-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Puntland president Said Abdullahi Deni has commended the police for foiling ISIS attack in the coastal town of Bosaso. At least two militants were on Saturday killed and another one injured in clashes between Somali forces and militants in Bosaso town in Somalia’s northern region of Beri, a military official confirmed. Hussein Ali Mohamed, commander of Somali forces in Bari region, told journalists that members of Islamic States (ISIS) launched an attack on police forces in the town. “As the police patrolling in the town, militants ambushed them, prompting an exchange of fire between the army and the militants, we killed two of the militants and injured another one,” Mohamed said. He noted that one of their soldiers was killed while another one sustained the injury during the confrontation. The so-called ISIS wing in Somalia has its main base in the Puntland region and has occasionally clashed with Puntland forces and al-Shabab. View the full article
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Somali MP and former Foreign Minister of the Federal Government of Somalia Fawzia Yusuf Haji Adam has rejected recommendations from the International Crisis Group about the appropriate electoral model for Somalia. “Publications published by foreign organisations about the electoral model for 2020 elections in Somalia have come to my attention. They recommended an indirect elections similar to… the [2017] election regardless of irregularities one witnessed” Fawzia tweeted in Somali. Fawzia campaigns against indirect elections “Federal engagement should focus on achieving consensus on the timeframe for elections and/or on adjustments to the electoral model. The latter could include abandoning plans for a one-person, one-vote election and instead providing for some form of an electoral college system, as was used in the 2016-2017 vote, whereby some 14,000 delegates selected the representatives for 275 parliamentary seats” argued ICG in a report. ICG reckons “powerful clans” support the Forum for National Parties of which parties led by two former Presidents — Sharif Sheikh Ahmed and Hassan Sheikh Mohamud — are members. Forming a consensus on an electoral model will necessitate the abrogation of the electoral law signed into law in February by President Mohamed Abdullahi Mohamed. If the electoral law gets repealed to expedite the indirect electoral model recommended by ICG, all laws passed by the Federal Parliament and the Upper House will be called into question. The electoral law stipulates postponement of elections in the event of unforeseen circumstances that affect election plans. © Puntland Post, 2020 The post FAWZIA YUSUF HAJI ADAM REJECTS ICG RECOMMENDATIONS ON 2021 ELECTIONS appeared first on Puntland Post.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hanjabaadii la weriyey in madaxweyne Donald Trump uu u geystay dhaxal-sugaha dalkaa Maxamed Bin Salmaan. Afayeen u hadlay safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Washington oo lagu magacaabo Fahd Nazer ayaa sheegay in warbixintii Reuters ee ku saabsaneyd wadahadalkii teleefonka ku dhexmaray Donald Trump iyo Maxamed Bin salmaan “aysan ka turjumeynin xushmadda u dhaxaysa labada dhinac.” Warbixinta Reuters oo soo xigatay saraakiil Maraykan ah ayaa sheegtay in Donald Trump uu dhaxal sugaha Sucuudiga ugu goodiyay in uu joojin doono Taageeradda militari ee boqortooyadda. Fahd Nazer ayaa warbixinta waxaa uu ku sheegay in ay “gebi ahaanba weecisay nuxurkii iyo ujeedkii wadahadalka” ee dhacay 2-dii April. Madaxweynaha Mareykanka ayaa Maxamed Bin Salmaan waxaa uu weydiistay in uu yareeyo soo saarka saliidda, si loo xakameeyo qiimaha saliidda caalamka oo hoos u dhacday markii khilaafka u dhexeeya Ruushka iyo Sucuudiga uu sii xoogeystay. Sucuudiga iyo ururka wadamadda shidaalka dhoofiya ee loo yaqaano OPEC ayaa dhankooda sheegay in ay yareynayaan soo saarka saliidda ceeriin iyagoo ka jawaabaya dalabka Madaxweyne Trump. Wakaaladda Warraka ee Reuters ayaa kasoo xigatay saraakiil Maraykan ah in dhamaadkii bishii April Madaxweyne Trump uu dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ugu hanjabay in uu dhimayo taageeradda militari ee Sucuudiga haddii uusan joojin harqinta suuqyadda shidaalka. Reuters waxay warbixinteeda ku sheegtay in Trump uu Maxamed Bin Salmaan u sheegay in xukuumadda Washington ay la bixi doonto ciidankeeda jooga boqortooyadda haddii ururka OPEC uusan yareyn soo saarka saliidda.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo laga dajiyey Meydka wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulka Jubbaland,Macalin Maxamad Ibraahim Maxamuud oo Arbacadii la soo dhaafay ku geeridooday isbitaal ku yaalla wadanka Hindiya. Madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenadiisa, mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo shacab ayaa tegay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo laga dajiyey Meydka. Marxuumka ayaa saacadaha soo socdo lagu aasi doonaa duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan Qabuuraha Baar Caleen, halkaas oo Salaada Janaasada lagula tukan doono. Macalin Maxamad Ibraahim Maxamuud oo muddo afar bilood ah xaalado caafimaad u joogau Hindiya ayaa Arbacadii ku geeriyooday dalkaasi. Marxuumka ayaa ka mid ahaa wasiirada saameynta leh ee Jubbaland, wuxuuna saaxib dhow la ‘ahaa Madaxweyne Axmed Madoobe.
-
Hargeisa (HOL) - Salah Ali Abdi (Salah Arab), a singer detained in the Somaliland capital of Hargeisa is pleading for his release from prison. The artist, who claims his arrest is racially and politically motivated, says that he was detained after performing in Mogadishu and is being held without charge. Source: Hiiraan Online
-
Sida ay sheegeen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa shahaadooyin ku meel gaar ah la gudoonsiiyay 6 xisbi siyaasadeed oo ka mid noqonaya axsaabta siyaasadeed ee ka jirta dalka taas oo tirade guud ee xisbiyada la diiwaangeliyay ka dhigaysa 82 xisbi. Xisbiyada siyaasadeed ee guddigu ay shaaciyeen in la guddoon siiyay shahaadooyinkooda ayaa waxa ay kala yihiin; Xisbiga Hiil Qaran, Xisbiga Maandeeq, Xisbiga Tubta Toosan, Xisbiga Hilow, Xisbiga Dimuqaraadiga ee Danwadaag iyo Xisbiga Danaha Bulshada Soomaaliyeed, waxaana guddigu uu sheegay in iyaga oo raacaya tallooyinka caafimaad ay shahaadooyinka ku bixiyeen qaab online ah maadaama dalka uu saameyn adag ku yeeshay safmarka Coronavirus. “Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shahaadooyinka KMG ah ee diwaangalinta siiyay 6 xisbi oo ku biiriya xisbiyadii guddiga madaxabannaan uu horey u diwaangaliyay, guddiga oo raacaya tilmamaha iyo talooyinka Cudurka Safmarka ah ee #Covid-19 ayaa munaasabadda xisbiyada lagu sinayay shaadada u qabtay qaab online ah iyadoo uu GMDQ aaladda ZOOM- ka u adeegsaday qabsoomidda Munaasabaddaas” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaya guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Maxamed Cumar Xaydaro oo ah madaxa xafiiska diiwaangelinta ee guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka ayaa sheegay in xisbiyadan la guddoonsiiyay shahaadooyinka ay la jaan qaadi doonaan diiwaangelinta rasmiga ah isaga oo yiri “Diiwaangelinta rasmiga ee xisbiyada waxa ay idin kaga bilaabanaysaa marka aad qaadataan shahaadooyinka KMG-ka ah wixii maanta ka bilaabma waxaad geli kartaan diiwaan gelinta rasmiga ah ayaad u jaan qaadi doontaan”. Haddaba xisbiyadan siyaasadeed ee sida kumeel gaarka ah loo diiwaangeliyay kuwaasi oo gaaraya 82 ayaanay ku jirin xisbi ay sheegeen Nabad iyo Nolol taasi oo shaki weyn dhali karta sida ay daacad uga yihiin maamulka hadda jira in sanadkan dalka ka dhacdo doorasho xisbiyo badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta dalka Kuwait ku geeriyooday safiirkii Soomaaliya u fadhiyey wadanka Masar iyo Jaamacadda Carabta, Cabdiqani Maxamed Waceys, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Danjire Waceys oo muddooyinkii la soo dhaafay xanuunsanaa ayaa u geeriyooday cudurka Sokorowga, sida ay xogta ku heshay Caasimada Online. Sidoo kale marxuumka ayaa muddo dheer soo ahaa diblumaasi ka soo shaqeeyey arrimaha dibadda iyo wadamo badan, sida dalka Libiya. Cabdiqani Maxamed Waceys oo sidoo kale waayo arag ahaa ayaa shaqo bilaabay sanadkii 1970-kii. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa ka mid ahaa safiiradii dhowaan loo yeeray, balse ma uusan saameyn is-bedalladii ay sameysay dowladda federaalka Soomaaliya.
-
Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa waxa ay kawada hadleen shaqaaqooyinka inta badan ku soo noqnoqday magaalada Gaalkacyo kaas oo dhexmara ciidamo kala taabacsan labadadaasi maamul iyo mararka qaar oo ay halkaasi ku dagaalamaan maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed. Madaxweyne Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Qoorqoor ay kawada hadleen sidii aysan dib dambe ugu soo noqon Gaalkacyo shaqaaqooyinkii looga bartay waxa uuna intaas ku daray in maamulka Puntland uu ballan qaadayo sugidda amniga magaalada iyo inaysan dhinaceeda ka imaan wax liddi ku ah nabadgalyada Gaalkaacyo. Dhanka kale madaxweyne Deni ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay inaysan iyagu hurin colaad sababta mid guud waxa uuna faray in wixii tabasho ah lagu xalin doono nidaam dowli ah islamarkaan wixii dhacay laga xisaabtami doono isaga oo intaas raaciyay inay jiraan dad aan doonayn nabadgalyada magaalada Gaalkacyo inay dadka ku dhex jiraan. Inta badan waxaa magaalada Gaalkacyo oo koonfurta iyo waqooyiga ay ka kala maamullaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa ka dhaca shaqaaqooyin kala duwan kuwaas oo intooda badan salka ku haya aanooyin qabiil walina dhinacyada labada maamul ma aysan helin xal waara oo magaaladaasi amnigeeda lagu sugo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa ka jawaabay farriin baraha bulshada lagu faafiyay oo ku saabsan in shaqada laga eryay Hani Warsame Sulub oo ka mid ah shaqaalaha dawladda. Guddoomiyaha ayaa beeniyay in hay’adda shaqaaluhu shaqada ka eriday Hani ama farriintan u dirtay. Hani Warsame ayaa la sheegay in hay’adda shaqaaluhu dhawr jeer kala hadashay waraysi ay siisay telefishan oo ay eedo ugu jeedisay wasiirka Shaqada Hinda Gaani taas oo hay’addu ku doodayso in ay anshaxa shaqaalenimo ka baxsantay. Guddoomiye Farxaan oo aan soo hadal qaadin in Hani ay dacwad ka dhan gacanta ku hayaan ayaa ka jawaabay farriinta loo soo diray gabadhan oo iyaduna ay baraha bulshada ku baahisay. Qoraalka Farxaan ayaa u dhignaa sidan: “Waxaan arkayay fariin tilifoon oo la wareejinayo iyadoo la leeyahay waa hayadii shaqaalaha dawlada. Hayada shaqaaluhu fariin SMS ma isticmaasho sinaba iyo goornaba kamana mid aha dariiqyadeeda xidhiidhka iyo xogwadaaga ee rasmiga ah (Official commanication channels) haday la xidhiidho arin dacwad shaqaale waxay samaysaa yeedhmo, xog baadhis, waraysi, dacwad dhegaysi iyo go’aanka oo hab-qoraal ah ayay soo saartaa iyadoo raacaysa qodobada xeerka Anshaxa iyo sharciga guud ee Shaqaalaha lana wadaagtaa wasaarada qofkaasi ka tirsanaa iyo wasaaradaha/ Hayadaha fulinta go’aanka kaalin masuuliyadeed ku leh. Ramadaan kariim Farxaan Aadan Haybe Source
-
Guddoomiyha degmada Luuq ee Gobolka Gedo Ibraahim Maxamed Nuur Towfiiq ayaa sheegay in 92 Tuulo oo ku yiillay Webiga Jubba hareerahiisa ay baabi’isay fatahaad halkaasi ka dhacday dhowaan. Ibraahim Towfiiq oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in ay Biyuhu la tageen 29 Matoor iyo dhammaan dalagyadii ku yiillay Webiga hareerahiisa. Wuxuu sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan Ayax mar kale ka dillaaca nawaaxiga Luuq iyo cudurrada ka dhasha xilli Roobaadyada, haatanna ay fara ba’an ku hayaan Cayayaannada waxyeelleeya Dadka, Daaqa iyo Dalagga, isagoo walaac xooggan ka muujiyay in halkaasi ay ka dillaacdo macaluul, maaddaama ay Duullimaadyadu xiran yihiin, Dhulkana ay ka da’een Roobab gooyay Waddooyinka. Ibraahim Towfiiq ayaa Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in Dadka ku dhaqan Degmada Luuq ay lasoo gaarto gargaar Bini’aadamnimo, maaddaama ay dalagyadoodii iyo xoolihii ay dhaqanayeenba ay intooda badan ku waayeen fatahaaddii ka dhalatay Webiga Jubba. Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa sanad walba ku fataha deegaannada iyo degmooyinka ay maraan waxaana ka dhasha khasaarooyin kala duwan oo marka qaar xitaa sabab khasaare nafeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa faah faahin ka bixiyey wadahadal uu la yeeshay dhiggiisa maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). Siciid Deni ayaa sheegay inay ka wadahadleen isaga iyo Madaxweyne Qoor-Qoor sidii wadajir looga shaqeyn lahaa arrimaha amniga magaalada Gaalkacyo ee caasimadda gobolka Mudug. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay isla soo qaadeen xalinta xiisadaha beeleed ee ku soo laalaabta deegaano ka tirsan gobolladaasi. ”Madaxweyne Qoor-qoor waxa aynu kawada hadalnay Xasiloonida Gobolka Mudug, waxa aan ballanqaadnay in aan xakameyno dhankeena, waa in laga gudbaa aanada iyo aarsiga oo ah dhibaatada ugu weyn ee abuurta xasiloonida darada oo iyanna sababta colaad, waxa aan ogahay in dadka ay ku dhex jiraan shaqsiyaad aan nabad rabin, balse waa in gacan adag lagu qabtaa. ” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland. Sidoo kale wuxuu baaq u diray waxgaradka Mudug, isaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa xiisadaha ka jira gobolkaasi. Ugu dambeyn Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) nabadeynta ay ka wadaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
-
(SLT-Garoowe)-Maamul Gobolleedka Puntlad ayaa shaacisay in dad Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus laga helay deegaano ka tirsan Maamulkaas oo kiisas hore laga diiwaan-geliyay. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa waxaa uu sheegay inay korodhay Tirada dadka laga helayo xanuunka COVID-19 iyo kuwa u geeriyooday. Wasiirka ayaa cadeeyay in saacadihii lasoo dhaafay laga baadhay Cudurka 24 qof, isla markaana laga helay 17 Qof, kuwaasi oo baadhitaano la sameeyay lagu ogaaday inay qabaan xanuunka. Sidoo kale Wasiir Cabdinaasir ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in Dadka laga helay Cidurka uu ku jiro hal Wasiir iyo hal Xildhibaan oo ka tirsan Puntland, uuna geeriyooday hal qof. Meelaha ay kala joogaan dadka laga helay Cudurka ayaa kala ah: Boosaaso 5 Qardho 5 Waaciye 3 Garowe 2 Galkacyo 2 Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 76 halka saddex qof ay u geeriyoodeen xanuunka halista ah ee Coronavirus. Source
-
Madaxweynhii hore ee dalka haatanna ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran oo ka hadlayay diyaaraddii ciidan ka tirsan Itoobiya ay ku ku rideen degmada bardaale ayaa hoosta ka xariiqay inuu jiro tuhun ah in heshiisyo qarasoodi ah uu ka dhaxeeyo dowladda Itoobiya iyo madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya waxa uuna intaas ku daray in heshiisyadaas aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iy shacabka Soomaaliyeed “Waxaan qabnaa tuhun ah in uu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Ethiopia iyo madaxda dowladda oo ilaa iyo hadda aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmd. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dowladda ka dalbaday inay faahfaahin cad ay shacabka Soomaaliyeed ka siiso sifaha ay ciidanka Itoobiya ku joogaan gudaha dalka “Madaxda dowladda waxaan ka rabnaa iney shacbiga Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ciidanka Ethiopia kusoo galeen dalka, kuna joogaan” waxa uuna sheegay in AMISOM ay caddeysay in ciidanka Itoobiya ay soo rideen diyaaraddii ku burburtay Bardaale. Shariif ayaa xusay inay xadgudub ahayd diyaaraddii lagu soo riday Bardaale taas oo sidday gargaar “Tallaabadan lagu soo ridey diyaarad gargaar waxay xadgudub iyo halis ku tahay hawada (Airspace) dalkeenna iyo xeerarka kale ee duulimaayada rayidka”. 4-tii bishan ayey ahayd markii diyaarad sidday shixnad gargaar ah ay ciidan Itoobiyaan ah oo aan ka tirsanayn AMISOM ay soo rideen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Saalax Yacquub oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan qorshe ballaaran oo Al-Shabaab looga saarayo gobolka Hiiraan. Jeneraal Saalax ayaa tilmaamay inay ku howlan yihiin ku howlanyihiin furitaanka wadooyinka gobolka Hiiraan ooaay ku suganyihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, isaga oo si gaar ah carabka ugu dhuftay inay furi doonaan jidka Beledweyne iyo Buulo-Burte. “Waxaan diyaaraneeynaa sidii aan u furi lahaayn wadooyinka gobolka Hiiraan gaar ahaan wadada isku xirta Beledweyne iyo Buuloburte, wadadan muhiim ayaay u tahay shacabka, waxaana adkaaday ganacsiga isaga kala goosha deegaanadan. Ciidanka waxaa ka go’an inaay xoreeyaan wadooyinka gobolka”. ayuu yiri Jeneraal Saalax. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xoojin doonaan howlgallada iyo dhaq dhaqaayada Al-Shabaab looga saarayo guud ahaan deegaanada maamulka HirShabelle. Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan qeybo badan oo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe, iyaga oo weeraro ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
-
Dhamme Burhaan Axmed oo ahaa taliyihii Booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib markii uu iska casilay xilkaasi. Burhaan oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa beeniyey in looga yeeray caasimadda, si wax looga weydiiyo eedeymihii uu u jeediyey saraakiisha sar sare ee Galmudug. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu haatan howlo shaqo u joogo magaalada Muqdisho, islamarkaana uu markale bixin doono faah faahin dheeri ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/PP.mp3 View the full article
-
Ra’iisul wasaaraha XF Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda maaliyadda faray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada looga hortagayo fatahaadda Beledweyne ee wadajirka ay u wadaan shacabka iyo dowladda, si looga baajiyo fatahaad ku soo rogmata magaaladaasi.. Ra’iisul wasaaraha oo warbixin faah-faahsan ka dhageystay guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in xoogga la iskugu geeyo ka hortago fatahaadda oo aan la sugin waxyeellada. Dadaallada iminka socda ayaa isugu jira Carro-tuur lagu sameynayo meelaha uu jiinka webiga ka jilicsan yahay, iyada oo la isticmaalayo agab u adkeysan kara biyaha muddo fog iyo furista kanaallo yar yar oo qeyb ka qaadan kara hoos u dhigidda biyaha webiga, arrinkaan ayaa ka dhashay qiimeyn lagu sameeyay goobaha uu webigu ka fataho iyo cabbirka biyaha ay xilli roobaadkan gaari karaan. Guddiga ayaa sheegay in diyaarado lagu daabulayo agab dheeraad ah oo loogu tala galay in biyaha looga celiyo magaalada Beledweyne, si ay u guuleystaan dadaallada iyo iskaashiga shacabka iyo dowladda, looguna gogol xaaro hannaan ay bulshadu cabsi la’aan ugu noolaan karto magaalada. Dowladda federaalka ah ayaa dhowaan soo bandhigeysa qorshe ballaaran oo xal waara loogu raadinayo fatahaadaha soo laalaabta ee ka dhasha webiyada iyo roobaka kuwaas oo sannad waliba dhibaata xaddigeedu ballaaran yahay gaarsiiya qaybo ka mid ah dalka View the full article
-
Degmooyinka Howlwadaag iyo Dharkenley ayaa xalay ku baratamay tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Labada degmo oo ku wada jiray group-ka A, wareega koowaad ee tartanka ayaa waxaa lagu bilaabay is-araga saddexaad ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Tartanka oo ahaa mid adag ayaa waxaa qeybaha dambe isaga baxay tartamayaasha degmada Dharkenley oo cabasho ka keenay su’aal la weydiiyey, balse waxa ay ku xadgudbeen shuruucda u taalla barnaamijka, iyaga oo diiday inay sii wataan tartanka. Xasan Weli Sheekh Abuubakar oo ah guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan oo ku dhawaaqay go’aanka ugu dambeeya ayaa shaaciyey inay guushu raacday degmada Howlwadaag, islamarkaana laga badiyey Dharkenley. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/ccc.mp3 View the full article
-
Haweeney Talyaani ah oo laga afduubtay Kenya xilli ay tabaruce ahaan u shaqeyneysay ayaa muddo 18 bilood ah kadib lagu guulaystay in lagasoo sii daayo Soomaaliya . Madaxweynaha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa amaaney sii deynta Silvia Romano, oo 23 sano jir, oo iskaa wax u qabso kula shaqeysay koox ka shaqeysa bini’aadanimada oo fadhigeedu yahay Talyaaniga. Conte ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray: “Waad ku mahadsan tihiin ragga iyo haweenka sirdoonka shisheeye,” ayuu yidhi Conte. Madaxa guddiga baarlamaanka ee baarlamaanka Talyaaniga, Raffaele Volpi, ayaa sheegtay in Romano ay soo muuqatay xaalad wanaagsan kadib markii la soo badbaadiyay qiyaastii meel 30 kiiloomitir u jirta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Wararka ka imaanaya dalka talyaaniga ayaa sheegaya in afduubkeeda kadib, Romano ay gacanta ku dhigtay xagjiriin lala xiriirinayo kooxda al-Shabab ee Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibedda ee Talyaaniga Luigi Di Maio, oo sidoo kale ku dhawaaqay xoreynta Romano on Twitter, ayaa yiri, “Dowladda waligeed qof kama tagayso. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo xalay ka dhacay xaafadda Kaawo-Godey dhanka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dagaalka oo bilowday xalay fiidkii hore ayaa wuxuu dhex-maray ciidamo milatari ah oo ku sugan xaafaddaasi iyo kuwa Haramcad oo garab ka helaya ciidamo Boolis ah. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada sida gaaarka u tababaran ee Haramcad oo howlgal waday iyo kuwa milatariga ee jooga halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu socday muddo ku dhow saacad, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 7 qof oo kale oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Dhinaca kale waxaa dagaalka ku baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish iyo taliyaha Booliska Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo kala dhex-galay labada ciidan, balse ma jiro wax faah faahin ah oo mas’uuliyiintaas iyo laamaha ay ka bixiyeen iska hor imaadkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana si caadi ah ku soo nodqay isku socodka dadka iyo gaadiidka, xaafadda Kaawo-Godey ee degmada Wadajir. Halkaan hoose ka dhageyso codka goobjooge ka hadlaya, sida ay wax u dhaceen. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Cod-KAAWA-GODEY.mp3
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo xalay ka dhacay xaafadda Kaawo-Godey dhinaca degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyey ciidamo loo yaqaano Macawiisley iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo garab ka helaya Boolis. Inta uu socday dagaalka oo qaatay muddo hal saac ah ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona ay baqdin soo food-saartay dadka deegaanka. Ugu yaraan 2 askari ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 7 kale oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah. Qof ka mid ah deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey khasaaraha guud iyo sida ay wax u dhaceen. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-KAAWA-GODEY.mp3 View the full article
-
Puntland: Wasiirkii Saddexaad iyo Xildhibaan laga Helay Coronavirus Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa xaqiijisay in Wasiirkii saddexaad oo ka tirsan xukuumadda Puntland laga Helay cudurka Coronavirus Wasaaradda waxay kaloo sheegtay in Xildhibaan ka tirsan gollaha barlamaanka Puntland laga helay cudurka Coronavirus. Wasiirka iyo xildhibaanka ayaa ka mid ahaa 17 qof oo wasaaradu maanta ku dhawaaqday inay laga helay cudurka. Laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa todobaadkan laga heley fayraska korona ee caalamka faro ba’an ku haya. Labada wasiir ayaa kamid ahaa dadkii sida weyn ula shaqeynaayey bulshada aadna ugu dhawaa gaar ahaan dhibaatadii ka dhacdey magaalada Qardho. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in wasiiradan xaaladooda caafimaad aad u wanaagsan tahay, waxay ahaayeen kuwo bulshada u shaqeynaayey, runtii shaqada iyo kala fogaanshaha ayaa la kontrooli waayey, ayuu yiri Madaxweynuhu. Dadka laga heley fayraska Korona ayaa ah 76 qof gudaha Puntland, waxaana u geeriyooday ilaa saddex Qof. guud ahaan Soomaaliya waxca uu ku dhaw yahay 1000 qof, waxaana u geeriyoodey 44 qof. Qaran News
-
Iran oo weerar dhanka Internet-ka ah ku qaaday xarumo ku yaalla Gudaha Israel Iran ayaa masuul ka ahayd weerar baahsan oo dhanka Internet-ka a,h kaasi oo bishii lasoo dhaafay lagu qaaday nidaamka biyaha iyo bulaacadaha ee Israel, waxaa sidaas wariyey taleefishinka Fox News ee Mareykanka. Fox News waxaa uu sheegay in Dowladda Iran ay isticmaashay Computer-ro ay leedahay Dowladda Maraykanka si ay u jabsato kuwa Israel Wakiil-wareedka arrimaha dibadda ee Fox News Trey Yingst ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in “sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Tamarta Maraykanka uu diiday in uu ka warramo wax gaar ah oo ku saabsan baaritaan socda. Sarkaalku waxaa uu ku celiyay in Waaxda Tamartu ay markasta ururiso lana wadaagto warbixinta shirkadaha gaarka loo leeyahay weerarada Internet-ka looga difaaco Maraykanka iyo xulifadiisa.” Weerarku waxaa uu dhacay dabayaaqadii bishii April, waxaana uu saameeyay dhowr ka mid ah qalabka maamulka biyaha ee Israel. Ad by Valueimpression Madaxa waaxda amniga ee hey’adda maamusha biyaha Israel Daniel Lacker ayaa u sheegay madaxa waaxda amniga Internet-ka Avi Azar “Waxaan heynay warar la xariira in weerar internet-ka ah lagu qaaday nidaamkeena. Ma jirto waxyeelo ka dhalatay weerarka.” Iran waxaa markasta lagu eedeeyaa in ay isku daydo weerarro internet-ka ah oo ka dhan ah Israel. Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa shirkii amniga technology-yadda ee lagu qabtay Tel Aviv ka sheegay “in Iran ay Israel weerareeyso maalin walba.” “Waan la soconaa waana ka hortagnaa maalin walba” ayuu yiri. Waxaa uu intaas ku daray “ waxa muhiimka ah waa in wadan kasta la weerari karo wadan kastana waxaa uu u baahanyahay in uu yeesho awoodda difaaca iyo weerarka, Israel-na waa ay leedahay awoodaas.” Qaran News
