Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo warbixintiisii maalinlaha ahayd la wadaagaya bulshada ayaa maanta sheegay inay afar iyo labaatankii saacadood ee u dambeeyey baadhitaanadii ay sammeeyeen ay ku ogaadeen shan kiis oo cusub oo xannuunka karoona fayras ah. Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadku waxa uu cadeeyey in shanta kiis ee cusub shantuba ay rag yihiin isla markaana ay ku sugan yihiin gobolkan Maroodi-jeex, iyadoo da’adoodu ay u dhaxayso 30 jir ilaa 70 jir, taas oo tirada guud ee xannuunka karoona fayras dadka uu soo ritay ee Somalialnd ka dhigaysa 48 kiis, waxayna shantan qof ka soo baxeen labaatan qof oo baadhitaan lagu sameeyey iyadoo tirada guud ee baadhitaanka lagu sameeyey dalka oo dhan ay noqonayso 426 qof. wuxuuna agaasimuhu sheegay inay sideedii u soconayso baadhitaanadii laga waday goobaha kala duwan ee xadduudaha dalka laga soo galo, iyadoo afar iyo labaatankii saacadood ee uu dambeeyey laga hubiyey xannuunka dad tiradoodu gaadhayso laba kun boqol iyo laba iyo sideetan qof, halka ay xarunta guud ee la socodka xannuunka koofidh-19, ay la soo xidhiidheen dad gaadhaya saddex iyo toban kun laba boqol iyo sagaal iyo labaatan qof, iyadoo ay xaaladda karantiinka ay ku jiraan todobaatan qof oo ay wasaaradda caafimaadku ku hayso goobo loogu talo galay. Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. maxamed Cabdi Xergeeye, waxa uu intaas ku daray inay tirada xannuunkaas ka bogsatay ay tahay lix qof, halka dadka ay xaaladoodu adag tahayna ay gaadhayaan ilaa shan iyo toba qof, wuxuuna agaasimuhu ka codsaday bulshada inay qaataan fariimaha wacyigelinta wasaaradda caafimaadka ee la xidhiidha xannuunka koofidh-19, isagoo intaas raaciyey inay dadku kala fogaadaan isla markaana ay ku dedaalaan nadaafada guud si looga dheeraado wax kasta oo uu xannuunkaasi ku faafi karo. Source
  2. Wararka naga soo gaaraya magalada Beledweyne ee xurunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta uu ku fatahay webiga Shabelle ee mara magaaladaasi. Biyaha webiga ayaa galay xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada, iyadoona qoysas badan ay isaga barakaceen halkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa socday dadaalo xoogan oo ay iska kaashanayeen HirShabelle iyo dowladda dhexe, balse ma noqon kuwo lagu guuleystay, si looga hortago fatahaada webiga Shabelle oo marar badan fatahaad ka geystay Beledweyne. View the full article
  3. Barnaamij lagu Ciidsinayo illaa 170 caruur ah oo ay hal abuurkiisa leedahay shabkadda warbaahinta Shabelle oo kaashaneysa culimada masjidka Xaaji Yuusuf ayaa waxaa maanta lagu qabtay degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, halkaas oo caruurta loogu qeybiyey dhar iyo agab kale oo ka qayb qaadanaya farxadooda Ciida. Cumar Sheekh Axmed (Cumar Shaam) oo ku hadlayey magaca Shabelle ayaa uga mahadceliyey dadkii xoolahooda ugu deeqay Ciidsiinta caruurtaasi Agoonta ah. Dhankooda culimada masjidka Xaaji Yuusuf ayaa waxa ay ka sheekeeyeen muhiimadda iyo xilliga barnaamijkaani soo bilowday, iyaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in sanadkaan kan xiga ciidsiinta caruurta au intaan ka sii badnaato Sidoo kale qaar ka mid ah hooyooyinkii caruurtooda loo Ciidsiiyey oo iyaguna helay dhar Ciid ayaa ka mahadceliyey dadaalka ay ugaleen culimada Masjidka Xaaji Yuusuf iyo sidoo kale shabkadda warbaahinta Shabelle ee magaalada Muqdisho. Ugu dambeyn Cabdiraxman Xuseen Tahliil oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa xusay in barnaamijkaan lagu Ciidsiiyey agoonta uu yahay mid xilligan aad loogu baahnaa. Waa markii afaraad oo ay Shabelle iyo culimada masjidkaa Xaaji Yuusug ay iska kaashanayaan Ciidsiinta Agoonta ah, si looga farxiyo caruurtaasi. View the full article
  4. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabelele Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan dhinaca khadka Internet-ka ah la qaatay Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya. Qoraalka ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in ay fududeyeen Kulankaan dhex-marey Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xubnaha Beesha Caalamka. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay in ay fududeyso kulan dhex maray Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, kulankaas oo looga hadlay arrimo badan oo Muhiim u ah dalka” ayaa lagu yiri qaraalka qaramada Qidoobay. Kulanka hab muqaalka ay yeesheen labada dhinac waxaa looga hadlay arrimaha Xanuunka Covid-19, qorsheynta nidaam doorasho oo ah ‘hal qof iyo hal cod,’ amniga iyo arrimo kale uu quseeya maamulka Hirshaneelle. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo kulan hab muuqaal ah la qaatay Xubo ka tirsan Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedeyn culus usoo jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa Dowladda Soomaaliya u sheegay inay soo celiso lacag uu sheegay inay ka dhacday dadka reer Beledweyne. Odawaa ayaa Madaxweyne Farmaajo ka codsaday inuu soo celiyo illaa 13 waxyaabood oo uu sheegay inuu madaxweynaha ka qaatay dadka iyo dalka Soomaaliya. Odawaa ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay inuu kaliya rajo ka yeelan karo inuu gaaro waqtiga doorashada haddii uu intaan arrin soo celiyo haddii kale uusan gaari doonin xilliga xil heyntiisa ka dhiman sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay barta Facebook Madaxweyne CBB kursiga kuguma hayn karaan. Waxaa maalmahaan soo caddaaneysa in lagaaga adkaanayo loollanka baraha bulshada, oo aad ku bixisay malaayiin doollar si laguu libaaxeeyo, dadka kaa aragti duwanna loo sumcad dhaamo. Haddaba, maadaama aad ku fashilintay hoggaaminta dalka, waxba ha isku mashquulin inaad muddo kororsi raadsato, ee fadlan #SooCeli karaamada dalka: 1. Fadlan #SooCeli lacagta aad ka dhacdeen dadka Beledweyne. Wali qeybtii China ayaa idinku maqan. 2. Fadlan #SooCeli ciidanka qaranka ee aad Gedo u dirtay si aad u naafeyso maamulka Jubbaland, una huriso colaad beeleed. 3. Fadlan #SooCeli karaamada mujaahid Qalbi Dhagax, raalli galinna ka bixi cadow u dhiibiddii aad ku sameysay, ONLF na ka saar liiska argagixisada. 4. Fadlan #SooCeli haybaddii Baarlamanka Federaalka oo aad afduubtay markii aad si sharci darro ah ku ridday Guddoomiye Jawaari. 5. Fadlan #SooCeli wadashaqeyntii wanaagsaneyd ee ka dhaxeysay Dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. 6. Fadlan #SooCeli canshuurta dadka Muqdisho, ugu dhis waddooyinka burbursan ee roobabku qaadeen. 7. Fadlan #SooCeli furnaanshaha waddooyinka Xamar oo aad xiratay 3 sano kahor, si aad u cabburiso dadka Xamar. 8. Fadlan #SooCeli xorriyadda saxaafadda ee aad qaarna iibsatay, inta kalena cabburineyso. 9. Fadlan #SooCeli xorriyadda muwaadinka iyo dhaqdhaqaaqiisa oo aad xannibtay. 10. Fadlan #dibuceli ciidanka Itoobiya ee aad dalka ku baahisay oo haatan soo ridaya dayuuradaha gargaarka. 11. Fadlan #SooCeli wiilasha aad u dirtay Eritrea ee aad usoo tababareyso in Soomaaliya ay dalkaas oo kale ka dhigaan. (Dictatorship). 12. Fadlan #SooCeli wadahadalkii mira dhalka ahaa ee lagula jiray Somaliland, kana jooji colaadda aad ka hurineyso dhulkaas nabadda ah. 13. Ugu dambeyn, fadlan #SooCeli neefsiiyihii (ventilator) aad ka qaadatay Martini Hospital adigoo naftaada ku ilaalinaya. FG: Muwaadin waxaad ku dari kartaa wixii kale oo ay kula tahay in uu soo celiyo Farmaajo inta uusan xilka wareejin dhawaan. Intaas haddii aad sameyso, waxaad leedahay rajo aad ku gaarto doorashada. Haddii kalena, 7 bilood ee kuu hartay ayaa nagu badan.
  6. Aqoonyahanka Michael Rubin oo ah khabiir Maraykan ah ayaa Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto ku eedeeyay inay doonayaan inay midnimo qasab ah ka dhex dhaliyaan mar kale Somaliland iyo Soomaaliya. Qormo uu shalay baahiyay Michael Rubin, ayaa wuxuu ku sheegay in danjiraha Maraykanku uu si indho la’aan ah u doonayo inuu heshiis jujuub u muuqda ka dhex dhaliyo Somaliland iyo Soomaaliya, “Arrintani waa isku day uu danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto isaga oo kaashanaya raysalwasaaraha aan waayo aragga ahayn laakiin himilada badan ee Itoobiya, uu ku doonayo in xal lagu soo rogo qadiyadda Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa, waxaanu intaas ku daray “Fikirka ah wadahadallo uu ka dhasho midowga Soomaaliya, ma’aha wax cusub; Turkiga ayaa hore ugu dadaalay in uu dhexdhexaadiyo, inkasta oo damaciisa dhaqaale iyo aragtiyihiisu ay sababeen in dadka deegaanku (Somaliland) ay ka aamin baxaan awoodda uu arrintaas u leeyahay ama damaciisa ah in uu noqdo dhexdhexaadiye daacad ah. Si kastaba ha ahaato ee, ma cadda, sababta arrintan hadda keentay? Somaliya waxa ay qarka u saaran tahay guul darro, halka Somaliland ay si weyn u xasiloontahay. “ Wuxuu sheegay in Somaliland ay tan iyo 1991kii ku jirtay hayaan horumar, “Waxaas oo dhan ka sokow, markii ay Soomaaliya burburtay 1991 kii, Somaliland guul ayaa ay kor ugu soo kacday – waxa ay soo jiidatay ganacsiyo, waxa ay dhisatay dugsiyo heerkoodu aad u sarreeyo, waxa aanay qabsatay doorashooyin dimuqraaddi ah oo lagu hubiyey qalabka sawirka isha. Wadaniyiiyinta Soomaalidu waxa ay jeclaan lahaayeen in ay gacanta ku dhigaan talada Somaliland. Si kastaba ha ahaato ee dadka Somaliland intooda ugu badani, ma xiisaynayaa in ay nafahooda raciyad uga dhigaan dal ah kan ugu musuqmaasuqa badan adduunka welina qarka u saaran guuldarro.” Wuxuu danjire Yamamoto ku eedeeyay inuu madaxda Soomaalida ugu hanjabo inay gaadhaan heshiis midnimo ah, “Yamamoto waa uu iska jeclaan karaa in uu shaqadiisa ku galaalo guulo diblumaasiyadeed, waanu aamini karaa in uu hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu cawaandadoodo in ay heshiis midnimo gaadhaan, inkasta oo ay Washington taladu ka baahsantahay. Dib u dhiska Soomaaliya iyo israaca gobalku waxa ay ahaayeen mawduuca ugu muhiimsan ee shaqadiisa.” Ayuu yidhi. Waxa kale oouu Dr. Rubin intaas raaciyay in dadka reer Somaliland badankoodu ka soo horjeedaan midnimo mar dambe dhex marta Soomaaliya oo ay xorriyadooda dib ugala soo noqdeen sannadkii 1991kii. Source
  7. Silvia Constanza Romano, oo u dhalatay dalka Talyaaniga, dhawaana laga soo badbaadiyey Afduub muddo 18 bilood ah ay ugu haysteen Somalia koox xidhiidh la leh ururka Al-shabaab ayaa qaadatay Diinta Islaamka. Romano, oo da’deedu tahay 25, ayaa laga afduubay magaalada xeebta ku taal koonfur-bari ee Chakama bishii Novembar 2018, waxaana afduubkaasi laga soo badbaadiyey Axadii iyada oo ay siidaynteeda ka wada shaqeeyeen sirdoonka Turkiga, Soomaaliya iyo Talyaani. Haweenaydan Talyaaniga eek u afduubnayd Somalia ayaa sheegtay inay iyadu si iskeed ah u qaadatay diinta Islaamka oo aan lagu khasbin, kadib markii ay ka baratay Qur’aanka iyo waxoogaa Carabi ah sida ay hadalka u dhigtay. Source
  8. Maamulka Puntland oo hub fara badan lagala baxsaday,Halka lala galay & wararkii ugu dambeeyey Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ku sugnaa gobolka Bari ay habeen hore la baxsadeen hubkooda, kadib markii ay si dhuumaaleysi ah uga fakadeen deegaanka Af-Urur. Ciidamadaasi ayaa lagu soo warramayaa inay u baxsadeen dhanka gobolka Sanaag, iyaga oo doonaya inay iibsadaan hubkaasi oo u badan AK47. Wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta baxsatay ay yihiin kuwa dhowaan tababar loogu soo xidhay xerada Xorgoble ee Qardho, iyadoona kadib la geeyey deegaanka Af-Urur, si ay ula dagaalamaaan Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan buuraleyda Bari. Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland Genaraal Yaasiin Cumar Dheere ayaa amray saraakiisha ciidamada maamulkaasi in si deg-deg ah loo soo qabto askartaasi. Sidoo kale taliyaha oo haatan ku sugan degaanka Badhan ayaa sheegay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan ciidamadaasi, islamarkaana ay la tiigsan doonaan maxkamad, si looga qaado tallaabo adag. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay askar ka baxsato Puntland, waxaana jira ciidamo ka tirsanaa maamulkaas oo hub iyo gaadiid la goostay oo ku biiray Somaliland. Share this: Qaran News
  9. Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, oo ah ganacsade ka soo jeeda dalka Jabuuti, ayaa madaxweyne ku xigeenka somaliland ahna gudoomiyha Guddida Covid-19 ee Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ku wareejiyey $100.000 oo doolar. Halka uu ku wareejiyey gudoomiyaha hay’adda u diyaar garawga aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed qadar lacageed oo dhan $70.000 oo bulshadda jilicdasan raashin loo siin doono . Source
  10. Gabadh Soomaali ah oo qoyskeeda ay ku ogaadeen arrin aysan ka filaneynin “Maxaa tiri?! Hilibka waan ka caagganahay aa?….yaah?!… Maxaa xiga marka… ma waxaad tuuri rabtaa xijaabka?!” Hadalladaas waxaa tiri Sumaya hooyadeed, ka dib markii ay ogaatay in gabadheedu aysan hilibka cunin balse khudaarta oo kaliya ay cunto. “Waxaan jeclaan lahaa inaan hooyadey muuqaal ka duubo markaas! jirkeeda oo dhan wuu isbaddalay. Waxay ii arkeysay sidii inaan qof dilay oo kale”, ayey tiri Sumaya oo 18 jir ah, kana soo jeedda galbeedka London. “Anigana waxaan dhahay ‘hooyo, aniga qof bani’aadan ah ma dilin. Wax sidaasoo kale u weyn ma sameynin”. Sida dad badan oo reer Britain ah ay maanta yihiin, Sumaya waxay isku tahay dhowr waxyaabood. Haweeney, muslim ah, xijaab xirata, Soomaali ah. iyo tan ugu dambeysay oo ah inay tahay qof hilibka ka caaggan oo khudaarta kaliya cuna. Qiyaastii 540,000 oo dadka hilibka ka caaggan ah ayaa ku nool waddanka Britain, sida lagu sheegay daraasad la sameeyay sanadkii 2016-kii. Tiradaas waxay 150,000 ka sarreysaa halkii ay mareysay sanadkii 2006-dii, taasoo ka dhigan in dadka noocaas ah ay sii kordhayaan. Diinta Islaamka, in hilibka xoolaha la cuno waa xalaal, taasina micnaheedu waa in dadka muslimiinta ah ay hilibka cunaan iyagoo diintooda raacaya. Dadka Muslimiinta ah qaarkood waxay aaminsan yihiin in haddii la iska mamnuuco wax diinta lagu xalaaleeyay ay tahay tallaabo xaaraam ah. Sidey Sumaya qoyskeeda ku ogaadeen inay hilibka ka caaggan tahay? Sumaya durbaba waxay si shakhsi ah u dareentay khilaafka noocaas ah ee salka ku haya in waxa ay diintu banneysay la iska xaaraantinimeeyo. Waxay muddo lix bilood ah qoyskeeda ka qarineysay inay khudaarta kaliya cunto, oo aysan hilib cunin. Laakiin habeen habeennada ka mid ah ayuu aabaheed u keenay raashin aad loo soo hagaajiyay, oo ah digaag la dubay. Da’deedu waxay ahayd 16 xilligaas, jilibka ayeyna ka dhaawacneyd, sidaas darteed ayuuna aabaheed ugu keenay wax fiican. “Markii uu guriga yimid, wuu ii yeeray, raashinka digaagga ah ayuuna gacanta ku hayay”, ayey tiri iyadoo dib u xasuusaneysa dhacdadaas. “Waa raashinkii aad ugu jecleyd ayuu igu yiri isagoo dhoollacaddeynaya”. Baahidii heysay ayaa isu baddashay walwal iyo naxdin ku saabsan sida ay ka yeeleyso arrinta markaas heysatay. Laakiin waxaa la joogay wakhtigii ay mowqifkeeda caddeyn lahayd. Sumaya waxay ku kortay qoys muslim ah oo Soomaali ah, hilibkuna gurigooda wuxuu ka ahaa cuntada joogtada ah. “Quraacda, qadada iyo cashadaba hilib ayaan ku sameysan jirnay, hilib ayaa raashin walba noo ahaa”, ayey tiri. Gudaha Britain tirada Muslimiinta waxay ka tahay qiyaastii 4.6% ka mid ah tirada guud ee shacabka, laakiin sida lagu sheegay daraasad ay sameysay hay’adda wax soo saarka hilibka ee AHDB Beef & Lamb, 20% ka mid ah hilibka lagu sameeyo UK waxaa isticmaala muslimiinta. Sumaya markii ay 15 sano jirtay ayey billowday inay ka fikirto xaddiga hilibka ay cuni jirtay, iyo saameynta uu caafimaadkeeda ku leeyahay, sidaas darteedna waxay dareentay inay isbaddal u baahneyd. Waxay gashay Youtube-ka, iyadoo raadineysa nooca raashinka ah ee ay ku baddalan karto hilibka. “Waxaan arkay gabdho caddaan ah oo dhuudhuuban, oo sheegaya in qofkii sidooda oo kale doonaya inuu cuno khudaarta kala duwan”, ayey tiri. “Markii aan isku dayay, oo aan dhowr bilood waday, waxaan dareemay inaan aad ugu fiicnaanayay”, ayey tiri Sumaya. Maxay sameysay maalintii uu aabaheed u keenay digaaga? Cabbaar markii ay taaban weysay hilibkii ayuu aabaheed dareemay inaysan cuni rabin. “Aabe wuxuu igu yiri: ‘maxay tahay xushmad darradan, waa maxay sababta aad u cuni la’dahay raashinka aan kuu keenay?”. Halkaas ayey arrinteedii ku caddaatay, qoyskeedana waxay ku noqotay fajac. Sumaya waxay hadda wax ku qortaa website looga hadlo faa’iidada khudaarta, waxayna farriimo taageero ah ka heshay dad badan oo muslimiin ah, kuwaasoo doonaya inay billaabaan cuntada khudaarta kaliya ah. Qaran News
  11. Jamaame (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan goballada Jubooyinka iyo Shabeellada Hoose. Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in xalay duqeyn lala beegsaday dagaalamayaal Al-Shabaab ah, oo ku sugnaa xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubada Hoose, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Xogta la helay ayaa sheegeysa in duqeynta lagu aadiyay iyadoo loo khudbeynayo ciidamo Al-Shabaab ah oo loo diyaariyay iney weeraraan degaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 50 KM u jira magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose. Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in la duqeeyay xubno Al-Shabaab ah oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe. Duqeynta Jilib ayaa la sheegay in lagu dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab, gaar ahaan Golaha fulinta ee Al-Shabaab. Wali magaciisa lama helin balse wararka qaar ayaa magaciisa ku soo koobaya Yuusuf. Duqeynta ugu culus ayaa ka dhacday degaanka Haway ee gobalka Shabeellada Hoose waxaana lala beegsaday la taliyaha gaarka ah ee hogaamiyaha Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Mustaf Caato. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in Mustaf Caato oo ah xubin muhiim ah oo ka tirsan la dilay waxaana sidoo kale duqeyntaas ku dhintay xubno isaga la socday oo u badan ilaaladiisa.
  12. Wararka ka imaanaya duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in maanta askari ka tirsanaa ciidamada Booliska lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Sh/Hoose. Rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa la sheegay inay askariga toogteen, xilli uu ku sugnaa suuq ku yaalla deegaankaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxda toogashada geysatay ay horay u sii qaateen qoriga askarigaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dhacdada kadib ay goobta soo gaareen ciidanka amniga, ayna qabteen hal qof oo laga shakiyey. Inta badan Al-Shabaab ayaa sheegata dilalka ka dhanka askarta dowladda ee ka dhaca gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo duleedkeeda. View the full article
  13. Upon the request of the Government of Puntland, the UN envoy James Swan facilitated a meeting for International Partners to mobilize humanitarian support and re-construction efforts for the flood-hit Qardho. During the meeting, President Deni has thanked all international partners who participated in the meeting and said Puntland looks forward to the humanitarian mobilization efforts. Somali PM Hassan Ali Khaire has also participated in the virtual conference on the Qardho flood crisis, according to Puntland state presidency. At least 6 people lost their lives after a flash flood in the town last month, making hundreds of residents homeless and destroying houses and commercial buildings. View the full article
  14. At least two soldiers were reported to have been hurt in a hand grenade attack targeted a security checkpoint in Mogadishu, the Somali capital on Monday night. The attack took place at the Tarabunka junction, where Somali police search the vehicles as part of the security measures put in place in the capital by the Federal Government. Following the explosion, the police opened fire at different directions with reports that two civilians at a nearby area have been wounded by the stray bullets. There was no immediate claim of responsibility for the attack, however, such blasts are mostly attributed to Al-Shabaab, the Al-Qaeda affiliate fighting the government. View the full article
  15. Guddoomiyaha arrimaha bulshada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Cabdullaahi Xasan Cabdi (Toosane) oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in kiisas ka mid ah cudurka Coronavirus laga diiwaan-geliyey magaaladaasi. Toosane ayaa sidoo kale tilmaamay in saameynta Covid-19 si weyn looga dareemayo magaalada Afgooye, islamarkaana ay jiraan dad badan oo u dhintay cudurkaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in isaga xitaa uu ku dhacay Coronavirus, balse uu haatan ka caafimaaday. Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday Koonfur Galbeed iyo dowladda dhex inay gurmad deg-deg ah la soo gaaraan shacabka degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/cccccc.mp3 View the full article
  16. Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland, Generaal Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa amray in gacanta lagu soo dhigo askar ka goosatay maamulkaasi. Yaasiin Cumar Dheere ayaa sheegay in ciidamadaasi ay la baxsadeen hub xilli habeen ah, iyaga oo ka tegay fariisin ku taalla deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay u baxsadeen dhanka gobolka Sanaaga ee waqooyiga Soomaaliya, islamarkaana ay doonayaan inay iibsadaan hubkaasi. Lama shaacin tirada askartaasi oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen ciidamadii dhowaan lagu tababaray xerada Xorgoble ee magaalada Qardho. View the full article
  17. Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii u dambeeyey ku fatahay xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Fatahaada ayaa ka timid, kadib markii roobab ay ka da’een degaano ku teedsan Wadiga Shabeelle, isla markaana wabiga uu keenay biyo xad dhaaf ah, taasoo sababtay uu in bilowday barakac hor leh oo qabsaday reer Beledweyne. Xaafadaha u sida weyn ugu fatahay Wabiga, waxaa kamid ah xarunta Lamagalaay, Kooshin, Kutiinbo iyo Raadeerka, waxaana dadkii deganaa ay badankood uga baxeen degaanka Ceel Jaale oo horay ugu dhibaateysnaayeen dad ka barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle. Magaalada Beledweyne waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dadaalo xooggan oo lagu moosayo jiinka Wabiga, waxaana la dhigayay carro tuur badan, balse xowliga biyaha oo aad u xoogan ayaa jabsaday, taasina waxay keentay in xaafado hor leh ay biyo galaan. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in ay jiraan dad dano gaar ah oo dadka barakicinaya, waxaana uu uga digay ha’adaha samafalka in ay gurmad gaarsiiyaan dadka ka baxay fatahaada, isagoo dhanka kale ka cosday in ay ka qeyb qaataan sidii xal loogu heli lahaa fatahaada Wabiga Shabeelle. fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa sanadihii u dambeeyey soo noqnoqonaysay, iyadoo aysan jirin cid wax ka qabatay. PUNTLAND POST The post Beledweyne: Wabiga Shabeelle oo ku fatahay xaafado hor leh appeared first on Puntland Post.
  18. Degmooyinka Xamarjajab iyo Marka oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Hoose ayaa caawa ku madlan tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Labad degmo ayaa ku wada jira group-ka C wareega koowaad, is-aragiisa saddexaad ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Sidoo kale degmooyinka Xamarjajab iyo Marka ayaa isku dhibco ah, marka dibloo eego natiijada tartamadii hore ee ay ka soo qeyb-galeen, waxaana degmo waliba ay soo badisay hal kulan, halka min kulan kalena laga soo adkaaday. Tartan aqooeedka Shabelle ayaa haatan maraya meel xiiso badan, waxaana wareega labaad iska sii xaadiriyey illaa afar degmo oo kala ah Howlwadaag, Wadajir, Dayniile iyo Xamarweyne oo dhammaan ka wada tirsan gobolkaan Banaadir. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahiyay in tiradii ugu badneyd ee hal mar kasoo goosta ciidamada maamulka Jubbaland lagu soo bandhigay goobo ka tirsan Jubbada Hoose. Sida lagu qoray warbaahintaas, ilaa iyo shan ka mid ah askarta maamulka Jubbaland ayaa ka goostay saldhig ku yaala deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka ka ah magaalada Kismaayo. Ciidmada ka goostay maamulka Juubaland iyo hubkooda waxey sida la sheegay isku dhiibeen xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qaacida. Warka lagu faafiyay warbaahinta ayaa lagu sheegay in ciidamada is dhiibay ay dhibaato ka tabanayeen ciidamada Kenya. Liiska Ciidamada isku dhiibay Al-Shabaab: Aadan Cismaan Cumar Cusmaan Maxamed Xuseen Ibraahim Xasan Cabdullaahi C/qaadir Cumar. Maxamed Cali Bakar Al-Shabaab waxey sheegteen iney ciidamada kasoo goostay maamulka Jubbaland lacago ugu badaleen hubkooda isla markaana ay rajeynayaan iney dib ugu laabtaan eheladooda.