-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waraysigan hoose wax laga qaaday Kornaylkii fuliyay Xasuuqii Jasiira, gacan-ku-dhiigle Canjeex. Inkasta oo uu Kornaylkani si aad ah isugu dayayo inuu marin-habaabiyo xaqiiqada, haddana wuxuu bixinayaa xogta rasmiga ah isaga oo qiranaya arrimahan soo socda: Wuxuu qiranayaa in habeenkii dadka la xasuuqay uu 12:00kii habeennimo la soo hadlay Jeneraal Maslax Maxamed Siyaad oo taliyaha ciidanka ahaa, dabcanna ahaa ninka bixiyay amarka dadka lagu xasuuqay. Waxa uu ku andacoonayaa in nooca amarka ah ee la siiyay uu ahaaa inuu soo hubiyo in rabshadi ka jirto meesha Daabay la yidhaahdo, haddana isla waraysiga wuxuu ku qiranayaa inuu meesha Tarabuunka la yidhaahdo uu ka raacayo laba guuto oo kale, sidaasna ay ciidankii gaas ku noqonayaan (gaasku waa sadddex guuto oo isu tegay). Saacadda uu qiray inuu xeradiisa ciidan ka soo kaxaystay oo ahayd 12:00kii habeennimo, waa wax yar ka hor kolkii guriyahooda laga soo ururiyay dadkii la xasuuqay. Wuxuu qirayaa inay dhammaan ciidankii israaceen oo ay tageen xaafadda Buulla-xuubay la yidhaahdo, isaga oo sheegaya in xaafaddaas sababta loo bartilmaameedsaday ay ahayd in dadka reer Woqooyiga ahi ku badnaayeen. Dabcan, xaafaddaasi waa xafaddii laga soo ururiyay dadkii la xasuuqay, isla wakhtiga uu Canjeex sheegayna waxa ay ku dhawayd wakhtigii uu Cumar Muuse qiyaasay ee ahayd illaa 1:00 habeennimo. Wuxuu qirayaa in saddexdii gaadhi ee lagu guray dadka la xasuuqayay ay ahaayeen baabuurtii laga soo kaxeeyay xeradii uu isagu maamulayay. Waxa fajiciso ah inuu sheegayo laba shay oo aanay ogaan karin cid ka maqnayd goobtii dadka lagu xasuuqay: kow, noocii qoriga ahaa ee dadka lagu laayay. Laba, eraygii la yidhii kolkii rasaasta la furayay. Cumar Muuse, wuxuu sheegay kolkii ay rasaasta furayeen inay yidhaahdeen: “Maxaad sugaysaan”, ka dibna ay dadkii rasaastii ku fureen. Isla eraygaas ayuu Canjeexna waraysigan ku sheegayaa inay yidhaahdeen kolkii rasaasta la furayay. Inkasta oo uu Canjeex sheegay inuu ka maqnaa goobta dadka lagu laayay, haddana labadaas Nooca qoriga ee uu sheegay iyo eraygii la yidhi kolkii rasaasta la furayay, waxay caddayn xooggan u tahay inuu xaadir ku ahaa goobtii dadka lagu laayay. Ugu dambayn, Canjeex wuxuu magacaabayaa laba markhaati oo uu sheegay inay caddayn karaan in aanu isagu dadkaas layn. Wariyaha waraysigan qaaday wuxuu la xidhiidhayaa labadaas markhaatiba, kolka loo tagana waxa ay si isku mid ah u diidayaan inay marag ka noqdaan wuxuu Canjeex sheegayo. Intaasi waa waxyaabaha ugu waaweyn ee uu afkiisa ka qirtay Canjeex. Kolka nuxurka waraysiga la soo ururiyo, waxaa inooga soo dhex baxaysa intan: 12:00kii habeennimo ayuu Jeneraal Maslax Maxamed Siyaad la soo hadlay Kornayl Canjeex, wuxuuna ku amray inuu kaxaysto guutadiisa iyo baabuur waaweyn oo dad badan lagu guro, ka dibna uu tago fagaaraha Tarabuunka. Maslax wuxuu u sheegay inay halkaas ugu iman doonaan laba guuto oo kale, saddexdaas guutana inta ay israacaan ay tegaan xaafadda Buulla-xuubay oo ahayd xaafaddii dadka laga soo ururiyay. Cidda lagu amray inay fuliso amarkii Maslax ee ahaa xasuuqa, waa cidda baabuurtii ay wadatay lagu qaaday dadkii la soo ururiyay. Canjeexna wuxuu qirtay in baabuurtii xeradiisa ka timid lagu guray dadkii, dabcanna wuxuu si dedban u qirtay inuu isagu ahaa ninka fulinayay amarkaas xasuuqa ah. Waxa lagu amray inay dadka geeyaan Xeebta Jasiira, ka dibna ay halkaas ku laayaan oo aanu midi ka bixin, bal se ehelladoodii loo sheego in dadkoogii la xidhxidhay oo ay nool yihiin. Qaraabadu weligood ma ay xaqiijiseen inay dadkaasi nool yihiin. Si aan ku talagal ahayn ayay qof nool uga tageen iyaga oo moodaya inuu dhintay, qofkaas ayaana noqday kii fashiliyay dambiyadii waaweynaa ee halkaas ka dhacay. Mar haddii Canjeex labadii markhaati ee uu ku kalsoonaa ay diideen inay u marag furaan in aanu isagu dambigaas gelin, macnaheedu waa in anu dambigaasi dhinacnaba u dhaafsiisnayn dhagarqabe Canjeex. Halkan ka daawo waraysiga: Waraysi Canjeex 3.mp4 Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyay xaalada Coronavirus ee gudaha Somaliland oo si weyn ugu baahay deegaanadaasi. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bulshada reer Somaliland u diray baaq xasaasiya oo ku aadan cudurka safmarka ah ee Coronavirus, xili uu soo jeediyay in bulshadu qofkasta oo ka tirsan uu si iskeed ah uu iskaga baaro cudurkaasi, maadama uu shaqeynayo sheybaarkii cudurkaasi ee gudaha Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Wasaarada caafimaadka Somaliland ay awood u leedahay baarista cudurkaasi, midaasi oo lagaga maarmayo natiijadii mudada badan la sugayay, iyada oo loo dirayey dalka dibadiisa. “Ta aynu doonayno inaynu fahamnaa waa xanuunka aynu iska baadhno inaga oo caafimaad qabna aynu baadhis samayno, marka goor hore la ogaado inaanad waxba qabinba waad ka adag tahay oo muddo uun baad nasanaysaa, boqolkiiba laba saddex qof mooyaane waxa laga yaabaa inay ka wada kacdo inta kale, laakiin haddii adiga oo aan is ogayn aad dadkii gaadhsiiso dhibaatadaasuu keenayaa” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland. Biixi ayaa carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in la raaco talooyinka caafimaad ee wasaarada, taasi oo lagaga baaqsan karo in cudurkaasi uu kusii fido dad hor leh oo bulshada dhexdeeda. Sidoo kale waxa uu xusay in lagu dadaalo nadaafada iyo kala fogaanshaha, si looga bad-baado cudurkaasi, isagoona meesha ka saaray aragtida ceebeysan ee dadka qaarkood ay ka qabaan qofka laga helo Coronavirus, isla markaana ku booriyay inaan la qarsan cudurka ee la tago goobaha caafimaadka. Baaqa kasoo yeeraya Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo aadaya xili ay maanta wasaarada caafimaadku ay shaacisay in cudurkaasi u dhintay qofkii shanaad, iyada oo ay sarre u kacday Kiisaska Coronavirus ee gudaha Somaliland.
-
Silvia Romano, an Italian aid worker kidnapped 18 months ago in East Africa, landed in Rome on Sunday a day after being freed. Gunmen seized Romano, who was working for an Italian charity called Africa Milele, in southeastern Kenya in November 2018. No group claimed responsibility for the kidnapping. She was found in Somalia, some 30 km (19 miles) outside the capital, Mogadishu, and was released thanks to efforts by the external intelligence agency, Italian Foreign Minister Luigi Di Maio said. Romano, 24, touched down at Rome’s Ciampino airport aboard a special flight at about 2 p.m. (1200 GMT). Escorted by masked men from the intelligence service, she temporarily removed her protective mask to wave as she descended the steps from the jet before hugging relatives waiting for her at the airport. She was greeted by Di Maio and Prime Minister Giuseppe Conte. In her home neighbourhood in Milan, church bells saluted her arrival, with many people on their balconies, SKY TG24 showed. Romano is expected to meet prosecutors in Rome later on Sunday. “I was strong and resisted,” Romano was quoted by Italian newspapers as saying after her release. Conte said the task force working to free Romano had been in the final stages “for the last months”, after having proof that she was still alive. He added that details were not disclosed so as to not compromise the operation. “We are so glad to welcome Silvia back in such a delicate moment for the country. The state is always there, and will always be there,” Conte said. He thanked the intelligence services, the judiciary and the defence and foreign ministries, all involved in the release of the woman. Later on Sunday, Turkish security sources said Romano was rescued after a joint effort by Turkey’s MIT intelligence agency and Italian and Somalian government authorities. “The MIT began work in the region on determining Silvia Romano’s condition in December 2019 upon a request from Italian authorities,” the sources said. They added that Romano was delivered to Italian authorities in Somalia on Saturday after the joint efforts. “I am literally bursting with joy at this moment. But it is hard even only to think, please let me breathe. I need to withstand the shock, happiness is so big that it is exploding,” Silvia’s father, Enzo, was quoted as saying by several Italian newspapers on Sunday. View the full article
-
A kidnapped Italian aid worker who had been held in an al-Shabab-controlled area of Somalia has been freed. Source: Hiiraan Online
-
Somali Ambassador to Egypt and Arab league Abdiqani Mohamed Wa’ays died due to the coronavirus, officials said on Sunday. In a statement, Somalia Prime Minister Hassan Ali Khayre also confirmed the envoy’s death and said: “My deepest condolences to the Somali people and the family of our ambassador to Egypt and the Arab League, Ambassador Abdiqani Mohamad Wa’ays. We will remember him his long service to the country. May Allah have mercy on him.” Somali Health Ministry on Sunday confirmed 57 new coronavirus cases in the country over the past 24 hours, bringing the tally to 1,054. The death toll in Somalia stood at 51, with a total of 118 recoveries. View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Lacagtii ay dowladda Jabuuti ugu deeqday biya xireenka loo sameynayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo mudo sanad ah la la’aa ayaa la ogaaday inay ku jirtay gacanta dowladda federaalka. Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiita Twitter-ka ku xaqiijiyey in dowladda federaalku ay ku wareejisay maanta lacagtaas oo cadadkeedu dhamaa $600,000, taas oo sanadkii hore ay dowladda Jabuuti ugu deeqday in biya xireen loogu sameeyo magaaladan sanadkiiba laba mar biya baxadu ku dhacdo. Waxaa la yaab noqotay sababta mudadii sanadka aheyd ee lasoo dhaafay lacagtaas wax loogu qaban waayey dadka reer Beledweyne, oo intaas dalbanayey in laga gacan siiyo biya xireen lagu sameeyo wabiga Shabeelle. Sidoo kale Waare ayaa qoraalkiisa ku sheegay in lacagta maanta lasoo gaarsiiyey ay ku jirto $500,000 ee dowladda federalku u balan qaaday reer Beledweyne iyo $42,000 oo uga timid guddiga gargaarka heer Qaran, waxuuna cadadka lacagtaas isku noqonayaa 1,142,000 oo dollar. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa afka furtay waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan, kuwaas oo cabsi ka qaba in magaalada mar kale biya harqiyaan, waxayna xukuumadda federaalka ku eedeynayeen in laga la’yahay lacagtii ay ugu yaboohday Beledweyn iyo tii ay ugu deeqeen dowlado ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Somaliland iyo sidoo kale deeqo gacantooda ku soo dhacay gurmad yadii kale ee xilligaas la aas-aasay. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay amray wasaaradda maaliyadda inay fududeyso kharashka ku baxaya dadaallada looga hor tegayo in fatahaadi ka dhacdo magaalada Beledweyne sanadkan. Beledweyne waxaa haatan ka socda carratuur iyo qorshayaal kale oo lagu xakameynayo biyaha wabiga Shabeelle, kuwaas oo ay wadaan guddiyo isku tashi oo ay iska aas-aaseen dadka ku nool magaalada. Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka baxay magaalada Jowhar ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne, halkaas oo sida uu sheegay uu u tegay sidii uu talo iyo gacan siinba ugu biirin lahaa dadaallada socda ee lagu xakameynayo fatahaad dambe oo uu magaalada ka geysto wabiga Shabelle.
-
Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabeelle Madaxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay ka jiraan howllo looga hortagayo fatahaada Wabiga Shabeele ee magaalada Baladweybe. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo wafdigiisa ayaa kasoo kictimay Magaalada Jowhar oo haatan xarun u ah maamulka Goboleedka Hirshabeelle. Qeybo ka mid bulshada ,Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada ayaa soo dhaweeyay Madaxwyeneha waxaana loo qaaday isaga iyo wafdigiisa gudaha Magaalada halkaasi oo lagu wado inay ku yeesheen kulamo ay uga arrinsayaan xaalada fatahaada wabiga iyo sidii loo xakameyn lahaa maadaama uu haatan qeybo ka mid Xaafadaga Magaalada ka bilaawday fatahaad. Maamulka Gobolka ,kan Degmada, Ganacsatada deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa u waday howllo ay ku sameeynayeen Caro tuuryo goobaha laga cabsi qabo inuu Fatahaad ka sameeyo wabiga sidoo kale waxaa jira cabsi xooggan iyo barakac soo wajahay dadka deegaanka Maadaama qeybo ka mid haatan uu ka bilaabay inuu fatahaad ka sameeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama ayaa weerar ku qaaday sida uu Madaxweyne Trump u maareynayo cudurka safmareenka ah ee Coronavirus, waxaana uu ku tilmaamay “musiibo guud”. Wadahadal la dusiyay oo uu habeenkii Jimcaha la yeeshay xubno ka tirsan maamulkiisii, hore ayuu Obama sidoo kale ku sheegay in go’aankii waaxda cadaaladda ay ku joojisay eedeeyntii Michael Flynn ay khatar gelineyso sarreynta sharciga. Codka wada hadalka waxaa markii ugu horreysay helay Yahoo News, waxaa Obama uu shaqaalihiisii hore ku booriyay in ay kala qayb qaataan isu soo bax uu ku taageerayo Joe Biden, oo doorashada soo socota kula tartami doona Donald Trump. Maraykanka, oo ilaa iyo hada hogaaminaya tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, ayaa waxaa ka dhintay dad ka badan 78,000 oo qof. Daneystenimo iyo qabyaalad “Waxa aan ka hortageyno waa dhaqan kaan mudada dheer ah, ee ah daneystenimo, qabyaalad, kala qaybsanaan, iyo in kuwa kale loo arko cadow-taas oo ka mid noqotay nolosha dadka Maraykanka,” ayuu Obama u sheegay saaxiibadii ay wada shaqayn jireen. “Waa qayb ka mid ah sababta ay jawaabta Coronavirus u noqotay mid tabar darran oo aan tayo lahayn,” ayuu hadalkiisa kusii daray Obama. Obama waxaa uu sheegay in tuuristii dacwaddii ka dhanka ahayd Flynn ay ahayd arrin welwel leh. “Waa meesha ay kaaga billaabaneyso in aad welwesho – ma ahan dhaqan hey’adeed, fahamkeena sarreynta sharciga khatar ayuu ku jiraa,” ayuu yiri. Obama ayaa waxaa uu taageerayaa musharaxnimadda Biden, waxaa uuna uu sheegay in uu ku lug lahaan doono ololaha ka dhanka ah Donald Trump. Hoos ka daawo
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii maanta diyaarad ka duuleysay garoonka Aadan Cadde laga reebay senatorrada kala ah Cabdullaahi Sheekh Ismacil ‘Fartaag’ iyo Iftiin Xasan Baasto oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ayaa waxay Muqdisho ku qabteen shir jaraa’id, oo si kulul uga hadleen xayiraadii loo geystay. Diyaaradda laga reebay labadaas Senator ayaa siday meydka Allaha u naxariistee wasiirkii waxbarashada Jubbaland Macallin Maxamed Ibraahim oo dhawaan ku geeriyooday dalka Hindiya, kaas oo maanta lagu aasay magaalada Kismaayo. Fartaag ayaa sheegay in amarka looga reebay diyaaradaas u socotay magaalada Kismaayo ay bixiyeen Taliska Nabad sugidda Soomaaliya iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya. Senator Fartaag oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka dhawaajiyey in falkaas xayiraadda ah ee lagula kacay ay maxkamad kula tiigsan doonaan Madaxweyne Farmaajo oo sida uu sheegay sharcigii lagu doortay ku tumanaya iyo taliska Nabad sugidda oo uu ku eedeeyay xayiraadii maanta iyo arrimaha ka taagan gobolka Gedo. “Maxamed Cabdullahi Farmaajo dastuurkii lagu doortay ayuu ku tumanayaa, isaga oo adeegsanaya taliskiisa Nabad sugidda, marka warbahintaan kala hadlayaahe, dastuurkii lagu doortay madaxweynaha meesha ay uga qorantahay in Senator gobolkii laga soo doortay aadaya oo tacsi wada diyaaradda laga reebi karo waan ka rabnaa mana ka aamuseyno illaa maxkamadda ugu sareysa dalkan waan isla gaareynaa, maadaama uusanba dalku laheyn maxkamadii dastuuriga aheyd,” ayuu yiri Senator Fartaag. Senator Cabdullahi Fartaag ayaa sidoo kale labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan falalka nuucaan oo kale ah oo dalka ka socda, isagoo ku cel-celiyay in talada dalku ay god kusii dhaceyso. “Guddoonaka iyo xildhibaanada labada aqal waxaan rabaa arintaas in aysan dhayalsan, ‘baroortu orgiga ka weyn’ maanta waa lagu deyaa, berri mar kale ayaa lagu deyaa, maalinka dambena waxaa imaaneysa albaabada haloo xiro labada aqalba inay dhahaan. Waxaan hubaa nimanka aan maanta arkaayey inay beri dhahayaan labada aqal ee baarlamaanku way xiran yihiin wax hadli karana malahan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Senator Cabdullaahi Sheekh Ismacil ‘Fartaag’ oo laga soo doortay deegaanada Jubbaland. Halkan ka Daawo
-
Maamulka Magaalada Dhusamareb ayaa soo saaray Amaro ka dhan ah Dhulalka iyo Dadka Dhisanaya Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow ayaa Bulshada looga digay inaysay Dhisin Dhulalka iyagoon soo ogaysiin Maamulka. Arrintaan ayaa timid ka dib markii ay maalmahaan soo bateen kiisaska is qab qabsiga dhulalka waxaana maamulka ku sababeeyay inaan sharciga loo hogaansamin . Sidoo kale maamulka Magaalada waxa uu sheegay in cidi la helo iyadoo sharciga baal mareysa laga qaadi talaabo sharciga waafansan islamarkaana bulshada ay qaataan nidaamka Dowladnimada. Dhinaca kale Maamulka ayaa Mamnuucay inaan la qaban karin Shirarka iyo Kulamada Bulshada ee aan Maamulka la soo ogaysiin si looga hortago faafitaanka Xanuunka Covid-19. Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow oo goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aanan la ogeyn shirarka ay dadweyne isugu imaanayaan madaama loo baahanyahay in la qaato fariimaha wacyigalinta ee looga hortagayo Faafitaanka Cudurka safmareenka ah ee Karoona Feyruska. “Lama ogola in la qabto shirar iyo in laysku yimaado goobaha bulshada ay ku kulmaan maxaa yeelay cudurkaan sida ugu fudud uu ku faafi karo waa isdhaxgalka sidaa daraadeed waa muhiim la qaato fariimaha wacyigalinta “sida ayuu yiri guddoomiye Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah Muqdisho laga joojiyey in ay ka duulaan labo senator oo ka tirsan aqlka sare ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya xili ay ku sii jeedeen magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland sabab la xiriirta Aaska wasiirkii waxbarashada Jubbaland. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan xisbiga UPD iyo Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa laga reebay diyaaradda xili ay damacsanaayeen in ay wax ka galbiyaan Janaasada wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulka Jubbaland oo diyaaradii siday ay soo gaartay Muqdisho si ay ugu sii gudubto magaalada Kismaayo Sidoo kale Senator Fartaag oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay markii diyaaraddu damacday in ay duusho in sargaal ka tirsan Nabad sugidda uu amray in diyaaradda la joojiyo waxaana uu xusay in lagu amray duuliyayashii diyaaradda in haddii la rabo in diraaraddu duusho inaan ka harno aniga iyo Ifiin Saxan Baasto ayuu yiri senatorka. Cabdullaahi Sheekh ismaaciil Fartaag oo hadalkiisa siiwato wuxuu saxaafadda sidoo kale u sheegay in amarka looga reebay diyaaradda isaga iyo Senoter ka kale uu ka yimid wasiirka duulista iyo hawada xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar iyo sidoo kale Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoon ka Qaranka Soomaaliya. Hor istaagga maanta lagu sameeyey labada senator oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo weli aan xal waara laga gaarin khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeyo madaxda dowlladda federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland iyadoo dhowr jeer masuuliyiin laga hor istaagay in ay aadaan magaalad Kismaayo Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-habeen-10052020.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Fanaan Saalax Carab oo in muddo ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa ayaa maanta dib u helay xoriyadiisa, kadib markii uu dhawaan xabsiga kasoo dhex duubay cod uu ku sheegayo inuu yahay ‘Nin Yemeni ah oo u heesa Soomaalida’. Sababta rasmiga ee ka dambeysay xariga fanaanka ayaa ilaa hadda cadeyn, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya in loo haystay in uu kawada heesay magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho oo uu kasoo laabtay markii xabsiga loo taxaabay. Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga dhigta Fanaaniinta iyo Wariyeyaasha u socdaal magaalada Muqdisho, midaasi oo ay u aragto dambi laga galay qaranka, arrinkaasi oo dhowr jeer dhaliilo kala duwan loogu jeediyay xukuumada, xili ay ku doodo inay ka go’day Soomaaliya. Fanaan Saalax Carab oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Yemen ayaa sheegay inuusan marnaba abaal kala dhaxeyn fanaaniinta Somaliland, midaasi oo sii if-bixineysa Cadaawad cusub oo dhawaan ka dhex qaraxday fanaanka iyo kooxaha fanka ee Somaliland. Saalax Carab ayaa bulshada reer Somaliland, xisbiyada mucaaridka iyo Jaaliyadiisa Yementa ee gudaha Somaliland uga mahad-celiyay dadaalka ay ku bixiyeen in uu dib u helo xoriyadiisa. Fanaanka ayaa muddo ku xidhnaa xabsi ku yaala magaalada Hargeysa, iyada oo ay lasoo daristay xaalad xumo caafimaad, oo xiligaasina gebi ahaanba loo diiday inuu helo adeeg caafimaad.
-
Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xarsi ayaa shaaciyey in uu ka dhacay xanuunka safmareenka ah Covid-19. Wasiir Cabdullaahi ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook qoraal uu soo dhigay ku sheegay inuu ku dhacay Covid-19, haddana ay xaaladiisu wanaagsan tahay oo ku jiro katantiil. “Waxaa igu dhacay Covid19. waana ladanahay hadda. Qandho iyo wareer baa iigu darnaa maalmihii lasoo dhaafay. Waxaan isku xanibay guriga, cidna isma aragno, meelna umma baxo. Si aanan dad kale u qaadsiin, waxaan xanibnaan doonaa muddo 14 beri ah insha Allaah” ayuu qoraalka ku yiri Wasiirka Ganacsiga Puntland. Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga,Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland ayaa dadweynaha u soo jeediyey in qofkii uu ku dhaco Covid-19, uu is karantiilo, si uusan u faafin xanuunka. “Waxaan soo jeedin lahaa in qofkii xanuunsada uusan gurigiisa dhaafin. Hadii qofkaas Covid-19 ku dhacay caafimaad dareemayo, waxaa jira dad waayeel ah iyo dad xanuuno kale qabay oo aan u adkaysan karin Covid19” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Cabdi Xirsi. Tirada guud ee xaaladaha Covid-19 Puntland ayaa ah 76 kiis, halka saddex qof ay u geeriyoodeen xanuunka, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah u sii kordhayay kiisaska Covid-19 ee laga helayo gudaha Puntland. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Puntland oo xaqiijiyey in uu ku dhacay Covid-19 appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Coronavirus ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 57 xaalado cusub oo COVID-19 ah. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 3 bukaan ay geeriyoodeen cudurka, halka 8 qof oo kalana ay ka bogsoodeen. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 23 Somaliland 17 iyo Puntiland 17. Bukaannda cusub 41 kamid waa rag 16-ka kalana waa haween, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,054 kiis, 51 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 118 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 57 xaalado cusub oo COVID-19 ah, 3 bukaan ay geeriyoodeen 8 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 23 Somaliland 17 iyo Puntiland 17. Bukaannda cusub 41 kamid waa rag 16-ka kalana waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,054 xaaladood, 51 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 118 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada. Dowladda Soomaaliya oo xoogga saareysa xakameynta faafintaanka cudurka COVID-19, ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta cudurkaani bulshada ku yeelan karo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - Somali ambassador to Egypt and the Arab League Abdikani Mohamed Wa’ays has died in Kuwait after contracting COVID19. Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 57 xaalado cusub oo COVID-19 ah, 3 bukaan ay geeriyoodeen, 8 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliua Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 23, Somaliland 17 iyo Puntiland 17, bukaannda cusub 41 kamid ah waa rag,16-ka kalana waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee Soomaaliya laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,054 xaaladood, 51 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 118 ruux, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Wasiurka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah u sii kordhayay kiisaska Covid-19 ee laga helayo gudaha dalka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya: Kiisaska Karoona oo kor u dhaafay Kun appeared first on Puntland Post.
-
Roma (Caasimada Online) – A young Italian woman who was kidnapped by unknown gunmen from Kenya while volunteering as an aid worker has finally landed in Rome on Sunday a day after being released. A plane carrying Silvia Romano and other government officials has on Sunday touched down Rome’s Ciampino airport at about 2 p.m. (1200 GMT). Romano, accompanied by several masked men from the intelligence service, was given an arousing welcome by high ranking officials including Prime Minister Giuseppe Conte and Di Maio who greeted her. Prime Minister Conte hailed efforts by the task force, the judiciary, the defense and foreign ministries who took part in the release of the young lady. “We are so glad to welcome Silvia back in such a delicate moment for the country. The State is always there, and will always be there,” Conte said. Silvia Romano was working for an Italian charity called Africa Milele in Kilifi Kenya before the terrible incident occurred. Reports said that after her kidnapping, Ms. Romano ended up in the hands of militants linked to Somalia’s al-Shabab Islamic extremists. Al-Shabab has been blamed for a series of kidnappings of foreigners along Kenya’s coast. Kenya said the abductions of four foreigners prompted it to send troops to Somalia in 2011 to fight al-Shabab members. In 2011, a British man was shot dead and his wife kidnapped from a resort island, while weeks later a French woman was taken from her home on the Lamu archipelago. Soon afterward Al-Shabaab gunmen abducted two Spanish aid workers from the Dadaab refugee camp close to the Somali border in the only confirmed case of kidnapping inside Kenya by the jihadists. In April 2019, two Cuban doctors were kidnapped in northeastern Kenya and whisked to Somalia before $1.5 million (1.35 million euros) was demanded for their release. Kenyan police sources said the kidnapping bore the hallmarks of Al-Shabaab, a militant outfit that has been waging an insurgency against Somalia’s foreign-backed government for over a decade.
-
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay warbixinteeda maalinlaha ah ayaa shaacisay kiisas hor leh oo ah cudurka Covid-19. Warbixinta wasaaradda caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in dad gaaraya 57 qof laga helay xanuunka, kadib baaris lagu sameeyey. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in 23 ka mid ah dadkaasi laga diiwaan-geliyey Muqdisho, Somaliland oo ah 17 iyo Puntland oo laga diiwaan-geliyey 17 qof. Ugu dambeyn wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in dhimashada ay tahay 3 ruux, taas oo tirada guud ee dhimashada Covid-19 ka dhigeysa illaa 51 qof. Tirada cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa haatan mareysa 1,054 kiis, iyadoo dadka ka bogsadana ay gaarayaan 118 qof, sida lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee maanta ka soo baxday wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Somalia. View the full article
-
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Waare ayaa waxaa socdaalkiisa waxaa ku wehlinaya wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkiisa, waxayna magaalada Beledweyne ay u tageen sidii ay qeyb kaga noqon lahaayeen dadaalada looga hortagayo fatahaadda webiga Shabelle. Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay ayaa xusay in la kordhin doono dadaalada looga hortagayo fatahaada webiga Shabelle. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Maydka Allaha u naxariisto wasiirkii wax barashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland Marxuum Maxamad Ibraahim Maxamuud ayaa maanta laga soo dejiyey Garoonka diyaaradaha Sayyid Muxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo si aas qaran loogu sameeyo wasiirka gudaha magaalada Kismaayo. Waxaa janaasada marxuumka garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawlad goboleedka Jubbaland oo ay hor kacayaan madaxwayne Axmad Maxamad Islaam Madoobe iyo labada madaxwayne ku xigeen . Meydka Marxuumka ayaa la geeyay qubuuraha ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo halkaas oo salaada janaasada ah lagu tukaday laguna aasay halkaasi iyadoo Saalada ay kasoo qaybgaleen madaxda maamulka. Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dadaal badan ku bixisay sidii meydka wasiirka loogu Aasi lahaa loona keeni lahaa Magaalada Kismaayo ee caasimada dowlad goboleedka Jubbaland maadaama wasiirka uu ku geeriyooday wadanka Hindiya ka dib markii wasiirka uu haleelay xanuunka kansarka ugu dambayna uu u geeriyooday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland marxuum Macalin Maxamed Ibraahim oo maalmo ka hor ku geerIyooday dalka Hindaya ayaa Aas loogu sameeyey magaalada Kismaayo. Diyaarad ka soo kacday magaalada Muqdisho ayaa maanta Kismaayo keentay meydka Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim, waxaana markii meydka la keenay garoonka ku sugnaa madaxda ugu sarreysa Jubbaland iyo dad shacab ah. Meydka marxuum Macalin Maxamed Ibraahim waxaa diyaarada ka soo dajiyay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale waxaa diyaarada waday meydka Wasiirka la socday qaar kamid ah eheladiisa, xildhibaano ka tirsan dowlada Federaalka ah iyo xubno kale oo magaalada Kismaayo u yimid sidii ay uga qaybgali lahaayeen aaska. Meydka ayaa la geeyay qubuuraha magaalada Kismaayo, halkaas oo salaada janaasada lagu tukaday, iyadoo ay kasoo qaybgaleen boqolaal dadweyne oo kala duwan. PUNTLAND POST The post Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland oo lagu aasay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Roma (Caasimada Online) – Silvia Constanca Romano, oo ah haweeney samafalka ka shaqeysa, ayaa maanta ku laabatay magaalada Roma, kadib markii laga sii daysay kooxda Al-Shabaab oo in ka badan sanad iyo bar afduub ugu haysatay Soomaaliya. Silvia, oo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay kasoo qafaalatay deegaanka Chakama ee County-ga Kalifi ee dalka Kenya bishii November ee 2018-kii, ayaa lagu sii daayey howl-gal habeenkii Jimcaha ka dhacay meel 30 KM u jirta magaalada Muqdisho, kaasi oo ay fuliyeen ciidamada sirdoonka talyaaniga ee Aise. Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa Silvia kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Ciampino ee magaalada Roma, halkaasi oo ay cago dhigatay diyaaraddii ka qaaday magaalada muqdisho. Waxaa la arkayey ayada oo aad u faraxsan oo dhoola-cadeeneysa islamarkaana hab siineysa hooyadeed iyo walaasheed “Aaad ayaan u fiicanahay iminka, waxaan doonayaa kaliya inaan la midoobo qoyskeyga oo aan muddo arag,” ayey tiri Silvia. Diyaaradda Silvia ka qaaday Muqdisho, ayaa ka degtay garoonka Ciampino 2:00pm ee xilliga Roma, waxaana dadkii soo dhoweeyey ka mid ahaa, ra’iisul wasaare Giuseppe Conte, wasiirko arrimaha dibedda Luigi Di Maio iyo xubno ka mid ah qoyskeeda. “Nasiib wanaag, jir ahaan iyo maskax ahaan waan wanaagsanahay. Aad ayaan u faraxsanahay, kadib wax badan waa ay wanaagsan tahay inaan soo laabtay,” ayey tiri Silvia. Silvia ayaa waxa ay xirneyd dhar Soomaali dirac iyo xijaab ah, ayada oo sidoo kalena sidatay maaskaro iyo gacmo gashi looga hortago cudurka Coronavirus. “Soo dhowow Silvia. Waa astaan rajo iyo kalsooni muujineysa in dalkaaga uu ku joogo, oo aanay dhibaatooyinka kale ee jira ka mashquulin inuuku caawiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Conte. Sida ay ogaatay Caasimada Online, sii deysmada Silvia ayaa waxaa muddo ka shaqeynaysay Hay’adda Sirdoonka Dibedda iyo Amniga Talyaaniga ee loo soo gaabiyo Aise, ayaga oo ay kala shaqeeyeen kuwa Soomaaliya iyo Turkiga. Hoos ka daawo sawirrada iyo muuqaalka Silvia ee Roma
