-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu madaxweyne Farmaajo kaga dalbaday inuu ka laabto dacwadda wariye Cabdicasiis Gurbiye oo ah tifaftiraha guud ee Goobjoog xilli madaxweynuhu sheegay in saxaafadda aan loo cuskan doonin xeerka ciqaabta ee la sameeyay 1964 kaas oo ah mid duugoobay. Mahad Salaad oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “Laakiin Mudane Madaxweyne waxaa ka horeeya ballanqaadankan in aad marka hore ficil ahaan u muujiso in ballanqaadkaasi aad fulineyso adiga oo dib ula noqonaya dacwadaha ciqaabta ee aad ku soo oogtay suxufiyiin gudanaya hawlahoodii shaqo kuwaas oo ugu horreeyo Wariye Cabdcasiis Gurbiye kaas oo ah suxufigii bannaanka soo dhigay maashiinkii neefsiinta (Ventilator) ee Madaxtooyadu ka qaadatay Isbitaalka Martiini horraantii bishii Abriil”. Madaweyne Farmaajo waxaa uu ka hadlay in maamulkiisa aanu u dulqaadan doonin in saxaafadda loo aamusiyo fikir siyaasadeed kana hortagi doonno dhib kasta oo loo geysanayo. Halkaan ka akhriso qoraalka uu soo saaray xildhibaan Mahad Salaad Ugu horeyn waxaan hambalyo ku aadan dabbaaldega Maalinta Xorriyada Saxaafada Dunida u jeedinayaa dhammaan saxafiyiinta iyo warfidiyeenada dunida meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan warfidiyeenada Soomaaliya ee si gaar ah ugu shaqeeya duruufo adag oo ay ugu horeeyaan xadgudubyada ay laanta fulinta dowlada federaalka iyo laamaheeda Amniga iyo Garsoorku ay ku hayaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay May 3, 2020 ballanqaaday in dib-u-habeyn lagu sameynayo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed gaar ahaan qodobada halista ku ah xorriyada warbaahinta iyo saxaafadda xilli uu hambalyo u dirayey suxufiyiinta Soomaaliyeed. Waan soo dhoweynayaa. Marka hore Madaxweyne, fulinta ballanqaadkaas waa lagaaga fadhiyaa. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeedna waxa uu kaa sugayaa in aad xukuumada ku amarto in ay si degdeg ah u geeyaan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka hindisaha wax-ka-bedelka Sharciga Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Laakiin Mudane Madaxweyne waxaa ka horeeya ballanqaadankan in aad marka hore ficil ahaan u muujiso in ballanqaadkaasi aad fulineyso adiga oo dib ula noqonaya dacwadaha ciqaabta ee aad ku soo oogtay suxufiyiin gudanaya hawlahoodii shaqo kuwaas oo ugu horreeyo Wariye Cabdcasiis Gurbiye kaas oo ah suxufigii bannaanka soo dhigay maashiinkii neefsiinta (Ventilator) ee Madaxtooyadu ka qaadatay Isbitaalka Martiini horraantii bishii Abriil. Madaxweyne, ballanqaadkaaga ku aaddan dib u habeynta Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo maxkamadeynta suxufiyiinta adigoo adeegsanaya isla qodobbadaasi halista ku ah xorriyadda Saxaafadda waa is ay diidayaan, ifafaalle fiicana uma ahan fulinta ballanqaadkaaga. Madaxweyne, dib ula noqo dacwada aad ku afjigeyso suxufiyiinta Soomaaliyeed adigoo mahadsan Hon. Mahad Salad Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
From Saudi Arabia, United Kingdom, Palestine and many other parts of the world including Kenya, mosques are unusually quiet as calls to evening prayers reverberate across the streets, urging worshippers to pray at their homes. Source: Hiiraan Online
-
Sedex sano kahor abaarihii 7da fiidnimo maanta oo kale, waxaa si bareer ah loogu toogtay agagaarka madaxtooyada walaalkeey oo aan jeclaa Abass Hajji Abdullahi Sheikh Siraji. Ninkii toogtay iyo masuulkii la socday waxay isku dayeen in ay goobta ka baxsadaan balse waa la qabtay. Taariiqda marka ay aheyd 14th June 2017 waxa ay maxkamada ciidamada Qalabka Sidda u fariisatay dacwadii dilkii marxuumka. Taariiqdu marka ay aheyd 19th June 2017 waxa ay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sidda darajadeeda koowaad ku xukuntay gacan ku dhiigle Ahmed Abdullahi Ahmed (Caydiid) dil toogasho ah. Caydiid iyo qareenadiisii waxay go’aankaas ka qaateen racfaan waxayna Maxkamada Qalabka Sidda darajadeeda labaaad dhageeystay tariikhdu markay aheyd 29th July 2017. Waxa ay maxkamadu diiday racfaankii iyadoo markaas ay usoo baxday in dilka u ahaa mid ula kac ah. Taariiqdu marka ay aheyd 31st July 2017 waxa ay maxkamaddu si rasmi ah u shaacisay go’aankii ahaa dil toogasho. Culeys walbo oo jiro, halkaas waxaa ka muuqato in ay jirto Rajo dowladnimo iyo Garsoor shaqadiisii si cadaalad kujirto u qabsaday. Hasi ahaato, Garsoorka markuu gaaro go’aan sida qisaas ama dil toogasho, waxaa loo Gudbiyaa madaxweeynaha si uu u ogolaado kadibna qisaastii loo fuliyo cadaaldiina ku idlaato. Madaxweeynaha oo aanan saxiixin go’aanka maxkamada lama fulin karo. Madaxweeynaha marka loo geeyo go’aanka maxakamada waxaa u banaan : In uu sida loogu keenay go’aanka la qaato oo uu saxiixo qisaastiina sidaas lagu fuliyo In maxkamada uu dib ugu celiyo oo uu faro in baaris dheeri ah la sameeyo- waa hadii ay jirto sabab kalifeeyso. Caadiyan go’aankaan waa in madaxweeynaha ku qaato mudo 14 maalmood gudahood ah. Waxaa kasoo wareegtay in kabadan laba sano iyo bar maalinkii maxkammadda go’aan ka qaadatay welina madaxweeynaha go’aankii maxkamada ma sixiixin. Midaas oo ka dhigeeyso hankii Garsoorka iyo cadaalada aan ka laheyn mid dhicisoobay. Waxaan madaxweeynaha aniga iyo isaga kawada fariisanay oo kawada hadalnay in cadaalad loo helo Marxuum Abass in ka badan 10 jeer mar walbana kulankeenu wuxuu kusoo dhamaanaayay “waa balan ninkii Abass dilay cadaalad ayu marayaa.” Ilaa hadda wax natiijo ah malahan. Marka, waxaan hada la yaabanahay in la gaaray waqtigii la raadin lahaa qaabkii kale cadaalada loogu heli lahaa Marxuum Abass. Hadii xamar ay dishay Abass hadana cadaalad looga waayay, maxaa diidaayo in lafahiisa lasoo faago laguna xabaalo tuuladii uu ku dhashay oo ay awoowyadiis ku xabaalnaayeen? W\Q: guddoomiyaha guddiga maaliyadda golaha shacabka Xildhibaan Maxamuud Siraaji Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa axaddii oo dunida iyo Soomaaliyaba laga xusayey maalinta xorriyadda saxaafadda waxaa uu ballan qaaday in xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee duugoobay ku sameynayo dib u eegis, isaga oo intaa raaciyey inuusan ku habboonayn in lagu maxkamadeeyo wariyeyaasha, xukuumaddiisuna ay ka shaqeynayso sidii looga gudbi lahaa inaan xeerkaas loo adeegsanin wariyeyaasha taasoo u baahan in la sameeyo dib u habeyn garsoor. Xeerkaas waxaa la meel mariyay 1964tii, kamana turjumi karo duruufaha maanta ee dalku ku sugan yahay. Madaweyne Farmaajo waxaa uu ka hadlay in maamulkiisa aanu u dulqaadan doonin in saxaafadda loo aamusiyo fikir siyaasadeed kana hortagi doonno dhib kasta oo loo geysanayo. Haddii Farmaajo uu go’aankaas ka dhabeeyo, waa in la joojiyo dhammaan dacwadaha ku socdo saxafiyiinta ee xeerkan loo cuskaday xataa ka hor inta aan la geyn aqalka baarlamaanka federaalka ah, loona aqoonsado dambi in saxaafadda loo isticmaalo xeer ceebeedkaas. Source: goobjoog.com
-
Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed oo wareysi siiyey Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xeerka saxaafadda Soomaaliya. Cabdinuur ayaa marka hore sheegay in xeerkaan uusan la jaan-qaadi karin nidaamka dowladda Soomaaliya, islamarkaana la sameeyey, xilligii gumeystihii Talyaaniga. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu haatan qorsheynayo inuu dib u eegis ku sameeyo xeerkaasi. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dowladda federaalka marnaba aysan caburin ku heynin saxaafadda madaxa banaan. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan raali ka aheyn in la dhibaateeyo suxufiyiinta Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Wareysi-Agasimaha-Madaxtooyada-Somaliya-Abdi-Nuur-.mp3 View the full article
-
Degmada Dayniile ee gobolka ayaa noqotay hoggaanka degmooyinka ku wada jira group-ka B ee tartan aqooneedka faca weyn ee Idaacadda Shabelle, kadib markii ay xalay tartan adag la gashay dhiggeeda degmada Xamar-Weyne ee gobolkaan Banaadir. Labadaan degmo ayaa isaga hor yimid is-araga labaad ee wareega koowaad, tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Dayniile ayaa keensatay 12 dhibcood, halka Xamar-Weyne ay la timid 12 buundo, sida uu ku dhawaaqay natiijada, Xasan Weli Sheekh Abuubakar. Degmada Dayniile ayaa horay uga soo badisay dhiggeeda Balcad, waxaana ay sidaasi ku noqotay horyaalka afar degmo ee ku wada jira groupka- B, halka Xamar-Weyne ay lugtii hore barbar dhac la soo gashay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Dhanka kale waxaa caawa barnaamijka tartan aqooneedka Shabelle ku madlan degmooyinka Heliwaa iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Dhexe. Heliwaa ayaa horay barbaro ula soo gashay degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir, halka Balcad laga badiyey, kadib markii ay isku beegmeen Dayniile Taaba-gelinta sanadkan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan. Qoraal uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayaa waxuu ku sheegay in ay wadahadleen Madaxweynaha Turkiga. Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa sheegay dhiggiisa Turkiga uu kaga mahadceliyey hiilka walaalnimo iyo agabka caafimaadka ee ay sida deg-degga ahi ugu soo direen Soomaaliya. “Waxaan wada hadalnay Madaxweynaha Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdogan. Aniga oo uga mahadceliyay hiilka walaaltinnimo iyo agabka caafimaad, ee ay sida deg-degga ah noogu soo direen.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku xusay in gargaarka Turkiga uu kaalin mug leh ka geysanayo ka hortagga Covid-19. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxuuna ka caawiyaa dhinacyada tababarka ciidamada, siyaasadda iyo arrimaha bani’aadanimada. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Wr-Subax-oke.mp3 View the full article
-
Mas’uuliyiinta iyo Laamaha Amniga Puntland iyo Galmudug, ayaa maanta oo Axad ah shir deg deg ah ka yeelanaya, dagaalkii habeen hore ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Gaalkacyo. Dagaalkii habeen hore, ayaa ka dhashay weerar ay soo qaadeen malayshiya hubaysan oo ka soo gudbay dhinaca Galmudug, kuwaas oo weeraray saldhiga ciidanka Daraawiishta Puntland ee Teerage oo ku yaalla galbeedka Gaalkacyo. Waxaase tan iyo shalay labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ka socday, dadaallo lagu qaboojinayo xiisadda ka dhalatay weerarka, si looga baaqsado isku dhacyo hubaysan oo ka bilowda gobolka Mudug. Shirka maanta oo ka qabsoomaya dhinaca waqooyi ee Gaalkacyo, waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiinta heer gobol iyo laamaha Amniga labada dhinac, waxaana looga arrinsanaya sidii loo xakamayn lahaa colaadda ka soo cusboonaatay gobolka. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Galmudug oo shir deg deg ah ka yeelanaya xiisada ka dhalatay dagaalkii habeen hore appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dawooyin iyo qalab caafimaad oo uu kamid yahay agabka Sheybaarka ee lagu baaro COVID-19 waxay gaarsiisay magaalada Baraawe, kadib markii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu faray guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 inay ka jawaabaan baahiyaha jira ayna hubiyaan xaaladdda dad ku sugan Baraawe oo lagu arkay astaamaha lagu garto Feyruska Karoona. Howl-wadeenna ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasaaradda caafimaadka oo ay la socdeen dhaqaatiir ayaa maamulka degmada Baraawe iyo guddiga kahor tagga COVID-19 ku wareejiyay qalabka caafimaad. Howl-wadeenna ayaa sidoo kale kormeeray isbitaalka magaalada iyo xarunta loo qorsheeyay in lagula tacaalo bukaannada COVID-19. Dhaqaatiirta oo baaritaan ku sameeyay 14 ruux oo lahaa astaamaha lagu garto COVID-19, ayaa tababaray dhaqaatiir kale oo COVID-19 ka baari doona dadka ku sugan magaalada, kadibna Sample-ka xaqiijin ugu soo dira Muqdisho. Maamulka degmada Baraawe ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay dawada iyo qalbka lasoo gaarsiiyay waxayna codsadeen in lasii wado taageerada si ay ugu guuleystaan dagaalka ay ugu jiraan xakameynta COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya Soomaaliya iyo dunida inteeda kale. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyey agagaarka magaalada Jowhar ee caaamimada maamul goboleedka HirShabelle. Wabiga ayaa ku fatahay tuulooyin dhowr oo hoostaga magaaladaasi, iyadoona ay isaga barakaceen qoysaskii daganaa halkaasi. Tuulooyinka uu wabiga ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah Muriyaale, Lamawaab, Buulo Bishaar, Gaafaay, Timire, Magadley, Raqayle, Dayma Same, Raqayloow Buurdheere, Xaanshooley, Geedo Barkaan, Buur Fuule iyo Jowhar Soomaali. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in laga cabsi qabo in wabiga Shabelle uu ku sii fataho deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Sawirro laga soo qaaday deegaanada uu saameeyey wabiga Shabelle ayaa muujinaya in fatahaado ay tahay mid xoogan, islamarkaana ay biyuhu ku socdaan, si xawli ah. Dhowaan HirShabelle ayaa ugu baaqday dowladda federaalka iyo hay’adaha caalamiga ah inay ka gacan siiyaan ka hortagga fahaada wabiga Shabelle ka sameeyey Jowhar.
-
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dawooyin iyo qalab caafimaad oo uu kamid yahay agabka Sheybaarka ee lagu baaro COVID-19 gaarsiisay magaalada Baraawe, kadib markii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu amray guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 in ay ka jawaabaan baahiyaha jira ayna hubiyaan xaaladdda dad ku sugan Baraawe oo lagu arkay astaamaha lagu garto Coronavirus. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Wasaaradda caafimaadka oo ay la socdeen dhaqaatiir ay maamulka degmada Baraawe iyo guddiga kahor tagga COVID-19 ku wareejiyeen qalabka caafimaad. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kormeeray isbitaalka magaalada iyo xarunta loo qorsheeyay in lagula tacaalo bukaannada COVID-19. Dhaqaatiirta oo baaritaan ku sameeyay 14 ruux oo lahaa astaamaha lagu garto COVID-19, ayaa tababaray dhaqaatiir kale oo COVID-19 ka baari doona dadka ku sugan magaalada, kadibna Sample-ka xaqiijin ugu soo dira Muqdisho. Maamulka degmada Baraawe ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay dawada iyo qalbka lasoo gaarsiiyay waxayna codsadeen in lasii wado taageerada si ay ugu guuleystaan dagaalka ay ugu jiraan xakameynta COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya Soomaaliya iyo dunida inteeda kale. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Shaybaarka COVID-19 gaarsiisay magaalada Baraawe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday warar ku saabsan tacadiyo ka dhan xuquuqda bini-aadamka oo lagu eedeeyey inay geysanayaan maleeshiyaad daacad u ah guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Villa Somalia ay baareyso dhibaatootinka halkaas laga soo wariyey. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in guddi ka kooban agaasimyaal iyo mas’uuliyiin amni uu madaxweynaha faray in ay soo baaraan tacadiga la sheegay in loo geestay muwaadiniin ku nool degmadaasi. Guddigaan oo aan warbaahinta lala wadaagin ayaa sidoo kale kaashan doono mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir. Guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa lagu eedeeyay in Xabsi lagu magacaabo Cusboole oo ku yaala gudaha degamdaasi uu dad badan ku marsiiyay ciqaab adag, islamarkaana ay hadda ku jiraan dad qoraallo soo dhigay akoonada ay ku leeyihiin Facebook. Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay tabinayay warar sheegaya in tacadi xoog leh uu ka jiro degmadaasi. Guddoomiyaha degmada ee lagu eedeeyay dhibaatooyinkaas marna kama hadlin eedeha loo jeediyay, inkastoo dad ku dhow ama taageera ay baraha bulshada ka difaaceen.
-
COVID-19 cooperation to take center stage during bilateral discussions Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay wada-hadal khadka Internet-ka ah la yeeshay madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan. Madaxweyne Farmaajo, ayaa Madaxweynaha Turkiga uga mahadceliyay garab-istaagga dowladda Turkiga iyo agab ka caafimaad ee ay sida deg-dega ah dalka Soomaaliya ugu soo direen, taasi ah oo ah mid loogu talagalay in looga hortago Cudurka Coronavirus. “Waxaan wada hadalnay Madaxweynaha Turkiya walaalkay Mudane Rajab Dayib Erdogaan, aniga oo uga mahadceliyay hiilka walaaltinnimo iyo agabka caafimaad ee ay sida degdega ah noogu soo direen. Gargaarkan wuxuu kaalin mug leh ka gaysanayaanka hortagga iyo la dagaallanka cudurka COVID19” ayuu yiri Farmaajo. Dowladda Turkiga ayaa dorraad Magaalada Muqdisho keentay qalab Caafimaad iyo agabyo kale, kuwaasi oo looga hortagayo faafida Cudurka COVID-19 oo kiisad badan laga helay Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyin kale oo ka tirsan dalka. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Erdogan oo wada-hadal ku yeeshay Khadka Internet-ka appeared first on Puntland Post.
-
Washigton (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu inuu wada aqbalo ama ka wada tago “qorshaha nabadda” Bariga Dhexe ee Trump uu ku dhowaaqay bishii Janaayo. Isaga oo soo xiganaya ilo-wareedyo sare, ayaa taleefishinka Israel ee Channel 13 waxa uu sheegay in Mareykana ay ku war-geliyeen Netanyahu inaysan suurta-gal ahay in qodobadii uu doono uu ka qaato “heshiiska qarniga”, si ay Israel ay ugu darsato qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto. Sida uu sheegay taleefishinka Israel, waxaa jira farqi weyn oo u dhaxeeya Washington iyo Tel Aviv, oo ku aadan ku darashada Israel ee Dooxada Jordan, qeybta waqooyi ee Badda Dhimatay, iyo deegaano kale. Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in maamulka Mareykanka ay weydiisteen Netanyahu inuu heshiiskla ku dhowaaqo ayada oo uu asal u yahay laba dal oo ay kala yeeshaan Israel iyo Falastiin, haddii kale Washington aysan ogolaan doonin qorshaha ku-darsashada. “Shuruudda Mareykanka ayaa ah in Israel wada fuliso qorshaha, balse suurta-gal maaha inay ka qaadato qeybta ay doonto, si ay ugu darsato Daanta Galbeed,” ayuu yiri qof xog-ogaal ah la hadlay Channel 13. Safiirka Mareykanka ee Israel David Friedman ayaa sidoo kale ku wargeliyey Netanyahu in Trump uu doonayo in Israel ay fuliso qorshihiisa, oo wax kale aanu raali ka ahayn. Trump ayaa 28-kii Janaayo ku dhowaaqay wax uu ugu magac dara “heshiiska qarniga”, kaasi oo xaqiijinaya laba dal oo ay kala yeeshaan Israel iyo Falastiin, hase yeeshee magaalada Qudus, ayada oo aan la kala qeybin, ka dhigaya caasimadda Israel. Qorshahan ayaa sidoo kale dhigaya in Israel ay ku darsato deegaanada Yahuudda ee ay ka sameysay Daanta Galbeed iyo Dooxada Jordan, wuxuu diidayaa in qaxootiga Falastiiniyiinta ee caalamka ay kusoo laabtaan dhulkooda, iyo arrimo kale oo muran badan. Falastiiniyiinta, oo Trump xiriirka u jaray 2017, markii uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Yahuudda, ayaa si weyn u diiday qorshaha.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolaal ka mid ah ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo aan sooneen ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada Muqdisho iyagoo cunteynaya, sida ay u kuur gashay Caasimada Online Weriye ka tirsan Caasimada Online ayaa la kulmay tobaneeyo kamid ah ciidanka dowladda federaalka oo cabaya sigaar, qaarkoodna ku cuntaynaya laamiga dhaxdiisa. Sidoo kale weriyaheena Muqdisho ayaa soo arkay dad kale oo aan ciidan aheyn oo magaalada gudaheeda ku cunaya cunto fudud, sida Rooti iyo Kaluun, sigaar iyo cabitaanka sijalka ah. Ramadaanka ayaa u muuqda mid dadka magaalada dhex socda ama jidadka ku cunteenaya ay ka badan yihiin kuwii hore, mana cadda sababta Dadka aan soo aragnay ma aheyn kuwa ay ku jirto cabsi iyo dareen ay ka qabaan bulshada iyo dowladda waxayna dadka kuu sheegayaan in ciidankii arrintaan wax ka qaban lahaa aysan iyagii sooneen. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan ciidanka tirada badan ee aan sooneen oo dowladda u shaqeeya iyo shacabka kale ee aan iyaguna sooneen. Dhamaan dadka aan la kulanay ee aan sooneen waa rag waxayna kuwa ciidanka ah ay ku sugan yihiin baraha kontaroolada ee Muqdisho, halka qaarkoodna aan aragnay iyagoo gaadiid saaran oo sigaar cabaya ama wax cunaya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa xalay khadka telefonka kula xiriirey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne fFarmaajo uu wacay Erdogan, isla markaana uga mahad celiyey taageerada walaalnimo ee dalka Turkigu u soo direy Soomaaliya. “Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaan kaaga mahadcelinayaa mudane Madaxweyne iyo shacabka qiimaha leh ee Turkiga gargaarka deg-deg ah ee aad na soo gaarsiisey, taas oo naga caawineysa in aan ka hortagno cudurka COVID-19,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dowladda Turkiga ayaa maalintii Sabatida Muqdisho ka dejisey diyaarad nooca Milteriga ah oo sidey agabka looga hortago cudurka COVID-19. Kadib gargaarkaas, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri “Mashiinada neefta bixiya (ventilator) ee lagu sameeyey gudaha Turkey waxaa ku neefsan doona walaalaheen Soomaaliya, oo ay ka jirto mashiino yari aad u darran. Dareenkeena waxa uu mar walba la jiraa kuwa la caburiyo ee iyo dalalka baahida qaba.” Kaalmadan agabka caafimaad ah ayaa isugu jirtay maaskaro , galoofyada ilaalinta leh, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, dharka isku-joogga ilaalinta leh ee loogu talogalay xirfadlayaasha caafimaadka, qalabka lagu baaro COVID-19, qalabka neef-siinta (ventilators) iyo agab kale.
-
Cashuurtu Waa Tiirarka ay Dawladu ku Shaqayso Cashuurtu waxay kow ka tahay Hab-maamulka kala socodsiinta Howlaha dawlada taaso ay ku dabareyso hawlaheeda u Qorsheysan iyo ilaalinta hantida umada taaso ay dawladu ku bixiso adeeg hufan oo ay bulshadana wax- ugu qabanayso adeegyada kala duwan sida kabayasha dhaqaalaha ,cafimaadka waxbrashada, tasoo ay Masuul katahay Wasaarada Maaliyada iyadoo sameysa miisaniniyada sanadeed isku dheeli tiran( Budget and expenditure) , hadaba si-guud madama dawlada-dhexe Masuul ugu tahay Dakhliga iyo kharashkaba hadana waaxo kalena wey ururin karan iyadoo oo hab-midaysan wasaarada maaliyadu u record Garaneyso marka waxaa waajib ku ah muwaadin kasta in uu noqdo cashuur-bixiye u hogaansan hanaanka dawlada oo aan cashuurta khiyaameyn Hadaba Cashuurtu waxay ukala baxda laba waaxood oo kala ah (indirect taxes and Direct taxes) Cashuurta dadban iyo Cashuurta Tooska ah , waxaa iyaguna qaadi kara cashuurta dawladaha hoose(local Government ) oo arimaha bulshada horumarinta iyo Qurxinta magaaloyinka Iyana si sharci ah uqaadi kara marka intaa la qaado cashuurtu waa in aad loo ilaaliya in aan la,lunsan oo aan shaqsiyaad aaney lunsan somalialnd wasaarada maaliyada waxaa cashuuraha u qaabilsan waaxda Kastamka iyo Cashuuraha beriga labadaa waaxoodba waa ilaha dakhliga ee wasaarada Maaliyada waa in la xoojiyaa si cashuurta dawladu u hesho cashuurtii waajibtey ,cashuurtu waxay ku waajibtahay shaqsi kasta iyo hayad kasta oo sharci (an individual or legal entity ) hadaynu eegno cashuuraha Beriga oo kale cashuurta ay qadaan waxay ka koobantahay sidan cashuurta Macash-macaashak Road tax Cashuurta wada marista Rent house tax cashuurta guryaha ijaarka ah Stamp duty tax Inheritance tax cashuurta dhaxalka Corporation tax cashuurta shirkadaha Construction befit tax including all income tax cashuurta macashka faa,idada Building taxes cashuurta dhismayasha Payroll taxes cashuurta shaqaalaha Sales taxes Cashuurta iibka Income taxes cashuurta Macashmacaashka Sidoo kale waaxa kastamaduna waxay cashuuran alaaboyinka soo degaya iyo alaabta dalka ka baxaysaba Ama laga dhoofinayo (imports and exports) waana isha ugu muhiimsan ee loo bahanyahay in la hubiyo tacrifadaha waxyabaha soo degaya ee kontiinarada ku jira in la baadho si loo garto si hufan Shaqaalaha Goobta kusugani hubiyaan inaaney dhicin alaab tacrifadeedu qalitahay oo tacrifad jaban lagu cashuuray wana meelaha mar-mar ay dhici kart il-duuf cashuureed ee tii logutalgalay ahay ka dhacdo Waxaa kale oo dawladu qaadi karta cashuuro kale oo magac loo bixin karo hadii loo bahdo Progressive taxes Cashuurta horumarsan Regressive taxes Cashuuraha soo noq-noqda Proportional and flat taxes Cashuur udhigma iyo mid siman Capital gains taxes. Cashuurta rasamaalka ah Excise Taxes cashuur dhaaf Sales Tax cashuurta iibka Property Taxes cashuurta hantida Cashuurta kale ee Dawladuu qaadi karto ee muhiimka ah Waa ta Shirkadaha Isgaadhsiinta Telecommunications taxes and surcharges cashuurta Isgaashsiinta iyadoo laga Cashuurayo incoming calls iyo out going calls waxaana laga cashuuraya internet as local or wireless telephone, cable ,electric Waana cashuurta dawlada Hadyo Jeer ka baaqata, Ganacsatada wadanka waxaan usoo jeedin laha iney dowladooda si hufan ay cashuurta ugu soo xereyaan madama aynu nahay wadan soo kobcaya, By. Abdirizak A.Shire Degree Development . Study Master Degree HRM Qaran News
-
WADAHADALADA SOMALILAND IYO SOMALIA Wadahadaladan hadba warbaahinta doc u walwaalaysaa waxay toos uga hor imanayaan aftidii aayo ka tashiga iyo lifaaqii distoorka Qaranka Somalilalnd ee Bishi May 31st 2001. Ayadoo la tixgelinayo codsigii beesha caalamka, sidaas ayeynu kaga qayb galnay shirkii SHIRKII LONDON EE SOOMAALIDA EE FEBRUARY 23dii, 2012. Tiraba shan jeer oo dambe ayaa madal wadahadal labada dhinac isku horfadhiisteen. Mar haddii go’aamadi shanta kualn ay noqdeen hal bacaad lagu lisay oon Soomaali marnaba daacad ka ahayn in magacii la odhan jirey ‘Jamhuuriyadda Soomaaliyeed’ in wanaag loogu kala baxo, waxa lagama maarmaan noqonaysa in qorshahaa laga hayaamo, loona Digorogto: Qorshaha B, hadduu shaqayn waayoo, waxa loo digorogan ; Qorshaha C, hadduu hirgeliwaayo, waxa loo hayaami; Qorshaha D, hadduu hashkadeeyo, waxa la sahamin; Qorshaha E, Sida ku cad war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Soomaalida beesha caalamku ugu qabatay magaalada London Bishii February 23, 2012, Qodobka 6 ee go’aamada shirka aya qeexaya” in beesha caalamku aqoonsato in la isbarbartaago wadahadalo dhexmara SOMALILAND IYO xukuumadda federaalka ku meel gaadhka ah ama hadba ciddii bedesha si ay u caddeeyaan mustaqbalka cilaaqaadkooda”. Warku wuu cadyahay- Waa laba geesood.Ujeedadu waxa weeye laba dal ayaa wada hadlaya. Madasha waxa goobjoog ka aha 55 ergo oo beesha caalamka wakiilo ka ahaa. Xukuumadda federaalka ku meel-gaadhka ah iyo hadba ciddii bedesha ayaa qaabkay doonto wadahadalada u maamulaysa go’aamadii shirka meelna kagamay jirin. Yaryarka hadda horjoogayaasha ka waxa lagu magacaabo ‘Jamhuuradda Federaalka Soomaaliya’ aragtidoodu waxay taagantahay dib-u-heshiisiin, dhab-u-heshiisiin, tabasho iyo turxaan bixin,iyo midnimo soomaaliyeed! Kuwa bedelidoonaana waa habkaa iyo wax ka sii liita. Halkaa markuu xaal taaganyahay ma mudantahay in wakhti Lagu lumi? Wadahadal daayo in sheekada lasoo hadal qaado ayaaba Somaliland laf-jab ku ah. WAA AYO CIDDA WADAHADLAYSAA? Bal aynu iswediino cidda wadahadlaysa, qaabka loo wadahadlayo, goobta lagu wadahadlayo, iyo waxa laga wadahadlayo? Haddaynu dib u qiimayno sooyaalka wadahadalada Somaliland iyo Somalia waxa cad in aanay marnaba sheekadu ku koobnayn laba dal oo wadahadlaya bal se ay meesha ku jiraan gacmo shisheeye oo dano gaar ah ka lihi in ay daaha dabadiisa ka riixayaan. Waxa kale oo caddaatay in aan Soomaali koonfureed ama dir Walayweyn aanay weli u qudhqudhsamin in magac u yaal beri la odhan jiray Somalia in uu haligmay oo laga hayaamay isagoon markiisa horeba dhalashadiisu waafiqi weyday xeerarka caalamiga ee dunida lagaga dhaqmo. IMISA JEER AYAA LA WADAHADLAY? Tiroba lix jeer ayaa Somaliland iyo Somalia kulmeen sida hoos ku xusan: London Conference on Somalia, Lancaster House February 23rd 2012; Chevening House Declaration, June 21st 2012; Dubai Statement, June 28th 2012; Ankara communique, April 13th 2013; Final Communique of the Somaliland and Somalia Dialogue Held in Istanbul, 7th -9th July, 2013; Istanbul II Communique, 19th February, 2014; Djibouti Agreement, 21st December, 2014. Mar hadday caddaaatay in aan Soomaali Konfureed sinaba daacad uga ahayn, meesha ma taal sabab sheekadan loo sii wadaa. Aragtida, caqliyadda, iyo Walaweyn garshadeed waxba inooguma dhin. Horjooga xamar ee lagu ilaaliyo Villa Wardhiigle isaga caabuq dillaa ah ayaa ku habsaday- Maba qarsado oo wa kan goob walba la soo taagan: “Haddee qaantii reer adoogay Ayaan raadkeedii ku job.” Intii qormadan akridaay yarkan qaanta ka maqan iyo ciday ku maqantahay ha ku igaga masuugina. Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse May 3rd, 2020. Qaran News
-
“Halkii aad mid Qurmis ah (Isaaq ah) ilme uga dhali lahayd, waxa ka fiican inaad aniga ii dhasho garac dawladda taageersan”, ayay odhan jireen kolka ay soo galaan guriyaha si ay u baadhaan, balse xaqiiqadu ay ahayd inay doonayaan inay kufsadaan dumarka quruxda badan. (Human Rights Watch, A government at war with its own people, bogga 124) Ragga Isaaqa ah mar walba waxa lagu odhan jiray: “Orda oo soo kaxaysta dhillooyinkiinii”, iyada oo loola jeedo hooyooyinkood iyo hablaha ay walaalaha yihiin. Dhacdooyinkaas qadhaadhi waxay ahaayeen kuwii aan noo reebin dhibic yarna ha noqoto e wax sharaf ah, dadkana u rogay kuwo sida ay u dhan yihiin dawladda ka soo hor jeeda, ayuu yidhi Maxamed Abiib Muuse oo HRW ku waraysatay Jabuuti, 6 Ogos, 1989-kii. Siraad (ma aha magaceega runta ah) oo ay HRW Jabuuti ku waraysatay Ogos 3, 1989-kii waxay tidhi: “Ragga ayay dibadda uga saari jireen guriyaha iyaga oo ciidanka qaar ka ilaalin jiray inay gudaha soo galaan, halka ay dumarkana gudaha ku kufsan jireen, kaliya si ay u bahdilaan ragga, xiitaa ma ay dhaafi jiray dumarka waaweyn. Mararka qaar, gabadha waxa wada kufsan jiray koox ciidan ah. Dad badan oo bakhaaro lahaa, tukaanno lahaa, ganacsadayaal ahaa ama shaah iibin jiray ayaa iska xidhay oo si toos ah ugu biiray SNM, maadaama oo inta ay halkaas iska fadhiistaan aanay daawan karayn waxa ku dhacaya xaasaskooga, hablaha ay dhaleen, hablaha ay walaalaha yihiin, qaraabadooda, asaxaabtooda iyo jaarkoogaba”. Amaal Jaamac ayaa sheegtay gadoodka uu keenay awood la’aantii shacbigu: “Wax kastaaba ha ku dhacaan qofka dhibbanaha ah e, uma ay sheegi karayn qoyskeega iyo dadkeega maadama oo aanay waxba u qaban karayn. Waxa qudha ee lagula talin jiray waxay ahayd in aanay dibadda u bixin inantu, oo ay ahaato maxbuus guriga ku dhex xidhan”. Reer Miyiga ayaan iyaguna ka nabadgelin kufsigaas bahalnimada ahaa. Wuxuu ku bilaabmay in hablaha meelahaa bannaanada xoolaha ku eegaya ay kufsadaan. Dabcan kolka miyiga la joogo, inanta kaligeed ayaa loo diraa adhiga, lo’da iwm, cidladaas ayay aad uga faa’iidaysteen inay hablahaas ku kufsadaan (ibid, bogga 93aad) Ciidankii dawladda Afweyne, waxay ag fadhiisan jireen goobaha ay dadka reer miyiga ahi ku kaydsadaan biyaha sida barkadaha. Laba sababood ayaa keenaysay inay ag degaan: inay kufsadaan wixii dumar ah ee loo soo diro inay halkaas ka soo dhaamiyaan iyo inay dadka ka xayiraan cabitaanka biyahaas si ay harraad ugu dilaan. Halkaas kuma ay ekaan, iyada oo ragga reer miyiga ah loogu soo gabbanayo inay SNM taageersan yihiin qabiilkooga awgeed, toogasho joogto ah ayaa lagu bartilmaameedsan jiray, halka ay dumarkana guriyahooga dhexdooda kaga kufsan jireen iyaga oo hooyo inanteeda isku meel, isku mar ku kufsanaya. Hay’adda GAO, bogga 2aad ee warbixinteeda waxay ku sheegtay in kufsigu gaadhay heer uu maalinle noqdo, gabadh walibana ay si joogto ah bartilmaameed u noqoto. Kufsiga reer miyiga waxa cirka ku sii shareeray qoxoontigii Ogaadeenka ee la hubeeyay. Qoxoontigas hubayntiisa waxa barbar-socotay in hub-ka-dhigis lagu sameeyay reer miyigii Isaaqa, taasi oo ka dhigtay qaar fara-madhan aan waxba iska waabin karayn. (Mawduucan qoxoontiga Ogaadeenka waxaan kaga hadli doonaa qaybaha dambe). Waxay gaadhay in gabadha Isaaqa ah isku si loogu kufsado bannaanka iyo gurigeega dhexdiisaba, oo aanay meelna ku nabadgelin. Bahdilaadda iyo dullaysiga heerkaas gaadhsiisnayd, kuwa ku sheegaya inay dawlad wanaagsan ahayd ama Soomaalilnimo ahayd, waa laba midkood uun: mid ku raaxaysanay in hooyadii iyo walaashii lagu ag kufsado ama mid doonaya inuu sameeyo wax la mid ah wixii ay kuwaasi samayn jireen. Nin kasta oo ka dagaallamay foolxumaayinkani, wuxuu sameeyay wax kasta oo uu samayn lahaa nin ay tani ku dhacday, xiitaa gaalada ayaa sidaas samayn lahayd, qof islaam ah oo dumarkiisii xurmaysnaa sidaas loo galay iskaba dhaaf e. Tixraac: Human Rights Watch, a government at war with its own people. Bogga (124 – 125). GAO, Nothern conflicts and resulting conditions Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
