Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Iyada oo dalku uu ka jiro Covid 19, baarlamaanka federaalka ah oo fasax tahay ayaa hadana waxaa dhow doorashada 2020/2021 oo ay aheyd in xilliga ay meel fiican mareyso. Haddaba Goobjoog News ayaa arrintaas kala hadashay Prof Afyare Cabdi Cilmi, Cabdinuur Daahir, Faysal Cabdi Rooble iyo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim. Ugu horreyn, Prof Afyare Cabdi Cilmi oo barre ka ah jaamacadda Qadar islamarkaan wareysi siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka hadlay in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah iyo in kale waxa uuna carabka ku adkeeyay in dalka kaliya ay ka dhici karto doorasho qabyo ah. Afyare oo sii hadlay ayaa tibaaxay in dowladda Soomaaliya aysan awood u lahayn doorasho qof iyo cod ah taas oo ka dhacdo gees ka gees Soomaaliya isaga oo yiri “Doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda gees ka gees ma u maleynaayo inay taas hadda jirto, sababtana wax kale maa ahane dowlad hadda dalka dhan gacanta ku haysa maba joogtaba haddiiba ay wax dhacayaan waa inay dhacaan wax qabyo ah”. Dhanka kale Prof Afyare ayaa tilmaamay in haddii dhamaadka sanadkan ay dowladdu keeni weyso xildhibaanno cusub in iyada uun laga doonayo in sameyso hab lagu heli karo doorasho maadaama dadka oo dhan ay wada sugaan doorasho waqtigeeda ku dhacda isaga oo yiri“Hadda dhibaatooyin badanaa jiray saas oo ay tahay dowladu ayaa isbadalayay horaa loo soconaayay haddii rabitaan jiro oo madaxdu ay ka go’an tahay way sameyn karaan wax uun way sameyn karaan waxaasi waa inay iyagu ka heshiiyaan” . Sidoo kale Afyare Cabdi mar aan wax ka weydiinay in dowladda haatan ay ku dhaqaaqi karto muddo kororsi ayaa ku jawaabay”Walaahi anigu hadda muddo kororsigu sida uu ku iman karo ma aqaano labo wadduu ku yimaadaa sharciga inuu ogolyahay iyo in siyaasad ahaan looga heshiiyo laakiin qodob aan ogahay oo ay cuskankaraan iima muuqdo, laakiin waxaan kaloon ognahay waayahaan dambe oo dhan waxa inta si ula kac ah dib loogu dhigo oo la lug jiido ayaa marka saddexda bilood ee dambe la eryaa oo la rashgareeyaa laga yaabee inay taas hadda isleeyihiin taas ayaan yeelaynaa waana inay isku yimaadaan saamileyda siyaasadda dalka si ay go’aan uga gaaraan waqti intee la eg ayaa lagu dari karaa” ayuu yiri. Dhankiisa, Cabdinuur Daahir oo ah cilmi baare iyo falanqeeye ka tirsan machadka talefeshinka qaranka Turkiga ee loo yaqaan TRT oo isagoo ku sugan magaalada Istanbul oo u warramay Goobjoog News ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in sababo jira aawadood aysan dalka ka qabsoomi Karin doorasho qof iyo cod ah. Falanqeeye Cabdinuur ayaa sababaha ku hor gudban doorasho qof iyo cod ah waxa uu soo qaatay in haatan aysan muuqan hididiilo ku aaddan in dowladdu u diyaar garowdo doorashadaasi, in amniga guud ee dalka aysan gacanta ku hayn iyo in Soomaaliland ay meesha ka maqantahay sababahaasi oo diidaya inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. “Uma muuqato inay hididiilo jirto dadaal in la bixiyay dowladdu waxay ku dhawaaqday sharciga hal qof iyo hal cod hase ahaayee sababaha amni oo jira dartii oo waddanki oon gacanta ugu jirin dowladdii Soomaaliland oo kale oo aan doorasho ka dhici Karin intaas oo dhan hadda waxaa ka sii daran cudur COVID-19 oo dadkii fara ba’an ku haya, cudurkaas inay la tacaasho oo ay hadda dowladii ku mashquulsantahay mana ka dhici karto doorashadaas” ayuu yiri Cabdinuur Daahir. Dhanka kale Cabdinuur ayaa shegay in dastuurka dalka uu qabo in doorashooyinka qaranka dib loo dhigi karo haddii ay dhacaan musiibooyin “Dastuurka xitaa dowladda federaalka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah waxa uu dhigayaa in haddii musiibooyin qaran ay imaadeen in doorashooyinka ama shaqooyinka mudnaanta u leh in dib loo dhigi karo”. “Soomaaliya doorashadeeda dadka saameynta ku leh ama taageeraya beesha caalamka aa ka mid ah oo lacagta doorashada lagu sameeya dhiiba waxaa sidoo kale ka mid ah ciidanka AMISOM labadoodiba waxa ay ku mashquulsanyihiin inay iska difaacaan cudurka Coronavirus marka waxaan isleeyahay haddii ay dhacdo in Coronavirus sadexda ama afarta bil ee soo socota laga guuleysto waa laga yabaa in doorashadu laba ama saddex bil dib ha u dhacdee inay dhacdo laakiin haddii caalamka ay ku qaadato 5 bilood Soomaaliyana ay ku qaadato 10 bilood in doorashadu hal sanno dib u dhacayso ayey ila tahay” ayuu sii raaciyay Cabdinuur Daahir. Falanqeeyahan ayaa sidoo kale sheegay in xitaa Soomaaliya haddii uu waqtigaan ka dhamaado Coronavirus ay marwalba doorashadu waqtigeeda kadaba marayso isaga oo yiri “Anigu waxaan qabaa oo aan isleeyahay marwalba doorashaan Soomaaliya dib waa u dhacaysaa xilliga loogu tala galay ma qabsamayso Corona dhan haddii xitaa Soomaaliya laga waayo ma suurta galaeyso in bisha December ee soo aaddan baarlamaanka dalka lagu soo doorto hal qof iyo hal cod”. Waxaa sidoo kale, doorashada 2020/2021 Goobjoog News kala hadlay ka mid ah, aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble oo ah khabiir ka faalooda arrimaha geeska Afrika isaga oo yiri “Aad baa loogu baahanyahay inay isku yimaadaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo hay’adaha kala duwan meel kaliyana looga wada taliyo, madaxweyne Farmaajo oo dalka ugu sareeya iyo ra’isulwasaarihiisa inay geed gaaban iyo mid dheer ha u fuulaan sidii xurgufta dhextaal loo laali lahaa xataa haddey noqoto lixda bilood ee soo socoto, dan uma ahan madaxtooyada Villa Soomaaliya inay si laab la kac ah ula dhaqaaqdo muddo kororsi dadka iyo dalka oo dhan dan baa ugu jirta iyo maamul goboleedyada bal inta aan lagu dhawaaqin in lakala warqaato” . Xaliimo Ismaaciil Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegtay in guddiga ay shaqo wadaan, oo haddii lagu dhaqaaqo in doorasho la qabto ay awoodaan. Mar aan weydiiney sida Covid 19 u saameyn karo shaqadooda waxa ay tiri “ Waan ku faraxsanahay, dadkana ay aad uga welwelaan, waddankan waxaa uu soo maray dhibaatooyin badan, waxaa uu soo maray xuquuq la’aan, dimoqoraadiyad la’aan, isdardar iyo is dilid, waxaanna hiigsaneynaa adduunka sida uu u socdo, kama duninin, oo dad banii’aad ayaan nahay, xoolo ma nihin, maskax ayaa ilaah na siiyey, dadku waa fekerayaan oo dunida wax fiican ayaa ka socdo.., waxaa lagu wada fekeraa in aan noqonno kuwa wax fiican hiigsada, doorasho wax caan ah, oo adduunyada oo dhan ka dhacda, oo qofkii, hey’addii ama dadkii la rabay in dalkaan maamulaan, in la doorto, oo raali laga yahay, shacabkeena middaas ayey sugayaan, xuquuq ka maqan waayey 50 sano. Covid dunida ayaa la mid nahay, waan ka tabar yahay, oo 30 sano ku dhawaad dagaal ku jiray ama soo kabanaayo, hadana la isma dhiganaayo, oo wixii la qaban karo ayaa la qabanaa, oo sida adduunka u saameeyo ayuu noo saameyn doonaa”. Guddiga baarlamaanka u saaray habraacyada waxay ka tiri” Waajibka saaran waxaa waayey, afta qeybood ee ahaan magaalada Muqdisho maxaa laga yeelayaa? Haweenka side loo ilaalinaa 30%, Somaliland xagee doorashadeeda laga qaban doonaa iyo kuraasta xagee la kala geynaa golaha shacabka”. Ma dhaceysaa doorasho qof iyo cod ah sanadkan waxaa ay ka tiri “Doorasho qof iyo cod ah wey dhaceysaa haddii umadda Soomaaliyeed ay u soo diyaar garoobaan, guddi ahaan innaga diyaar ayaan u nahay iney dhacdo doorasho” Ugu dameyntii waxaa ay Xaliimo Ismaaciil guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka ay sheegtay in May 27 hotgati doonaan Baarlamaanka iyaga oo wada go’aanka la xiriira dhicista doorashada ee waqtigeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. 140 haween danyar ah ayaa kafaa’ideesatay deeq lacageed oo hay’ada Hormuud foundation iyo Salaam Bank ay gaarsiiyeen, iyadoo munaasabada lagu qeebinayay deeqdan oo ka dhacday xarunta dhalin yarada gabolka Banaadir ay soo qabanqaabisay gudoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab Ugu horeyn Jawaahir Baarqab, ayaa Hormuud Foundation iyo Salaam Bank uga mahadcelisay deeqda lacageed ee lasoo gaarsiiyay haweenka danta yar , waxaana ay sheegtay in haweenkan ay yihiin kuwo shaqooyinkoodii uu sameeyay caabuqa Covid-19. Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir ayaa tilmaantay in haweenkan danta yar ay isugu jiraan kuwa haysta caruur agoon ah, kuwo baahiyaha gaarka ah qaba oo lagasoo kala xulay 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, iyadoo ku tilmaantay shirkada Hormuud in ay tahay halbowlaha ama udub dhexaadka bulshada Soomaaliyeed. Madaxa hay’ada Hormuud foundation iyo Salaam Bank Cabdullahi Nuur Cusmaan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay barnaamij lagu kaalmeynayo dadka danta yar kaasoo mudo ay soo wadeen, isagoo hoosta ka xariiqay in iyadoo laga duulayo shaqa la’aanta ka dhalatay Covid-19 deeqdaan ay soo gaarsiiyeen haweenkan danta yar. Haweenka danta yar ee maanta loo qeeybiyay deeqda lacagta ah ayaa u mahceliyay Hormuud Foundation iyo Salaam Bank iyagoo tilmaamay in xiligii ay u baahnaayeen in lasoo gaarsiiyo iyagoo hadalo ubadan duco ujeediyay muxsiniintii soo gaarsiisay gargaarka. Dhinaca kale Cabdullaahi Nuur Cusmaan ayaa sheegay in shirkada Hormuud ay gacan ka geysanayso dhismaha qeybta labaad ee loogu tala galay in lagula tacaalo dadka qaba xanuunka Covid-19 iyada oo sidoo kale ambalaasyo ay ku deeqi doonaan Isbitaalka Martini oo ah halka lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in maalin kasta Hormuud Foundation iyo Salaam bank ay kaqeyb qaataan afurinta dad badan isaga oo sheegay in lacag gaaraysa 10,000 oo doolarka Mareykanka lagu afuriyo dad aad ufara badan oo dan yar ah. Barnaamijka lagu taakulaynayo dadka danta yar ayaa Hormuud Foundation iyo Salaam Bank waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay kawadeen gudaha dalka Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho iyadoo ay kafaa’iideesteen dad aad ufara badan waxaana madaxda hay’ada ay balan qaadeen in ay sii laba jibaari doonaan wax uqabashada dadka danta yar. View the full article
  3. Tan iyo markii qalabka lagu baaro cudurka Covid 19 la geeyey dowlad goboleedka Puntland, waxaa laga helay kiisas badan. Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo xalay ka warbixiyey tirada laga helay saacadihii ugu dambeysay ayaa sheegay in la baaray 22 ruux , xanuunkana laga helay 8 qof oo rag ah oo ay ku jiraan 2 ka mid ah wasiiradda Puntland. Dhanka kale, wasiirka Caafimaadka waxaa uu intaas ku daray in qofkii 2-aad uu Puntland ugu geeriyooday Covid-19, kaas oo ku dhintay xarunta karantiilka Garowe. Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha Covid-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 59, halka labo qof ay ugeeriyoodeen xanuunka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa war ay soo saareen oo lagu baahiyey warbaahintoda ku sheegtay dilka goolhayihii hore ee xulka kubadda cagta qaranka Soomaaliya Cabdiweli Colaad Qanyare Gaatamow. Allaha u naxariistee Gaatamow ayaa waxaa xalay lagu dhex dilay masjid ku yaalla degmada Afgooye, halkaasi oo ay ku weerareen rag hubeysan, isaga oo tukanayey saaladda Taraawiixda. Qoraalka warbaahinta Al-Shabaab lagu daabacay ayaa lagu sheegay in inay hawlgal gaar ah ku dileen wax ay ugu yeereen Sarkaal ka tirsanaa dowladda federaalka Soomaaliya, inkasta oo xaqiiqda ay tahay in Gaatamow aanu ka tirsaneyn dowladda “Hawlgal gaar ah oo ciidamada Mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha Degmada Afgooye ee Wilaayada Shabellaha Hoose waxay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa kooxda ridada Soamaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka mintidiinta Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegtay in Gaatamow uu ahaa gudoomiyihii isboortiga ee dowlada federaalka ee degmada Afgooye. Si kastaba, cayaaraha Soomaaliya iyo xiriirkaba ayaan wax shaqo ah ku lahayn dowlad, waana xiriiro ka madax banaan siyaasadda, oo xitaa haddii dowladda ay faro-gelisay horseedi karta ganaax ka yimaada xiriirka kubadda cagta caalamka ee FIFA, waana wax yaab leh in Shabaab ay Gaatamow ku sheegto inuu ka tirsanaa dowladda. Shabaabka hubeysan ee dagaalka dhiigga badani ku daadanayo dalka ka wada ayaa waxay xilliyada qaarkood ay dadka ku dhex dilaan Masaajida, xilli ay sheeganayan inay diinta Allah u dagaalamayan.
  5. Boosaaso (PP) — Dunidu maanta waxay ku jirtaa xaalad caafimaad oo degdeg ah Covid-19 awgiis. Dalal badan waxay ku baraarugsan yihiin cunto-yari dhici karta marka dalalku boob-iibsanayaan xoolaha. Dalalka Carabtu waxay si degdeg ah u iibsanayaan xoolaha Soomaaliya. Hal barmiil oo shidaal aan sifaysnayn ihi wuxuu joogaa in ka yar 25 doollar. Neefka ariga ihi wuxuu marayaa boqol doollar. Haddii xoolo dhoofiyeyaashu awoodaan waxay wada dhoofin lahaayeen xoolaha Soomaalida oo dhan waayo dalku ma laha hay’ado haya tirada xoolaha aannu dhaqanno si aan loo xaalufunin xoolaha haray. Muddo ku dhow soddon sanadood waxaa hoos u dhacayay wax soo saarka beeraha beeralayda badankood oo barakacayaal noqday awgeed. Reer guuraagu ma lahayn hab beekhaamin (barkaduhu waa wax cusub mana badna) ama uma took-hayaan abaaraha ba’an oo soo noqnoqda. Beeralayda Soomaaliyeed waxay ugu diyaargaroobi jireen waqtiyada adadag samaynta bakaaro — godad dalagyada soo go’ay oo dheeriga ah lagu keydiyo si loogu baxsado marka abaari ay dhacdo. Dunidan casriga ah abaar oo keliya may keento cunto-yari. Xaaladda dhaqaalaha ( tusaale marka dalalka qaarkood canshuuro sarsare ku soo rogaan waxyaabaha loo soo dhoofiyo) ama dagaal weyn baa keeni kara cunto-yari ama macaluul. Mararka qaarkood siyaasiyiinta ayaa si u la kac ah u abuura cunto-yari ama macaluul iyagoo u danaynaya ganacsato ama hirgelinaya siyaasado aan laga baaraandegin, sida dhacday qarniyadii 19aad iyo 20aad. In ka badan soddon sano Soomaaliya may lahayn bedqab cunto (food security). Colaado iyo burbur baa Soomaalida u sii nugleeyay abaaraha, daadadka iyo fatahaadyada. Wax soo saarka baddu aad buu hoos ugu sii dhacayay. Beeralay, kalluumaysato iyo xoolalay baa Soomaaliya quudiya. Seddexdan dabaqadood ee bulshadu waa kuwa ugu dulman waayo si xaq ah uma helaan dheefta wax soo saarkooda. Bulshooyinka qaarkood xoolalay iyo beeralay waxay ku tilmaaman yihiin hantiley — dad hodan ah. Xooluhu waxay Soomaaliya soo geliyaan lacag adag. Waa sababta ganacsatadu u maalgeliyaan dhoofinta xoolaha. Maalgelinta beeruhu waxay u baahan tahay aqoon iyo waayo-aragnimo aan la heli karin haddii beelihii beeralayda ahaa aysan helin kalsooni ay beeraha ku fashaan. Soomaaliya waxay leedahay xoolo-dhaqato, kalluumaysato iyo beeralay oo aan helin maalgelin iyo dhiirrigelin ku habboon. Badeecooyin badan oo aannu dibadda ka keenno ayaannu kaga maarmi karnaa u soo jeesashada maalgelinta iyo kobcinta quudiyeyaasha qaranka — beeralay, xoolalay iyo kalluumaysato — si dadkeennu uga badbaadaan cunto-yari ama macaluul laga hortagi karo waqtiga dhow iyo waqtiga dheerba. © Puntland Post, 2020 The post Miyay Soomaaliya diyaar u tahay cunto-yari dunida ka dhici karta? Faallo appeared first on Puntland Post.
  6. Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay in qof labaad uu geeriyooday xanuunka COVID-19 wasaaradda ayaana intaas ku dartay in ruuxaan horay loogu arkay calaamadaha Coronavirus ka dib wasaaraddu ay karaantiil ku samayasay. Wasaaradda ayaa sidoo kale ku sheegtay warbixinteeda maalinlaha ah ee wasaaradda in baaritaan lagu sameeyey 22 ruux oo ku sugan deegaannada Puntland xanuunka laga helay ilaa 8 ruux kuwaas oo ku kala nool gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug sida wasaaraddu ay ku sheegtay qoraal kooban oo ay soo gelisay barteeda Facebooke. Wasiirka waafimaadka Caafimaadka dowlad goboleedka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa dhanka kale xusay inay walaac badan Puntland ay ka qabto faafitaanka Feyruska COVID-19 ,isla markaana Shacabka reer Puntland ay yihiin kuwo aan feejignaan badan ka qabin Cudurka iyo faafitaanka uu bulshada ku dhex samaynayo isaga oo guud ahaan shacabka ugu baaqay in ay feeljignaan badan muujiyaan. “07 May, 2020: Sida uu wasiirka caafimaadka dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan caawa warbaahinta usheegay waxaa korortay 24 saac ee la soo dhaafay dadka laga helayo xanuunka Covid 19. Wasiirka ayaa cadeeyay in maanta la baaray 22 ruux , xanuunkana laga helay 8 qof oo rag ah. Dadka laga helay waxaa ku jira labo ka mid ah wasiiradda Puntland oo xaaladooda ay wanagsantahy. Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in qofkii labaad uu Puntland maanta ugu geeriyooday xarunta kaas oo ku dhintay xarunta karantiilka Garowe. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 59 Halka labo qof ay ugeeriyoodeen xanuunka” Xaaladda guud faafitaanka xanuunka Coronavirus ayaa saamayntiisa maalinba maalinta ka dambayso lagu arkayaa gobolada dalka iyadoo dhammaan dowlad goboleedyada dalka ay xaqiijiyeen kiisas kala duwan oo xanuunka COVID-19, magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ilaa iyo hadda ah goobta ugu badan ee lagu arka kiisaska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyn ayaa sheegay in saaka magaaladaasi ay ka barakaceen dad badan, ka dib markii wabiga shabeelle uu fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid ah magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Hiiraan. Dad badan oo ku noolaa Baladweyne ayaa saakay ka barakacaya halkaasi,iyagoo u ambabaxaya dhinca deegaanka Ceeljaale ee Duleedka Magaalada,waxaana jirta cabsi xooggan oo laga qabo in guud ahaan Biyahu ay gaaraan Magaalada qeybaheeda kla duwan. Maamulka Gobolka Hiiraan kan Degmada Baladweyene, Ganacsato iyo dadweyne kale oo iskaashanayaa ayaa maalmahaan waday howlo lagu carro tuurayo goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Wabiga waxaana wali socdo dadaalo lagu xakameynaayo . Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda ku howlan dadaalo iyo qorshayaal looga hortagaayo qatarta wabiga shabeelle ee Magaalada baladweyne,ka dib markii halkaasi la geeyay qalab loogu talagalay in carro tuur loogu sameeyo wabiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Africa (Caasimadda Online) Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka walaacsan xaaladda caafimaadka qaaradda Afrika, waxeyna ka digtay iney tiro ka badan 100 kun oo qofood u geeriyoon karto cudurka COVID19 hadii lagu guuldareysto in bulshada ay raacaan talaabooyinka lagu xakameynayo xanuunka. Sida la sheegay WHO waxey saadaalineysaa in ku dhawaad laba boqol kun (200,000) qofood ay u dhiman karaan safmarkaan hadii aan la raacin hababka looga hortago. Matshidiso Moeti oo ah agaasimaha Afrika ee hay’adda caafimaadka Adduunka ayaa qiray in Africa uusan si xawli ah ugu fidin xanuunka, balse ay macquul tahay inuu sare u kac sameeyo hadii aan la raacin tallaabooyinka looga fogaanayo. WHO waxey soo jeedisay talooyin caafimaad oo ay tahay in la raaco si looga fogaado xanuunka, balse in laga adeegsado qaaradda Afrika waa wax aad u hooseeya. Haweeneyda WHO u qaabilsan Afrika waxey warbaahinta u sheegtay in loo baahan yahay dabagal dheer in lagu sameeyo baaritaanada COVID19, sidoo kalana daaweyn iyo karantiilba loo sameeyo qof walba oo laga helo.
  9. Shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID-19 oo xalay ka qabsoomay isgaarsiinta Internet-ka, ayaa waxaa Shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali khayre,iyada oo looga hadlay qodobo dhowr sh. Shirka ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa ballaarinta wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada oo ah tirada ugu badan ee laga helayo feyraska Karoona. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa faray Xubnaha Guddiga in ay badiyaan wacyigelinta Bulshada ee la xiriirta ka hortagga Cudurka safmareenka ah ee COVID-19. Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 ee uu Guddoomiyaha ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay yeesheen kulan joogto ah,kaas oo laga soo saaro go’aamo looga hortagayo Coronavirus,kuwaas oo qaarkood aan weli dhaqan gelin. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo amar siiyay Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 appeared first on Puntland Post.
  10. Waxaa Kismaayo ka socda qabanqaabada aas Qaran oo halkaas loogu samaynayo Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Maxamuud oo ku geeriyooday Dalka Hindiya. Meydka [...] Source
  11. Dadkii ugu badan ee ku nool Beledweyne ayaa saakay ka barakacaya Magaalada ka dib markii wabiga shabeelle uu fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada haba ugu badnaato xaafada xaawo taako. Dadka ayaa la sheegay inay aadayaan dhinca degaanka Ceeljaalle ee Duleedka Magaalada Beledweyne si la mid ah ay sanadkii horey ay ku barakaceen waxaan jirto cabdi xooggan ah oo ah in guud ahaan Biyaha ay gaaraan Magaalada . Maamulka Gobolka Hiiraan kan Degmada Baladweyene iyo Ganactasada oo iskaashanayaa ayaa maalmahaan waday howlo lagu carra-tuurayo goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Wabiga waxaana wali socdo dadaalo lagu kameynayo. PUNTLAND POST The post Barakac xooggan oo ka socda Beledweyne appeared first on Puntland Post.
  12. Washington (Caasimadda Online) Warbaahinta Mareykanka ayaa durba tabineysa inuu jiro walaac laga qabo xaaladda caafimaad ee madaxweyne Donald Trump, waxaana jira shaki laga qabo inuu haleelay xanuunka safmarka ah ee Coronavirus. Sida ay soo tabisay warbaahinta, Askari ka tirsan ciidamadda Badda Mareykanka ayaa laga helay xanuunka kadib markii dhawr jeer baaritaan lagu sameeyay, wararka la helay ayaa sheegaya in Trump uu ka carooday maadaama uu ku baraarugay wakhti dhaw. Talafashinka CNN ayaa warbixintaan baahiyay, sidoo kale ku xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Hogan Gidley ayaa kiiska Askariga la wadaagay saxaafadda. Walaaca laga qabo in Trump ayaa jira, balse waxaa sidoo kale jirta in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa la marsiiyay baaritaan lagana waayay fayriska. Dhamaadkii sanadkii hore ayey aheyd markii uu xanuunkaan ka dilaacay Shiinaha, tan iyo markaas waxaa jiray su’aalo badan oo la iska weydiiyay xaaladda caafimaad ee Trump. Mareykanka waa wadanka ugu horreeya dhan walba saameynta xanuunka Coronavirus, in ka badan hal malyan oo ruux ayuu soo ritay xanuunka, waxaana u geeriyooday dad ku dhaw 100 kun.
  13. Mareykanka oo shaaciyey lacagta ay doorashooyinka Somalia ku bixinayaan iyo xilliga ay tahay inay dhacaan Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday lacagta ay ku taageereyso doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya dabayaaqada sanadkan illaa horraanta sanadka dambe. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, oo shalay jir jaraa’id oo dhanka muuqaalka intenetka ah u qabtay suxufiyiinta Muqdisho, ayaa sheegay in qambsoomidda doorashooyinka Soomaaliya ay u diyaariyeen lix milyan oo dollar. “Waxaan heynaa lacag aan ku caawineyno doorashada taasi oo dhan qiyaastii lix milyan oo dollar, oo 4 milyan oo ka mid ah aan hadda gacanta ku hayno,” ayuu yiri Yamamoto. Yamamoto ayaa sidoo kale sheegay inay doonayaan in doorashooyinka ay ku dhacaan waqtigooda, taasina ay kala hadleen madaxweynaha iyo guddiga qaran ee doorashooyinka. “Doorashada soo socota, muhiimada waa qabashada doorashada waqtigeeda, waa inaad aamintaan tani waa midda aan kala hadlay madaxwayne Farmaajo, ra’iisul wasaraaha, gudoomiye Xaliimo Yareey iyo beesha caalamkaba, muhiimada ugu weyn waa qabashada doorashada waqtigeeda,” ayuu yiri danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ah in la qabto doorasho dadka ay codeynayaan iyo in laga gudbo nidaamka qabiilka ku dhisan. “Waxaan dooneynaa in habkii qabiilka laga gudbo, oo baarlamaanka ay dadka doortaan, markaaas wax waliba oo aad rabtiin waan idinka taageyreynaa 100 %, sababta oo ah waa doorashadiina, sidaas darteed waxaan bixineynaa taladda ugu fiican,” ayuu yiri Yamamoto. Hadalka Yamamoto ayaa imanaya ayada oo ay jiraan warar sheegaya in madaxda dowladda federaalka ay doonayaan in doorashada dib loo dhigo, ayaga oo ku cudurdaaranaya cudurka Coronavirus. Qaran News
  14. Adis ababa 08/05/2020–Pi– kadib markii Mucaraadka Itoobiya ay badankoodu kasoo horjeeste qorshe ay Xukuumadu doonayso inay Doorashada Dib ugu dhigaan ayaa Raysal wasaaraha Dlkaas abiy [...] Source
  15. Xubno ka mid ah golaha wasiiradda Puntland oo laga helay cudurka Coronavirus Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa sheegay in labo Xubno ka mid ah Golaha wasiiradda Puntland laga helay Covid-19. Labadaan xubnood ayaa qeyb ka ah sideed qof oo maanta laga helay cudurka ka dib markii baahditaan lagu sameeyay 22 Qof. Wasiirka caafimaadku ma shaacin xog intaas ka badan oo ku saabsan wasiiradda laga helay cudurka Covid19, balse wuxuu sheegay in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay. Dadka helay cudurka ayaa 4 kamid ah laga diiwaan galiyay magaalada Qardho. Gaalkacyo ayaa labo xaaladood laga helay halka labada kalena laga helay Garowe. Wasiirka caafimaadka ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in dad badan oo lagu arkay calaamadaha Covid19 ay ku dhinteen Bosaso iyo meelo kale iyagoo aan wax baadhitaan ah marin. Tirada guud ee dadka qaba cudurka Coronavirus ayaa gaadhtay 59, halka dhimashadu marayso labo qof. Qofkii labaad ayaa maanta u geeriyooday cudurka, wuxuuna ahaa kormeerihii wasaaradda waxbarashada Puntland ee Gobolka Nugaal. Qaran News
  16. Coronavirus lockdowns have slowed some of the country’s biggest housing markets to a crawl. Source: Hiiraan Online
  17. Ilhaan Cumar oo si lama filaan ah u saxiixday warqad ka timid urur Yahuudi ah oo ka dhan ah dal Islaami ah Ilhaan Cumar, oo lagu yaqaan inay si adag u dhaleecayso siyaasadda arrimaha dibada Mareykanka ee ku wajahan Iran iyo Guddiga u ololeeya Israel ee AIPAC, ayaa ka yaabisay tageereyaasheeda kadib markii shaaca laga qaaday in ay saxiixday warqad Washington ugu baaqaysa in ay cusbooneeysiiyo cuna-qabateynta saaran Iran. Kooxda u ololeysa Israel ee magacooda loo soo gaabiyo AIPAC waxaa lagu yaqaaqaana in ay yihiin tan ugu weyn ee naqshadeysa siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Bariga Shexe, waxaaana si joogto ah loogu cambaareeyay in ay saameyn aan habooneyn ku yeesheen siyaasadda Maraykanka ee gobolka. Waxa la yaabka ka dhigay saxiixa Ilhaan Cumar, oo sidoo kale ay saxiixeen 391 xubnood oo ay aqalka ka wada tirsanyihiin, ayaa ah in Ilhan qudheeda ay kol hore si xooggan cambaareeysay AIPAC. Waxa sidoo kale xiisaha u yeelaya ayaa ah in Ilhaan Cumar ay dooratay in ay ka leexato xubno kale oo ka tirsan Congress-ka sida Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley oo la sheegay in aysan warqada saxiixin. Warqadda waxaa gadaal ka riixayay gudoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee aqalka Congress-ka Eliot Engel iyo Mike McCaul oo Jamhuuriga ka tirsan, waxayna ugu baaqaysaa Xoghayaha Arrimaha Dibada Mike Pompeo “in uu kordhiyo cuna-qabateynta si Iran looga ilaaliyo in ay hub iibsato iyo in ay iska iibiso.” Markii ugu horeeysay go’aanka Ilhaan Cumar waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Al-Monitor 4-tii May, warbixintaas oo ay durbadiiba faafiyeen warbaahinta Israel. Bryant Harris oo ka tirsan Al-Monitor ayaa kasoo xigtay war kasoo baxay xafiska Ilhaan Cumar “Xildhibaan Ilhaan waxay si joogto ah, muddo dheerba, u taageeri jirtay cuna-qabateynta hubka ee ka dhanka ah kuwa ku xadgudba xuquuqda aadanaha.” “Ma jirto sharaxaad u qalanta oo uu bixiyay xafiiska Ilhaan, ama caqli ahaan u qalanta go’aankaan ceebta ah” ayuu yiri suxufi Falastiin u dhashay oo lagu magacaabo Ramzy Baroud, tifatire na ka ah wargeyska The Palestine Chronicle. “Ilhaan Cumar aaminaadda waxay ku heshay awoodda ay u leedahay in ay caqliga iyo dareenka wanaagsan u bandhigto siyaasaha Maraykanka ayna soo jeediso doodo cusub oo siyaasadeed oo ku wajahan siyasadda arrimaha dibadda Mareykanka, si gesinimo leha” ayuu yiri Baroud. Bishii January, Ilhaan Cumar waxay soo jeedisay qaraar ujeedkiisu ahaa in la hor istaago in Maraykanku uu awood militari u adeegsado Iran isaga oo aan ogolaansho ka heysan Congress-ka. Talaabadaas waxaa dhiiri geliyay shirqoolkii Maraykanku ku dilay hogaamiye sare oo ka tirsan militari-ga Iran, Gen. Qassem Soleimani. “Dilkii Qasem Soleimani waxaa uu ahaa ficil dagaal oo aan fasax ka ahaysan Congress-ka, xadgudubna ku ah dastuurka Maraykanka. Congress- ahaan waa in aan qaadanaa waajibkeena dastuuriga ah, aanna awooda u adeegsanno in aan joojino dagaal musiibo ah,” ayey Ilhaan ku sheegtay war soo saartay 5-tii January. Ma cadda in Ilhaan Cumar ay hadda kadib ka tanaasuli doonto booska ay ka taagantahay Ssyaasadaha Maraykanka iyo in kale. Qaran News
  18. Beesha Caalamku waxay waxay u muuqataa ineysan sinaba u aqbalayn in Doorashada Soomaaliya wakhtigeeda la dhaafoyo, waxayna qorshaynayaan in Doorashada Baarlamaanku ay bilaabato Decembar Sanadkaan [...] Source
  19. Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen sideed kiis cusub oo ah cudurka Coronavirus. Warbixintooda maalinlaha ee 7-da May sanadka 2020 ayey ku sheegeen in bukaanada ay ka mid yihiin 23 lagu baaray sheybaarka yaala magaala madaxda maamulkaas ee Garowe. Sidoo kale, waxay tibaaxeen in ay jirto hal dhimasho, balse lama soo sheegin soo kabasho cusub oo la xiriirta cudurka, 24-kii saac ee u dambeysay. Tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee degaanadda Puntland ayaa waxay gaartay 59 kadib markii lagu daray xaaladaha cusub. Wasiirka Caafimaadka Puntland, Jaamax Faarax Xasan oo guddi ka tirsan ayaa tilmaamay bukaanada cusub ay ka mid yihiin labo wasiir, balse ma uusan magacaabin. Bukaanadda 8-da ah oo dhamaantooda ah Lab ayaa 2 ka mid ah waxay joogaan gobolka Nugaal, gobolka Karkaar waa 4, Mudug-na waa labo, sidda warbixinta lagu sheegay. Wasiiradda cudurka uu soo ritay ayaa si gaar ah isku karantiilay, waxaana xaaladooda la sheegay inay haatan wanaagsan tahay. Puntland ayaa ka mid ah meelaha uu sida daran ugu faafayo xanuunka Covid-19 oo fara ba’an ku haya Soomaaliya. View the full article
  20. Somalia’s confirmed cases of Covid-19 were on Thursday night hurtling towards 1,000 after 55 more people contracted the virus disease. Source: Hiiraan Online
  21. Allaha u naxariistee waxaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose lagu dilay, Cabdiweli Colaad Qanyare (Gaatamow) oo aha guddoomiyihii ciyaaraha degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka kooxo hubeysan ay ku dhex dileen masjid ku yaalla magaalada Afgooye, isaga oo ku dukanayey Salaada Taraawiixda. Raggii ka dambeeyey toogashada ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen falka ka dib, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdada kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Marxuum Gaatamow oo muddo ku soo jiray Sport-iga ayaa sidoo kale ahaa Gool-Hayihii hore ee xulka Kubada Cagta Qaranka Soomaaliya. View the full article
  22. Xog ku saabsan qaar ka mid ah Soomaalida cudurka Covid-19 ugu geeriyoodey UK Kumanaan kun oo qof ayaa dalka UK ugu geeriyooday cudurka Covid19, waxaana dadkaasi ka mid ah ku dhowaad 40 qof oo Soomaali ah. Waxay isagu jiraan da’ kasta – waayeel iyo carruur – kana mid ahaa qaybaha bulshada. Tiro koobkii ugu dambeeyey ee laga sameeyey UK 2011, wuxuu muujinaya in Soomaalida degan UK ay yihiin 108,000, laakiin haddii la tirko koobo dadka British-ka ah ama dalalka kale ee reer Yurub dhalashooda haysta ee UK ku nool waxay tiradaasi noqon kartaa in ka badan 300,000. Xog ururrintii u dambeysay ee Dawladda UK ka soo baxday ayaa muujinaysa in dadka madow iyo kuwa ka soo jeeda bulshooyinka kale ee laga badan yahay ay dalkeeda ka yihiin 14% tirada guud ee bulshada, haddana macluumaadka caafimaadka ayaa tilmaamaya in dadka u geeriyooday iyo kuwa uu sida xun ugu dhacay cudurka Covid19 ay yihiin 34% dadka la isku yiraahdo BAME ama bulshooyinka madow iyo kuwa laga tirada badan yahay. Soomaalida oo ka mid ah bulshooyinkaas ayuu cudurka saameyn ku yeeshay. Dad badan oo Soomalai ah ayaa u dhintay balse waxaan halkan ku soo koobeynaa qaar ka mid ah, Allaha u naxariistee, Soomaalidii ku dhintay Nuur Cadde Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), ayaa Soomaaliya ka soo noqday Ra’isalwasaare muddadii u dhaxeysay Nofember 2007 illaa Febraayo 2009. Nuur Cade wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho 2-dii Febraayo 1938-kii, waxaana 1-dii April 2020 uu ugu geeriyodeey Isbitaal ku yaal magaalada London cudurka Covid19. Nuur Cadde, Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu ka mid yahay dadka Soomalaida ee UK ugu dhintay coronavirus Nuur Cade ayaa lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay shirweynihii dib u heshiisiinta Jabuuti ee sanadkii 2009-kii ee lagu dhisay dawladdii wadaaga aheyd ee uu qaybta ka ahaa Isbahaysigii dib u xoreynta ee fadhigiisu ahaa magaalada Casmara ee dalka Eritrea. Nuur ka hor intii aanu siyaasadda ku biirin wuxuu soo noqday ciidamadda Booliiska, waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyey hay’adda bisha cas ee Soomaaliyeed. Xudeydi Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) wuxuu ahaa abwaan, heesaa, laxamiiste caan ku ahaa kabanka waxaana uu ku muteystey magaca “Boqorkii Cuudka”. Wuxuu 8-dii April 2020 cudurka Covid19 ugu geeriyoodey isbitaal ku yaalla magaalada London oo in muddo ah uu ku jiray. Xudeydi wuxuu ahaa abwaan, heesaa, laxamiiste Xudeydi wuxuu ku dhashay magaalada Berbera 15-kii April 1928-kii, waxaana la aasay 15-kii April 2020, oo aheyd maalintii uu dhashay. Xudeydi ka sakow kamanka uu caanka ku noqday, heesaha uu qaaday iyo kuwa uu allifay waxaa kale oo lagu xusuustaa sidii uu suugaanta ugu dhiirigalin jiray halgankii xornimo doonka ee ummadda Soomaaliyeed. Waxaa kale oo uu gacan siiyey xornimo doonkii Jabuuti. Biriq Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) wuxuu ahaa ciyaartooy caan ka ahaa Soomaaliya, una ciyaari jiray naadigii Batroolka, ka hor intii aanu u soo guurin Ingiriiska oo uu soo galay 1992-kii. Biriq wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne sanadkii 1961-kii, wuxuu ka mid ahaa laacibiintii gobolka Hiiraan u matali jiray ciyaaraha gobollada. Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) wuxuu ahaa ciyaartooy caan ka ahaa Soomaaliya Biriq wuxuu inta badan ka ciyaari jiray garabka midig, isagoo isku dabooli jiray lambarrada 7, 8, ilaa 11.Wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii kalsoonida badan lagu qabay ee usoo ciyaaray xulka qaranka Soomaaliya. In muddo ahba, Biriq wuxuu laanta af-Soomaaliga ee BBC-da kala qayb gali jiray barnaamijyada falanqeynta cayaaraha sida tebinta tooska ah. Waxaa kale oo uu ku lahaa mehrad ganacsi xaafadda Harlesden ee degmada Brent ee Waqooyiga Galbeed ee magaalada London. Wuxuu ahaa shakhsi aad uga dhex muuqday bulshada Soomaaliyeed ee London oo uu xubin firfircoon ka ahaa. Baana Cali Injineer Baana Cabdalla Cali wuxuu ahaa mid ka mid ah xiddigihii kubadda koleyga Soomaaliya, isla markaana udub dhexaad u ahaa dib u soo nooleynta kubadda koleyga Soomaaliya. Wuxuu ahaa madaxa xiriirka dibadda iyo suuqeynta ee xiriirka kubadda koleyga Soomaaliya. Baana Cali Waxaa kale oo uu xubin ka ahaa xiriirka ciyaaraha basketball-ka Afrika. Baana Cabdalla marka laga tago kubadda koleyga wuxuu xubin firfircoon ka ahaa jaaliyadda Soomaalida ee UK. Wuxuu cudurka Covid-19 ugu geeriyoodey London 28-kii April. Baana Cali oo shahaadada Injineeriyada ka qaatay Jaamacad ku taalla London ayaa sidoo kale u shaqeyn jiray waaxda gaadiidka London, gaar ahaan qaybta tareennada. Khadiija Baar-cad Khadiija Maxamed Cali Kaar waxay aheyd 60 sano jir, waxaa ay iyada caruurteedu deganayeen dalka Sweden, hase yeeshee magaalada London oo ay ku nool yihiin qoyskeeda ayay booqasho ku joogtay, ka hor intii aanu ku dhicin cudurka Covid19. Khadiija Maxamed Cali Kaar waxay aheyd 60 sano jir, Khadiija oo qabtay xanuun xagga wadnaha markii uu cudurku ku dhacay waxay ka biyo diiday inay tagto Isbitaal, iyadoo ka qabtay walwal in ay ku dhimato Isbitaalka iyadoo aanay la joogin qoyskeeda, sida uu noo sheegay walaalkeed Cabdalla Maxamed Cali Kaar (Cabdalla Nairobi). Ismaaciil Ismaaciil Maxamed Cabdiwahaab wuxuu ahaa ardey 13 sano jir ah, wuxuuna 30-kii March 2020 Covid-19 ugu geeiryooday magaalada London, isagoo noqday xilligii dhimashadiisa qofkii ugu da’da yaraa ee cudurka ugu geeriyoodey UK. Ismaaciil oo deganaa xaafadda Brixton ayaan qabin wax cudur ah sida qoyskiisu ay sheegeen taasi oo meesha ka saartay in fayraska Corona uu Khatar ku yahay dadka waayeelka ah ee qaba cuduradda oo kaliya. Bog Internet oo dhaqaale ururin ah oo ay walaashiis sameysay oo yoolku ahaa in loo ururiyo $4,944 doolar ayaa maalmo gudahood loogu uruuriyey in ka badan $60 kun oo doolar. Ismaaciil wuxuu ku geeriyoodey Isbitaalka King College London oo ah Isbitaalkii uu ku geeriyoodey Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade). Waxaa lagu aasay xabaalaha Muslimiinta ee Eternal Gardens Maxamed Maki Maxamed Xaaji Maki wuxuu ahaa 49 sano jir ku dhashay magaalada Muqdisho, wuxuuna ku geeriyoodey Isbitaalka Middlesex ee waqooyiga London, halkaasi oo uu ku ku jiray miyir doonsanaan muddo ku dhow afar todobaad. Maxamed Maki Muniir Maki oo uu dhalay marxuum Maki ayaa u sheegay BBC in aabihiis uu ahaa shakhsi aad Soomaalidu u taqaannay, waqooyiga iyo guud ahaan magaalada London, taasi oo ay ugu wacneyd farsamadiisa gacanta ee guryaha iyo goobaha ganacsiga. Muniir wuxuu sheegay in aabihiis uu sidoo kale caan ku ahaa arrimaha bulshada Soomaalida, isagoo ka qayb qaadan jirey gurmadka masaajidyada, dhismaha masaajidyada, caawinta bulshada iyo arrimaha Jaaliyadda Soomaalida. Salaadda janaasada ayaa lagu tukaday iyadoo ay dadka kala fogyihiin si cudurkan uusan u faafin “Aabahey maalintii uu dhintay illaa iyo hadda dad ayaa na soo wacaya oo leh lacag ayuu igu lahaa, shaqo ayuu ii qabtay oo lacagteedii ma siin, taasi waxay muujinaysaa in uu ahaa shakhsi dadka aan ku dhibi jirin lacag haddii aanay haysan” ayuu yiri Muniir. Maxamed Maki wuxuu ka tagay 8 caruur ah iyo xaas. Qaran News
  23. Degmada Kaxda iyo degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay isaga hor yimid tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle ayaa soo bandhigay tartan aad u xiiso badan. Labada degmo oo ku wada jiray groupka D ayaa sidoo kale u dambeeyey guud ahaan is-araga labaad, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Kaxda ayaa la yimid 8 dhibcood, halka si la mid ah Hodan ay iyana keensatay 8 buundo, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuukar. Kaxda ayaa lugtii hore soo garaacday ama ka soo badisay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale Hodan ayaa kulankii hore barabro la soo gashay dhiggeeda degmada Waabri, kadib markii ay la yimaadeen min 12 buundo. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
  24. Qaar ka mid ah Maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Xamar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in xaalado bani’aadanimo ay ku haysato gudaha xabsigaasi. Maxaabiista aan la hadalnay ayaa tilmaamay in aysan jirin wax daryeel ah oo ay ka helaan maamulka xabsiga dhexe. Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in qaar ka mid ah Maxaabiista ay la-daala dhacayaan xanuuno kala duwan, iyagoona ka codsaday DF inay il gaar ah ku soo fiiriso. Xabsiga dhexe ayaa waxaa ku jira Maxaabiis fara badan, kuwaas oo ku eedeysan fal-dambiyeedyo kala duwan, waxaana hadalkooda uu ku soo aadayaa, xilli uu haatan Soomaaliya fara ba’an ku hayo cudurka saf-marka ah ee dunida saameeyey Covid-19. View the full article