Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay baaq kasoo baxay Madaxda Waddamada isbaheysiga Carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen ee ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo Todobaad oo ka bilaabmaysay 9 April. War kasoo baxay Soomaaliya ayaa lagu yiri” Waxay Dowladdu ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay si soo afjari karta loolanka siyaasadeed iyo midka nabadgelyo. Soomaaliya ayaa muujinaysa taageerradeeda dhammaystiran ee Dadaalka Qaramada Midoobey iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, António Guterres. Sidoo kale Soomaaliya ayaa waxay xaqiijinaysaa Garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen. View the full article
  2. Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa baaq u diray dowladda federaaka Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu xusay in Hirshabeelle ay ka jirto dhibaato iyo cabsi ku aadan Coronavirus.isaga oo intaas ku daray in dowladda federaalka ay ka gaabisay dhibaatada ka jirto maamulkaasi. “ Waxaan rabaa inaan dowladda ugu baaqo iyada ayaa dalka dowlad ka ah iyo dowlad goboleedyada, Hirshabeelle dhibaato ayaa ka jirto cid ka war heyso ma jirto, cid ka wacyi gelinaysaa xanuunka majirto, runtii aad iyo aad ayey uga gaabiyeen waxaan rabaa dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato” ayuu yiri guddoomiye Sheikh Cismaan, Guddoomiya dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay iyadoo dalka xuduudihiisa la xiray in weli xuduudka gobolka Hiiraan ee uu la wadaago dalka Itoobiya ay furan tahay aanan laga war heynin Qaadkana si joogto ah uu uga yimaado maalin weliba waxaana hadalkiisii ka mid ah guddoomiya xili uu ka hadlaayey arrinraas. “ Waxaa jirto gobol Hiiraan ama Hirshabeelle xuduudka uu la wadaago dalka aan deriska nahay ee Itoobiya Qaadka laga keeno magaalada Baledweyne uu u yimaado si kheyrul caadi ah, waxaana lagu keenaa gawaari badan oo isaga goosha gobolaha ama maamulada aan dariska nahay sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed deegaannada ayuu tagaa” Hadalka ka soo yeeray dowlad goboleedka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo kiis ka mid Coronavirus lagu arkay Hirshabeelle taas ayaana keentay in maamulka ay walaac ka muujiyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweysay baaq ka soo baxay Madaxda dalalka ku midaysan isbaheysiga Carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen, kuwaas oo ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo Todobaad ah. War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya, ayaa loogu baaqay dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka, si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay, si soo afjaro loolanka siyaasadeed iyo midka colaadeed ee gudaha yemen. Dowladda Soomaaliya, ayaa muujisay taageerradeeda dhammaystiran ee dadaalka Qaramada Midoobay iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, António Guterres. Sidoo kale, Soomaaliya ayaa waxay xaqiijisay Garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen, si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida dalka Yemen. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo taageertay Xabad-joojin Isbaheysiga Carbeed kaga dhawaaqeen waddanka Yemen appeared first on Puntland Post.
  4. Ciidamada amniga ee jooga bar-koontarool oo ku taalla agagaarka Masjidka Biyamalow ee degmada Howlwadaag ayaa maanta toogasho ku dhaawacay 2 nin oo la sheegay inay ku hubeysnaayeen bistoolado, kuwaas oo la socday gaari nooca raaxada ah. Raggaan ayaa ka ‘biyo-diiday’ inay ka soo dagaan baabuurka ay saarnaayeen, si loo baaro waxaana ay sababtay in ciidamadu ay rasaaseeyaan. Dad goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in labada nin oo dhaawac ah markii dambe ay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliska Soomaaliya. Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan maamulka degmada Howlwadaag ayaa goobta gaaray, balse kama aysan hadlin dhacdadaasi. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada ammaanka sidaan oo kale ay suuqa Bakaaraha ugu dileen rag ku hubeysnaa bistoolado oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab View the full article
  5. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Cabdi Kaariye Qoorqooq ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada golaha degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ,guddiga madaxweynaha uu magacaabay oo ka kooban 13 ayaa lagu wadaa in muddo 90-shan cisho ah ay ku soo dhisaan golaha deegaanka cusub ee magaalada Kaalkacyo. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa gubay xirmooyin Qaad ah kaas oo si sharci darro loo soo geliyey Puntland ka dib go;aanno maamulkaasi horay uga soo saaray in la keeno Qaadka ama laga ganacsado. Ciidamada Booliska oo howgallo ka sameeyey deegaanka Ceel Daahir ee gobolka Bari ayaa gacanta ku soo dhigay xirmooyinka Qaadka ah ka dib ciidamada iyo taliska booliska gobolka ayaa Qaadka ku gubay goob fagaaro ah. Taliyaha qeybta ciidamada Booliska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo ka hadlay goobta lagu gubayey Qaadka ayaa digniin u jeediyey dadka weli ku howlan jabinta awwaamiirta horay looga soo saaray Qaadka in la keeno Puntland sababo la xiriira cabsi laga qabo qaabuqa Coronavirus. Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer Qaad ku gubay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Puntland ka dib markii madaxweyne Saciid Cabdillaahi Deni uu soo saaray go’aanno lagu joojinayo Qaadka la keenayey deegaannada Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Siciid Cabdullaahi ayaa si rasmiya u xaqiijiyay geerida wasiiru dowlihii Cadaaladda Hirshabeelle. Marxuum Khaliif Mu’min Tooxow ayaa noqday qofkii labaad ee Soomaaliya ugu geeridooday cudurka Coronavirus islamarkaana ah mas’uulkii ugu horreeyay ee xanuunkaas ugu dhintay gudaha dalka. Wasiirka ku xigeenka Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Siciid Cabdullaahi ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Tooxow. Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa markale shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaatan fariimaha wacyigelinta si looga hortago faafidda Cudurkaas safmareenka ah. Marka laga soo tago laba ruux ee u geeriyooday xanuunka Coronavirus waxaa ilaa iyo haatan la diiwaan-geliyay ilaa 21 kiis oo dhammaantood laga helay magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo si rasmiya u xaqiijisay geerida Marxuum Khaliif Mu’min Tooxow appeared first on Puntland Post.
  8. Alle ha u naxariistee, waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiiru dowlihii Caddaaladda Hirshabeelle, ahaana xildhibaan ka tirsan maamulkaas Khaliif Mu’min Tooxow. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay geerida marxuumka, waxaana uu tacsi u diray dhammaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay iyo guud ahaan shacabka Hirshabeelle. Marxuumka geeriyooday, oo mudda ku xanuunsanayey hotel ku yaalla gudaha magaalada Jowhar, ayaa maalmo ka hor laga helay cudurka Coronavirus, kadib markii baaritaan loo geeyay magaalada Muqdisho. Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa jimcihii la soo dhaafay xaqiijisay in cudurka Coronavirus laga helay 9 qof oo uu kamid yahay marxuumkaas geeriyooday ee Khaliif Mu’min Tooxow. MarxuumTooxow, wuxuu noqonayaa qofkii labaad ee dalka Soomaliya ugu geeriyooday xanuunka COVID-19, islamarkaana waa mas’uulkii u horreeyay ee Soomaaliya gudaheeda cudurka laga helay haddana u dhintay. PUNTLAND POST The post Wasiiru dowlihii Cadaaladda Hirshabeelle oo u geeriyooday Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  9. Qoraal ay soo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayay ku sheegeen in ay ku bogaadinayaan dowladda Soomaaliya dedaallada ay ku dooneyso iney ku xakameyso in cudurka COVID-19 uu ku baaho dalka. “Waxaan ognahay in faafista viruska corona uu yahay caqabad caalami ah, waana mid ay tahay inaan dhammaanteen si wadajir ah u waajahno. Jawaabtaasi waa mid u baahan midnimo iyo in colaadda iyo rabshadaha aan meel iska dhigno,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamku ay soo saareen. Waxaa ay intaa ku dareen in ay ayyidsan yihiin baaqii ka soo baxay xogahayaha uud ee QM ee dalbanayay xabad joojin dunida oo dhan ah. Waxa ay qoraalkooda ku sheegeen in looga baahan yahay dhammaan kooxaha ku lug leh colaadda Soomaaliya in ay joojiyaan rabshadaha. “Waxaan ugu baaqeynaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale iney joojiyaan rabshadaha, iyo ficillada argagixinimo si loo suurtogeliyo in gargaarku uu gaaro kuwa u baahan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dhanka kale, beesha caalamka ayaa ku baaqday in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu ay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa faafitaanka coronavirus ee Soomaaliya. Waxaa ay soo jeediyeen in lagu dhammeeyo khilaafaadka jira qaab midnimo ah islamarkaana ay haddii laga fursan waayo in kulamada dowladda, kuwa maamulada gobollada iyo shirarka baarlamaankaba ay noqdaan kuwa qaab digital ah loo qabto. Ugu danbeyntii, saaxiibada Soomaaliya ayaa qoraalkooda ku sheegay in xilligan adag ee cudurka coronavirus uu bulshada caalamka culeesyo badan ku keenay ay tahay in mas’uuliyiinta Soomaalida iyo milkiilayaasha dhulka ay barakaceyaashu deggan yihiin ay gabi ahaanba joojiyaan in dadkaasi laga saaro xeryaha ay deggan tihiin mudada lagu jiro dagaalka ka dhan ah faafitaanka cudurka COVID-19. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Deeqbixiyeyaasha oo ku baaqay midnimo ay Soomaalidu kula tacaalaan COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlayey aas-aaska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta ku beegan ayaa sheegay in ciidamada dowladda federaalka au guulo is-daba joog ah ka soo hooyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boggaadiyey ciidamada xoogga, sida ay mar-weliba uga go’an tahay difaaca dalkooda. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay kor u qaadi doonto tayada iyo aqoonta saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Far.mp3 View the full article
  11. MOGADISHU (HOL) - The minister of Justice Minister for HirShabelle State Khalif Mumin has died of COVID-19 in Mogadishu barely a week after he was transferred from Jowhar town. Source: Hiiraan Online
  12. Allaha u naxariistii waxaa maanta isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday wasiiru dowlihii wasaaradda Cadaalada Hirshabelle, Xildhibaan Khaliif Muumin, kaas oo muddooyinkii la soo dhaafay la xanuunsanaa cudurka Coronavirus. Geerida ku timid mas’uulkaasi ayaa waxaa Shabelle uga warbixiyey, wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka HirShabelle, Mudane Muxudiin Mukhtaar Macalin. Marxuumka ayaa noqonaya qofkii labaad ee cudurka Coronavirus ugu geeriyooda gudaha magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/cod.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin walba waxaa tiro ka badan laba qof laga helayaa cudurka coronavoirus oo hadda u muuqda inuu si deg deg ah ugu faafayo gudaha dalka, gaar ahaan Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Qaar ka mid ah dhaqaatiirta wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay in taro dad ah oo qaba Coronavirus ay aaminsan yihiin in ay ku nool yihiin Muqdisho, kuwaas oo aan u imaanin wasaaradda islamarkaana guryahooda ay iska joogaan. “Si xowli ah ayuu ugu sii faafayaa Muqdisho waxaana ka cabsi qabnaa inuu gaaro xaalad ka baxsan awooda dowladda,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Laba dhaqtar oo ka howlgala Isbitaalada Digfeer iyo Aadan Cade ayaa shalay baraha Bulshada ku soo daabacay in laga helay cudurka Coronavirus ayna isku karantiileen guryahooda. Sidoo kale waxaa gabi ahaanba la xiray Isbitaalka Digfeer oo ahaa Isbitaalka ugu weyn ee ku yaala gobalka Banaadir. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in tirada dadka qaba cudurkaan ay sii kordhayaan islamarkaana kuwa hadda qaba laba kamid ah ay xaaladooda aad u liidato. Qofkii labaad ayaa maanta cudurka ugu geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa wasiiru dowlaha cadaaladda maamulka HirShabelle Khaliif Muumin. Saraakiisha caafimaadka ayaa qaba in shacab badan oo qaba cudurkaan aysan la soo xariirin wasaaradda ayna isku karantiileen guryahooda, amay noloshooda caadiga iska wataan, taasina ay sababi karto in qatarta intaan ka badato. Wasaaradda caafimaadka ayaa la filayaa in maanta ama berri ay warbixin kale oo cusub kasoo saarto xaaladda cudurka ee dalka.
  14. Somalia:Wasiir u geeriyooday Xanuunka Coronavirus Wasiiru dowlihii Wasaaradda cadaaladda Maamulka Hirshabeelle Khaliif Muumin ayaa maanta xanuunka Coronavirus ugu geeriyooday magaalada Muqdisho. Dhimashadiisa ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay Maamulka madaxtooyada Hirshabeelle Marxuumka ayaa kamid ahaa labo bukaan oo ay wasaaradda caafimaadka Somalia sheegtay inay xaaladooda aad u liidato. Dhowr maalmood kahor ayaa la dhigay isbitaalka, isagoo kamid ahaa 9 qof oo cudurka laga helay. Waxaase isagu cudurkaan uu ku haleelay magaalada Jowhar. Waa qofkii ugu horeeyay oo masuulintii Somalia ka mid ah oo cudurka Coronavirus ugu geeriyooday Soomaaliya. Sidoo kale waa bukaanki labaad oo cudurka u dhinta. Qaran News
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-120420-ww.mp3 View the full article
  16. Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay gacanta ku hayaan ayaa sheegaya In Madaxweyne Farmaajo uu la hadlay Gudiga Doorashada Ee Dowlada Federaalka waxayna isla meel [...] Source
  17. Sawirradii Dunida ugu soo jiidashada & Saameynta Badnaa Todobaadkan Kal-kaaliso caruurta markaasi dhalatay u xireyso qalabka difaaca wajiga ee ka hor tagga coronavirus iyadoo ku sugan isbitaalka Princ ee Thailand. Dad xiran maskaraatiga afka lagu duubto oo ka shaqeeynaya shikadda gawaarida sameysa ee Honda Waxay usoo baxeen iney mada-daaliyaan caruurta Falastiiniyiinta ee guryaha ugu jira cabsida laga qabo xanuunka Corona awgeed Farriin qoraal ah oo lagu dhajiyay Xarunta CHURCHIL, taas oo ah ”Si dhakhsiya u soo caafimaad” Farriinta ayaa la daabacay ka dib markii raysal wadsaaraha UK Boris Johnson loo gudbiyay xarunta lagula tacaallo dadka uu aadka u soo ritay fayraska Corona. Qaraabada dadkii ku le’day magaalada Guayaquil oo ah magaalada uu aadka u saameeyay dalkaasi Ecuador. Ilaa 24 milyan oo qof ayaa daawaneysay markii boqoradda Ingiriiska Elizabeth II ay qaranka khudbad u jeedineysay. Waa iftiinka ka soo baxaya qolalka hoteelka Bogor, Indonesia, kaasi oo looga gol leeyahay in lagu dhiirageliyo shaqaalaha caafimaadka ee la tacaalaya xanuunka Covid-19. Qaran News
  18. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has today praised Somali national army for fighting terrorism and supporting civil authorities in the maintenance of peace and security In a statement, Farmajo congratulated all members of the Somali National Army and their families on the 60th anniversary of the formation of the National Army. “The Armed Forces are our national symbol and stands for defending national sovereignty. We are still not where we wanted to be, but as a government, we embarked on a plan to reform and rebuild our army”, President Farmajo said in a statement. The President pointed out that a strong and effective army is vital to nationhood and the regeneration of the country saying his government has taken a decisive step towards the reform of the Armed Forces. He said SNA Forces have reduced al Shabaab’s capacity to launch attacks in Somalia. The president noted that soldiers who lost their lives in the line of duty made sacrifices for country’s greater good. SNA was established in 12th April in 1960 after Somalia got its full independence. Under Siyad Barre’s rule, Somalia once possessed a formidable military in the continent. The army which disintegrated when the civil war 1990s was re-established during the former transitional Somali government. View the full article
  19. (SLT-Muqdisho)-Wasiiru dowlihii Cadaaladda maamul gobolleedka HirShabelle ee Soomaaliya Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurka Coronavirus. Khaliif Muumin ayaa ka mid ahaa 9 qof oo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay Jimcihii shaaca ka qaadday in laga helay cudurka Coronavirus. Xildhibaan Khaliif ayaa todobaadkii hore loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku xanuunsaday magaalada Jowhar, laguna arkay astaamaha lagu garto cudurka Coronavirus. Waxa uu noqonayaa qofkii labaad ee inta la ogyahay gudaha Soomaaliya ugu geeriyooda cudurka Coronavirus. Khaliif ayaa cudurka ku qaaday gudaha dalka, mana jirin wax safar dibadeed ah oo uu dhowaanahan galay. Waxaa jirta cabsi xooggan oo la xidhiidha inay jiraan dad aan laga war-hayn oo cudurka uu gaaray ama u dhintay iyaga oo aan la diiwaan-gelin. Shacabka Muqdisho qaarkood ayaa werinaya dad dhintay oo lagu arkay caalamadaha cudurkan balse ma jirto cid xaqiijin karto maadaama aan tijaabo la marin Source
  20. Somalia’s international partners* express their solidarity with the Somali people and government at all levels in facing the global pandemic of the coronavirus (COVID-19). They commend the Somali authorities for the measures they have taken to date to contain the spread of the virus, including awareness-raising, quarantine measures, and social distancing. They note that the spread of the virus is a universal challenge and one that must be faced together. They underscore that this is a time to unite to confront this unprecedented challenge. The response will require unity, and for conflict and violence to be set aside. The partners recall the appeal of the United Nations Secretary-General for a global ceasefire and lend their strong support to this call. They strongly encourage all parties and communities to end the conflict. They call on al-Shabaab and other groups to cease acts of violence and terrorism and to enable assistance to reach all communities in need. The partners urge the FGS and all FMS leaders to resume without further delay in constructive collaboration to advance national priorities and to collaborate to mitigate the threat of the virus. They noted that legitimate political differences will require dialogue and the willingness to forge consensus. All Somalia’s leaders, in the federal government, federal member states and Parliament must continue their important work, using web-based meeting options if necessary. The virus requires unity not only within countries but between neighbors and the region. The partners encourage Somalia and the countries of the region to reduce infection, reinforce health systems, and strengthen community resilience, as well as to keep key trade routes open, and facilitate vital private financial flows. The partners commend the initiative taken by the African Union Commission Chairperson in convening an emergency ministerial meeting on COVID-19 on 22 February 2020, and the declaration of the Summit of the IGAD Heads of State and Government on 30 March 2020. The social and economic effects of COVID-19 are far reaching, and further compound the debilitating consequences of conflict, desert locust infestation, droughts and perennial flooding that impact the most vulnerable populations. The partners call on Somali authorities and private land owners to suspend evictions of displaced persons for the entire duration of the COVID-19 response. The partners welcome the development of Somalia’s COVID-19 Response Plan and appeal for all stakeholders to support it and align and coordinate their assistance with its priorities. The partners thank the Federal Government of Somalia for enabling operations and international support to continue, and reaffirm their commitment to assist Somalia to respond to the impact of COVID-19. View the full article
  21. Sida ay Goobjoog News u xaqiijisay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya qofkii labaad ayaa xanuunka COVID-19 ugu geeriyoday magaalada Muqdisho oo lagu karaantiilay. Allah u naxariistee muwaadinka labaad ayaa ahaa wasiirudowle ka tirsanaa dowlad goboleedka Hirshabeelle oo dhowaan laga keenay magaalada Jowhar oo uu ku soo ritay xanuunka waxaana lagu magacaabijiay Khaliif Muumin. Muwaadinka maanta u geeriyooday xanuunka ayaa waxaa uu noqonayaa qofkii labaad oo xanuunka Coronavirus ugu geeriyooda dalka gudihiisa , waxaana sidoo kale wasaaraddu diiwaan gelisay ilaa 25 kiis oo la jiifa Covid-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Wasiir u Dowlihii Cadaalada ee Maamulka Hirshabeele Khaliif Muumin ayaa goordhaweyd ku geeriyooday Magaalada Muqdisho kadib markuu la xanuunsanaa Cudurka Corona Virus. Ehelada Marxuumka ayaa [...] Source