Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. War-saxaafadeed uu soo saaray taliska AFRICOM ee Mareykanka ayuu ku sheegay in uu bixinayo faah faahino dheeraad ah oo la xiriira eedeymaha loo jeediyey ee ku aadan in dad shacab uu ku dilo duqeymaha uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu dad shacab ah ku dilo duqeymihiisa. Taliyaha AFRICOM, General Stehphen Towsend ayaa xusay in tan iyo markii loo soo magacaabay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ay qiimeyn iyo tixraac ku sameynayeen meelaha ay duqeymaha ka fuliyeen iyo khasaaraha shacabka ka soo gaaray. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in duqeymaha ay fuliyeen aysan inta badan khasaaro ka soo gaarin dadka rayidka ah, hadii taasi ay dhacdana uu Mareykanka ka jawaabi doono. Si kastaba ha’ahaatee hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in bishii Febraayo ee sanadkan ay diiwaan-gelisay labo ka mid duqeymaha Mareykanka oo lagu dilay laba ruux oo shacab ahaa, halka duqeymahaasi ay dhaawacyo ka soo gaareen laba ruux oo kale oo rayid ah, kuwaas oo aan waxba galabsan. View the full article
  2. R/wasaaraha Xukuumadda Fedeaalka ee Soomaaliya Mudan Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo asaxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Ra’isul Wasaarahii Hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo ku geeriyooday dalka UK. Ra’iisul wasaare Khayre axa uu ka waramay doorkii shariifka ahaa ee uu ka soo qaatay dhismaha dowladda iyo horumarada kale ee uu ku lahaa hey-adaha bixiya adeegyada bulshada. Khayre wuxuu marxuum Nuur Cadde Alle uga baryay in uu ka waraabiyo Janatul Fardawsa ,isagoo qoyskii iyo asaxaabtii uu ka baxayna u rajeeyay samir iyo iimaan. “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday London. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Nuur Cadde oo saaka ku geeriyooday London ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay la xanuunsana cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya caalamka. View the full article
  3. Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta guddoomiye cusub u doortay xildhibaan Cali Siciid Fiqi, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Fiqi ayaa cod aqlabiyad leh ugu soo baxay doorashadaasi oo uu kula tartamayey musharrax Maxamed Cabdiraxmaan. Fadhiga ay maanta yeesheen xildhibaada cusub ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa goobjoog ahaa aillaa 93 xildhibaan, kuwaas oo doorashada guddoonka ka qeyb-galay Sida uu ku dhaawaqay guddoomiyaha guddiga doorashada ee guddoonka baarlamaanka waxaa doorashada ku guuleystay Fiqi oo helay 83 cod, halka musharraxa kale helay 2 cod. Sidoo kale waxaa goor dhow lagu gala deli doonaa doorashda guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo ku xigeenka labaad oo ay u taagan yihiin illaa saddex musharrax oo kala ah: xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed iyo xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed oo u taagan xilka ku xigeeka koowaada, halka xildhibaan Shamso Maxamed Yarowa ay kaliya u sharraxan tahay guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Koonfur Galbeed. View the full article
  4. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxaa cafis loogu fidiyey maxaabiista ku xiran deegaannada kala duwan ee Somaliland. Wareegtada madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-495/042020, ayaa waxaa cafiskeeda ka faaiidaysan doono ku dhowaad 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) kuwaas oo loo haysto dambiyada aan cusleyn sida dilka oo kale. Wareegtada ka soo baxday maanta madaxweynaha Somaliland ee cafiska loogu fidiyey maxaabiista ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa iyadoo xabsiyada Somaliland ay ku jiraan maxaabiis ku eedeysan dambiyo aan sidaas u cusleyn walow ay jirto cabdida ku aadan xanuunka Coronavirus kaas oo xalay kiisas ka mid ka laga xaqiijiyey Somaliland. Halkaan ka Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ka furmay wadahadalo u dhaxeeyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Xubnaha Mucaaradka ku ahaa Maamulkiisa ee Golaha Is-bedel doonka Jubbaland. Sida ay ogaatay Caasimadda Online, wadahadaladaan ayaa waxaa garwadeyn ka ah Dowladda Kenya oo ka shaqeysay sidii la isugu keeni lahaa Madaxweynaha Jubbaland iyo Golaha isbadal doonka oo diiday doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo. Sida wararku sheegayaan wada hadaladaan ayaa u dhaxeeya Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Cabdirashiid Xidig, Cabdinaasir Seeraar iyo Sheekh Daahir oo ka mid ahaa xubnaha ugu weyn ee mucaaradka, sidoo kalana waxaa goob joog ka ah xubno ka socdo Dowladda Kenya. Ajandaha kulankaan ayaa ah sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa khilaafka soo jiitamayey ee u dhaxeeyo madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubunaha mucaaradka oo garab ka helayey Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale Caasimadda Online ayaa ogaatay in xubnaha Kenya ku matalayey kulankaan ay badankooda ahaayeen saraakiil ka tirsan sirdoonka iyo militariga Kenya. Wadahadalaan oo qodobadii ugu horeeyey la isku fahmay ayaa la filayaa in la dhameystiro maalmaha soo socdo, waxaana lasoo saari doonaa war murtiyeed ku aadan waxbaayaha ay ku heshiiyeen labada dhinac. Horraantii bishii Febuaray ayey aheyd markii xubnaha mucaaradka ee Jubbaland diyaarad Militari oo ay leedahay Kenya looga soo qaaday Magaalada Kismaayo, waxayna markii hore kulamo kala duwan la qaateen xubnaha ay Dowladda Kenya u xil saartay inay dhex dhexaadiyaan labada dhinac. Bishii August ee sanadkii hore Dib u doorashadii Axmed Madoobe ayaa mucaaradada ugu weyn ee uu gudaha kala kulmay waxay ahaayeen C/rashiid Xidig iyo C/naasir Seeraar, kuwaasoo iyana si iskood ah Kismaayo ugu dhawaaqay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland.
  6. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-01042020ww.mp3 View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-495/042020, Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Cafis Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149; Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/138/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020; Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/72/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
  8. Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa goordhow guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulaasi u doortay safiirkii hore ee Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Siiciid Fiqi. Hoolka ay ka dhaceysay doorashada guddoonka ayaa waxaa soo xaadiray 92 xildhibaan waxaana guddoomi yaha u codeysay 86 mudane, waxaana xumaaday 8 cod halka ay ka maqnaayeen goobta 3 xildhibaan. Guddoomiya la doortay ayaa waxaa xilka kula loolamayey Maxamed Cabdi raxiin Nuur kaas oo helay 2 cod, sidaas ayuu Dr. Cali Siciid Fici uu ku noqday guddoomiyaha cudub ee baarlamanka labaad ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada madaxbannaan. Mudanayaasha oo aaday salaadda iyo qadada ayaa lagu wadaa in soo noqodka ay doortaan guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ay ku loo lamayaan labo ruux oo kala Maxamed Nuur Macali iyo Aamino Isxaaq Maxamed midka labaad ayaa kaliya waxaa u taagan Shamso Maxamed Yaroow. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Baydhabo (Caasimadda Online) – Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ka dhacdey doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ay ku tartameen laba musharax. Fadhiga doorashada ayaa waxaa ku sugnaa 93 Xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed,kuwaas oo musharixiinta u kala codeynayay,waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed loo doortey Xildhibaan Dr Cali Saciid Fiqi oo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub. Labada musharax ayaa waxaa ay codadka u kala heleen 84 Cod waxaa helay Dr Cali Saciid Fiqi oo noqdey Guddoomiyaha Baarlamaanka halka 2 Cod uu helay musharixii la tartamayay ee Maxamed Cabdiraxmaan,waxaana halaabey 8 Cod. Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqey in xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ku guuleystay xildhibaan Cali Saciid Fiqi. Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa aad uga hooseysay doorashooyinka kale Guddoonka Baarlamaanka dowlad goboleedyada, maadaama xamaasadda tartankaas uu aad u hooseeyay, marka loo eego in hal musharax kaliya ahaa ninka la hadal hayay. Goordhow ayaa la guda geli doonaa doorashada Guddoomiye kuxigeenada Baarlamaanka Koonfur Galbeed,hayeeshee Xildhibaanada loo fasaxey qado iyo inay Salaad soo dukadaan. Xildhibaanad Aamina Isaaq Maxamed iyo Maxamed Nuur Maxamed ayaau taagan xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed,halka Xildhibaan Shamso Maxamed Yaroow oo ah Shaqsiga kaliya ee u taagan qabashada xilka guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay Allaha u naxariistee geeridii ku timid, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa ra’iisul wasaare hore, kaas oo saaka ku dhintay dalka Ingiriiska. Khayre ayaa marka tacsi u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay marxuumka oo u geeriday caabuqa Corona. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa marxuumka alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday London. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Nuur Cadde waxaa loo magacaabay ra’iisul wasaare bishii November sanadkii 2007-dii, xilliggaas oo uu dowladda KMG fadhigeedu ahaa magaalada Baydhabo . Marxuumka ayaa sidoo kale ra’iisul wasaare ahaa tan iyo 2009-kii, ka hor wuxuu muddo dheer madax ka ahaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.
  11. (SLT-Riyadh)-Dawladda boqortooyada Sucuudiiga ayaa ayaa Muslimiinta Adduunka Daafahiisa ku nool ka codsatay inay sugaan illaa Xaaladda Coronavirus uu Adduunka geliyey kala Caddaanayso oo aanay gudo-gelin hawlaha ay ugu diyaar-garoobayaan inay soo gutaan waajibaadka Xajka. Sidaana waxa Slaaasadii Shalay Telefiishanka Dawladda boqortooyada Sucuudiga ka sheegay Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga. horraantii bishii dhamaatay ee March, Sucuudigu wuxuu hakiyey Cimradii cabsi laga qabo in Cudurka Coronavirus uu ka faafo Magaalooyinka dhulka barakaysan, sida Makka iyo Madiina, taasina waxay Shaki gelisay inay samayso Xajka Sannadkan. Dad gaadhaya 2.5 million oo Daafaha Dunida ka kala yimid ayaa Taga Makka si ay u soo gutaan Waajibaadka Xajka, waxaana hawhsha logu diyaar-garoobayo Xajku bilaabantaa dabayaaqada bisha July ama bisha Afraad. Sidoo kale, Xajku waa il Boqortooyada Sucuudigu ka hesho Dhaqaale. “Sucuudigu si dhamaystiran ayuu diyaar ugu yahay Dadka gudanaya Xajka iyo Cumrada..” ayuu yidhi, Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga Mohammed Saleh Benten o la hadlay Telefiishanka Al-Ekhbariya, waxaanu intaa ku daray “Laakiiin, Xaaladda lagu jiro awgeed, Bopqortooyadu waxay doonaysaa inay ilaaliso Caafimaadka Muslimiinta iyo Muwaadiniinta, sidaa darteed waxaanu waydiisanaynaa Muslimiinta Dalalka oo dhan inay sugaan oo aanay gelin hawlaha Xajka (ugu diyaar-garoobayaan), illaa inta Xaaladdu kala caddaanayso.” ayuu yidhi. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga Kulmiye ee Dalka Maraykanka Eng Farxaan Axmed Maxamuud, ayaa shaaciyey inuu xilka iyo xubinnimadiisii Xisbigaasba iska casilay, ka dib markii uu arkay in hoggaanka Xisbigu ay ku fashilmeen himiladii loo abuuray Kulmiye iyo hoggaaminta habboon ee laga filayey Xukuumadda talada haysa wakhtigan ee Kulmiye. Eng. Farxaan Axmed, ayaa Warqadda iscasilaaddiisa u gudbiyey Hoggaanka Xisbiga ee ay khusayso, sidoo kalena madaxda sare ee Xisbiga ogeysiin ka siiyey, waxaanu sababeeyey waxa ku kallifay inuu is-ka casilo xilka iyo xubinnimada Kulmiye oo uu sheegay inuu la soo shaqaynayey ku dhawaad labaatan sannadood xubin buuxda ka ahaa, xilal kala duwanna ka soo qabtay Xisbiga Somaliland illaa Maraykanka. War-saxaafadeedka uu is-casilaaddiisa ku shaaciyey Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga Kulmiye ee Maraykanka Farxaan Axmed Maxamuud oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay HCTV, waxa uu u shignaa sidatan:- “Ref:XK/USA/00013/2020 Date: 30/03/2020 Ku: Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ku: Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Ku: Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga Ameerica Canada Og: Guddiga Fulinta Xisbiga kulmiye ee dalka Maraykanka USA Og: Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka USA Og: Laamaha iyo Xafiisyada Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka USA Ujeeddo: Is-casilaad Xilkii iyo Xubinimadii Xisbiga; Aniga oo magacaygu yahay Eng /Farxaan Ahmed Maxamuud ahna Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka, xubin firfircoonna ka ahaa Golaha Dhexe ee Xisbiga oo aan ku soo jiray ilaa 2002-dii markii la aasaasay, xilal kala duwanna ka soo qabtay, waxaan madaxda sharafta leh halkan ugu soo gudbinayaa kuna war-gelinayaa inaan iska casilay xubinimadii Golaha Dhexe iyo Xilkii Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga ee dalka Marykanka Maraykanka. Go’aanka is-casilaaddayda, waxa aan gaadhay kaddib: Markii aan arkay: Sida indho-la’aanta ah ee hoggaanka xisbigu isaga indho- tiray inay u hoggaansamaan ujeeddooyinkii loo aasaasay iyo sababihii aan ku raacay inaan xisbiga ugu ololeeyo oo ay noqotay hal bacaad lagu lisay. Markii aan arkay: Baahida faraha badan ee dalka ka jirta oo taladii xisbiga ee siyaasaddiisa lagu maarayn lahaana ay maroorsadeen shaqsiyaad gaar ah. Markii ay soo baxay in:Siyaasaddii xisbiga Kulmiye ku ololeeyey ee Shacabku ugu codeeyey hoggaanka xisbiga ee uu ka mid yahay madaxweynuhu oo dhag jalaq loo siin waayey. Markii aan arkay: Inuu waddankii furfurmay oo uu galay xaalad cakiran. Markii aan Garowsaday: In Xisbiga Kulmiye labadii jeer ee uu hoggaanka dalka gacanta ku hayey in Somaliland wax ka sii dhaca mooyaane aanay waxba u kordhin. Markii aan arkay: Inaanay jirin tallaabo uu xisbigu ka qaaday iyo siyaasad uu ku wejahayo isu-soo-dhawaynta bulshada Somaliland iyo dawaynta xanaftii ka dhalatay doorashadii madaxtooyada Nov 2017. Markii aan arkay: In hoggaanka maanta talada xisbiga iyo dalka gacanta ku hayaa ku fashilmay siyaasadda Arrimaha dibadda ee dalka, isla markaana uu ka baydhay siyaasaddii xisbiga loo jeexay ee uu ku shaqaysan jiray Kulmiyihii uu Md Axmed-Siilaanyo maraha u hayey. Markii ay soo baxday: Inaanay jirin siyaasad qorsheyaal ku dhisan oo hoggaanka dalka iyo xisbiguba u marayaan fulinta ballan-qaadyadii uu sameeyey iyo ka-midho-dhalinta ujeeddadii siyaasadeed ee mabaadii’da xisbiga lagu dhisay. Markii aan arkay: Inay meesha ka baxday nidaamkii dimuqraadiyadda iyo is-toosinta ee gudaha xisbiga Kulmiye ku soo caano maalay, waxna layska dhagaysan waayey, taageerayaasha xisbiga laftoodu ka biyo-diidan yihiin. Markii aan: La tashi la sameeyey Madaxda Xisbiga ee aanu Isku afkaarta nahay ee ka biyo-diiddan siyaasadda la majara-habaabiyey e Xisbiga. WAXAAN GO’AANSADAY;- Inaan Iska casilo xilkii Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Maraykanka Inaan iska casilo Xubinimadii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka. Inaan iska casilo xubinimadii Guddiga Fulinta Xisbiga ee dalka Maraykanka. Anigoo ku faaxsan inaan wakhtigayga, maalkeyga iyo xooggayba u soo huray dhismaha Xisbiga iyo Inaan la soo shaqeeyay Labada madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Muuse Biixi Cabdi ee ku yimi Guushii Xisbiga Kulmiye ka soo hooyay doorashooyinka dalka. Waxaan aaminsanahay inay Sharaf ii tahay inaan la soo shaqeeyo labadaas madaxweyne, taariikhdana way ii galaysaa, waanan uga mahad-celinayaa wada-shaqayntii fiicnayd ee muddadaas 20-ka sanno ku dhow na soo martay. Xilalka aan ka soo Qabtay Xisbiga Muddadaas 20-ka sano ku dhow, ayaa kala ah sidan:- Muddadii u dhaxaysay 2002 illaa 2007, xubin ka mid ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye. Sannadihii 2003 illaa 2005, waxaan ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Degmada 26 Juun ee magaalada Hargeysa. Intii u dhaxaysay 2010 illaa 2012 Xubin Golaha Dhexe ah. Muddadii u dhaxaysay 2014-kii illaa 2016-kii waxaan ahaa Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga America. Laga soo bilaabo 2016-kii illaa 2020-ka, waxaan hayey xilka Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Waddanka Maraykanka. Allaa Mahad Leh.” sidaa ayuu Warkiisan qoraalka ah ee Warbaahinta aftahannews.com soo gaadhay ku yidhi Eng. Farxaan Axmed Maxamuud Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga Kulmiye ee Maraykanka oo xilkaas iyo xubinnimadii xisbigaba uu ku shaaciyey inuu si rasmi ah isaga casilay.” Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – AUN Nuur Xasan Xuseen oo ku magac dheer Nuur Cadde waxa uu dhashay 16-kii Febaraayo sanadkii 1937-dii, waana Ra’iisul Wasaarihii 12-aad ee Taariikhda Soomaaliya soo maray. Nuur Cadde waxa uu shaqadiisii ugu horeysay uu qabtay ka bilaabay qaybta kastamka oo uu sarkaal ka noqday sanadkii 1958-dii labo sano kahor madax banaanida Soomaaliya, waxaana uu kamid noqday saraakiisha Booliiska Caalamiga ah ee Interpol. Tababar ciidan oo dibadda ah waxaa u diray Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, kadib markii soo soo dhameystay waxa uu daraaseeyay kulliyadda sharciga Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed iyo iskuul lagu magacaabo Fiscal Law oo ku yaalla Magaalada Rome ee Caasimadda Talyaaniga. Waxa uu noqday Qareen, kolkii ay dhacday Dowladii Kacaanka sanadkii 1991-dii dalkana uu burburay galay waxa uu noqday Xoghayaha guud ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed. 22-kii November sanadkii 2007-dii, Madaxweynihii Dowladii KMG ahayd ee lagu soo dhisay Kenya Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxa uu Ra’iisul Wasaare u magacaabay Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde kadib markii uu is casilay Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi 29-kii October isla sanadkaas. Marxuum Nuur Cadde markii uu codka kalsoonida ka helay Baarlamaankii KMG ahaa waxa uu waqti kooban kadib ku dhawaaqay Xukuumad ka kooban 73 xubnood, 31-Wasiir, 11- Wasiiru Dowle iyo 31-Wasiir ku xigeen. 17-kii December waxa uu isbadal lagu yareeyay Xukuumaddii ka koobneed 73-da uu ku sameeyay, waxaana uu magacaabay Xukuumad cusub oo lagu soo koobay 17-Wasiir, Shan Wasiir ku xigeen iyo shaqsiyaad ka baxsan Baarlamaankii xiligaas. 10-kii Janaayo waxaa Wasiirada cusub waxaa ansixiyay Baarlamaanka, kadib markii codeyn loo sameeyay kalsoonida lagu siiyay 223 Cod, waxaana kasoo horjeystay Shan Xildhibaan iyo labo Mudane oo ka aamustay. Nuur Cadde waxa uu udub dhexaad u noqday Wadahadalkii dhexmaray Dowladii KMG iyo Garab kamid ah Maxkamadihii oo saldhigtay Jabuuti, waxaana ugu dambeyn la dhisay Baarlamaan ka koobnaa saddex dhinac oo kala ahaa, Dowladdii KMG, Maxkamadaha iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa Bulshada. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo uu qabtay sanadkii 2007-dii waxa uu baneeyay sanadkii 2009-kii, kadib markii Jabuuti lagu doortay Madaxweynihii Dowladdii KMG Shariif Sheekh Axmed oo isna Ra’iisul Wasaare muddo kadib u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Xigasho: Mustaqbal
  14. (SLT-London)-War hadda soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Magaalada London ee Caasimada dalka Ingariiska uu Maanta ku geeriyooday Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde. Nuur Cadde ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu la xanuusanaa oo ku dhacay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka, isla markaana ay ku geeriyoodeen kumanaan qof oo ay ku jiraan Soomaali. Geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa oo la hadlay warbaahinta. Alle u naxariistee Nuur Cadde ayaa waxaa ku geeriyooday cisbitaal lagu magacaabo Kings College oo ku yaalla Magaalada London ee Caasimada dalka Ingiriiska oo uu maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay. Dad badan oo Soomaali ah ayaa Cudurka Coronavirus waxaa ay ugu geeriyoodeen dalal ku yaalla Yurub, waxaana kamid ah Ingiriiska iyo dalka Sweden, iyadoona ay xusid mudan tahay in dad Soomaali ah oo ku nool Yurub uu soo ritay Cudurkaas. Source
  15. Illaahay ha u naxariistee waxaa amagaalada London ku geeriyooday Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade ka dib markii uu in mudo [...] Source
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay la wareegeen deegaanka Dag-Caday oo hoostaga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, kadib dagaal ay la galeen ciidanka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahnno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaankaasi oo u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana ay u suura-gashay inay guud ahaan qabsadaan, kadib iska hor imaad ka dhacay halkaasi. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayaan Dag-Caday, islamarkaana ay dagaalka ku gubeen gaari ciidan, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab meel fagaare ah ay kula hadleen dadka deegaanka, welina ay joogaan halkaasi. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Ciidamada huwanta ayaa maamihii u dambeeyey xoojiyey dhaq dhaqaaqyo milatari ee au ka wadaan K/Soomaaliya, inkastoo iska caabin ay kala kulmaan Al-Shabaab.
  17. LONDON (HOL) - The former Prime Minister of Somalia Nur Hassan Hussein has died in London after contracting the deadly COVID-19 disease. Source: Hiiraan Online
  18. Taariikhda Nuur Cadde Nuur Xasan Xuseen Cadde oo ahaa ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta xanuunka Corona dartii ugu geeriyooday dalka Ingiriiska Nuur Cadde waxaa uu ra’isul wasaare noqday November 2007 isaga oo badalay Cali Maxamed Geedi oo iscasilay, waxaana lagu xusuustaa heshiiskii uu la galay garabkii ARS ee Djibouti June 2008-kii. Wada hadalka iyo heshiiskaan oo la galay Islaamiyiinta dhexdhexaadka ahaa waxay soo dedejisay iney isku dhacaan isaga iyo madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ilaa ninka dambe uu iscasilo. Nuur Cadde waxaa uu shaqeynayey tan 1958-dii isaga oo sarkaal ka shaqeeya Kastamka, waxaa uu qabtay hawlo kale ilaa markii dambe noqday sarkaal isgaarsiin ee Interpol iyo madaxa booliiska ee qorsheynta iyo tababarka. Waxaa uu sharciga ka bartay Jaamacadda umadda iyo dalka Talyaaniga, waxaa uu noqday xeer ilaaliyaha qaranka jagadaas uu hayey ilaa 1991-dii waxaa kale oo dagaalladii kadib uu ka shaqeeyey hey’adda bisha cas ee Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. The U.S. military is facing more allegations of killing civilians with airstrikes in Somalia, and now says it will address the issue more fully in upcoming public reports. Amnesty International said in a new report Wednesday that the U.S. Africa Command, or AFRICOM, killed two civilians and injured three others in two airstrikes in February as it strikes back at the Somalia-based, al-Qaida-linked al-Shabab extremist group. One airstrike on Feb. 2 struck a home in the Middle Juba region as a family sat down to dinner, the Amnesty report says, and an 18-year-old girl was killed. Her sisters, aged 12 and 7, and their grandmother was wounded. The other airstrike on Feb. 24 near Jilib killed a farmer who also worked for Hormuud Telecom, Somalia’s largest telecom company. At the time, Hormuud officials told The Associated Press that an employee had been killed. After both airstrikes, the U.S. military said al-Shabab fighters had been killed. The group controls parts of central and southern Somalia and often targets the capital, Mogadishu, with suicide bombings. The U.S. has carried out more than 30 airstrikes against al-Shabab this year, well on pace to surpass the 63 airstrikes carried out in 2019. “The U.S. military should not be allowed to continue to paint its civilian victims as ‘terrorists’ while leaving grieving families in the lurch,” Abdullahi Hassan, Amnesty International’s Somalia researcher, said in a statement. The human rights group has been investigating U.S. airstrikes in Somalia for years. In a report a year ago, it described how 14 civilians had been killed in just five airstrikes in the previous two years. AFRICOM has carried out hundreds of airstrikes against al-Shabab in the past decade, with the rate rising sharply under U.S. President Donald Trump, but it has acknowledged killing civilians in just one of them, a 2018 strike that killed a woman and a small child, Amnesty International said. Hours before the rights group’s new report was released, the U.S. Africa Command announced that to increase transparency it would begin this month issuing a quarterly report on allegations and its assessments of civilian deaths and injuries. This is part of the U.S.’ “commitment to protecting civilians from unnecessary harm,” AFRICOM commander Gen. Stephen Townsend said. The airstrikes explored in the new Amnesty report were carried out weeks after a devastating al-Shabab attack on an airstrip in neighboring Kenya used by U.S. forces. A U.S. serviceman and two American contractors were killed, and several U.S. military aircraft were destroyed. View the full article
  20. The United Nations on Tuesday called for joint efforts and unity in the fight against the novel coronavirus in Somalia which has confirmed three cases. In a joint statement, the UN appealed to everyone in Somalia to come together in the fight against COVID-19, saying Mogadishu is facing the unprecedented challenge of the novel coronavirus disease. “The UN family in Somalia stands shoulder-to-shoulder with the people of Somalia during this testing time. We will continue to support all efforts to address the immediate health and long-term socio-economic impact of COVID-19,” said James Swan, the Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia. Swan said the UN has established system-wide operating, medical and support procedures to reinforce the ongoing efforts to contain COVID-19 at the federal and state levels as well as limit the possibility of further spread of the virus. The UN called for a cessation of acts of violence and terrorism so that all resources and support can be channeled to fight the COVID-19 pandemic. The UN said a task force has been established to ensure business continuity and agencies have developed a detailed preparedness and response plan in support of the government’s efforts. The World Health Organization (WHO) said it will support the Somali health sector by scaling up its operational readiness and response to COVID-19. Mamunur Rahman Malik, WHO Country Representative in Somalia said the UN health agency’s support has been essential to rapidly establish a mechanism for testing and confirmation of suspected cases and isolating suspected cases to prevent onward transmission. “The WHO is heavily engaged with the Somali health authorities for case findings, contact tracing, testing, isolation and containment activities with the intention of virus suppression and delaying patient surge,” said Malik. Other UN agencies and programs are supporting the implementation of the COVID-19 response plan by providing technical expertise and logistics to the government and federal member states. Some of these, the UN said, is training health workers, providing equipment for isolation centers, including testing kits, personal protective gear, and expanding early detection capabilities. “Our robust support to Somalia continues. All agencies remain engaged and continue to deliver critical assistance to those most in need,” said Adam Abdelmoula, UN resident and humanitarian coordinator for Somalia. The World Food Programme plans to distribute two months’ worth of food rations in anticipation of the deteriorating situation. View the full article
  21. AUN: Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska. Geerida Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde waxaa xaqiijisay dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna u geeriyooday caabuqa Coronavirus oo tobanaan kun oo qof dunida ku dilay. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938, markii uu barbaaray waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha Somaaliyeed sanadku markuu ahaa 1954, kadibna waxa uu u wareegay ciidanka Booliiska Somaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 1965. Nuur Cadde intii uu ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxa uu ka gaaray darajada Gaashaanle Sare. Nuur Cadde waxabrashadiisa waxa uu ku qaatay wadanka gudahiisa iyo dibadiisa, gaar ahaan Kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Umadda, Machadaka Sare ee Boliiska Adduunka (USA Washington DC) iyo Machad Sare oo ku takhasusay sharciyada la xiriira baarista dembiyada, ilaalinta canshuuraha iyo shuruucda caalamiga ah. 2007 ilaa 2009 Nuur Cadde waxa uu noqday Ra’iisul Wasaarihii dowladdi KMG ahayd ee Soomaaliya. 2013 Nuur Cadde ayaa noqday safiirka Soomaaliya ee Roma. Allaha u naxariistee Nuur Cadde ayaa saaka geeriyooday, isagoo 82 sano jir. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare hore ee Soomaaliya oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  22. Ra’isulwasaarihi hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade ayaa saakay ku geeriyooday Magaalada london ee wadanka ingiriiska sida ay inoo xaqiijiyeen eheladiisa . Allah ha u naxariistee Nuur Cade ayaa maalmahaan la xanuunsanayay Cudurka Covid-19. oo dunida fara ba’an ku haayo isaga oo ka mid noqday tiro dad Soomaali ah oo dibadda ugu geeriyooday Xanuunka Coronaviris. Maxamed Nuur Cade oo ka mid ah Caruurtiisa oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in saakay uu geeriyooday , waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay allah u naxariistee qoyska Ra’isulwasaarihi hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade lagu yir. Raiisal wasaare Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade ayaa Ra’iisalwasaare ka ahaa dowladdii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxaana xafiiska uu la wareegay 24-kii Novembar 2007, waxaana uu ka tagay 14-kii February 2009. Silamida waxaa bishii tagatay ee Maarso magaalada u geeridooday xanuunka Coronavirus ciyaariyaankii hore ee xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxdii Batroolka Cabdiqaair Maxamed Faarax Biriq waxaana uu ku geeriyooday magaalada London ee wadann Ingiriiska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. The Paris Club of creditor nations agreed on Tuesday to restructure Somalia’s debt, including immediately canceling $1.4 billion owed by the impoverished Horn of Africa country. Three decades of conflict have left Somalia all but cut off from the global financial system and relief from its debt is expected to open the way for new sources of financing for the country. The decision, first reported by Reuters, cancels 67% of the debts owed to Paris Club creditors by Somalia. It came after more than nine hours of discussions by videoconference. Somali Finance Minister Abdirahman Beileh called the decision a big step forward for his country, which is also grappling with the coronavirus outbreak and a recent desert locust swarm. “We had very productive discussions with the Paris Club and we welcome their support in relieving Somalia of a substantial amount of its debt to them,” Beileh told Reuters. He said the Somali government would hold separate bilateral discussions with the creditors to finalize the process. He said his government would continue the economic reforms it had undertaken over the past eight years to enable the debt relief. An official with the International Monetary Fund said several creditors were expected to grant Somalia additional debt relief on a bilateral basis, and it could eventually see 100% debt cancellation deals with some countries after it completes additional steps under the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative in about three years. Several of Somalia?s Paris Club creditors, including the United States, the UK, and Norway, as well as the World Bank and the IMF, urged Paris Club members to provide “generous” debt relief to Somalia during the negotiations on Tuesday, said one source familiar with the discussions. Somalia is the 37th country to qualify for debt relief under the HIPC process. In time, debt relief will help Somalia reduce its external debt to $557 million in net present value terms from $5.2 billion at the end of 2018, the IMF and the World Bank said. The IMF last week also approved a new three-year $395 million financing arrangement for Somalia under its Extended Credit Facility (ECF) and Extended Fund Facility (EFF). View the full article
  24. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa saaka ku geeriyooday magaalada London ee wadanka Ingiriiska. Allaha u naxariistee Nuur Cadde ayaa maalmihii la soo dhaafay la xanuunsanayay Cudurka Covid-19. Maxamed Nuur Cade oo ka mid ah caruurtiisa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saakay uu geeriyooday. Warsaxaafadeed ka soo baxay qoyska ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey geeridiisa. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article