Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. " Maanta maalin aynu uga baahi badan nahay ma jirto midnimo, iskaashi iyo isku-tiirsanaan haddii aynu nahay reer Soomaalilaan, labadii xubnood ee KDQ waanu ku soo celineynaa golaha, Soomaalilaanna wada-hadalka waa u diyaar, Talo-na waa lagu galayaa. Daawohttps://t.co/hFg7tjK54S pic.twitter.com/Lu4PLm407j — Abdirahman Cirro (@CirroSL) April 9, 2020 Qaran News
  2. OTTAWA – The government has a warning for those who unduly apply for both Employment Insurance and the new Canada Emergency Response Benefit (CERB): we will find you, and we will recoup the money. Source: Hiiraan Online
  3. Waxa aan ka tacsiyadeynayaa qoyskii, qaraabadii, asxaabtii, iyo guud Xisbiga WADDANI-ba geerida ku timid Marxuumad Amaal Saleebaan Cabdillaahi (Amaal Cabaade) oo London ku geeriyootay, Marxuumaddu waxa ay ka mid ahayd aasaasayaashii Xisbiga, Ilaahay Jannada ha ku hubsado, Aamiin pic.twitter.com/Vc57d7D5rw — Abdirahman Cirro (@CirroSL) April 9, 2020 Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka tirsan guddiga dekadaha ee gaadiidka badda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay khatar uu sheegay in dalka ay ku hayaan shakhsiyaad ay soo adeegsadeen dalal shisheeye, kuwaas oo uu carrabaabay dalka Kenya. Xildhibaan Dalxa oo u warramay Radio Simba ayaa sheegay shakhsiyaadkaas ay si joogto ah dalka dhanka xeebaha uga soo geliyaan waxyaabo maandooriye ah oo qaadku u badanyahay, iyadoo la adeegsanayo doomo, kuwaas oo halis ku ah bad qabka umadda Soomaaliyeed. Dalxa oo ku hadlayey magaca guddiga dekadaha ee gaadiidka badda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin adag u diray dadka ku howlan falalkaas oo uu sheegay in ay xogtooda si buuxda u hayaan. Sidoo kale waxa uu sheegay in shakhsiyaadkaas ay adeegsadaan inta badan xeebaha dalka, sida xeebaha Jubbada Hoose, Banaadir, Galmudug iyo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. “Ninka maanta soo dhoofinaya waxyaabahaas aadka u xun ee hadana caafimaad darrada iyo cudurka wata, anigu waxaan qabaa Soomaali-nimadooda in la baaro horta dadkaas iyo kuwa kasii iibsanaya ee sida dhuumaaleysiga ah dalka ugu sii dhex iibinaya”ayuu yiri Xildhibaan Dalxa. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri Dalxa, “Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa, iyadoo sun lagu siinayo oo hadana aad soo iibsanayso suntaas ayey ka dhigantahay arintaas ee fadlan ka waantooba”. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa dalbaday in dadka soo dhoofinaya waxyaabahaas suntan ah aysan dowladdu indhaha ka fiirsan ee go’ankii ay ku xirtay hawada ay badana ku xirto, si looga badbaado waxyaabaha halista ah ee dalalka qaar ay iska soo dhoofinayaan. Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka dambeyso qaadka lagu soo daabulayo Soomaaliya, arintaas oo uu ku tilmaamay mid ay ku xumeyneyso dowladda Soomaaliya, isla markaana ay ku dooneyso in ay halis ku geliso caafimaadka umadda Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u joojisay duullimaadyada caalamiga ah, oo qaadka ugu badan dalka lagu soo geli jiray, balse hada iyada oo aysan jirin waxa duullimaad ah, gudaha ama dibada, ayaa waxaa hadana dalka lasoo geliyaa maandooriye uu qaadku ku jiro, kuwaas oo laga soo geliyo xuduudaha dhulka oo ah kuwo intooda badan iska furan oo aan laheyn wax ilaalo ah.
  5. TACSI MADAXWEYNE: 09/04/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, labada gole ee guurtida iyo wakiilaa Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/04/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo ka baxay dalka iyo dadka kaalin muglehna ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, waxaanu ka mid ahaa xildhibaanadii lagu aas aasay guurtida Somaliland oo uu ilaa hadda ka tirsanaa Marxuumku. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, labada gole ee guurtida iyo wakiilaa Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
  6. NEW YORK (Reuters) - The United Nations Security Council met for the first time on Thursday to discuss the coronavirus pandemic as the 15-member body - charged with maintaining international peace and security - struggles to agree on whether it should take any action. Source: Hiiraan Online
  7. Sweden hasn't locked down. That may have confused segregated groups with foreign backgrounds, which report high infection rates. Source: Hiiraan Online
  8. By 2 p.m. Thursday, 1,801 families and 833 businesses had applied, according to a city spokeswoman. Source: Hiiraan Online
  9. Sanca (Caasimada Online) – Wakaaladda Wararka Yemen ee YPA ayaa weriye sare oo ku sugan Koonfurta Yemen kasoo xigatay dokumentiyo muujinaya xiriir ka dhaxeeya dowladda Sacuudiga iyo kooxda Al-Qacidada Yemen ee loo yaqaan AQAP. “Warqad ka timid qabiilka al-Humiqani ayaa xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo looga digay inay hub usoo diraan kooxaha argagixisada ee gobolka Al-Baydah, ayaga oo usoo marinaya xisbiga Al-Rashad iyo Abdul Rahman Abu al-Harith al-Humiqani oo ku xiran kooxda Daacish,” ayuu yiri weriye Salah Bin Laghbar. Hase yeeshee warqad kale oo ka timid Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa amartay in hub lagu wareejiyo kooxihii argagixisada ee laga digay, sida uu sheegay weriye Laghbar, oo helay labada warqad. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sanadkii tegay, baaritaan uu sameeyey taleefishinka CNN lagu ogaaday in Sacuudiga ay hub ay ka heleen Mareykanka siiyeen maleeshiyo Salafi ah oo xiriir la leh kooxda Daacish. Sacuudi Carabiya ayaa muddo lagu eedeyn jiray inay si dadban u taageeraan kooxaha xagjiriinta, ayada oo nidaamka diimeed ee Wahaabiga ah ee dalkaas la rumeysan yahay inuu dhiiri-geliyo fikradaha diimeed ee xagjirnimada iyo rabashadaha ku dhisan ee kooxaha Al-Qacida iyo Daacish. Sacuudi Carabiya marar badan ay beenisay eedeymahan.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo saaray qoraal uu madaxda dowladda ugu baaqayo in ay shacabka si joogto ah ula wadagaan khatarta iyo saameynta cudurkan dalka soo galay ee Coronavirus. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka oo kaliya lagu sii daayey arrimaha cudurkaas, iyadoo dalal ka hor marsan dalkeena ay ka guuleysan la’yihiin Coronavirus iyaga oo aan u kala harin. Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan in Adduunka oo dhan madaxdooda ay hoggaaminayaan dagaalka lagula jiro cudurkan sida fudud ku faafaya ee Coronavirus. Siyaasigan ayaa madaxda iyo shacabka Soomaaliyeedba u soo jeediyey talooyin dhinaca samafalka ah iyo doorka hoggaanka siyaasadda ee ka hor tagga iyo la tacaalidda cudurkan. Hoose ka akhriso qoraalkan Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda in ay shacabka horyimaadaan, hoggaanna muujiyaan, si shacabka ay u helaan xog sugan oo la xariirta Fayriska Karoona. Hawshan hoggaankeeda kuma filna wasaarad, adduunka oo idilna madaxda sare ayaa hoggaamineysa dadaalka lagula tacaalayo Karoona Fayris. Waxay ahayd in horay loogu diyaargaroobe, dhowr jeer oo horena hoggaanka dawlada waan xasuusinay, laakiin talaabooyin wax ku ool ah lama qaadin . Haddaba waa in talaabooyin kan siyaasadeed iyo farsamo degdeg loo qaado. Kaalinta hogaanka siyaasadeed waa in 1- Madaxdu ay dadka horyimaadaan, runtana u sheegaan, oo ay ugu horreyso inta ay tabarteenna la tacaalida la egtahay, xagga qalabka baaritaanka, qolalka daryeelka sare, qalabka oksijiinka caadiga ah iyo ogsijiinka mashiinka ah. 2- Waa in ay hawshan la gaarsiiyo heer Golaha Amniga Qaranka ka wada hadlo, kaasoo ay ku jiraan guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo madaxda dowlad goboleedyada. Wadahadalku wuxuu noqon karaa warbaahinta la iska arko. Waa in joogto looga tashadaa sida looga hortegi karo aafada Fayriskan dilaaga ah. 3- In si wadajir ah loo qaato go’aamo la is waafajinayo bedqabka dadwaynaha, iyadoo la tixgelinayo saamaynta dhaqaale ee go’aanadaas, maadama inta badan dadkeenu ku nool yihiin waxa kasoo gala xoogsi maalmeedka. 4- In la dhiso guddi ganacsato, bulshada rayadka ah, culimada iyo waxgarad ah oo qayb ka noqda abaabulka istaakulaynta bulshada . Dhinaca Farsamada 1- Waa in dhiso guddi khubaro saynis iyo dhakhaatiir isugu jira, lehna gudoomiye aqoon durugsan u leh cudurada faafa, si ay dadwaynaha maalin walba ula socod siiyaan halka uu xaal marayo. 2- Farriimo iyo talooyin wacyi gelin uu Guddigu hormuud u yahay oo ay dhammaan qaybaha bulshada saameynta ku leh ka wada qeyb qaataan. Fayriska Karoona waxaa looga samatabixi karaa, Alla oo la tala saarto laguna kabo taxaddar, digtooni, farriimaha iyo talooyinka khubarada caafimaadka oo la raaco. Nabigeeenna (NNKH) wuxuu yiri “Hashaada xiro, Ilaaheyna talo saaro”
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlay qorshaha cusub ee la sheegay in Abiy Ahmed uu mas’uuliyada wada-hadalada DF iyo Somaliland dusha ugu saaray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba ogoleyn wada-hadalo uu qeyb ka yahay Khayre, midaasi noqoneysa fashilkii labaad ee ku yimaada qorshayaasha Abiy Ahmed. Faysal ayaa ka horyimid aragtida uu aaminsan-yahay Abiy, kaasi oo ahaa in Somaliland aysan rabin Farmaajo balse ay Khayre macquul tahay inay aqbalaan, maadama aysan xasaasiyad weyn ka qabin sida Madaxweynaha. Guddoomiyaha ayaa banaanka keenay in qorshaha Abiy Ahmed ee wada-hadalada uu yahay mid uu ku wiiqayo jiritaanka Somaliland, isla markaana uu ku rabo inay midoobaan Soomaaliya iyo Somaliland oo sheegata inay ka madax-banaantahay Jamhuuriyada. Faysal Cali ayaa gebi ahaanba diiday in wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan dalal ay kamid tahay Itoobiya, oo uu sheegay inay u xaglinayaan dhanka Soomaaliya. Lamana oga in mowqifka Faysal ay ka wada socdaan Madaxweynaha Somaliland oo isagu ka gaabsaday ka hadalka arrinkaasi, balse si guud u sheegay inay diyaar u yihiin in wada-hadalo la furaan dowladda Soomaaliya, marka laga baxo xaalada ka dhalatay Corona ee dunida saameysay.
  12. Innaa Lillaah wa Innaa Ileeyhi Raajicuun. Waxaa geeriyooday (AUN) raysalwasaarihii hore: Mudane Nuur Xasan Xuseen, oo ku magac dheeraa: Nuur Cadde. Wuxuu ahaa raysalwasaare ummad badanoo Soomaaliyeed, abaal qiima badan ku leh, ummadaasoo xasuuq ba’ani ku socday xilligaa, si uu u badbaadiyana, kursigii raysalwasaarenimo, ee uu ku fadhiyey, miiska saarayoo ka dhaqaajiyey. Allaah ha u naxariistee, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxa uu dhashay 16-kii Febaraayo sanadkii 1937-dii, wuxuuna ahaa raysalwasaarihii 12-aad, ee taariikhda Soomaaliya soo maray. Mudane RW Nuur Cadde wuxuu ahaa u adeegihii shacabkiisa xilligii ugu adkaa. Wuxuu gurmad aan la hilmaami karin ugu fidiyey Bisha Cas,oo uu hogaaminayey, isagaa qalabeeyey isbitaal Keeysaneey, waqtigii caajada loo dhaamaanayey, ee ku caan-baxay: Xilligii Caga-Bararka. RW Nuur Cadde wuxuu xilka qabtay, xilli adagoo caasimadii dalka eey isku dhex eryanayeen: Muqaawamadii xilligaa, Dowladii xilligaa, iyo ciidamadii dalka qabsaday ee Itoobiyaanka. Wuxuu xukunka qabtay iyadoo xasuuq ba’ani uu ka socdo dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta dalka, haba ugu darnaadeene gobolka Banaadir iyo hareerahiisa. Xasuuqaa oo eey geeysanayeen dowlada Itoobiya, oo markaa uu hogaaminayey Meles Zenawi, iyo dowladii eey taagiyadeena dalka ku keensatay. RW Mudane Nuur Cadde, xiligii uu imaanayey tusaale ahaan, Suuqa Bakaaraha, ee ku yaalla caasimada dalka, oo ah meesha uu yaallay dhaqaalaha ummada, inta ugu badanna u biil doonan jirtay, ayaa waxaa si joogta ah, oo waliba ula kac ah, loogu garaaci jiray madaafiic, ummad aad u farabadana, loogu gumaadi jiray maalin kasta, si horin horin ama koox koox ah. Meelkastoo magaalada Muqdisho ka mid ah, hadii taayar ama sheeg qarxo, waxaa la leyn jiray ama la xasuuqi jiray, waxkastoo dhaqaaqaba, xoolo iyo bini’aadam intaba, iyadoo sidoo kale aan loo eegin waayeel, dumar iyo caruur midkoodna. Ummada waxaa laga qabqabsan jiray wadooyinka Muqdisho, xabsiyo ayaana laga buuxsan jiray, kadibna loo qeeybin jiray, qaar la daldalo, ama la toogto, iyo qaar dhaqaale soo deyntooda lagu baado. Waxeey aheyd xilli masaajidda ummada si joogto ah, loogu xasuuqi jiray, haba ugu caansanaadee xasuuqii ka dhacay masaajidka aadka u weyn, ee Al-Hudaa ee jamaacada tabliiqa, kuna yaala Huruwaa/Heliwaa, ee culumadii Tabliiqa iyo ummad badanoo joogtayba, dhagta-Dhiiga loo wada daray. Xad malaha iyana dumarka la kufsaday, kadibna si darxumo ah loo dilay, cidina eeysan is weeydiin, maadama meydku dariiqyada wada yaallay. Wuxuu ahaa xilli aad u adag. Soomaali Maxamed dal iyo dibadba weey kacdayoo, kawada dhiidhisay. Kuwa dibadaha jira, ayaa isku daray mudaharaadyo joogta ah, iyo dhaqaale soo aruurin iyo soo dirid. Kuwa gudaha joogayna, waxaa loo wada istaagay difaaca dalka, iyo sidii ummadaa dulliga looga dul-qaadi lahaa, iyo waliba sidii Itoobiyaanka dalka looga saari lahaa intaba. Dad aan waligood qori qaadin, qorshahana ugu jirin, ayaa xiligaa qoryaha qaatay, qofkasta wuxuu ku qasbanaaday inuu noqdo “Muqaawamo”, illeen wax kaluu dhowrto ayaan jirine. Team/koox yaroo raysalwasaare Nuur Cadde hogaaminayey, uuna ka mid ahaa danjire Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, ayaa waxeey hogaanka u qabteen, geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen, sidii loo joojin lahaa xasuuqa ummadaa ku socda. Safarro is dabajoog ah, shirar aan kala go’laheynoon loo kala kicin, doodo miisaska la isu garaacday, qoraallo dunida dacalladeeda loo kala diray, ayaa ugu dambeyn waxeey beesha caalamka, oo eey ugu horeeyaan quwadaha waaweyn, ku qanciyeen in waxa Koonfurta ka dhacaya, yahay xasuuq ummadeed, oo aan la aqbali karin, si loosoo afjarana lagama maarmaan tahay, in lala heshiiyo mucaaradkii hubeysnaa, dowlada markaa jirtayna gabi’ ahaanba meesha ka baxdo, oo uu ugu horeeyo madaxweeynihii markaa, (kaasoo Mareeykanku ku qasbay inuu is casilo), dowlad cusubina meesha timaado, ciidamada Itoobiyaankana dalka laga saaro. Intaa kadib wuxuu RW Nuur Cadde udub dhexaad u noqday wada-hadalkii dhex maray dowladii KMG, iyo garab kamid ah maxkamadihii, oo saldhigtay dalka Jabuuti, waxaana ugu dambeyn halkaa lagusoo dhisay, baarlamaan ka koobnaa saddex dhinac oo kala ahaa, Dowladii KMG, Maxkamadihii, iyo bulshada rayidka. Mudane RW Nuur Cade wuu ogaa inuu ka shaqeeynayey in dowladii markaa jirtay, oo dhibka socday qeyb weyn ku laheyd, meesha ka baxdo, dowlad mucaaradkii hubeysnaa, qeyb ka yahayna la dhiso, Itoobiyaanka dalka laga saaro, si xasuuqa ummadaa ku socday u istaago, si hadafkaa loo gaarana, wuxuu diyaar u ahaa, inuu kursigaa raysalwasaarenimo uu ku waayo, siyaasiyiinta Soomaaliyeedna kursi si eey u ehelaan, ama mid eey markaa ku fadhiyaan, usii heeystaan, ayey aduun iyo aakhiraba, dad iyo dalba uwada dhaafsanayaan. Qaarbaa si eey xukunka ugusoo noqdaan, dadkii iyo deegaankii eey kasoo jeedeenba, bilaa xuquuq dhigay, iyagiina masoo noqon. Xafiiska raysalwasaarenimo ee uu qabtay sanadkii 2007-dii, waxa uu baneeyay sanadkii 2009-kii, kadib markii Jabuuti lagu doortay Madaxweynihii Dowladdii KMG aheyd mudane Shariif Sheekh Axmed, oo isna raysalwasaare muddo kadib u magacaabay mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Xasuuq ka badbaadinta ummadaa, Allaah ka sokoow, waxaa abaalkeeda iska leh Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Allaha ka abaal mariyee, iyo team-kii/kooxdii la shaqeeyneeysey. Guaanad R/W hore Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxaan Allaah uga baryayaa inuu dambigiisa iyo dambi waalidkiisba dhaafo. Jannatul-Firdoowsana ka waraabiyo, qoyskiisii, ehelkisii, asxaabtiisii iyo dhamaan ummada Soomaaliyeedna samir iyo iimaan kawada siiyo.Allahuma aamiin Innaa Lillaahi, Wa Innaa Ileeyhi Raajicuun. C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) – Waa dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed. abdulkadirphd@hotmail.com Minnesota-USA.
  13. President Yoweri Museveni has banned outdoor exercise to prevent the spread of the new coronavirus Source: Hiiraan Online
  14. Muudiye is a settlement in Gardafui. It is 300 KM to Bosaso, the commercial city of Puntland. It takes 10 hours to travel between Muudiye and Boosaso due to the layout of the unpaved road without uphills. The road from Alula to the countryside ends at Hursalle. The terrain between Hursalle and Muudiye is classified as plateau with three uphills. Hursale residents have begun a self-help scheme at a nearby uphill. Muudiye residents have added 25 KM to the gravel road. They aim is to work on the remaining 20 KM to make it easy for drivers to travel on the gravel road. No obstacle is too insurmountable The main barrier that makes travelling between Aluula and Bosaso a difficult journey are two uphills over which cars and lorries cannot drive. Once those two uphills are either flattened or made less risky for drivers, travelling to Alula will be enjoyable and unlock economic opportunities of Bari region. Such an initiative will have positive impact Haabbo, Mur’anyo and associated hamlets. By Dr. Ahmed Maskax The post People in Puntland’s Easternmost Districts Address Infrastructure Disadvantages Through a Self-help Scheme appeared first on Puntland Post.
  15. Hargeysa (Caasimada Online) ― Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay dalal cadow ku ah, oo ay kamid tahay dowladda federaalka Soomaaliya. Gudoomiyaha ayaa sheegay in beesha caalamku ay ku gacan seyrtay inay aqoonsi buuxa siiso madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, iyada oo ilaa hadda loo aqoonsan-yahay maamul ka tirsan Soomaaliya. Gudoomiye Saleebaan ayaa ka dhawaajiyey in Beesha caalamku ay arrimaheeda faraha kala baxdo, maadama uu si cad u diiday inuu u aqoonsado dal ka madax-banaan Soomaaliya. Saleebaan ayaa sidoo kale muujiyey in Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland looga dan leeyahay in dib loo mideeyo, isla markaana loo diidan yahay inay wada-hadaladaasi ka dhashaan madax-banaani ay hesho. “Somaliland cadowgeedu waa badan yahay, aduunku inuu noo taliyo ayuu rabaa inaan wada-hadalno oo wax iska celinana ma rabo, Ictiraaf la’aanta midnimadeena kaga soo gudubnay. Aduunkiina wuu diiday inuu na ictiraafo ee ha na nabad-gasho” ayuu yiri Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland. Hadalka Guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xili uu soo shaac baxay qorshe uu Abiy Ahmed uga dan leeyahay dib u furida wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, kaasi oo door weyn uu ka qaadan doono Ra’iisal wasaare Khayre iyo xubno aamisan fikirka midnimada Soomaaliya.
  16. ADDIS ABABA - Africa’s biggest airline, Ethiopian Airlines, has lost more than half-a-billion dollars since January because of the coronavirus pandemic. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-09042020.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Shariif Maxamed Maxamuud ayaa noqday qofkii ugu horeeyey ee gudaha dalka ugu geeriyooday cudurka Coronavirus, kaas oo shalay gabal dhicii ku dhintay isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa intii uu xanuunsanaa waxa uu mudo sagaal cisho ah ku jiray isbitaalka Aadan Cadde ee Muqdisho, ka hor inta aan loo wareejin isbitaalka Martiini oo markii dambe lagu karaantiilay, kadib markii la ogaaday in uu qabo Coronavirus. Dr. Maxamuud Zaahid Maxamuud oo ah agaasimaha caafimaadka ee isbitalka Aadan Cadde oo u waramay Idaacadda VOA, ayaa sheegay in mudadaas sagaalka cisho ah ee uu marxuumku yaalay isbitaalkooda aysan ku baraarugin in uu qabo cudurkaas, maadaama aysan heysan qalabka lagu ogaado. “Isbitaalka ayuu yimid isagoo ka sheeganaya neefta oo qabaneysa, waan baarnay mana aanaa ogeyn in uu qabo cudurkan, waxaan aragnay in ogsajiinkiisu dhacsan yahay, isbitaalkeenuna malahan wershadii ogsajiinka, waxaan la xariirnay isbitaalo kale oo waaweyn, waxay noo sheegeen in aysan qaba karin sababo la xariira ciriiri iyo bukaanada oo ku badan, intaas kadib waxaan qaadanay mas’uuliyad ah in aan la tacaalno odaga, qol gaar ah ayaan siinay” ayuu yiri Dr. Maxamuud. Digtoorka ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan isbitaalo kale oo lasoo marsiiyey bukaankaas, kadibna iyaga loo soo celiyey, iyaguna markii dambe ay dhecaankiisa u gudbiyeen hey’adda caafimaadka aduunka ee WHO si loo soo baaro, maadaama markii dambe uu galay shaki la xariira cudurkaas. Sidoo kale Dr. Maxamuud ayaa sheegay in markii hore aysan cudurkaas uga shakin bukaankaas, maadaama uu ka sheeganayey shil gaari oo uu horay u galay, kaas oo wax kasoo gaarsiiyey feeraha, sidoo kalena uu u sheegay in aysan jirin wax xiriirro ah oo ku saabsan dalka dibadiisa. Waxa uu sheegay dhakhtarku in bukaanku uusan laheyn wax qandho ah, isla markaana jawaabta baaritaankiisa ay kasoo daahday, taas oo uu sheegay in ay u timid habeen ka hor, markii ay cadaatay in uu qabo cudurkaasna waxa uu sheegay in ay qaadeen tallaabooyinkii ugu haboonaa oo ay geeyeen xarunta karaantiilka ee isbitaal Martiini. Hoos ka dhageyso wareysiga oo cod ah https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/c49d0a00-7f59-461c-999c-8a30ae2120ae_48k.mp3
  19. (SLT-Hargeysa)- Alle ha u naxariistee waxa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, Marxuum Nuur Rayaale Khayre oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Guurtidda JSL, kaasi oo muddo shan maalmood ah u jiifay xannuun ku soo booday Cisbitaalka Royal ee caasimadda Hargeysa. Alle ha u naxariistee Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre waxa uu ka mid ahaa Xildhibaannada waayo-aragga ah ee Golaha Guurtidda, waxaanu golaha ku soo biiray sannadkii 1993kii. Muddaas dheerna wuxuu ahaa xildhibaannada kaalinta weyn ka soo qaatay nabadeyntii iyo dib u dhiskii dalka. Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskiisii, ehelkii iyo Golaha Guurtidda ee uu ka baxay Marxuum- Nuur Rayaale Khayre oo ILAAHAY uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii iyo ummadda reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo. Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA u xaqiijiyey in Marxuum-Nuur Rayaale Khayre maanta lagu aasayo magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay dalka soo gaadhay qalabkii ay soo iibsatay ee lagu ogaanayey xannuunka Covid-19. Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa ayaa sheegay in qalabkan ay dawlada Imaaratka Carabtu ugu deeqday Somaliland, islamarkaana uu dalka soo gaadhay shalay. Waxaa kale oo uu agaasimuhu caddeeyay in baadhitaan lagu sameeyay kun laba boqol shan iyo lixdan qof oo dalka soo galay aan lagu arag calaamadaha xannuunkani, halka ay karantiin ku jiraan 65 qof, isaga oo balan qaaday in ay bulshada la wadaagi doonaan wixii xoga ee soo korodha. Dr Xergeeye waxaa kale oo uu xusay in ay sugayaan qalab caafimaad iyo mishiinka xannuunka lagu baadho oo ay hay’adda caafimaadka aduunku ugu deeqday Somaliland “Waxaan ugu buushaareynayaa bulshaweynta Somaliland in uu u yimid PCR-kii ayaa mishiinkii lagu baadhayey shaybaadhkii ugu horeeyay oo aynu ka helney maanta dalwada Imaaratka, aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa Dowlada Imaaratka Carabta taageeradda ay siisay Somaliland, ee ah inuu PCR-kii yimid. Waxaa kale oo inoo imanaya qalab caaafimaad inoo imanaya oo aynu ka sugeyno hay’adda WHO galabta, oo isna PCR ah, iyagana hay’adda WHO waxaa aanu uga mahad celineynaa taageerada ay u fidiso shacabka Somaliland iyo dowlada Somaliland labadaba” Dhanka kale Dr. Xergeeye waxaa uu tilmaamay in aanay ilaa hada aanay jirin kiisas cusub oo wasaaraddoodu diwaangelisay, islamarkaana ay xaaladoodu fiican tahay labadii qof ee dhawaan laga helay xanuunka Covid-19 “Waxaa aan idiin cadeynayaa in kiisaska la xaqiijiyey ee aynu hada heyna ay yihiin laba xaaladood oo kaliya, labadii xaaladoodna ay caafimaad qabaan, waxaanan idiin sheegay in wixii cisbitaala ee loo baahna hadiiba timaado in qof cisbitaal u baahdo ay diyaar ka yihiin caasimaada iyo gobolada dalka oo dhan, shaqaalahuna waa ay tababaran yihiin hadii ay dhacdo in kiisas cusub oo caafimaad u baahan la helo, dadka xuduudaha ka soo gudbay ay yihiin kun iyo laba boqol iyo shan iyo lixdan lagumana arag wax kiisa oo leh calaamadihi ama xumadii loo baahnaa, dadka karantiinka inoogu jiraana waa 64 qof waayo waxaanu aanu sii deynay 42-kii qof ee ugu horeeyay, oo aanu ka sii deynay Huteelka Royal, iyaga oo dhammaantood ay ahaayeen dad caafimaad qaba” Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa bartiisa facebook kusoo bandhigay farriin uu ku sheegay qeyla dhaan ka timid Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaan ee Banaadir, oo ka mid ah Isbitaalada la geeyay qofkii u horeeyay ee gudaha Soomaaliya ugu geeriyooday Cudurka Coronavirus. Mahad Salaad ayaa qoraalkiisa ku xusay in farriinta uu u soo diray qof ka shaqeeya Isbitaalka, lana wadaagay madaxda sare ee dalka, isaga oo sheegay in farriinta ay muujineyso in xaalad halis ah ay dalka kusoo socoto. Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad. QAYLODHAAN KA TIMID ISBITAAL BANAADIR Qof ka shaqeeya Isbitaal Banaadir ayaa xogtaan xalay ii soo diray. Isla markiiba waxaan la wadaagay madaxda sare qaarkood, waanan rajeynayaa in si degdeg ah looga howlgalo. Hadii sidaan wax u dhaceen dalkaan waxaa ku soo socda dhibaato aad u culus ee fadlan hurdada halaga kaco FARIINTA: Salaan kadib, waxaan rabaa inaan kula wadaago xaaladda uu marayo Caabuqa Covid 19, marxaladaha uu soo maray bukaankii u geeriyooday cudurkaan iyo sida ay wax u dhaceen: Waxaa dhacday 2dii bishaan Abriil in Shariif Maxamed Maxamuud laga qaaday xaako (sputum) si loo baaro, waxaana la keenay Isbitaal Banaadir qaybtiisa TB da, dhakhtarka TB da maamula ayaa ka soo qaaday oo keenay shaybaarka si looga baaro TB, waana laga waayay. Intaas kadib waxaa loo wareejiyay Isbitaalka Aadan Cadde, maalin walba waxaa aadayay qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo shaqaalaha isbitaalka waayo waxuu ahaa Aabaha agaasimaheenna Isbitaal Banaadir iyada ayaana ku ixtiraamaynay. galabnimadii Talaado ah 7dii bishii Abriil waxaan isbitaalka ugu tagay ku dhawaad 27 ka mid howlwadeenada isbitaalka oo ay ku jiraan 8 dhakhaatiir ah. Kadib markii la ogaaday in agaasime Fartuun Shariif Aabaheed qabo cudurka Covid 19 waa laga bixiyay Isbitaalka waxaana la geeyay Isbitaal Martiini oo galabnimadii Arbacada uu ku geeriyooday Allaha u naxariisto. Dhakhtarkii ka qaaday xaakada (sputum) iyo agaasimaha iyo hal qof oo kale kaliya ayaa karantiil la geliyay si loo hubsado badqabkooda Arinta cabsida leh ayaa ah wali Isbitaalka wuxuu wadaa shaqadiisii caadiga ahayd iyadoo ay joogaan in ka badan 50 qofood oo isugu jira dhakhaatiir iyo howlwadeeno caafimaad oo u tagay bukaanka u geeriyooday cudurkaan. Qaar ka mid ah howlwadeenadaas maanta ma imaanin Isbitaalka waxayna noo sheegeen in ay dareemayaan qandho iyo dhuun xanuun. Halista ugu wayn ayaa ah in uu ku sii faafayo cudurkaan bukaanada isbitaalka jiifa, shaqaalaha ka shaqeeya, hooyoyinka iyo caruurta isbitaalka u yimaada baaritaano caafimaad. Si looga badbaado cudurkaan in uu sii faafo waxaan kaa codsan lahaa in la sameeyo baritaano degdeg ah. Waa arin laga gaabinayo, sababtoo ah Wasaarada Caafimaadka 10 jeer ka badan ayaan wacnay wax taleefoon kaa qabanayana malahan. Farintaan adiga ayaan kula wadaagay. Howlwadeenada, dhakhaatiirta iyo bukaanada jiifa iyo kuwa yimid isbitaal Banaadir waxay u bahanyihiin baaritaano degdeg ah. Mahadsanid Xildhibaan
  22. Garowe (SMN) – Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortagga faafitaanka Coronavirus ee Puntland ayaa warbixin cusub kasoo saarey caabuqaas safmareenka ah. Hoos ka akhriso bayaanka View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-09042020.mp3 View the full article
  24. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyey magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi ayaa ka hadlay dhowr arrimood ay ka mid tahay mowqifka Somaliland ee ku aadan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in Somaliland diyaar u tahay in labada dhinac goob fagaare loo wada dhan yahay ay kuwada hadlaan cid welibana ay ku garnaqso karto waxaana uu intaas ku daray in labada dhinac hadalkooda uu horay u furnaa waxaana uu yiri. “Waxan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo haddii aanu Somaliland nahay in la wada-hadal oo Soomaaliya oo hadalkoodu hore u furnaa, muddona aanu hirgelin in la wada hadlo oo danta aanu isku haysanno iyo waxa naga dhexeeya laga wada-hadlo oo wada-hadal lagu dhammeeyo, horena waanu u qaadannay haddana waannu aaminsanahay, diyaarna waannu u nahay, waana mabda’iyan, ma nihin qolo ka baqanaysa fagaare”. Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale soo hadal qaaday salaadiin ka soo jeeda Somaliland oo dhowaan warbaahinta ka soo muuqday iyaga oo dalbanayo in kaalintoodalaga siiyo wadahallada labada dhinac madaxweynaha ayaa digniin u diray Salaadiintaasi. “Madaxdhaqameedka waxannu ka sugaynaa oo aannu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, Hadduu ka baxo suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaargaroobo,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu meesha ka saaray in uu jiro shir hadda la isku og yahay oo la iclaamiyey in dhowaan loo qabanaayo labada dhican Soomaaliya iyo Somaliland EGAD ama beesha caalamka oo la soo ogeysiiyey. “ Arrinta Somaliland wax la dhaqdhaqaajin karo ma aha, ninkaa intaa siyaasad ka daya ee ku soo daaya warbaahintuna isaga ayey u taallaa, annaga ma jirto dawlad EGAD ah, ama caalami ah ama Soomaaliya ah oo tidhi shir baynu qabsanaynaa ma qabsannaa, waqtigan imika ah shir la qabtay iyo ballan la qaatay iyo cid rasmi ah iyo cid nala soo xidhiidhay midna ma jirto, warkaasina waa war suuq.” Ugu dambeyn Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bogaadiyey u diyaargarowga iyo ka hortagga loogu jiiro xanuunka COVID-19, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay muhiimad gaar ah siiyaan badbaadada nafahooda iyo nafaha bulshada kale, isaga oo ganacsatada iyo qaybaha kale uu bulshadana kula dardaarmay inay diyaar u noqdaan xaalad kasta oo soo korodha Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta digniin u diray madaxda dhaqanka reer Somaliland. Muuse Biixi ayaa dhaqanka Somaliland ugu baaqay in ay faraha kala baxaan arrimaha siyaasadda, kuna ekaadaan dhaqanka, sidaas haddii ay sameyn waayaana ay u diyaar garoobaan cawaaqib xumada ka dhalata arintaas. “Madax dhaqameedka waxaanu ka sugaynaa oo aanu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, hadduu ka baxo suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaar garoobo,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi. Hadalka Muuse Biixi ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay qaar kamid ah madaxda dhaqanka Somaliland ay warbaahinta ka sheegeen in wadahadallada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland laga qeyb galiyo, sidoo kalana xusay in ay marnaba kala go’i karin Soomaaliya. Wadahadallada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa hakad ku jiray tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Farmaajo. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo digniin u diray madax dhaqameed ka hadlay midnimada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.