Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay labadii xubnood ee labada Xisbi Mucaarad u matalayey Komishanka ee Golahoodu codka ku diiday, kuwaasi oo la filayo inay mar kale gacanta u taagan oo ay ansixiyaan iyo sharcigu wuxuu ka qabo. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Salaadiinta Somaliland, waxaanu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay “Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumaddu marar badan oo hore ayey is khilaafeen, iyagoo isku qabtay arrimaha Doorashooyinka iyo Komishanka, iyadoo xitta la dhex galay ayay haddana is qabteen, laakiin imika heshiis bay gaadheen, is fahana wuu ka dhex dhacay, gacan taag qudhana waxba kuma meel marino, ee shuruudaha ayaanu u eegnaa, labada xubnood ee Goluhu codka ku diiday, haddii dib loogu soo celiyo Golaha wax mushkilad ah malaha, oo sharciga ayaa loo eegayaa, labada xubnood ee Goluhu codka ku diidayna, waxaa ka mid ah xubin laba jeer oo hore cod lagu meel mariyey..” Xildhibaanku wuxuu farriin u diray Madax-dhaqameedka Dalka “Maanta lama taagna maalin la murmo iyo maalin laga hadlo wada-hadal iyo in Soomaaliya lala hadlo, ee waa maalin uu Adduunkii baqo ku jiro oo Waddan kastaaba xadkiisii xidhay, markaas maalin aynu Dawlad iyo Salaadiin u garnaqno ma joogno ee Salaadiintu hadalladooda ha u meel dayaan, oo waxaan shaqadooda ahayn yaanay gelin..” ayuu yidhi. Source
  2. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa faah faahin looga bixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe. Mareykanka ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ay duqeyn la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi. Sidoo kale Mareykanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen hal sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah uusan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah. Maalmihii la soo dhaafay Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha uu la beegsado Al-Shabaab ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  3. Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in aan la aqbali karin shaqsiyaadka ku howlan hurinta dagaal beeleeyada maalmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi. Najax ayaa tilmaamay in dadka weli u sii han-qal taagaya daadinta dhiig hor leh ay ku qaban doonaan gacan bir ah, iyaga oo kaashanaya dowladda dhexe. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in Wanlaweyn ay tahay, halka laga hoggaamiyo howlgallada ciidamada dowladda ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana socda dadaallo nabadeed oo looga hortagayo colaadaasi. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-11042020-ww.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysnaa oo xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Muqdisho. Toogashada oo ka dhacday degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxaa loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray, Xaaji Shahid Kheyr-Doon. Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa ka dambeeyey dilkiisa, kuwaas oo rasaas ku furay, xilli uu ka soo baxay Masjidka Saaladii Cishe kadib. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dableydii fulisay toogashada ay goobta isaga baxsadeen, siday inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan dhacdadaasi. Todobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii Dhaqtar Xasan Xaayow oo caanka ahaa Yaaqshiid lagu dilat xaafadda Suuq-Bacaad ee degmadaasi.
  6. Wasiiru-dowlaha Wasaarradda Cadaaladda Maamulka Hirshabeelle ee dalka Soomaaliya, ahna Xildhabaan ka tirsan Baarlamanka Maamulkaasi Khaliif Muumin Tooxow ayaa la xaqiijiyay in laga helay xanuunka COVID-19 , sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Hirshabeelle. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sheegay in baadhitaan la sugayay natiijadiisa dhowr saacadood, kadib la xaqiijiyay in Wasiiru-dowlaha Cadaaladda Hirshabeelle uu hayo Xanuunka COVID0-19. Waxa uuna sidoo kale uu qeexay in hadda Hirshabeelle uu ka jiro walaac xooggan, maadaama Wasiirkan xanuunsanaya uu muddo ku jiranaa Hotel-kii uu ka deganaa Jowhar, sidoo kalena ay jiri karaan dad uu la macaamiilay. Source
  7. Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabeelle, ayaa ku baaqday in dhammaan la karantiilo mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee la kulmay xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle oo laga helay cudurka Coronavirus. Khaliif Muumin Tooxow, oo sidoo kale ah wasiiru-dowlaha Caddaalada Hirshabeelle, ayaa shalay la xaqiijiyay in laga helay xanuunka Coronavirus, kadib baaritaan lagu sameeyay. Bukaanka oo in mudda ah ku xanuunsanayey hotel ku yaalla magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle, ayaa markii dambe loo qaaday Muqdisho, si looga baaro cudurka COVID-19 ee haatan laga helay. Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle, ayaa ku boorrisay dadkii la kulmay bukaanka mudadii uu deganaa Hoteelka Jowhar, in ay is karantiilaan, si aanay bulshada ugu gudbin haddii ay qaadeen cudurka Coronavirus. Sidoo kale, madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay in ay raadinayaan dhammaan dadkii xiriirka la sameeyay bukaanka, si loo geliyo karantiil mudda laba asbuuc ah. “Waxaan hadda raadineynaa dhammaan kuwa laga yaabo in ay la xiriireen isaga muddo 2 asbuuc ee la soo dhaafay si go’doomin loo geliyo looguna kuur galo xaaladooda” ayuu yiri madaxweyne Waare. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo karantiilaysa dadkii la kulmay wasiir laga helay COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Dubai)-Dhaxal-Sugaha Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed ayaa dowladda Suuriya ka dhaadhiciyey qorshe lagu burinayo xabad-joojinta gobolka Idlib ee kala dhaxaysa Turkiga, isaga oo u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, waxaas sidaas weriyey wargeyska Middle East Eye. Maalmo ka hor kulan dhex-maray saraakiil Russia iyo Turkish ah oo lagu raadinayey heshiis xabad-joojin, ayaa 5-tii March waxa uu Mohammed Bin Zayed sarkaal sare oo lagu magacaabo Ali Al-Shamsi u diray magaalada Dimishq, si uu wada-xaajood ula galo madaxweyne Bashar Assad. Bin Zayed ayaa Assad u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, si uu dib ugu billaabo howl-gallada iyo weerarada gobolka Idlib. Assad ayaa loo horumariyey 250 milyan oo dollar oo kaash ah, ayada oo loo ballan-qaaday in ka hor dhammaadka bisha March la siin doono 1 bilyan oo dollar, ayada oo lacagta inta ka hadhsanna la bixin lahaa wakhti dambe. Mohammed Bin Zayed ayaa qorshihiisa ka damacsanaa laba ujeedo, oo lagu wiiqayo saameynta Turkiga ee gobolka. Qorshaha koowaad ayaa ahaa in Turkey dagaal dheer oo aan dhammaad lahayn lagu geliyo gobolka Idlib si askar badan lagaga dilo, islamarkaana caalamka loogu muujiyo inay dal kale duulaan ku yihiin, oo loo sumcad tiro. Qorshaha labaad ayaa ahaa in dagaalkaas uu Turkey ka weeciyo qarashkii iyo kheyraadkii ay ku bixin lahayd Liibiya, oo ay taageerto dowladda dalkaas, halka Imaaraadka Carabta ay taageeraan jeneraalka fallaagada ah ee Khalifa Haftar. Qorshahan ayaa waxaa ka war-helay madaxweynaha Russia Vladimir Putin, kaasi oo aad uga cadhooday. Putin ayaa kadib wasiirkiisa gaashaandhigga Sergei Shoygu u diray Dimishiq kuna armay inay joojiso qorshahan. Source
  9. Turkey's Interior Ministry imposed Friday a two-day curfew in 30 metropolitan provinces and northern Zonguldak province starting as of midnight to curb the spread of coronavirus. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dr Maxamed Maxamuud Cali Fuje, oo la hadlay idaacadda BBC Somali ayaa ka jawaabay sheegashada dadka qaar ee ah in liin dhanaanta ay dawo u tahay cudurka coronavirus. Liin dhannaanta iyo dawo dhireedka qaarkeed ayaa meelaha qaar laga soo tabiyay inay wax badan u tareen dadka uu ku dhacay xanuunka coronavirus, inkastoo wali aan caddeyn dhinaca seyniska ah loo heynin inay daawo u yihiin cudurka safmarka ah ee dunida ku faafay. “Liin dhanaantu sida guud waa daawo waana Vitamin C, laakiin ma aha dawo cilmi baaris lagu sameeyay oo dileysa cudurkan. Balse way caawin kartaa oo waxay qeyb ka tahay waxyaabaha dhisa difaaca jirka”, ayuu yiri Dhakhtarka. Wuxuu dhinaca kale meesha ka saaray hubaasha in liin dhanaanta lagu dhaqan karo gacmaha. “Ilaa mahha ma heyno caddeyn dhinaca seyniska ah. Waxa aan ognahay waa in gacmaha lagu dhaqi karo biyo iyo saabuun oo ilaa 20 ilbiriqsi lagu dhaqanayo. Haddii aadan saabuunta heysanin ku dhaqo dareeraha jeermis dilaha ah haddii aadan intaas heli karinna danbas iyo biyo isticmaal”, ayuu yiri. Wuxuu Dr Fuje ku taliyay in qofkii isaga shakiya xanuunka uu gurigiisa joogo, laakiin haddii deegaankiisa laga heli karo xarumo caafimaad oo loogu talagay coronavirus iyo goobo karantiil ah uu si dhakhso ah ula xiriiro. Dhanka kale, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay fikradaha qaba in coronavirus uusan ku dhaceynin dadka muslimiinta ah iyo bulshooyinka ku nool dalalka kuleylaha ah. Isha: BBC SOMALI
  11. NAIROBI - When the coronavirus began hitting Western economies, it hurt the economies of African countries, too – not only because of a loss in trade and tourism, but also due to a loss in remittances. Source: Hiiraan Online
  12. The locust WhatsApp hotline has been pinging nonstop as farmers and herders across large swathes of rural Kenya send in video clips of massive swarms flying overhead, blocking the light of the sun like a Biblical plague. Source: Hiiraan Online
  13. AFRICOM said the strike killed 10 al-Shabaab militants Source: Hiiraan Online
  14. (ERGO) – Displaced families on the outskirts of Beletweyn town in southern Somalia’s Hiran region are sleeping out in the open after heavy rains destroyed their makeshift huts. Source: Hiiraan Online
  15. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dhaxal-Sugaha Abu Dhabi Mohammed Bin Zayed ayaa dowladda Syria ka dhaadhiciyey qorshe lagu burinayo xabad-joojinta gobolka Idlib ee kala dhaxeysa Turkey, isaga oo u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, waxaas sidaas weriyey wargeyska Middle East Eye. Maalmo ka hor kulan dhex-maray saraakiil Russia iyo Turkish ah oo lagu raadinayey heshiis xabad-joojin, ayaa 5-tii March waxa uu Mohammed Bin Zayed sarkaal sare oo lagu magacaabo Ali Al-Shamsi u diray magaalada Dimishq, si uu wada-xaajood ula galo madaxweyne Bashar Assad. Bin Zayed ayaa Assad u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, si uu dib ugu billaabo howl-gallada iyo weerarada gobolka Idlib. Assad ayaa loo hormariyey 250 milyan oo dollar oo kaash ah, ayada oo loo ballan-qaaday in ka hor dhammaadka bisha March la siin doono 1 bilyan oo dollar, ayada oo lacagta inta ka harsanna la bixin lahaa goor dambe. Mohammed Bin Zayed ayaa qorshihiisa ka damacsanaa laba ujeedo, oo lagu wiiqayo saameynta Turkey ee gobolka. Qorshaha koowaad ayaa ahaa in Turkey dagaal dheer oo aan dhammaad lahayn lagu geliyo gobolka Idlib si askar badan looga dilo, islamarkaana caalamka loogu muujiyo inay dal kale duulaan ku yihiin, oo loo sumcad tiro. Qorshaha labaad ayaa ahaa in dagaalkaas uu Turkey ka weeciyo qarashkii iyo kheyraadkii ay ku bixin lahayd Libya, oo ay taageerto dowladda dalkaas, halka Imaaraadka Carabta ay taageeraan jeneraalka fallaagada ah ee Khalifa Haftar. Qorshahan ayaa waxaa ka war-helay madaxweynaha Russia Vladimir Putin, kaasi oo aad uga carrooday. Putin ayaa kadib wasiirkiisa gaashaandhigga Sergei Shoygu u diray Dimishiq kuna armay inay joojiso qorshahan.
  16. Nuur-Cadde: Booliis, Samafale, Siyaasi iyo Diblomaasi Nuur Xasan Xuseen, Nuur –Cadde, wuxuu ahaa nin muddo ka badan nus qarni u shaqeeyay Dowladda Soomaaliya, jagooyinka dalka ugu sarreeyana ka gaaray. Wuxuu muddo dheer ka tirsanaa booliiska Soomaaliya. Wuxuu ka qabtay xilal kala duwan. Darajo wuxuu ka gaaray Gaashaanle Sare. Wuxuu ahaa sharci yaqaan wuxuuna ka shaqeeyay Maxkamadaha dalka. Nuur waxay dadku inta badan ku yaqaanneen Booliiska iyo xilka Ra’iisal Wasaare laakiin xaggeyga shaqada qalbigeyga u dhow ee uu qabtay waa howsha samafalka ee Bisha Cas. Bisha Cas Nuur wuxuu markii hore ka tirsanaa Guddiyada Bisha Cas oo mar mar uun fadhi isugu yimaada korna kala socda Howlaha Bisha Cas. Markii 1991 ay Dowladdii Soomaaliya burburtay ayaa waxaa dagaalku saameeyay Guddoomiyaha Bisha Cas, Dr. Axmed Food-Cadde, oo inkasta oo uu isku dayay in uu ku shaqeeyo Bisha Cas xarunteeda Muqdisho ay ku adkaatay in howshu ay hagaag u socoto. Waxaa u sabab ahaa dagaallo qabiil, kuwo siyaasadeed iyo amni darro baahday oo ay ka faa’iideysteen burcad – dhac iyo boob-doon ah oo agabka hey’adaha Dowladda, kan samafalka iyo hantida gaarka loo leeyahay aan midna u aabba yeeleyn. Si ay taas u gaaraanna aan ka waabaneyn in ay naf Aadane gooyaan. Guddoomiye Dr. Food Cadde, Allah ha u naxariistee, wuxuu u wareegay Nairobi halkaas oo uu ka sii waday howsha Bisha Cas. Xarunta Muqdisho waxaa u istaagay Nuur – Cadde oo noqday Xoghayaha Guud ee Bisha Cas. Isaga oo aqoonsan lana shaqeynaya Dr. Food – Cadde. Wuxuu noqday Xogahayaha Guud ee Ururka Bisha Case ee Soomaaliyeed. Nuur – Cadde, isaga oo kaashanaya Guddoomiye Food – Cadde, wuxuu noqday ninka suurta geliyay in dagaalkii iyo jahawareerkii ka taagnaa caasimadda aan Bisha Cas ku burburin, kuna dhex milmin siyaasadda qabiileysan ee berigaas taagnayd. Bisha Cas oo xilliga loogu baahi badan yahay ay tahay xilliga colaadaha iyo xilliga masiibooyinka ay abaaraha iyo cudurrada saf marka ahi ka mid yihiin, waxay ku guuleysatay in aan marnaba albaabbada loo laabin. In aanay marnaba ka qixin Xamar, marnaba ka maqnaan goobaha looga baahan yahay. Xataa markii ay Muqdisho iyo Kismaayo colaaddu ay ka dhexeysay iyo markii ay Muqdisho laba u qeybsantay, waxaa Bisha Cas u suurta gashay in ay dhinacyada oo dhan ay ka howlgasho. Goobaha ugu daran dagaalka waxaa ka mid ahaa Muqdisho oo Nuur – Cadde uu fadhiyo, Xamar labada dhinac ee markaa uu dagaalku u qeybiyayna ku leh laba wakiil. Magaalooyinka kale ee dagaalka xooggani ka dhacay waxay ahaayeen Kismaayo oo Axmed – Goobbo uu joogay iyo Baydhowa, oo dagaalka ay macluul maalintii boqol ruux dishaa ay u dheereyd 1992. Xuseen Daahir ayaa ka howlgalayay oo ahaa mas’uulkii Bisha Cas ee Baydhowa burburka ka hor iyo ka dib labadaba. Nuur – Cadde oo la shaqeynaya Guddoomiyihiisa Dr. Food Cadde, waxay labada mas’uul ku guuleysteen in iyada oo ku howlgaleysa magaca Bisha Case ee Somaliland uu ururku howlo samafal ka fuliyo Somaliland, iyada oo Bisha Cas ee Soomaaliyeedna ay raalli ka tahay. Kulammada caalamkana farriin ay isla og yihiin ayay ka jeedinayeen maaddaama ay howshu tahay samafal ka fog siyaasad. Waxay wada shaqeyn dhow oo xagga samafalka ah ay lahaayeen rag uu horseed u yahay Cali Jirde. Taasi waxay suurta galisay in hey’ado kale oo badan oo samafal ah ay ku dhiirradaan in ay dalka si xoog leh uga shaqeeyaan xilliyadii colaadda iyo abaaraha. Waxaa si gaar ah loo xusi karaa kaalintii Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, ICRC, oo miisaaniyaddiisa caalamiga ah barkeed ku bixiyay Soomaaliya. Howlgalka wuxuu la kaashaneya Bisha Case ee Soomaaliyeed oo ay bahwadaag yihiin, kana wada tirsan yihiin Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ah ee Bisha iyo Laanqeyrta Cas. Caalamku wuxuu qiray howsha adag ee samafalka ah ee Bisha Cas ay ka qabatay dalka xilli aad u adag. Sawirka waxaad ku arkeysaa Boqoradda, Elizabeth, oo Qasrigeeda London abaalmarin ku Guddoonsiineysa Guddoomiyaha Bisha Case ee Soomaaliyeed, Dr. Food – Cadde. Madaxa Xukuumadda Iyada oo sida aan maqlay ay soo jeedintiisa gacan weyn ku leeyihiin saaxiibbadiisii Bisha Cas, Dr. Food – Cadde iyo General Cabdinuur Yusuf, ayaa Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf uu Ra’iisal Wasaare u magacaabay Nuur Xasan Xuseen, Nuur – Cadde. Waxay ahayd xilli aad u adag, xasaasina ah. Ciidammada Ethiopia iyo kuwa Dowladda ayaa dagaal qaraar kula jiray ciidammadii Maxaakiimta. Baarlamaanka Soomaaliya laba ayuu u kala jabay oo qaar Badan oo Guddoomiyaha Baarlamaanku uu hoggaaminayo ayaa Dowladda ku diiday siyaasaddeeda. Xildhibaannada mucaaraday gacansaarka ciidanka Ethiopia iyo Dowladda Federaalku dalka ayay ka baxeen oo waxay xarun ka dhigteen Asmara oo markaas ay cadaw isku ahaayeen Ethiopianka. Qurbo joog is abaabushay ayaa ku biirtay. Dhammaantood waxaa Guddoomiye u noqday Shiikh Shariif oo markaa ka hor ahaa Madaxa fulinta ee magaca Maxaakiimta Shareecada ku dagaallamayay. Qax fara badan ayaa shacabka ku dhacay siida dadweynaha Muqdisho. Inksta oo markii hore uu dhisay Xukuumad fara badan, haddana Nuur – Cadde wuxuu hirgeliyay Xukuumad 18 Wasaaradood ah. Nuur wuxuu dhexda u galay siyaasado Soomaaliyeed oo is diiddan iyo kuwa caalamka oo iyaga qudhoodu aan meel u wada socon. Xilliyada qaar wuxuu dadka qaar ugu muuqday Hoggaamiye isku dayaya in uu qanciyo dhinacyada oo dhan, taas oo xilligaas aan sinnaba suurta gal u ahayn. Khilaaf Culus Xilligii ugu adkaa wuxuu ahaa markii khilaaf aan qarsoodi ahayni soo dhex galay Madaxweynaha, Cabdullaahi Yusuf iyo Ra’iisal Wasaaraha Nuur Xasan Xuseen. Intii aan baaritaanka qoraalkaan ku jiray, il iga xog ogaalsan waxay ii sheegtay in khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu uu ka billowday dhismaha Xukuumadda. Waa sida beri dambe ka dhex dhici doonta Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Shiikh. Hase yeeshee, Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur – Cadde iyaga khilaafkooda muddo ka dib ayuu dibadda u soo baxay. Labada mas’uulba waxay bixiyeen wareysiyo uu mid waliba dadweynaha ugu fasirayo mowqifkiisa iyo waxyaabaha aanuu aqbali karin ee ka hor yimid. Wareysiyadaas in aan dhammaantood dhegeystay, qaar badan oo ka mid ahna aan anigu labada mas’uul gooni gooni uga qaaday, waxaa ii dheeraa kulammo aan isu geyntooda kula yeeshay mgaalooyin ay ka yihiin London, Nairobi, Hague iyo Lisbon. Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf, dhowr jeer oo hore ayuu iiga warramay khilaafkii kala dhexeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan. Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, markii ugu horreysay ee aan afkiisa toos uga maqlo waxay ahayd mar uu Madaxweynuhu caafimaad u yimid London. Waxay ahayd xilli uu i dhaliilsanaa igana diiday wareysi. Ka dib markii aan aad isugu dayay, inta aanuu ka amba bixin London ayay ii suurta gashay in aan la kulmo, iska maslaxo, is fahamno, welibana aan gooni u wada casheeyno. Wuxuu ii yara taabtay khilaafka isaga iyo Ra’iisal Wasaaraha. Inta uu Madaxweynuhu ii sheegay waxaa iiga sii muhiimsanaa waxa iiga baxay marka aniga oo la fadhiya ay telefoonka ku wada hadleen Nuur – Cadde. Arrin caafimaad ayuu usaguna u yimid London. Maalin ama laba ayuu joogay. Laakiin wadahadalkooda aan maqlay hal dhinac waxaan ka fahmay in aanay weli is arag. Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf, rag hadda nool oo Baarlamaanka ku jiray aadna ugu dhowaa ayaan sheeko wadaag ahayn oo meesha ay wax marayaan iyo rajada is fahamku hadba inta ay gaarsiisan tahay aan joogto u kala warqaadan jirnay. Waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdirashiid Cirro. Saaxiibkeey Cabdirashiid Seed Qoor iyo rag kale iyagana xog iyo gacanba waan ka heli jiray. Nuur – Cadde isaguna wuxuu marar badan wareysiyo ugu fasiray shacabka Soomaaliyeed sida ay isaga wax ugu muuqdeen. Wuxuu ugu yaraan laba jeer aqbalay in si toos ay dhegeystayaasha BBC su’aalo u weydiiyaan isaguna uu uga jawaabo. Mar waxay ahayd khadka telefoonka, marna waxay ahayd su’aalo ay fool-ka-fool u weydiiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Netherlands oo isugu soo baxay magaalada Hague. Waxaa kale oo aan xusuustaa wareysigii ugu adkaa ee aan la yeeshay Ra’iisal Wasaare Nuur – Cadde, lagana yaabo in uu ahaa kii ugu adkaa ee laga qaaday inta uu xilka hayay. Dhowr jeer ayaa ciidan magaca Dowladda sita lagu eedeeyay in uu bililiqeystay suuqa Bakaaraha. Galab ay Bakaaraha bililiqo ka dhacday ayaan Caawa iyo Caalamka wareysi kula yeeshay Ra’iisal Wasaare Nuur – Cadde oo hore u ballanqaaday in uu wax ka qabanayo xadgudubka ciidanka Dowladda ee soo noqnoqday. Wuxuu Ra’iisal Wasaaruhu ku dooday in aan ciidanka galabtaas dhacay Bakaaruhu aanay ku shaqeyneyn amarka Dowladda. Waxaan kula dooday in muwaaddinka la dhacay aanay macna u sameyneyn in askariga dhacaya la soo amray iyo in kale. Sidaa darteed waxaan Ra’iisal Wasaaraha weydiiyay waxa looga qanci karo oo uu dadka la dhacay iyo Soomaali oo dhan uu u sheegi karo. Nuur-Cadde wuxuu ballanqaaday in aanay mar dambe dhici doonin isaga oo xilka haya. Waxaan filayaa in ay ahayd markii ugu dambeysay oo uu weerar noocaas ahi ka dhaco Suuqa Bakaaraka. Dhanka Madaxweynaha marka laga reebo inta uu isagu si rasmi ah u shaaciyay, waxaan khilaafka si hoose ugala socday rag ay ka mid yihiin Xildhibaanno Baarlamaanka ah oo isaga ku dhowdhow. Dhanka Ra’iisal Wasaaraha inta uu toos iigu sheegay waxaa ii wehliyay inta aan ka helo mas’uuliyiinta Xukuumadda ee isaga la safnaa oo uu ka mid yahay Ku Xigeenkiisii, Wasiir Axmed Cabdisalaan. Waxaan u haystaa in khilaafka labada mas’uul uu salka ku hayay go’aan ay qaadatay waxa dadka qaar ugu yeero beesha Caalamka oo ay ku jirto Dowladda Ethiopia oo Ciidankeeda la’aanteed aan Dowladdu cagaheeda isku taagi karin. Go’aankaasi wuxuu ahaa in la joojiyo dagaalka qaraar ee lagu hoobtay ee ka socday caasimadda iyo degaanno kale oo Koofurta ah. Iyo in marka taas lagu guuleysto ay ciidammada Ethiopia ka baxaan Soomaaliya, ciidammada keliya ee shisheeye ee la ogyahay ee dalka joogayaana ay ahaadaan kuwa AMISOM. Waxaa kale oo go’aanka ka mid ahayd in ay Dowladdu beddesho siyaasaddeeda, heshiis la gasho mucaaradka, wadajirna ay ugu soo dhowaadaan shacabka. Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu saameeyay Xukuumadda oo ku kala jabtay, ka dib markii Wasiirrada intooda badani ay is casileen iyaga oo eedeynaya Ra’iisal Wasaaraha. Ma doonayo in aan ku sii talaxtago faallada hoose ee khilaafkii Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ee ugu darnayd 2008. Markii ay arrintu cakirantay, Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf wuxuu iskiis u goostay in uu is casilo, taas oo ahayd ballanqaad uu hore u sameeyay markii uu xilka qabtay. Labada mas’uulba waxay ahaayeen akhyaar muddo dheer dalka u soo shaqeeyay, weliba xagga ciidanka militeri iyo booliis kala ahaa, Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare soo noqday. Labadaba Allah ha u naxariisto. Wadahadal, Heshiis iyo Doorasho Wadahadallo billowday intii uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf xilka hayay, ayaa ka socday Djibouti markii uu Madaxweynuhu is casilay. Wadahadlku wuxuu u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Kooxaha hubeysan ee dagaallamaya oo ay matalayeen Madaxda Siyaasadeed ee muqaawamada oo xaruntoodu ay tahay Asmara. Waxay labada dhinac isku af garteen in xabbadda la joojiyo iyo in 275-ta kursi ee Baarlamaanka in la eg lagu daro. Xildhibaannada fariisanayana ay muqaawamadu magacawdaan . Ka dibna la qabto doorasho Madaxweyne. Heshiiska Djibouti waxaa dhinaca Dowladda u Saxiixay Axmed Cabdisalaan oo ahaa Ra’iisal Wasaare ku Xigeen iyo Wasiirka Warfaafinta. Dhinaca Mucaaradka waxaa u saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ahaa ku Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Dhexe. Nuur Xasan Xuseen oo taageero ka haysta siyaasiyiin iyo dhinacyo beesha caalamka ah, wuxuu u tartamay Madaxweyne. Nuur-Cadde taageero kama haysan muqaawamada soo buuxisay Baarlamaanka, sidoo kale taageere kama haysan taageerayaasha Cabdullaahi Yusuf ee Baarlamaanka hore u fadhiyay. Sidaa darteed, waxaa doorashada ku guuleystay Shariif Shiikh Axmed oo loo doortay Madaxweyne. Iyada oo murashaxa ku soo xigaana uu noqday General Maslax Maxamed Siyaad. Mudane Nuur – Cadde, kama caroon ee wuu la shaqeeyay Madaxweynaha cusub, Shiikh Shariif iyo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee uu magacaabay, Cumar Cabdirashiid C. Sharmaarke. Nuur – Cadde waxaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Roma iyo xarunta Midowga Yurub, Brussels. Nuur Xasan – Xuseen, Nuur-Cadde wuxuu ahaa mas’uul aad u xushmad iyo qaddarin badan. Yar iyo weyn labada qaddariya. Inta badan fadhiga ka kaca marka uu qof gacan qaadayo, adeegsadan labada calaacalood. Wuxuu ahaa waaya arag af gaaban. Marka uu damcana sheekeeya. Ilbax ayuu ahaa, furfuran, maskaxna furan. Nolol quruxoon ayuu qaatay. Nuur-Cadde waxaa dilay Covid-19, isaga iyo tobannaan Soomaali ah oo inta badan Yurub ku geeriyooaday. Dhammaantood Allah ha u naxariisto. Inta taagtu tahay, ha laga feejignaado Coronavirus oo isagu keena cudurka. Yuusuf Garaad Cumar: Waa wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya iyo madaxii hore ee BBC Somali.
  17. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya laanteeda Puntland. Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabay Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey), waxaana uu ahaa madaxii xafiiska socdaalka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo. Farey ayaa isagoo salaadii maqrib weesaysanaya lagu dilay masjidka Hudda xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaalada iyo goobjoogeyaal. “Marxuumka waxaa la bartilmaameedsaday isagoo weesaysanaya salaada marqib,” ayuu yiri qof goobjoog ahaa. Sidda ay sheegeen mas’uuliyiin, dableyda geysatay dilka ayaa ka baxsatay meesha ay wax ka dhaceen, waxaana ku raadjooga ciidamadda ammaanka oo durba bilaabay howlgalo saf-balaaran leh. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Marxuum Cismaan Faray. Ciidamada amniga Pumtland ayaa magaalada Gaalkacyo ka waday xalay ilaa saaka howlgal lagu baadigoobayo ciddii geysatay falkaas, balse aan weli miro-dhalin. Bilooyinkii lasoo dhaafay Gaalkacyo waxaa kusoo kordhay beegsiga mas’uuliyiinta iyo wax-garadka, iyaddoo xukuumadda Deni ay ku adkeysatay in ay xididaha u siibi doonto maleeyshiyaadka argagixisada ah, balse weli kuma aysan guuleysan
  18. Dokumentiyo muujinaya xidhiidh ka dhaxeeya Saudi Arabia iyo kooxda Al-Qacida Wakaaladda Wararka Yemen ee YPA ayaa weriye sare oo ku sugan Koonfurta Yemen kasoo xigatay dokumentiyo muujinaya xiriir ka dhaxeeya dowladda Sacuudiga iyo kooxda Al-Qacidada Yemen ee loo yaqaan AQAP. “Warqad ka timid qabiilka al-Humiqani ayaa xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo looga digay inay hub usoo diraan kooxaha argagixisada ee gobolka Al-Baydah, ayaga oo usoo marinaya xisbiga Al-Rashad iyo Abdul Rahman Abu al-Harith al-Humiqani oo ku xiran kooxda Daacish,” ayuu yiri weriye Salah Bin Laghbar. Hase yeeshee warqad kale oo ka timid Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa amartay in hub lagu wareejiyo kooxihii argagixisada ee laga digay, sida uu sheegay weriye Laghbar, oo helay labada warqad. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sanadkii tegay, baaritaan uu sameeyey taleefishinka CNN lagu ogaaday in Sacuudiga ay hub ay ka heleen Mareykanka siiyeen maleeshiyo Salafi ah oo xiriir la leh kooxda Daacish. Sacuudi Carabiya ayaa muddo lagu eedeyn jiray inay si dadban u taageeraan kooxaha xagjiriinta, ayada oo nidaamka diimeed ee Wahaabiga ah ee dalkaas la rumeysan yahay inuu dhiiri-geliyo fikradaha diimeed ee xagjirnimada iyo rabashadaha ku dhisan ee kooxaha Al-Qacida iyo Daacish. Sacuudi Carabiya marar badan ay beenisay eedeymahan. Qaran News
  19. Burundi oo horey u sheegtay in sababta uusan usoo gaarin cudurka coronavirus ay tahay “inuu Ilaah bad-baadinayey”, ayaa hadda laga helay saddexdii kiis ee ugu horreysay. Hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa ku adkeysanaya in weli ay ku sugan yihiin “bad-baadada ilaah”, oo aan loo baahneyn in la faro-geliyo nolosha dadka. Xisbiga talada haya ayaa shacabka u sheegay inaan loo baahneyn inay ka wel-welaan cudurkan ku faafaya caalamka oo dhan, ayaga oo ogolaaday in nolosha ay sideeda kusii socoto, oo xitaa qabanaya doorasho madaxweyneoo la qorsheeyey 20-ka May. “Ha cabsanina. Ilaah wuu jecel yahay Burundi. Haddii ay jiraan dad cudurka laga helay, waxaa laga yaabaa inay tahay mid ilaah uu awooddiisa ugu muujinayo Burundi,” waxaa sidaas yiri General Evariste Ndayishimiye, oo ah musharaxa madaxweynaha ee xisbiga talada haya ee CNDD-FDD. “Haddii saddex kiis halkan laga helay… waxaa la ii sheegay in xaaladdoodu wanaagsan tahay, ogowna coronavirus dadka ayuu ku dilayaa meelo kale,” ayuu Ndayishimiye u sheegay taageerayaashiisa. Ayada oo go’doomin lagu soo rogay dalal badan oo ka mid ah Africa ay hakisay noloshii caadiga ahayd ee dadka, ayaa baararka iyo maqaayadaha weli ay ka furan yihiin Burundi, waxaana ay mas’uuliyiinta ay meesha ka saareen inay soo rogaan amaro xayiraad ah. Xafladaha aroosyada iyo tacsiyadaha ayaa weli dhacaya, ayada oo kumanaan qofna ay si caadi ah u aadaan kaniisadaha iyo masaajidada. Xitaa waxaa weli socda horyaalka heerka labaad ee cayaaraha. Qiyaastii 80-90% dadka Burundi ayaa ah Kirishtan. Si kastaba, shacabka qaarkood ayaan dhageesaneyn dowladda, waxayna billaabeen inay qaadaan tallaabooyin gaar ah oo ay isaga ilaalinayaan cudurka. Dhinaca kale, diblomaasi ku sugan Burundi oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in tallaabooyinka dowladda ay qaadeyso ay yihiin kuwa siyaasadeed, oo aan ahayn caafimaad, sababtoo ah ayada oo ay ka go’an tahay in la qabto doorashada 20-ka may. Qaran News
  20. Dadka qaar ayaa aaminsan in liin dhanaanta lagula tacaali karo coronavirus Liin dhannaanta iyo dawo dhireedka qaarkeed ayaa meelaha qaar laga soo tabiyay inay wax badan u tareen dadka uu ku dhacay xanuunka coronavirus, inkastoo wali aan caddeyn dhinaca seyniska ah loo heynin inay daawo u yihiin cudurka safmarka ah ee dunida ku faafay. Waxa ugu weyn ee ilaa hadda la hubo waxtarkiisa si cudurkan loola dagaallamo waxay dhakhaatiirta ku sheegeen ka hortagga iyo dadaalka ku aaddan sidii loo yareyn lahaa faafitaanka cudurka. Sidaasoo ay tahay waxaa soo baxaya talooyin badan oo la xiriira sida ay dadka u waji karaan cudurkan aan wali daawadiisa la helin. Dr Maxamed Maxamuud Cali Fuje, oo maanta toos uga qeyb qaatay barnaamijkii ku baxay idaacadda duhurnimo ee BBC Somali ayaa dhageyste uga jawaabay su’aal ku saabsaneyd in liin dhanaanta ay dawo u tahay coronavirus iyo in kale. “Liin dhanaantu sida guud waa daawo waana Vitamin C, laakiin ma aha dawo cilmi baaris lagu sameeyay oo dileysa cudurkan. Balse way caawin kartaa oo waxay qeyb ka tahay waxyaabaha dhisa difaaca jirka”, ayuu yiri Dhakhtarka. Khudaarta qaarkeed ayaa sare u qaadda fitamiinnada xoojiya difaaca jirka Wuxuu dhinaca kale meesha ka saaray hubaasha in liin dhanaanta lagu dhaqan karo gacmaha. “Ilaa mahha ma heyno caddeyn dhinaca seyniska ah. Waxa aan ognahay waa in gacmaha lagu dhaqi karo biyo iyo saabuun oo ilaa 20 ilbiriqsi lagu dhaqanayo. Haddii aadan saabuunta heysanin ku dhaqo dareeraha jeermis dilaha ah haddii aadan intaas heli karinna danbas iyo biyo isticmaal”, ayuu yiri. Wuxuu Dr Fuje ku taliyay in qofkii isaga shakiya xanuunka uu gurigiisa joogo, laakiin haddii deegaankiisa laga heli karo xarumo caafimaad oo loogu talagay coronavirus iyo goobo karantiil ah uu si dhakhso ah ula xiriiro. Dhanka kale, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay fikradaha qaba in coronavirus uusan ku dhaceynin dadka muslimiinta ah iyo bulshooyinka ku nool dalalka kuleylaha ah. Coronavirus ayaa dunida kasoo ifbaxay dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay, markii ugu horreysayna wuxuu ka billowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, ka hor inta uusan si deg deg ah ugu fidin caalamka intiisa kale. Khubarada seyniska ayaa si weyn ugu mashquulsan tallaalka dawada u ah cudurkan, kaasoo la sheegayo inuu qaadan karo muddo ka badan sanad. Maxaa ugu dambeeyay xaaladda coronavirus? Isku darka tirada dadka cudurkan ugu geeriyooday caalamka ayaa kor u dhaaftay 100,000 oo ruux. Waddanka ay dadka ugu badan ku dhinteen waa Talyaaniga oo hadda maraya (18,850 dhimasho), halka ay kusoo kala xigaan Mareykanka (17,927 dhimasho) iyo Spain (15,970 dhimasho). Tirada guud ee dadka uu cudurkan ku dhacay ilaa hadda waa 1,652,643 qof. Waxaa ka caafimaaday 369, 938. Dhammaan tirooyinkan waxay ku saleysan yihiin waqtiga warbixintan la qorayay. Soomaaliya iyo xaaladda coronavirus Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Jimca ah xaqiijisay in 7 kiis oo cusub ay ku biireen dadka uu cudurka ku dhacay ee ku sugan magaalada Muqdisho. Tirada guud ee dadka uu Covid-19 kula dhacay Soomaaliya waa 19. Hal qof ayaa ilaa hadda u dhintay. Qaran News
  21. Mudo bilooyin gudahood dunida waxaa isbedel ku sameeyey cudurka Covid -19, waxaa xirmey suuqyadii waaweynaa ee dunida, waxaa lajoojieyey duulimaadyadii gudaha iyo dibadaba, waxaa shaqa la’aan soo wajahdey shaqaalo fara badan… Qormadan kooban waxaa ay ku wajahantahay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan masuuliyiinta Soomaalida si ay wax uga bartaan fashilkii ku dhacey wadamada iska caabin waayey cudurka si xunna u saameeyey dunida oo dhan. Soo ifbixitaankii cudurkan waxaa soo shaac baxey warar ku saabsan saameynta cudurkan uu ku yeelan karo dunida taa oo dad badan ay u maleynayeen in uu dhibaatadan geysan doonin. Hadaba hoos waxaa ku uruursan siyaabihii keeney in cudurkaan si xad dhaaf u saameeyo wadamo gaar ah anagoo soo qaadaneyno laba wadan ee uu aadka u haligey cudurkan. Sababihii keeney in dowladaha Spain iyo Taliyaaniga ay ku fashilmaan xakameynta cudurka Covid19. Ka warqab la,aanta xaalada dalka iyo xawliga uu cudurkan ku faafi karo. Qaadashada xal aan dhameystirnayn iyo in maalinba mid cusub la qaato. Wax kabarsha la,aanta wadamadii cudurka ku soo hormarey sida shiinaha. Qaadasha go,aano kala duwan oo weliba is khilaafsanaan karo. Tusaale laba magaalo oo ku yaala wadanka Taliyaaniga oo midina cudurka iska caabisey midna ku fashilmatey la dagaalankiisa. Qorsha Difaaca Magaalada Venoto ee Cudurka Covid-19 Baaritaano aad u baahad weyn oo dadka lagu sameeyey iyo kala saarida astaamaha muuqda iyo kuwa aan muuqan Daba adag oo lagu sameeyey qofkii cudurka laga helo ilaa laga soo helaayo dadkii uu xiriirka lasameeyey oo laga yaabi karayey in uu cudurka qaadsiiyey Dadka oo candhuufta looga soo qaado guryahooda kadibna lagu lagu baaro sheybaarada, halka ay dadku iyagu aadi lahaayeen xarumaha caafimaadka. Sidoo kale dadka daryeel caafimaad loogu sameynayay ayagoo guriyahooda jooga. In shaqaalaha la siinayay daryeel caafimaad oo aad u xooggan, kuwaas oo ku howlan ladagaalanka cudurkan, iyo kawarqabka meelaha bulshada isugu timaado sida suuqyada iyo maqaayadaha. Talooyin ay Haboontahay in Dawladdeena ay Raacdo Uruurin xog sax ah oo ku aadan cudurka iyo lawadaagidda cid kasta oo khuseysa oo ugu horeyso Wasaaradda Caafimaadk Qaadashada go,aano nimaadsan iyo waqtiga ku munaabsan kahor cudurka iyo kadiba La,imaansha dad khubaro ku ah xadidida cudurkan oo kasoo shaqeeyey wadamada uu saameeyey cudurkan Iney xadido isu socodka xaafadaha magaallyinka dalka. Wax kabarasho laga barto wadamada iyo kuwa aan ku fashilmin iska caabida cudurka. Wacyi gelin joogta ee loo sameeyo bulshada.
  22. Nin Haweenay Masiixiyad u ekaysiiyey Gabadh Somaliyada oo xanuunsanaysa+Sababta Wangari Maathai oo ku guuleysatay abaalmarinta Nobel-ka iyo Baadari Ndingi Mwana a’Nzeki waxay u ol’oleyn jireen dimuqraaddiyadda xisbiyada badan ee siyaasadeed Mid ka mid ah wadaad diimeedyadii muranka ugu weyn hareeyay ee dalka Kenya ayaa la aasay maalintii Talaadada, kaddib markii uu ku geeriyooday da’da 89. Ka hor inta uusan geeriyoonin wuxuu qirtay hal mar oo uu been sheegay. Beentaas ayaa qeyb ka ahayd ol’ilihiisii nabadda iyo caddaaladda ee uu ka waday dalka Kenya. Waxay ahayd dhacdo uu sameeyay markii uu haweeneyda ku guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka Prof Wangari Maathai, ku caawinayay inay ka baxsato booliska oo waday howlgallo baaxad leh oo ka dhan ah dadka u dooda xuquuqda aadanaha, horaantii 1990-meeyadii. Baadari Mwana a’Nzeki wuxuu markaas qeyb ka ahaa qorshe Prof Maathai lagu qarinayay loona ekeysiinayay haweeney muslim ah oo Soomaali ah. Arrintaasina waxay sababtay in la safriyo masaafe dhan ilaa 200km (125 miles), iyadoo intaasoo dhan lasii gudbinayay baro koontarool oo ay booliska leeyihiin. Waxaa la geeyay guri uu baadarigan ku lahaa magaalada Nakuru ee ku taalla gobolka caanka ka ah dalka Kenya ee Rift Valley. Dad badan ayaa ku taxnaa adeegyada diimeed ee uu fulin jiray Baadariga geeriyooday Prof Maathai, oo ahayd haweeney ku caan baxday u doodista xuquuqda aadanaha iyo deegaanka, ayaa xilliga la safrinayay waxay xirneyd xijaab, waxayna iyadoo iska dhigyesa qof indhoole ah indhaha ku taageysay ciidanka booliska kaddib markii darawalkeeda, oo isagana ahaa baadari kale, ay ciidanka ku khasbeen inuu istaago mid ka mid ah jidgooyooyinka ay sameysteen. “Miyey xanuunsan tahay?” ayey weydiiyeen booliska, oo la hadlayay darawalka. Baadarigii gaariga waday ayaa ku jawaabay haa way xanuunsan tahay, askartiina waxay islamarkiiba u oggolaadeen inuu sii socdo. Maalintii xigtay Prof Maathai ayaa shir kala qeyb gashay wadaad diimeedka. ‘Hal mar unbaad dhimaneysaa’ Booliska ayaa markii dambe shirkaas ka hor istaagay inuu sii socdo, laakiin baadariga wax cabsi ah kama muuqanin. Dadka uu caawinayay ee ay ku jirtay Prof Maathai, waxay bulshada dhexdeeda uga soo shaac baxeen si weyn, maadaama ay kasoo horjeesteen dowladdii lagu tilmaami jiray inay “xukun adkeyd” ee uu madaxweynaha ka ahaa Daniel arap Moi. Maurice Crowley, oo baadarigaas yaqaannay muddo 40 sano ah ayaa sheegay in lagu xasuusan doono “geesinnimadii uu ku wajahay dadkii ugu awoodda badnaa dalka”, isagoo wax cabsi ahna aan muujineynin. “Wuxuu mar kasta saaxiib la ahaa dadka uu u arkayay inay khaladka ku taagan yihiin, si uu u saxo, dadkana way u hoggaansami jireen”, ayuu yiri Crowley. Marka ay saaxiibadiis uga digaan inuu naftiisa khatar ku galinayo ficillada ka dhanka ah dowladda, wuxuu oran jiray “hal mar unbaad dhimaneysaa”. Qaran News
  23. New U.S. airstrikes targeted and killed 11 members of the terror organization, Al-Shabaab, an Al-Qaeda affiliate in Somalia. One airstrike against Al-Shabaab came as a defensive measure after the terror group’s fighters engaged U.S. and Somali government forces near Kobon, Somalia on Thursday, according to a press statement U.S. Africa Command (AFRICOM) provided to American Military News. AFRICOM supported partner forces with an airstrike that killed 10 Al-Shabaab terrorists. Another airstrike on Friday also targeted members of the group near the town of Jilib, and resulted in the death of one more Al-Shabaab fighter. U.S. forces were working alongside partner forces of the Somali National Army Danab and Jubaland Security. “Our assistance continues to build on the gains our partners are making,” U.S. Army Gen. Miguel Castellanos, the deputy director of operations for AFRICOM said. “The SNA and African partners on the ground keep hitting al-Shabaab hard, and it’s having an effect on the al-Shabaab terror network” AFRICOM assessed no additional civilian casualties as a result of the Thursday and Friday airstrikes. The Thursday and Friday strikes are just the latest in a series of attacks on Al-Shabaab positions throughout Somalia. Those AFRICOM strikes have resulted in the deaths of dozens of Al-Shabaab members in recent weeks, including one high-ranking member of the terror group, Yusuf Jiis. AFRICOM has carried out dozens of strikes targeting Al-Shabaab since the start of the year. Those U.S. forces in Africa set a record for airstrikes in 2019, having conducted more than 60 airstrikes in Somalia over the year. They previously conducted 47 airstrikes in 2018 and 35 in 2017. “U.S. Africa Command and our international partners recognize that stability in Somalia will not be achieved through purely military means. It requires providing programs and opportunity for the Somali people,” the AFRICOM statement continues. “In support of the Federal Government of Somalia, U.S. forces will use all effective and appropriate methods to assist in the protection of the Somali people, including partnered military counterterrorism operations with the Federal Government of Somalia and Somali National Army forces. Together with the partner and allied forces, U.S. Africa Command works on a daily basis to improve security conditions to enhance governance and economic development.” AFRICOM said it is working with its Somali partners to transfer responsibility for maintaining security conditions onto the Federal Government of Somalia and its member states. Source: American Military Times
  24. Galka’yo (PP News Desk) — Gunmen whose identities are unknown shot dead Osman Hussein Haji Ismail, a senior officer of Somali Immigration Agency’s office in Galka’yo. The gunmen targetted Osman in a mosque while he was observing pre-prayer ablution. The mosque is located in Israac quarter of the divided district. Puntland Security Forces in North Galka’yo have launched investigation into the murder. A spate of killings against civilians in Galka’yo for the last five weeks have brought to the fore the deteriorating security situation of the district under the control of Puntland and Galmudug. Last week the former North Galka’yo Central Police Station Commander Captain Abdiqani Jama Ahmed resigned, citing lack of cooperation from the police headquarters in Garowe. Abdiqani survived an attempt on his life after IED had been attached to his vehicle. Puntland State President Said Abdullahi Deni has sacked the Mudug Regional Police Commander Colonel Jama Mohamed Ahmed and appointed Colonel Mumin Abdi Shire as the Mudug Regional Police Commander. © Puntland Post, 2020 The post UNIDENTIFIED GUNMEN ASSASSINATE IMMIGRATION OFFICER IN GALKA’YO appeared first on Puntland Post.
  25. The World Health Organization (WHO) has said a new case of Ebola has been confirmed in the Democratic Republic of the Congo (DRC). Source: Hiiraan Online