Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Caddaalada Puntland Cawil Sheikh Xaamud Xukuumadda Puntland ayaa amar ku bixisay, in mudda laba todobaad ah la xiro dhammaan masaajidda ku yaalla gudaha Puntland, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus. Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, oo maanta Warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa amar ku bixiyay in mudda laba todobaad ah la xiro dhammaan masaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka ee ku yaalla degaannada Puntland, si looga hortago cudurkaas Coronavirus. Wasiir Xaamud, ayaa sidoo kale culimaa’udiinka masaajidda iyo macalllimiinta dugsiyada Qur’aanka ku boorriyay, in ay si deg deg ah u dhaqan-geliyaan fulinta amarkaas, waxaana uu ku hanjabay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii aan u hoggaansamin amarka dowlada. Go’aankan ayaa ku soo beegmay, maalmo kadib markii Xukuumadda Puntland ay fasaxday dhammaan goobaha Waxbarashada iyo Xafiisyada dowladda, islamarkaana ay amar ku bixisay in la joojiyo kulamada dadweynaha iyo xafladaha Aroosyada, si looga hortago faafidda Coronavirus. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Xukuumadda Puntland oo amartay in la xiro masaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo ka badan 24 saac waxaa magaalada Muqdisho ka jira xiisad aad loo hadal haayo taas oo la aaminsan yahay in ay abuuri karto isku dhacyo ciidan. Xiisadaan ayaa timid kadib markii habeen hore ciidamada booliska gaarka ah ay Haramcad ku roondeeyeen laba wado oo hore iyo gadaal ka marta guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku yaala agagaarka Airport-ka Muqdisho, sida ay xubno ku dhow Shariifka u sheegeen Caasimada Online. Ku dhawaad saacad kadib marki ay ciidamada joogeyn nawaaxiga guriga Sheekh Shariif waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya kuwaas oo tagay meel u dhaw guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in ay ahaayeen ciidan arrintaan ku soo baxay. Ciidankaan ayaa ka tirsan milateriga Soomaaliya basle waa ciidan aaminsan in ay waajib ku tahay difaaca Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo ay sheegeen in ay daan-daansi u heyso dowladda Soomaaliya iyo in uusan mudneen habka ay kula dhaqmeyso dowladda Soomaaliya. Ciidamada Milateriga ah oo beelo kala-duwan ka soo jeeda ayaa ka soo dagay gawaari ay wateen, waxayna fariisteen meelo kala-duwan oo guriga laga galo lagana soo baxo, waxayna qaarkood ay dhowr-jeer hormareen ciidanka Haramacad, arintaas oo dhalisay baqdin xoog leh iyo cabsi laga qabo in uu dagaal si fudud ku qarxo. Dhamaan labadii ciidan ayaa saacado kadib dib ugu laabtay goobihii ay ka yimaadeen balse waxaa wali Muqdisho ka jirta xiisadda iyo hadal heyn xoog leh oo ku aadan in dowladda ay dooneyso in dagaal iyo qalaaso ka dhaco Muqdisho. Hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa habeen hore markii uu qal-qalkaan dhacayay gurigiisa ku qaabilayay Imaamka Abgaal iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee Mudulood iyo siyaasiin kale lamana oga sababta ka dambeysa dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Haramcad ka sameysay nawaaxiga guriga Sheekh Shariif. Wali dowladda Soomaaliya iyo Xisbiga Himilo Qaran kama aysan hadlin arintaan balse waxaa aad looga hadal hayaa magaalada Muqdisho iyadoo meelaha qaar ay dhaceen kulamo arrintaan looga hadlayo.
  3. Boosaaso (Caasimadda Online) – Nabadsugidda Dowlad Goboleedka Puntland ee loosoo gaabiyo PSF waxa ay soo bandhigtay Sawirro dad indhaha ka xiran oo ay sheegtay in ay kusoo qabteen howlgalo qorsheysay oo ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso. Ciidamada ammaanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal baaritaan ah ka sameynayay Xaafado katirsan Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari oo waayihii dambe falal amni darro martigelisay. Qoraal kasoo baxay Nabadsugidda Puntland waxaa lagu sheegay in shaqsiyaad lala xiriirinayo Al-Shabaab iyo Daacish in ay gacanta ku dhigeen, waxaana ay tilmaameen in lasoo qabtay iyaga oo ku sugan Magaalada Boosaaso oo ah Xarunta Ganacsiga Dowlad Goboleedka Puntland. Qoraal lagu daabacay boogga ciidamada amaanka Puntland ee loo soo gaabiyo PSF ayaa lagu yiri sida tan: “Ciidamada Amniga Puntland PSF oo muddooyinkan dambe ka waday gudaha magaalada Bosaso hawlgallo weli socda oo lagu adkayno amniga magaalada Bosaso ayaa xalay (22 March 2020) waxay gacanta ku soo dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas ee ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat” Taliska PSF-ta waxa uu sheegeen in howlgalada ka socda Magaalada Boosaaso ay sii soconayaan illaa inta laga xasilinayo ammaanka lana soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish. 17-kii bishan ayaa sidan oo kale howlgallo ciidanka amaanka Puntland ay ka sameeyeen waxa ay ku soo qabqabteen shaqsiyaad ay uga shakiyeen inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al shabaab iyo Daacish ee iyagu ka dagaalama qeybo ka mid ah deegaanada maamulka Puntland. Wali ma jirto natiijo rasmi ah oo ay soo saareen ciidamada aamaanka puntland oo ku aaddan howlgallada ay Boosaaso ka sameeyeen 17-bishan iyo xalay, howlgalladaasi oo kaliya y ku sheegeen in lagu qabtay rag looga shakiyay Al shabaab iyo Daacish. Ururuka Daacish ayaa si weyn ugu xooggan buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat oo mararka qaar ay kuwada dagaalamaay dagaalamayaashaasi iyo ciidanka Puntland.
  4. The Reporter 21 March 2020 By Brook Abdu Djibouti, Somalia don’t support Arab league resolution Ethiopian Foreign Minister Gedu Andargachew said this week that the US [...] Source
  5. GAROWE (HOL) - Puntland Security Forces Sunday night nabbed suspected members of the Al-Shabaab and Daesh terrorist groups and seized weapons. Source: Hiiraan Online
  6. According to police reports, the militants had tried to ambush construction workers on a road project at Milihoi along the Lamu-Garsen road early morning. Source: Hiiraan Online
  7. In a "good month", about 100 girls will be brought by their families to Halima Hirsi's* underground clinic in Nairobi to be subjected to female genital mutilation (FGM). Source: Hiiraan Online
  8. Waxaa goordhow magaalada Beydhabo lagu dhaariyey golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo noqonaya baarlamanka labaad ee maamulkaasi. Xaflad ka dhacday magaalada Beydhabo oo ay goobjoog ahayeen guddiga madaxbannaan ee doorashada Koonfur Galbeed kuwaas oo horay usoo xulay xildhibaannada iyo ku xigeennada guddoonkii hore baarlamankii koowaad. Sidoo kale xafladda ayaa waxaa goobjoog ahaa mudanayaal ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya, dhaqanka iyo qaar ka mid ah bulshada oo lagu casuumay xafladda dhaarinta. Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee soo xulay baarlamaanka maanta la dhaariyey Maxamed Keeroow Maxamed ayaa goobto shahaadooyinkooda ku guddoonsiiyey xildhibaannada isaga oo kula dardaarmay in shaqadooda ay si wanaagsan u gutaan madaama ay wakiillo ka yihiin bulshada Koonfur Galbeed. Xildhibaannada ayaa la filayaa in dhowaan dhexdooda ay iska doortaan guddigii qaban qaabinlahaa doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen oo lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Beydhabo. Xildhibannada maanta la dhaariyey ayaa waxaa ay ka koob naayeen 95 mudane waxaana baarlamaankii koowaad ka soo galay 26 mudane, waxaa hoos loo dhigay qoondadii haweenka iyadoo 3 xubnood laga jaray baarlamaankii hore ayey ku lahaayeen 19 xildhibaan waxaana hadda la soo xulay 16 mudane oo haween ah. Xildhibaannadii hore ayaa sidoo kale ka koobnaa 149 mudane, waxaana la kansalay 54 xildhibaan, maadama la soo magacaabay 95 mudane, sida uu qabo dastuurka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed, waxaana jira saluug ka dhashay dhimitaanka baarlamaanka labaad oo ay muujinayaan beelaha qaar ee dega Koofur Galbeed. Halkan ka daawo sawirada Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. The most successful British track athlete in modern Olympics history and a European & World record holder in multiple events, Mo Farah celebrates his 37th birthday. Born on this day in 1983, Mo Farah is the most decorated athlete in the history of British athletics with 10 titles at global events. Source: Hiiraan Online
  10. Cabduqaadir Axmed Kheyr wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta la kulmay danjiraha Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho, Mr Qin Jian. Wasiiru dowlaha iyo danjiraha ayaa ugu horreyn ka wada hadlay arrimo ku aadan iskaashiga u dhexeeya labada dowladood. Sidoo kale labada mas’uul ayaa isku hadal qaaday arrimo ku aadan dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka Coronavirus oo kiiskiisii ugu horreeyay laga helay dalka. Kheyr oo madasha ka hadlay ayaa marka ka mahadceliyay taageerada kala duwan ee uu Shiinaha siiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu boggaadiyay tabarucaadda bani’aadannnimo ee ay hay’adaha Ma Yun iyo Alibaba ugu deeqeen wadamada qaaradda afrika Afrika. Labad hay’adood ayaa dhowaan ku deeqay 100,000 maaskaro, 1,000 dharka ka hortagga iyo walxo kale oo la gaarsiinayo dowlad kasta oo ka mid ah 54-ka dowladood ee Afrika, si la mid ah waxaa wadamadaasi loogu tabarucay 20,000 oo xirmooyinka qalabka baaridda-caafimaad ee caabuqani lagu sameeyo. Shiinaha ayaa ka mid yahay dalalka uu sida daran uu sameeyey cudurka Coronavirus, inkastoo dowladda dalkaasi ay si weyn ula daagalanatay la tacaalidiisa. View the full article
  11. Ciidamada ammaanka dalka Kenya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano argagixiso la dirirka ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyey deegaano ku dhow xadka Soomaaliya. Howlgallada ahaa kuwa qorsheyan ayaa u jeedkooda lagu sheegay in lagu xaqiijinayo amniga, sidoo kalena looga hortagayo weerarada ka imaanaya dhanka Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in howlgalladu ay saameeyeen dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha xadka labada dal. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya deegaanadaasi, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. View the full article
  12. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay muran siyaasadeedka ku saleysan wabiga Nile ee u dhexeeya wadamada Masar iyo Itoobiya. Ugu horreyn wasiir Cawad ayaa ka warbixiyey safarkii dhawaan ra’isal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre uu ku tegay magaalada Addis Ababa iyo kulamadii uu la qaatay madaxda ugu sarreysa dalkaasi Itoobiya. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday go’aanka dowladda uga aadan xiisada Masar iyo Itoobiya , isagoo tilmaamay in mowqifka Soomaaliya uu yahay mid dhex-dhexaad ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/awad.mp3 View the full article
  13. Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay is-rasaaseyn khasaaro geesatay ay ku dhax-martay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Is-rasaaseynta ayaa u dhexeysay ciidamada Canshuuraha qaado ee loo yaqaano Minishiibiyada iyo ciidamada saldhigga Booliska degmada howlwadaag ee G/Banaadir Inta la xaqiijiyey hal askari ayaa ku dhintay iska hor imaadkaasi, iyadooma uu ku dhaawacmay mid kale, sida uu innoo xaqiijiyey qof goobjooge ah. Shaqaaqadan ayaa sidoo kale muddo hakad gelisay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee ka socday qaybta badarka ee suuqaasi, inkastoo markii dambe ay xaaladdu caadi ku soo laabatay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-onkod.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-23032020.mp3 View the full article
  15. Xukuumada badali doonta Xukuumada hada jirta waxay dhaxlaysaa oo Xafiiska ugu imanaysaa iyadoo Dibada iyo Gudaha dacalada la isku dhagan yahay. Khilaafka Maamul Goboleedyada, Maamul [...] Source
  16. Nairobi (Caasimadda Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Safaaraddu ay shaqada hakin doonto muddo toddobaad ah oo ka billaabanaysa maalinta Talaadada, si looga fogaado faafidda cudurka COVID 19 ee uu keeno Corona Fayrus. Safiirka ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ugu baaqay in ay raacaan tilmaamaha ay dowladda Kenya bixisay ee looga fogaanayo cudurka. Dowladda Kenya ayaa xirtay dhammaan goobaha la isugu yimaado, iyadoo ku baaqday in shaqooyinka laga fasaxo dadka laga maarmo ama ay xaafadahooda ka soo shaqo tagaan. Wadanka Kenya waxaa laga helay 17 qof oo qaba cudurka COVID 19.
  17. (SLT-China)-Dawladda China ayaa ku warrantay in maalinkii shanaad oo xidhiidh ah aan gudaha dalkaas laga diiwaan gelin wax kiisas ah oo la xidhiidha cudurka Coronavirus ee caalamka kusii fidaya, kaasi oo markii hore kasoo billaamay dalkaas. Waxay sidoo kale sheegtay in tirada kiisaska la diiwaan geliyey ee dadka ka imanaya dibedda ay maanta hoos u dhacday. China ayaa Axaddii xaqiijisay 39 kiis oo Coronavirus ah, taasi oo ka yar 46-kii la diiwaan geliyey maalin ka hor. Dhammaan kiisaskaas ayaa ah dad dibedda kasoo safray oo badankood ah arday Shiinees ah oo dalka kusoo laabanaya. Dhinaca kale magaalada caasimadda ah ee Beijing ayaa sare u qaadday tallaabooyinka lagu xakameynayo fayruska loo soo dhoofiyo, iyada oo dhammaan diyaaradaha caalamiga ah ku amartay in laga billaabo Isniinta ay u weecdaan magaalooyin kale, sida Shanghai iyo Xian, halkaasi oo rakaabka ay ku mari doonaan tijaabo. Beijing ayaa diiwaan gelisay 10 kiis oo ah Coronavirus ay qabaan dad dibedda ka yimid, sida uu sheegay Guddiga Qaran ee Caafimaadka, taasi oo ka yar 13-kii la diiwaan geliyey maalin ka hor. Guddiga Qaran ee Caafimaadka ma sheegin dalalka ay rumeysan yihiin inay ka yimaadeen dadka qaba Coronavirus, hase yeeshee mas’uuliyiinta Beijing ayaa sheegay inay diiwaan geliyeen kiisaska dad ka yimid dalalka Spain, Britain, France, Mareykanka iyo Pakistan. Tirada guud ee dadka uu xanuunka ku saameeyey dalka China ayaa Axaddii aheyd 81,093, halka tirada dhimashada ay taagan tahay 3,270. REUTERS Source
  18. Iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ay howlgallo ka wadeen ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa maanta waxa ay sheegeen in howlgallo kale oo ay xalay filiyeen ay ku soo qabteen rag ay la xiriiriyeen inay ka tirsanyihiin Al shabaab iyo Daacish. Qoraal lagu daabacay boogga ciidamada amaanka Puntland ee loo soo gaabiyo PSF ayaa lagu yiri sida tan “Ciidamada Amniga Puntland PSF oo muddooyinkan dambe ka waday gudaha magaalada Bosaso hawlgallo weli socda oo lagu adkayno amniga magaalada Bosaso ayaa xalay (22 March 2020) waxay gacanta ku soo dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas ee ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat” 17kii bishan ayaa sidan oo kale howlgallo ciidanka amaanka Puntland ay ka sameeyeen waxa ay ku soo qabqabteen shaqsiyaad ay uga shakiyeen inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al shabaab iyo Daacish ee iyagu ka dagaalama qeybo ka mid ah deegaanada maamulka Puntland. Wali ma jirto natiijo rasmi ah oo ay soo saareen ciidamada aamaanka puntland oo ku aaddan howlgallada ay Boosaaso ka sameeyeen 17-bishan iyo xalay, howlgalladaasi oo kaliya y ku sheegeen in lagu qabtay rag looga shakiyay Al shabaab iyo Daacish. Ururuka Daacish ayaa si weyn ugu xooggan buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat oo mararka qaar ay kuwada dagaalamaay dagaalamayaashaasi iyo ciidanka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Jabuuti)-Laba qof oo kale ayaa laga helay cudurka Coronavirus dalka Jabuuti, labada qof ee laga helay waa Soomaalida dalkaask u dhalatay. Source
  20. (SLT-Dubai)-Dawladda Isku Tagga Imaaraadka Carabta ayaa joojisay duulimaadyada dalkeeda yimaadda iyo kuwa ku hakada halkaasi, muddo laba toddobaad ah. Dawladda Sucuudiga ayaa iyaduna soo Rogtay Bandoo ka bilaabmaysa Subaxdii iyo illaa Waaberiga dambe, waxaana labada Waddanba ay Tallaabooyinkaa u qaadeen inay ka gaashaantaan Faafidda Cudurka Coronavirus oo dunida aad ugu faafaya. Tallaabooyinka Sucuudiga iyo Imaaraadku qaadeen ayaa ku soo beegmaya xilli Dawladda Talyaaniguna ay soo saartay amar ay ku joojisay Safarrada Waddanka gudihiisa. Talyaaniga waxa illaa hadda Cudurka Covid_ 19 oo ka dhasha Caabuqa Corona ugu geeriyooday 5,400. Waddamada kale ee wer-werka ugu badani ka hayo Cudurka Coronavirus waxa ka mid ah Spain. Spain ayaa qorshaynaysa inay dalkeeda geliso Xaalad deg-deg ah, taasi oo soconaysa illaa 11-ka bisha dambe ee April, ka dib markii Dadka u dhintay xanuunkaasi ay Spain gaadhay 1,700 Qof. Dunida oo dhan, Covid_19 waxa u geeriyooday 14,500 Qof, waxaana ka bogsaday Xanuunka 98000 Qof, kuwaasi oo qayb ka ah 336,000 Qof oo dunida oo dhan uu ku dhacay Xanuunku. Source
  21. Gunmen armed pistols have killed local lawmaker in Galkayo town of Somalia’s central region, Mudug region. Mukhtar Ahmed Omar, who was a Councillor in North of Galkayo was fatally injured last night near Sonnet company, according to witnesses. He was rushed to the hospital but succumbed to the injuries while undergoing treatment. The assailants managed to escape from the scene before the security forces arrived. Mukhtar was a member of local assembly in Puntland’s Galkayo town. The attack was claimed by al-Shabaab saying its hit squad executed assassination of the officials. The authorities in Galkayo town have not yet commented on the murder of the Councillor. View the full article
  22. (SLT-Hargeysa)-Guud ahaan waxaa la xidhay masaajidada kala duwan ee ku yaalla dalka Kenya, gar ahaan kuwa Xafadda Islii ee magaalada Nairobi. Amar gelinkii danbe ee Shalay ka soo baxay dowladda, ayaa lagu sheegay in la xidho meel kasta oo dadku isku yimaaddo. Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 8 qof oo kale oo qaba cabuuqa Coronavirus laga helay dalka Kenya. Sidoo kale, laga bilaabo 25 bisha oo ku beegan maalinta Arbacada waxaa dhaqan gelaya joojinta dhamaanba duulimaadyada caalamiga ah ee imanaya Kenya iyo kuwa ka baxaya. Amarka lagu xidhayo Masaajiddada ayaa ah mid lagaga hor-tagayo in Cudurka Coronavirus uu ku fido Kenya. Tirada guud ee dad ka qaba cabuuqa Coronavirus ayaa hada noqonayaa 15 qof. Source
  23. (SLT-Muqdisho)-Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa ku raad-joogta dad looga shakiyay inay la kulmeen qofkii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Corona gudaha dalka. “Waxaa la raadinaya oo lagu daba jiraa. muwaadinkii koowaad markii laga helay cid alaale ciddii la fadhiday diyaaradda ama u dhaweyd ama xidhiidh toos ah la sameysa arrintaas wey socotaa waxaa naga kaalmeyneysaa WHO” ayay tidhi wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya, Fowsiya Nuur Abiikar oo BBC-da u warrantay. Waxay sidoo kale sheegtay in dadkii diyaaradda la saarna qofka laga helay cudurka ay gaadheen deegaanno ka tirsan dalka. “Dabcan dadkii diyaaradda la soo raacay muwaadinka meelo badan ayay dalka ka tageen gobollada dhexe iyo Koonfurta waa la wada wacaya, waa la raadinaya, waxaa lagula talin doonaa inay is xakameyaan oo ay si iskood ah isu karantiilaan” ayay tidhi Fowsiya . 16-kii bishan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in qofkii ugu horreeyay gudaha dalka laga helay fayraska Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya. Wasiirka waxay sidoo kale sheegtay in haatan la karantiilay 9 qof oo looga shakinsan yahay cudurka kuwaas oo ka yimid dhinaca dalalka Shiinaha iyo Talyaaniga. Source
  24. Abdikadir Osman Mursal, the police chief in Afgoye town, Lower Shabelle Region, has been killed after his vehicle triggered a roadside bomb outside the town yesterday. The vehicle was hit while passing Lafole, killing the police official and three of his security guards. The attack was claimed by the Al-Shabaab militant group, according to reports published by the group’s propaganda websites. Using hit teams and remotely controlled explosive devises, Al-Shabaab has been carrying out a campaign of endless assassinations targeting government and security officials across the country. View the full article
  25. Warsheekh (Caasimada Online) – Xoghayaha maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Mudane Cabdulaahi Raage Colow ayaa ka warbixiyey howlgal lagu soo qabtay rag la sheegay inay xalay kufsi ka geysteen degmadaasi. Colow oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen labo nin oo lagu eedeeyey kufsi haweeney Warsheekh loogu geystay. Xoghayaha ayaa tilmaamay in ragga la soo qabtay ay ka mid ahaayeen kooxo maleeshiyaad ah oo maalmihii la soo dhaafay dhibaatooyin ka waday magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qabashada raggan ay gacan ka geysteen dadka shacabka ah, islamarkaana uu mahadcelinayo. Ugu dambeyn xoghayaha ayaa carabka ku dhuftay in ay sharciga la tiigsan doonaan ragga la soo qabtay, islamarkaana ay marin doonaan ciqaab adag. Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ku badan yihiin kooxo burcad ah oo ku sugan waddooyinka gobolkaasi ayaa inta badan dhibaatooyin u geystay dadka safareyda ah. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Wareysi-Warsheikh-Abdullahii-Raage-Colow.mp3