-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Illaa iyo 5 qarax ayaa saaka aroortii hore laga maqlay aagga waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo waramayaa in qaraxyadaas lala eegtay baallayaasha xambaarsan muuqaal keydiyeyaaasha qarsoon ee dhawaan lagu xiray wadooyinka Muqdisho (CCTV Cameras). Qaraxyada ayaa si gaar ah waxaa loola beegsaday baallayaasha ku yaalla inta u dhaxeyso isgoysyada Dabka iyo Sayidka. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyada kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Waa markii labaad oo qaraxyo miino lagu xirayo baallooyinka lagu rakibay Kaamirooyinkaan oo loogu talagalay in lagula socdo dhaq dhaqaaqa guud. View the full article
-
Ciidamada Kumaandooska Militariga dowladda Soomaaliya. ayaa la sheegay in ay degaanka Jannaale ku qabteen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab. Hawlgal qorshaysan oo ciidanku ka fuliyeen degaanka Jannaale iyo nawaaxigiisa, ayay ku qabteen madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Sakawaad gobolka Shabeellada Hoose, sida laga soo xigtay saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya. Sarakiisha ayaa sidoo kale sheegay, in horjoogahaas oo lagu magacaabo Maxamuud Yuusuf magaciisha Af-garashaduna yahay Mansuuur lala qabtay 7 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas la socday. Saraakiisha ciidamada, ayaa intaas raaciyay in ay weli hawlgallo kala duwan ka wadaan degaanka jannaale, oo ay maalmo ka hor la wareegeen, kadib markii ay halkaas isaga baxeen malayshiyaadka Al-shabaab oo horay u joogay. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo qabatay madaxii Sakawaadka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-190320.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo miino oo saaka aroortii laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qaraxyada oo ahaa kuwa is xig-xigay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay Kaamirooyinka CCTV ee ay laamaha ammaanka ku xireen jidka Maka Al-Mukarama. Illaa shan qarax ayaa la sheegay in lagu burburiyey qaar ka mid ah baalayaasha lagu xiray Kaamirooyinkaasi, kuwaas oo ku yaalla inta u dhexeysa isgoysyada Dabka & Sayidka Dadka Muqdisho, gaar ahaan kuwa degan hareera jidka dheer ee Maka Al-Mukarama ayaa salaadii subax mar qura ku soo toosay dhawaqa culus ee jugta qaraxyadaasi. Sidoo kale wararka aya intaasi ku daraya in qaraxyada kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed. Laamaha amniga ee dowladda federaalka ma warin wax khasaare nafeed oo ka dhashay miinooyinkaasi, marka laga reebo waxyeelada soo gaartay Kaamirooyinka. Waa markii labaad oo qaraxyo lagu burburinayo Kaamirooyinka ay dowladda ku rakibtay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Kaamirooyinkaan oo ah kuwa qarsoon ee loo yaqaano CCTV ayaa laamaha amnigu waxa ay ugu talagaleen inay kula socdaan dhaq dhaqaaqa isgoysyada qaar ee Caasimada, si ay qeyb uga noqdaan howlaha sugida amniga oo ay wadaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
-
Boqor Burhaan Boqor Muuse Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxaa saaka ku soo wajahan Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah isimada waaweyn ee degaannada Puntland. Boqorka oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa la filayaa in uu saaka soo gaaro magaalada Qardho oo ay haatan ka socoto qaban-qaabada soo dhaweyn ballaaran oo loo samaynayo Boqorka. Boqor Burhaan oo in mudda ah safar shaqo iyo mid caafimaadba ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa 27-kii February dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo uu todobaadyadii dambe ku sugnaa. Boqorka ayaa lagu wadaa in markii uu soo gaaro magaalada Qardho uu halkaasi shacab weynaha soo dhaweeyay khudbad uga jeediyo. PUNTLAND POST The post Boqor Burhaan oo saaka ku soo wajahan magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Tanzania and Somalia confirmed their first cases of the coronavirus, while Rwanda registered seven new infections raising the number of African countries affected to 30 out of 54. Source: Hiiraan Online
-
Maanta oo Khamiis ah waxaa dhaqan geliya go’aankii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku joojisay dhammaan duullimaadyada Caalamiga ah si looga hortago Caabuqa Coronavirus. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hwada xukuumadda Soomaaliya ayaa todobaadkan warbaahinta ka sheegay in laga bilaabo 18-ka bishaan gebi ahaanba in la joojinayo duulimaadkayada caalamiga ah si dad qaba xanuunkaan aysan usoo gaarin dalka loogana hortago. Go’aankaan ayaa sheegayay in laga billaabo 12-ka saqada dgexe uu dhaqangalo iyada oo sidoo kalana aysan jirin maanta wax diyaarada ah oo soo degaya sida masuuliyiin ka tirsan waaxda duista ay u xaqiijiyeen dalsan. Dhinaca kalana ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhankiisa faray dhammaan shacabka in ay joojiyaan isku imatinada iyo in la fasaxo Iskuulada Jaamacadaha iyo Shirarka lagama maarmaanka ah,isaga oo sheegay in dowladda ugu talagashay bukaanada laga helo caabuqaan in ay ugu talagashay 5-Milyan oo dollar. Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abuukar Noor ayaa shaaca ka qaadday in qof ka mid ah 4-qof oo ka yimid dalka Shiinaha laga helay kiiskaan Fayriska islamarkaana ay sheegtay in ay la tacaalayaan rajana laga qabo in uu ka bogsado. PUNTLAND POST The post Go’aannadii ay Soo Saartay Dowladda Soomaaliya oo Maanta Dhaqan-gelaya appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay magaalada Addis-Ababa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kala hadlay xiisadda ka dhalatay go’aanka ay Soomalaiya ku taageertay Masar. Soomaaliya ayaa ku biirtay qaraar ay Jaamacadda Carabta ku taageertay Masar oo aad uga soo horjeedda biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile, oo ay u aragto halis ka dhan ah biyaha Masar oo 90% laga helo webiga. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa Abiy Ahmed gaarsiiyey farriin uu ka siday madaxweyne Farmaajo oo ahayd in taageerada Soomaaliya ee qaraarka Jaamacadda Carabta aysan Villa Somalia wax ka ogeyn, balse uu ahaa ago’aan u gaar ah wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cabdulqaadir Axmed Kheyr, oo Soomaaliya u matalay kulanka. Waxaa jirta siyaasad horey loo dejiyey oo ay isla qabaan dalalka Jaamacadda Carabta, oo ah in qadiyadda mid ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururka si toos ah loo taageero, taasi oo keentay in wasiiru dowlaha uu go’aan qaato, isaga oo aan la socodsiin Villa Somalia. Sida ay Caasimada Online xog ku heshay, Abiy Ahmed ayaa ku qancay sharaxaadda Soomaaliya, isaga oo sheegay in taageearada Soomaaliya ee Masar aysan dhaawac gaarsiin karin Itoobiya, hase yeeshee uu doonayey inuu heysto taageerada dalalka Geeska Afrika oo dhan. Ma cadda in Abiy uu si dhab ah ugu qancay sharaxaadda Soomaaliya iyo inay afka un ka tahay. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan lumin karin taageerada Itoobiya, maadaama uu u baahan yahay in ciidankeeda uu adeegsado dagaalka uu kula jiro maamul goboleedyada dalka. Ciidamada Itoobiya ayaa horey loogu adeegsaday maamulka Koonfur Galbeed. Waxay sidoo kale ku sugan yihiin gobolka Gedo, ayada oo horey loogu fashilmay in loo adeegsado maamulka Jubaland, maadaama ay Jubaland taageero ka haysato ciidamada Kenya, oo Itoobiya aysan dooneyn inay isku dhacaan.
-
Mandera and Wajir counties have temporarily banned the sale and transportation of miraa to prevent possible spread of the novel coronavirus (Covid-19). Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, ee ay leedahay dowladda Itoobiya, ayaa shalay shaacisay Liiska wadamada ay joojisay duulimaadyadeeda iyo kuwa ay ka dagi doonto, xili uu aduunku wajahayo khatar ku aadan Fayruska Corona. Ethiopian Airlines ayaa sheegtay inay gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay dalal badan oo ay kamid tahay Soomaaliya, kadib markii ay Dowladdu shaacisay inay joojisay dhamaan duulimaadyadii caalamiga ahaa, marka laga reebo Somaliland. Maamulka Shirkada ayaa sheegay in duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Somaliland ay sidoodii yihiin, midasi oo u muuqata talaabo ay ku wiiqeyso go’aankii Dowladda federaalka oo iyadu gacanta ku haysa maamulka Hawada dalka. Shirkada ayaa go’aankeeda ku saleysay midkii ka soo baxay xukuumada Muuse Biixi oo ay uga reebtay dalka Itoobiya, wadamada ay joojisay duulimaadyadooda. “Duulimaadyadii caadiga ahaa ee Somaliland waxay ahaan doonaan sidoodii, maadama ay shaqeynayaan garoomadii diyaaradaha ee Somaliland” ayaa lagu yiri Qoraalka shirkada Ethiopian Airlines. Dowladda Soomaaliya ayaa hore u mamnuucday dhamaan duulimaadyada caalamiga ah, kuwaasi oo ay kamid yihiin duulimaadyada ka imaanaya dalka Itoobiya, halka Somaliland oo iyadu ku dooda inay tahay dowladd ka madax banaan Soomaaliya aysan joojin duulimaadyada Itoobiya. Ma cadda go’aanka ay Dowladda federaalku ka qaadan doonta Duulimaadyada ay Ethiopian Airlines ku tageyso Somaliland, maadama ay jabineyso go’aanada looga hortagayo faafida fayruska faraha ba’an ku haya Dunida, isla markaana ay ku wiiqeyso jiritaankeeda.
-
Ilaa 5 qarax ayaa la maqlay Aroornimadii hore ee saakay, waxaana la sheegay in ay ahaayeen Miinooyin lagu dhajiyay Kaamirooyinka lagu xiray Wadada Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho. Dadka ayaa hurdada uga soo salalay (kacay) jugta Qaraxyada, waxaana xigay Rasaas ay rideen Ciidamo katirsan Kuwa ammaanka Dowladda Soomaaliya. Kaamirooyinka qaraxyada lagu dhajiyay waxaa jidadka Caasimadda gaar ahaan isgoysyada ku xiray Laamaha ammaanka dowladda Federaal si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada Gaadiidka iyo Dadka. Lama soo sheegin Waxyeelo nafeed oo ka dhalatay Qaraxyadaas lagu xiray Kaamirooyinka Wadada Maka Almukarama, balse waxaa lasoo warriyay in waxyeelo ay gaarsiiyeen Kaamirooyinka. PUNTLAND POST The post Kaamirooyin ku xirnaa waddooyinka Muqdisho oo la qarxiyay appeared first on Puntland Post.
-
Janaale (Caasimada Online) – War kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay in howlgallo ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen gudaha iyo daafaha deegaanka Janaale ay kusoo qabteen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo dagaalamayaal uu watey. Sarkaalka Shabaab ah ee ciidamadu ay soo qabteen ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamuud Yuusuf Maansuur, waxuuna Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta canshuuraha, gaar ahaan Zekawaatka, sida lagu sheegay warkan oo ay baahisay Idaacadda codka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Sidoo kale sarkalkaan ayaa lala qabtay todoba ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo la socday, waxaana la sheegay in haatan ay ku socdaan baaritaano ay ku wadaan ciidamada militeriga Soomaaliya oo maalmo ka hor Al-Shabaab kala wareegay gacan ku heynta deegaanka Janaale. Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo lahadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay ciidanka xoogga dalka ay Janaale iyo degaanada hoos taga ka wadaan howlgallo ay ku xaqiijinayaan ammaanka. Taliyaha ayaa sheegay in illaa hadda howlgalladaas lagu soo qabtay sarkaalkaas iyo dagaalamayaasha kale, waxuuna sheegay in ninkan uu ahaa madaxii Zekawaatka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Al-Shabaab maalmo ka hor kala wareegay deegaanka Janaale oo ay maamulayeen in ka badan 10 sano, waxaana xusid mudan in maalmihii u dambeeyey ee Al-Shabaab ay maamulayeen deegaanka Janaale uu marti geliyey duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay, in ay dhisayso ciidamo hal dhinac ka raran oo aan isu dheeli tirnayn, islamarkaana Khatar ku ah amniga iyo Xasiloonida dalka. War-muriyeedkii ka soo baxay Shirkii Garoowe, ayaa qodob kamid ah lagu xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay baal-martay Heshiiskii dhismaha Ciidan Qaran oo la saxiixay sannadkii 2017, kaasi dhigayay in dalka loo dhiso Ciidamo Qaran oo midaysan. “Wuxuu Shirweynuhu walaac ka muujiyey in ay dowladdu dhiseyso ciidan dhinac u raran oo aan isu’dheelii tirnayn khatarna ku noqon kara Amniga, Xasiloonida iyo Wadajirka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Shirweynaha Wada-tashiga Puntland. Sidoo kale, Qoraalkaas ayaa lagu sheegay in Shirweynuhu xukuumadda Puntland ugu baaqayo in ay la-xisaabtan adag la gasho dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha ku gacan-siiya Tababarka ciidamada, si wax looga weydiiyo Ciidamada halka dhinac ah ee la hubaynayo. Xukuumadda Puntland, waxay marar kala duwan ku cel-celisaa, in Hannaanka Tababaridda iyo Qalabeynta Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, uu yahay mid dhinac u raran oo Beelo gaar ah la hubaynayo, balse uusan ahayn mid lagu dhisayo Ciidamo Qaran oo midaysan. Isha: Puntland Post
-
Haddiiba dowlad goboleed go’aaminayo jihada dalka uu aadayo, sharciyada dalka laga hirgelinayo, nooca doorashada ee la qaadanayo, tubta loo marayo wadahadalada Koonfur & Waqooyi, qaabka loo maareynayo deeqaha dalka iyo tilaabo kasta oo dowladda dhexe ee aan wakiilanay ay qaadeyso, soo markaas ma noqonayso inaanba loo baahneyn dowlad dhexe oo Federaal ah oo leh laamaha sharci-dejinta, garsoorka iyo fullinta ee cid walba gobolkooda iyo kaabaha qabiilkooda haku daba faysho, hana iska iloowdo dowlad Soomaaliyeed oo xor ah, awoodna u leh bixinta adeegyada aasaasiga ah ee uu shacbiga u baahan yahay. Haddii kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaankooda ha looga dambeeyo, hana lagu xushmeeyo hoggaaminta dalka iyo iney si nabadi ku jirto ku maareeyaan 4ta sano ee loo igmaday iney hoggaamiyaan dowladnimada dalka. Soomaaliya wey heshiisay, waxayna ku heshiisay dowlad Federaal ah. Dowladda dhexe ee Federaalka oo ka kooban hay’adaha sharci dejinta, xukuumadda, iyo garsoorka ayaa dastuurku awood u siinaya fulinta waajibaadka shaqo ee qarankeena horyaala. Haddaba, aan uga dambeyno waajibaadka shaqo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya uu Dastuurka Kumeel gaarka ah u oggolaanayo. Maamul goboleedkii wax tabanaya xildhibaanada labada aqal ugu jira iyo wasiirada xukuumadda ku matela ha soo gaarsiiyeen, hana kula xisaabtameen. Runtii waa ayaan-darro weyn in qiyaasitii ku dhawaad 2000 oo indheer-garadka Puntland ah inta meel la isugu keeno, saddex maalmood laga hadalsiiyo, deetana warqad ajendaheeda iyo qoritaankeeda Boosaaso lagu soo diyaariyay lagu dul akhriyo! Puntland shir wada tashiya oo dhaba ayay u baahan tahay, waxay u baahan tahay shir lagu qiimeeyo 20 sano kadib waxa uu Puntland ka halaysan iyo waxa u hagaagsan. Puntland waxay u baahan tahay indheer-garad (elite) ka madaxbanaan dhaqanka iyo siyaasadda hada jira. Waxay si dhab ah Puntland ugu baahan tahay shir weyne loo simman yahay oo lagu qiimeeyo waxa hortaagan in 20 sano kadib Puntland laga fullin waayo: 1) Tirikoob (Census) 2) Jaangoynta Degmooyinka (Redistricting) 3) Dhismaha Hay’adaha Dowladda (PL Institutions) 4) Dowlad Wanaagga (Good Governance) Shan sano kasta Puntland waxaa yimaada hoggaamiye mandatekiisu yahay horumarinta muuqaalka dowladda Puntland iyo in la gaarsiiyo Puntland doorasho qof iyo cod ah, lagana gudbo 66 Xildhibaan ee qabaliga ku dhisan, lana hirgeliyo dowladnimo casri ah. Bal wax uu danta reer Puntland iyo tan Soomaaliyeed taro iska iska dhaafe, danta kuwa reernimada ku daafacaya ayuu dhaafsadaa shilimaadka yar-yar ee ay Imaaraadku u soo siyaan hagar daameynta sharafka & qaranimada ummadda Soomaaliyeed. Ogooow Puntland waxay xiriirka u jartay oo aysan la shaqeyn dowladdii Cabdiqaasim, tii Cabdulaahi Yuusuf (AUN), Dowladdii Sheekh Shariif, dowladdii Xassan Sheekh iyo dowladda Farmaajo intaba, wakhtiyo iyo sababo kala duwan. Marka ma intaas oo dhan ayaa wada khaldanaa mise inaga caqligeena lagu ciyaarayaa! Ogoow shacbiga Puntland oo aan aniguba kamid ahay waxaan u dulmanahay siyaasiyiin manaxayaal ah oo ay naxariistii banii-aadanino ka guurtay, tii islaanimana aysan nooga muuqan 20 sano kadib. Waa muhiim in qof walba oo fikirka xor ka ah uu daraaseeyo sooyaalka taariikheed iyo xaaladaha dhabta ah ee Puntland ka taagan. 20 sano kadib Puntland doorasho qof & cod ah kama dhicin, labana isma weydiin! 20 sano kadib Sool, Sanaag badankiis iyo Cayn Puntland kama taliso la ismana weydiin! 20 sano kadib ma jiro ciidan qarameysan oo qalabeysan oo daafici kara xuduudaha Puntland, cid isku soo qaadeyna ma jirto. 20 sano kadib ma dhisna wadada Gaalkacyo & Garoowe, shilalkuna waxay uga dhacaan si joogta ah la ismana weydiin! 20 sano kadib maamulka gobolada, gollayaasha deegaanka iyo garsoorkaba waxaa digreeto ku soo magacaaba hadba madaxweynaha jooga la ismana weydiin! Federaalna waan daafaceynaa! 20 sano kadib ma dhisna wadada Laascaano-Garoowe shilalkuna waxay uga dhacaan si joogta ah, la ismana weydiin karo! 20 sano kadib ma dhisna wadada Gaalkacyo iyo Galdogob, shilalkuna waxay uga dhacaan si joogta ah la isma weydiin! 20 sano kadib ma dhisna wadada Garacad iyo Gaalkacyo, la isma weydiin karo! 20 sano kadib ma dhisna wadada Ceel-Daahir-Ceerigaabo, la ismana weydiin. 20 sano kadib lama wada hayo, beelihii, dhaqankii iyo siyaasiyiintii wada dhisay Puntland, la ismana weydiin! Intaas iyo in kale oo badan oo ay tabayaan shacbiga dulmanayaasha ah ee Puntland ku dhaqan ayaa kadib siyaasi dantiisa raacdeysanaya inta uu iska indha tirro dareenkeena nagu dul akhrinayaa warqad indhacadeys ah oo lagula xisaabtamayo madaxweyne iyo xukuumad saddex sano kaliya xafiiska joogay. Runta kolay lama jecle, waxaan hadalkeyga ku soo xoorinayaa oo aan ku talin lahaa in la dhawro rajada, yididiilaha iyo kalsoonida shacabka reer Puntland ee dhalinyarada u badan loo turo, loogana tago dhaxal wanaagsan oo taariikhda u gala. Waxaa wanaagsan in Puntland ay tusaale u noqoto maamulada kale marka laga eego tanaasulka, u turista shacbigeeda & dowladnimada dalka iyo sidoo kale ka run sheegidda hooyonimada dowlad dhisidda casriga ah ee dalka hooyo. Hanala timaaddo jid iyo jiho loo raaco. Puntland hurdada haka toosto, Soomaaliyana ha guuleysato. W/Q: Abdiqafar Shire AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Somali PM Hassan Ali Khaire and a delegation he was leading have arrived in the Ethiopian capital, Addis Ababa on Wednesday amid improving ties between the two neighboring countries. Khaire has received a cordial welcome from Abiy Ahmed upon arrival at the presidential palace, where both Prime Ministers held high-level talks on a range of issues, including bilateral relations and security. A statement from Somali PM’s office said the two leaders have also discussed ways to cooperate on the fight against the Covid-19 pandemic in Somalia and Ethiopia after the countries confirmed the first cases. The PM has returned to Mogadishu last night after concluding his hours-long visit to Addis Ababa. Somalia’s Federal Government has on Monday recorded its first case of Coronavirus after a Somali man recently returned from China, the worst affected country in the world was diagnosed with the virus. The FGS said Tuesday it has suspended all international flights with immediate effect on March 18 as part of the ongoing measures to contain the spread of the Covid-19 the country. The flight suspension will last for 15 days. The government has temporarily shut down all schools in the country and urged citizens to be more vigilant and take health guidelines provided by the ministry of health. View the full article
-
U.S. Africa Command isn’t expecting its mission to build up Somalia’s Danab Advance Infantry Brigade to end anytime soon. As the Pentagon weighs adjusting troop presence in Africa and elsewhere, AFRICOM is predicting it will continue to develop the so-called “Lightning Brigade” until 2027 — approximately a decade after the U.S. Special Operations forces first got involved training the specialized infantry to combat al-Qaida offshoot al-Shabab, who has between 5,000 to 7,000 militants in Somalia. “The Danab is a capable force, especially there in Somalia,” AFRICOM’s deputy director of operations Army Brig. Gen. Miguel Castellanos told Military Times. “I think our engagement on a day-to-day basis with the Danab soldiers is very helpful for them to get the experience and see the professionalism of our forces.” Since the Danab was first formed in 2013, the force has expanded from approximately 150 personnel to between 800 to 1,000 troops. Ultimately, Castellanos said the goal is build up a force of 3,000 Danab troops. Before working with U.S. military advisers, those training to become Danab forces first work with Bancroft Global Development, a nonprofit organization who works with the State Department to recruit and train Danab forces, a State Department official in the region told Military Times in 2019. The personnel are then handed over to U.S. military advisers for additional training in advanced warfighting techniques, among other things. AFRICOM did not disclose which military units are in Somalia training the Danab, citing force protection considerations. After years of training with U.S. troops, the Danab forces now are conducting most missions on their own, according to Castellanos. “That training is going well…I would say most of the time they are able to go out on their own and perform missions on their own,” Castellanos said. “It’s becoming more and more common that they’re doing this.” Castellanos credited the Danab forces’ improvement to experience. Likewise, he said U.S. troops who rotate in and out of Somalia have often served in Somalia previously and are therefore familiar with the Danab troops. Meanwhile, recruitment of new Danab forces has slowed in recent months — an outcome Castellanos attributed to difficulties the Federal Government of Somalia has had finding “appropriate soldiers.” The federal government also has a tendency to become sidetracked when not focusing on establishing security or combating al-Shabaab, he said. “I think part of it’s just been that slow building for the government to provide soldiers,” Castellanos said. For some experts, this is cause for concern — particularly given that Somalia is poised to take over security responsibilities from the peacekeeping African Union Mission in Somalia forces by 2021. According to Katherine Zimmerman, a resident fellow at the American Enterprise Institute and an adviser to AEI’s Critical Threat Projects, there are some uncertainties after this turnover happens. “I think the real concerns that I have are going to be whether this force continues to build…if you’re looking at the timeline that we’re operating on, there’s the looming 2021 deadline with the AMISOM forces and kind of this big question of what comes next after that,” Zimmerman told Military Times. The AMISOM mission is backed by the United Nations and was first launched in 2007 to enhance stability in Somalia. Paul Williams, a professor of international affairs at George Washington University, doesn’t believe the Danab and the rest of the Somali National Army will be adequately prepared by 2021 to counter the threat of al-Shabab and provide stability for Somalia as nearly 20,000 AMISOM forces scale back their mission. Although the Danab units remain the “most effective” in the Somali National Army, Williams said they don’t have the capacity to “do everything” and advised Somalia politicians against diverting Danab forces from missions they’ve been trained to do, such as offensive operations. “Somali politicians must guard against the desire to break up the units or use them for missions they are not trained to conduct, including holding operations,” Williams said. Historically, experts have voiced similar skepticism regarding the Danab’s ability to independently counter al-Shabab. For example, EJ Hogendoorn, then-deputy program director for the International Crisis Group’s Africa program, told lawmakers on the Senate Foreign Relations Committee in March 2018 that Danab forces were “not enough to take on al-Shabab” and provide stability in Somalia. Likewise, he said that the Somali National Army was “poorly coordinated” and that it’s ability to operate was crippled due to “massive corruption.” AFRICOM nevertheless remains optimistic, and Castellanos said the maturing of Danab troops in recent years has rendered “positive” effects for the Somali National Army, who look up to the elite forces. Specific areas where the Somali National Army has improved include the ability to better keep terrain from al-Shabab, he said. Once the Danab forces reach 3,000 troops, it’s uncertain what that would mean for the U.S. training mission and whether the Danab forces would be entirely self-sufficient. But Castellanos signaled that some U.S. involvement was likely and would prove beneficial in the future. “I think it’s going to probably depend on the circumstances,” Castellanos said. “I think right now, based on the last year, I would say that if we continue to have episodic engagements with the forces, I think that’s probably going to be helpful just to maintain their level of ability and capability.” Additionally, as Danab troops retire or exit the service, Castellanos stressed the value of some U.S. engagement to train new crops of troops who join the Danab forces. “I think we’re always going to have that little presence there where we’re able to…retrain, and reexamine, reassess the capabilities of those teams,” Castellanos said. In addition to training Danab forces, the U.S. has also stepped in to conduct airstrikes against al-Shabab in Somalia. Strikes have ramped up under the Trump administration and AFRICOM conducted a record number of 63 strikes in 2019 in Somalia. So far, the command has conducted 26 air strikes in 2020 — a pace that “lightly exceeds” that of 2019, according to AFRICOM spokeswoman Navy Lt. Christina Gibson. Across the entire African continent, the Department of Defense has approximately 6,000 personnel. There are between 650 to 800 U.S. troops in Somalia at any given time. Those troops are essential in Somalia to quash the threat of al-Shabab — particularly to the U.S., according to Castellanos. However, the U.S.’s current footprint could change, given the Pentagon’s review of all the combatant commands as the Pentagon directs attention to Russia and China. While AFRICOM has said that al-Shabab has a desire to attack the U.S. homeland, the command does not believe that the al-Qaida offshoot has the capacity to do so. “Al-Shabab is a disease to the people of Somalia and the broader international community,” AFRICOM spokesman Air Force Col. Chris Karns told Military Times. “The ounce of prevention we provide to this international effort strengthens our partnership and helps disrupt al-Shabab’s vision, desire and appetite for destruction.” Source: MilitaryTimes.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf culus ayaa soo kala dhex galay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wasiiru dowlaaha Cabdulqaadir Axmed Khayr, oo warqado is-burinaya isugu jawaabay. Warqadahan koowaad ayaa xilka looga qaaday Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda wasaaradda, halka tan kalena lagu buriyey warqadaas tilmaameysa xil ka qaadista. Warqadda koowaad oo kasoo baxday xaafiiska wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Cabdulqaadir Axmed Kheyr ayaa ku socotay xisaabiyaha guud ee Qaranka, waxaana loogu gudbiyey saxiixa Shirwac Cabdullahi Ibraahim oo warqadaas loogu magacaabay in uu noqdo agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah. Warqad kale oo kasoo baxday xaafiiska wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad oo lagu socodsiiyey guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda, ayaa lagu buriyey magacaabista iyo saxiixa uu gudbiyey wasiiru dowlaha wasaaradda Cabdulqaadir Axmed Kheyr. Sidoo kale wasiir Cawad ayaa dhamaan hey’adaha lagu socodsiiyey warqadii hore ku wargeliyey in uu buriyey magacaabistaas oo sida lagu xusay qoraalka kusoo baxday sifo sharci darro ah. Dhowr hey’adood oo lagu xusay warqadda kasoo baxday xaafiiska wasiir Cawad ayaa sidoo kale lagu xusay in Saciid Aadan Jaamac uu weli yahay agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo is kaashiga caalamiga ah. Hoos ka aqriso labada warqadood
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-____-Qumanha-Wararka-18032020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhaw soo saartay warbixin kale oo la xariirta halka ay marayaan dadaalada looga hor tegayo cudurka Coronavirus iyo hadii ay jiraan dad kale oo uu Soomaaliya kusoo ritay feyruskaas. Wasaaradda caafimaadka ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in bulshada Soomaaliyeed ay u xaqiijineyso in uusan jirin qof kale oo uu soo ritay cudurka Corona oo ku sugan dalka. Sidoo kale qoraalka wasaaradda ayaa lagu xusay in qofkii horay loo shaaciyey oo kaliya illaa hadda laga hayo kiis la xariira cudurkaas, isla markaana ay jiraan dad kale oo loo karaantiilay xabsi laga qabo in ay kasoo baxaan calaamado la xariira Coronavirus. Wasaaradda caafimaadku waxa ay sheegtay in lagu daba jiro dhamaan dadkii la socday diyaaradii Muqdisho keentay halka ruux ee laga helay cudurkaas, kuwaas oo mudo laba toddobaad ku dhaw dalka jooga. Halkan hoose ka aqriso war-saxaafadeedka wasaaradda caafimaadka Kadib xaqiijintii kiiska bukaanka qaba xanuunka COVID-19, Wasaaradda Caadimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay umadda Somaliyeed la socodsiinaysaa inuusan jirin kiis kale oo laga shakiyay ama la xaqiijiyay Kiiska la xaqiijiyay waxa uu wadanka kasoo galay dibadda, waxay Wasaaradda ku dadaalaysaa in laga hortago faafidda xanuunka ee gudaha waddanka Wasaaradda waxay ku daba-joogtaa dhamaan rakaabkii diyaaradda la saarnaa qofka la xaqiijiyay inu qabo cudurka COVID-19. Dawlada waxay u qoondeysay 5 milyan oo Dollarka Maraykan ka ah guud ahaan dalka si loo xakameeyo faafida cudurka Wasaaraddu waxay furtay lambarka Gurmadka Caafimaadka degdegga ah 449. Qofkii u baahdo macluumaad ama talo la xariirta cudurka COVID-19 ama isaga shakiya ha waco 449 Waxa garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho lagu diyaariyey xarunta karantiilka dadka looga shakiyo cudurka Waxa isbitaal De Martino ee magaalada Muqdisho loo qoondeeyay inu noqdo xarunta daaweynta bukaanada la xaqiijiyo inay qabaan cudurka COVID-19. Waxa ay Wasaaaraddu qorsheynaysaa in wadanka la keeno agabka lagu xaqiijin karo cudurka COVID-19 sida ugu dhaqsiyaha badan. Si looga hortago cudurka faafidiisa, dawladda waxay joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee wadanka imaanayey ama ka baxayey laga bilaabo 19ka Maarso 2020. Sidoo kale waxa ay dawladdu fasaxday dhamaan iskuulladii, waxayna joojisey isu-imaatinka dad-weynaha Isha kaliya ee wararka xaqiiqda ah ee la xiriira cudurka COVID-19 waa Wasaaradda Caafimaadka heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed. Dhammaad
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyo xooggan ayaa caawa laga maqlay xarunta Xalane iyo agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inay maqleyn ugu yaraan afar qarax, oo ay u maleynayaan inay yihiin hoobiyeyaal lagu soo tuuray xarunta Xalane. War kasoo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta taageerta ayaa lagu sheegay inay madaafiic ku tuureen xarunta Xalane. Madaafiicda lagu tuuray xarunta Xalane ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegeen in loo adeegsaday qoriga loo yaqaano Hoobiyaha, in kastoo aan lagu sheegin warkan halka laga soo riday. “Mujaahidiinta ayaa illaa 5 mafac lahelay xerada Xalane oo ay deganyihiin ciidamada duullaanka kusoo qaadday dalka Soomaaliya, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Ma jiraan wax warar ah oo laga heli karo gudaha Xalane, oo la xiriira khasaaraha ka dhashay madaafiicda. Al-Shabaab ayaa dhaw mar weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaaday xarunta Xalane oo ay ku shaqeeyaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howgala dalka, isla markaana ay ammaankeeda sugaan ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM oo si weyn u ilaaliya xaruntaas.
-
Popular Contributors
