Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Riyadh)-Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay ka hadlay hanjabaadii la weriyey in madaxweyne Donald Trump uu u geystay dhaxal-sugaha dalkaa Maxamed Bin Salmaan. Afhayeen u hadlay safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Washington oo lagu magacaabo Fahd Nazer ayaa sheegay in warbixintii Reuters ee ku saabsaneyd wadahadalkii teleefonka ku dhexmaray Donald Trump iyo Maxamed Bin salmaan “ayna ka turjumeynin xushmadda u dhaxaysa labada dhinac.” Warbixinta Reuters oo soo xigatay saraakiil Maraykan ah ayaa sheegtay in Donald Trump uu dhaxal sugaha Sucuudiga ugu goodiyay in uu joojin doono Taageeradda millatari ee boqortooyadda. Fahd Nazer ayaa warbixinta waxaa uu ku sheegay inay “gebi ahaanba weecisay nuxurkii iyo ujeedkii wadahadalka” ee dhacay 2-dii April. Madaxweynaha Mareykanka ayaa Maxamed Bin Salmaan waxaa uu weydiistay in uu yareeyo soo saarka saliidda, si loo xakameeyo qiimaha saliidda caalamka oo hoos u dhacday markii khilaafka u dhexeeya Ruushka iyo Sucuudiga uu sii xoogeystay. Sucuudiga iyo ururka wadamadda shidaalka dhoofiya ee loo yaqaano OPEC ayaa dhankooda sheegay in ay yareynayaan soo saarka saliidda iyagoo ka jawaabaya dalabka Madaxweyne Trump. Wakaaladda Warraka ee Reuters ayaa kasoo xigatay saraakiil Maraykan ah in dhamaadkii bishii April Madaxweyne Trump uu dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ugu hanjabay in uu dhimayo taageeradda millatari ee Sucuudiga haddii aanu joojin loolanka suuqyadda shidaalka. Reuters waxay warbixinteeda ku sheegtay in Trump uu Maxamed Bin Salmaan u sheegay in xukuumadda Washington ay la bixi doonto ciidankeeda jooga boqortooyadda haddii ururka OPEC aanu yareyn soo saarka saliidda. Source
  2. Marxuum Cabdiqani Maxamed Waceys ayaa waxuu dhashay 15 May, sanadkii 1945 Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxbarashadiisii dugsiga sare kaga qalinjebiyay Magaalada Qaahira sanadkii 1965, waxa uu shahaadada koowaad ee heerka Jaamacadda oo ahayd Taariikhda uu ka qaatay Jaamacadda Alexandria ee dalka Masar sanadkii 1969, waxa uu shahaado sare oo difaaca iyo amniga qaranka ka qaatay Akadeemiyadda sare ee Istiraatiijiyadda Qaranka ee Soomaaliya sanadkii 1988. Marxuumka oo koorsooyin tababar oo diblomaasiyadda, maamulka waxbarashada, akhris qorid la’aanta, waxbarashada dadka waa weyn, cilmi baarista iyo dib u habaynta iyo horumarinta manhajka waxbarasho ee Soomaaliya ku kala qaatay wadamada Soomaaliya, Masar, Urdun iyo Indonesia sanadihii 1974, 1979,1980, 1983, 1985, 1986, 1988 iyo 2008. Ambassador Cabdiqani Maxamed Waceys oo macalin Juquraafi iyo taariikh ka noqday dugsiyo sare oo dalka ku yaalla intii u dhexeysay sanadihii 1970-1973 ayaa sidoo kale waxaa uu maamulay dugsiga sare ee hoyga lahaa ee Magaalada Beydhabo intii u dhexeysay sanadihii 1973-1976. Marxuumka ayaa noqday Kormeeraha guud ee Wasaaradda Waxbarashada intii u dhexeysay sanadihii 1976-1977, isagoo sidoo kale noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug intii u dhexeysay sanidihii 1977-1978, waxa uu si la mid ah noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Hargeysa ee xarunta Gobolka Waqooyi galbeed intii u dhexeysay sanadihii1978-1980, sidaasi si la mid ah waxa uu noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan intii u dhexeysay sanadihii 1980-1986. Madaxii Qeybta Af Carabiga ee Xarunta Qaran ee Akhris iyo qorid li’idda iyo waxbarashada dadka waa weyn ee Muqdisho, Soomaaliya intii u dhexeysay sanadihii1986-1987. Sarkaalka xidhiidhiya Wasaaradda Waxbarashada iyo hey’adda Action Aid intii u dhexeysay sanadihii 1987- 1988. Agaasime kuxigeenkii Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadhii1988-1991. Lataliye ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadihii 2000-2001. Lataliyahii koowaad ahna Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait intii u dhexeysay sanadihii 2001-2009. Siihayahii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2009- July 2012. Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2012- 2016. Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Masar ahaana Ergeyga Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta intii u dhexeysay sanadihii 2016 – May 31, 2019. Marxuum Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys oo ifka kaga tagay xaas iyo caruur ayaa si wacan ugu hadli jiray Afafka Carabiga iyo Ingiriiska, isagoo bishii Maarso sanadkii 2019 la wareegay hoggaanka Ergooyinka Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaltankiisii 151 aad, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la wareegay shirguddoonka heer Wasiir Arrimo dibadeed muddo xileed gaarsiisnaa lix bilood. Marxuumka ayaa kaalin wacan ka qaatay shirar kala duwan oo ururkaasi ku kala yeeshay wadamada Masar, Lubnaan, Kuweyt iyo Ruushka. Ugu dambeyn wasiir cawad ayaa yiri ” Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Laba ka tirsan Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa maanta laga reebay diyaarad ku socotay magaalada Kismaay iyagoo qorshahooda ahaa sida ay sheegeen iney ka qeyb galaan aaska wasiirkii Waxbarashada Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim oo dhawaan geeriyooday. Cabdullaahi Shiekh Ismacil (Fartaag) iyo Iftiin Xasan Baasto ayaa labaduba laga dajiyay diyaarad ku socotay magaalada Kismaayo. Sida uu saxaafadda u sheegay C/llaahi Fartaag, diyaaradii siday Meydka Wasiirka ayaa soo martay Itoobiya, waxeyna maanta kusoo dagtay Muqdisho ka hor inta aan loo qaadin Kismaayo, wuxuuna ka mid ahaa tiro dad ah oo Kismaayo ugu socday ka qeybgalka Aaska loo sameynayo Wasiirka. “Markii aan garoonka tagnay ee nala saaray diyaaradii ayuu Sarkaal Nabadsugid ah amar ku bixiyay diyaaradda in la damiyo, soona dagaan dadkii saarnaa,” ayuu C/llaahi Fartaag u sheegay mid ka mid ah warbaahinta maxaliga ah. Sidoo kale Senator-ka wuxuu cod dheer ku sheegay cidda ka dambeysay xayiraadda la saaray, sidoo kalana wuxuu ka dhawaajiyay in hawlwadeenada diyaaradda loo sheegay ineysan diyaaradda dhoofi karin hadii aan la reebin labadooda. Fartaag wuxuu saxaafadda sidoo kale u sheegay in amarka looga reebay diyaaradda uu ka yimid Wasiirka Duulista iyo Hawada xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale Hay’adda Nabad-Sugidda. Ugu dambeyntiina wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in Dowladda ay wakhti ku bixiso siyaasi mucaarad ah oo aas u socday. HALKAAN KA DHAGEYSO https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Codka-Fartaag.mp3
  4. Degmada Bosaas ee xarunta Gobolka Bari waxaa afartii sano lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho ku yeelanayay dhallinyaro ka socotay magaalada Melbourne ee Dalka Australia iyo qaar ka mid ah kooxaha ka dhisan gobolka Bari,waxayna arintan dhiiri-gelin u noqotay dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha deegaanada Puntland,iyagoo sheegay in ay qeyb weyn ka qaadanayso isu soo dhawaashaha labada dhinac. Guddoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne DR.Xuseen Xararkow ayaa u u mahad celiyay shacabka iyo bahda isboortiga degmada Bosaaso sida weyn ee loogu soo dhaweeyay degmadaas wuxuuna sheegay 2019 in ay ku soo aadeen xili roobaad oo aad u degan dhallinyarada ay ka heleyn. Tababaraha kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne Cali Xuseen ayaa sheegay kooxihii ay kula ciyaareen degmada Bosaaso,ay dhallinyarada si wanaagsan ula qabsadeyn tan ay qeyb ka tahay is dhaxgalka bulshada ay kooxda Melbourne ku marayso maamulka Goboleedyada Soomaaliya Taageerayaal badan ayaa sanadihii lasoo dhaafay ka qeyb galay kulamadii saaxiibtinimo ay deegaanada Boosaaso ku ciyaareen dhallinyarada Melbourne iyo xidigaha ka dheela deegaanada Maamulka Puntland,iyagoo sheegay in ay tahay is dhaxgalka aad u wanaagsan oo labada dhinac ah Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Is Dhaxgalka Ciyaartooyda Puntland Iyo Melbourne Source: goobjoog.com
  5. The government has warned residents of Tana River and Garissa counties to brace for more floods. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa su’aal ka keenay sharciga ay dalka ku joogaan ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn AMISOM. Guuleed ayaa saluugsan habka ay ciidamada Itoobiya ku joogaan gudaha dalka, waxaana la ogyahay in baaritaankii ay AMISOM ku sameeyeen diyaaradii ku burburtay Bardaale ay soo rideen ciidamada Itoobiya, kuwaas oo aan ka tirsaneyn kana amar qaadan taliskooda. Iyadoo ay taasi jirto ayuu siyaasigaan weydiiyay dowladda federaalka laba su’aalood oo ay tahay iney ka jawaabaan. Ciidamada Itoobiya ee la sheegay inay soo rideen diyaaradda, sharcigee ayey dalka ku joogaan kuna soo galeen, mala hor keenay sharciga, sidoo kalana golayaasha qaranka ma ansixiyeen? Yaa qaadanaya masuuliyadda dadkii Soomaaliyeed oo ay dileen, xad gudubka ay ku sameeyeen madax banaanida dalka iyo dhibaatada ay geesteenba? Inkastoo arrintaan aan si weyn loo falanqeyn, haddana dowladda waxey ku qasban tahay inay ka jawaabto su’aalaha la hordhigay, waxaana laga sugayaa sidii ay uga falcelin laheyd dhibtaas dhacday. Ugu dambeyntii madaxweynahii hore Galmudug ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid noqon doono musharaxiinta xilka madaxtinimada dalka isu soo taagi doona marka la gaaro wakhtiga xiga ee doorashada.
  7. Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo haatan maraya is-aragii 3-aad ee wareega koowaad ayaa waxaa caawa ku madlan Wadajir iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir. Labada degmo ayaa sidoo kale ku wada jira group-ka A, wareega koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan Wadajir ayaa labadii kulan ee hore kulan soo badisay, midna barbaro soo gashay, halka Kaaraan ay labadii kulan ee hore mid ay gashay barbaro, midna laga soo badiyey. Dhinaca kale Xasan Weli Sheekh Abuubabar oo ah guddoomiyaha guddiga tartanka Shabelle oo ka warbixiyey kulanka caawa ee Wadajir iyo Kaaraan ayaa sheegay in dib loo durjiyey waqtiga uu barnaamijka soo gali jiray oo aheyd 9:00 habeenimo, wuxuuna tilmaamay in caawa laga bilaabo uu tartanka soo galayo 10:05 daqiiqo, kadib talooyin ka yimid degmooyinka sanadkan ka qeyb galaya tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  8. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saacada soo socda Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare uu ku wajahan yahay magaalada Beledweyne ee gobolkaasi. Cali Jeyte ayaa tilmaamay inuu Madaxweynaha u kuur-geli doono xaaladda adag ee magaaladaasi oo laga cabsi qabo in markale uu ku fataho webiga Shabelle. Sidoo kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa carabka ku dhuftay inay xabsiga dhigeen dad u shaqeeya NJO, islamarkaan si gaar ah uga faa’iideysanaya dhibaatada heysata shacabka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Waare.mp3 View the full article
  9. Amar ka soo baxay maamulka isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu joojiyey dadka la jira bukaanada qaba cudurka Covid 19 ee ku jira isbitaalkaasi. Arrintaan ayaa waxaa durbo cabasho ka keenay qaar kamid ah dadkii la joogay bukaanada, kuwaas oo sheegay in xilligaan isbitaalka uu ka jiro dayac xooggan oo heesta bukuunada. Dadkaasi waxaa ka mid ah Cabduqaadir Xasan oo isbitaalka Martiini kula jira hooyadiis oo 70 sano jir ah ayaa sheegay inuu sameeyey go’aankaasi, wuxuuna carabka ku dhuftay inay ka xun yihiin amarka la dul-dhigay ee ka soo baxay maamulka sare ee isbitaalkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/ccc-1.mp3 View the full article
  10. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka tirsan golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in isaga iyo Senator Iftin Xasan Baasto maanta laga celiyay garoonka Aadan Cadde, xilli ay ku sii jeedeen magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose. Fartaag oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka uu ka soo dajiyey diyaaradii ay raaci lahaayeen oo siday Meydka allaha u naxariistee wasiirkii waxbashada Jubbaland, Macalin Maxamed Ibraahim oo Arbacadii la soo dhaafay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Hindiya. Sidoo kale Senator Fartaag ayaa ku eedeeyey in amarka diyaaradda looga reebay ay bixisay xukuumadda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in la siyaasadeeyo Meyd la qaadayo, iyada oo laga leeyahay dano gaar ah. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/fa.mp3 View the full article
  11. Beledweyne (Caasimada Online) – Iyadoo wali la is weydiinayo sababta aysan reer Beledweyne u helin lacag dhan 500 kun Dollar oo ay Dowladda Federaalka ee sanadkii hore ballan qaaday markii ay Beledweyne qaabishay fatahaadaha wabiga, hadana waxaa soo baxaya warar kala duwan oo arrintaas ku saleysan. Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka, isla markaana deegaan doorashadiisa ay tahay HirShabelle ayaa Madaxweynaha maamulkaas ku eedeeyay inuu leexsaday lacagahii ay dowladda u qoondeysay iney ku caawiso dadka reer Beledweyne. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah mudane ka tirsan Baalarmakaanka Federaalka ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah TV-yada Soomaalida ugu baaqay madaxweynaha inuu hor yimaado dadweynaha, islamarkaana uu caddeeyo halka ay lacagtaas ku baxday. Dhawaan ayey aheyd markii Guddiga Gurmakad Beledweyne ay sheegeen ineysan wali helin kaalmadii ay dowladda Ballanqaaday iyo sidoo kale kaalmooyinkii Jabuuti iyo Shiinaha. Sida la hubo dowladda waxey dadka reer Beledweyne ugu yaboohday Nus Malyan Dollar, Jabuuti ayaa ballan qaaday lacag dhan 600 kun Doolar, Dowladda China ayaa iyaduna yaboohday lacag dhan 1.5 Malyan oo Dollar. Dhamaan lacagahaas, oo ay raacsan tahay 100 kun oo Dollar oo ay Maamulka Gobolka Banaadir ballan qaadeen, ayaan la ogeyn halka ay ka baxeen iyadoo Beledweyne ay mar kale wajaheyso cabsi laga qabo fatahaadaha wabiga Shabelle. “Maxaa [madaxweyne Waare] looga baahan yahay markaa? Inuu Tv-ga fadhiisto oo uu si cad uga hadlo,” ayuu yiri Jeesow. Guddiga Gurmadka Beledweyne waxey bilaabeen olole ay kaga hortagayaan fatahaadda Wabiga, waxaana kaliya gaaray kaalmo kaga timid Puntland, waxaana la fahamsan yahay ineysan ku filneyn dhaqaalahaas. Dhanka kale, Dowladda Federaalka waxey wajaheysaa eedeyn kulul oo ku saabsan ineysan mar walba ku dhiiran isla xisaabtan dhab ah marka uu dalka wajaho xaalado dabiici ah. Waxaa wali aamusan maamulka HirShabelle oo aan ka jawaabin eedeynta ay wajahayaan, sidoo kale Dowladda kama hadlin arintaan maadaama la is weydiinayo lacagahaan halka ay ku dhaceen. Ugu dambeyntii waxaa la sugayaa cidda ay lugaha la gasho arintaan iyadoo Hirshabelle ay wajaheyso xaalad siyaasadeed oo kale maadaama aan wali lagu heshiin habka xulista xildhibaanada cusub.
  12. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-100520-.mp3 View the full article
  13. Djibouti, the tiny Horn of Africa nation with the highest prevalence of coronavirus cases on the continent, plans to begin lifting lockdown measures largely for economic reasons, its foreign minister announced Sunday. Source: Hiiraan Online
  14. Allaha u naxariistee waxaa dalka Kuwait ku geeriyooday safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo jaamacadda carabta ee danjire Cabdulqaadir Maxamed Waceys waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay xildhibaano ka tirsan golaha shacabka. Marxuumka yaa maalmihii dambe ku xanuunsanayay dalkaasi Kuwait waxaana la sheegay in Danjire waceys uu la noolaa cudurka macaanka oo uu aakhirkii u geeriyooday. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuum Cabdulqaadir isaga oo eebbe uga baryay inuu jannaddiisa geeyo “Waxaan isaga tacsiyeeynaynaa geerida ku timid safiirkii hore Soomaaliya u fadhiyey dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys oo ku geeriyooday dalka Kuwait. Allaha u naxariisto marxuumka. Qabriga Allaha u waasiciyo, marti la jecelyahayna Allaha ka dhigo. Eheladii, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. Aamiin”. Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Waceys ayaa muddo fog ahaa diblomaasi ka soo shaqeeyay caalamka isaga oo mar soo noqday safiirkii Liibiya u fadhin jiray Soomaaliya waxaana lagu tilmaamaa inuu ahaa waayo arag ku xeel dheer arrimaha diblomaasiyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Somali militant group Al-Shabaab freed an Italian aid worker who was abducted in Kenya’s coastal town of Malindi in November 2018, police confirmed on Saturday. James Mugera, Kilifi county police commander, confirmed that Sylvia Romano, an Italian volunteer, who was seized from her hotel room on the evening of November 20, 2018, was rescued following intelligence leads. “It’s true that a multi-agency team working with the Italian government has managed to rescue her. They are waiting for further directions on whether to fly her to Nairobi or Mombasa and then back home to Italy,” Mugera said. Mugera said Romano was rescued in Somalia following heightened surveillance and negotiations to secure her release between the government of Italy and suspected Al-Shabaab militants. He said Romano is expected to be flown back to Italy to receive specialized treatment since her health had deteriorated for the past two years. According to Kenyan police, Romano is believed to have been sold to Al-Shabaab militants in Somalia after Italy failed to hand over ransom to facilitate her release. Five people were shot and wounded when the militants abducted the 23-year-old volunteer with the humanitarian group, Africa Milele Onlus. Three suspects, who were arrested in connection to her kidnapping, are still in police custody waiting to undergo trial after they pleaded not guilty to charges of conspiracy to commit a terrorist act within Kenya. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)- Fannaanka Saalax Carab, ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla Hargeysa oo uu in muddo ku xidhnaa. Saalax Carab, ayaa sheegay in uu u mahad celinayo shacabka Somaliland balse aanu abaal u hayn Fannaaniinta Somaliland. Laba fannaan oo kale oo lala xidhay ayaa weli xabsiga ku jira kuwaas oo u dhashay Somaliland balse fannaankan Saalax Carab ayaa u dhashay waddanka Yemen. Source