Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magalada Khartoum ee Casimada dalka Suudaan ayaa ka furmay shir ay soo abaabuleen oo ay iska kaashanayeen Urur Gobolleed-ka IGAD iyo midowga Europe, kaasi oo ay ka qayb-galayaan Wasiirada arrimaha dibadda ee xubinta ka ah Ururaasi. Shirkani waxaa Soomaalia ku Metelayay Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah, Safiirka JFS Soomaaliya ee dalka Sudan Amb. Maxamed Sheikh Isxaaq, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaradaasi Danjire Maxamed Cali Nuur, iyo Diplomaasiyiin ka tirsan Safarada. Shirkan ayaa diirada lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin, Qorshaha 100 maalmood iyo dib u habeynta Urur Gobolledka IGAD, nabadgelyada iyo Amniga Gobolka, Iskaashiga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ,Iskaashiga Cimilada iyo muhaajitiinta. Shirkaasi waxana Warabaahinta Qaranka uga warbixiyey Muhimada shirkan u lahaa Soomaaliya iyo Mandaqada Wasiirka Wasaarada arrimaha dibada iyo iskaa-shiga caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad. View the full article
  2. Madaxweyne ku xigeenka mamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA, ayaa ka warbixiyey xaalada maamulka iyo qorshaha uga degan caleema raasrka Madaxweyne Qoor-Qoor. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ay la heshiiyeen madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf, dhawaana ay shaacin doonaan qodobada ay ku heshiyeen labada dhinac. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in dhawaan ay qabsoomi doonto xaflada lagu caleema saarayo madaxda sare ee maamulka Galmudug, isla markaana ay ka soo qeyb galayaan Madaxweyne Xaaf iyo hoggaanka Ahlu-Sunna. Dhanka kale Cali Daahir Ciid madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in askartii Ahlu-Sunna ee maalin ka hor Dhusamareeb kula dagaalamay ciidamada dowladda ay biiri doonaan ciidamada maamulka Galmudug. Hadalka madaxweyne ku xigeenka ayaa imaanaya xilli maalmihii dambe dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna ay ka socdeen magaalada Dhusamareeb iyo weliba Gurceel, in kastoo dagaaladaas looga itaal roonaaday ciidamada Ahlu-Sunna, taas oo kaliftay in ay is dhiibaan hoggaanka Ahlu-Sunna. PUNTLAND POST The post Maamulka Qoor Qoor oo sheegay in ay la Heshiiyeen madaxweyne Xaaf appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa labada dhinac waxay uga wada hadleen shaqaaqadii dhowaan ka dhacday magaaladaasi. Ugu horreyn madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku amaanay hoggaanka Ahlu Sunna tanaasulka ay u muujiyeen Galmudug iyo shacabkeeda. Dhankiisa Macalin Maxamuud ayaa ballan qaaday in haatan wixii ka dambeeya ay horumarka kala shaqeyn doonaan madaxda Galmudug, gaar ahaan dib u heshiisiinta. Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa, kadib markii dagaal qaatay 24 saac uu dhowaan ciidanka Ahlu Sunna iyo kuwa dowladda ku dhexmaray magaalada Dhuusamareeb. View the full article
  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, garabka dowladda Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaac Macalin Maxamuud Sheekh Xasan. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan dagaalladii ka dhacay magaaladaasi. Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo ku dhow kulankaasi Qoor Qoor ayaa ugu horreyn hoggaanka Ahlu Sunna ku amaanay tanaasulka ay muujiyeen, wuxuunta tilmaamay in taasi ay soo afjareyso khilaafaadka in muddo ah hareeyay maamulka Galmudug. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada dhinac ay iska kaashaan doonaan ka shaqeynta horumarinta deegaanada Galmudug iyo arrimaha dib u heshiisiinta. Dhankiisa Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in haatan wixii ka dmabeeya ay si dhow ula dhaqeyn doonaan hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Galmudug, si looga gudbo marxalada adag ee uu ku jiro maamulkaasi. Isbedalka cusub ee Galmudug ayaa yimid, kadib markii dagaal qaatay ku dhowaad 24-saac looga adkaaday hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca, taas oo shalay hoggaamiyaheedu uu shaaciyey inuu ka tanaasulay guud ahaan arrimaha siyaasadda ee maamulkaaasi.
  5. Magalada Khartoum ee Casimada dalka Suudaan ayaa ka furmay shir ay soo abaabuleen oo ay iska kaashanayeen Urur Gobolleed-ka IGAD iyo midowga Europe, kaasi oo ay ka qayb-galayaan Wasiirada arrimaha dibadda ee xubinta ka ah Ururaasi. Shirkani waxaa Soomaalia ku Metelayay Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah, Safiirka Soomaaliya ee dalka Sudan Amb. Maxamed Sheikh Isxaaq, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaradaasi Danjire Maxamed Cali Nuur, iyo Diplomaasiyiin ka tirsan Safarada. Shirkan ayaa diirada lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin, Qorshaha 100 maalmood iyo dib u habeynta Urur Gobolledka IGAD, nabadgelyada iyo Amniga Gobolka, Iskaashiga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ,Iskaashiga Cimilada iyo muhaajitiinta. PUNTLAND POST The post Shirka Urur Goboleedka IGAD oo ka furmay Khartuun appeared first on Puntland Post.
  6. Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay duqeyn ku garaaceen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku laheyd degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi. Duqeyntan ayaa lagu soo warramayaa inay dhacday deegaanka Xiis Guure oo 20 KM u jira degmadaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale dadka aan la hadalnay ayaa inoo sheegay inuu jiro khasaaraha kala duwan oo ka dhashay weerarkaasi, balse aan shaacin karin inta uu lae’egyahay. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey duqeyntaasi, isaga oo sheegay in lagu burburiyey xarun ay laheyd Hormuud. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Shardi-1.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-010320.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn xalay saqdii dhexe diyaarad milatari oo ay leedahay Kenya la eegatay xarun ay shirkadda isgaarsiinta ku leedahay gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Xiisa Guur oo 20-KM u jira magaaladaasi. Mid ka mid ah sarakiisha ciidanka dowladda ee ka howlgala Ceelwaaq ayaa VOA u sheegay in illaa 11 Gantaal lala beegsaday xarunta shirkadda Hormuud, islamarkaana uu haatan socdo baaritaano ku aadan khasaaraha ka dhasahy weerarkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka shacabka ah ay la soo daristay cabsi ku aadan waxyeelo ka soo gaarta duqeyntaasi. Kenya ayuu sidoo kale ku eedeeyey inay ku soo xadgudubtay dhulka Soomaaliyeed, wuxuuna ku goodiyey inay jawaab deg-deg ah ka bixin doonaan arrintaasi. Illaa iyo hadda wax hadal ah kama soo bixin dowladda dhexe iyo Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi lala eegtay xarunta Hormuud oo ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda Kenya ay burburiyaan xarun ay leedahay Hormuud, iyagoo marar badan cagta mariyey xarumo ay shirkadaasi ku laheyd gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.
  9. Somalia's United Nations envoy denounced Kenya on Thursday as a “destabilising force” in his country and threatened to initiate UN action against the country. Source: Hiiraan Online
  10. The US Federal Aviation Administration (FAA) this week cautioned its airlines against flying over certain territories of Kenya’s airspace. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay Madaxtooyada maamulkaas kulan kula qaatay hogaamiyaha Ahlusunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo shalay isku dhiibay Ciidanka dowladda. Kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Qoorqoor iyo Macalin Maxamuud ayaa waxaa la sheegay in looga hadlay dagaalkii maalin kahor Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna ku dhexmaray Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale Madaxweyne Qoor-qoor ayaa Ahlusunna Waljamaaca ku amaanay sida wanaagsan ay u muujiyeen tanaasulka, isla markaana waxaa uu Madaxweynaha ka dalbaday Macalinka uu ka shaqeeyo dib u heshiisiinta Galmudug. Sheekh Maxamed Shaakir iyo Macalin Maxamuud ayaa shalay isku dhiibay Ciidanka dowladda Soomaaaliya ee ku sugan Dhuusamareeb, kadib markii Ciidankii Ahlusunna iyo kuwa dowladda uu dhexmaray dagaal socday in ka badan 38-saacadood. Dhinaca kale Ahlusunna ayaa shaacisay inay ka tanaasuleen Go’aankii siyaasadda arrimaha Maamulka Galmudug, iyagoona Ciidankii iyo hubkii ay heysteen shalay ku wareejiyay Ciidanka dowladda Federaaklka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Qoor Qoor oo la kulmay Hoggaamiyihii Ahlusunna ee isu dhiibay dowladda appeared first on Puntland Post.
  12. One of the most accomplished runners in Arizona Wildcats history has earned a spot in the 2020 Tokyo Olympics. Source: Hiiraan Online
  13. At least 20 innocent lives have been lost as a result of terror attacks that have been carried out in the last two months by suspected Al Shabaab militants. Source: Hiiraan Online
  14. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay galab diyaarad gaar ah ka dirtay Muqdisho, taas oo la damacsanaa in lagu soo qaado hogaanka sare ee Ahlu-Sunna, kuwaas oo isu dhiibay dowladda Soomaaliya kadib markii looga adkaaday dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in xafiiska Ra’iisul wasaaraha laga amray diyaarada kadibna Genaral Mascuud laga dalbaday in hogaanka Ahlu-Sunna uu ku wareejiyo Farxaan Qaroole balse uu diiday General Mascuud. Genaral Mascuud oo ay qaraabo yihiin Sheekh Shaakir iyo Macalim Maxamuud, islamarkaana ay naftooda iyo hantidoodii ku aamineen ayaa dowladda Soomaaliya u sheegay in uusan dhiibi doonin hoggaanka Ahlu-Sunna, haddii la isku dayana ay arrintu isu rogi doonto arrimo qabiil. “General Mascuud waxa uu madaxda qaranka u sheegay in uusan dhiibi doonin hogaanka Ahlu-Sunna oo heshiiskii ay isku dhiibeen ahaa in uu isaga ilaaliyo, haddii la isku dayana uu dhici doono dagaal kale oo qabiil salka ku haayo” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Haramcad oo la hadlay Caasimada Online. Hogaanka Ahlu-Sunna ayaa doonaya inay kusii nagaadaan Dhuusomareeb, islamarkaana loo ogolaado inay haystaan hub iyo laalo kooban oo ku filan. Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta magaalada waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan ay hadlaan odayaasha dhaqanka beelaha ay ka soo jeedaan hogaanka Ahlu-Sunna waxayna ka hadli doonaan qorshaha dowladda ay dooneyso in ay Muqdisho ugu ka xeesato culimadaan laga itaalka roonaday ee Ahlu-Sunna.
  15. Turkiga oo xuduudiisa furay,in ka badan 30.000 oo qaxootiyana ka horbadhey si ay yurub isagu shubaan+Halkay ka gudbeen Suuriyaan qaxoonti ah Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay inuu ka hor baydhayo qaxoonti badan, oo ka gudbi doona xadka ay la leeyihiin Yurub. Tiradan ayaa la rejaynayaa inay gaadho maalmaha soo aaddan ku dhawaad 30,000, sida uu sheegay Khudbad uu Madaxweyne Edrogan u jeediyay xildhibaanada ka tirsan xisbigiisa, ayuu ku sheegay in dowladda Suuriya ay ka qoomameeyn doonto dilka ciidammadiisa. Dalka Giriigga-na wuxuu sheegay inuu xadkiisa uu ka xidhay kumannaan qoxooti sharci darro ah oo dhinaca Turkiga ka soo geli lahaa dalkiisa. Iyagoo sunta dadka kaga ilmaysiisa ku kala eryay dad isasoo buux dhaafiyey xuduudkiisa Dadkan ayaa u qaxaya dhankii ay Yurub ka xigtey Hay’adaha amniga ee xadka Giriigga ku sugan oo doonaya qoxootiga iney xadka soo tallaabaan isla mar ahaantaana soo dhaweyn ka helaan waddamada ay soo gelayaan. Go’aanka uu Turkiga qaatay ayaa ku soo beegmay xilli Turkiga ku dhawaad 33 Askari waqooyiga Suuriya ee gobolka Idlib ay uga dileen ciidamada Suuriya. Madaxweyne Erdogan oo xildhibaannada baarlamaanka ka tirsan ee xisbigiisa la hadlayey wuxuu sheegay inuu madaxweyne Putin uu weydiisatay Ruushka inuu danta uu Turkigu ka leeyahay Gobolka Idlib uu ka leexdo si uu Turkiga keligii uu u wajaho dowladda Suuriya. Gobolka Idlib oo ay ku sugan yihiin kooxaha fallaagada Suuriya. Xoogagga xukumadda dimishiq oo garabsanaya Ruushka ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidi ay kooxaha jihaad donka iyo fallaagada uu Turkiga taageero oo qayba ka mid ah Idlib gacanta ku haya ay uga qabsan lahaayeen. Dalka Turkiga waxaa ku sugan qoxooti ka badan 3.7 milion oo isugu jira Suuriyaan iyo qoxooti dalal kale ka soo jeeda sid Afqaanistaan, oo horay looga hor istaagay iney Yurub magangalyo u raadsadaan. Mr Edrogan wauxuu waddamada reer galbeedka ku eedeeyey ballamihi ay horay u qaadeen ee ku saabsan qoxootiga iney jabiyeen. Greece ayaa sheegay inuu iska joojiyey qaxoonti badan oo kumannaan gaadha Gobolka Idlib oo ay ku sugan yihiin kooxaha fallaagada Suuriya. Xoogagga xukumadda dimishiq oo garabsanaya Ruushka ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidi ay kooxaha jihaad donka iyo fallaagada uu Turkiga taageero oo qayba ka mid ah Idlib gacanta ku haya ay uga qabsan lahaayeen. Dalka Turkiga waxaa ku sugan qoxooti ka badan 3.7 milion oo isugu jira Suuriyaan iyo qoxooti dalal kale ka soo jeeda sida Afqaanistaan, oo horay looga hor istaagay iney Yurub magangalyo u raadsadaan. Mr Edrogan wauxuu waddamada reer galbeedka ku eedeeyey ballamihi ay horay u qaadeen ee ku saabsanaa qoxootiga iney jabiyeen. Labada hoggaamiye oo khadka taleefanka ku wada hadlay kaddib marki 33 askari Turkiga duqeyn dhinaca cirka ah lagaga dilay gobolka idlib, Wuxuu dilka askarta Turkiga uu dusha ka saaray xoogagga dowladda Dimishiq ee garabsaneya Ruushka. Wuxuu Sida oo kale Mr Erdogan sheegay inuu albaabbada u furay dhammaan qoxootiga doonaya iney qaaradda Yurub u tallaabaan dalkiisuna uu wixi hadda ka dambeeya u dul qaadaneyn qoxooti tira badan iney ku soo qulqulaan. Madaxweyne Erdogan waxaa kale oo uu sheegay in albaabbada qoxootiga Yurub u tallaabaya uu furay maalmaha soo socdana iney sidaa u sii furnaanayaan. Maadaamaa Turkiga iyo Eurub heshiiski Brussels ku dhex maray ee looga ballaan qaadayy Turkiga in dhaqaale lagu taageerayo ay sidi la rabay u fulin. Erdoan wuxuu Ruushka ugu baaqay inuu ka baxo garabka Madaxweyne Bashar Al-ASAD si Turkiga iskii uu tallaabbada ku habboon uga qaado xukumadda Suuriya. Ruushka iyo Turkiga ayaa dhinacyo isaga soo horjeeda dagaalka sokeeya ee Turkiga kala taageerayey. Turkiga oo si cad uga soo horjeestay xukumada Bashar al-Asad isla-markaana taageerayey kooxaha hubeysan oo dowladda Suuriya ka soo horjeeda. Qaran News
  16. Jowhar (Caasimada Online) – Hal sano kadib wali HirShabelle kuma guuleysan in ay billaabaan dhismaha xarumaha madaxtooyada iyo baarlamaanka HirShabelle oo ay maal gelineysay dowladda Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sanadkii hore baajiyay dhismahaas, kadib markii ay u hanjabeen shaqaalihii dhisayay, wadayaasha gaadiidka qalabka soo qaadi lahaa iyo ceelasha biyaha dhismaha bixiya. Al-Shabaab ayaa dadkaas ugu hanjabay dil, waxaana ilaa hadda aan jirin isku day ku saabsan dhismahaas, iyadoo ay maamulka hore u bur-buriyeen dhismiyaashii hore ee madaxtooyada iyo baarlamanka oo si ku-meel gaar ah loogu shaqeyn jiray. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in HirShabelle ay wadi waysay dhismahaan sababo amni aawgeed waxaana loogu goodiyay qof kasta oo door ku yeesha dhismahaas in la dili doono. Baarlamanka HirShabelle hada malahan xarun ay ku shiraan waxaana loo kireeyaa hoolka hoteel ku yaalla Jowhar oo qayba ka mid ah dagan yihiin mas’uuliyiinta HirShabelle halka madaxtooyadana laga dhigay xarun ay leedahay hay’ad ka shaqeysa arrimaha beeraha oo ku taala Jowhar. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa sanadkii hore dhagax dhigay dhismaha xarunta madaxtooyada, baarlamaanka iyo xarumo wasaaradood, hase yeeshee waxaa muddo kadib joojiyay dhismaha xarumahaas Al-Shabaab. Arintaan waxay dhabar jab ku tahay HirShabelle oo sugi la’a amaanka magaalada Jowhar oo ah xarunta uu ku shaqeeyo maamulka HirShabelle.
  17. Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa uga digay Ethiopia inay ku dhaqaaqdo qorshaheeda biyo-xireenka webiga Nile, ayada oo aan heshiis la gaarin dalalka Masar iyo Sudan. “Masar, Ethiopia iyo Sudan waa inay heshiis gaaraan ka hor inta aan lasoo geba-gebeyn biyo-xireenka Nile, si looga hortago in qul-qulka biyaha uu dhaawac gaarsiiyo dalal kale,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin. “Tijabaada kama dambeysta ah iyo buuxinta biyo-xireenka waa inaysan dhicin, ayada oo aan heshiis la gaarin,” waxaa sidaas yiri Mnuchin oo soo saaray bayaan kadib kulamo ka dhacay Washington 27-kii iyo 28-kii Febraayo, kuwaasi oo Ethiopia ay ka baaqatay. Heerka bad-baadada caalamiga ah waa in la xaqiijiyaa ka hor inta la billaabin buuixnta biyo-xireenka, ayuu yiri Mnuchin. Mnuchin ayaa xiisadda soo faro-geliyey sanadii tagtay, si uu u wada-hadalsiiyo dhinacyada kadib marki Masar ay sheegtay in wada-hadallad ay kula jirta Ethiopia ay meelna u dhaqaaqi waayeen. Dowladda Ethiopia yaa ka hor-timid bayaanka uu soo saaray Mnuchin ee loogu digay, waxayna sheegtay inay wax ka qabatay arrimo kasta oo la xiriira amniga. Waxay sidoo kale ku adkeysatay inay buuxin doonto biyo-xireenka marka dhismihiisa uu dhammaado. “Ethiopia oo ah milkiilaha biyo-xireenka GERD, waxay billaabi doontaa buuxintiisa marka dhismaha uu dhammaado, si waafaqsan mabaadi’da sinaanta ee macquulka ah, ayada oo aan wax dhibaato ah sababin,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wada jir ah usoo saareen Wasaradda Arrimaha Dibedda, iyo Wasaaradda Biyaha, Waraabka iyo Tamarta Ethiopia. Ethiopia ayaa sheegtay in biyo-xireenka – oo noqon doona warshadda ugu weyn Afrika ee koronto ka dhalisa biyaha – uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda. Hase yeeshee Masar ayaa ka cabsi qabta in mashruucan uu waxyeeleyn karo webigan oo 90% soo saara biyaha laga cabo dalkaas. Biyo-xireenka Dib-u-curashada weyn ee Ethiopia (GERD), waxa uu soo saari doonaa 6,000 oo megawatt oo koronto ah, marka lasoo geba-gebeeyo. Biyo-xireenka ayaa qeyb ka ah qorshe ay Itoobiya ku dooneyso inay ku noqoto dalka ugu weyn Afrika ee korontada dhoofiya.
  18. Diyaaradaha dagaalka ee ay leeyihiin Militariga Kenya ayaa xalay saq dhexe duqeyn ka geystay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo. Xasan Aadan Biixi oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan Degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in ay arkeen tiro madaafiic ah ay soo riday diyaaraddu oo ku dhacday Xarun Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Degmadaas. Waxa uu xusay in ay baaritaan ku wadaa khasaaraha soo gaaray xarunta Shirkadda Hormuud ee duqeynta lala beegsaday islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan wixii faahfaahina. Sarkaalka ayaa tilmaamay in diyaaradda duqeynta geysatay ay dhowr jeer sidaan oo kale weeraro ka fulisay qaybo katirsan Gobolka Gedo gaar ahaan Tuulooyinka hoostaga Degmada Ceelwaaq. Sarkaalka ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u gudbinayaan qoraal dhameystiran kolka ay soo dhameeyaan xog baarista duqeynta oo ay wadaan. PUNTLAND POST The post Dowladda kenya oo duqeysay xaruntii Shirkadda Hormuud ee degmada CeelWaaq appeared first on Puntland Post.
  19. Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa maanta sheegay in Somaliland loo qeybsaday qaab reer reer ah, isla markaana loo baahan yahay in sharciga uu shaqeeyo. Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa ka dhawaajiyey in loo siman yahay nidaamka dowliga ah, haddii midaasi badalkeeda dhacdana ay Somaliland u horseedi doonto dagaal sokeeye oo cawaaqib xun. Suldaanka ayaa Madaxda ugu sareysa Somaliland ugu baaqay inay wax ka badalaan qaabkaasi oo uu sheegay in reeraha lagu kala qeybiyo, midaasi oo abuureysa xaalad nabad-galyo daro, sida uu hadalka u dhigay. Suldaanka oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Dalka reer reer baa loo qaybsaday, ee Dawladdu sharciga ha ku shaqeeyso, Madaxda Somaliland ka talisa waxaanu ka codsanayaa inay nidaamkaas bedelaan, Xukunka iyo Xukuumaddaba waa loo siman yahay, laakiin haddii Xukuumaddu dadkii kala kaxayso waxay soo wadaa waa dagaal sokeeye”. “Madaxda iyo Hoggaanka dalka waxaan kula talinayaa inay ka feejignadaan inay sabab u noqdaan dagaal sokeeye oo dalka ka dhaca, reerahana lagu kala qaybiyo ee danta dadku waxay ku jirtaa nabadgalyada”. Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii wax nabadgalyo daro ah la abuurayo, cidda abuuraysa waa inay joojisaa, Somaliland-nimadana iyo wadaniyadana waa in la ilaaliya, oo wax laga heshiin karo aan la iskaga dhigin wax culus”. Xukuumada Somaliland ayaa inta badan waxa lagu dhaliila inay reero gaar ah ku taxdo xilalka u sareeya, midaasi oo beelaha qaar ee dega deegaanadeeda u horseeday inay abuuraan Jabhado ka dhan ah oo kasoo horjeed maamulkooda,
  20. New York (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan ayaa shaaciyey tallaabada ay qaadeyso dowladdiisa ee ka dhanka ah Kenya, oo uu ku eedeeyey inay xasilooni darro xooggan ka wadda gudaha Soomaaliya. Khubdad uu u jeediyey Golaha Ammaanka ee QM, ayaa Abuukar Baale waxa uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qasbanaan doonto inay Kenya u adeegsato Qodobka 35 ee Xeerka QM, taasi oo macnaheedu yahay dacwad rasmi oo caalami ah oo ka dhan ah Kenya. Qodobka 35 ee Xeerka QM ayaa dalalka xubnaha ka ah QM iyo kuwa aan ka ahaynba siinaya awood ay Golaha Ammaanka ee QM ku horkeenaan xaalad kasta oo loo arko inay helis ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka. Danjire Abnuukar Baale ayaa sheegay in Soomaaliya “ay adeegsatay tallaabo kasta oo diblomaasiyadeed”, oo ay kula hadleyso Kenya, balse laga quustay. Danjiraha ayaa Kenya ku eedeeyey inay faro-gelin xooggan ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, ayna ku xadgudbeyso Xeerarka QM, ayada oo ku howlan “ficillo ka dhan ah nabadda.” “Faro-gelinta cad ee Kenya ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxa ay si cad ugu xadgudbeysaa madax-banaanida Soomaaliya, sharafta dhuleed, madax-banaanida siyaasadeed iyo midnimada,” ayuu yiri Danjire Abuukar Baale. “Waxaa intaa dheer ku xadgudubka Kenya ee xuduudda dalka, waxay halis gelineysaa xasiloonida iyo madax-banaanida. Horumarkii aan dhibka ku gaarnay ayada oo Beesha Caalamka ay na caawineyso waxaa maanta halis ku ah ficillada nabadda ka dhanka ah ee dowladda Kenya.” Danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadeyso tallaabno kasta oo ay ku difaaceyso madax-banaanida iyo midnimada dalka, haddii aysan Kenya si deg deg ah u joojin ficilladeeda. Hadalka Danjire Abuukar Baale ayaa yimid maalmo kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay shaacisay inay qaadeyso tallaabo ka dhan ah Kenya, haddii aysan deg deg u joojin xadgudubka iyo faro-gelinta ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.
  21. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar-___-Qumanaha-Wararka-29022020.mp3 View the full article
  22. An interview with the Puntland Governor of Mudug. Puntland Governor of Mudug is based in North Galka’yo. Puntland Post Reporter Abdirahman Isse Omar interviewed Governor Ahmed Musse Nur by telephone several week ago. Following is an edited and English translation of the interview to appear March issue of Puntland Post Monthly webzine. Puntland Post: How is the situation in Mudug now? Governor: The situation is calm. There are talks to start in Ballibusle. Puntland negotiators are already at Ballibusle; negotiators from the other side [Galmudug State] will be arriving at the venue today as agreed. We hope solutions will be found to the conflict. Both administrations have been collaborating for quite some time. Politically motivated exaggeration of the conflict has come to an end. From time to time some people commit crimes, or ambush cars. What is being looked at is how a customary law on these crimes can be enacted by both sides so people in the region can co-exist peacefully. Ahmed Musse Nur: We warn against deployment of troops in Mudug Puntland Post: There are reports that the Federal Government plans to deploy troops in Mudug to beef up security of the region. Are you aware of the plan? Governor: I heard of the plan but it is not aimed at improving the security in the region. We do not need their support. The Federal Government troops operate at borders when there are inter-state hostilities in line with the federal system. Each administration has a duty to secure its districts. As you know for the last 21 years Puntland has been securing territories under its jurisdiction, and on several occasions Puntland was at war with terrorist groups. We never had a need to seek assistance from another side. We are up to the task of securing our regions. The plan of the Federal Government to deploy troops in Mudug is not dissimilar to the deployment of troops in Gedo to destabilise peaceful regions and to overthrow the existing administration. The plan is to deploy troops in Mudug in March. I warn them against such a move. Mudug is not where they can deploy troops at will. No one can do what people do not want. People are armed here. Only when people and the administration collaborate can something get done. Puntland is self-reliant and consults with its people. It relies on its security forces. It does not seek any assistance from anyone. Any group that tries to attack us we will view as occupiers. People protecting themselves against occupiers and people seeking promotion by attacking another region are not the same. I warn them against the plan [ to deploy troops in Mudug] and not to fan hostility and cause bloodshed among Somalis. Their aim in Gedo is to take over the region from the [Jubaland] administration. The information we have indicates they are arming themselves to attack Mudug in the same manner as they did Gedo. Puntland Post: How possible is it for the weak Federal Government to launch an attack and destabilise Mudug? Governor: They have deployed troops in three Gedo districts and appointed new commanders. Mudug is different. In Gedo they may have some supporters due to clan connection. Mudug is different from Gedo; they have no supporters here. We will defend the regions should they attack Mudug. Puntland Post: Has the Federal Government communicated with Puntland State about the deployment plan? Governor: They have not communicated with us about it. There is no need for deployment of troops. We have enough troops. More training and coordination is what the Federal Government could contribute. If they have our country’s interest at heart they would cooperate with us on making our troops more professional through training and help with remuneration. Puntland Post: As you know the Federal Government said that it had formed a new administration for Galmudug. What is the position of Puntland on the “three presidents” of Galmudug? Governor: Puntland welcomes what people of Galmudug collectively support. We have not supported or financed any of the contenders. It is our interest and the national interest to have a peaceful and strong Galmudug as our neighbour to cooperate on different challenges. Galmudug conference was organised by the Federal Government and last seven months. We see the outcome of the conference. Different clans live in Galmudug. They deserve to have an inclusive administration. © Puntland Post Monthly, 2020 The post Mudug Governor warns the Federal Government agains deployment of troops appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa caawa markii ugu horeysay war kasoo saaray duqeymaha diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanku ay ka geystaan Soomaaliya. Warbixinta Al-Shabaab oo carro ay ka muuqatay ayaa lagu sheegay “In duqeymahaas gumaad badan loogu geysto dadka shacabka ah”, iyagoo soo bandhigay tirada dadka shacabka ah ee ay sheegeen lagu dilay duqeymahaas. Al-Shabaab ayaa shegetay in tiro-koob ay sameeyeen uu muujinayo in “In ka badan 82.7% howlgallada milliteri ee uu Maraykanku fuliyay 34-tii bilood ee lasoo dhaafay, lagu beegsaday dad shacab ah oo haba yaraate wax xiriir ah la lahayn” Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dadka weeraradaas lagu dilay ay 37% yihiin beeraley, halka dumarka iyo caruurta lagu dilay weerarada ay yihiin 24.1%, iyo 21.4% oo ah dadka reer miyiga, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiraan caddeymo madax-banaan oo taageeraya tiro-koobka Al-Shabaab, inkasta oo horey loo xaqiijiyey in weerarada Mareykanka ay mararka qaar ku dhintaan dad shacab ah. Qoraalka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in markii lasoo weriyo waxyeello dad rayid ah kasoo gaartay duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka ay AFRICOM ku soo jawaabto war-saxaafadeed horay ugu sii diyaarsanaa oo ay ku inkirayaan in dad shacab ah ay wax ku noqdeen howlgalladooda. “Waxay mar kasta ballan qaadaan in ay baaritaanno ku sameyn doonaan wax yeello soo gaartay dadka rayidka ah, balse taas ma dhacdo oo waxay sii wadaan gabood fallada” ayaa lagu yiri qoraalkan. Al-Shabaab ayaa warkan ka soo baxay ku sheegtay in weerarrada uu Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya ay yihiin “kuwo aan kala joogsi laheyn oo lagu beegsado goobaha waxbarashada, xarumaha caafimaadka iyo qaysaska, islamarkaana dilo hooyooyinka, caruurta, odayaasha qabaa’ilka, sida ay hadalka u dhigeen.” AFRICOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa mar kasta sheega in inta badan ay weeraradooda ka ilaaliyaan shacabka.
  24. Nabadoon Cabdullaahi Cali Sugulle Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, ayaa sheegaya in halkaasi fiidnimadii caawa lagu dhaawacay Nabaddoon Cabdullaahi Cali Sugulle oo kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Bari. Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga gobolka Bari, ayaa Warbaahinta Puntland Post u sheegay in Nabaddoonka lagu weeraray albaabka hore ee gurigiisa oo ku yaalla xaafadda masjid Faadumo ee magaalada Boosaaso. Weerarka ayaa dhacay wax yar kadib markii laga soo baxay salaadda Cisha, xilligaasi oo Nabaddoonku sii galayay gurigiisa, balse inta uusan Albaabka gaarin Rasaas lagu furay, sida ay xaqiijiyeen Laamaha Amniga Boosaaso. Dableey hubaysan ayaa la sheegay in ay Nabaddoon Sugulle u galeen meel u dhow Albaabka gurigiisa, kadibna ay Rasaas kala dhaceen qaarka sare ee jirkiisa. Rasaastaas oo dhaawac culus gaarsiisay Nabaddoonka. Dableeydii weerarka geystay ayaa goobta isaga cararay, iyadoo weli aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, inkastoo saraakiil dhanka Amniga ah ay la xiriiriyeen kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Daacish oo lala xiriiriyay weerar lagu dhaawacay Nabaddoon appeared first on Puntland Post.