-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliska Mareykanka ee loo yaqaanno AFRICOM ayaa qirtay iney duqeyn ku dileen dad rayid Soomali ah iyaga oo dalbaday cafin. Qoraal ka soo baxay April 27 ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu dileen dad rayid xilli ay bartilmaameedsanayeen Al-shabaab. “Waxaan ka xunnahay in labo rayid ah lagu dilay halka saddex kale lagu dhaawacay duqeyn dhacday February 2019” sidaas waxaa yiri Stephen Towsend oo ah General Mareykan ah. “Waxaan xushmad u heynaa saaxiibadeen Soomaaliya, aad ayaan uga xunnahay dhacdadan” ayuu raaciyey. Ciidamada Mareykanka ayaa sanadkii fuliya ugu yaraan 50 weerar oo cirka iyaga oo sheega iney ku bartilmaameedsadaan Al-shabaab, waana ugub iney qirtaan rayid goobtaas wax ku noqda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar hordhaca ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay daadadka ku fatahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Ilo’ wareedyo kala duwan ayaa warbaahinta Puntland Postu u xaqiijiyay dhimashada ilaa saddex ruux oo daadadku la tageen inkastoo ay jiraan dad kale oo aan weli nolol iyo geeri midna lagu hayn islamarkaana la baadi-goobayo. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashadu intaas ka badanyahay balse ma jirto cid ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda iyo laamaha caafimaadka gobolka oo xaqiijsay. Fataadda daadadka ayaa xalay harqiyay dhammaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Qardho kuwaas oo go’doomiyay dadweynaha Qardho islamarkaana burburiyay guryo fara badan. Sidoo kale in ka badan 20 gaadiidka raaxada ah ayaa la soo weriyay in daadadkaas kala tageen bartamaha magaalada halka gaadiidka waaweyn qaarkoodna ay ku qallibmeen fatahaadda. Maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho oo kaashanaya ciidamada kala duwan ee ku sugan Qardho ayaa gurmad ballaaran u fidiyay qoysas badan oo ku go’doomay guryahooda. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo kordhay Khasaaraha Fatahaadda Qardho? appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha shirkadda nadaafadda Udgoon ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, Mudane Cali Yuusuf Axmed ayaa sheegay in guddoomiyaha degmadasi Mahdi Faarax Cabdulle uu bilaabay in lacago sharci darro uu ka qaado shirkaddaasi. Cali Yuusuf ayaa sheegay in guddoomiyaha oo adeegsanayo awood uu ku amray shirkadda inay bixiso lacagahaasi oo baad ah, haddii kale uu shaqada ka joojinayo. Sidoo kale guddoomiyaha shirkadda nadaafadda ee Udgoon ayaa carabka ku dhuftay in lacagta laga doonayo ay tahay mid ka baxsan canshuurta uu bixiyo. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay maamulka G/Banaadir inuu soo faro-geliyo arrintan, si wax looga qabto dhibaatada uu wado guddoomiyaha degmada Cabdicasiis. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Cali-.mp3 View the full article
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay xaaladda dalka ee cudurka COVID-19 ayaa ka dhawaajiyay in Soomaaliya aysan awood badan u lahayn ka hortagga xanuunka Coronavirus ee haatan ku sii fidaya dalka isaga oo arrinkaasi u cuskaday in dowladihii awoodda lahaa ay cudurkaan maaro u la yihiin. Dhanka kale Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in hadii la is kaashado islamarkaana la qaato farriimaha caafimaadka lagu guuleysan karo in xanuunkaan uusan faafin waxa uuna sidoo kale madaxweyne Shariif ka dhawaajiyay in COVID-19 ka hortag maahane inuusan lahayn wax daawo ah. “Xanuunka Covid-19 waxaa la itaal daran oo wax ka qaban la dowladahii aduunka ugu awoodda badnaa, sidaa awgeed Soomaaliya awood badan uma lahan ka hortagga cudurkaan, laakiin haddaan iskaashanno oo fariimaha caafimaadka aan wadajir u fulinno waxaan ku guulaysan karnaa xakamaynta faafista cudurkan oo kahortag maahe aan daawo lahayn. Xaaladda Coronavirus ee dalka ayaa haatan mareysa meel dadka oo idil ay si aad ah uga walaacsan yihiin waxaana kiisaska ay wasaaradda caafimaadka xaqiijisay ku sii dhowdahay 500 iyada oo tirada dhimashada ay mareyso 26, bulshada Soomaaliyeed ayaana wali sidii la rabay u qaadan tallooyinka caafimaad ee loo jeedinayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warbixin uu soo saaray taliska Africom ee Mareykanka ayaa lagu faah faahiyay khasaaraha dad shacab ka soo gaaraay duqeymo diyaaradahooda ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya. Mareykanka ayaa warbixintan ku qirtay in duqeyn uu ka fuliyay Soomaaliya 24-kii February 2019-kii ay ku dhinteen laba ruux oo shacab ah, saddex kalana ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale Mareykanka ayaa warbixintiisa ku sheegay in isla duqeyntaasi ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo duqeynta ay la beegsadeen. Ugu dambeyn Mareykanka ayaa shaaciyey in intii u dhexeysay bilihii February 2019 iyo March 2020 uu 91 duqeymo ah ka fuliyey dalalka Libya iyo Soomaaliya.. View the full article
-
Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa xalay guul ka gaartay dhiggeeda degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Labada degmo oo ku wada jiray Group-ka C is aragiisa 1-aad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa muujiyey dadaal badan, hayeeshee waxay guusha raacday Warata Nabadda oo la timid 14 dhibcood, halka Marka ay keensatay 10 buundo. Warta Nabadda ayaa sidaasi noqotay degmadii labaad ee guul gaarta, tan iyo markii la bilaabay tartanka, waxaana ka horreeyey oo kaliya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo ka badisay dhiggeeda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dhinaca kale barnaamijka oo caawa galaya habeenkiisa 6-aad ayaa waxaa ku ballasan degmooyinka Xamar-Jajab iyo Cabdicasiis oo ka wada tirsan gobolka Banaadir Labadaan degmo ayaa sidoo kale u dambeeya Group-ka C, is aragiisa koowaad ee tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/Muqdisho. View the full article
-
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee HirShabelle. Jeesow ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya madaxda maamulkaasi uu yimid, kadib markii ay isku fahmi waayeen, sidii ay markale ku soo laaban lahaayeen. Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in dano gaar ahaaneed la’isku qabto xilli dalka uu ku jiro xaalad adag oo uu sababay cudurka faafa ee Coronavirus. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Xil-jeesow-.mp3 View the full article
-
Qardho (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee Magaalada Qardho naga soo gaarayo ayaa sheegayo inay dhimashada ka dhalatay roobabkii ka da’ay halkaas ay mareyso illaa 7 qof. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ugu yaraan 10 ruux biyuhu qaateen walina lahayn nolol iyo geeri toona sida ay ku waramayaan dadka deegaanka, waxaana dadaal loogu jiraa sidii loo heli lahaa dadkaasi. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey inay roobabkaas ku dumeen guryo badan iyo goobo ganacsiga, waxaana barakacay qoysaskii ku gurya belay fatahaadda, kuwaas oo qaarkood la dejiyay iskuullo ku yaalla gudaha magaalada, halka qaar kalena aan weli loo helin meel la dejiyo. Biyo aan badnayn ayaa wali dhexmaraya magaalada, inkastoo ay ka awoodyar yihiin qaabkii xalay ay ku bilaawdeen sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka tirsan dadweynaha Qardho. Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhoweyd u ambabaxay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo , ayaa u kuur-geli doona khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay daadadkii xalay ku fatahay magaalada Qardho. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si wadajir ah loogu gurmado Shacabka ay dhibaatada ku heysato Magaalada Qardho. “Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan reer guuraaga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan daadadka iyo fatahaadaha maadaama lagu gudo jiro xilli roobaadkii.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
-
Khasaare baaxad leh oo u badan burbur hantiyeed ayaa ka dhashay daadad xooggan oo xalay ku fatahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Daadadka oo ka soo rogmaday dhanka Soolka xigta ayaa xalay harqiyay dhammaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Qardho kuwaas oo go’doomiyay dadweynaha Qardho islamarkaana burburiyay guryo fara badan. Sidoo kale daadadkaas diiqalyadada ah ayaa bartamaha magaalada kala tagay gaadiid badan oo nooca raaxada ah halka gaadiidka waaweyn qaarkoodna ay ku rogmadeen oo wiishash lagu toosiyay. Maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho oo kaashanaya ciidamada kala duwan ee ku sugan Qardho ayaa gurmad ballaaran u fidiyay qoysas badan oo ku go’doomay guryahooda. Khasaare dhimasho iyo dad biyuhu la tageen ayaa sidoo kale la soo sheegayaa inkastoo aan weli mas’uuliyiintu faahfaahin ka bixin baaxadda khasaare ee naf iyo maal ka dhashay daadadkii xalay. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay daadad xooggan oo ku fatahay magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo war qoraal ah soo saaray ayaa wuxuu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an Soomaaliya. Sheekh Shariif ayaa shaaciyey in xanuunkaan oo ay wax ka qaban waayeen dowlado waa weyn aysan Soomaaliya awood u laheyn xakameyntiisa, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kaliya looga guuleysan karo Covid-19 iskaashi buuxa oo laga yeesho la dagaalankiisa. “Xanuunka Covid-19 waxaa la itaal daran oo wax ka qaban la dowladahii aduunka ugu awoodda badnaa, sidaa awgeed Soomaaliya awood badan uma lahan ka hortagga cudurkaan, laakiin haddaan iskaashanno oo fariimaha caafimaadka aan wadajir u fulinno waxaan ku guulaysan karnaa”. ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dhinaca kale Madaxweynihii hore oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in haatan xaaladda dalka ay mareyso meel aad u adag, isagoona dadka Soomaaliyeed kula taliyeyn inay qaataan talooyinka caafimaadka ee loo gudbinayo. “Khatarta cudurka Coronavirus ee dalkeenna waxay maraysaa xaalad adag oo u baahan in aad loo raaco talooyinka dhakhaatiirta caafimaadka ay noo soo gudbinayaan sida, Sanka & afka oo la xirto, in gacmaha oo saabuun lagu dhaqo,in Gacmaha oo laga ilaaliyo afka,sanka & indhaha iyo in la kala fogaado ugu yaraan laba mitir.” ayuu markale yiri Sheekha Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya ay ii cagacageynayaan ku dhowaad 500 oo qof, taas oo marba marka ka dambeysa ka sii dareyso.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-28042020-we.mp3 View the full article
-
A Kenyan regional administrator has warned the Somalia National Army (SNA) against provoking Kenya Defence Forces (KDF) soldiers following a recent grenade attack in Mandera. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (Caasimada Online) – Hadal uu jeediyey Sheekh caan ka ah dalka Turkiga, oo ah in cudurro laga qaado dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, ayaa xiisad ka dhex-abuuray xisbiga talada haya ee madaxweyne Erdogan iyo ururada qareenada dalka Turkiga. Qareenada ayaa hadalka wadaadka ku qeexay kuwa dhaawac ku ah sharafta bani’aadamka, hase yeeshee afhayeen u u hadlay xisbiga AKP ayaa sheegay in Sheekha uu ka hadlay qayimka dadka Turkiga, wuxuuna ku eedeeyey qareenada inay qarsanayaan fikarad faashiiste ah. Jimcihii, Sheekh Ali Erbas, oo madax ka ah guddiga Arrimaha Diinta ee Turkey, ayaa sheegay in Islaamka uu kasoo horjeeda isu-galmada dadka isku jinsiga ah, sababtuna ay tahay inay horseedoo cudurro iyo bulsho halleysan. Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay sababto cudurka HIV/AIDS. “Aan isku imaano oo aan si wada jir ah ugu dagaalno inaan dadka ka bad-baadino ficilladan xun,” ayuu Erbas ku yiri khudbaddiisii Jimcaha. Si ka duwan dalal badan oo Islaam ah, galmada dadka isku jinsiga ah kama ahan dambi dalka Turkey. Hase yeeshee dadka ficilladan sameeya ayaa la kulma naceyb iyo cadaawad xooggan. Xiriirka Qareenada Ankara ayaa hadalka Erbas ku macneeyey kuwa ka yimid qarniyo hore, oo ka dhan ah sharafta bani’aadamka. Sidoo kale Xiriirka Qareenada Izmir ayaa walaac ka muujiyey hadalkiisa, oo ay ku qeexeen kuwa dhiir-gelinaya naceyb cusub. Hase yeeshee, Saraakiisha dowladda ayaa Isniintii adeegsaday twitter si ay u difaacaan Erbas, ayaga oo isticmaalaya hastag ah “Ali Erbas ma ahan kali”. “Waa xuquuqda dabiiciga ah ee dadka inay u hadlaan si waafaqsan qayimka hanaanka ay rumeysan yihiin,” waxaa sidaas yiri afhayeenka xisbiga AKP Omer Celik. Sidoo kale, afhayeenka madaxweyne Erdogan Ibrahim Kalin ayaa twitter-ka ku difaacay Erbas, isaga oo sheegay inuu muujiyey kaliya “go’aan ilaah jecel yahay”. Dhinaca kale, xafiiska dacwad-oogaha Ankara ayaa Isniintii billaabay baaritaan ka dhan ah Xiriirka Qareenada Ankara, ayada oo lagu tuhmayo inay aflgaadeeyeen qayimka diiniga ah ee Turkiga.
-
Waxaa muran xoogan ka taagan yahay tirada saxda ah ee Magaalada Muqdisho igu geeriyooday Corona Virud, Laakiin sida hada laga soo xigtay Dhakhaatiir dhowr ah [...] Source
-
New York, NY, April 28, 2020 — Alarming new analysis by the International Rescue Committee (IRC) reveals that without swift action in coming weeks to mitigate the spread of Covid-19, the world could see up to 1 billion infections[1] and 3.2 million deaths due to COVID-19 over the course of the pandemic in 34 crisis-affected countries served by the IRC[2], Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid u deg-degeysa sheegashada xoreynta deegaanka Bu’aale, oo la aaminsan yahay inay ku sugan yihiin Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab. Sheegashada guusha lagu xoreynayo Bu’aale ayaa sidoo kale waxa dadaal weyn ugu jira Madaxweynaha ay dowladda federaalku kasoo horjeedo ee Axmed Madoobe, maadama ay Bu’aale ay tahay xarunta rasmiga ah ee maamulka Jubbaland. Bu’aale ayaa la sheegaya inay ku xoogan yihiin kooxda Al-shabaab, isla markaana ay ku sugan-yihiin hogaanka sar-sare ee kooxdaasi, midaasi oo sheegashada guushaasi ka dhigeysa mid sumcad weyn ka dhalato. Dowladda federaalka ayaa la sheegayaa iyadoo kaashaneysa ciidamo Itoobiyaan ah inay ku wajahan-yihiin deegaankaasi, midaasi oo soo ifbixisey deg-dega ay dowladdu ugu jirto sheegashada xoreynta Bu’aale. Dadaalada xoreynta Bu’aale ayaa ka kooban labo garab, maadama uusan xiriirka Dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland uusan wacneyn oo uu aad u hooseeyo, taasi oo ka dhigan in sheegashada xoreynta Bu’aale ee labada dhinac uusan isla jirin. Dowladda ayaa hore u geysay ciidamo badan qaar kamid ha deegaanada Gedo, kuwaasi oo maamulka Jubbaland uu ku tilmaamay in daabulida ciidamadaasi laga leeyahay ujeedo siyaasadeed, midaasi oo horseeday khal-khal amni. Dadka qaar ayaa aaminsan in ujeedka Dowladdu ka leedahay dadaalada sheeegashada xoreynta Bu’aale ay laftigeedu tahay mid siyaasadeysan maadama uu mudo xileedkeedu uu gabaabsi yahay, iyada oo hore ugu guuldareysateyna soo afjarida dagaalka Al-Shabaab.
-
CAIRO (AP) — Libyan commander Khalifa Hifter on Monday declared a landmark United Nations-brokered agreement to unite the country “a thing of the past,” and pledged his authorities would move toward creating a new government. Source: Hiiraan Online
-
Southern Transitional Council breaks with wartorn state’s internationally recognised government Source: Hiiraan Online
-
Xaguu ku dambeeyay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un ? Kim Jong Un Waxaa maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay xaaladda caafimmaad iyo halka uu ku sugan yahay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un. Qaar kamid ah warbaahinta caalamka ayaa isbuucyadii dambeba baahinayay xaaladda caafimmaada ee hogaamiyaha Pyongyang. Telefishin lagu magacaabo HKSTV oo fadhigiisu yahay Hong Kong ayaa kusoo warramay in uu helay xog muujineysa “in uu geeriyooday hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.” Wararka la xiriira geerida Kim Jong Un ayaa sii xoogeystay toddobaadkii lasoo dhaafay kaddib markii bog ay wax ku qoraan dad kasoo baxsaday dalkaas lagu sheegay in Kim “uu u geeriyooday xanuun hayay tan iyo bishii August ee sanadkii hore.” Agaasime ku xigeenka warbaahintaas ayaa sheegay in ila lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen “in uu geeriyooday” hogaamiye Kim Jong-un. Balse ma jirto cid si madaxbanaan u xaqiijin karta wararka uu baahiyay telefishenkaas. Goormey billaabatay Hadal heynta? Horay ayaa marar kale shaki loo galiyay xaaladda caafimaad ee Kim Jong-un Wararka la isladhexmarayo ee ku saabsan Kim ayaa soo baxay markii sida la sheegay uu ka baaqsaday ka qeybgalka munaasabad sanad walba lagu maamuuso sanad guuradii kasoo wareegatay dhalashada aabihii oo ku beegneyd 15-kii bishan April. Kim Jong-un waligiis kama uusan baaqanin munaasabadda xuska aabihiis – wayna iska muuqatay inuusan si sahlan u go’aansan karin inuu ka qeyb gali waayo. has never missed it – and it seemed very unlikely that he would simply choose not to turn up. Wakaaadda wararka ee Reuters oo soo xigatay ilo xog ogaal ah ayaa maalmo kahor kusoo warrantay in Dowladda Shiinaha ay khubaro caafimaaad u dirtay Kuuriyada Waqooyi. Saraakiishaas caafiimaad ayaa la sheegay in uu hogaaminayay sarkaal sare oo katirsan xisbiga shuuciga ee ka arrimiya dalka Shiinaha. Kuuriyada Waqooyi oo ah dal ay adag tahay in laga helo xog ku saabsan madaxda sare ee dalkaas ayaa waxaa adkaatay in la xaqiijiyo xaaladda caafimmaad ee Kim, waxaana sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar kale oo sheegaya in hogaamiyaha dalkaas uu galay qalliin dhanka wadnaha ah. Waxaa sidoo kale soo baxay warar kale oo sheegaya in Kim Jong Un uu nool yahay. Dalka ay deriska yihiin Pyongyang ee Kuuriyada Koonfureed ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu dhintay ama uu xanuunsan yahay hogaamiyaha dalkaas. Moon Chung-in oo ah sarkaal siyaasadda arrimaha dibadda kala taliya madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa warbaahinta CNN ee dalka Mareykanka u sheegay in Kim Jong-un “uu nool yahay, uuna caafimmaad qabo.” “Ka dowlad ahaan halka aan arrintan ka taagan nahay way caddahay” ayuu yiri Moon Chung-in oo intaa ku daray in laga billaabo 13-kii bishan April uu Kim ku sugnaa deegaanka Wonsan, sidaas darteedna aysan jirin wax keeni kara shakiga ah in uu geeriyooday. Sidoo kale saraakiil katirsan sirdoonka dalka Shiinaha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in wararka sheegaya dhimashada ay yihiin been abuur, oo uu Kim nool yahay. Kim Jong-un waxaa markii ugu dambeysay sawir laga qaaday 12 April Markii ugu dambeysay ee la arkay hogaamiyaha dalkaas ayaa waxay ahayd 12-kii bishan, warbaahinta dalkaas na ma aysan sheegin ilaa iyo hadda halka uu ku sugan yahay. Ma ahan markii ugu horeysay oo fagaareyaasha laga waayo hogaamiyaha dalkaas. Sanadkii 2014-kii, ayaa Kim Jong-un la waayay muddo 40 cisho ah, waxayna taas keentay in wax la iska weydiiyo halka uu ku sugan yahay. Sidoo kale xilligaas waxaa soo baxay warar kale oo sheegaya in la afgembiyay. Haseyeeshee, maalmo kaddib waxaa uu kasoo muuqday warbaahinta dalkaas. Haddii ay dhacdo in uu meesha ka baxo, yaa baddalaya? Wargeyska Kuuriyada Koonfureed ee lagu magacaabo Rodong Sinmun ayaa dhowr sawir ka qaaday Kim bishii October ee sanadkii 2014-kii Haddii ay dhacdo in Kim uu meesha ka baxo, sida ay doontaba ha ahaatee, ma cadda cidda baddali doonta. Kim waxaa uu xilkaas ka dhexlay aabihii oo sanado badan hogaaminayay dalkaas, waxaana muuqata in dhaxalka dhanka xukunka ee dalkaas uu yahay mid uusan cid kale damac ka geli karin. Gabar ay walaalo yihiin Kim Jong-un oo lagu magacaabo Kim Yo-jong, ayaa u muuqata qofka iska leh dhaxalka dalkaas, maadaama ay walaalo yihiin, aadna ay ugu dhow dahay walalkeed. Waxaa sidoo kale la sheegaa in ay saameyn ku leedahay xukunka dalkaas. Xaaladda dhabta ah ee hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waa mid kala caddaan doonta mustaqbalka dhow. Taliska dalkaas ayaa ah mid aad looga baqo halka shacabkuna ay dunida inteeda kale ka xirxiran yihiin, taasoo yareyneysa wararka laga heli karo gudaha. Qaran News
