Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhammaadkii 2019 waxaa dunida ka dillaacay cudur aan illaa hadda la helin dawadiisa, Soomaaliya wuxuu soo gaaray viruska bishii March 2020, Dowladduna waxay sheegtay in qofkii koowaad u dhintay cudurka covid19 April 08, 2020, intaa waxaa dheer in uu haleelay qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka. Ma ihi xeel-dheere caafimaad ama dhaqar mana jecli inaan ka hadlo wax aanan cilmigeeda lahayn waxaanse ka baaqsan waayey inaan wax ka dhaho xakameynta cudurka coronavirus. Dowladaha dunida waa ku kala duwan yihiin siyaasadda maareynta cudurkaan waxaana ugu waaweyn laba qeyb:- Ka sifeynta cudurka dalka:- waxayna kula tacaaleen tallaabooyin kala duwan sida in Bandow lagu soo rogo dalka , in dadka loo baaro qof-qof, waxaana intaas baal socota in dowladdu ganacsiyada hakadka galay, iyo dadka shaqooyinkoodii ka fariistay ay siiso kabis dhaqaale . Is-baridda Dadka iyo Cudurka: tani waa hannaan dadka u oggolaanaya inay noloshooda caadiga ahayd wataan , iyada oo Dowladduna bixineyso adeegyo caafimaad , iyo wacyi-gelin dadweyne. Soomaaliya waxay qaadatay hannaan u eg sifeynta aanse tabar loo heyn mana ahan mid ku habboon Soomaaliya ama taageeraya duruufaha labo sabab aawadeed:- Dhaqan iyo Dhaqaale Dhaqan ahaan Soomaalidu waa dad furfuran oo inta badan u nugul in cudurkaan ku fido iyadoo ay sahlayaan saddex qodob:- Dhanka isasaamaxa salaanta ama hab isasiinta ee dadka soomaaliyeed Dhaqan xishood oo bulshada Soomaaliyeed u leedahay ineysan qiran cudur dadku u arkaan halis taasoo keenta in qof bukaan ah uu dadka ku dhex nagaado sidaana cudurku ku faafo.. Dhaqanka xiriirka qoysaa oo keenay in dadka Soomaaliyeed ay dhoobtaan goobaha caafimaadka marka uu xanuunsado qof qaraabo ah ama ehel ah. Dhaqaale ahaan hannaanka xakameynta saameyn taban ayuu ku yeeshay dhaqaalaha dalka iyo dadkaba. Tusaale markii la xaqiijiyay in cudurku soo gaaray dalka, dowladda Soomaaliya waxay qaadday tillaabooyin ay u aragtay in lagu xakameyn karo faafidda cudurka, sida; in la xaddiday duulimaadyada dibadda iyo gudaha, , goobaha waxbarashada iyo shaqaalaha Dowladda oo la fasaxay Dalka dhaqaale ahaan waa hanti-goosad oo inta badan shaqa abuurka waxaa sameeya shirkadaha gaarka loo leeyahay, dakhliga dadkuna wuxuu ku tiirsan yahay shaqo-maalmeedkooda, dowladduna ma kabto dhaqaalaha shirkadaha goonida loo leeyahay. Qurbojoogii soo dir jirtay wax kabadan 1 billion sanadkii oo aan soo diri Karin Waxaa saameyn xooggan ku yeeshay dakhliga dadka xayiraadda duulimaadyada oo dad badan ay ku tiirsanaayeen, waxaana hakad galay dhoofka iyo soodejinta ganacsiga. Go’aanka ay dowladdu fasaxa ku gelisay waxbarashada, wuxuu taabtay nolosha dad ku tiirsan waxbarista, sida macallimiinta dugsiyada iyo Jaamacadaha. Haddaba marka la eego xaaladda dhaqaale, dhaqan iyo tabarta dowladda waxaa ila habboon in aan lagu degdegin bandow iyo xayiraad shaqo ayna Soomaaliya qaadato siyaasadda qaabbilaadda furan ee la falgalka cudurka oo lala noolaado cudurkaan ama uu saf mar noogu dhaco kaddibna aan bogsanno isaga oo aan dhaqaale burbur nagu ridin. Maxay Soomaaliya ugu nugushahay xanuunka COVID-19 Waxaa bud dhig u ah dooddaan saddex qodob:- Qaab dhismeed bulsho Soomaaliyeed, tabarta dhaqaale, iyo hab-dhaqanka bulshada Soomaaliyeed Hubaal in viruska Covid19 yahay dilaa aan tallaal lahayn fursaddiisuna tahay ka hortag iyo la qabsi, bulshada Soomaaliyeed badanaa waa da’ dhexaad, xigashada dhaqaatiirta iyada oo aan dammaanad qaadeyn badbaado nafeed waxay sheegtay in qofka leh difaac jidh uu ka bogsan karo virus,ka adkeysina ay u leeyihiin viruskan da’ dhexaadka caafimaadka qaba. Sida dhaqtar Gabboose sheegay waa in waayeelka la geeyo miyiga oo magaalooyinka dadku u badan yihiin laga saaro ayna helaan nafaqo ku filan. Soomaaliya waa dal tabartiisa dhaqaale liidato ayna dadku ku tiirsan yihiin shaqo maalmeedka mana jirto muddo cayiman oo la sheegay in lagu helay tallaalka cudurkan, waxayse qaadaneysaa ugu yaraan 18 bilood sida quburada caafimaadka sheegeen, haddaba xayiraadda dhaqaale ee saaran dalka ma u adkeysan karo muddadaa, waxaana imaanaya sicir barar, daqliga dowladda oo yaraada, macluul iyo cunto yari. Wasaaradda caafimaadka ma laha tamar ay ku baarto dhammaan dadka oo dhan, mana lahan goobo takoor oo dadka qaada, mana lahan miisaaniyad dhaqaale oo lagu maareeyo marka la eego qoondada miisaaniyadda ee 2020, mana jirin qorshe maaliyadeed oo golaha baarlamaanka u ansixiyay oo xukuumaddu soo gudbisay kaddib markuu dillaacay cudurkaan. Intaa waxaa dheer in wasaaradda caafimaadka uu ka jiro qalalaase maamul. Waxaase habboon inay wixii tabar dhaqaale ah oo ay hayso isugu geyso sidii ay u awoodi lahayd qaabbilaadda dadka bukaan jiifka ah ee cudurkaan soo haleelayo. Intaa waxaa dheer in hey’adda caafimaadka aduunka ee qaramada midoobay WHO sheegtay in 100,000 qof ee Soomaaliya jooga uu kusoo aadayo 1 dhaqtar. (2016 report). Waxaa kale oo ay intaa WHO ku dartay in awoodda difaaca ama ka hortagga musiibo ee Soomaaliya ay tahay 6%. taasina waxay marqaati ka tahay ineysan dowladda Soomaaliya maareyn karin cudurkaan. Hababka Nolosha dadka Soomaaliyeed waa mid u sahlan isku gudbinta cudurkaan ma qorsheysna deegaanku, dadku cuntada ayey wada cunaan, booqashada goobaha caafimaadka waa xad dhaaf, iska war-haynta ehelka waa is arag kaba sii daran haddii qof ka mid ah ehelka jirrado ama cudurku haleelo, intaa waxaa dheer ku dhex faafka mab’da qaldan ay ka aaminsan yihiin cudurrada iyo qaddarta Alle. Gunaanad. Cudurka covid-19 waa virus saf mar ah kuna dhacay dadyowga dunida ku nool guud ahaan, walina la ma hayo dawo lagu dabiibo, isagoo saameyn nololeed oo taban ku yeeshay dhammaan saddexda heer ee dunidu dhaqaale ahaan ka kooban tahay. Haddaba Waxaa La Gudboon Wasaaradda Caafimaadka Iyo xukuumadda Guud Ahaan Inay qaadaan dhawr tillaabo. Kulan degdeg ah oo xirfadleyaasha caafimaadka lagu talo weydiinayo. Xoojinta wacyi-gelinta dadweynaha Cilmi-baaris ku saabsan saameynta dhaqaale ee cudurka ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed. Qaban qaabinta qorshe kaabis daqli loogu sameynayo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Dajinta qorshe ka hortag macluul iyo cunno yari ka dillaacda dalka. In qoys walba oo Soomaaliyeed u tashado badbaadinta waayeelkiisa sida in dhulka miyiga fog loo diro. Ama hadii ay awooddaan ay u qoondeeyaan guri gooni ah. In dhaqaatiirta Soomaaliyeed ku wacyi geliyaan dadka qaabdhismeedka difaaca jidhka. W/Q: Xasan Maxamuud “Sinney”.
  2. Todobaadkaan horaantiisa Waxaan shaacinay in Qofbukaan ah oo Isbitaalka Digfeer ku jiray uu qabay Cudurka Corona Virus balse aan laga warhayn taasoo keentay in hada [...] Source
  3. New York (PP) — Jack Dorsey, asaasaha Twitter, ayaa 28% hantidiisa ugu deeqay ololaha la dagaallanka cudurka Covid-19. Yabooha Dorsey, oo gaaraya hal bilyan oo doollar, wuxuu qayb ka yahay dadaalka samafaleed oo uu hindisihiisa Start Small Foundation ku salaysan yahay. Yabooha Jack Dorsey wuxuu gacan ka geysan doonaa la dagaallanka caabuqa Covid-19 “Marka laga adkaado cudurka safmarka ah waxaa xoogga la saari doonaa waxbarashada iyo caafimaadka gabdhaha” ayuu Dorsey yiri. Asaasaha Twitter ayaa ku talojiray inuu qayb ka mid ah sanadkan ku qaato qaaradda Afrika hase ahaatee dib ayuu uga fiirsanayaa qorshaha cudurka Covid-19 awgiis. Yabooha uu Dorsey bixiyay baa ka dhigaya isaga qofka bixiyay lacagta ugu badan ilaa hadda si loola dagaallamo caabuqa faraha ba’an ku haya dunida. Jeff Bezos, Bill Gates iyo Micheal Dell wuxuu midkiiba ballanqaaday inuu ku deeqayo boqol milyan oo doollar. © Puntland Post, 2020 The post Asaasaha Twitter oo Hal Bilyan ugu deeqay la dagaalanka Covid-19 appeared first on Puntland Post.
  4. GALKAYO (HOL) - A staffer at Galkaayo Airport was gunned down Friday night by armed men who were not immediately identified. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta albaabada la’isugu laabay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, sababo la xariira cudurka faafa ee Corona, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil dhanka caafimaadka ah oo lagu kalsoon yahay. Saraakiisha aan la hadalnay ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya la joojiyey qaabilada bukaanada imaan jiray isbitaalkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay furan tahay kaliya qeybta gurmadka deg-deg ah ee loogu tala-galay dadka dhaawacyada ah iyo haweenka foosha ah. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xaalad deg-deg ah lagu soo rogay isbitaalka, islamarkaana la karantiilay dhaqaatiir, shaqaale iyo howlwadeeno ka tirsan isbitaalka Digfeer, kuwaas oo la sheegay in looga shakiyey cudurka halista badan ee Coronavirus. Arrintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ay shaacisay illaa 9 xaaladood oo Fayruska Corona ah oo saddex ka mid ah dadka laga helay ay ka howlgalayeen isbitaalka la xiray ee Digfeer. Cabsida laga qabo faafida COVID-19 ee Soomaaliya ayaa sii kordheysa marba marka ka dambeysa, iyadoona dowladda federaalka ay wado dadaallo lagu xakameynayo cudurka.
  6. Dhammaadkii 2019 waxaa dunida ka dillaacay cudur aan illaa hadda la helin dawadiisa, Soomaaliya wuxuu soo gaaray viruska bishii March 2020, Dowladduna waxay sheegtay in qofkii koowaad u dhintay cudurka covid19 April 08, 2020, intaa waxaa dheer in uu haleelay qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka. Ma ihi xeel-dheere caafimaad ama dhaqar mana jecli inaan ka hadlo wax aanan cilmigeeda lahayn waxaanse ka baaqsan waayey inaan wax ka dhaho xakameynta cudurka coronavirus. Dowladaha dunida waa ku kala duwan yihiin siyaasadda maareynta cudurkaan waxaana ugu waaweyn laba qeyb:- Ka sifeynta cudurka dalka:- waxayna kula tacaaleen tallaabooyin kala duwan sida in Bandow lagu soo rogo dalka , in dadka loo baaro qof-qof, waxaana intaas baal socota in dowladdu ganacsiyada hakadka galay, iyo dadka shaqooyinkoodii ka fariistay ay siiso kabis dhaqaale . Is-baridda Dadka iyo Cudurka: tani waa hannaan dadka u oggolaanaya inay noloshooda caadiga ahayd wataan , iyada oo Dowladduna bixineyso adeegyo caafimaad , iyo wacyi-gelin dadweyne. Soomaaliya waxay qaadatay hannaan u eg sifeynta aanse tabar loo heyn mana ahan mid ku habboon Soomaaliya ama taageeraya duruufaha labo sabab aawadeed:- Dhaqan iyo Dhaqaale Dhaqan ahaan Soomaalidu waa dad furfuran oo inta badan u nugul in cudurkaan ku fido iyadoo ay sahlayaan saddex qodob:- Dhanka isasaamaxa salaanta ama hab isasiinta ee dadka soomaaliyeed Dhaqan xishood oo bulshada Soomaaliyeed u leedahay ineysan qiran cudur dadku u arkaan halis taasoo keenta in qof bukaan ah uu dadka ku dhex nagaado sidaana cudurku ku faafo.. Dhaqanka xiriirka qoysaa oo keenay in dadka Soomaaliyeed ay dhoobtaan goobaha caafimaadka marka uu xanuunsado qof qaraabo ah ama ehel ah. Dhaqaale ahaan hannaanka xakameynta saameyn taban ayuu ku yeeshay dhaqaalaha dalka iyo dadkaba. Tusaale markii la xaqiijiyay in cudurku soo gaaray dalka, dowladda Soomaaliya waxay qaadday tillaabooyin ay u aragtay in lagu xakameyn karo faafidda cudurka, sida; in la xaddiday duulimaadyada dibadda iyo gudaha, , goobaha waxbarashada iyo shaqaalaha Dowladda oo la fasaxay Dalka dhaqaale ahaan waa hanti-goosad oo inta badan shaqa abuurka waxaa sameeya shirkadaha gaarka loo leeyahay, dakhliga dadkuna wuxuu ku tiirsan yahay shaqo-maalmeedkooda, dowladduna ma kabto dhaqaalaha shirkadaha goonida loo leeyahay. Qurbojoogii soo dir jirtay wax kabadan 1 billion sanadkii oo aan soo diri Karin Waxaa saameyn xooggan ku yeeshay dakhliga dadka xayiraadda duulimaadyada oo dad badan ay ku tiirsanaayeen, waxaana hakad galay dhoofka iyo soodejinta ganacsiga. Go’aanka ay dowladdu fasaxa ku gelisay waxbarashada, wuxuu taabtay nolosha dad ku tiirsan waxbarista, sida macallimiinta dugsiyada iyo Jaamacadaha. Haddaba marka la eego xaaladda dhaqaale, dhaqan iyo tabarta dowladda waxaa ila habboon in aan lagu degdegin bandow iyo xayiraad shaqo ayna Soomaaliya qaadato siyaasadda qaabbilaadda furan ee la falgalka cudurka oo lala noolaado cudurkaan ama uu saf mar noogu dhaco kaddibna aan bogsanno isaga oo aan dhaqaale burbur nagu ridin. Maxay Soomaaliya ugu nugushahay xanuunka COVID-19 Waxaa bud dhig u ah dooddaan saddex qodob:- Qaab dhismeed bulsho Soomaaliyeed, tabarta dhaqaale, iyo hab-dhaqanka bulshada Soomaaliyeed Hubaal in viruska Covid19 yahay dilaa aan tallaal lahayn fursaddiisuna tahay ka hortag iyo la qabsi, bulshada Soomaaliyeed badanaa waa da’ dhexaad, xigashada dhaqaatiirta iyada oo aan dammaanad qaadeyn badbaado nafeed waxay sheegtay in qofka leh difaac jidh uu ka bogsan karo virus,ka adkeysina ay u leeyihiin viruskan da’ dhexaadka caafimaadka qaba. Sida dhaqtar Gabboose sheegay waa in waayeelka la geeyo miyiga oo magaalooyinka dadku u badan yihiin laga saaro ayna helaan nafaqo ku filan. Soomaaliya waa dal tabartiisa dhaqaale liidato ayna dadku ku tiirsan yihiin shaqo maalmeedka mana jirto muddo cayiman oo la sheegay in lagu helay tallaalka cudurkan, waxayse qaadaneysaa ugu yaraan 18 bilood sida quburada caafimaadka sheegeen, haddaba xayiraadda dhaqaale ee saaran dalka ma u adkeysan karo muddadaa, waxaana imaanaya sicir barar, daqliga dowladda oo yaraada, macluul iyo cunto yari. Wasaaradda caafimaadka ma laha tamar ay ku baarto dhammaan dadka oo dhan, mana lahan goobo takoor oo dadka qaada, mana lahan miisaaniyad dhaqaale oo lagu maareeyo marka la eego qoondada miisaaniyadda ee 2020, mana jirin qorshe maaliyadeed oo golaha baarlamaanka u ansixiyay oo xukuumaddu soo gudbisay kaddib markuu dillaacay cudurkaan. Intaa waxaa dheer in wasaaradda caafimaadka uu ka jiro qalalaase maamul. Waxaase habboon inay wixii tabar dhaqaale ah oo ay hayso isugu geyso sidii ay u awoodi lahayd qaabbilaadda dadka bukaan jiifka ah ee cudurkaan soo haleelayo. Intaa waxaa dheer in hey’adda caafimaadka aduunka ee qaramada midoobay WHO sheegtay in 100,000 qof ee Soomaaliya jooga uu kusoo aadayo 1 dhaqtar. (2016 report). Waxaa kale oo ay intaa WHO ku dartay in awoodda difaaca ama ka hortagga musiibo ee Soomaaliya ay tahay 6%. taasina waxay marqaati ka tahay ineysan dowladda Soomaaliya maareyn karin cudurkaan. Hababka Nolosha dadka Soomaaliyeed waa mid u sahlan isku gudbinta cudurkaan ma qorsheysna deegaanku, dadku cuntada ayey wada cunaan, booqashada goobaha caafimaadka waa xad dhaaf, iska war-haynta ehelka waa is arag kaba sii daran haddii qof ka mid ah ehelka jirrado ama cudurku haleelo, intaa waxaa dheer ku dhex faafka mab’da qaldan ay ka aaminsan yihiin cudurrada iyo qaddarta Alle. Gunaanad. Cudurka covid-19 waa virus saf mar ah kuna dhacay dadyowga dunida ku nool guud ahaan, walina la ma hayo dawo lagu dabiibo, isagoo saameyn nololeed oo taban ku yeeshay dhammaan saddexda heer ee dunidu dhaqaale ahaan ka kooban tahay. Haddaba Waxaa La Gudboon Wasaaradda Caafimaadka Iyo xukuumadda Guud Ahaan Inay qaadaan dhawr tillaabo. Kulan degdeg ah oo xirfadleyaasha caafimaadka lagu talo weydiinayo. Xoojinta wacyi-gelinta dadweynaha Cilmi-baaris ku saabsan saameynta dhaqaale ee cudurka ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed. Qaban qaabinta qorshe kaabis daqli loogu sameynayo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Dajinta qorshe ka hortag macluul iyo cunno yari ka dillaacda dalka. In qoys walba oo Soomaaliyeed u tashado badbaadinta waayeelkiisa sida in dhulka miyiga fog loo diro. Ama hadii ay awooddaan ay u qoondeeyaan guri gooni ah. In dhaqaatiirta Soomaaliyeed ku wacyi geliyaan dadka qaabdhismeedka difaaca jidhka. W/Q: Xasan Maxamuud “Sinney”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka ee ka howlgala deegaanada Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal ku gaaray deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo ay dhuumaaleysi ku joogeen Al-Shabaab. Taliyaha qeybta 21-aad Genaraal Cabdcasiis Cabdullaahi (Qooje) iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa horkacayey howlgalka qorsheysan ee lagu tegay halkaasi. War ka soo baxay taliska qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in u jeedka uu yahay xaqiijinta amniga gobolka Mudug iyo sidii dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan gobolkaasi. Taliye Qooje iyo saraakiisha la socda oo kulan gaar ah la qaatay waxgaradka iyo qeybaha bulshada ayaa uga mahadceliyey sida ay u soo dhaweeyeen. Sidoo kale wuxuu ka dabaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo nabad-gelyada deegaanka. “Gaadiidka dagaalka ee Xoogga Dalka ayaa si rasmi ah ugu Sugan wadooyinka Camaara waxaana farxad iyo Reyn Reyn Ku soo Dhoweeyay Ciidamada Shacabka Camaara oo Mudoba Sugayay Tilaabadan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska qeybta 21-aad. Warkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku ay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyadooda, kuna gaari doonaan tuulooyinka hoos-yimaada Camaara. “Taliska 21-aad ayaa qorsheynayey Mudooyinkanba Howlgalada Argagaxisada looga Saarayo Deegaanada ay Ku Dhuumaaleysanayaan ee Galmudug waana Tilaabo qayb ka ah Qorshaha Ciidamada Dowladu Ku Wiiqayaan Awooda Kooxda Alshabaab oo Haatan sii Daciifaysa” ayaa markale lagu yiri War-Saxaafadeedka ka soo baxay taliska 21-aad. Xaaladda ayaa hadda ah mid yare kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi xoogan ka muujinayaan in dagaal uu ka dhoco halkaasi.
  8. Warar aan goordhow helnay ayaa sheegaya in guud ahaan albaabada loo laabay oo Coronavirus dartiis loo xiray, lana istaajiyey shaqada isbitaalka ugu weyn Soomaaliya ee Digfeer Mas’uuliyiin ka tirsan isbitaalka oo la hadlay Goobjoog News ayaa goordhow xaqiijiyey iney xireen isbitaalka oo aaney qaabili doonin bukaanno aan ka aheyn kuwa qaraxa haleelo, xabad ku dhacday, toorey la dhiig baxayo ama haweeney fool ah. Arrintan ayaa timid kadib markii saacadihii tagay Coronavirus laga helay 3 dhakhtar oo ka tirsan isbitaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez ayaa shaaciyay in ururka uu dowladda federaalka ugu deeqay lacag dhan 27 Milyan oo Euro, taas oo loogu tala-galay xakameynta cudurka Coronavirus. Nicolas Berlanga Martinez oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ballan qaaday in Midowga Yurub uu Soomaaliya ka taageerayo la dagaalanka COVID-19. Midowga Yurub ayaa horay u sheegay in Soomaaliya iyo dalal kale ay ku taageeri doonaan dhaqaale badan, si dalalkaasi ay ugu fududaato xakameynta COVID-19. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka uu saameeyey cudurka, waxaana wasaaradda caafimaadka ay xaqiijisay illaa kiisas gaaraya 21 qof oo xaalad karantiil ah ku jira. View the full article
  10. Yemen has reported its first coronavirus case in a southern province, raising fears of catastrophic consequences in a healthcare system broken by five years of war. Source: Hiiraan Online
  11. Maraykanka ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee hal maalin laga diwaangeliyo inay Coronavirus dartii u dhinteen, tiradii ugu badnayd ee u dhimata adduunkoo dhan. Sida ay baahisay Jaamacadda Hopkins , afar iyo labaatankii saac ee u danbeeyey, dad laba kun kor u dhaafayaa ayaa ku dhimatay Maraykanka, halka la xaqiijiiyey in ay qaadeen nus Malyan qof. Mareykanka wuxuu si dhakhso leh u dhaafi karaa Talyaaniga isaga oo ku socda inuu ahaado dalka ugu badan ee dhimashada ee coronavirus adduunka oo dhan. Laakiin khubaro Aqalka Cad u xulay feyraskan ayaa sheegay in fiditaankiisu uu bilaabayo inuu meel xad ka baxa gaadho Maraykanka oo dhan. Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu filanayo in Mareykanka ay ku dhiintaan dhimasho ka hooseysa tii saadaashu ahayd oo ahayd 100,000. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Waxaa habeenimadii xalay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu dilay nabad-doon caan ka ahaa oo siweyn looga yaqaanay gudaha magaalada iyo gobolka Banaadir, nabadoonka la dilay ayaa lagu macaabi jiray Shaahir Kheyrdoon waxaana lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafadda Juungal. Wararka ayaa intaas ku darayo in marxuumka kooxa ku hubeysnaa Bastoolada ay toogeen xili uu ka soo baxay majid ku yaalla xaafadda Juungal uu deganaa ka dib salaadii Cishaha, Kooxii dilka geystay ayaa goobta iskaga baxsaday ka dib markii ay dilka u geysteen Nabad-doon. Ciidamada ammaanka degmada Yaaqshiid oo goobta soo gaaray ayaa ka sameeyey baaritaan ay ku baadi goobayaan qolyihii dilka geystay lakiin majiro cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilka nabad-doonka loo geystay. Waxaa badanaa gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhaca dilal ay la kulmaan dadka nabad-doonna ah kuwaas oo siyaaba kala duwan loogu dilo degmooyinka gobolka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan cudurka faafa ee Coronavirus oo ku sii kordhaya gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Mahad Salaad ayaa soo hadal wararka sheegaya in bandow lagu soo rogi doono magaalada Muqdisho, si loo xakameeyo faafitaanka cudurkaasi, wuxuuna tilmaamay haddii tallaabadaasi qaado dowladda ay saameyn ku yeelan karto dadka danta-yar. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in saddexdii sano ee la soo dhaafay dadka degan magaalada Muqdisho ay la daala dhacayeeen jidad xiran iyo cuuryaamin dhaqaale, islamarkaana haddii maanta loogu daro bandow dhinac walba ah uu sababi karo halis aan ka yareyn mida cudurka faafa ee COVID-19, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn kula taliyey madaxda dowladda in ay dib ugu laabtaan talaabooyinka nuucaan oo kale ah, islamarkaana ay raadiyaan qaabab-kale oo lagu wada ilaalin karo bad-qabka shacabka iyo nolosha dadka danta-yar ee muruq maalka ah. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka xildhibaan Mahad Salaad:- Dad badan oo muruq maal ah ayaa maalin walba u soo xamaalasho taga magaalada Mogadishu, shilimaadka maalintaas ay helaan ayayna ku dabaraan noloshooda iyo mida qoysaskooda. Magaalada Mogadishu muddo sadex sano ah ayay la daalaa dhacaysaa jidad xiran iyo cuuryaamin dhaqaale, in maanta loogu daro bandow dhinac walba ah waxay halis aan ka yarayn mida cudurka Covid 19 ku keeni kartaa nolosha dadkaan muruq maalka ah! Sidaas daraadeed, waxaan kula talinayaa madaxda sare in ay dib ugu laabtaan tilaabooyinka nuucaan oo kale ah, lana helo qaab kale oo badqabka shacabka iyo nolasha dadkeena danyarta ah loo wada ilaalin karo.
  14. Faylasuufkii weynaa ee Giriiga, Socrates (c. 470 – 399 BC), ayaa laga hayaa inuu yiri: “Sirta isbeddelka ma’aha la dagaalanka iyo burburinta noloshii hore, balse waa inaad tamartaada oo dhan isugu geysid dhisidda nolol cusub oo la jaanqaadi karta waaqica aad ku nooshahay”. Source: Hiiraan Online
  15. (SLT-Ceerigaabo)-Dagaal xooggan ayaa waaberigii hore ee saaka waxaa uu ka qarxay deegaan lagu magacaabo Waqdariye oo ka tirsan Gobolka Sanaag, waxaana oo u dhexeeyaa laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega. Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa inuu salka ku hayo dul-daaqsimeed ku yaalla deegaanka Waqdariye iyo tuulooyin kale, waxaana Maleeshiyaadka ay dagaalka isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dagaalka oo weli socda, sidoo kalena la maqlayo jugta rasaas xooggan oo ay isdhaafsnayaan labada dhinac, sida ay dadka deegaanku u sheegeen Somalilandtoday. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dab la qabadsiiyay qeybo kamid ah deegaanka Waqdariye ee Gobolka Sanaag, waxaana la sheegayaa in meelaha la gubay uu kamid ahaa Masaajid ku yaalla halkaas. Dagaalka ka socda deeghaanka Waqdariye ee u dhexeeya Maleeshiyo beeleedka ayaa waxaa uu yahay mid dhowr jeer soo noq-noqday, wuxuuna salka ku haaya dul-daaqsimeed iyo dilal hore oo la xidhiidha aanooyin qabiil Source
  16. Marxuum Axmed Xuseen Xaaji Yusuf Doonyaale Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Wasiirkii hore ee Xannaanada Xooolaha Puntland, marxuum Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) oo ku geeriyooday dalka Hindiya. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) oo ku geeriyooday dalka Hindiya oo uu xaalad caafimaad ujoogey.” Alle ha u naxariistee, Marxuum Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) waxa uu ahaa haldoor Soomaaliyeed oo masuuliyado badan kasoo qabtay dalka, Soomaaliya waxa uu kasoo noqday Guddoomiye gobol iyo mid Degmo, Puntland waxa uu kasoo qabtay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasiiru Dowle Madaxtooyo iyo La-taliye Madaxweyne ee arrimaha Amniga ah. Sidoo kale waxa uu ku suntanaa ka shaqaynta xasiloonida, Amniga iyo horumarka. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga tacsiyeeyay geerida marxuumka guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka in uu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa. PUNTLAND POST The post Ex. wasiir Puntland oo geeriyooday iyo madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay appeared first on Puntland Post.
  17. Bahda caafimaadka iyo dhakhaatiir ku hawlanaa daaweynta iyo kalkaalinta bukaanka ayaa ka mid ah dadka uu haleenay cudurka Coronavirus. Ilo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyey in 3 ka mid ah dhakhaatiirka Digfeer laga helay cudurka, kuwaas oo hadda la karantiiley, lana tacaalayo. Sida ay jimcihii sheegtay wasaaradda caafimaadka 9 qof oo bukaan oo oo baaris lagu sameeyey waxaa Covid 19 laga helay 9 qof. Dadkaas laga helay waxaa ku jira wasiir ka tirsan Hirshabeelle iyo 7 sarkaal caafimaadka ka shaqeeya, 2 wasaaradda caafimaadka ah iyo 5 ka shaqeeya isbitaalada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Warar laga helayo Sanaag ayaa sheegaya in saaka dagaal qaraar oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed uu ka qarxay gobolkaasi. Dagaalka oo ah mid culus ayaa haatan ka socda deegaanka Waqdariye oo ka tirsan Gobolka Sanaag, iyadoona la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalkaan uu salka ku hayo arrimo la xariira dhul-daaqsameed oo ay isku qabteen maleeshiyaadka diriraya. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu gubay Masjid, guryo ay daganaayeen dad shacab ah iyo goobo kale, kadib markii la qabad-siiyey dab xoogan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac-ba leh, balse lama oga inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dagaalkaasi. Gobollada Sool iyo Sanaag oo dhaca waqooyiga Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ku soo laa laabta dagaallo u dhexeeya beelaha wada dega deegaanada gobolladaasi.
  19. Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) waxa uu magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Kowdii bishaan April. Dabayaqadii bishii Maarso ayuu soo ritay cudurka Coronavirus markii uu isku arkay calaamadaha cudurka ayuu tagay Isbitaalka King ee London oo ay ugu dambeyn geeridu ku haleeshay. Wuxuu dhashay 1938 nus qarno ka badan ayuu ka soo shaqaynayay hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya oo uu ka gaaray ilaa heer Ra’iisul Wasaare. Waxaa uu sidoolale ka soo shaqeeyay hey’adda kheyriga ah ee bisha cas qeybteeda Soomaaliya. Alaha u naxariistee Madaxweynihii dowladii KMG aheyd Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa bishii November 2007 u magacaabay Ra’isul Wasaare, wuxuuna xilkaasi hayay ilaa February 2009 kii, waxaa lagu xasuustii kaalintii dib u heshiisiineed ee uu ka qaatay wadahadaladii Xukuumadiisii xiligaa iyo Isbahaysigii dib u xoreynta ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed wadahaladaasi oo ugu dambeyn lagu dhisay dowlad wadaag ah. Alaha u naxariistee magaalada London ayaa lagu aasay galinkii danbe ee shalay saacadu markii ay aheed 4:00pm xiliga Muqdisho 2:00pm xiliga London. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Boqor Cismaan Buurmadow ayaa ka jawaabay hadalkii madaxweyne Biixi ee ahaa in madaxda dhaqanku ku eekaato arrimaha beelaha iyo dhaqankooda haddii ay siyaasadda ku milmaana ay u adkaystaan wixii kaga yimaadda. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo la hadlay wargeyska Geeska Afrika ayaa si kooban uga jawaabay hadalka madaxweynaha waxaanu yidhi “Madaxweynaha waxaan leeyahay arrintu meel aanay gaadhsiisnayn haddaad gaadhsiisaan waa fool xumo. Arrintu haddii meel aanu gaadhsiisnayn haddii aad gaadhsiisaan Qarankaa ka wada hadli doona,” Dhanka kale Boqor Buurmadow ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook wuxuu ugu hanjabay madaxweyne Biixi oo uu ku eedeeyay kalitalisnimo. Qoraalka Buurmadow ayaa u dhigan sidan:- Waa maan bidde Iyo maan Barreey Waxaan.dhegaystay.khudbadii madxwaynahaha iyo hanjabaadii.aan loomeeldeyin ee uu ujeediyey Madaxdhaqameedka runtii madaxwaynuhu wuxuu nagu raacay in la dardargeliyo wada hadaladii Soomaliland iyo Soomaaliya waxaase hadalkiisa ka muuqatay keli talisnimo iyo cabsigelin sidaa si la mid ah wuxuu ugu hanjabaa dadka masaakiinta ah ee uu banaystay dhaca iyo boobka dhulkooda. Wuxu iskudeyeyaa inuu dadka cabsigeliyo Si sharcidaro ah ama aanay cidina uga dabahadlin Hadaba shacbiga aanu sharaftooda huwanahay waxaanu ubalanqaadaynaa Inaanu difaaci doono sharaftooda xuquuqdooda, Hantidooda waxaanu cid walba u cadaynaa in madaxwaynuhu. Ku sii siqaayo wadadii keligii taliyahii Maxamed Siyaad Barre Sidaa awgeed shacbigu haw diyaar garoobeen Halgan dheer intay kaxaqiijiniyaan xoriyad u hadalka iyo doorasho xor iyo xalaal ah Ilaahaybaa mahadleh Source
  21. Xeebta Waqa-deriya Wararka ka imaanayaa gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in dagaal beeleed xooggan uu saaka oo sabtiya ka socdo degaan-xeebeedka Waqa-deriya oo galbeed kaga beegan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Dagaalka oo arroornimadii hore ee saaka bilowday, ayaa sida la sheegayo u dhexeeya malayshiyaad ka kala tirsan laba beelood oo halkaasi wada deggan, kuwaas oo sannadihii u dambeeyay dagaallo kala duwan dhex mareen. Warbaahinta Puntland Post, oo macluumaad sugan ka raadisay khasaaraha dagaalka, ayaan weli xog faahfaahsan ka helin, maadaama ay aad u liidato isgaarsiinta degaanka, islamarkaana aysan jirin cid kale oo laga xaqiijin karo khasaaraha kala gaaray labada dhinac. Maamullada Puntland iyo Somaliland, oo ay ka soo kala jeedaan labada beelood ee dagaallamaya, ayaan midkoodna weli ka hadlin, dagaalka saaka ka socda degaan Xeebeedka Waqa-deriya ee gobolkaasi Sanaag. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed xooggan oo ka socda Xeebta Waqa-deriya ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay colaad beeleedyada maalmihii dambe laga soo sheegayey qaar ka mid ah gobollada dalka. Ugu horreyn Xasan Sheekh ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in xilligan Soomaaliya ay ka dhacaan dagaal beeleedyo, iyadoo dalka uu ku sii baahayo Fayruska Corona. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay beelaha diriraya inay dagaalka joojiyaan, islamarkaana ay wadahadal ku dhameeyaan colaada u dhexeysa. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/xaa.mp3 View the full article
  23. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu xilkii ka qaaday agaasimihii cisbitaalka Hargeysa Dr. Yaasiin Carab. Ma jiro sabab la baahiyay oo lagu xidhiidhiyay xil ka qaadista Dr. Yaasiin Carab, waxaanay warar soo baxay xaqiijinayaan in Madaxweyne Biixi uu agaasimaha cisbitaalka Hargeysa u magacaabay Dr. Axmed Cumar Askar. Dr. Yaasiin Carab wuxuu hore xilkan ugala wareegay Dr. Askar. Madaxweyne Biixi ayaa bishii February ee sannadkii hore ee 2019, wuxuu Dr. Yaasiin Carab u magacaabay inuu noqdo agaasimaha cisbitaalka Hargeysa, waxaanu markaas ku bedelay oo uu xilka ka qaaday Dr. Axmed Cumar Askar. Laakiin sannad iyo laba bilood ka dib wuxuu mar kale Madaxweyne Biixi xilkii u kala qaaday labadii agaasime ee uu hore isugu bedelay. Source
  24. Across the world, the Coronavirus has not only become another disaster to wipe us all out of the earth but has also put the spotlight on the level of competence of our political leaders. Source: Hiiraan Online
  25. Cisbitaalka Hargeysa Godkii Geeri Sugidda Kawaankii Bini’aadmiga Qormooyin Taxane Ah. Qaybtii 1-aad. Araar: Qoraalkaygani sinaba, marnaba, goornaba uma jeedo, kumana saabsana dan gaar ahna uma laha shakhsi, shakhsiyo, ashkhaas kala duwan, xukuumad, haayado, xubno dawladda ka tirsan, mana aha dhaliil si gaar ah, cid gaar ah goor gaar ah u bartilmaameedsanaysa eh, keliya waxaan doonaya inaan diiradda ku saaro galdaloolooyinka ka muuqda xaruntii ugu weynayd qarranka Somaliland caafimaadka, waa cisbitaalka guud ee caasimadda Somaliland Hargeysa. Waxaan qoraalkayga uga dan leeyahay inaan tilmaan, toosin iyo sixitaan u u noqdo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hogaamiyo, iyo xukuumad kasta oo mustaqbalka timaadda, maadama caafimaadku yahay laf dhabarta iyo nolosha koobaad ee bini’aadmiga. Horudhac Cisbitaalka guud ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa waxaa la aas-aasay sannadkii 1953-kii, todoba sannadood ka dib markii mustacmaraddii boqortooyada ingiriisku ay xorriyadda ku wareejisay dadka reer Somaliland. Cisbitaalka guud ee Hargeysa wuxuu ka mid yahay taariikhda guunka ah ee dalka ingiriisku kaga tagay gaar ahaan Hargeysa guud ahaana Somaliland, cisbitaalka waxaa lagu aas-aasay inuu qaado afar boqol oo qof, waxaana loogu tallo gallay 400 oo sariirood. Waagii ingiriisku dhidbaha u taagay cisbitaalka Hargeysa, magaalada Hargeysa waxaa ku noola dad tiradooda lagu qiyaasay inta u dhexeysa 50 kun oo qof ilaa 80 kun oo qof. Dhibaatada caafimaad ee ugu badan ee waagaasi dadka reer Hargeysa ka haysata dhinaca caafimaadku waxay ahayd in hooyooyinka umulaya ay ku dhiman jireen umusha, ujeedada koobaad ee ingiriisku u dhisay cisbitaalkaasina waxay ahayd in goob caafimaad loo hello haweenka umulaya. Markii Somaliland ay xornimadeeda dib ula soo noqotay, ee afar maalmood ka dib ay ku wareejisay xornimadii ay helleen wixii loo bixiyay (Midnimadii labada gobol ee Somaliland iyo Soomaaliya), cisbitaalka guud ee caasimadda Hargeysa wuxuu soo maray marxalado iyo jaran-jarooyin kala duwan. Wakhtigii ugu adka, uguna duruufta adka cahdigaasi wuxuu ahaa sannadkii 1974-kii oo cisbitaalka guud ee Hargeysa la soo dhigay boqolaal qof oo ay ku dhaceen xanuuno nafaq darro sababtay, kana soo cararay abaartii Daba-dheer loo yaqaanay, waagaasi dawladii Kacaanka ee dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray ka talinaysay si badheedh ah ayey u dayacday cisbitaalka, waxaana ay sababtay dhimashada boqolaal qof oo gudaha cisbitaalka ugu dhinta nafaqo darro iyo xanuuno ay ka mid yahiin beer xanuun ama joonis (Hepatitis). Wallow markii abaartaasi dhacday, cisbitaalka Hargeysa ay dawladdii kacaanku u dirtay dhakhaatiir ka tagay dhinaca goboladii Koonfurta loo yaqaanay, dawladdii Midawga Soviet oo marka Soomaaliya gacanta ugu weyn siin jirtayna ay dhigeen qallab kala duwan, haddana cisbitaalka Hargeysa, oo ahaa cisbitaalkii ugu taariikhda weyna gayiga afka Soomaaliga lagaga hadlo wuxuu ka dayac badna kana danbeeyey dhammaan cisbitaaladii koonfurta Soomaaliya ku yaallay. Waana sababta sannadkii 1982-kii ay dhalinyaradii la baxday UFFO, oo iskugu jiray dhakhaatiir, macalimiin, dhaqalayahano iyo aqoonyahano kala duwani ay banaanbax uga sameeyeen magaalada Hargeysa, kaasi oo sababay in la xidh xidho laguna xukumo dil toogasho ah, waxyaabahii ugu waaweyna ee ay ka banaan-baxayeen dhalinyaradaasi qaarkoodna, isla markaana ay noloshooda ku waayeen waxaa ugu weyna dayacii ka muuqday cisbitaalka guud ee Hargeysa wakhtigaasi. Sannadii 1981 kii waxaan ka mid ahaa caruurtii waagaasi ku dhalatay cisbitaalka guud ee caasimadda Hargeysa, cisbitaalka guud ee Hargeysa wuxuu igu leeyahay taariikhda ugu weyn noloshayda. Cahdigii Ugu Dayac Xuma Cisbitaalka Hargeysa 1991 ilaa 2020 Sannadahii 1988 kii ilaa 1994 kii dalka waxaa ka dhacay dagaalo kala danbeeyey, ha ugu weynaado dagaalkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre ay ku burburisay magaalooyinka Somaliland kuna xasuuqday shacabka iyo maatida Somaliland eh. Wallow cisbitaalka guud uu soo maray dayac farabadan oo aanu gayin intii dawladdii kacaanku ka talinaysay Somaliland, haddana dayac ka weyn, ka fool xun, kana adag ma soo marin Cisbitaalka weyn ee Hargeysa intii Somaliland madax banaanideeda dib ula soo noqotay. Cisbitaalka weyn ee Hargeysa wuxuu maanta xaaladiisu gaadhay heer uu noqdo hoygii ama godkii geerida lagu sugaayay, marka laga yimaado dayrka weyn ee ku teedsan gudahiisa waxaa ka muuqda dayac uu sababay musuq maasuq, maamul xumo, aqoon xumo dhinaca hawl-wadeenadda caafimaadka ee ka shaqeeya ah, waxaana ay badiba shacabka Somaliland u yaqaanan (Kawaanka geerida), oo ay uga jeedaan, haddaad doonayso in lagugu tababarto ama shaqaalaha ka shaqaynaya ay ka dhigtaan sida aalad lagu tababaranayo oo kale ayuunbad cisbitaalka Hargeysa u tagaysa. Waxaan ka soo uruuriyay dhawr sheeko oo qofkii dhugta, akhrista isla markaana arka uu qalbigiisa xanuun ku beerayo. Sheekooyinka qaarkood aniga qayb ka mid ah markhaatiyo uga ahaa, qaarkoodna waxaa iiga sheekeeyey dad ay ku dhacday. Waxaan doonaya inaan mid ka mid ah idinla wadaago. Sheekada 1-aad Sannadkii 2019 iyo Askarigii xabaddu ku dhacday. Mid ka mid ah askarta ciidamadda Somaliland ka tirsan ayaa dhawaan wuxuu iigu waramay khadka telefoonka, wuxuu iga codsaday inaan magaciisa qariyo sababo ammaankiisa iyo shaqadiisa la xidhiidha darteed. Wuxuu ii sheegay askarigaasi inuu dhaawac ka soo gaadhay lugta isagoo ku jira hawl shaqo magaalada Hargeysa, waxaana ay xabadi kaga dhacday lugta midig, waxaana loo qaaday cisbitaalka guud ee Hargeysa. Wuxuu ii sheegay askarigaasi, in uu muddo laba saacadood ah markii cisbitaalka la geeyay goor casar ah, dhiiguna ka qulqulaayay lugtiisa, uu waayay cid dhiig joojin u samaysa, wuxuu ii sheegay askarigaasi in dhiigii ka qulqulaayay darteed goobtii uu fadhiyay la moodaayay sida neef xoolo ah oo lagu gawracay, wuxuu ii sheegay in markii danbe dhakhtar u yimid lana geeyay qolka qalliinka deg deg ah. Wuxuu ii sheegay askarigaasi in dhakhtarka qalliinka samaynaayay uu u sheegay inuu yahay qofkii ugu horeeyey ee uu noloshiisa qallo, dhawaana uu ka soo qallin jabiyay jaamacadda Hargeysa. Askarigaasi wuxuu ii sheegay in markii la qallay, ay lugtigiisu samaysay barar, bararkaasi oo ku fiday kor ilaa hoos lugtiisa, isla markaana saameeyey ilaa xiniinyahu halku ka gaadho. Wuxuu khadka telefoonka iigu sheegay askarigaasi, in dhawr maalmood ka dib jidhkiisii uu barar saameeyey, isla markaana ay qoyskiisu go’aansadeen in loo qaado magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, iyagoo gacan dhaqaale ka hellay xukuumadda Somaliland. Askarigaasi wuxuu ii sheegay in markii Addis Ababa la geeyay ee dhakhtar la dhigay, sawirkii ugu horeeyey ee lugtiisa laga qaaday uu soo saaray in xabadii lagu dhuftay oo ku jirta uu dhakhtarkii yara ee cisbitaalka Hargeysa ku dul tolay bartii nabarka xabadu kaga dhacday., taasina keentay caabuq (Infection) saameeyey lugtiisa. Wuxuu askarigaasi ii sheegay in lugtiisii gaadhay heer ay qudhuntay, dhakhaatiirtii cisbitaalka Addis Ababa ay u sheegeen xalka keliya inuu yahay in lugta la jaro qayb ka mid ah. Wuxuu dhakhtarkaasi ii sheegay inuu hadda ku noolyahay nolol curyaanimo ah, oo uu sababay dhakhtarkii cisbitaalka Hargeysa, wuxuuna ii sheegay nasiib darrada ka sii xun inay tahay in weli dhakhtarkaasi ka sii shaqeeyo cisbitaalka Hargeysa maanta, isla markaana uu waayay si uu dacweeyo. Qaybta 2-aad haddii alla idmo, waxaan ku soo qaadan doona dhacdo labaad oo xanuun badan, waa qof qaba xanuunka kansarka dhiiga (Leukaemia, or blood cancer) oo cisbitaalka weyn ee Hargeysa u sheegay inuu qabo macaan, isla markaana aan kula kulmay magaalda Delhi ee dalka India sannadkii 2019 kii , oo laga waayay macaankii, lagana hellay kansarka dhiiga. Qaybaha xiga waxaan sidoo kale ku soo qaadi doona musuq maasuqa xadka ka baxay iyo maamul xumada hadhaysay waaxda xanuunka HIV/AIDS u qaabilsan cisbitaalka Hargeysa. La Soco Qaybta Xigta Xigasho Sawirka hoos ka muuqda waxaan ka soo xigtay barta Gety images waana waadhka ama qaybta dadka a dhimirka ka xanuunsanaya loogu tallo gallay oo aan qaybaha danbe idiinka warbixin doono. Waxaa qoray Mohammed Abdi Hassan Diridhaba Source