-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (SMN) – Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku amray hogaamiyeyaasha siyaasadda Kenya in ay la yimaadaan qorshe lagu joojinayo weerarada Al-Shabaab. Sidda ay qortay saxaafadda maxaliga ah, Kenyatta ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in qorshahaas ay qeyb ka yihiin dadka degaanka. Warbaahinta ayaa intaas ku dareya in madaxda la siiyey muddo 14 maalmood ah oo ay kusoo gudbinayaan qorshahaas oo tafaasiil dheeraad leh. Hadaladaan ayaa la tilmaamay in uu Uhuru u sheegay madaxda kadib kulan degdeg ah oo uu la yeeshay madaxda. Go’aankaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo Al-Shabaab ay bilooyinkii lasoo dhaafay kordhisay weeraradda ay ka fuliso gudaha Kenya, isla markaana ay dishay dad badan oo shacab ah. View the full article
-
Jowhar (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaraha ka dhashay dagaal xalay ka dhacay degaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Tuulada ayaa hoostagta degmada Cadale. Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamada milatariga iyo dagaalameyaasha Macawiisley ayaa ka dhashay askar isku qabsatay khaad. Tiradda dhimashadda oo kolkii hore ahayd saddex ayaa haatan gaartay afar, waxaana ku biirtay haweenay dhakhtarad ahayd. Maryan Abuukar ayaa la dhalatay Bashiir Abuukar, gudoomiyaha degaanka Xaaji Cali, sidda uu sheegeen sarkaal ka tirsan Macawiisley. Cabdullaahi Cismaan Faarax [Carab] oo u waramay idaacadda Shabelle ayaa daboolka ka qaadey in xaaladda ay haatan tahay mid degan. Isku dhacyadda ciidamadda ku dhexmara koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa saameynta ugu daran ay ku yeelataa dadka shacabka ah oo lagu dul-diriro. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Mucaaridka iyo Muuse Biixi ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo xal looga gaarayay khilaafka sii xoogeystay ee doorashooyinka. Kulankaasi oo muddo saacadaha ah qaatay ayaa waxa lagaga wada-hadlay sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka soo noq-noqday ee arrimaha doorashooyinka, isla markaana labada dhinac ay u damin lahaayen xiisada. Waxaana kulankaasi door weyn ku lahaa qabsoomida, oo qeybna ka ahaa Wafdi uu hogaaminayey Nicolas Berlanga oo ka socday Midowga yurub, kuwaasi oo labada dhinac cadaadis xoogan ku saaray in xal kama dambeysa ah laga gaaro khilaafkaasi. Kulankaasi ayaa waxa xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid, iyo weliba Madaxweyne Biixi ku gaareen heshiis lagu soo afjarayo xiisada ka dhalatay arrimaha doorashooyinka, sida uu sheegay Xoghayaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid. Xoghayaha ayaa sheegay in lagu heshiiyay arrimo badan, balse ay ugu muhiimsanaayen labo qodob oo kala ahaa: 1. In la qabto doorashada waqtigeeda oo ah marka la gaaro dhamaadka sanadkan 2020 2. In doorashooyinkaasi aysan qaban Guddiga la isku khilaafsan yahay balse lagu wareejiyo guddigii hore ee doorashada, oo ay wehlinayaan saddex xubnood oo matala beesha caalamka. Kulankan ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay xisbiyada mucaaridka ay ku baaqeen in xil ka xayuubin lagu sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana la qabto doorashada madaxtinimada, maadama uu ku fashilmay hogaaminta Somaliland. Hoos ka aqriso heshiiska oo dhameystiran:
-
Hargeysa (SMN) – Xisbiyadda Somaliland ayaa ugu dambeyntii waxay heshiis ka gaareen khilaafkii ka taagnaa doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo horey u baaqdey tirro lix jeer ah. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
-
Sacuudi Carabiya ayaa maanta hakisay Cumrada iyo Dalxiiska ay dalkeeda ku iman jireen ajaaniibta dalalka uu ku fidayo cudurka Coronavirus. Boqortooyada, oo ay ku yaallaan labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka ee Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nebiga (NNKH), ayaa sanad kasta waxaa yimaada malaayiin qof. Bishii October waxay soo saartay Visa cusub oo dalxiis oo la siinayo dadka 49 dal. Wasaaradda arrimaha dibdda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hakinta ay tahay mid waqti kooban ah, hase yeeshee ma shaacin xilliga ay ku eg tahay. Ma cadda, haddii go’aankan uu sameeyn doono Xajka oo sanadkan ku beegan dabayaaqada bisha July. Waxaa sidoo kale la hakiyey soo gelitaanka dadka u socda inay booqdaan masjidka Nebiga (NNKH) ee Medina. Sacuudi Carabiya weli laguma rag wax kiis ah oo la xiriira cudurka Coronavirus, hase yeeshee waxa uu kuu fidiyaa dalalka deriska la ah Wasaaraddu ma aysan shaacin dalalka uu dadkooda saameyn doono go’aankan, hase yeeshee waxay sheegtay in mas’uuliyiinta caafimaadka ay go’aan ka gaari doonaa kuwa ugu halista badan. Sarkaalka ugu sarreeya dalxiiska Sacuudi Carabiya ayaa toddobaadkan sheegay in 400,000 oo Visa ah lasoo saaray tan iyo bishii October markii la billaabay barnaamijka cusub ee Visa-ha. Hadafka boqortooyada ayaa in dalka uu soo jiito 100 milyan oo dalxiisayaal ah sanadkiiba, marka la gaaro 2030. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Sacuudi Carabiya oo hakisay Cumrada iyo dalxiiska ajaaniibta appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan wali Axmed Xaawo oo ka tirsan golaha wakiilda maamulka Soomaaliland islamarkaanka wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu baaq nabadeed ka diray colaadda ka soo dhex cusboonaantay Soomaaliland iyo Puntland. Xildhibaanka ayaa tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay dagaala iminka soo cusboonaaday, isaga oo sheegay in aysan jirin wax labada dhinac ay kala riixanayaan oo dhexyaala. Sidoo kale xildhibaan Wali Xaawo ayaa ku baaqay in aan la iska hor keenin dadka walaalaha ah ee isla dega islamarkaana aan maalin walba sidi xoolihii la soo sheegin dhimasho aad u fara badan. Halkan ka dhageyso wareysiga Xildhibaanka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/02/Xildhibaan-wali-xaawo-somaliland-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhay dooddii ay axsaabta mucaaridka ahi ka qabeen guddida cusub ee doorashooyinka qaranka iyo qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka. Shir ballaadhan oo ay xarunta madaxtooyada ku yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen xubnaha hoggaanka ugu sarreeya xisbiga KULMIYE iyo xubno ka mida axsaabta mucaaridka, ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad buuxa lagaga gaadhay khilaafkii qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo deegaanka sidoo kalena ay xisbiyada mucaaridka ahi kusoo buuxinayaan labadii xubnood ee ka dhinaa guddida cusub ee doorashooyinka qaranka, si ay gudida doorashooyinka qaranka ee hada xilka hayaa u gutaan waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah, iyada oo xubnihii hore ee gudida doorashooyinku ay noqon doonaan xubno farsamo ahaan iyo khibrad ahaan u kaabi doona gudida doorashooyinka qaranka. Heshiiska ay madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo hoggaanka Axsaabta mucaaridka ahi kala saxeexdeen, ayaa u dhignaa sidan: Source
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii ka dhashay doorashooyinka, waxana Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ay kala saxeexdeen heshiis la xidhiidha sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Wakiillada iyo Golleyaasha deegaanku. Guddoomiye Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka hadlay heshiiska ay wada-gaadheen madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii weydiisatay Mareykanka in la hakiyo wada-hadallo la filayey in maaanta ay dib uga furmaan Washington oo ku saabsan muranka ka taagan biyo-xidheenka ay ka sameyneyso webiga Nile. “Waxaan weydiisanay inaan u baahannahay waqti dheeri ah oo aan wada tashiyo ku sameyno,” waxaa sidaas yidhi Bizuneh Tolcha oo ah afhayeenka wasaaradda biyaha, waraabka iyo tamarta Ethiopia. Wareegga ugu dambeeye ee wada-hadallada oo u dhaxeeya Itoobiya, Sudan iyo Masar ayaa la filayey inay Khamiista iyo Jimcaha ka dhacaan Washington. Dowladda Mareykanka ayaa marti gelisay dhowr wareeg oo wada-hadallo ah oo u dhaxeeyey wasiiro ka kala socda Masar, Sudan iyo Itoobiya kadib markii wada-hadallo hore ay dhowr mar fashilmeen. Masar, Itoobiya iyo Sudan ayaa 31-kii Janaayo sheegay inay dhammaadka bishan saxeexi doonaan heshiis lagu soo geba-gebeynayo khilaafkooda ku aadan heerka la biyo buuixinayo iyo sida uu u howl-galayo Biyo-xidheenka Dib Curashada Weyn ee Itoobiya (GERD). Itoobiya ayaa biyo-xidheenka ka dhiseysa meel ku dhow xuduudda ay la wadaagto Sudan, oo uu ku qul-qulo webiga Nile, kaasi oo ah isha ugu weyn ee ay biyaha ka helaan 100 milyan ee qof ee ku nool Masar. Biyo-xidheenka ayaa qeyb ka ah qorshe ay Itoobiya ku dooneyso inay ku noqoto dalka ugu weyn Afrika ee korontada dhoofiya. Wasaaradda arrimaha dibedda Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Qaahira ay “ka go’an tahay ka qeyb-galka wada-xaajoodyada ay agaasimeen Mareykanka iyo Bankiga Adduunka”. Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Dalka maraykanka Donald Trump ayaa hoos u dhigay cabsida laga qabo inuu ku faafo dalkiisa cudurka coronavirus ee ka soo bilawday dalka shiinaha. Trump ayaa shir jaraa,id oo uu qabtay ka sheegay inaanu xanuunka coronavirus saamayn badan oo khatar ah ku lahayn maraykanka, isaga oo intaa raaciyay sida ay wax uga qabanayaan hadii ay xaaladu is bedeshi ka maamul ahaan. In kabadan 2,700 oo qof ayaa cudurkan ugu dhintay Shiinaha halka uu 78,000 kalena saameeyey. Sidoo kale inka badan 50 ruux ayaa u dhintay coronavirus iyada oo 3,600 xaaladood oo kalane uu saameeyey dalal kale oo dunida ah. Kadib hadalka Trump, Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurradda ee Mareykanka ayaa sheegtay inay ogaatay kiiskii ugu horreeyay ee cudurkan, taas oo muujineysa in fayrasku ku faafi karo bulshooyinka dhexdooda. Hadda waxaa jira kiisas badan oo maalinle ah oo laga diiwaan galiyo dibadda Shiinaha marka loo eego gudaha waddanka, halkaas oo fayrasku markii ugu horreeyay ka soo bilawday bishii Diseembar, sida ay sheegeen Ururka Caafimaadka Adduunka. Waxana xusid mudan in Dowlado dhowr ah ay muwaadiniintooda kula taliyeen in aanay u safrin dalka Taliyaaniga – oo lagu arkay 400 xaaladood iyo 12 dhimasho ah. Sidoo kale Wadanka Iran ayaa xidhay xuduudiisa, halka Mongolia ay xayirtay duulimaadyadii ka imanayay South Korea iyo Japan. Source
-
Khartoum (SMN) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya, Sadiiq Xirse Warfaa iyo dhiggiisa Dalka Suudaan , Lena Al-sheikh Cumar ayaa ka wadahadlay iskaashi ay wada yeeshaan labada wasaaradood ka dib markii ay ku kulmeen caasimadda Suudaan ee Khartoum. Kulanka labada wasiir ayaa waxaa goob joog ahaa, danjiraha Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isaaq, qeybsanaha ganacsiga ee saafaaradda Yuusuf Axmed Xasan iyo saraakiil kale oo ka tirsan labada dhinac. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa, wefdi wasiiro ah oo Soomaaliya ku matalaya shirka urur goboleedka IGAD oo ka dhacay Dalka Suudaan. View the full article
-
Caabud-waaq (SMN) – 160 Dhalo oo Khamri iyo dhowr Kiilo oo Xashiish ah ayaa maanta lagu soo Bandhigay Saldhigga Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud. Taliska Booliska Degmada Caabudwaaq ayaa Howl-gal ay sameeyeen degmada 24,kii saac ee la soo dhafay waxaa ay maanta meel faara ah ku bur buriyay in ka badan 100 dhalo oo Khamri ah, waxaana wehliyay xashiish, Gaadiid iyo dad ka ganacsada oo lagu soo qabtay maandooriyahaasi. Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq taliyahia saldhigga degmada, taliyaha qaybta booliiska gobalka galgaduud iyo saraakiil ka tirsan qaybta 21 aad Iyo Masuuliyiin kale oo ka socday bulshada qaybaheda ayaa ku sugnaa madasha maanta lagu soo bandhigay Maandooriyahan Taliyihii saldhiga Degamda Caabudwaaq Dhamme Nuur Cilmi Maxamed ayaa ugu horreyn ka hadlay Madasha lagu soo bandhigay Maandooriyaasha.. Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Galgaduud Gaashaanle Sare Maxamuud Maxamed Jaamac (Dhaga-hoor) iyo Col. Axmed Baaraaf oo ka mid ah saraakiisha Qeybta 21,aad ayaa u mahad ceshay ciidamada sameeyay hawlgalgan. Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mudane Mahad Cumar Cilmi ayaa sheegay inay ciidamadu joogteyn doonaan Hawlgalkan si loo dabar gooyo maandooriyaha. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xarigga ka jaray, Maktabad cusub oo maamulku ka hirgeliyay gudaha xarunta Dhalinyarada Gobolka. Maktabaddan ayaa lagu maamusay, Duqii hore ee Muqdisho, Allah u naxariistee, C/raxmaan Cumar Cismaan Eng; Yariisow. Isagoo ka hadlayay musaabadii lagu furayay Maktabaddan ayuu Guddoomiye Cumar Filish sheegay in u jeedka Guddoomiyihii hore loogu magac daray ay tahay in ay kor u qaadaan wax qabadkii Duqii hore iyo kaalintiisa Bulshada Gobolka Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-27022020.mp3 View the full article
-
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirse Warfaa iyo dhiggiisa Dalka Suudaan Lena Al-sheikh Cumar ayaa ka wadahadlay iskaashi ay wada yeeshaan labada wasaaradood ka dib markii ay ku kulmeen caasimadda Suudaan ee Khartuom. Kulanka labada wasiir ayaa waxaa goob joog ahaa danjiraha Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isaaq iyo qeybsanaha ganacsiga ee saafaaradda Yuusuf Axmed Xasan iyo saraakiil kale oo ka tirsan labada dhinac. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa wefdi wasiiro ah oo Soomaaliya ku matalaya shirka urur goboleedka IGAD oo ka dhacay Dalka Suudaan. PUNTLAND POST The post Wasiirka Shaqada Soomaaliya oo ka kulmay dhiggiisa Dalka Suudaan appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumad Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa jawaab adag ka bixisay war-saxaafadeedyo ay dhowaan soo saareen beesha caalamku oo ku saabsanaa doorashooyinka Soomaaliya. Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in daneeyayaasha doorashooyinka Soomaaliya ay qeyb uga dhigaan Somaliland, midaasi oo ay ku tilmaameen inay tahay talaabooyin ay beesha caalamku ku wiiqayaan xasiloonida iyo dimuquraadiyada Somaliland War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibadda ee Somaliland, ayey xukuumadu kaga jawaabtay War-saxaafadeedkii beesha caalamka ee Somaliland kula xiriiriyeen doorashooyinka Soomaaliya. Waxa kale oo War-saxaafadeedka wasaarada loogu digay beesha caalamka inay ku xad-gudbaan qaranimada iyo madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, iyadoona lagu xusay in arrintaasi ay gobolka ku keeni karto cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid amniba. “Dowladda Somaliland waxa ay daneeyayaasha doorashooyinka Soomaaliya uga digaysaa inay ku xad-gudbaan Madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland. War-saxaafadeedyada noocan ah waxa ay Somaliland u aragtaa talaabooyin lagu wiiqayo xasiloonida iyo dimuquraadiyada Somaliland” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Wasaarada arrimaha dibada ee Somaliland. Waxa kale oo lagu yiri “Dowladda Somaliland waxa ay cod dheer ugu sheegaysaa bulshada caalamka in aanay qayb ka ahayn doorashooyinka Soomaaliya. Sidoo kale Somaliland waxa ay aaminsantahay in isku-day kasta oo arrintan la xiriira ay gobolka ku keeni karo cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid amni”. Warkan ay soo saartay Somaliland ayaa waxa uu jawaab adag u noqonayaa War-saxaafadeedyo kala duwan oo Beesha caalamku ay ka soo saartay doorashooyinka Soomaaliya, iyadoona dalalka daneeya doorashooyinka Soomaaliya ay ka dhawaajiyeen wax ay ugu yeereen “Nidaamka xulista qoondada kuraasta Somaliland.
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaasha Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADDANI, iyada oo kulankaas lagaga hadlay arrimo kala duwan. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa gadh-wadeen ka ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya iyada ayna jirin cid kale oo kulanka ku wehlinaysay. Dhinacyada ayaa heshiis ka gaadhay hanaanka doorashada Somaliland oo in mudda ah ay isku mari la’aayeen xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ahi. Ugu dambeyntii guddoomiyaasha xisbiyada Mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isku raacay heshiis dhowr qodob ka kooban. Goor dhaw la soco qodobada lagu heshiiyay iyo shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Madaxweyne Biixi iyo guddoomiyeyaasha UCID iyo WADDANI Source
-
Wararka aan ka helayno gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dad gaaraya 4 qof ay ku geeriyoodeen israsaaseyn ciidamo kawada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ku dhexmartay deegaanka Xaaji Cali oo hoos yimaada degmada Cadale ee gobalkaasi. Israsaaseyntan ayaa timid ka dib markii ciidan kawada tirsan mileteriga Soomaaliya uu soo kala dhex galay khilaaf ku aadanaa Khaad halkaasi lagu iibinayay, iyada oo rasaastaasina ay sababtay khasaare kala duwan. Cabdulaahi Xuseen Faarax oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Macawisleey islamarkaanka la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in daaalkan koobnaa ay ku geeriyoodeen 4 qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen dumar, isaga oo tilmaamay in saddex qof oo kalane ay ku dhaawacmeen. Dhinaca kale sarkaalkan ayaa sheegay in ciidankii xalay ku dagaalay Shabeelaha dhexe ay iyagu kala dhex galeen islamarkaana ay gurmad u sameeyeen dadkii ay waxyeeladu soo gaartay, waxa uuna xusay in dadka qaar dhawcyadooda loo qaaday magaalada Muqdisho. Ilaa iyo hadda ma jirto saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga qeybtooda Shabeelaha dhexe oo ka hadlay israsaaseyntaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Dawladda Sucuudiga ayaa waabergii maanta oo khamiis ah waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay si ku meel gaar ah u joojisay waqtiga cimrada ee sanadkan ay bulshada islaamku ku tagi lahaayeen Sucuudiga. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa Bayaan ay soo saartay waxay ku caddaysay kadib markii madaxda sare ee dalka Sucuudigu ay maalmihii lasoo dhaafay shirar is daba jooga ka yeesheen sidii ay dawladda Sucuudigu uga hor tagi laheyd cudurka khatarta ah ee Corona Virus. Malaayiin Muslimiin ah ayaa sanadka oo dhan Cumro u tega magaalada barakaysan ee Maka, waxaana ay tirada dadka Cumraysana aad sare ugu kacdaa xilliyada uu soo dhaw yahay Ramadaanka. Xayiraadda ayaa kusoo beegmaysa iyadoo muddo ka yar 60 maalmood ay ka harsan tahay xilliga bisha barakaysan ee Ramadaan. Dowladda Sacuudigu ma aanay sheegin in xayiraadda ay saameyn doonto Xajka sanadkan oo ku beegan bisha July. Boqortooyada Sacuudigu ayaa waxay xaqiijisay in go’aankani uu saameyn adag ku yeelanayo dadka ajaanibta ah ee ka imanaya dalka dibaddiisa, sidoo kale waxay intaa ku dartay in muwaadiniinta Sucuudiga laftoodu aysan si toos ah u tagi karin cumrada ilaa laga hubiyo caafimaadkooda. Ma jiro qof qaba cudurka Corona oo ilaa hadda lagu arkay dalkaasi Sacuudiga, hase yeeshee dowladda ayaa joojisay dhammaan ajaanibta uga imanaya dalalka lagu arkay Corona. Wasaaradda arimaha dibedda ee Sacuudiga ayaa sheegtay in go’aankan uu yahay mid si kumeelgaar ah loo dhaqangelinayo, balse ma aanay sheegin inta ay socon doonto xayiraadda. Qaar kamid ah dalalka Bariga dhexe ayaa dad qaba cudurka Corono laga helay waxaana ka mid ah dalalkaas Baxreyn,Cumaar iyo weliba Iiraan. Cudurka Coronovirus ayaa ku sii fidaya dalal badan oo caalamka ah iyadoo laga helay illaa afar boqol oo ruux oo qaba cudurkan dalka Talyaaniga.
