-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magàalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda howlaha xulista Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya. Odayaasha dhaqanka maamulka Koofur galbeed soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe magaalada Baydhabo waxa ay kulamo kala duwan la qaadanayeen guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka Koofur galbeed iyo madaxda maamulka Koofur galbeed oo uu ugu horreeyo madaxweyne Cabdi Casiis Maxamed Xasan (Lafta gareen). Guddoomiyaha guddiga farsamada madaxa banaan ee soo xulista baarlamaanka 2-aad ee Koonfur galbeed Maxamed Keeroow Maxamed ayaa shaaciyay in 11-ka bishan ilaa iyo 19-ka bisha ay soo saari doonaan liiska xildhibaanada cusub ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed. PUNTLAND POST The post Goormaa lagu dhawaaqayaa liiska xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed? appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan gaysay degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay Hoyga Wasiirka Amiga Jubbaland ee degmadaasi. Saraakiil Ciidan ayaa sheegeen in howlgalkaas uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay,waxaana la sheegay in Ciidamada Guriga ay kasoo bixiyeen Rasaas iyo laba Qoray oo ah kuwa loo yaqaano BKM-ka iyo qoryo kale. Saraakiisha Ciidamada Dowlada ma shaacin sababta rasmiga ah ee kaliftay in howlgalka laga fuliyo Hoyga Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda Soomaaliya kuna sugan Magaalada Mandheera ee dalka Kenya. Wararka ayaa waxaa ay inatasi ku darayaan in Ciidamada sidoo kale ay howlgallo ka sameeyeen xaafadaha qaar ee degmada Doolow walow aan la shaacin waxyaabaha ay kusoo qabteen. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Federaalka oo hawlgal ka fuliyay guriga Wasiir Janan ee Doolow appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hadda ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in tegitaanka 11-ka xildhibaan ee Kenyan-ka ah ee Muqdisho ay waxyeeleyn karto doodda Soomaaliya ee ah in Kenya ay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha dalka. Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay Khamiistii ugu baaqday Dowladda Kenya in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal.” Hase yeeshee xildhibaan Cabdirisaaq oo qoraal kooban soo dhigay twitter-ka ayaa sheegay in Kenya ay hadda ku doodi karto in sheegashada Soomaaliya ay tahay mid “marin habaabin ah”, maadaama 8 xildhibaan oo Kenyan ah ay “safar qarsoodi ah” oo dowladdooda aysan la socon ku tageen Muqdisho. Somalia’s claim of Kenyan interference as per the MOFA press release will now be construed as misleading, given this new saga of Kenyan MP’s secret mission to Mogadishu. The victimhood narrative will b dismissed as this will b perceived as a diplomatic turfwar btwn two neighbors https://t.co/EpJu4Dl1Xp — Abdirizak Mohamed MP (@AbdirizakOm) March 1, 2020 “Doodda ah inay dhibane tahay [Soomaaliya] waa lagu gacan seeri doonaa, waxaana tani loo arki doonaa dagaal diblomaasiyadeed oo u dhaxeeya laba dal oo deris ah,” ayuu yiri xildhibaanka. “Aragtideeda waxay tahay in Kenya ay hadda sameyn karto sheegasho ka dhan ah Soomaaliya, oo ah inay faro-gelin ku hayso Kenya. Kiiskan, sababta booqashadooda Soomaaliya ma sameyn doonto wax macno ah.” 11-ka xildhibaan ayaa shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Nairobi, kadib markii ay kasoo laabteen Soomaaliya, oo ay shalay ku tageen marti-qaad ay ka heleen sirdoonka Soomaaliya, sida uu sheegay taleefishinka Citizen. Magacyada xildhibaanada iyo deegaanada laga soo doorto ayaa kala ah: Ahmed Kolosh (Wajir West), Ibrahim Abdi (Lafey), Rashid Kassim (Wajir East), Mohamed Hire (Lagdera), Omar Maalim (Mandera East), Bashir Abdullahi (Mandera North), Adan Haji (Mandera West), Kullow Maalim (Banisa), Adan Ali sheikh (Mandera South), Mohamed Dahir (Dadaab) iyo Ahmed Bashane (Tarbaj).
-
Somalia-based terror group, Al-Shabaab, has stumbled upon a new way to lure Kenyan recruits even as attacks in the North-Eastersn part of the country increase. Source: Hiiraan Online
-
At least seven deaths and over 700 cases have been reported in a cholera outbreak in Somalia, the United Nations said on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
At least four Somali government soldiers were killed and several others wounded when a bomb blast targeted a military convoy near the town of Warmahan, lower Shabelle region, an official said on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Kenya has rejected claims it is interfering with Somalia's internal affairs and dismissed them as "fabricated for political expediency". Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Maxamed-Weli oo ah ugaaska beesha Mareexaan ayaa beesha Mudullood ka raali geliyey hadal uu dhowaan ka jeediyey dood uu u qabtay TV-ga Somali Cable, Ugaaska, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno. Ugaaska oo u waramay TV-ga Universal ayaa sheegay in hadalkii uu horay u jeediyey oo ay dhibsatay beel weynta Mudullood uu ka raali gelinayo. Hadalka uu raali gelinta ka bixinayo Ugaas Maxamed Weli ayuu ku yiri, “Shirka beesha Mudullood waa shir qabiileysan, tusaale ayaan ku siinayaa siyaasiyiinta Mudullood ee dowladda kasoo horjeeda waa niman qabiileysan oo awood, deegaan iyo hujuum ku jira, tusaale Sheekh Shariif afartii sano ee Madaxweyne Xasan ma uusan hadlin, dowladaana laba sano iyadoo gaarin ayuu mucaarad ku bilaabay. Xasan sidoo kale, waxay bilaabeen shirar iyo dhaar, marka shirarkaan ay wadaan Xasan, Shariif iyo Cali Mahdi waa kuwo qabiileysan” ayuu xilligaas yiri ugaaska beesha Mareexaan. Ugaaska ayaa sidoo kale doodii uu habeenkaas ka qeyb galay ka sheegay in siyaasiyiinta qabiileysan ee hoggaaminta dalka ku wareeray aysan xal u heyn umadda Soomaaliyeed, isagoo hadalkiisa ku xusay in taasi ay tahay risaalo uu umadda Soomaaliyeed u diraayo, sida uu hadalka u dhigay. Caawa ayuu sheegay Ugaas Maxamed Weli in haladkaas uu u weday madaxdii hore ee dalka, isagoo sheegay in madaxdu aysan aheyn qabiil gaar ah, balse hadkii ka soo yeeray habeeno ka hor uusan si ula kac ah ugu jeedin beesha Mudullood. “Hadalkeygii la dhibsaday oo qabiilka weyn ee Mudullood uu dhibsaday, aniguna ugaas Maxamed Weli aan ahay ma gar naqsan karno, waxaan rabaa walaalehey in ay raali ahaadaan, anigu hadalkaas kheyr uunbaan ula jeeday niman madax dalka kasoo noqday ninka madaxda ahna umadda ayuu u wada dhexeeyaa, isma laheyn Mudullood halkaas ayey ka gaareysaa, wax kasta oo dhacayna khaladkaas aniga ayaa qaatay Mudullood waxaan leeyahay raali ahaada walaaleheyow”ayuu yiri Ugaaska beesha Mareexaan. Ugaaska oo sii hadlayey ayaa yiri, “Waan ogahay waxa aan u dhimanayo waana madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxa aan ku qabo iyo waxa naga dhexeeyana Alle ayaa og, dadkuna waxa ay aaminsanyihiin waxa aan u dhimanayo, marka ‘Jisadeyda Eebaan kasugi galaba waajaade’ mar kale waxaan leeyahay walaalehey Muduloodow raali ahaada”. Halkan ka Daawo
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Macallim Maxamuud Sheekh Xasan ayaa shalay galab gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug kadib markii looga soo adkaaday dagaalkii Dhuusamareeb. Diyaarad khaas ah ayaa Macallim Maxamuud ka qaaday Dhuusamareeb, waxayna ka dejisay garoonka Gaalkacyo dhinaca Puntland iyadoo oo uu ka sii aadi doono magaalada Garowe ee Puntland. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Macallim Maxamuud uu ku baxay heshiis ay gaareen odayaasha beeshiisa iyo Qoor Qoor waxa uuna ku sii wajahan yahay Sacuudiga. Macallim Maxamuud ayaa damacsanaa inuu ka baxo Muqdisho balse cabsi laga qabo in la xiro ayaa lagu heshiiyay inuu ka baxo magaalada Garowe ee Puntland, waxayna arrintaan ku timid dalab ugaaska beesha Cayr uu u gudbiyay Madaxweyne Qoor Qoor. Qoor Qoor ayaa damaanad qaaday ammaanka Macallim Maxamuud ilaa uu ka baxo Soomaaliya, waxaana hada la socda General Mascuud iyo koox ciidamo ah kuwaas oo geyn doona Garowe waxana kadib u safri doonaa Sacuudiga. Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay isku dayday in ay Muqdisho keento Macalim Maxamuud si ay u xirto balse ma dhicin waxaana guuleestay dadaal uu sameeyay madaxweyne Qoor Qoor. Qoor Qoor ayaa doonayaa in si toos ah loo soo geba-gebeeyo xiisadda Galmudug, islamarkaana uu gudo galo sidii uu maamulkiisa u shaqo billaabi lahaa, taasi oo keentay inuu wax walba u fududeeyo madaxda Ahlu-Sunna ee laga adkaaday.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay inay Karantiishay dad ka yimid dalka Shiinaha, oo ah halkii ugu horeysay ee uu ka dilaacay fayruska halista badan ee Corona. Somaliland ayaa xaqiijisey inay muddo 14-cisho ah ay meel gaar ah ku Karantiishay dadkaasi ka yimid Shiinaha, si looga baaro fayruska, isla markaana loola socdo xaalkooda wixii ku soo kordha mudadaasi. Saraakiil ka tirsan Wasaraada caafimadka Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadkaasi ka yimid Shiinaha ku karantiimeysay goobo ay Wasaaradu ka hirgelisay gudaha madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa. Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay ka dhawaajiyeen in dadka ka yimaada Shiinaha si gaar ah u baadhan, isla markaana muddo labo todobaad ah ay ku hayaan goobaha wasaaradu ugu talo-gashay, iyadoona gebi laga joojiyo inay wax xidhiidh ah la sameeyan dadka. Waxa kale oo ay sheegen in dadkaasi ay Karantiiman ay si aad ah u ilaaliyaan, isla markaana ay ka ilaaliyan cid ay la kulmaan ama xidhiidh la sameeyanba. Saraakiishaasi wasaarada caafimaadka ayaa waxa kale oo ay beeniyeen in dad ka yimid Shiinaha oo si fiican loo baarin ay gudaha u galeen magaalada Hargeysa. Sida ay Caasimada Online ogaatayna weli ma jiraan dad ay karantiishay wasaaradu oo laga helay fayruskaasi halista badan ee sida xawliga ah ugu faafaya dunida.
-
Waa marag-ma-doon in dhibaatooyin aad u culculus ay soo gaadheen dadka iyo dalka Somaliland xilligii taliskii keligii taliye Maxamed Siyaad Barre. Dhibaatooyinkaasi keliya kuma koobna xasuuq ama dad iyaga oo nool raabo-raabo la iskugu xidhay oo la laayay, laakiin waxaa la hilmaamay oo aan inta badan qorshaha lagu darsan riiqda iyo saamaynta taban ee ay dagaaladaasi reebeen. Dhaawacyada illaa hadda aan laga bogsan waxa ugu weyn kuwo burbur dhaqaale (economic destruction) iyo maskaxeed (trauma). Waa arrimaha keenay in bulshadu ay ku noolaato kalsooni-darro xad-dhaaf ah iyo kala shaki iyo waliba colaad loo qabo dawladnimada iyo hay’adaha dawladda. Taasna waxa tusaale kuugu filan in badan oo ka mid ah dadka xil-dawladeed loo dhiibo sida ay doonaan ayay ugu takri falaan, qabyaaladduna waa tiirka keliya ee ay cuskadaan. Guud ahaan bulshaduna danta guud waxa ay u arkaan timir xabaal-taal oo ninkii doonaaba xantoobsado. Nasiib-wanaag, Somaliland muddo rubuc qarni ka badan ayay dawlad dhammaystiran leedahay, laakiin, ilaa hadda shakhsiyan maan arag meel lagaga hadlayo ama hay’ado gaar ah oo si dhammaystiran cilmi-baadhis ugu sameeyaan labadaas dhibaato iyo habkii lagu dawayn lahaa – waa dhibaatada dhaqaale iyo ta maskaxdeed. Anniga oo isku xidhaya dhacdooyinkan naadirka ah ee maalmahan soo waajahay Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan kulankii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo xalka dhibaatooynkaas aan soo sheegay waxa aan ku talinayaa saddex qodob: Qodobka 1aad: Waa xaqiiq in waayaha iyo dadkuba ay isbeddelayaan, maantu la mid maaha dhawr iyo labaatan sanno kahor ama waagii Somaliland la aasaasayay; madaxda Somaliland iyo raggii halganka la galay taliskii Siyaad Barre burrito ma sii joogayaan. Jiil cusub oo waayihiisa wata ayaa hadda jooga, mustaqbalkana qaar ka sii duwan ayaa imanaya. Sidaas daraadeed, dawladda hadda joogta iyo guud ahaan haldoorka Somaliland waxa looga baahan yahay in da’yarta beddeli doonta maskax ahaan iyo aqoon ahaan la diyaariyo. In loo diyaariyo in ay si aan caadifadi ku jirin u iibgeyn karaan qadiyaddooda ama u gar-naqsadaan, sababta oo ah da’yarta hadda joogta badankoodu goob-joog uma ay ahayn ama da’ ahaan aad ayay u yaraayeen xilligii dhibaatadu dalka ka dhacday. Laakiin, saamayntii waxa ay ku keentay niyad-jab iyo kalsooni darro. Waxa intaas dheer ololayaashii doorashooyinkii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay dhallinyarta qaar ayay ku keentay in ay aamiinaan in dalka la kala leeyahay. Qodobka 2aad: Isbedelo waaweyn oo aan la dafiri karin ayaa ka socda gobolka, gaar ahaan dalalka Geeska Afrika (regional integration). Isbedeladaas waxa ‘bud-dhig u ah’ loollan dhaqaale oo ka dhexeeya quwadaha waaweyn ee adduunka oo adeegsanaya dalalka ay gacan-saarka la leeyihiin oo saamayn ku leh dalalka bariga Afrika. Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay ka mid yihiin meelaha isha gaar ah lagu hayo ee dihin, waanay muuqataa, oo maalgelinta uu Imaaraadku ku sameeyay dekedda Berbera iyo maalgelinta uu Turkey-gu ku sameeyay kaabayaasha dhaqaale ee Muqdisho ayaa tusaale cad inoogu filan. Somaliland waxa la gudboon in ay diyaariso khubaro waayo-aragnimo iyo aqoon xeel-dheer u leh arrimaha dhaqaalaha, ganacsiga, amniga; iskaashiga, heshiisyada iyo xidhiidhada caalamiga ah (think tank), si ay uga talo-bixiyeen gadgadoonka siyaasadeed ee adduunka iyo gobolka ka socda iyo iswaafajinta danaha dalka. Qodobka 3aad: Marka si qoto-dheer loo fiiriyo isbedeladaas hadda socda ee gobolka, arrinta Somaliland iyo Soomaaliya haddii aan degdeg loo xallin waxa ay ku noqonaysaa cid kasta oo ay dani kaga jirto istiraatijiyadda iyo khayraadka labada dal ‘laf-dhuun-gashay’. Sidaas awgeed, waxa ay ku khasban yihiin in ay haddba xalka ay dantoodu ku jirto u maareeyaan. Iyada oo arrintaas laga shidaal-qaadanayo mas’uuliyiinta Somaliland iyo Soomaaliya waa in ay ka faa’iidaystaan dadaallada uu hadda bilaabay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo hormuud u ah isbedelada ka socda gobolka. Dalalka danaha dhaw ka leh Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay aaminsan yihiin in aanay suurtogal ahayn horumar iyo isbedel la taaban karo in lagu sameeyo geeska, illaa la xalliyo dalalka ay xurguftu ka dhaxayso. Hore waxa loo xalliyay colaaddi muddada dheer qaatay ee Itoobiya iyo Ereteriya. Waxa hadhay oo qorshaha dhaw ku jira xallinta khilaafaadka ka dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Eriteriya; Somaliland iyo Soomaaliya; Itoobiya, Suudaan iyo Masar. Masar kama tirsana gobolka, laakiin, saamayn toos ah ayay ku leedahay geeska oo dalal ka mid ah geeska ayay gacan-saar la leedahay, iyada oo ilaashanaysa danahooda biyaha Webiga Nile-ka. Gobogabadii marka laga yimaado labada waydiimood ee isbarkan oo uu ku xidhan yahay masiirka Somaliland iyo Soomaaliya oo ah: (1) Soomaaliya ma ogoshahay in Somaliland u aqoonsato dal ka madax-bannaan? Somalilandna ma ogoshahay in ay ka tanaasusho go’aanka in ay tahay dal madax-bannaan? (2) Madax-bannaanida Hargeysa ma waxa ay ku xidhan tahay ogolaanshaha Muqdisho? Ilaa hadda Hargeysa iyo Muqdisho waxa ay kala joogaan meelo aad u kala fog. Haddaba, marka jawaabaha iyo xalka waydiimahaas oo wakhti u baahan laga yimaado, labada dhinac waxa la gudboon in ay garwaaqsadaan isbedeladda xawliga ah ee ka socda gobolka iyo danaha isdiidan ee daneeyeyaasha caalamiga ahi ka leeyihiin. Si gaar ah xukuumadda Soomaaliya waxa looga baahan yahay in ay cadaadiska diblomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee ay ku hayso Somaliland ka joojiso, si loo xoojiyo walaalnimada iyo wada-jirka shucuubta Soomaaliyeed, taas oo ibo-fur u noqonaysa in wada-hadalada la sii ambaqaado. W/Q: Mustafe Adam Bare Jaamacadeed, Culuunta saxaafadda iyo xidhiidhka Caalamig ah. Kibaaro@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa jawaab rasmi ah ku diiday eedeymaha Soomaaliya ee ah inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha dalka, waxayna ku qeexday “kuwa la been abuuray oo dano siyaasadeed laga leeyahay”. Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal cabasho ah oo ay gaarsiisay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi uga jawaabtay qoraalkii uu danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan u gudbiyey Golaha Ammaanka QM, ee Nairobi ku eedeeyey inay xasilooni darro ka waddo dalkiisa. Abuukar Baale ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qasbanaan doonto inay Kenya u adeegsato Qodobka 35 ee Xeerka QM, taasi oo macnaheedu yahay dacwad rasmi oo caalami ah oo ka dhan ah Kenya. Qodobka 35 ee Xeerka QM ayaa dalalka xubnaha ka ah QM iyo kuwa aan ka ahaynba siinaya awood ay Golaha Ammaanka ee QM ku horkeenaan xaalad kasta oo loo arko inay helis ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka. “Kenya waxa diideysaa eedeymahan aan sharciga ahayn, loona cudur daarin ee ay sameysay dowladda Soomaaliya, waxayna kasoo horjeeda dacwadaha la been abuuray ee ah inay faro-gelineyso Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka oo ay heshay Caasimada Online. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Eedeymahan aan salka lahayn waxay qeyb ka yihiin taxane joogto ah oo sii kordhaya oo laga leeyahay damac xun oo ah in Kenya loo adeegsado in loogu cudur daarto fulinta qorshe sharci-darro ah oo ka socda gudaha Soomaaliya, oo laga leeyahay dano siyaasadeed.” “Kenya ma aqbali doonto damacan, waxayna ku boorineysaa dowladda Soomaaliya inay joojiso ololahan, ayna dadaalkan ku bixiso in hoggaan wanaagsan ay siiso shacabka Soomaaliyeed.” “Dadaalladan waxay gaareen heer Kenya loo hanjabo, waxaana caddeyn u ah hadalkii guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo uu jeediyey 9-kii Febraayo ee uu ku sheegay inay qabsanayaan Kenya oo uu ciidankiisa ku tagayo Nairobi.” Kenya ayaa sheegtay in in kasta oo uu jiro “ololahan sharci-darrada ah ee ka dhanka ah, gaar ahaan dhanka warbahainta” ay is xakameyneyso islamarkaan ay ogtahay in Soomalaiya ay ku jiro marxalad kala guur ah, ayna ka go’an tahay in xiisadda la dejiyo. Hoos ka aqriso qoraalka dowladda Kenya
-
In our contemporary school settings, it is common for principals and head/teachers to push children for maximum ‘attainment’ in inter/national exams. After all, their fit for purpose is judged solely by results Source: Hiiraan Online
-
It's not often you hear of a security guard rising through the ranks to become a government minister, but Suleiman Yusuf Koore did just that. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar____-Qumanha-Warraka-01032020.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Daahiye Ducaale oo ka mid ah xildhibaanadii ka socday dowladda Kenya ee maanta ka laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulan dheer ay lasoo qaateen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Xildhibaanka ayaa sheegay in socdaalkooda Muqdisho ay ku war-geliyeen madaxa ugu sareeya sirdoonka dalka Kenya, isla markaana ay isla garteen in ay tagaan Muqdisho, ayna kula soo laabtaan wixii ay kala soo kulmaan. Xildhibaanka ayaa beeniyey wararka warbaahinta Kenya qaarkood ee ah inay lasoo kulmeen madaxda sirdoonka Soomaaliya. Xildhibaanka oo u waramay VOA ayaa yiri, “Inagoo Xildhibaano ah oo ka soo jeedna gobolka Waqooyi Bari ayaan ku tashanay in aan Muqdisho u tagno in aan la soo tashano madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo aan kala tashano sidii aan iskaga kaashan laheyn arrimaha amiga iyo la-dagaalanka Al-Shabaab, ogaanana qorshaha dowladda Soomaaliyeed waxa uu yahay.” “Shalay ayaan Nairobi ka baxnay anagoo 11 xildhibaan ah oo ka soo kala jeedna Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera, markaan tagnay Muqdisho dowladda Soomaaliya aadbey noo soo dhaweysay, xalay waxaan la kulanay Madaxweyne Farmaajo oo afar saacadood aan shir kula jirnay,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed. Xildhibaan Maxamed Daahiye Ducaale ayaa sheegay in markii ay soo baxayeen ay socdaalkooda ku war geliyeen madaxa sirdoonka dowladda Kenya, maadaama arinta ay u socdeen ay la xariirto amni, kadibna uu ka ogolaaday oo uu ka dalbaday in ay kula soo laabtaan wixii ay kala soo kulmaan dowladda Soomaaliya. Ugu dambeyntii Xildhibaan Maxamed Daahiye ayaa sheegay in hadii ay dhici weyso in labada dowladood ay ka wada shaqeyn waayaan ammaanka xuduudahooda ay Al-Shabaab ku xoogeysa doonaan. “Aragtideydu waxay tahay maanta anagu waxaan furnay albaab cusub oo laga wadahadlo, siyaasadda dowladda Kenya ee ku wajahan Soomaaliya waa side? Ma in maamul goboleedyada ay la shaqeysabaa oo ay dowladda dhexe gacan dhaafto? Dowladda Kenya diyaar ma u tahay in dowladda federaalka Soomaaliya ay kala shaqeyso arimaha xuduudda ka jira? Dowladda Kenya iyo shacabkeeda waxaa hor yaalla su’aalahaas, anagana waxaan daba geleynaa oo aan rabnaa in aan helno, deris wanaag, wada shaqeyn heer federal ah hadii la helo waxaan aaminsanahay arrimaha Al-Shabaab in lasoo afjari karo”ayuu yiri Xildhibaankan laga soo doortay gobolka Waqooyi Bari. Hoos ka dhageyso wareysiga xildhibaan Maxamed Daahiye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Dr-Mohamed-Daahiye-Ducaale.mp3
-
Dhuusamareeb (SMN) – Hoggaamiyihii ururka Ahlusunna Waljameeca, Macalin Maxamuud, ayaa ka soo dhoofay magaaladda Dhuusamareeb, wuxuu u duulay caasimada dalka Kenya ee Nairobi. Talaabadan ayaa waxay ka dambeysay kadib markii kulan xalay isaga iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo odayaasha deegaanka oo la isku afgartay inuu magaalada ka tago, sidda la sheegay. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – 11 ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Kenya, oo maanta loogu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Nairobi sababo la xiriira safar ay shalay ku yimaadeen Muqdisho, ayaa lasii daayey. Xoghayaha Wasaaradda Amniga Gudaha Kenya Moffat Kangi ayaa sheegay in 11-ka xildhibaan aan wax dacwado ah lagu soo oogi doonin. Kangi ayaa intaas ku daray in xildhibaanada ay sharaxaad ka bixiyeen safarkooda, islamarkaana ujeedka safarkooda uu la xiriiray arrimaha amniga iyo waxbarshada gobolka Waqooyi Bari, sida ay yiraahdeen. Xildhibaanadan ayaa lagu eedeeyey inay Soomaaliya u safreen ayaga oo aan marin nidaamka fasaxa saxda ah ee dowladda. Sharci-dejiyayaashan Soomaalida ah, oo laga soo doorto Mandhera iyo Wajir, ayaa garoonka lagu celiyey saaka kadib markii ay kasoo laabteen Muqdisho. “Booliska ayaa weydiiyey su’aalo adag oo la xiriira safarkooda,” Waxaa sidaas laga soo xigtay ilo-wareedyo ku sugan garoonka. Safarkooda ayaa yimid xilli ay xiisad xooggan ka dhex oogan tahay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Kenya ay taageerto Jubaland, islamarkaana ay ciidamo Soomaali ah ku sugan yihiin xuduudda dhanka Mandhera, halka wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan uu ciidamo ku haysto Mandhera. Magacyada xildhibaanada iyo deegaanada laga soo doorto ayaa kala ah: Ahmed Kolosh (Wajir West), Ibrahim Abdi (Lafey), Rashid Kassim (Wajir East), Mohamed Hire (Lagdera), Omar Maalim (Mandera East), Bashir Abdullahi (Mandera North), Adan Haji (Mandera West), Kullow Maalim (Banisa), Adan Ali sheikh (Mandera South), Mohamed Dahir (Dadaab) iyo Ahmed Bashane (Tarbaj). Xildhibaanada Kenya ayaa laga doonayaa inay afhayeenka baarlamanka iyo wasaaradda arrimaha dibedda ogeysiiyaan ka hor inta aysan safar ku aadan dal kale.
-
MOGADISHU (HOL) - Two mortar landed at Halane area which hosts the UN and African Union mission Sunday evening injuring a foreign national. Source: Hiiraan Online
-
Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta si kulul uga hadlay duqeymo dhowr jeer dowladda Kenya ay ka geysatay gudaha dalka, taas oo waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah iyo xurumo isgaarsiin. Xildhibaanka oo Goobjoog News la hadlay ayaa mar kale ku celiyey in ciidamada dowladda Kenya laga saaro dalka, waxaana uu sheegay in dowladaha dalka la dariska aysan marnaba rabin xasiloonida iyo deganaanshiyaha umadda Soomaaliyeed, waxaana uu ka warbixiyey halkii uu ku dambeeyey mowshin ay horay uga gudbiyeen tacadiyada Kenya ay kula kacdo shacabka degan gobalada Gedo iyo Jubbooyinka. “Mooshinka aniga ayaa geeyey xildhibaanno kale ayaa saxiixay baarlamaanka ayaa mashquul noqday oo sharciyo ayaa la saxiixayey, lakiin mowshinkaas waa yaallaa in ciidamada Kenya ay dalka ka baxaan, dowladaha safka hore sharci ayaa ka yaallo oo midowga Afrika ah, in aysan Soomaaliya gelin, haddii ciidamada Soomaaliya ku jira ay qatar galaan in hub iyo wax nuucaas ah ay siiyaan waxa looga baqaayo ayaa ah in Soomaaliya ay dano gaarka ay ka leeyihiin aysan rabinna in ay degto” ayuu xildhibaanka. Sidoo kale Xildhibaan Sakariye oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dowladda Kenya Soomaaliya ay ula dagaalameyso dhan weliba dhaqaale ahaan iyo nolol ahaan, isaga oo xusay in dadka reer miyiga ah ay barakicisay xoolahooda ay si joogto ah u leyso waxaana uu yiri. “Dad leyn, xoolo leyn iyo guryo dumin ayey wadaa la dagaalanka dhaqaalaha gobalada iyada xiga ,dadka miyiga ah iyo kuwa tuulooyinka degan waa ay barakisay, nolosha dalka kasta waa kaalinta reer miyigiisa kuwa xoolaha dhaqda iyo beeraleyda, ujeedkeedu waa Soomaalidu magaalada haku uruurto oo nolol kale aysan helin, magaalo waxba kama soo baxaan oo xoolo lagama maalo beerana laga falo, dadka magaalada baadiyaha iyo tuulooyinka ayey ku nool yihiin waxa ka soo baxa, Kenya waxaa ay leedahay Istiraatiijid fog ilaa iyo hadda waan fahmi la’ nahay”. Dhanka kale Xildhinaan Sakariye Maxamuud Xaaji ayaa si kulul uga hadlay duqeyn diyaaradaha dowladda Kenya habeenimadii xalay ka geysteen degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, isaga oo tilaamay in arrintaas ay tahay arrin qatar ah uguna baaqay shacabka iyo dowladda Soomaaliya in talaabo ay qaadaan. ” Xalay waxaa ay duqeysay Ceelwaaq, ma ciidamo ayaa joogo, ma dad cadow ku ah ayaa jooga dad Soomaaliyeed oo guryohooda joogo ayey ahaayeen, arrintaan waa qatar waana wax mamnuuc ka ah caalamka, marar hore dowladdu waa ay ka hadashay arrintaan UN-ka waa looga hadlay, waxaa loo baahan yahay abaabul gudaha ah oo in Kenya la iska dhiciyo ah” ayuu yiri xilshibaan Sakariye Maxamuud Xaaji. Ugu dambeyn Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay gabtay kaalintii kaga aadaneyn in ay ogaato waxa ka dhacaayo xuduudaha dalka iyo shacabka marwaliba la kulmo tacadiyada kala duwan ay geystaan ciidama Kenya waxaana hadalkiisa ka mid ahaa xildhibaanka. ” Dowladdu waxaa ay gabtay shaqadii loo idmaday oo aheyd in ay ogaato ayna difaacdo xuduudaha dalka shacabka dhulkaas degan waxaa loo baahan yahay in la abaabulo oo la iska dhiciyo oo xadkeena aysan soo gelin mar dambe awal ayaa dhul hore ku maqnaa , dadka ku nool NFD maalin weliba inta inta caruurtooda suuqyada laga wado ayaa howdka lagu dilaa oo meydkooda laga helaa kuwaas lanfooda ayaa hiil u baahan, haddii aan Kenya la iska dhicin Soomaali waa ay ka shalaayn doontaa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Waljamaaca Macallin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa goor dhaw ka degay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Macallin Maxamuud ayaa diyaarad gaar ah gabal dhicii galabta ka raacay magaalada Dhuusamareeb, taas oo hadda ka dejisay garoonka diyaaradaha Cabdullahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo. Wararka aan ka heleyno safarka Macallin Maxamuud ayaa sheegaya in uu u sii gudbi doono dhanka magaalada Garowe oo safar dhulka ah uu ku gaari doono, halkaas oo sida wararku sheegayaan uu kula kulmi doono madaxda maamulka Puntland. Hoggaamiya Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud Sheekh ayaa lagu wadaa in safarka uu ku gaaray deegaanada Puntland kadib uu gaaro dalka Sacuudi Carabiya, halkaas oo deganaasho rasmi ah uu ka haysto. Dowladda federaalka ayaa Macallin Maxamuud u ogolaatay in uu u safro halkii uu doono, kadib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor. Sida aan wararka ku heleyno, Qoor-Qoor ayaa Macallin Maxamuud ka dalbaday in uu ka qeyb galo caleemo saarkiisa, balse waa uu ka cudur daartay, isagoo taas beddelkeed ku war geliyey in uu u safrayo dalka dibaddiisa, taas oo markii dambe loo ogolaaday. Dhanka kale culumadii kale ee Ahlu-Sunna, sida Sheekh Maxamed Shaakir iyo Sheekh Cabdirisaaq Al-Ashcari ayaa haatan ku sugan magaalada Dhuusamareeb, waxaana loo yeelay ilaalo laga soo dhex xulay ciidamada dowladda federaalka, kadib kulan labada Sheekh ay maanta magaalada Dhuusamareeb kula yeesheen madaxweyne Qoor-Qoor.
-
The 11 Northeastern MPs questioned by police about an unauthorised trip to Somalia have been released and will not face any charges. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-01032020-sx.mp3 View the full article
