Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. War-saxaafadeed:- ”18-kii March 2020, Horizon Institute, waxa uu soo saaray codsi uu u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inuu talaabo degdeg ah qaado si xanuunka COVID-19 looga ilaaliyo dadka ku jira xabsiyada iyo saldhigyada booliska Somaliland. Gaarahaana, Horizon waxa uu ka dalbaday madaxweyne Biixi inuu amar ku bixiyo in la sii daayo dadka xidhan ee aan galin dambiyada culculus iyo rabshadaha, gaar ahaana dumarka maxaabiista ah ee uurka leh, tanina waa khatar gaar ah oo CoOVID19 ah in ay somaliland kaga timaado dhinaca xuduuda. Isla maalintaas, 18-kii March, haweeney uur 8 bilood ah leh ayaa damiin lagaga siidaayay Saldhigga Booliska Wajaale halkaas oo ay ku xukunayd xukun saddex sano ah iyo ganaax ah inay ka ganacsanaysay khamri. Waxaa la xukumay 31 Dicember 2019, waxaanu uurkeedu soo baxay isla markii boolisku xidheen 25-kii December. Way qiratay oo ciqaabtu si dhakhso leh ayey u dhacday. Waxaana loo diray inay xukunkeeda ku qaadatp saldhiga boolis, oo ah xarun aan lahayn adeegyo caafimaad, gaar ahaan haweeneyda uurka leh. Wadamada kale, sida Brazil, waxay leeyihiin shuruuc lagu daryeelo haweenka uurka leh dumarka jaqsiinaya iyo caruurtoodaba marka ay marayaan xukunada ciqaabeedka inay ku qaataan xabsi guri. Arintani kama dhacdo Somaliland. Ilaalinta dheeriga ah ee dumarka uurka leh iyo kuwa nuujiyaba waxay maraan sharciga ah in dib loo dhigo ciqaabta dilka ilaa ilmuhu ka dhasho ama hal sano jir gaadho ama uu helayo daryeelka qoyska. Sababtoo ah maqnaanshaha sharcigan daryeelka, garsooraha ayaa maraya ikhtiyaarkiisa oo kaliya, iyada oo la eegayo qirashadeeda, in la xukumo. Markii kooxda Sharciga ee Horizon ay la kulmeen haweenaydaasi 4-tii March, xaaladdu waxay ahayd mid aad u xun. Uurkeeduna wuxuu ahaa mid marxaladihii u dambeeyey maraya waxay la kulantay arrimo caafimaad iyadoo la raacayo shuruudihii xadhiga. Taliyaha saldhigga booliisku wuxuu codsaday in kiiskeeda ahmiyada koowaad la siiyo kaalmada sharciga, isagoo og in xaruntiisu aanu u qalabaysnayn inay caawiso haweeney umulaysa. Kooxdayadu waxay ogeysiisay qoyskeeda waxaamau bilaabeen inay kala shaqeeyaan iyaga si loo sugo siideynteeda. Waxaanu ka caawinay qoyska inay haweenayda geeyaan dhakhtar, in la isku dubarido waraaqaha lagama maarmaanka u ah codsashada damiinka iyo aanu u diyaarinay inay la hadlaan xaakimka. Waa lasii daayay hadana waxay ku sugan tahay gurigeeda. Si kastaba ha noqotee, ma dhammaan. Si aan macquul ahayn, dacwad-ooguhu wuxuu racfaan ka qaatay go’aanka garsooraha oo uu wali sii raadinayo xukunkiisa, in kasta oo aanay jirin Somaliland meel u qalabaysan oo lagu xidho haweenayda uurka leh oo lagu daryeelo iyada iyo ilmaheeda markay umusho. Tani waxay khatar gelineysaa haweeneyda iyo ilmaheeda mustaqbalka, gaar ahaan hadda oo ah wakhtiga coronavirus. Horizon waxaay ugu baaqaysaa xeer-ilaalinta in ay laasho racfaanka aan loo baahnayn. Source
  2. (SLT-Sweden)-Wiil Soomaali ah oo dhowaan lagu dilay dalka Swedan ayaa shalay lagu aasay Dalkaasi. Allaha u naxariistee Ilyaas Cabdiraxmaan Shiikh Muxudiin oo ahaa wiil 16 sanno jir ah ayaa lagu dilay magaalada Gutenberg, waxaana ka soo qeybgalay dhamaan jaaliyada Soomaalida. Booliska Sweden oo muddo toddobaad ah baadhitaan ku aadan cidda ka dambeysa dilkaan ayaa ugu dambeyn u ogolaaday ehelada Ilyaas in la aaso. Aabbaha dhalay Ilyaas oo lagu magacaabo Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Muxidiin Celi oo la hadlay Universal Tv ayaa sheegay in uu cafiyay ciddii ka dambeysay dilka Wiilkiisa. Shiikh Cabdiraxmaan ayaa dhanka kale sheegay in uu rajeynayo in wiilkiisa uu noqdo dhibanihii ugu dambeeyay oo lagu dilo Sweden. Dalkaan ku yaalla qaarada Yurub ayaa mudooyinkaan waxaa ku sii kordhayay dilalka dhalinyarada Soomaalida ah. Source
  3. (SLT-Madrid)-Madaxweynihii hore ee Kooxda kubadda cagta Real Madrid Lorenzo Sanz ayaa geeriyooday isaga oo ay da’diisa aheyd 76 sanno, kaddib markii uu ku dhacay cudurka Coronavirus. Lorenzo Sanz ayaa Cisbitaal loola cararay salaasadii la soo dhaafay, kaddib markii ay qabatay xumad, waxaana baadhitaan lagu sameeyay kaddib lagu ogaaday in laga helay cudurka Coronavirus. Sanz ayaa ahaa Madaxweynaha Kooxda kubadda cagta Real Madrid sanadihii 1995-2000, waxaana xilliyadaas ay Real Madrid ku guuleysatay laba jeer Koobka Champions League. Cudurka Coronvirus ayaa adduunka oo dhan si safmar ah ugu faafay, iyadoo uu soo ritay kumanaan qof, waxaana cudurkan uu sababay in adduunka oo dhan ay hakad geliyaan dhaq dhaqaaqyadii isu socodka duulimaadka, si looga hortago faafida cudurkan. Source
  4. Howlgal ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegeen in ay ku soo qabteen madaxii sirdoonka Al shabaab ee gobalkaasi, sida ay qortay warbaahinta dowladda. Howlgalkan oo si gaara uga dhacay nawaaxiga deegaanka Janaale ayaa ciidanka xoogga waxa ay sheegeen in madaxii Al shabaab u qaabilsanaa gobalka Shabeelaha hoose oo ay magaciisa ku sheegeen Xasan Suleyt Ganeey ay gacanta ku soo dhigeen. Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogg Dalka Sareeyo guut o Cabdixamiid Maxamed oo ku sugan deegaanka Janaale ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in sarkaalkani ay ciidanka ka soo qabteen Janaale, isagoo dhuumaaleeysanaya kadib howlgalo ciidanka ay ka wadaan Janaale iyo nawaaxigiisa. Taliyaha ayaa tilmaamay in haatan ay korortay wada shaqeeynta ciidanka iyo dadka deegaanka, taasi oo suuragaliyay buu yiri in ay helaan xog fiican. Ma jirto wali wax wara oo ka soo baxay Al shabaab oo ay uga hadlayaan sheegashada dowladda ee ah in ay gacanta ku dhigeen madaxii sirdoonka Al shabaab ee gobalka Shabeelaha hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay, Soomaaliya ee UNSOM ayaa qoraal kooban uu soo saaray waxaa lagu soo dhoweeyey qorshaha madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) uu ku imaanayo gudaha magaalada Muqdisho. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay si weyn u boggaadineyso in madaxweyne Deni uu yimaado Muqdisho, si uu wadahadallo ula yeesho madaxda ugu sarreysa ee dalka. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in wafdigii dowladda federaalka ku matalay shirkii wadatashiga Puntland ee Garoowe lagu qabtay ay qeyb libaax leh ka qaateen booqashada la qorsheynayo in madaxweynaha maamulkaasi uu Muqdisho ku yimaado. Dowladda dhexe ee federaalka iyo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa horay uga dhexeeyey muran siyaasadeed oo salka ku haya bixinta Shahaadooyinka Qaranka ee dugsiga sare, walow xubno Puntland ka soo jeeda oo ka tirsan dowladda federaalka ay horay u sheegeen in murankaasi laga gaaray heshiis hordhac ah. View the full article
  6. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ciidamada Booliska Soomaaliya xalay ay ka sameeyeen gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa ka dhacay waaxda Xalane ee degmadaasi, iyadoona lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in dhalinyarada la’isugu geeyey goob, baaris kadibna la sii daayey qaarkood, halka kuwa laga shakiyey la xiray. Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa horkacayey howlgalka, iyaga oo sheegay in ujeedkiisa uu ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga. Maalmihii ugu dambeeyey, gaar ahaan xiliiyada habeenkii ah ayaa waxaa degmada Wadajir ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo cabasho ay ka muujinayeen dadka deegaanka. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-220320.mp3 View the full article
  8. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka SAAB, ayaa faahfaahin ka bixiyay caqabadaha keenay, in uusan sidii la rabay u fulin Heshiiska DP World ee dhismaha iyo ballaarinta dekedda magaalada Boosaaso. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in caqabadaha uu la fuliwaayay Heshiiska dekedda Boosaaso ay isu’gu jiraan kuwa laga garaabi karo iyo kuwa aan laga garaabin Karin oo hor-istaagay in uu si rasmiya u fulo Heshiiskaasi DP World. Caqabadda laga garaabi karo ee dib u dhigtay fulinta Heshiiska, ayaa madaxweyne Deni ku tilmaamay dilkii Paul Anthony Formosa oo ahaa madaxa P&O u qaabilsanaa dekedda Boosaaso, kaasi oo 4-February-2019 lagu dilay gudaha magaalada Boosaaso. Mudane Deni, ayaa sheegay in dilka sarkaalkaas uusan ahayn fal argagixiso oo keliya, balse uu ahaa qorshe lagu curyaaminayey hormarinta iyo dib u casriyeynta dekedda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, islamarkaana dilkiisu uu sumcad-xumo u keenay hormarinta iyo maal-geshiga Puntland. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay waddo dadaal xooggan oo ku wajahan, sidii loo fulin lahaa Heshiiska DP World ee dhismaha iyo ballaarinta dekedda Boosaaso, isagoo ballan-qaaday in dhowaan isbeddel muuqda laga arki doono dekedda Boosaaso. Dekedda Boosaaso, waxaa gacanta ku haysa shirkadda DP World kadib markii ay heshiis kula wareegtay 6-bishii April-2017, islamarkaana uu Baarlamanka Puntland ansixiyay 27-kii bishii July ee isla sannadkaas. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxa shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, ayaa xilligaas qalinka ku duugay in DP World ay mudda 30-sannadood ah maamusho dekedda. Nuxurka heshiiskaasi ayaa lagu sheegay in shirkadda DP World, ay ballaarin iyo casriyeyn ku samayso dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, mudda laba sannadood gudahood ah, iyadoo lagu kordhinayo 450 mitir oo ballac ah. Sida ku xusan qoraalka heshiiska, shaqada ballaarinta iyo dhismaha dekedda, waxaa ku baxaysa lacag dhan $336 malyan oo Dollar, taasi oo wejiga kowaad ee dekedda la gelin doono $ 200 malyan Dollar, halka wejiga labaadna la gelin doono $ 136 malyan oo Dollar. 4- February 2019, waxaa Boosaaso lagu dilay madaxii shirkadda P&O oo ay leedahay DP World, taasi oo gacanta ku haysa dekedda Boosaaso, waxaana dilkiisa sheegatay kooxda Al-shabaab. 6- April 2019, waxaa dhammaaday mudadii loo qabtay fulinta mashruuca ballaarinta dekedda Boosaaso oo soo bilowday 6- April 2017, iyadoo aysan weli shirkaddu wax shaqo ah ka qaban dhismaha dekeddaas. 15-April- 2019, waxaa magaalada Dubai ku kulmay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxa DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, waxaana ay isla garteen in si dhaksho ah loo bilaabo ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso, sida lagu sheegay qoraal wakhtigaas ka soo baxay madaxtooyada Puntland. shirkadda P&O ee ay leedahay DP World, oo gacanta ku haysa dekedda Boosaaso, ayaan weli hawshii dhismaha bilaabin, iyadoo la marayo sannadka 2020-ka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo faahfaahin ka bixiyay sababta loo fulin waayay Heshiiskii DP World? appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyey qeybo badan oo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyey waaxda Xalane ee degmadaasi ayaa waxaa ciidamadu ay ku soo qab qabteen dad u badan dhalinayaro, kuwaasoo qaar kood la sii daayey baaris kadib, halka kuwo lala xiriirinayo Al-Shabaab la geeyey saldhiga Booliska. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada ammaanka dadka ay soo qabteen ay isugu geeyeen goobo gaar ah, islamarkaana ay wateen dhalinyaro ay ka shakiyeen. Ujeedka howlgalkaan ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayey amniga degmada Wadajir oo mararka qaar falal liddi ku ah ay ka dhacaan. Inta badan kooxo mindiyo ku hubeysan ayaa xilliyadii habeenkii dhibaatooyin xoogan ka geystay degmadaan, kuwaas oo qaati ay ka taagan yihiin dadka deegaanka. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii weerar madaafiic ah oo Al-Shabaab ay sheegatay lagu qaaday xarunta Xalane oo ku taalla degmadaasi.
  10. Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin Ciidamada Amaanka Dowldaa aya xalay howlgallo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka. Taliska Xoogga Dalka ayaa faah-faahiyay howlgallo qorshaysan oo ay ka sameeyen qeybo ka mid Shabeellaha hoose. Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee weli kuna sugan Garoowe ayaa ka soo horjeestay hadal dhowaan ka soo yeeray wasiirro uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa fasiraad ka bixiyay safarka la sheegay in Madaxweyne Deni uu ku tagi doono Magalada Muqdisho, si uu ula kulmo Madaxda Dowladda. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Jacfar Maxamed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/saakay-iyo-goobjoog-22-03-20203-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Ankara claims to have killed over 2,200 Syrian soldiers. Source: Hiiraan Online
  12. S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir Ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ay gacanta ku dhigeen madaxii Sirdoonka Al-shabaab ee gobolka Shabeellada hoose. Taliyaha ciidanka dhulka Militariga Soomaaliya Gen Cabdixamiid Maxamed Dirir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee gobolka Shabeellada hoose iyo laba xubnood oo la socday. Taliyaha ayaa sheegay in sarkaalkaas iyo xubnaha kale lagu qabtay hawlgal ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen nawaaxiga degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose. Gen Dirir ayaa magaca horjoogaha la qabtay ku sheegay Xassan Ganeey inkastoo uusan faahfaahin dheeriya ka bixin sida loo qabtay iyo halka lagu hayo midkoodna. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ay korortay wada-shaqeynta ciidanka dowladda iyo shacabka taasi oo fududaysay in la qabto saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Gen Dirir: waxaan qabannay madaxii Sirdoonka Al-shabaab ee Shabeellada hoose appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo wax laga weydiiyay halka uu ku dambeeyay mashruucii dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo, ayaa si buuxda u xaqiijiyay in dhismaha wadadaasi uu dib u bilaaban doono bilaha soo socda. Madaxweyne Deni oo u warramay Telefishinka SAAB, ayaa shaaca ka qaaday in mashruuca dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo uu dib u bilaaban doono sida ugu dhakhsaha badan, kadib markii sixitaan lagu sameeyay qaladaadkii keenay in mashruucaas la joojiyo . Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in mashuuca laga wareejiyay hay’adda GIZ ee Jarmalka ah, isagoo xusay in booskeedii lagu beddelay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS, balse madaxweynuhu sharraxaad intaas ka badan kama bixin mashruuca. 5-September 2018 qoraal ka soo baxay safaaradda Jarmalka ee magaalada Nairobi, ayaa lagu sheegay in la joojiyay mashruuca dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo, kadib markii uu musuqmaasuq hareeyay, balse 7-dii April ee sannadkii 2019, ayay mar kale dowladda Jarmalku xaqiijisay in dib loo soo celinayo mashruucaas. Mashruuca dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo, waxaa la daah-furay 11-Maarso 2015, waxaana xilligaasi la shaaciyay in ay ku baxayso lacag dhan $21 malyan oo Dollar taasi $18 malyan oo kamid ah ay bixinayso Midowga yurub halka $3 malyan ee kalena ay bixinayso dowladda Jarmalka. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyeen safiiradii Midowga Yurub iyo Jarmalka xilligaasi u qaabilsanaa Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo Andreas Pesxhke ayaa maalintaas si wadajir ah u daah-furay mashruuca. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in si dhakhso ah dib loogu bilaabi doono dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  14. Airlines will be allowed to fly in Kenyans and foreigners with valid residence permits and fly out tourists or persons on business trips to their countries of origin. Source: Hiiraan Online
  15. Camels have long been seen as pests, but a small and dedicated group of advocates is pushing for an export market to make good use of the beasts' unique attributes. Source: Hiiraan Online
  16. MADISON, Wis. — A Minnesota man of Somali descent who was convicted of opening fire on other Somalis will get a new trial after a detective improperly testified that Somalis often lie to police, Source: Hiiraan Online
  17. The new coronavirus has woven itself into the daily lives of Somalis’ pocketbooks, hitting small businesses, including sellers of the herbal stimulant khat. Source: Hiiraan Online
  18. Washington (Caasimada Online) – Wargeyska New York Times ee Mareykanka ayaa qoray in kooxda Al-Shabaab ay halis cusub oo aan horey loo arag ku tahay danaha Mareykanka ee Bariga Africa iyo gudaha Mareykanka. Warbixin dheer oo wargeyska uu qoray ayuu ku sheegay in Al-Shabaab ay qorsheyneyso weerar la mid ah kii Al-Qacida ay sanaddii 2001 ka fulisay Mareykanka, ayada adeegsaneysa diyaarado. Dhowaan, laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo baranayey habka loo duuliyo diyaaradaha ayaa lagu kala xiray dalka Philippines iyo dal kale oo African ah, oo aan la shaacin weli, sida ay saraakiil sirdoon u sheegeen New York Times. Qofka lagu xiray Philippines oo la qabtay bishii July 2019, ayaa la sheegay inuu ahaa dagaal-yahan Shabaab ah oo kasoo jeeda dalka Kenya, kaasi oo dhiganayey iskuul lagu barto duulimaadka diyaaradaha. Booliska Philippines ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Cholo Abdi Abdullahi la ogaaday inuu internet-ka ka raadinayey arrimo ay ka mid yihiin “sida loo afduubto diyaaradaha” iyo sida loo helo “dokumentiyo been abuur ah”. Xarigyada labada qof ayaa saraakiisha Mareykanka xusuusiyey dhacdadii September 11, markaasi oo kuwa weerarka fuliyey ay bilo ka hor shirqoolkooda galeen iskuulo lagu barto duulimaadyada. Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabab ay isku dayeyso inay hesho gantaallada lidka diyaaradaha oo Shiinaha uu sameeyey, si ay ula beegsadaan diyaardaha qumaatiga u kaca iyo kuwa kale ee Mareykanka ee Soomaaliya. “Al-Shabaab waxay halis dhab ah ku tahay Soomaaliya, gobolka, beesha caalamka iyo xitaa dalka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa AFRICOM, Jeneral Stephen J. Townsend. Sirdoonka Mareykanka iyo Reer Galbeedka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey in Al-Shabaab ay halis gelin karto shaqaalaha 3,500 ah ee Pentagon-ka Mareykanka uu ku leeyahay Jabuuti, iyo sidoo kale maraakiibta ku safarta marinka Baab Al-Mandab. Hay’adda Sirdoonka Ciidamada Mareykanka ayaa Pentagon-ka u sheegtay in inkasta oo fursadda Al-Shabaab ay weerar uga fulin karto gudaha Mareykanka ay yar tahay, haddana kooxda ay caddeysay in qorshaheedu sidaas yahay. Mid ka mid ah halisaha muuqda ayaa ah in Al-Shabaab ay adeegsato qaar ka mid ah dhallinyarada la xagjireeyey ee bulshooyinka Soomaalida Mareykanka ee ku nool magaalooyinka Minneapolis iyo Columbus . Mid kale waxay noqon kartaa in duuliyayaasha ay Al-Shabaab tababareyso ee Bariga Africa ay qaarkood soo geli karaan Mareykanka, taasi oo ka adag sidii ay sameeyeen kuwii fuliyey weerarkii September 11 2001, balse weli dhici kartaa. Si kastaba halista Al-Shabaab ay ku hayso Mareykanka, waxay hadda xooggeeda taallaa Bariga Africa, ayaa lagu yiri warbixinta. Halistaas ayaa ku qasabtay in Jeneral Townsend uu bishii November abuuray unug gaar ah oo qaabilsan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabab oo gaaraya 100 askari, iyo taxliiliyayaal ay diiraddoodu tahay adkeynta amniga Soomaaliya iyo ka hor-tagga Al-Shabaab.
  19. Itoobiya oo ciidan & Hub ku daabuleysa Somalia +Sawirro Ciidamo iyo gaadiid hor leh oo Itoobiyaan ah ayaa jimcihii soo galay gudaha Soomaaliya kadib markii ay ka soo gudbeen magaalada Jigjiga. Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in kolonyo badan oo ay boqolaal askar ah saaran yihiin ay soo gudbeen 48-dii saac ee la soo dhaafay usoo gudbeen Soomaaliya . Ciidamadan oo ku wajahan qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka waxaa dusha uga qornaa midowga Afrika. Dowladda federaalka ah, AMISOM iyo xataa Itoobiya ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay ujeedka loo keenay iyo wax loo adeegsanayo. Arrintan ayaa dhalisay shaki weyn mar haddii inta dooxatada ku timaada ee Itoobiyaan ah ay ka badan yihiin inta sidata koofiyada AMISOM iyo ciidamada Itoobiya oo cinwaan u noqday in loo adeegsado cabburinta dowlad goboleedyada iyo guud ahaan federaalka ka hirgalay Soomaaliya. Itoobiya iyo Soomaaliya Marka laga soo tago taariikhda gumeysi ee Itoobiya, dagaallo iyo loolan qarniyo badan dhexmarayey labada dal hadana Adis Ababa kuma shaqeyso sharci, mana ixtiraamto daris wanaagga iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Itoobiya waxaa ay Soomaaliya iska dhexjoogtay tan iyo 1996-dii, inkasta oo ay Xamar timid iyada oo Mareykanku taageerayaan, horsocotana TFG-da xilligaas ka mid ma aheyn AMISOM ilaa markii dambe lagu daray January 22, 2014, waxaana la shaaciyey tiro 4,000, isbadalna kuma dhicin, laakin tirada saxda uu u joogta waxaa lagu qiyaasay in ka badan 15,000, oo 11,000 oo ciidamadaas ah kama tirsana AMISOM, waxayna si sharci darro ah uga hawlgalaan gudaha Soomaaliya. Sector-3 oo ahaa qeybta madax looga dhigay, Baydhaba ilaa Baladweyn iyo qeybo Gedo ah waxaa loogu talo-galay tiro ahaan ciidankooda AMISOM ku jira ilaa Baidoa and Beled Weyne. Ciidamada Sector-3 u jooga waxaa sharci ah qeyb joogta Baydhabo, halka ay ciidamo kale ay iskeed u geysay Buurhakaba, Bardaale, Qansax Dheere, Diinsoor oo Bay ah iyo Xudur, Waajid iyo Ceel-Barde oo Bakool ah. Intaas kuma koobna ee ilo xog-ogaal ayaa xaqiijiyey in ciidamada Itoobiya ee aan qeyb ka aheyn AMISOM ay sidoo kale joogaan Sector 2 oo labada Jubba ah oo Kenya ay madax ka tahay, Sector 4 oo Hiiraan iyo Galgaduud ah oo Djibouti ay joogaan iyo xataa Sector 5 oo Shabeellada dhexe ah oo Burundhi loo dhiibay, intaba Itoobiya waa joogaan, qeybna kama aha AMISOM. Dowladda federaalka ah halkii ay xakameyn laheyd ciidamada Itoobiya, kana saari laheyd dalka kuwa sharci darrada ah waxaa ay dhiirigelisaa in qaar cusub yimaadaan, isla markaana ay adeegsato sida dhacday markii ay la dagaashay Mukhtaar Roobow(2018), doorashadii Axmed Madoobe(2019), xiisadda Baladxaawo iyo doorashada Galmudug(2020). Qaran News
  20. Qarmada Midoobay oo War ka soo saartay Go’aanka Cusub ee uu qaatey M/weynaha Maamul-goboleedka Puntland Siciid Deni Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa amaantay oo soo dhaweeyey go’aanka uu madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku qaatay inuu ku yimaado Magaalada Muqdisho Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay xubnaha Dowladda Soomaaliya ka socday ee ka qeybgalay shirka wadatashiga Puntland, kuwaas oo iyagana soo dhaweeyey go,aanka Deni ee ah inuu Muqdisho imaado. QM ayaa sidoo kale xustay inay ka war sugeyso natiijada kasoo bixi doonto kulanka la filayo inay yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Dhanka kalese Wasiiro ka tirsan Puntland oo maanta la hadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa si kastaba sheegay in Madaxweyne Deni uusan Muqdisho u tagayn wada hadal uu la galo madaxda Federaalka, basle uu tagayo u gogol xaadhka shirka ay Puntland ugu baaqday dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Dani oo Madaxweynaha Puntland loo doortay 8 January sanadkii 2019,waxaana mudadii ka dambeysay doorashadiisa uusan imaan Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaana jiray khilaaf xoogan oo kala dhexeeyay Dowladda Faderaalka Soomaaliya. Qoraalka rasmiga ah ee UN-ku ka soo saaray… .@UN in #Somalia commends President Deni’s intention to visit Mogadishu & is pleased Fed. Gov.’s delegation to Puntland Consultative Conference welcomed this. We look forward to the meeting between President Deni & President Farmajo to advance dialogue in the national interests. pic.twitter.com/9v0LBN1vTd — UNSOM (@UNSomalia) March 21, 2020 Qaran News
  21. Jigjiga (Caasimada Online) – Ciidamo iyo gaadiid hor leh oo Itoobiyaan ah ayaa jimcihii soo galay gudaha Soomaaliya kadib markii ay ka soo gudbeen magaalada Jigjiga. Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in kolonyo badan oo ay boqolaal askar ah saaran yihiin ay soo gudbeen 48-dii saac ee la soo dhaafay usoo gudbeen Soomaaliya . Ciidamadan oo ku wajahan qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka waxaa dusha uga qornaa midowga Afrika. Dowladda federaalka ah, AMISOM iyo xataa Itoobiya ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay ujeedka loo keenay iyo wax loo adeegsanayo. Arrintan ayaa dhalisay shaki weyn mar haddii inta dooxatada ku timaada ee Itoobiyaan ah ay ka badan yihiin inta sidata koofiyada AMISOM iyo ciidamada Itoobiya oo cinwaan u noqday in loo adeegsado cabburinta dowlad goboleedyada iyo guud ahaan federaalka ka hirgalay Soomaaliya. Itoobiya iyo Soomaaliya Marka laga soo tago taariikhda gumeysi ee Itoobiya, dagaallo iyo loolan qarniyo badan dhexmarayey labada dal hadana Adis Ababa kuma shaqeyso sharci, mana ixtiraamto daris wanaagga iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Itoobiya waxaa ay Soomaaliya iska dhexjoogtay tan iyo 1996-dii, inkasta oo ay Xamar timid iyada oo Mareykanku taageerayaan, horsocotana TFG-da xilligaas ka mid ma aheyn AMISOM ilaa markii dambe lagu daray January 22, 2014, waxaana la shaaciyey tiro 4,000, isbadalna kuma dhicin, laakin tirada saxda uu u joogta waxaa lagu qiyaasay in ka badan 15,000, oo 11,000 oo ciidamadaas ah kama tirsana AMISOM, waxayna si sharci darro ah uga hawlgalaan gudaha Soomaaliya. Sector-3 oo ahaa qeybta madax looga dhigay, Baydhaba ilaa Baladweyn iyo qeybo Gedo ah waxaa loogu talo-galay tiro ahaan ciidankooda AMISOM ku jira ilaa Baidoa and Beled Weyne. Ciidamada Sector-3 u jooga waxaa sharci ah qeyb joogta Baydhabo, halka ay ciidamo kale ay iskeed u geysay Buurhakaba, Bardaale, Qansax Dheere, Diinsoor oo Bay ah iyo Xudur, Waajid iyo Ceel-Barde oo Bakool ah. Intaas kuma koobna ee ilo xog-ogaal ayaa xaqiijiyey in ciidamada Itoobiya ee aan qeyb ka aheyn AMISOM ay sidoo kale joogaan Sector 2 oo labada Jubba ah oo Kenya ay madax ka tahay, Sector 4 oo Hiiraan iyo Galgaduud ah oo Djibouti ay joogaan iyo xataa Sector 5 oo Shabeellada dhexe ah oo Burundhi loo dhiibay, intaba Itoobiya waa joogaan, qeybna kama aha AMISOM. Dowladda federaalka ah halkii ay xakameyn laheyd ciidamada Itoobiya, kana saari laheyd dalka kuwa sharci darrada ah waxaa ay dhiirigelisaa in qaar cusub yimaadaan, isla markaana ay adeegsato sida dhacday markii ay la dagaashay Mukhtaar Roobow(2018), doorashadii Axmed Madoobe(2019), xiisadda Baladxaawo iyo doorashada Galmudug(2020). W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye Goobjoog News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Hoose ee gobalka Banaadir ay joojisay in xarunta lagu soo galo aqoonsiga ama ID Card-ka qofka shaqaalaha ah ee ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir. Taa beddelkeeda ayaa shaqaalaha loo sheegay inay shaqada ay ku imaan karaan oo kaliya Copy-ga digreetada shaqaaleysiinta, taas oo la waafajiyay Documents kale oo la siiyay ciidamada ammaanka gobalka. “Qofku waxa uu soo qaadanaya warqada magacaabistiisa kadibna waxaa la waafajin doonaa xog kale oo la dhigay albaabka gobalka laga soo galo” ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha gobalka oo la hadlay Caasimada Online. Dhinaca kale wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa joojisay in shaqada lagu yimaado ID Cards-ka wasaaradda, waxayna shaqaalaha ku galaan shaqada magacyada ama liiska shaqaalaha oo la dhigay albaabka xarunta wasaaradda. Si rasmi ah looma og sababta arintaan ka dambeysay hase yeeshee shaqaalaha wasaaradda ayaa sheegay in lagu amray in ay u hogaansamaan amarkaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in amarkaan uu quseeyo oo kaliya shaqaalaha cusub ee wasaaradda. Dowladda hoose ee gobalka Banaadir ayaa la sheegay in aysan laheyn xarun lagu daabaco aqoonsiyada shaqada waxaana dhacay 90% aqoonsiyada shaqaalaha halka aan qaarkoodna loo sameynin waana mid kamid caqabadaha loo joojiyay in aqoonsiyadii hore shaqada lagu aado hase go’aanka wasaaradda amniga ayaa la ogeyn wixii sababay. Wxaaa jirta cabsi ah in laga yaqaabo in qaar ka mid ah aqoonsiyada ee horey u dhacay ay gacanta ku dhigeen dad aan kuwii lahaa aheyn, taasi oo ah halis amni. Waxaa aad u adkaa xaaladda shaqo ee gobalka Banaadir tan iyo markii uu qarax ka dhacay xarunta gobalka 24 July sanadkii 2019, kaas oo galaaftay nolasha mas’uuliyiin badan.
  23. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadashay warar ka jira in deegaanadeeda uu ka jiro Kiis la xiriira fayruska faraha ba’an ku haya Dunida ee Corona. Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha guud ee Wasaarada caafimaadka Somaliland, ayaa sidoo kale ka warbixiyey khatarta Coronavirus iyo dadaalada ay Xukuumadiisu ugu jirto la dagaalanka caabuqaasi. Agaasimaha ayaa sidoo kale si cad u sheegay in uu gudaha Somaliland uusan jirin Kiis la xiriira caabuqaasi, oo ilaa hadda la xaqiijiyey, balse ay ku baraarugsan-yihiin halista baahsan ee fayruska. Agaasimaha guud ee Wasaarada caafimaadka Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Wasaarad ahaan si joogto ah ayaanu umadda u siina wacyigelin ku waajahan halista Coronavirus, sidaas darteed umaddu inay aad isku ilaaliso oo ay feejignaan dheeraad ah sameeyaan ayaa laga doonayaa”. “Coronavirus go’doon buu ku kala riday wadamadii Caalamka, isku socodkii baa meesha ka baxay, baqashadiisa ayaanu leeyahay, si xawliya ayuu u fidiya ee aynu ALLE bariyadiisa badsano oo ducooyinka uu Rasuulkeenu akhrisan jiray aynu akhirsano oo dadkeenu aad u baruurugsanadaan, nadaafada aynu aad u ilaalino, wacyigelinta aanu wadnana ha la qaato”. Wuxuuna hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Agaasimuhu “Haba-yaraatee wax Kiis ah oo la xiriira fayruska Corona oo gudaha dalkeena lagu arkay ma jiro”. Somaliland ayaa iyadu dadaal badan ugu jirta sidii ay uga hortagi laheyn in uu deegaanadeeda usoo gaaro fayruska sida xawliga ah ugu faafaya dunida ee Corona, xili la sheegay in Kiis la xiriira fayruskaasi laga helay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.