-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hay’adda Duulista Rayidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka fikirayaan in go’aan dhinaca socdaalka ah laga qaato dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo laga helay kiisas la xiriira. cudurka Caronavirus. Maareeyaha guud ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin oo la hadlay Voa-da ayaa sheegay in ay wadaan qorsho ay uga hortagayaan cudurka Caronavirus si looga badbaabdiyo dadka Soomaaliyeed. Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in maanta oo Isniin ah ay yeelanayaan shir deg deg ah oo ay uga hadlayaan waxa xiga maadaama shalay ay xayiraad saareen dadka ka imaanaya Afar dal oo ah kuwa ugu daran ee uu Caronavirus saameyn weyn ku yeeshay. Macallin ayaa xusay in weli ka fekerayaan in ay xayiyaraad saaraan dadka ka imaanaya dalalka Itoobiya iyo Kenya oo caabuqaas laga helay balse aysan ku deg degeyn maadaama weli uu ku cusub yahay. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka fekeraysa in ay xayiraad ku soo rogto Kenya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka ganacsiga xukuumadda Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiiska cusub oo ku saaban masharuuc lagu hormarinayo wax soo saarka dalka, kaas oo uu la galay hay’adda dhinaca horumarinta ee dalka Talyaaniga. Mashruucaan oo ay fulin doonaan hay’adaha UNIDO, ILO iyo FAO ayaa waxaa si gaar ah loogu hormarin doonaa beeraha, kalluumaysiga iyo khayraadka kale ee dalka. Munaasabadda heshiiskaan oo lagu qabtay xarunta safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, ayaa waxa si wadajir ah u saxiixay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, Injineer Cabdullaahi Cali Xasan iyo madaxa hay’adda dhinaca horumarinta ee Talyaaniga Mr. Gugleilmo Giordano, iyadoona ay goobjoog ka ahaayeen safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Muqdisho, Ambassador; Alberto Vecchi, madax ka socotay hay’adaha UNIDO, FAO, ILO iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Wasiir Cabdullaahi Cali Xasan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in mashruucaani uu ahmiyad weyn u lee yahay guud ahaan dalka, waxaana uu tilmaamay in sidoo kale lagu horumarinaayo hay’adaha dawladda ee qaabilsan dhinaca Wax-soo-saarka dalka. “Mashruucan oo ah mashruuc bilow ah, wuxu horumarin u yahay horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka iyo in la dhiso hay’adaha qaabilsan wax-soo-saarka, runtii waa mashruuc ahmiyad weyn u leh dalka oo si aada loogga soo shaqeeyey, waxaana si wada-jir ah mashruucan uga soo shaqeeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo weli ba hay’adaha dawladda ee Wax-soo-saarka dalka”. ayuu yiri wasiirka ganacsiga. Dhankiisa safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Alberto Vecchi oo isaguna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan ay garab taagan yihiin Soomaaliya, islamar ahaantaana ay diyaar u yihiin inay si xoogan u la shaqeeyaan. Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoona mashruucan lagu soo aadiyey xilli baahi looga qabay Soomaaliya.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shalay ku laabtay Magaalada Jowhar ayaa kulan la qaatay labada Gole ee maamulka Hirshabeelle. Kulanka dhexmaray Madaxweyne Waare iyo xubnaha labada Golle ee Hirshabeelle ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee degaanada maamulkaas iyo kulamadii Waare uu Muqdisho kula soo qaatay mas’uuliyiin kala duwan. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay howlaha shaqo ee horyaalla Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ay kamid tahay ansixinta Miisaaniyada dowlad goboleedka Hirshabeelle ee 2020. Afhayeenka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Waare hey’addaha deeq bixiyaasha oo uu kala hadlay sidii loo fulin lahaa qorshe Mashruuc oo looga hortagayo Fatahaadaha iyo daadadka iyadoo waayo aragnimo laga qaadanayo Fatahaadihii Sanadkii hore. Ugu dambeyn Wasiirada ka tirsan Hirshabeelle ee ku maqan Muqdisho iyo meelaha kale ayaa lagu amray in ay si deg deg ah ku tegaan Magaalada jowhar maadama la marayo xili adag lana filayo Meelmarinta Guddiyo Dastuuri ah iyo Doorasho ku dhacda xiligeeda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Golayaasha maamulkiisa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa xalay soo saaray amar lagu joojinayo dhamaan shaqooyinka leexsan oo ay qabtaan ciidamada Xoogga dalka, oo macnaheedu yahay inaysan ilaalo u noqon karin shaqsiyaad kale. Amarkaan ayaa si toos ah u saameyn doono dhamaan mas’uuliyiintii hore ee dalka oo ay ugu horeeyaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Caasimada Online ayaa heshay qaar kamid ah dadka uu go’aankaan saameyn doono oo dhamaantood xilal sare ka soo qabtay dalka waxaana masuuliyiintaasi kamid ah. Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo shalay un dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii ka horeeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda ka maqan dalka kuna sugan Turkiga. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo xilka iska casilay sanadkii 2018, kadib khilaaf soo kala dhax-galay isaga iyo Xukuumadda. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo ku sugan Muqdisho saaxiib dhowna la ah madaxda talada heysa. Dhamaan taliyaashii hore ee ciidamada Xoogga iyo kuwa booliska ee ku sugan dalka, waxaana kamid ah Gen. Indha-qarshe, Abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka General Gacma-duule, General Qaafow, General Gorod, General Caanood, General Buud, General Gorod iyo masuuliyiin kale. Sidoo kale dadka amarkaan ciidankooda ku weyn doona waxaa kamid ah taliyaashii hore ee ciidamada Badda Admiral Ufurow iyo Admiral Faarax Qare. Shaqsiyaadkaan iyo kuwa kale oo la isku dhaho VIP ama shaqsiyaadka muhiimka ayaa amarkaan ku weyn doona ciidankii ilaalada u ahaa waxaana durba soo wajahay cabsi xoog leh. Dadk badan ayaa arintaan u arka cadaadis iyo halis lagu gelinayo amaanka dad muhiim u ah qarankaan oo soo shaqeeyay Xili adag, waxaana madaxda dowladda Soomaaliya loogu baaqay in ay si deg deg ah u joojiyay amarkaan.
-
Dhoobley (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland, oo shalay gaaray degmada Afmadow, ayaa toddobaadyadii dhowaa ku sugnaa magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose, isaga oo Kismaayo si naadir ah ama lagama fursaan ah u tagay, sida furitaankii kalfadhigga baarlamanka Jubaland. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu si ku meel gaar ah ugu shaqeyn doono magaalada Dhoobley ee gobalka Jubada Hoose islamarkaana uu ka rartay Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa diyaarado loogu qaaday dhamaan ciidankiisa gaarka ahaa ee Kismaayo ku sugnaa iyo kuwii ilaalada Madaxtootada. Sidoo kale hub iyo gaadiid ayaa loo geeyay Dhoobley oo hadda ah difaacisa ugu weyn. Inkasta oo madaxda Jubaland ay sheegeen in Axmed Madoobe uu Dhoobley u joogo tababarka ciidamo cusub oo Jubaland halkaas ay diyaarineyso, haddana warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay jiraan arrimo kale oo ay ka mid yihiin:- 1 – Kismaayo waxaa ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah waxaana la sheegay in marar badan ay isku dayeen in la qabto Axmed Madoobe balse xog la helay ay ka hor istaagtay qabashada iyo ilaaladiisa oo adag. Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale horey isugu dayey inay qabsadaan garoonka Kismaayo, taasioo ay ka hor-istaageen ciidamada Kenya. 2 – Kismaayo waa magaalo ay dagan yihiin beelo kala duwan oo hubeysan islamarkaana aan ku qanacsaneen maamulka Axmed Madoobe, waxaana adkaan karta in dagaal ay ka riixeyso dowladda dhexe uu uu ka qarxiyo magaalada markaasna ay adkaato ka bixitaanka Kismaayo 3 – Duleedka Kismaayo waxaa kù sugan ciidamo ka amar qaata dowladda Soomaaliya waxaana sidoo kale Kismaayo ka soo daga diyaarado ciidamo wada kuwaas oo ku yimaada magaca Mareykanka oo saldhig ku leh Kismaayo waxa uuna dareemay in diyaaradahaas ciidamo looga keeni karo magaalada Muqdisho. Magaalada Dhoobley oo ku taala xuduuda Soomaaliya iyo Kenya waa magaalo ay ku badan yihiin beesha Axmed Madoobe waxaana sidoo kale la jooga ciidamo Kenyan ah, waana halka uu door biday inuu ku noolaado Axmed Madoobe. Saraakisha milateriga Kenya ayaa Axmed Madoobe kula taliyay inuu u guuro Dhoobley islamarkaana uu mar mar soo booqdo Kismaayo oo ah xarunta kumeel gaarka ah ee Jubaland.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Toddobaad kasta lix maalmood oo ka mid ah ayey tagaan shaqada Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna aroor walba ugu dambeyn ay shaqada galaan 7:30 am ee subaxnimo. Qaar kamid ah shaqaalaha ayaa noo sheegay in saxiixa suulka ee shaqada uu ku egyahay 7:30 am ee subaxdii haddii la dhaafana uusan shaqeynin waxaana shaqada laga soo baxaa 3:30 pm ee Galabtii. Sharcigaan ayaa si siman u qabta Haweenka uurka leh, kuwa caruurta nuujiya iyo guud ahaan shaqaalaha kale ee Villa Somalia. Haweeney kamid ah shaqaalaha dowladda ayaa noo sheegtay in haweenka markii la arko in ay aad u il daran yihiin la fasaxo 2:00 Pm ee duhurka kadib ,laakiin aysan jirin maalmo fasax ah oo la siiyo haweenka uurka leh iyo kuwa caruurta nuujiya. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in shaqada laga ruqseeyo qofkii uu saddex jeer dhaafo saxiixa shaqada lagu galo, waxaana arrintaas ku dhiban Haweenka oo ay u dheertay daryeelka caruurta iyo shaqada Guriga. “Haweenka waxaa laba bil la fasaxaa kuwa foosha ah waxaana la fasaxaa markii ay galaan xaalada dhawaashaha Foosha, 60 cisho kadibna waa ku waajib ay soo shaqo gasho” ayey Caasimada Online u sheegtay Haweeney ka tirsan shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya. Cadaadiskaan ayaa xoogiisa waxa uu saameeyaa shaqaalaha aan rasmiga aheyn ee qaata Gunada. Sidoo kale dadkaan ayaan joogto u helin lacagta Gunada ah oo ay qaataan bishii sida ay noo sheegeen qaarkood. Arintaan ayaa xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha iyo dhaqanka Soomaalida waxa uuna saameen weyn ku yeelanaya daryeelka caruurta iyo haweenka uurka leh oo aad ugu nugul xanuunada iyo dhibaatooyinka kale.
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan Karaash oo shalay hadal ka jeediyey shirka wadatashiga Puntland ee ka furmay magaalada Garowe ayaa meesha ka saaray tuhun laga qabay wada-shaqeynta isaga iyo madaxweyne Saciid Deni. Warar maalmahan la weriyey ayaa sheegayey inuu jiro khilaaf ka dhex oogan labada dhinac, hase yeeshee Karaash ayaa muujiyey in taasi aysan jirin. Karaash ayaa sheegay in isaga iyo Deni ay isku ra’yi yihiin, islamarkaana dhamaan eedeymihii uu Madaxweyne Deni u jeediyey madaxda dowladda federaalka uu ku raacsanyahay. “Hadalkii xukuumad ahaan aan dhihi laheyn madaxweynaha ayaa noo yiri, waxaana rabaa in aan ku raacsanahay wax walba oo uu halkan ka sheegay, sababtoo ah waxaa jiray dardaaran ay isimada Puntland nasiiyeen, kaas oo ahaa in marnaba aysan kala jaheysan xukuumaddu ooh al aragti laga wada yeesho wax kasta, marka waxaan cadeynayaa in uusan nagu jirin wax saluug ah oo intii aan dhihi laheyn uu madaxweynuhu noo yiri,” ayuu yiri Axmed Karaash. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in bulshada uu u cadeynayo in shirkani uusan aheyn mid looga soo hor jeedo dowladda federaalka, balse uu yahay mid looga tashanayo oo keliya aayaha Puntland, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Karaash ayaa sheegay in Puntland ay wax badani ka dhimanyihiin, isagoo carabka ku adkeeyey inay ku dadaalayaan sidii ay gacantooda ugu soo celin lahaayeen gobollada Sool iyo Sanaag oo uu sheegay in Somaliland ay ka aas-aastay jabhado. “Waxaan qirayaa in horumar weyn la gaarey, waxaan kaloo qirayaa in wax badani dhiman yihiin sida maalintii shirkii leys kugu yimid 98-dii iyo maanta waxbaa ka dhiman weli Puntland, gobollaa ka maqan. Waxaan ku dedaaleynaa in aan hanano wixii ka maqan gacanteena, Puntland oo dhameystirana aan isugu imaano shirka kan xiga,” ayuu yiri mar kale.
-
Garowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil oo maanta hadal ka jeediyey furitaankii shirka wadatashiga Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay wadahadallada loo gogol xaarayo in ay isku soo hor fariistaan dowladda federaalka iyo xukuumadda Somaliland. Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin wadahadallo dhex mara dowaladda dhexe iyo Somaliland, oo aysan qeyb ka aheyn Puntland, kuwaas oo hadii ay qabsoomaan uu ku tilmaamay kuwo xaaram ah. “Waxaa jira wadahadallo dowladda federaalka ay ku baaqday oo ay leedahay waxaan la galeynaa Somaliland, wadahadalladaas iyo ergooyinka ay dowladda federaalka sameysay, waxaan u arkaa in aysan sax aheyn xaaraamna yihiin, waxaan u sababeynayaa Soomaaliya halka lagu wado, waa mid la doonayo in wadahadalladaas ay dhex maraan koonfur iyo waqooyi oo hadii lagu heshiiyo laba gobol wax loo qeybsado, marka Puntland xagey ku dambeyneysaa? In aan ka baxno qariiradda ma yeeli doonee” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil. Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay in uu ka mid yahay xubnaha ugu sareeya ee Puntland ku metela gobollada Sool iyo Sanaag oo Puntland iyo Somaliland ay isku heystaan maamulkooda, waxuuna ku goodiyey in aysan Puntland aqbali doonin wadahadallo dhexmara dowladda federaalka iyo Somaliland oo aysan iyadu majaraha u heyn. “Anigu waxaan ka mid ahay mas’uuliyiinta Puntland ku metela gobollada waqooyiga Puntland ee Sool, Sanaag iyo Ceyn, mayeeli doono wadahadallo aysan Puntland hoggaamineyn oo inta dad meel la iskaga soo uruursado lagu ydhaho waxaad meteshaan gobolladaas anagu mayeeli doono” ayuu hadalkiisa sii raaciyey guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf. Ugu dambeyntii guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa dad reer Puntland ugu baaqay in ay iimaansadaan dowladooda inta dalku iska raacayo oo laga ansixinayo dastuur lagu heshiiyey. “Shacabka reer Puntland waxaan ku baraarujinayaa walaalayaal 21-sano iyo sideed bilood ayaan maanta jirnaa, dal iyo dowlad ayaan leenahay, hoggaan dhisan ayaan leenahay, dowlad madax banaan oo shaqeysa oo dastuurkeeda qodobka 4aad uu u ogolyahay inta Soomaali iskaga imaaneyso oo dastuur federaal ah lagu heshiinayo ayeynu nahaye, taas iimaansada oo ku shaqeeya, xuduudaheena iyo dalkeenana cidna wax ka weydii meyno”ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland.
-
Somali government announced Sunday that it banned all passengers with a travel history through the worst-hit countries from entering Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo saacadihii la soo dhaafay ay yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadd Soomaaliya ayna goob joog ahaayeen madaxda Qaranka ayaa lagu go’aamiyay in lagu dhawaaqo joojinta qaadka iyo guud ahaan duulimaadyada ka yimaada Kenya. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in inta laga hubinayo in qaadka uu keeni karo xanuunka Coronavirus, maadama gacmaha lagu soo jaro baakadano ku jirin, la joojinayo dhammaan keenista qaadka. Waxaa sidoo kale la qorshaynayaa in la hakiyo agabyada kale ee ka yimaada Kenya iyo guud ahaan duulimaadka dalkaas iyo Soomaaliya. Xildhibaan Cali Jowhar oo ah Guddomiayah Guddiga Arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in maalinta berri ah ay qaban doonaan shir ayna dowladda Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqayaan joojinta qaadka. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in kulan dhacay la isku afgartay joojinta arrintaan islamarkaana go’aanka lagu dhawaaqi doono wixii ka dambeeya maalinta berri ah. Shaqsiyaad badan ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in la joojiyo qaadka oo halis ku ah Somalia, sidoo kalane sababi kara cduurka adduunka saameeyay ee Coronavirus maadaama aan la hubin inuu gudbin karo iyo in kale. Kenya ayaa shalay shaacisay in laba qof oo hor leh dalkaas laga helay Coronavirus, laba maalin kadib markii ay shaacisay kiiskii ugu horreeyey. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan mamnuucday dadka ka imanaya afar dal oo ka mid ah kuwa uu sida ba’an ugu faafayo cudurka Coronavirus inay soo galaan dalka. Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya, oo ku taariikheysan 10-ka March ayaa lagu mamnuucay inay dalka Soomaaliya soo galaan dadka ka imanaya dalalka Shiinaha, Talyaaniga, Korea-da Koonfureed iyo Iran.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-____-Qumahana-Wararka-15032020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-____-Qumahana-Wararka-15032020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raagge ayaa warqad uu soo saaray wuxuu ku amray dhamaan Madaxda hoggaamada Ciidamada Xoogga dalka inay soo xareeyaan Askarta ku maqan Shaqada leexsan. Shaqo leexsan macnaheeda waa Ciidanka Istaafyada ah ee Xoogga dalka ka tirsan). Hoos ka akhriso bayaanka View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay in Amiirka Al-Shabaab uu la wareegay maamulka Amniyaatka gobolka Banaadir. Qoraal lasoo dhigay barta mareegta Twitter-ka ku leedahay NISA ayaa lagu shaaciyey sababta ka dambeysa arrintaas. “Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye ayaa si toos ah ula wareegay Amniyaatka ( Qaraxyada) G-Banaadir, kadib markii uu gadood ka dhashay shirqoolkii lagu dilay Muuse Macalin, iyadoo ay sii korodhay Horjoogayaasha kale ee diidan beegsiga Joogtada ah ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri. Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye ayaa si toos ah ula wareegay Amniyaatka ( Qaraxyada) G-Banaadir, kadib markii uu gadood ka dhashay shirqoolkii lagu dilay Muuse Macalin, iyadoo ay sii korodhay Horjoogayaasha kale ee diidan beegsiga Joogtada ah ee Muqdisho. — NISA (@HSNQ_NISA) March 15, 2020 Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa amar ku bixiyey in lasoo xareeyo ciidamada haya “shaqooyinka leexsan” ama ilaalada u ah shaqsiyaadka gaarka ah. Warqad 14-kii bishan kasoo baxday Odowaa ayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee talisyada ciidanka xoogga dalka lagu faray in ay soo xareeyaan dhamaan ciidamada taliskan uga maqan ‘shaqooyinka leexsan’ maadaama sida lagu sheegay warqadda ay taliska ciidanka xoogga dalka hor taallo shaqa adag. “Dhamaan taliyaasha XDS, taliyaasha qeybaha XDS, taliyaasha kulyadaha iyo dugsiyada tababarka XDS iyo taliyaasha colalka madaxa banaan XDS, waxaa la farayaa laga bilaabo 14-03-2020, in ay si degdeg ah u soo xareeyaan istaafyada ciidanka XDS ee shaqo leexsan ku maqan, maadaama taliska ciidanka xoogga dalka ay horyaalaan shaqooyin adag si ay u gutaan xilka iyo waajibaadka ka saran difaaca qaranka” ayaa lagu yiri warqadda. “Sidaas darteed dhamaan meelaha ay warqadani ku socoto waxaa lagu adkeynayaa in ay xaqiijiyaan fulinta amarka kor ku xusan”. Ugu dambeyntii warqadan kasoo baxday taliska guud ee ciidanka xoogga dalka ayaa lagu yiri, “Qeybtii aan sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo xareynin askarta uga maqan ‘shaqo leexsan’ waxaa laga qaadi doonaa tallaabo ku haboon oo sharciga waafaqsan”. Amarkan ayaa imanaya dhowr maalmood un kadib markii ay Caasimada Online ay qortay inay dood culus ka taagneyd amar lagu bixiyay in ciidanka ilaalada ah laga qaado madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dooddan ayaa u dhaxeysay xubno ka tirsan xafiisyada madaxweynaha iyo iyo taliyaha ciidamada Xoogga General Odawaa Yuusuf Raage, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. General Odawaa ayaa ka biyo diidanaa in ilaalada laga qaado madaxweynayaashii hore ee dalka, isaga oo ciidankii hore ilaalada ugu ahaa madaxweynayaashii hore ku qoray Taliska Guud taas oo ka hor tagaysa in la badalo, waxaana Odawaa ku qabsaday Madaxweynaha. Si kastaba, ma cadda waxa hadda iska beddelay diidmadii Odowaa, iyo sida amarka cusub ee uu soo saaray uu u saameynayo labada madaxweyne. Dowladda Soomaaliya ayaa damacsan tiro yar oo ciidan cusub ah u qorto madaxdii hore sida hore min laba askari loogu reebay xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo ilaa hadda muujinaya walaac iyo cabsi xoog leh. Villa Somalia ayaa cadaadis dhanka amaanka ah saartay dhamaan mucaaradka waxayna ka reebtay ciidankii ilaalada u ahaa halka qaarkoodna aad looga yareeyay tirada ciidanka ilaaliya taas oo abuurtay xaalad cabsi ah oo aad u ballaaran. Hoos ka aqriso qoraalka Odowaa
-
Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Koongo ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horeeyey ee cudurka coronavirus ah. Cudurka ayaa laga helay nin 50-sano jir ah oo ka yimid magaalada Paris waxaana la sheegay in lakarantiilay isaga xaaskiisa iyo gabadhiisaba. Cururkan oo markiisi hore kasoo bilaabowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa ku faafay meelo badan oo aduunka ah,isagoo waxyeeladiisana ay aad u badatay. 5,844 qof ayaa u dhimatay Adduunka oo dhan iyadoo 157, 300 oo qof uu hayo cudurka, Dalal badan oo Adduunka ah ayaa dalalkooda kusoo rogay xaalad deg deg ah si loo xakameeyo cudurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahin ayaa sheegay inay ka tashanayeen sidii ay meel uga soo wada jeedi lahaayeen dhibta adduunka ku soo korodhay ee xannuunka Corona Virus waxa uu gudoomiyuhu xusay inay isla meel dhigeen sidii ay ganacsatadu u kaydin lahaayeen raashinka iyo daawooyinka daruuriyaadka ah ee dalka yaala Wasiirka wasaaradda Ganacsiga,Wershahada iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Maxamud Xasan Sacad Saajin ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii looga gaashaaman lahaa xannuunka CoronaVirus oo si xoogan adduunka ugu faafaya Wasiirku waxa uu Ganacsatada ku bogaadiyey hannaanka ay u kaydiyeen raashinka iyo daawooyinka dalka yaala. Wasiirka ganacsigu waxa uu intaas ku daray in Ganacsatada iyo Xukuumadda Somaliland ay ka wada shaqaynayaan talaabo kasta oo lagu kaydinayo Cuntada iyo daawooyinka dalka gudihiisa yaala, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Nairobi)-War hadda soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in gudaha dalka Kenya laga helay laba qof oo qaba Cudurka halista ee Coronavirus, kaasi oo dunida kusii faafaya. Tirada dadka laga helay Coronavirus ee dalka Kenya ayaa haatan mareysa 3 qof, kadib markii Jimcihii lasoo dhaafay laga helay Haweeney Kenyaan ah oo ka timid dalka Mareykanka. Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo Goor-dhaweyd warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay go’aano cusub oo ku socda bahda Waxbarashada dalkaas. Kenya ayaa sidoo kale joojisay duulimaadyada dadka ka imanaya iyo kuwa u socda wadamada uu saameeyay Corono, wuxuua dadkiisa ugu baaqay iney guriga isku karan tiilaan walow ayna dowladda Soomaaliya wali joojin Jaadka ka imaada Kenya. Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la xidho dhamaan iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla dalkaas, wuxuuna sababta ku sheegay inay tahay cabsi laga qabo inuu sii faafo Cudurka Coronavirus. Cudurka Coronavirus ayaa haatan kusii faafay dalal badan oo ku yaalla Caalamka, waxaana u dhintay in ka badan 5,000 oo qof, halka kumanaan kalena uu soo ritay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA, oo dhowaanahan ka hadleysay khilaaf ay sheegtay inuu ka dhex taagan yahay hoggaanka Al-Shabaab, ayaa qoraal cusub oo ay soo saartay ku sheegtay inuu gaar heer ay gadood sameeyaan xubno. Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah “uu la wareegay” amniyaatka kooxda ee magaalada Muqdisho, kadib “gadood ka dhashay” dilkii Muuse Mucaawiye, sida ay tiri. Qoraalka NISA oo lasoo dhigay twitter ayaa lagu yiri “ Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye ayaa si toos ah ula wareegay Amniyaatka (Qaraxyada) Gobolka Banaadir, kadib markii uu gadood ka dhashay shirqoolkii lagu dilay Muuse Macalin, iyadoo ay sii korodhay Horjoogayaasha kale ee diidan beegsiga joogtada ah ee Muqdisho.” Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye ayaa si toos ah ula wareegay Amniyaatka ( Qaraxyada) G-Banaadir, kadib markii uu gadood ka dhashay shirqoolkii lagu dilay Muuse Macalin, iyadoo ay sii korodhay Horjoogayaasha kale ee diidan beegsiga Joogtada ah ee Muqdisho. — NISA (@HSNQ_NISA) March 15, 2020 Qoraalka NISA ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. 10-kii March, NISA ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Al-Shabaab ay habeenkii Isniinta degmada Bu’aale ee Jubada Dhexe ku dishay madaxii hore ee amniyaatka kooxda ee Muqdisho Muuse Macallin (Mucaawiye), kadib amar sida la sheegay uu bixiyey amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah. Isla qoraalkaas ayaa lagu sheegay in xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka Gobolka Banaadir Cumar Maxamed, iyadoo la fulinayey amarka Axmed Diiriye. Qoraallada NISA ee la xiriira khilaafka ka dhex jira hoggaanka Al-Shabaab ayaa soo billowday 3-dii Febraayo, waxaana lagu sheegay inuu salka ku hayo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka hor-yimid qaraxyada laga fuliyo magaalada Muqdisho. Xubnahaas ayaa kala ah Mahad Karataay iyo Bashiir Qorgaab, oo sida ay sheegtay uu Axmed Diiriye uu ka saaray golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay ka hayeen xarakada. Bashiir Qoorgaab ayaa waxaa kadib lagu dilay duqeyn ay ciidamada Mareykanka fuliyeen 22-kii Febraayo.
-
Jowhar (SMN) – Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta dib ugu laabtay Jowhar, caasimadda maamulkaas. Waare, oo soo dhaweynta kadib la kulmay labada gole ee dowlad goboleedkaas, ayaa amar kusoo rogay xubnaha golahiisa wasiirada. Daa’uud Xaaji Cirro, afhayeenka Waare oo wariyeyaasha la hadlay, ayaa tibaaxay in loo yeray wasiiradda aan fasaxa haysan. Wuxuu intaas ku daray in lagu amray in ay si deg-deg ah kusoo gaaraan magaala madaxda si ay ugu biiraan shirarka Xukuumadda. Ugu dambeyntii, wuxuu tibaaxay in madaxweynuhu rajeeyay in wasiiradda ay ajiibi doonan fariintaas oo qeyb ka ah isla xisaabtanka, siddu yiri. View the full article
-
Popular Contributors
