-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
On 23 April 2020, the ex-President of Jubaland, Mr. Ahmed Madobe announced he has signed a deal with whom he called were his political rivals in Jubaland. Ahmed Madobe’s regime lost Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad loo hadal hayaa banaanbixii ka dhacay Muqdisho ee lagu jeex jeexay sawirada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Siyaasiin iyo qeybaha Bulshada ayaa aad uga hadlay arrintaan waxaana laga bixiyay macno kala duwan. Dadka qaar ayaa ku tilmaamay in Madaxweynaha ay bulshada naceen halka qaarkoodna ay ku micneeyeen in sawirada ay gubeen dad dano siyaasadeed leh oo banaanbaxa ku jiray. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa soo maray waayo loo banaanbaxo iyo maalmo lagu banaanbaxo, waxaana maanta eegi doonaa tirada inta aan ka xasuusano ee lagu mudaharaaday iyo inta loo banaanbaxay ee diiwaanka galay. Banaanbaxyadan waa kuwa shacabka iskood u abaabuleen, kumana jiraan kuwa dowladda abaabusha iyo kuwa ay abaabuleen mas’uuliyiin kasoo horjeeda dowladda ama madaxweynaha. Markii ugu horeysay Madaxweynaha Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u banaanbaxeen isagoo Ra’iisul wasaare ah sanadkii 2011. Xiligaas waxa uu xilkiisa ku waayay heshiiskii Kampala Acord oo ay qeybta ka ahaayeen Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare ka ahaa Soomaaliya. Markii 2-aad ee loo banaanbaxay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay aheyd 2017 markii uu ku guuleestay doorashadii Soomaaliya, waxaana markaas ay bulshada dhigeen isu soo baxyo waa weyn. Markii ugu horeysay ee lagu banaanbaxo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi islamarkaana sawiradiisa la gubay waxay dhamaadka sanadkii 2018-kii kadib markii dadweyne ka careysan Xariga Abuu Mansuur ay isugu soo baxeen Baydhabo. Sidoo kale dadkaas waxay ka cabanayeen shacab ay ciidanku dileen iyo kuwa kale oo la xiray. Markii 2-aad ee lagu banaanbaxay Madaxweynaha Soomaaliya waxay bartimihii sanadkii 2019, waxaana banaanbax booliska looga cabanayo ka dhigay Muqdisho wadayaasha Mooto Bajaajta kuwaas oo qaarkood gubay sawirada Madaxweynaha. Sidoo kale wadayaasha ayaa ka cabanayay dilalka ciidamada iyo xirnaanshiyaha wadooyinka inkastoo markii dambe la xaliyay. Dadka qaar ee taageera Madaxweynaha ayaa dood ka qaba Banaanbaxaa waxayna sheegaan in uusan kamid aheyn kuwa madaxweynaha looga soo horjeeda balse xaqiiqda jirta ayaa ah in Madaxweynaha uu doorasho ku yimid islamarkaana ay xaq u leeyihiin in shacabka ku banaanbixi karaan. Banaanbixii 3-aad oo ah kii todobaadkaan ayaa noqday mid kale oo looga soo hor jeedo Madaxweyne Farmaajo waana mid kamid ah kuwii ugu adkaa ee lagu beegsado sawirada Madaxweynaha. Banaabaxyada lagu gubay ama lagu fiiqay sawirada Madaxweynaha waxay qaarkood ka bilaawdeen dhacdooyinka ciidanka ay geestaan. Caasimada Online waxay banaanbaxyada Madaxweynaha looga soo horjeedo ay ka reebtay banaabaxo lagu sheegay kuwa siyaasadeed waxaana kamid ah qaar ka dhacay Kismaayo iyo meelo kale. Arrintaan ayaa u muuqato in saddex jeer lagu banaanbaxay Madaxweynaha laba jeerna taariikhdiisa loo banaanbaxay dhamaana madaxweynaha kama uusan hadlin banaanbaxyadii looga soo horjeeday, halka uu ka hadlay kuwii lagu taageeray.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay gudaha magaaladaasi uu ka da’ay roob xoogan oo sababay daadad geystay dhimasho iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka. Daadadka oo ahaa kuwa xoogan ayaa saameyn ku yeeshay guud ahaan magaalada Qardho, waxaana ku rogmaday gawaari u badan kuwa xamuulka ah. Muuqaalo la soo duubay waxaa ka muuqda biyaha oo ka sare maray gaadiidka, gawaari rogmaday iyo dhismaha qaar, waxaana dhibaatada ugu daran ay soo gaartay dan-yarta. Taliyaha qeybta Booliska ee gobolka, Gaashaanle Sare Cabdi Caseer Yuusuf oo ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ayaa BBC uu sheegay in dadaadka ay ku dhinteen illaa saddex qof oo ka mid ah dadka deegaanka, kuwa kalena ay dhaawacmee. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in khasaaraha uu intaas ka badan karo, islamarkaana ay weli socdaan gurmad lagu baadi goobayo dad kale oo la la’yahay. Xaaladda ayaa saaka ah weli mid cakiran, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in qoysas badan ay ku xayiran yihiin xaafado ka tirsan magaalada Qardho.
-
Maraykanka oo qirtay inuu Soomaali laayey Tababarayaasha Africom ee la shaqeeya Ciidamada Qaranka ee Soomaaliya Ciidamada Maraykanka ayaa qirtay in dad rayad ah ay waxyeello ka soo gaartay duqeymo dhinaca cirka oo ay bishii April ka fuliyeen Soomaaliya. Warbixin uu taliska Maraykanka ee Afrika (Africom) Isniintii uu soo saaray wuxuu ku sheegay duqeyntaasi iney ku dhinteen 2 qof oo rayad ah 3 kalana ay ku dhaawacmeen. Warbixintu waxay intaasi ku dartay isla weerarkaasi in lagu dilay 2 ka tirsan ururka al-shabaab. Hay’adda Amnetsy International waxay dhankeeda ka sheegtay duqeynta uu Maraykanka ka fuliyey Soomaaliya in lagu dilay 1 qof oo beeraley ah iyo 1 qof ka mid ahaa shaqaalaha shirkad isgaarsiin oo Soomaaliya ka howlgasha. “Nasiib darro laba qof oo rayad ah ayaa lagu dilay seddex kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeymo 23-ka Bisha Fabraayo ka dhacay gudaha Soomaaliya”, ayuu yiri taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika Gen Stephen Townsend. “Saaxibbada Soomaaliya waxaan u haynaa ixtiraam aad u sarreeya, aadna waan oga xunnahay dhacdadaasi” ayuu yiri taliyaha oo hadalkiisa sii wata. Warbixintuna waxay ku doodeysaa dadkaasi rayadka iney u dhinteen kaddib marki ay qarxeen miinooyin uu ururka al-Shabaab keydiiyey. Warbixinta waxaa sida oo kale lagu xusay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom), iney 91 duqeymo oo dhinaca cirka ay ka fuliyeen Soomaaliya iyo Liibiya bilaha Fabruary iyo March ee 2020. Generaal Townsend wuxuu billaabay inuu soo saaro warbixin ku saabsan waxyeellada dadka rayadka ah ka soo gaarto duqeymaha ay fuliyaan seddexdi biloodba mar, si la mid ah warbixinta taliska dhexe ee Mareykanka ee Bariga dhexe uu soo saaro. SSGT BRIAN FERGUSON Maraykanka wuxuu sida oo kale uu sheegay dabayqaqada bisha May inu diyaar noqon doono bog dadka u sahlayo iney cabashooyinkooda la xiriira waxyeellada dadaka rayadka soo gaaro ay ku gudbiyaan. Hay’adda Amnesty intentional waxay sheegtay Maraykanka duqeymaha uu Soomaaliya ka fuliyey iney 20 qof oo rayad ah ku dhinteen, hase yeeshee Maraykanka ayaa diiday tiradasi. Amnesty oo warbixinta Maraykanka ku tilmaantay “mid bogaadin mudan oo muujineysa cadcaddaan howlgallada militari ee sida qarsoodida ah sanadaha badan uga socday meela badan”. Waxayna ku baaqday in la diyaariyo nidaam dadka rayadka ah ee ay waxyeelladu soo gaartay warbixinnadooda bog Maraykanka uu diyaarinayo ay ku soo gaarsiiyaan, maadaamaa dadku inta badan heysan ku nool dhulka miyiga ay haysan teleefanna u sahlayo soo gudbinta xogaha adeegga interneetka iney helanna ay ku adag tahay. Waxayna hay’adda Amnesty ku tlisay “in la diyaariyo fursad ay hoggaamiya dhaqameedyada ama xildhibannada la soo doorto ay uga hadlin karaan dadka rayadka ee ku dhinta duqeymaha Maraykanka iyaga oo shacabka matalayo.” General Townsend ayaa ka soo horjeestay hadalka odhanayo ciidamada Maraykanka howlglladooda Afrika iney si cadcaddaan leh u fulinin. Mar wax laga weydiiyey magdhawga dadka ay waxyeellada soo gaarto taliska oo ka jawaabaya wuxuu boggiisa Twitterka uu ku soo qoray “waxaan kala shaqeyn haynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya sidi aan tallaabada xigta u qaadi laheen. Al-Shabaab oo qayba badan oo ka mid Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya gacanta ku haya ayaa la sheegaa inuu xiriir la leeyahay ururka al-Qaacida. Sida oo kale waxay weerarro isdabajoog ah ay ka fuliyeen dalka Kenya iyada ururka lagu tirayo ururrada hubeysan ee ugu halista badan. Bisha Fabraayo ururka al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha dalka Kenya oo ay wada adeegsadaan ciidamada Kenya iyo kuwa Maraykanka, iyaga oo halkaasi ku dilay 3 qof oo Maraykanka u dhashay oo isugu jira 1 askari iyo 2 qandaraasle. Qaran News
-
Sidaan wadda ognahay waxaa sii dhamaanaya Muddo xileedka Dowladda hada jirta, marka aad isku barbar dhigtid waqtiga harsan iyo shaqooyinka la rabay in dowladu horey u qabato waa kala Badan yihiin, hadaba maareynta waqtiga kala guurka ee soo socda wuxuu u baahan yahay tanaasul iyo dulqaad laga rabo dowlada hada jirta iyo arragti qaran oo laga rabo saamileyda siyaasadeed ee dalka. Maxaa keeni kara in cagta lasaaro waddadii burburka? In Dowladdu muddo Kordhin sameysato toos ah intaan la gaarin dhamaadka Muddo Xileedkeeda. In Dowladdu waqtiga jiiddo oo ay iska aamusto illaa laga gaarayo dhamaadka muddo xileedkeeda. In Dowlladdu maareyn weyso marxaladda kala guurka ah kadibna uu dhaco jahawareer siyaasadeed oo ku dhamaada burbur. In Dowladdu qaado tallaabooyin addag oo dhanka amniga ah oo ku wajahan siyaasiyiinta ka aragtida duwan . In Dowladda dhexdeed ka bilowdo kala aragti duwnaansho ku aadan hanaanka Loo maareynaayo marxaladda kala guurka ah oo qolo kasta diffaacato wixii u Dan ah. In Dowlladu Ilaalin weyso Sarreynta Sharciga iyo Dastuurka Dalka u yaala. Maxaa keeni kara in cagta lasaaro waddadii dowlad dhiska? In Dowladdu Doorashada ku qabato Waqtiga Dastuurka Dalka ku Xusan si hufan. In Dowladdu isafgarad kala yeelato Saamilleyda siyaasadeed ee Dalka nuuca Doorashada. In Dowladdu aragti fog oo ku dhisan Danaha Dalka iyo Dowladnimada ay ku maareyso marxaladda kala guurka ah. In saamileyda Siyaasadda Dalka ay la yimaadaan aragti qaran oo ku aadan maareynta waqtiga kala guurka ah. In Labeenta Bulshada ay qaataan kaalin mug leh oo ku aadan maareynta waqtiga kala guurka. In beesha caalamka ay qadato kaalin dhexdhexaad ah oo u dan ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.– Abdinasir Mohamed Sh. Nuur (Abdinasir Shubka) – Waa xoghayaha maaliyadda Xisbiga Himilo Qaran AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa qirtay in duqeyn sanadkii hore uu ka fuliyey Soomaaliya ay ku dileen dad rayid ah. Warbixin seddax biloodle ah, oo loogu tala galay in si hufan loo baaro wararka sheegaya in dad rayid ah lagu dilay weerarada Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in duqeyn dhacday 23-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2019-kii lagu dilay laba qof rayid. Sidoo kale warbixinta AFRICOM waxaa lagu sheegay in seddax qof oo kalena oo rayid ah lagu dhaawacay duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunyo Barow ee gobolka Shabeelladha Hoose. Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa warbixintan ku sheegay inay aad uga xun yihiin dadka rayidka ah ee ku dhimatay duqeyntaas iyo kuwa ku dhaawacmaba, Dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dadkaas waxay sheegtay AFRICOM inay ka dhalatay meel ay Al-Shabaab ku keydiyeen hub iyo waxyaabaha qarxa oo ay diyaaraduhu bartilmaameed sadeen. Waayihii dambe waxaa iska soo daba dhacaayey eedeymo sheegayey in duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka lagu bartilmaameedsado dad rayid ah, balse warbixintan ayaa meesha ka saartay eedeymo hore oo loo soo jeediyey AFRICOM, balse waxa ay qiratay wax yeeleynta shan qof oo laba dhimatay, kuwaas oo ahaa rayid aan waxba galabsan. Warbixinta Taliska Mareykanka ee Afrika laguma shaacin wax magdhow ah oo la siinayo dadkan rayidka ah oo ay qirteen inay duqeymahooda ku dileen qaarna dhaawaceen.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal kooban soo saaray ayaa wuxuu uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee haatan u dhexeeya madaxda sare ee maamulka HirShabelle. Cabdukariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay labada dhinac ay is haya inay wax weliba ku dhameeyaan is-afgarad iyo wadahadal, si loo soo afjaro khilaafkaasi. “Waxaa muuqda maalmahan mooshino iska soo horjeeda iyo khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxda sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle, waxaan ku baaqayaa xaaladda in la dajiyo, waxii khilaaf iyo is afgarasho waa ah ee jirana lagu xaliyo is faham iyo wadahadal” ayuu yiri qoraalkiisa ku yimid Mudane Cabdkariin Xuseen Guuleed. Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in xilligan oo lagu jiro xaalad adag aysan HirShabelle u baahneyn khilaaf ee looga fadhiyo madaxda maamulkaas inay u adeegaan shacabka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale Guuleed ayaa hoosta ka xariiqay in khilaafkaan haddii uu sii socdo uu horseedayo burbur ku yimaada jiritaanka maamulka HirShabelle. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoon haatan mooshino ay iska hor jeeda oo laga kala gudbiyey guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed Maxamed iyo Madaxeyne Waare ay ka socdaan gudaha magaalada Jowhar.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa dhowaan soo saartay Amar ay ku mamnuuceyso in deegaanadeeda uu soo galo qaad muddo 25-cisho ah oo ka bilaabaneysay maalintii shalay aheyd oo taariikhdu ku beegneyd 26-ka April 2020-ka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, go’aankaasi ay xukuumada Somaliland ku joojisay Qaadka/Jaadka ayaa weli deeegaanadeeda uga hirgelin si rasmiya, iyadoona uu qaadku sidiisi caadiga ah u yimid magaalooyin badan oo ay maamusho Somaliland. Dadka ka ganacsada Qaadka ayaa qaab ka duwan kii hore u soo galiyay Qaadka, iyadoona sidii caadiga ahaa lagu kala gadanayey goobihii hore loogu gadi jirey Qaadkaasi, iyada oo aysan waxba iska badalin sidii hore ee loo kala iibsan jiray. Shalay oo aheyd maalintii labaad oo uu dhaqan galayey Amarka lagu joojiyey Qaadka ayaa waxa magaalooyin badan oo kamid Somaliland soo galay Qaad ka badan kii hore u iman jiray, iyada oo loo kala qeybiyeyna Miisaskii hore loogu gadi jiray Qaadkaasi. Arrinta caajibka ah ayaa noqotay in qiimaha Qaadka la kala siisanayey uusan waxba iska badalin, iyada oo lagu kala gadanayey qiimihii hore ee ka hor inta ay xukuumadu soo saarin amarka lagu joojinayo Qaadka, oo la aaminsan-yahay inuu yahay masiibo horseedi kara faafitaanka caabuqa Coronavirus. Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid aan awood u laheyn joojinta Qaadka qaababka kala duwan kusoo gala magaalooyinkeeda ee weliba lagu dhex iibinayo sidii caadiga ahaa, balse ay ku dhiiratay oo keliya aawooda ku dhawaaqista Amar ka dhan ah Qaadka, iyada oo arrinkaasina hore u shaacisay. Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Qaadka sidiisi caadiga ah loogu dhex iibiyo magaalooyinka, iyada oo wax talaabo ah aysan ka qaadeyn ciidamadu, haddana waxa loo badaniya in xukuumadu aysan qorshe adag ka dhigan Qaadka qaabab ka duwan sidii hore loo soo galinayo deegaanadeeda. Waxaana xusid mudan in Xukuumadu ay digniin kaliya oo fulin la socon ay u dirtay ganacsatada qaababka kala duwan ku keena Qaadka, iyaga oo si caadiya ugu iibinaya goobihii ay hore ugu iibin jireen.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay tiro dad ah oo looga shakiyey cudurka Coronavirus la dhigay isbitaalka magaalada Baraawe ee gobolkaasi. Agaasimaha isbitaalkaasi Dr. Cabdulaahi Cabdiraxmaan Nuuraane oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dadkaasi oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ay qaabileen lagu arkay caalamado aad u eg, kuwa uu leeyahay xanuunka COVID-19. Dhaqtar Nuuraane ayaa xaqiijiyey in hal qof oo ka mid ah dadkaas uu ku geeriyooday isbitaalka, islamarkaana ay arrintaas sii kordhisay walaaca ay ka qabaan cudurka Coronavirus, isago oo sheegey in maalin walibo ay qaabilaan dad gaaraya 25 illaa 30 qof. Sidoo kale agaasimaha isbitaalka magaalada Baraawe oo hadalkiisa si wata ayaa shaaciyey in aysan heysan qalabkii loogu talagalay xakameynata cudurka Covid-19. Ugu dmabeyn wuxuu ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah. Qeylo dhaantaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo uu haatan dalka ku sii baahayo cudurka Coronavirus, kaas oo kiisaska la xaqiijiyey ay gaarayaan ku dhowaad 500 oo qof. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/Baraawe.mp3
-
MOGADISHU (Reuters) – The United States said on Monday it had killed two civilians and injured three in an air strike in Somalia early last year, in a rare acknowledgement of civilian casualties from U.S. Africa Command military operations in the Horn of Africa country. The deaths were mentioned in a debut quarterly assessment report by AFRICOM on allegations of civilian casualties raised in connection with its operations against Islamist militants in Somalia, Libya and other African countries. “Regrettably two civilians were killed and three others injured in a February 2019 air strike. “We are deeply sorry this occurred,” AFRICOM’s commander, U.S. Army General Stephen Townsend, said in the report. The air strike was carried out in the vicinity of Kunyo Barrow in Somalia’s Lower Shabelle region and the report said the intended target – two members of Somali Islamist group al Shabaab – were killed. The civilian deaths, it said, occurred as a result of U.S. or al Shabaab munitions that exploded during the air strike. It was the second known incident in which AFRICOM has acknowledged killing civilians in Somalia, where rights activists have accused it of long shrouding its operations in secrecy. The first was an air strike in April 2018 in El Buur in the Galgadud region of central Somalia in which AFRICOM reported it had unintentionally killed two civilians. The United States has been conducting air strikes in Somalia for years to help defeat al Shabaab, which seeks to topple Somalia’s Western-backed central government and set up its own rule based on a own strict interpretation of Islamic sharia law. For nearly two decades al Shabaab has been waging a campaign of bombings and shooting attacks on military and civilian targets including hotels and traffic junctions both in Somalia and neighbouring countries like Kenya. A regional peacekeeping force, AMISOM, mandated by the African Union, also helps defend the Somali government. AFRICOM’s move to publish quarterly assessment reports on civilian casualty allegations is a welcome step towards transparency, said Seif Magango, Deputy Regional Director for Eastern Africa at rights group Amnesty International. He added, though, that the United States must follow up with “accountability and reparation for victims and their families”. Writing by Elias Biryabarema; Editing by Mark Heinrich
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay ku dhowaad 100-qof Coronavirus ugu geeriyootay magaalada Muqdisho. Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in sagaalkii qof ee dowladdu shaacisay inay xalay ku geeriyoodeen isbitaalka Martiini, ay u dhinteen Oksajiin la’aan, kadib markii ay tagtay korontadii oo uu demay mashiinka neefta siinayey dadkaas. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dowladda federaalka aad ugu dhaliilay arrintaas, isagoo nasiib darro ku tilmaamay, inay dowladdu Matoor keyd ah cusbitalka gayn waysay. “Ilo Xog-ogaal ah ayaa ii xaqiijiyeen in ku dhowaad 100 ruux ay shalay iyo xalay magaalada Muqdisho ku geeriyoodeen. Dadka intooda badan waxay u dhinteen Fayriska (COVID-19). Sagaal ka mid dadkaas, oo aan qaarkood aqaano waxay ku geeriyoodeen Isbitaalka Martiini, ka dib markii ay korontadii ka tagtay, mashiinadii ogsijiinka siinayey na ay istaageen. Masuuliyad dari iyo tacadi ka wayn ma jiro in dowladu ay matoor kayd ah Cusbitalka gayn wayso”ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Cabdiraxmaan Cabdihhakuur ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay isku tashadaan, maadaama ay xaaladu kasii dareyso, dowlad dadka wax tareysana aysan jirin, sida uu hadalka u dhigay. “Walaalayaal xaalada Karoona Fayris way ka sii daraysaa, dawlad dadka wax taraysana ma jirto ee isku tashada. Maadama awood lagula tacaalo Fayriska aysan jirin, intii la kari karayna laga gaabiyey, waxaa qasab ah in aan ku dadaalno ka hortagiisa oo aan qaadano talooyinka dhakhaatiirta. Waxaa na la ka doonayaa talo saarasho Eebe oo taxadar lagu daray. Allaha u naxariisto intii dhimatay, allahana dhowro Inta kale, danbigeenana Allaha dhaafo” ayuu kusoo gabagabeeyey qoraakiisa. Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya, iyadoo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay galabta shaacisay in xalay isbitaalka Martiini ay ku geeriyootay sagaal qof, kuwaas oo sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda laga soo gudbiyey isbitaalo gaar loo leeyahay. Xubno ka tirsan wasaaradda oo aan goor dambe wax ka weydiinay 100-ka qof ee la sheegay, waxay sheegeen in xogtaas aysan hayn.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-27042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in koox hubeysan ay caawa degmadaas ku dishay sarkaal ka tirsanaa Booliska Soomaaliya. Dilkan oo dhacay salaadii Makhrib kadib ayaa sarkaalkaas loogu geystay xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodan, xilli uu kasoo baxay masaajid aan sidaas uga fogeyn xaafadiisa. Magaca marxuumka la dilay waxaa lagu soo koobay Nuur Gaab, waxayna kooxdii dishay kala kulantay iska cabin kooban, maadaama uu hubeysnaa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dadka deegaanka. Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray xaafadda uu dilku ka dhacay ee Jaamacadaha oo ka tirsan degmada Hodan, waxayna halkaas ka bilaabeen baaritaano dad badan lagu soo qab-qabtay, waxaana illaa hadda xaafadaas ka socda howlagallo ay sameynayaan ciidamo boolis ah. Ma jirto cid lagu tuhmayo dilka sarkaalkaas oo la shaaciyey in lasoo qabtay, balse dadka xaafadaas ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay hal goob iskugu geeyeen dhamaan dhalinyaradii xaafadda. Xalay ayaa sidaan oo kale dabley makhribkii dil ka geysatay qeybo ka tirsan degmada Dharkenley, waxaa toogtay ciidamada ammaanka, kuwaas oo gaarayey laba nin oo bastoolado ku hubeysnaa.
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey ee ku aadan xanuunka Coronavirus, wasaaradda ayaana xaqiijisay inuu jiro korarka xanuunka ee bulshada dhexdeeda ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa diiwaan geliyey kiisaskii ugu badanaa Corona. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Fawziya Abikar Nur oo gordhow hadashay ayaa ka warbixisay guud ahaan tirade xaaladaha cusub ee COVID-19 ee dalka. Wasiiraka ayaa xustay 24saac ee ugu danbeesay wasaaraddu xaqiijisay 44 xaaladood oo Coronavirus ah. Wasiirka ayaa bidhaamisay muhiimada ay leedahay in bulshadu raacdo tilmaamaha ay ku baaqeyso Wasaaradda Caafimaadka sida gacma dhaqashada iyo nadaafadda guud si loo yareeyo faafidda cudurka ee bulshada dhexdeeda. Wasiirka ayaa fartay Isbitaallada gaarka loo leeyahay in bukaannada leh astaamaha cudurka safmarka COVID-19 ay xilli hore u soo gudbiyaan isbitaal De Martino. Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa ehelada bukaanada kula dardaarantay in ay xilli hore keenaan isbitaalka De Martino ee magalada Muqdisho bukaanadooda inta aysan xumaan xaaladooda caafimaad. 27 April 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya Waxaa cudurka COVID-19 laga helay 44 qof. > Dhedig: 9 > Lab: 35 > Bogsasho: 4 > Dhimasho: 3 > Tirada Guud: 480 > Bogsashada Guud 14 >Dhimashada Guud 26 Halkaan ka Daawo Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Caafimaadka, Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa maanta kulan toos ah ayaa qadka internet-ka la qaadatay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, H.E. Donald Y. Yamamoto iyo madaxda Hay’adda Maraynkan u qaabilsan Dhanka Horumarka (USAID). Wasiirka caafimaad XFS ayaa Dowladda Maraykan-ka uga mahadcelisay dalaadallada ay ka wadaan Soomaaliya ee ku aadan COVID-19, sidoo kalena kala hadashay sidii ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen gurmadka wax looga qabanayo cudurka COVID-19. Dowladda Maryakan-ka ayaa balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan xakamaynta iyo xal u helidda cudurka COVID-19. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in dadkii xalay ku geeriyooday isbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho ee sagaalka qof ahaa ay u dhinteen “dayacaad iyo daryeel la’aan” ka jirta isbitalka. Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Dayacaadda iyo daryeel la’aanta caafimaad ee kajirta Isbitaal Martiini yaan dusha laga saarin Isbitaalada gaarka loo leeyahay.” Wasaarada caafimaadka ayaa maanta soo saartay digniin ay u jeedinayso Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho, taasi oo lagu daray in dadka qaba ama uu ku dhacay cudurka COVID-19 ay xilli hore usoo gudbiyaan Isbitalka Martiini. Hase yeeshee Mahad Salaad ayaa yiri “Sagaalka qofood ee wasaaradda caafimaadku sheegtay in ay u geeriyoodeen cudurka COVID 19 ee xalay Isbitaal Martiini ku dhintay waxaa la sheegay in neeftu ku dhegtay kadib markii uu shaqeyn waayay mashiinkii oksijiin ka ahaa ee bukaanada neefta siinayey. Sababta mashiinadu u shaqayn waayeen ayaa lagu sheegay in isbitaalka korontadu ka tagtay, ayna ka maqneed muddo saacad ah.” Waxa uu intaas ku daray “Haddaba su’aashu waxay tahay dayacaada iyo daryeel la’aanta caafimaad ee kajirta Isbitaal Martiini, sababteedana ay leedahay Wasaarada Caafimaadka ma lagu eedayn karaa Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ehelada dadkoodu xanuunkaan qabaan ay daryeel caafimaad badeen iyaga oo ka cabsi qaba dayacaada iyo daryeel la’aanta kajirta Isbitaal Martiini?” Mahad Salaad ayaa ugu intaas ku daray inuu ugu baaqayo xukuumadda in ay xil gaar ah iska saarto badqabka iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed, shaqadeeduna aysan noqon “igu sawir iyo shirar jaraa’id oo maalin walba la qabto.”
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda caafimaadka dalka ayaa xaqiijisay in 3 qof oo hor leh ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka ugu geeriyoodeen xanuunka COVID-19, laga diiwaan geliyay 44 xaalad oo cusub. Afar ruux ayaa ka bogsooday xanuunka. Afartan kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4ta kalana waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Puntiland. 35 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 9 xaaladood. Wasaaradda Caafimaadka waxay xaqiijisay in hal ruux oo kamid ah 9 bukaan oo xalay ku geeriyooday Isbitaal Martiini uu qabay xanuunka COVID-19, qof kamid ahna la xaqiijiyay inuusan qabin xanuunka, 7da kalana laga baaray cudurka hase yeeshee ay geeriyoodeen kahor intii aysan soo bixin natiijada baaritaankooda. Bukaannada Isbitaal Martiini xalay ku geeriyooday dhammaan waxay ahaayeen bukaanno waqti dheer lagu hayay isbitaallada gaarka loo leeyahay, oo la keenay Isbitaal Martiini markii xaaladoodu ay adkaatay. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa mar kale maamulayaasha Isbitaallada gaarka loo leeyahay fartay in bukaannada lagu arko astaamaha COVID-19 ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyaan xarumaha caafimaad ee loogu tala galay la tacaalidda dadka uu haleelo Fayruska Karoona, si xaaladdoda caafimaad wax looga qabto. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ay noqdeen 480. Guud ahaan 26 ayaa loo diiwaan geliyay inay u geeriyoodeen cudurka, waxaana ka bogsoosay 14 ruux. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-27042020.mp3 View the full article
-
Kadib markii xilka laga qaadey Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland Janaraal Muxayadiin wuxuu Madaxweyne Deni uu Xilka u magacaabay Taliye cusub oo ah Cabdi Xasan Xuseen oo [...] Source
-
Taliska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan Qaad badan oo la doonayey in la soo galiyo deegannada Somaliland, ka dib hakad la geliyey muddo 25 cisho ah sida uu dhowaan uu sheegay guddiga wacyi gelinta iyo ka hortagga xanuunka Coronavirus. Ciidamada ayaa qaadka ku qabtay magaalada Baligubadle oo u dhow xadka dalka Itoobiya shalay gelinkii dambe kaas oo laga keenay dhanaca dalka Itoobiya waxaana lagu qiyaasay inuu ahaa 200-kilo oo Qaadka dhadheera iyo 100 -Marduuf waxaana la keeay magaalada Hargeysa, iyadoo markii dambe lagu gubay goob fagaaro ah. Goobta Qaadka lagu gubayay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska gobolka Maroodi-Jeex iyo xubno kamid ah guddiga wacyi gelinta iyo ka hortagga Cudurka COVID-19 iyo dadweyne u soo daawasho tagay goobta lagu gubayey Qaadka ay soo qabteen ciidamada amniga, Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay la wareegeen gaadiidkii keenay Qaadka iyaga oo intaas ku daray in marnaba aysan ogolaan doonin in Qaad la soo geliyo deegannada Soomaaliland waxaana ay digniin u direen ganacsatada ku howlan keenista iyo ka ganacsigiisa. Tilaabadaan ay qaadeen ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dhowaan guddiga wacyi gelinta iyo ka hrtagga xanuunka Coronavirus ay ku dhawaaqen muddo 25 cisho ah la joojiyey keenitaanka iyo ka ganacsiga Qaadka ee Somaliland sabobo la xiriira cabsi laga qabo faafitaanka xanuunka COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa faah-fahain ka bixisay sagaal qof oo xalay ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, oo ah halka lagu hayo dadka qaba cudurka COVID-19, ayada oo eedeyn u jeedisay isbitaallada gaarka loo leeyahay. Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in hal qof oo kamid ah 9 bukaan ee xalay ku geeriyooday Isbitaal Martiini uu qabay xanuunka COVID-19, halka qof kamid ahna la xaqiijiyay inuusan qabin xanuunka. 7-da qof ee kale, ayey wasaaraddu sheegtay in laga baaray cudurka hase yeeshee ay geeriyoodeen kahor intii aysan soo bixin natiijada baaritaankooda. Qoraalka wasaaradda ayaa dhinaca kale isbitaallada gaarka loo leeyahay magaalada Muqdisho ku eedeeyey inay sabab u ahaayeen dadkii halkaas ku geeriyooday. “Bukaannada Isbitaal Martiini xalay ku geeriyooday dhammaan waxay ahaayeen bukaanno waqti dheer lagu hayay isbitaallada gaarka loo leeyahay, oo la keenay Isbitaal Martiini markii xaaladoodu ay adkaatay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowziya Abiikar Nuur ayaa maamulayaasha Isbitaallada gaarka loo leeyahay fartay in bukaannada lagu arko astaamaha COVID-19 ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyaan xarumaha caafimaad ee loogu tala galay la tacaalidda dadka uu haleelo Fayruska Karoona, si xaaladdoda caafimaad wax looga qabto. Eedda wasaaradda ayaa imaneysa xilli ay jiraan warar sheegaya in dadkaas ay u geeriyoodeen dayac, kadib markii ay isbitaalka ka tagtay korontada.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 3 qof oo hor leh ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka ugu geeriyoodeen xanuunka COVID-19. Mid ka mid ah dadka geeriyooday ayaa ka mid ahaa 9 qof oo xalay ku dhintay isbitalka Martiini, kaasi oo la xaqiijiyey inuu qabay COVID-19, halka 8 kale ay ahaayeen 7 aanay weli soo bixin natiijada baaritaankooda soo bixin iyo qof laga waayey. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in dalka laga diiwaan geliyay 44 xaalad oo cusub oo cudurka ah, halka afar qof oo ka mid ahaa dadkii qabay cudurka ay kasoo bogsadeen. Afartan kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, halka afar qof oo kalen laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Puntiland. 35 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, halka sagaal ay yihiin dumar. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ay noqdeen 480. Guud ahaan 26 ayaa loo diiwaan geliyay inay u geeriyoodeen cudurka, waxaana ka bogsoosay 14 qof. Soomaaliya ayaa hadda ah dalka laga diiwaan-geliyey tirada ugu badan ee dhimashada kiisaska COVID-19 ee dalka Bariga Afrika, waxaana ay kaalinta labaad kaga jirtaa tirada kiisaska guud ayada oo ku xigtay Jabuuti oo laga diiwaan geliyey 1035 kiis.
-
(SLT-Hargeysa)-Weftigii Balaadhnaa ee hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane, Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta kulan la qaatey gudida nabadaynta Degmada Ceel-afweyn. Shirkani ayaa daaranaa sidii nabada ay xukuumadu ka abuurtay deegaamadaas loo adkeyn lahaa sidoo kalena waxa ay labada dhinac iska xog wareysteen shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Deegaanka Fadhigaab. Source
