Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Muftiga weyn Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sheegay inaanay jirin xaalad khatar ah oo sababaysa in masaajidada la xidho, waxaanu ku taliyay in laga dhigo ikhtiyaari qofkii doonaana uu masaajidka ku tukado kii doonaana gurigiisa. Sheekh Dirir oo xalay salaadii Cishe ka dib hadal ka jeediyay masaajidka Adino ee uu tukiyo, wuxuu sheegay in dadku isweydiinayaan su’aalo ay ka mid yihiin sababta ay xukuumadu u xidhi weyday jaadka iyo diyaaradda Ethiopia ee ay ugu mashqulayso masaajidada. Sheekh Maxamed, wuxuu sheegay in culimadii ay guddiga ka hortagga faafitaanka Covid19 sheegeen inay la tashadeen ay iyaguna shalay hadleen oo sheegeen in taladoodu ahayd in taladoodu ahayd marka ay xaaladu adkaato ee ay daruuri noqoto Sheekh Maxamed, oo soo xiganaya ugu horayn hadal uu shalay yidhi wasiirka warfaafintu, wuxuu yidhi “Wasiirka warfaafintu dadka waxaanu kula talinay ayuu yidhi guryahoda inay ku tukadaan, taasi waa sax, sidaas uu u fasiray hadday tahay sax weeye dadka waayeelka ah iyo dadka xanuunsanaya ee uu cudurkani khatarta ku yahay in la yidhaahdo iktiyaar ayaad u leedihiin ama la yidhaahdo yaan sidii jamaca loo adkaynin ee qofkii doonaana masaajidka haku tukado, kii doonaana gurigiisa.” Sheekha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Tafsiir kalena wuu barbar socdaa oo dadku waxay aad noogu celcelinayaan laba meelood oo aad looga baqayo in bahalkaasi aad inooga soo galo labadiiba waa laga yara gabaday oo waa diyaaradda iyo qaadka, dayuuradiina dadbay keenaysaa, qaadkii oo juudaan, iyo baras iyo virus iyo waaliba sita isaguna wuu marayaa, dawladuna waxay tidhi kaas ma taataaban karayno, jamacayaga ha taataabanin ayay dadku leeyihiin, anaga waxa jaadka nooga xaasaasiasn jamaca, markaas haddii la leeyahauy jaadku waa xaasaasi jamacuna waa xaasaasi ayay dadku leeyihin.” Sheekh Maxamed, wuxuu intaas ku daray “Masjidkuna ma sahlana arrintiisu, taariikhda islaamka marka dib loogu noqdo mararka qaar waxa dhacayay cuduro aad u khatar badan oo shan kun ilaa toban kun dhimanaysay maalntii, weligeed may dhicin in masaajid loo xidho ama xajka iyo cumarada la xidho, taariikhdu waxay leedahay buugaag lagu qoro, dadku way dhiman jireen waanay soo cumraysan jireen soona xaji jireen.” Sheekh Dirir, wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday “Markaas inagoo ku mahadinayna guddiga iyo xukuumadda dedaalada waxay ku soo ururaysaa, Alle khatar inaguma keenee hadday khatar ka baqano iyo cudurkaasi inuu halkan ka faafi karo daniba way xidhi doontaa laakiin inta ka horaysa ikhtiyaar ha ahaado. Culimada 98% iyo dadweynaha arrinta ikhtiyaari halaga dhigo oo yaan qasab laga dhigin ayay qabaan oo qofkii doonaana gurigiisa haku tukado kii doonaan masaajidka. Source
  2. The official spokesperson for the Turkish-backed Government for National Accord (GNA), Mohammad Qanunu, said on Wednesday that the GNA troops captured more than 3,000 square kilometers in northwestern Libya this week. Source: Hiiraan Online
  3. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Senoter Abshir Maxamed Axmed ayaa ka tacsiyeeye geeridii ku timid Allaah u naxariistee fanaankii caanka ahaa ee Cumar Shooli oo habeenimadii xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo muddooyikii dambe ku xanuunsanaa. Guddoomiyaha oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facbooka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeey geerida ku timid fanaanka isaga oo Allah uga baryey inuu naxariistiisa siiyo guddoomiyaha ayaa yiri. “Waxaan #TACSI tiiraanyo leh u dirayaa qoyska iyo eheladii hoobalkii weynaa #CumarCabdulleShooli oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Waxaan Eebe uga barayayaa marxuum Cumar Shooli in uu dembi dhaaf ballaaran siiyo, jannadiina ka waraabiyo. Aamiin. Marxuum Cumar Shooli waxa uu ahaa hoobal xusuus lama ilaawaan ah ku reebay ummada Soomaaliyeed gaar ahaan ardayda kuwaas oo ku xusuusta fannaanka heestii KEDIS oo lagu daahfuri jirey tartan aqooneedkii Kedis ee subaxa Jumcaha lagu qaban jirey Golaha murtida & madadaalada. Hobaladii Soomaaliyeed gabal ayaa u dumay. Dhowr maalmood ka hor waxaa iilka loo qaaday boqorkii kabanka isla markaasna ahaa fannaan curiye ah AUN Axmad Ismaaciil (Xudeydi), caawana waxaan la tiiraanyeysanahay geeridii hobalkii Cumar Shoole. Eebow janneey. Aamiin”‘. Allah u naxariistee Marxuum Cumar Cabulle ayaa habeenimadii xalay ku geeriyooday Isbiyaalka Aadan Cadde fanaanka ayaana labadii bilood ee tahgay ku xanuunsanaa isbitaalka oo lagu baxnaaninaayey xaaladdiisa caafimaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Badhan (PP News Desk) — A traditional leader from Las Qoray has levelled serious allegations against the Mayor of Erigavo Ismail Haji Nur. Suldan Ahmed Bashir Du’ale recounted how clashes at Waqdari erea North of the administrative capital of Sanaag began several months ago. Erigavo Sanaag faces accusations for partiality “Militias from an Erigavo-based subclan have occupied Waqdari. We lodged a complaint with Erigavo administration about the serious trespass into a communal area. We went to Erigavo and remained there for three months in the hope of finding a solution to the problem” Suldan Du’ale said in a statement for the media to present his side of the story. “Before lodging the complaint we have spoken to the elders of the occupying militias. They proposed a wider inter-clan talks. We objected to their proposal because, the matter is specific to the two subclans involved who, due to long-standing interactions, have ties whose members know each other well.” Sultan Du’ale alleged that the intervention of Erigavo Mayor in the form of an order to stop the construction of a Mother and Child Health Centre at the occupied area and withdraw occupying militias has not been enforced. “The Mayor instructed occupying militias not to abide by the edict” Suldan Du’ale said. While there is no evidence that Erigavo Mayor acted partially in this case, the silence of the regional administration over feuding and the Mayor’s shared subclan affiliation with militias that committed the trespass raise questions about competence and commitment to protecting communal agreements. Suldan Du’ale: Trespass into a communal territory caused the conflict Sultan Bashir said: “Land rights of the two subclans are clear. We have documents showing how the British Empire demarcated territories” for clans that had signed Protectorate Agreements. In 1995 the late Somaliland President Mohammed Haji Ibrahim Egal sponsored the Erigavo Communal Agreement. The agreement laid foundations for respect for citizens and property rights in Sanaag. Suldan Du’ale accused Ismail Haji Nur of failing to honour his duty to act impartially to all citizens. Somaliland Minister of Interior has not launched an inquiry into Waqdari territorial dispute that might engulf the whole region. © Puntland Post, 2020 The post A TRADITIONAL LEADER ACCUSES SOMALILAND MAYOR IN ERIGAVO OF FANNING HOSTILITIES AT WAQDARI appeared first on Puntland Post.
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa maanta cafis u fudiyey maxaabiis ku xirnaa mamulkaasi. Qoraal ka soo baxay xafiiska Deni ayaa waxaa lagu sheegay in illaa 194 maxbuus uu madaxweynuhu u fudiyey cafis, kuwaas oo ku eedeysnaa dambiyo fudud. Sidoo kale warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in u jeedada ay tahay, sidii loo xakameyn lahaa faafitaanka cudurka COVID-19. Puntland aya dhinaca kale sheegtay inay bilowday qorshe lagu diyaarinayo haamaha keydiya Oxygen-ta, si loo helo Oxygen ku filan deegaanada maamulkaasi oo dhan. Todobaadyadii u dambeeyey Puntland ayaa waday dadaallo ay uga hortageyso cudurka faafa ee Coronavirus, iyadoo soo saaray go’aanno looga hortagayo xanaankaasi. Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey illaa 60 kiis oo cudurka ka mid ah, kuwaas oo intooda badan haatan lagu karantiilayo gudaha magaalada Muqdisho
  6. The Ethiopian government and the UN’s food body Tuesday launched a hub inside an international airport in the capital Addis Ababa to distribute livesaving supplies across the African continent against COVID-19. Source: Hiiraan Online
  7. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay warqad maalmo ka hor ka soo baxday wasaaraddaasi taasi oo lagu soo bandhigayey in Taleefishinka Qaranka uu u baahan yahay gabdho shaqaale ah oo leh muuqaal war-baahineed. Hadalkaas ayaa si weyn u qabsaday baraha bulshada waxaana eedeymo kala duwan loo jeediyey madaxda wasaaradda warfaafinta oo uu ugu horreeyo wasiir Maareeye. Qoraalka ay maanta soo-saartay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in hadalladaasi ay yihiin kuwo dacaayad ah oo meel kaga dhacaya sharafta wasiirka, waxaana sidoo kale qoraalka lagu sii sheegay in warqaddaasi ay si qaldan u soo baxday islamarkaana aysanba ahayn warqad rasmi ah. Dhanka kale war-murtiyeedkan waxaa lagu caddeeyay in tallaabo laga qaaday shaqsigii soo daabacay warqaddaasi. Ugu dambeyn waxaa wasiir Maareeye lagu tilmaamay in uu yahay Aabbe dhalay gabdho sidaas ay tahayna uusan wasiirku ku kadsoomayn in uu gabdhaha Soomaaliyeed aflagaaddeeyo. Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. McDonald's publicly apologized after one of their branches in Guangzhou prohibited "black people" from entering the restaurant after fears made their way throughout the city that coronavirus was spreading among the African population within the area. Source: Hiiraan Online
  9. Dowlada Puntland ayaa guul weyn ka gaartay ka hortaga Cudurka Corona Virus, Iyadoo Gudiga Wacyigalinta uu Habeyn iyo maalin ku howlan yahay qaabkii Dadka loo [...] Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow garoonka Aadan Cadde soo caga-dhigatay diyaaradda Itoobiyaan Airline, taas oo sidda gaar caafimaad oo deg deg ah. Diyaaradda oo haatan taagan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sidda agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo uu Soomaaliya ugu deeqay maal-qabeen u dhashay wadanka Shiinaha. Sidoo kale waxaa garoonka ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka oo la wareegi doono qalabkaasi caafimaad. Shalay ayey aheyd markii Imaaraadka Carabta uu qalab caafimaad ku wareejiyey dowladda federaalka oo dagaal kula jirta cudurka COVID-19. Soomaaliya ayaa xaqiijisay kiisas gaaraya illaa 60 qof, kuwaas oo haatan ku jira xaalada karantiil ah
  11. Waxaa maalinkii labaad magaalada Muqdisho ku xiran tifaftiraha Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo shalay looga yeeray saldhigga Degmada Hodan kaddibna xarig aan sharci ahayn halkaasi loogu geystay. Dowladda Soomaaliya ayaan wali si toos ah uga hadlin xarigga wariyaha Goobjoog ka tirsan. Maaaamulka Goobjoog Media Group oo war-saxaafadeed ka soo-saaray xarigga Cabdicasiis Gurbiye ayaa waxa ay si kulul u cambaareeyeen xarigga wariyaha oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah oo aan loo soo marin sifo sharci ah. Dhanka kale ururrada u dooda saxaafadda madaxa bannaan ayaa siyaabooyin isku mid ah u cambaareeyey xarigga wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo maalinkii labaad u xiran dowladda Soomaaliya. Dowladda haatan jirta ayaa lagu dhaliilaa inay inta badan cabburiso saxaafadda xorta ah iyo xorriyatul qowlka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino ka soo baxaya shaqaaqo sababtay dil oo xalay ka dhacday guriga lagu hayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli u xiran dowladda, kadib markii 2018-kii laga soo qabtay magaalada Baydhabo. Wararka ayaa sheegaya in dil loo geystay mid ka mid ah askartii ilaalada ka heysay gurigaasi, kaas oo uu dilkiisu fuliyey askari kake oo waardiyeyaasha ka tirsan. Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Aweys Cabdullaahi Xaashi, kaas oo ka tirsanaa ciidamada nabad-sugida ee illaalada ka heysay xabsiga guriga la geliyay Roobow. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dilka uu yimid, kadib markii uu maran soo kala dhex-galay askariga la dilay iyo midka wax dilay, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, balse wararka ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay askariga geystay dilkaasi. Arrintaan ayaa sidoo kale la sheegay inay sababtay qal-qal ku yimid ammaanka guriga Sheekh Mukhtaar Roobow oo horay uga soo goostay kooxda Al-Shabaab. Tan iyo sanadkii 2018-kii markii la soo xiray wadaadkaan ayaa waxaa lagu wareejiyey hay’adda NISA oo weli gacanta ku heysa, isagoo xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho.
  13. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu faray maamulkiisa in uu hakiyo dhaqaalaha la siinayo hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Waxa uu sheegay in WHO ay ku guuldareysatay waajibaadkeeda aasaasiga ahi marka la eego jawaabta ay ka bixisay faafitaanka cudurka coronavirus. Madaxweynuhu waxa uu ku eedeeyay hay’addani Qaramada Midoobey in ay si xun u maaraysay isla markaana qarisay faafitaanka fayraska dhaliya cudurkani ka dib markii cudurkani uu ka dillaacay dalka Shiinaha, wuxuuna sheegay in ay khasab tahay in lala xisaabtamo. Trump ayaa horay hay’addaasi caafimaadka adduunka ee WHO ku eedeeyay in ay u xaglinayso Shiinaha. Mareykanka ayaa ah dalka dhaqaalaha ugu badan ku bixiyo hay’addani WHO, waxa uuna sanadkii la soo dhaafay siiyay 400 oo milyan oo doolar – oo u dhiganta in ka yar 15% miisaaniyadda guud ee hay’addani. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Guutada Ciidamada Itoobiya re loo yaqaan Eastern Air Force ayaa weerar Cirka ah waxay ku burburiyeen Saldhig lagusameeyo Waxyaabaha Qarax oo Al-Shabaab leeyihiin oo ku [...] Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Cisbitaalka guud ee Cudurka Qaaxada ee Magaalada Hargeysa ayaa loo diyaariyey Dadka uu soo rito Xanuunka dunida aadka ugu faafaya ee Covid_19. Ma jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo arrintan la xidhiidha, balse ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Cisbitaalka laga saaray Dadkii lagaga dawaynayey Cudurka Qaaxada, si loo soo dhigo Dadka uu soo rito Covid_19. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Cisbitaalka laga saaray Bukaano qabay Cudurka Qaaxada oo tiradoodu dhamayd 81 Qof isla-markaana loo diray Guryahooda, inkasta oo taasi lafteedu halis tahay. Ka sakow 81-ka ee Cisbitaalka laga saaray, waxa Bukaan socod ah oo Daawada si Maalin leh ah uga qaadan jiray Cisbitaalka Dad Tiradooda lagu sheegay dhowr boqol oo Qof, kuwaasi oo aan illaa hadda la ogayn waxa loo qorsheeyay. Cisbitaalka Qaaxada ee Magaalada Hargeysa, ayaa ka kooban 6 Waadh, kuwaasi oo dhammaantood hadda loo qorsheeyay in la soo dhigo Dadka uu rito Cudurka Covid_19 oo illaa hadda Somaliland la shaaciyey inuu ku soo ritay 5 Qof. Xukuumadda ayaa sidan oo kale, Waadhadh ka mid ah Cisbitaalka guud ee Hargeysa ugu diyaarisay Dadka uu ku dhaco Covid_19. Tallaabooyinka noocan ah ayaa qayb ka ah dedaallada Xukuumaddu doonayso inay kaga hor tago Cudurka aadka u fidaya ee Covid_19. Source
  16. Somalia’s Ministry of Finance has announced tax exemptions on basic commodities in order to ease the cost of living for the vulnerable sectors of the society amid increasing economic hardships exacerbated by the COVID-19 pandemic. The ministry announced 100 percent tax exemptions for rice and dates and 50 percent tax exemptions for wheat flour and cooking oil. The tax exemptions will take effect on 15 April and is meant to cushion citizens against an increase in prices of consumer goods ahead of the holy month of Ramadan. Somalia has announced measures to contain the spread of the deadly COVID-19 disease which has had a negative impact on the country’s already struggling economy. Somalia has so far recorded 60 cases of the COVID-19 pandemic, including two deaths. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, Mehmet Yilmaz oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Danjire Yilmaz ayaa wareysigaan ku soo qaaday arrimo ku aadan doorashada soo socota 2020-2021-ka, xiisada siyaasadeed ee dalka iyo arrimo kale oo muhiim ah. Ugu horreyn safiirka ayaa ka hadlay xiisada u dhexeysa mucaaradka iyo dowladda federaalka oo weli isku fahami la’a arrimaha doorashooyinka iyo sida loo wajahayo. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in mucaaraadka Soomaaliya ay u arkaan inay sharci yihiin sida Xukuumadda oo kale, islamarkaana labada dhinac uu Turkigu u istaagi doono masaafo isla eg, markastana ay u furi doonaan albaabadooda. “Waxa aynu isku dayeenaa in aan masaafo isla eg u istaagno Dowladda iyo Mucaaradka, waxaana aan u aragnaa Mucaaradka Soomaaliya in ay sharci yihiin sida Xukuumadda oo kale, albaabadeena waa ay u furan yihiin waana is aragnaa waan booqanaa waana ay ina soo booqdaan, waxaana kala hadalnaa Xaaladda Soomaaliya” ayuu yiri Mr Yilmaz. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in doorashooyinka soo socda ay aad muhiim u yihiin, islamarkaana dowladda federaalka iyo dhinacyada kale ee ay quseyso looga baahan yahay inay iskaashaadaan, si looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee haatan jira. “Dabcan Doorashooyinka soo socda waa kuwo aad u muhiim ah, gaar ahaan waxa aan rabaa in aan irhaahdo, Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaalo sokeeyay oo muddo dheer socday, illaa hadda xanuun badan reebay, si taas looga baxo waxaa jira qodobo cad, kuwa ugu muhiimsan waa doorashada oo dowlad waliba ay ku wareejiso dowladda kale ee ka dambeysa” ayuu yir Mehmet Yilmaz Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo inta badan xisbiyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah mamul goboleedyada ay walaac ka muujinayaan doorashada 2020- illaa 2021 iyaga oo sidoo kale ka digay in muddo kororsi ay sameystaan madaxda Qaranka, iyaga oo mar-marsiiyo uga dhiganayo Coronavirus oo kiisas ka mid ah dhowaan laga helay gudaha dalka.
  18. (SLT-Hargeysa)-Ciidamadda Booliska ee Soomaaliland ayaa xalay xabsiga u taxaabay siyaasiga Maxamed Abiib oo ka tirsanaan jiray xisbiga KULMIYE, waxaanu si weyn ugu ololeeyay Madaxweynaha tallada haya Muuse Biixi Cabdi, Xilna ka soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Maxamed Abiib ayaa hore hore u ahaa agaasimaha xarunta Komishanka Xakamaynta Aidska, waxaanu in dhaweyd ahaa siyaasi si madax-bannaan uga faallooda arrimaha siyaasadda. Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxaya xadhiga Maxamed Abiib, waxaase xadhigiisa warbaahinta u xaqiijiyay qaar ka mid ah saaxiibadiisa ugu dhaw. Lama garanayo waxa xilligan keenay xadhiga siyaasi Maxamed Abiib. Halkan hoose ka DAAWO muuqaal dib ku xasuusinaya sannadkii 2017-kii qaabkii uu Maxamed ugu soo ololeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Source
  19. Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Fannaankii weynaa Cumar Cabdulle shooli oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa tacsi u diray qoyskii,eheladii,asxbtii,Hobalada waaberi iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cumar Cabdulle Shooli oo ka tirsanaa Hobolada Qaranka ee Waaberi,isagoo Alle uga baryay in uu Jannadiisa ka waraabiyo. Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay la xanuunsanayay xanuunka Macaanka(Sokorta), isagoo ugu dambeyna xalay ugu geeriyooday isbitaalka Yardameeli ee magaalada Muqdisho sida uu warbaahinta dowladda u xaqiijiyay Axmed Cumar Shooli oo ah wiil uu dhalay Marxuumka. Horay marxuumku waxa uu u sheegay in madaxda dowladda Soomaalia aysan ka warqabin islamarkaana aysan jirin cid ka socota dowladda oo soo booqatay, waxaana ehelka Cumar Shooli ay sheegeen in dowladda Farmaajo ay dayacday Cumar Shooli oo ahaa fannaan qaran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadii la soo dhaafay dilal ay qorsheysan ay ka dhaceen duleedka magaalada ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Dilalkaan oo loo geystay laba ruux oo ka mid ah dadka deegaanka Yaaq Jiidii oo ku yaal dhanka xeebta ee magaaladaasi ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan. Wararka ayaa sheegaya in labada ruux ee la dilay ay heeb-ahaan kasoo jeedaan mid ka mid ah beelihii dhowaan ku dagaalamay deegaano hoostaga magaaladaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay warbaahinta ayaa ka warbixiyey dilalkaasi, wuxuuna sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Maleeshiyaadka labada dhinac ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen halkaasi. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dagaal beeleedyo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil waxay ka taagnaayeen gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/kismayo-.mp3
  21. (SLT-Washington)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inay hakinayaan maal-gelinta Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO, oo uu ku eedeeyey qarinta heerka haliska cudurka COVID-19 ee dalka Shiinaha, ka hor inta aanu ku faafin caalamka. Trump ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ku sheegay inuu amrayo maamulkiisa in la joojiyo lacagta Mareykanka siiyo WHO “inta laga sameynayo dib u eegis ku saabsan kaalintii WHO ay ku lahayd si xun u maamuliadda iyo daboolidda faafitaanka Coronavirus.” Mareykanka waa dalka lacagta ugu badan ugu deeqa WHO, waxaana sanadkii tegay uu bixiyey 400 oo milyan oo dollar, halka China uu ka bixiyay 44 milyan. Trump ayaa sheegay inay eegi doonaan waxa lacagtaas ay ku bixin jireen WHO lagu sameynayo iminka. “Iyada oo COVID-19 uu si caalami ah u faafayo, waxaan aad uga walaacsan nahay in deeqsinimada Mareykanka loo adeegsanayo sida ugu wanaagsan,” ayuu yidhi Trump. Trump ayaa toddobaadkii tegay weerar ku qaaday agaasimaha WHO Tedros Adhanom, isaga oo sheegay in WHO “ay u muuqato inay u eexaneyso China,” islamarkaana dowladdiisa “ay eegi doonto inay ka joojiso maal-gelinta,” Trump ayaa sidoo kale shaki ka muujiyey sax ahaanshaha xogta China ee ku saabsan heerka dhimashada cudurka ee dalkaas, isagoo ku eedeeyey WHO inay ka caawiso Shiinaha inay qariyaan. Agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo iska difaacay eedeynta Trump, ayaa ku baaqay midnimo iyo hakinta “siyaasadeynta” xasaraddan caafimaad ee caalamiga ah, isaga oo si gaar ah ugu booriyey Shiinaha iyo Mareykanka inay muujiyaan “hoggaan daacadnimo ah”. Tedros, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Itoobiya, waxa uu sidoo kale diiday eedeymaha Trump ee ah in WHO ay tahay hay’ad ay “China saldhig u tahay”, wuxuuna sheegay “inay ku dhow yihiin dal kasta.” Source
  22. Madaxweyne Deni Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in ay bilowday qorshe lagu diyaarinayo Haamaha keydiya Oxygen-ta si loo helo Oxygen ku filan Puntland oo dhan oo lagula tacaalo xanuunka COVID-19. Qoraal xalay ka soo baxay guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ayaa lagu sheegay in guddigu uu ku hawllan yahay diyaarinta Haamaha keydiya Oxygen-ta si loogu adeegsado la tacaalidda xanuunka. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddigu ay shalay Gaalkacyo kulan kula yeesheen shirkadda samaysa Oxygen-ta magaalada islamarkaana ay kala hadleen muhiimadda ay leedahay in la diyaariyo Haamo Oxygen oo ku filan Puntland oo dhan. Dowladda Puntland ayaa wadda dadaallo la xiriira ka hortagga iyo xakamaynta COVID-19 iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay go’aanno kala duwan soo saartay si looga gaashaanto xanuunka inkastoo go’aanadaas qaarkood aysan weli dhaqan-gelin. Cudurka Coronavirus ayaa kamid ah xanuunnada loo yaqaan respiratory diseases oo waxyeelleeya Hab-dhiska Neefsiga waxaana dadka uu haleelo lagula tacaalaa mashiinka Respirator ( ventilator) si uu Oxygen kaafiya u helo. PUNTLAND POST The post Puntland oo diyaarinaysa Haamaha Oxygen-ta keydiya si loola tacaalo COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  23. Laba ruux ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasi oo la tilmaamay in dilkooda ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan. Wararka ayaa sheegaya in labada ruux ee ladilay ay heeb-ahaan ka soo jeedaan mid ka mid ah beelihii dhowaan ku dagaalamay deegaano hoostaga magaaladadaasi. Mid kamid ah dadka deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen Halkaan hoose ka dhageyso codka. 120107_010 View the full article
  24. (SLT-Muqdisho)-Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee fannaankii weynaa ee Cumar Cabdulle Shooli. Fannaanka ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho, iyadoona uu xalay ku geeriyooday Cisbitaalka Yardimeri. Cumar Cabdulle Shooli oo ka tirsanaa Fannaaniintii Waaberi, laguna naaneysi jiray (Madaalihii Hobolada Waaberi) ayaa toddobaadkii la soo dhaafay Dowladda Federaalka ku eedeeyay inaanay waxba u qaban, isagoo hobol qaran ahaa. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ku hadlayay afka Dowladda Federaalka ayaa maanta ka tacsiyadeeyay geerida hobolka. Source