-
Content Count
214,390 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta waxa uu daahfuray Mashruuca dhismaha Madaxtooyada Galmudug iyo afar wasaaradood. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta daah furay macruuc horumarineed oo lagu dhisayo Madaxtooyada Galmudug iyo sadax wasaaradood sida; Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha gudaha, amniga iyo qorsheynta. Hirgelinta mashruucan waxa iska kaashanaya DGM iyo hay’adda SSF. Madaxweynaha Galmudug ayaan wali la caleema saarin, waxaana haatan uu wadaa qorshe lagu hormarinayo deegaanada Galmudug oo ay ugu horeyso caasimadda maamulkaasi ee Dhuusamareeb. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Milateriga Soomaaliya ayaa Muqdisho ugu yeeray General Mascuud Maxamed Warsame oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya, islamarkaana ahaa shaqsigii Allah ka soke badbaadiyay hogaamiyaasha maamulkii Ahlu-Sunna ee lagu weeraray Dhuusamareeb. Jeneral Mascuud oo ah taliyaha qaybta guutada 15-aad ee qaybta 21-aad, ayaa gaaray Muqdisho, waxa uuna hadda ku sugan yahay guriga taliyaha Hay’adda Socodaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi, ayada oo aysan jirin warar warbaahinta qaar ay ku sheegeen in lagu xiray Muqdisho. Xog ay ka heshay Caasimada Online Villa Somalia ayaa sheegaysa in General Mascuud, oo la filayo inuu la kulmo madaxda dowladda, ay arrimaha loogu yeeray ka mid yihiin inuu dowladda federaalka Soomaaliya ku wareejiyo hubkii maamulkii Ahlu-Sunna oo isaga lagu wareejiyay markii laga adkaaday Macalim Maxamuud iyo Sheekh Shaakir. Waxaa sidoo kale la filayaa in su’aalo laga weydiiyo sidii uu ku baxsaday Sheekh Shaakir oo xabsi guri ku ahaa Dhuusamareeb, halkaasi oo uu ku hayay General Mascuud. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa habeen Fiid hore Dhuusamareeb uga baxsaday saddex gaari oo ah nuuca yar ee lagu qaado qaadka islamarkaana aad looga yaqaano gobalada Dhexe, waxa uuna isu muuqaal ekeysiiyay Xer u socota siyaaro ka jirtay Gaalkacyo. Madaxda dowladda ayaa sidoo kale isku dayaya in Generaal Mascuud Maxamed Warsame, in laga dhaadhiciyo inuu wareejiyo Xarunta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka, oo la rabo in laga dhiso madaxtooyada Galmuudg. Mascuud ayaa qoraal uu 8-dii bishan soo dhigay facebook ku yiri “Xarunta qaybta 21-aad saldhigeedu waa caasimadda Galmudug ee Dhuosamareeb, wayna sii ahaan doontaa Insha Allah.” Is-rasaaseyn dhimasho leh ayaa maanta xarunta ku dhex martay ciidamada ilalaada u ah madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor iyo askarta taliska 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ee halkaas degan. Dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib markii madaxweyne Qoor Qoor oo dhagax dhigi rabay xarunta madaxtooyada Galmudug, oo laga dhisayo xerada 21-aad uu tagay xerada oo fariisin u ah ciidamada Xoogga ee 21-aad. Ciidamadii ku sugnaa xarunta ayaa la sheegay inay kadib diideen in madaxweynuhu soo galo halkaaas, kadibna waxaa billaabatay is-rasaaseyn socotay dhowr daqiiqo.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu wehliyo madaxwyne Ku-xeenka Axmed Cilmi Cismaan, ayaa maanta oo Taalado ah kulan la qaatay, Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Ambassador Aadan Xassan Aadan iyo Wefdi uu Hoggaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland. War-saxaafadeed kulankaasi kadib ka soo baxay madaxtooyada dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni iyo Ambassador Aadan, ay ka wada hadleen, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta arrimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqalaaha. “Madaxweyne Deni iyo Ambassador Aadan ayaa ka wada hadlay, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta arimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqalaaha.” Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka. Safiirka Jabuuti iyo wefdigiisa oo maalintii shalay booqday dekedda Cusub ee laga dhisayo degaanka Garacad, ayaa soo kormeeray sida ay u socoto howsha dhismaha dekedda, kulankaas ayaa sidoo kale waxa goob joog ka ahaa wakiilka Puntland ee Jabuuti Siciid Mahdi iyo Mas’uuliyiin kale. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Caabuqa Corona siduu dunida ugu faafay+Liiska kiisaska Dal walba laga helay+Liiska dadka u dhintay dal walba Tirada guud ee la xaqiijiyay Tirada guud ee dhimashada 113,672 4,012 Kiisaska Dhimashada China 80,879 3,139 Italy 9,172 463 Kuuriyada Koonfureed 7,513 54 Iran 7,161 237 France 1,412 30 Germany 1,139 2 Spain 1,024 28 Markabka Diamond Princess 696 7 Japan 514 9 Team USA 472 19 Switzerland 332 2 Kooxda GB 323 3 Netherlands 321 3 Sweden 248 Belgium 239 Norway 192 Singapore 160 Austria 131 Malaysia 117 Bahrain 109 Australia 92 3 Denmark 90 Greece 73 Canada 72 Iceland 65 Kuwait 65 Iraq 61 6 Masar 59 1 United Arab Emirates 59 Thailand 50 1 San Marino 49 2 Chinese Taipei 45 1 India 44 Lebanon 41 Finland 40 Israel 39 Jamhuuriyadda Czech 38 Vietnam 31 Portugal 30 Brazil 25 Daanta Galbeed 25 Ireland 24 Philippines 24 1 Slovenia 23 Algeria 20 Qatar 18 Cumaan 18 Poland 16 Ecuador 15 Georgia 15 Romaniya 15 Saudiyya 15 Chile 13 Argentina 12 1 Croatia 12 Estonia 10 Azerbaijan 9 Costa Rica 9 Hungary 9 Peru 9 Mexico 7 Russian Federation 7 Indonesia 6 Pakistan 6 Belarus 6 Latvia 6 Dominican Republic 5 French Guiana 5 Luxembourg 5 New Zealand 5 Slovakia 5 Afghanistan 4 Maldives 4 Malta 4 Jamhuuriyadda hore ee Yugoslav ee Makedoniya 4 Senegal 4 Bulgaria 4 Bangladesh 3 Colombia 3 Koonfur Africa 3 Albania 2 Bosnia and Herzegovina 2 Cambodia 2 Cameroon 2 Qubrus 2 Faroe Islands 2 Martinique 2 Morocco 2 Nigeria 2 Saint Martin (Qaybta Faransiiska) 2 Tunisia 2 Monaco 1 Andorra 1 Bhutan 1 Brunei Darussalam 1 Gibraltar 1 Guernsey 1 Vatican 1 Jordan 1 Liechtenstein 1 Lithuania 1 Armenia 1 Mongolia 1 Nepal 1 Panama 1 Paraguay 1 Moldova 1 Saint Barthélemy 1 Serbia 1 Sri Lanka 1 Togo 1 Ukraine 1 Qaran News
-
Wargeys ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya oo lagu magacaabo Capital ayaa xaqiijiyey in dowladda dalkaasi ay joojisay saamigii ay ku laheyd dhismaha iyo ballaarinta dekedda magaalada Berbera ee maamulka Somaliland. Warbixin uu ka qoray Capital qorshe ay Itoobiya ku dooneyso inay dekad kaga sameysato dalka Suudaan ayaa wuxuu sheegay in Itoobiya ay saami dhan 19% ku laheyd horumarinta dekedda Berbera, isagoo xusay in todobaadkaan si buuxda loo hakiyey mashruucaasi. “Itoobiay waxay saami ah 19% ka qaadatay horumarinta dekedda Berbera, laakiin waxa toddobaadkan la soo weriyay in mashruuca si buuxda loo joojiyay.” ayuu yiri wargeysku. Ma sheegin wargeyska cida uu xogtaan ka soo xigtay, hase’ahaatee qeybo ka mid ah wuxuu wargeyska ku wareystay wasiirka gaadiidka Itoobiya, Moges oo sharraxaad ka bixisay qorshaha ay ku doonayaan inay dekad kaga sameystaan dalka Suudaan. Itoobiya ayaa dhowaanahaan ku jirtay raadinta dekado ay maalgashato, waxaana ay heshiis dhinaca dekedaha la gashay dalalka Suudaan, Kenya, Jabuuti iyo Soomaliya. = View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu kulamo ka bilaabay magaalada Dhoobley ee gobolkaasi. KulamadaAN ayaa waxaa madaxweynuhu uu la leeyahay saraakiisha Jubbaland ee ka howlgala halkaasi, iyadoona diirada lagu saarayo dagaalka Al-Shabaab. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa kulamo kala duwan la leh odayaasha dhaqanka, waxgradka iyo qeybaha bulshada, isagoona ka xog wareysan doono xaaladda guud. Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyey Dhoobley ka waday abaabullo xoogan oo uu ku doonayo inuu Al-Shabaab uga saaro gobollada Jubbooyinka. View the full article
-
Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa maanta markii ugu horreysay tagay magaalada Wuhan ee gobolka hubei oo ah halki uu kaso billowday cabuuqa dillaga ah ee korona-fayraska dabyaaqadii desember 2019 Waxaa uu halkaas kula kulmayaa shaqaalaha caafimaadka iyo saraakiisha kale ee qeybta ka ah la tacaalidda fayraskan Dhanka kale gobolka Hubei oo ay Wuhan ka tirsan tahay ayaa billaabay adeegsiga nambar gaar ah oo loogu talagalay inuu fududeeyo sidii shaqooyinka dib loogu noqon lahaa. Bayaan la soo dhigay shabakadda rasmiga ee dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay in farriintan oo loo isticmaali doono taleefoonada gacanta sido kale ay kaalin ka qaadan doonto dabagalka ku aaddan isku socodka shacabka ee gobolka dhexdiis Boqashadan aya sare uu qaaday kobaca daqale ee suuqyada shinaha manta taasi oo kadigan in ay tahay tillabo wanagsan rajana ku bertay ganacsatada dalkasi. PUNTLAND POST The post Madaxwaynaha Shiinaha oo booqasho ku tagay Magalada Wuhan ee gobolka Hubei appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmuduga yaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladaasi uu iska hor imaad kooban ku dhexmaray ciidamo ka kala tirsan nabadsugidda iyo kuwa mileteriga ee deegaanadaasi ku sugan. Iska hor imaadkaan ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan nabad sugidda ay si xoog ah ku soo galeen goob uu madaxweynaha Galmudug dhagax dhig ka sameynayay islamarkaana ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan mileteriga, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Sida uu soo sheegayo weriyaha Goobjoog News ee deegaanada Galmudug, waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday laba askari oo ka tirsanaa ciidanka nabad sugidda, waxaana haatan la soo sheegayaa in xaaladdu ay tahay mid degan. Ilaa iyo hadda ma jirto masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo ka hadlay dagaalkan Dhuusamareeb ku dhexmaray labadan ciidan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibada Uganda iyo afhayeenka baarlamaanka dalkaasi. Afhayeenka baarlamaanka Uganda Rebecca Kadaga ayaa sheegtay inay tix galin doonaan qorshaha Somaliland ee ku aadan in ay ka mid noqoto ururka baarlamaanada aduunka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano IPU. Sidoo kale wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa wasiirka arimaha dibadda dalka Uganda Sam Kutesa kala hadlay, sida ay ugu biiri karaan ururka baaralamaanada aduunka. Si kastaba ha’ahaatee ururka baarlamaanada aduunka ayaa ah mid caalami ah oo ay qeyb ka yihiin dalal badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay, waxaana ururkaasi la aas aasay sanadkii 1889-kii ,iyadoo ay haatan xubno ka yihiin in ka badan 160 wadan. View the full article
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo maanta ka kacay waaxda October, degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dabkaasi, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan inuu ka dhashay kaalin shidaal oo ku taalla ka soo horjeedka isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir, halka kuwa kalena ay ku warramayaan in koronto ay sababtay. Ugu yaraan illaa labo qof ayaa ku dhaawacantay dabkaan, sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inuu dabka saameyn xoogan ku yeeshay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi. Gaadiidka dab damiska ee gobolka Banaadir iyo dad shacab ah ayaa ugu dambeyn ku guuleystay daminta dabkasi. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Is-rasaaseyn dhimasho leh oo u dhaxeysay laba ciidan ayaa maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo goobjoog u ahaa dhacdadan. Is-rasaaseynta ayaa dhex martay ciidamada ilalaada u ah madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor iyo askarta guutada 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ee ku sugan magaalada. Dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib markii madaxweyne Qoor Qoor oo dhagax dhigi rabay xarunta madaxtooyada Galmudug, oo laga dhisayo xerada 21-aad uu tagay xerada oo fariisin u ah ciidamada Xoogga ee 21-aad. Ciidamadii ku sugnaa xarunta ayaa la sheegay inay kadib diideen in madaxweynuhu soo galo halkaaas, kadibna waxaa billaabatay is-rasaaseyn socotay dhowr daqiiqo. Wararka ayaa sheegaya in laba askari oo ka mid ahaa ilaalada madaxweyne Qoor Qoor ay halkaas ku geeriyoodeen, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen. Illaa iyo hadda ma cadda sida ay ku timid in ayada oo aan ciidanka joogay xarunta la war-gelin marka hore, lagana helin ogolaansho, uu madaxweyne Qoor Qoor ku damcay inuu dhagax-dhigo xarunta. Maamulka Galmudug ayaa la filayaa inay faah-faahin ka bixiyaan dhacdadan, goor dhow.
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xariga ka jaray Garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe oo dhismihiisa la soo gabagabeeyay. R/wasaraha iyo wifdi uu hoggaaminayey waxaa magaaladaasi ku soo dhoweeyey, wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa, madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen iyo mas’uuliyiin kale. R/wasaare Kheyre ayaa si rasmi ah xariga uga jaray garoonka diyaaradaha degmada Baraawe oo dhawaan dib udhis ballaaran lagu sameeyay, lana casriyeeyay qeybta ay diyaaraha ku soo degaan, kuna duulaan ee (Run Way). Sidoo kale waxaa munaasabadda xarig jarka goobjoog ahaa, wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka, kuwa K/Galbeed iyo wafdi ka socda Ururka Midowga Yurub. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ay magaalada isku geedaameen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Garoonka Baraawe oo muddo burbursanaa ayaa waxaa gacan weyn ka geystay dib dayactirka lagu sameeyey ururka Midowga Yurub oo si weyn u taageera Soomaaliya PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Kheyre oo xariga ka jaray Garoonka diyaaradaha ee Baraawe appeared first on Puntland Post.
-
Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xariga ka jaray garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi oo dhowaan lagu sameeyey dib u dayactir. Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdigiisa waxaa magaaladaasi ku soo dhoweeyey madaxweynaha Koonfur Galbeed, wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. Khayre ayaa si rasmi ah u daah-furay garoonka Baraawe, gaar ahaan qeybta ay diyaaraha ku soo degaan, kuna duulaan ee (Run Way) oo si casri ah loo dhisay. Sidoo kale waxaa munaasabadda xarig jarka ku sugnaa wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo wafdi ka socda Ururka Midowga Yurub. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona gudaha magaalada la dhigay ciidamo dheeraad ah. Baraawe ayaa ah caasimada rasmiga ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ay ku taallaa dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-10032020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dab xoogl eh ayaa ka kacay Maanta Kaalin Shidaal oo ku taalla degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan kasoo horjeedka Isbitaalka Benaadir. Sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen, dabka ayaa gaaray Farmashiye iyo Dukaan ku dhegen Kaalinta shidaalka ee la sheegay in dabka uu ka bilawday, waxaana burburay dhismaha labada xarumood, iyadoo markii dambe ay halkaasi gaareen gaadidka dab damiska Shirkadda Hormuud iyo Gobolka Banaadir. Sarkaal ka tirsan kooxda dab damiska waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay ku wargeliyeen goobaha gubanaya isla markaasna ay u dhaqaaqeen muddo kooban kadibna ay ku guuleysteen in ay damiyaan. Wararka ayaa sheegaya in hal qof uu dhaawac kasoo gaaray dabkaasi, sidoo kale ay jiraan khasaaro maaliyadeed oo xooggan oo dabkaas ka dhashay. Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya dabka qabsada kaalmaha shidaal iyo goobaha ganacsiga, waxaana inta badan la garan waayaa sabaha keenay dabka.
-
Shan dal oo ka mid ah dalalka Yurub ayaa si rasmi u ogolaaday in ay qaadi doonaan oo magangelyo siin doonaan Carruurta yar-yar ee qaxootiga ah ee ku xaniban xadka u dhexeeya Dalalka Turkiga iyo Giriiga. Arrintan waxaa shaaciyay Guddigii Golaha Midowga Yurub u xil saareen in ay ka shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa xaaladda Qaxootiga waxayna guddigu tilmaameen in aan la eegan karin xaaladda ay ku sugan yihiin dadka qaxootiga ah ee wali jooga xadka Turkiga iyo Giriiga. Wadamada Yurub ee ogolaaday inay qaadan doonaan caruurta ayaa kala ah Finland, France, Germany, Luxembourg iyo Portugal, dalalkaas oo caddeeyay inay baaritaan dhinacyo badan ah marsiin doonaan Caruurta Qaxootiga ah, waxyaalaha laga baarayona waxaa ka mid ah cudurka Corona Virus. PUNTLAND POST The post Dalal ka tirsan Yurub oo ogolaaday Carruurta Qaxootiga ee ku xaniban Giriiga appeared first on Puntland Post.
-
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Donald Trump aan laga baarin cudurka Coronavirus, inkasta looga cabsi qabo dad uu xiriir la sameeyey. Laba sharci-dejiye oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, oo Trump uu xiriir la sameeyey, ayaa dhowaan sheegay inay si iskood ah isku karantiilayaan kadib markii ay ka qeyb galeen shir uu sidoo kale joogay qof laga helay cudurka. Xubnaha sheegay inay is-karantiilayaan waxaa ka mid ah madaxa cusub ee Shaqaalaha Aqalka Cad Mark Meadows oo sheegay in laga yaabo inuu xiriir la sameeyey qof la xaqiijiyey inuu cudurkan ku dhacay. Waxaa sidoo kale sheegay inay is-karantiilayaan Senator Ted Cruz iyo saddex xubnood oo kale oo ka tirsan Aqalka Wakiilada oo kala ah Paul Gosar, Doug Collins iyo Matt Gaetz, kuwaas oo dhammaantood sheegay inay xiriir la sameeyeen qof laga helay cudurka oo ka qeyb-galay shir ay ku sugnaayeen. 34 ka mid ah gobollada Mareykanka iyo magaalada caasimadda ah ee Washington DC ayaa laga helay kiisas la xiriirka cudurka Coronavirus. Jaamacadda Johns Hopkins ayaa Isniintii sheegtay in guud ahaan caalamka laga xaqiijiyey 113,584 kiis oo cudurka Coronavirus ah, iyo dhimashada 3,996, kuwaas oo badankood Shiinaha ah. PUNTLAND POST The post Aqalka Cad oo xaqiijiyay in Madaxweyne Trump aan weli laga baarin Coronavirus appeared first on Puntland Post.
-
Baraawe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Khayre iyo wafdigiisa waxaa magaaladaasi ku soo dhoweeyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa iyo mas’uuliyiin kale. Intaasi kadib ra’iisul wasaaraha ayaa si rasmi ah xariga uga jaray garoonka diyaaradaha degmada Baraawe oo dhawaan dib udhis ballaaran lagu sameeyay, lana casriyeeyay qeybta ay diyaaraha ku soo degaan, kuna duulaan ee (Run Way). Sidoo kale waxaa munaasabadda xarig jarka goobjoog ahaa, wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka, kuwa K/Galbeed iyo wafdi ka socda Ururka Midowga Yurub. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ay magaalada isku geedaameen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Garoonka Baraawe oo muddo burbursanaa ayaa waxaa gacan weyn ka geystay dib dayactirka lagu sameeyey ururka Midowga Yurub oo si weyn u taageera Soomaaliya.
-
Berbera (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay joojisay maalgashigii ay ku laheyd dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, sida uu qoray wargeyska Capital ee ka soo baxa Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaasi. Wargeyska ayaa daabacay in todobaadkii la soo dhaafay xukuumadda Addis Ababa ay hakisay 19% saamiga maalgashigii ay ku laheyd dhismaha iyo ballaarinta dekeddaasi. Sidoo kale warbixinta wargeyska ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay dooneyso in deked kale ay ka sameysato dalka Suudaan. “Itoobiay waxay saami ah 19% ka qaadatay horumarinta dekedda Berbera, laakiin waxa toddobaadkan la soo weriyay in mashruuca si buuxda loo joojiyay.” ayuu yiri wargeysku. Illaa iyi hadda si rasmi ah dowladda Itoobiya ugama hadlin arrinta dekedda Berbera, balse wuxuu wargeyska Capitaal wareystay wasiirka gaadiidka Dagmawit Moges oo faah faahin ka bixisay qorshaha ay ka leeyihiin dekedda ay ka sameysanayaan dalka Suudaan. Sidoo kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Somaliland oo ku aadan warbixinta wargeyskaasi. Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dhowaan dalka Imaaraadka Carabta uu ka laabtay qorshihii uu saldhigga milatari uga dhisanayey magaalada Berbere ee Somaliland.
