in wasaaradda shaqadeedu istaagto.” Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Al-Shabaab ay shaqadoodu tahay dilka iyo duminta, islamarkaana ay dhismaha wasaaaradda weereen iyagoo doonayay in dadka Soomaaliyeed niyad jebiyaan. Waxa uu intaas ku daray in damacoodii la diiday oo dib-u-dhis casri ah lagu sameeyay wasaaradda, taas oo muujineysa in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aan laga hor istaagi karin horumarka ay hiigsanayaan. “Qoladii is laheyd dadka Soomaaliyeed niyaddooda jebiya waxaa loo diray fariin tii hore ka culus waayo wasaaradda waxaa loo dhisay si ka wanaagsan sidii ay aheyd markii ay soo weerareen, hadii ay is lahaayeen dadka Soomaaliyeed ayaa laga nixiyaa, la qalbi jebiyaa ama hiigsigooda hoos loo dhigaa, waxaan leennahay dadka Soomaliyeed isma dhiibaan ma niyad jabaan, lagama adkaado, hiigsigooda kama tagaan, marka ugu dambeysana iyagaa guuleysanaya sida taariikhda Soomaaliyeed ay sheegto”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Dowladda Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan shuruudihii deyn cafinta, waxaana IMF iyo Bangiga adduunka ay bishaan shaaciyeen in Soomaaliya ay muteysatay in deynta laga cafiyo. Waxaa la sugayaa in dhawaan lagu dhawaaqo go’aanka deynta cafinta oo ay ka dhalanayaan fursado shaqo abuur ballaaran, waxaana wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ay muhiimad wayn u leedahay hoggaaminta fursadahaas dhallinyarada Soomaaliyeed shaqada loogu abuurayo.
-
A Somali military court has this morning sentenced two men to various jail terms after they were found guilty. According to a statement, the court said the two men along with another one had been mugging locals in different parts of the Somali capital, Mogadishu. The three who are identified as Mohamed Abdikadir Mohamed, Abdikadir Abdi Jama, and Abdirisack Mohamed Abshir were accused of robbing people with pistols and escape by using autorickshaw. The men confessed that they committed the crimes. The chairperson of the first-degree court, Ali Nur Shute has sentenced Abdikadir Abdi Jama to eight years in jail while Abdirisack Mohamed Abshir received five years jail term. Mohamed Abdikadir Mohamed was freed after he was found of no guilty. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ka go’antahay in gobolka Banaadir uu helo maqaam cad. “Dastuurkan qabyada ah markii la qoraayey, waxaa ku tiilay in gobolka Banaadir maqaankiisa la ceyn doono, marka shacabka ku nool waa in ay ku qanacsanaadaan in nidaamka hadda jira uu is bedelayo, maadaama aan sidaan lasii ahaan karin, meesha kaliya ee dan u ah magaaladan Muqdisho, waa in ay maamul goboleed noqotaa, maadaama dalku federaal yahay” ayuu yiri wasiir Cabdullahi Goodax. “Waxaa cad inay qasab tahay in horey loo socdo, halka kaliya ee la socon karana oo caqliga nasiinayo waa in gobolkan uu noqdaa maamul goboleed.” Wasiir Goodax ayaa sheegay in maadaama rubac ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay ku noolyihiin gobolka Banaadir, ay wasaaradda waxbarashadu qorsheysay in maamulka waxbarashada Muqdisho ay ku wareejiyaan maamulka gobolka Banaadir. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Waxaan rabaa in la ogaado in wasaaradda waxbarashada ay ka go’antahay in waxbarashada gobolka aan ku soo wareejino maamulka gobolka, arin sahlana maaha oo mas’uuliyad weyn ayey wadataa, waxaana wa reeji doonaa wax walba oo la xariira waxbarashada la xariirta gobolka Banaadir.” “Waxaa la yiraahdaa Hooyo caruurteeda waxa uga roon ma jirto, hadda in gobolka Banaadir caruurtiisa uu maamulo, wax uga haboon ma jirto, maamulka gobolka Banaadir-na waxaan uga fadhinaa in uu la yimaado fir-fircooni uu ku qaado mas’uuliyaddaas” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN Iraj Harirchi ayaa laga helay Caabuqa coronavirus. Wakaaladda Wararka IRAN ee Fars ayaa Twitter-ka ku baahisay Muuqaal uu ka hadlayo Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka IRAN oo xaqiijinaya inuu Haleelay Caabuqa coronavirus. Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa Isniintii ka soo muuqday Shir-jaraa’id isaga aan muuqaal ahaan wanaagsanayn, isla-markaana masaxaya Wejigiisa. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka IRAN ayaa sheegay in Wasiir ku-xigeenka uu haleelay Caabuqa coronavirus uu safka hore kaga jiray la dagaalanka caabuqaasi. Source
-
Mareykanka oo si kulul uga hadlay ciidamada Dowladda Farmaajo ku daadguraysay gobolka Gedo Rodney Hunter, Isuduwaha siyaasadda ee hawgalka Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay Golaha ammaanka ee Qarama Midoobay ayaa shalay kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, halkaas oo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka ay ka jeediyeen khudbado ay kaga warramayaan xaaladda siyaasadeed, tan dhaqaale iyo tan amni ee dalka. Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo ciidamada Dowladda Federaalka ay ku daabushay magaalooyin katirsan gobolkaasi. Rodney Hunter ayaa sheegay in sanadkan 2020-ka uu Soomaaliya u yahay sanad adag, maadaam ay dooneyso inay xal ka gaarto deyn cafinta, doorashooyinka Qaranka iyo sidii ciidmaada Soomaaliya ay AMISOM uga la wareegi lahaayeen sugidda amniga dalkooda. Waxaa uu sidoo kale ka hadlay khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubaland iyo ciidanka ay xukuumadda Soomaaliya muddooyinkii dambe ku daabuleysay qeybo kamid ah Gedo. “Ciidamada milateriga Dowladda Soomaaliya ee sida siyaasadeysan loogu daadgureeyay gobolka, looguna dagaal geliyay gobolka Gedo ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taas weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga”, ayuu yiri Rodney Hunter oo ka hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waxaa kale oo uu sheegay in mas’uuliyadda ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay tahay la dagaalanka Al Shabaab, halkii uu isku dhac hubeysan dhexmari lahaa dhexdooda, si loo xalliyo khilaafka siyaasadeed. “Waxaan Madaxweyne Farmaajo ugu baaqeynaa in uu soo afjaro duulaanka ay ciidanka Dowladda Federaalka ka wadaan gobolka Gedo, isaga iyo madaxweynaha Jubaland Madoobe ay xoogga saaraan wadahadal iyo dib u heshisiin”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxaa kale oo Mr Hunter uu sheegay in horumar walba oo laga gaaro dhinacyada amniga, siyaasadda, deyn cafinta ay udub dhexaad u tahay iskaashi ay yeeshaan Dowladda Federaalkaiyo maamul goboleedyada. Waxaa kale oo uu sheegay in Mareykanka uu aad uga walaacsan yahay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada oo muddooyinkii dambe sii xoogeystay, waxayna sheegeen in xallinta arrintaas ay kala hadleen Dowldda Soomalaiya iyo maamul goboleedyada. Dhanka kale waxa uu boggaadiyay dedaallada uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu isugu soo dhaweynayo Dowladda Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada. Mr Hunter ayaa si gaar ah u carabaabay oo soo dhaweeyay kulankii dhawaan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada ay geysay gobolka Gedo ay sugayaan ammaanka xuduudaha dalka. James Swan, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Sidoo kale, Golaha waxaa kahor hadlay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo diiradda saaray doorashooyinka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacaan sanadkan. Swan ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ciidanka dowladda ee la geeyay Gedo uu abuuray xiisad horleh. “Waxaa sanadkan Soomaaliya horyaala hawlo badan, waxaana taas lagu gaari karaa in la wada shaqeeyo oo keliya”,ayuu yiri Swan. Sanadkii lasoo dhaafay ayuu sheegay in shirkii saaxiibada Soomaaliya ay ku heshiiyeen waxyaabaha ahmiyadda u leh dalka sanadkan, kuwaas oo uu sheegay in qasab ay tahay in laga meel gaaro. Waxyaabaha Soomaaliya ay tahay inay ka meel gaarto sanadkan ayuu sheegay inay kamid tahay deyn cafinta, doorasho qof iyo cod ah, dhameystirka dib u eegist dastuurka, sii xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada. Qaran News
